2 wiil oo lagu eedeeyay burcadbadeednimo oo cafis loo fidiyay, laguna celiyay Somalia

By Xasan Muse Xuseen oo Garoowe jooga

Agoosto 15, 2012

  • 3 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Labo dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku eedaysnaa burcad-badeednimo ayaa dib loogu soo celiyay waalidkood maalintii Isniinta (August 13keeda) kadib markii ay maxkamad ku taal Seychelles ay go’aamisay inay caruur yihiin xukuna uu qabanin.

Agaasimaha La Dagaalanka Burcadbadeeda ee Puntland Cabdirisaaq Maxamed Dirir ayaa sheegay in labada dhalinyaro, Cabdulqadar Maxamed oo 12 Jir ah iyo Burhaan Yaasiin Axmed oo 11 Jir ah, ay ka mid ahaayeen 16 eedaysane oo ciidamada ilaalada xeebaha ay ka qabteen Deegaanka Xaafuun ee Gobalka Bari bartamahii bishii Janaayo?

“Afar iyo tobankii kale ee lala qabtay Dhalinyaradaan ayaa 31-kii July Maxkamadda Seychelles ku xukuntay inta u dhaxaysa 2 sanno iyo bar ilaa 12 sanno oo xarig ah,” sida uu Dirir u sheegay Sabahi “Sida aan ka soo xiganay bayaan aanu helnay, labadan wiil waxaa cafiyay xaakinka oo yidhi way da’ yar yihiin, wuxuuna amray in dagdag loogu celiyo Soomaaliya.”

Dirir ayaa sheegay in caruurta lagu keenay Garoowe diyaarad khaas ah oo ay bixisay Xafiiska QM ee Maandooriyaha iyo Dambiyada ee UNODC laguna wareejiyay ciidamada Puntland iyo waalidkood.

Axmed ayaa dafiray inay ku guda-jireen falal burcad-badeednima ah markii la qabtay, wuxuuna yidhi waxaan ka mid ahayn kaluumaysatada daggan Xaafuun. Wuxuu kaloo sheegay in intii ay xidhnaayeen ay la kulmeen marxlado dhib badan kuwaasoo ay ka mid yihiin inay waayeen dhaqaatiir iyo raashin ku filan intaba.

Dirir ayaa sheegay in siidaynta wiilashani ay ka mid tahay heeshiis ay gaadheen dowlad goboleedka Puntland iyo dowladDa Seychelles 18-kii Abriil, 2011.

"Heshiiska ayaa qeexaya in Soomaalida la cafiyay oo ku sugan Seychelles lagu soo celin karo Puntland, iyadoo aan loo eegayn deegaanka ay ka soo jeedaan," ayuu yidhi. "Maxaabiista la xukumay waxay ku dhamaysan karaan xabsigooda Puntland, kuwa aan la xukumina halkan ayaa lagu xukumi karaa."

Tani waa markii ugu horaysay oo maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xidhan Seychelles dib loogu soo celiyay dalka. Bishii Abriil, 17 burcad-badeed oo la xukumay ayaa loo wareejiyay Somaliland si ay u dhamaystaan xabsigooda.

Sida uu sheegay Dirir, maamulka Puntland waxay ka dalbadeen caalamka in loo sameeyo fursado tababarro xirfadeed dhalinyarada ka baxday burcad-badeednimada iyo kuwa laga yaabo inay ku haminayaan inay galaan. Bishii May, maamulka qabatay tartan kubadeed oo lagu dhiiri-galinayo dhalinyarada loogana hor-joogsanayo inay ku biiraan burcad-badeednimada.

Hay'ada Caalamiga ah ee Badaha ayaa sheegtay inay yaraadeen weerarada burcadbadeeda sannadka 2012 badhkiisii hore, taasoo ay sabab u tahay dadaal dheeraad ah oo ay la yimaadeen cidamada caalamiga ah ee ilaalada badaha. Bishii June, madaxweynaha Somalia Sheikh Sharif Sheikh Axmed ayaa ka dalbaday caalamka hub iyo xirfado lagula diriro burcadbadeednimada, kaasoo saadaaliyay in wadanku uu kaga takhalusi karo burcad-badeednimada sannad gudihii.

Dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay burcad-badeednimo ayaa ku xidhan dalka dibadiisa sida uu Dirir sheegay. Arrintani waxay werwer wayn ku haysaa waalidkood, iyagoo aan qaarkood ogayn halka ay ku sugan yihiin caruurtoodu.

Sahra Daahir oo 42 jir ah, ahna Axmed hooyadiis, ayaa u sheegtay Sabahi inay ku faraxsantahay in loo soo celiyay wiilkeeda sideed bilood ka dib.

"Waxaan odhan lahaa waalidka ka ceshada caruurta badaha iyo burcad-badeednimada, gacantana ku adkeeya inta aad faraha ku haysaan," ayay tidhi. Waxay u mahad-celisay cid walboo ka caawisay inay dib u soo ceshato inankeeda, taasoo sheegtay inay werwer ku sugnayd intii uu ka maqnaa.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 5)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • Yusuf Jibril
    August 17, 2012 @ 05:34:00AM

    Budhcadbadeeda ka jirta xeebaha soomaaliya waa mid ku socota xawli cabsi leh, waxaany khatar ku haysaa marin biyoodyada caalamka kuwa ugu muhiimsan. Sidoo kale, waxaa jirta cabsi laga qabo in ay budhcadbadeedu isu rogeen qaar gacan saar la leh waxa loo yaqaano argagixisada caalamiga ah, waxaana laga cabsi qabaa in lacagta madax furashada ah ee budhcadbadeeda la siiyaa ay aakhirka noqoto mid lagu sii huriyo dagaalada soomaaliya ka socda, isla markaana lagu caawiyo kooxda alshabaab iyo kooxaha islaamiyiinta ah ee soomaaliya jooga. Budhcadbadeedu waxay adeegsadaan doonyo xawaare dheer ku socda, kuwaasoo lagu qaado doon wayn, oo ku hubaysan hubka sida darandooriga ah u dhaca iyo dhuumo hubka culusi ka dhaco, waxaana loo malaynayaa inay haystaan madaaficda gantaaladu ka dhacaan. Sidoo kale, waxay adeegsadaan telefoono ku xidhan dayax gacmeedyada, waxaanay wararka qaarkood sheegayaan inay kooxahaasi adeegsadaan hub ah nooca degta lagu qaado iyo dhuumo ay gantaalo ka dhacaan, waxa kaloo loo malaynayaa inay haystaan nidaamka loo yaqaan GPS ka, oo ah mid lagu ogaan karo dhaqdhaqaaqa dadka iyo gaadiidka. Marinka cadmeed waa albaabka koonfureed ee laga galo bada cas iyo marinka suways kanal, waxaanuu yahay marinada dunida ugu muhiimsan ee daabulka badeecadaha loo adeegsado. Sidoo kale, gacanka cadmeed iyo bada casi waa marin ganacsi oo muhiim ah, kaasoo isku xidha qaaraadaha Europe iyo Asia. Dhanka kale, gacanka cadmeed iyo bada casi waa marinka kaliya ee ruushka iyo dalalka kale ee kulaalaya bada madaw ku xidha dalalka galbeedka afrika iyo dalalka dhaca koonfur-bari qaarada aasiya. Intaa waxa dheer, gacanka cadmeed waa marinka kaliya ee uu ganacsiga dalalka bada cas kulaalaa soo mari karo, waayo malaha dalalkaasi xeebo kale.

  • kulan
    August 16, 2012 @ 09:42:02AM

    aniga wuxuu ila yahay arin wanaagan

  • Farah
    August 16, 2012 @ 12:00:10AM

    Waxaan salaamayaa ciidamada iyagu naftooda u huray inay mandaqadda ka samata bixiyaan khatarta iyo dagaalada, waxaanan leeyahay halkaa kasii wada hadafkiina oo ka gun gaadha, hana joogsanina waligiin, si aad gabi ahaamba u tirtirtaan kooxdan. Waa wax qaldan oo aan la aqbali karin in koox yar oo argaggixiso ahi ay cabsi ku rido dadka rayidka ah, iyadoo magaca diinta ku hadlaysa.

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada