Dastuurka Soomaaliya oo khilaaf ka dhax dhaliyay culimada diinta

Waxaa qoray Maxamuud Maxamed oo Muqdisho jooga

Agoosto 10, 2012

  • 3 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Ilaa iyo markii Golaha Deegaananda Qaranku ay ogolaadeen dastuurka ku meel gaadhka ah Agoosto 1-deeda, ayaa waxaa soo if baxayay kala duwnanaansho xagga fikradaha ah oo ah kuwa ka soo horjeeda iyo kuwa taageersan oo u arka in ay tahay talalabo taariikhi ah oo ay Soomaaliya ku talaabsatay.

In kasta oo dastuurku uu sheegayo in shareecadu ay noqon doonto asalka ugu muhiimsan ee sharci dajinta waddanka, ayaa qaar culimada islaamka ah ay qodobo ku jira wali ka biyo diidsan yihiin.

Gudoomiye Ku Xigeenka Hay'adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Nuur Baaruud, ayaa leh in qodobo dastuurka ku jira ay ka hor imaanayaan shareecada Islaamka.

"Dastuurkan cusub ma damaano qaadayo ilaalinta diinta iyo qiimaha wadaniyaydeed ee dadka Soomaalida, sidaas darteed waxaan codsanaynaa in dib loogu noqdo," ayuu yiri.

"Waxaan doonaynaa darsuurkan cusub in uu noqdo mid la jaan qaadi kara shareecada islaamka, qodobana waa in laga badalaa si ay ula socdaan shareecada, gaar ahaan kuwa la xidhiidha xoriyada [qof ahaaneed] iyo dawrka dhamystiran ee [u gaarka ah) haweenka," ayuu Baaruud Sabahi u sheegay.

Waxaa jira dhaleecooyin kale oo ka imaanaya dad aan culimada ahayn oo ka walwalsan qaabka khayraadka waddanka gobalada loogu qaybinayo, xaalada caasimada Muqdisho iyo xudduudka Soomaaliya -- arimahaas oo dhan laguma soo qaadin dastuurka cusub.

"Xaaladda caasimadda iyo arimaha xudduudka waddanka ma aha kuwo ku cad dastuurka cusub," Maxamed Nuur Cusmaan oo ah falanqeeye Muqdisho jooga ayaa sidaas yidhi. "Arimahaas waxay u baahan yihiin in la caddeeyo, sababta oo ah cadayn la'aanta arimhaas ma aha kuwo la aqbali karo."

"Waa in arimahaas la xaliyaa, sababta oo ah ma aqbali karno dukumenti iska indha tiraya ahaanshaha caasimadda waddanka iyo xudduudaheedaba," ayuu Cusmaan Sabahi u sheegay.

Cusmaan ayaa sheegay in nuqulka dastuurka aan la tusin qaybaha shacbiga Soomaaliya oo dhan intii aan la hor gaynin Golaha Deegaamada Qaranka, goluhuna ma laha awood ay wax ku badalaan, sidaas darteed nuqulkii waxaa la ansixiyay iyada oo aan waxba laga badalin waxna lagu darin

Dastuurka oo " u dhaw" shareecda marka loo eego kuwii ka horeeyay

Maxamuud Xuseen, oo ah khabiir qaanuunka dastuurka ah, macalinna ka ah dhawr jaamacdood oo Muqdhsiho ku yaala, ayaa u arkin in waxyaabaha ku qoran qaanuunka cusub ay u qalmaan in ay dhaliyaan khilaafaad iyo muran caykan ah.

"Way dhici kartaa in khaladaad la galay markii la qorayay dastuurka cusub, sababata oo ah waa arin dad sameeyay," ayuu Sabahi u sheegay. "Waxaa ugu muhiimsan in khaladkii la saxo, wax alla waxa ay yihiinba horayna loo socdo."

"Dastuurkani wali waa ku meel gaadh, mana noqonayo mid dhamaystiran ilaa intii afti qaran looga daadayo," Xuseen ayaa sheegay.

Wuxuu sheegay in baarlamaanka soo socda ay mas'uul ka yihiin in ay ka hadlaan arimaha aan nuqulka dastuurka cusub lagu darin, kadibna afti qaran ayaa loo qaadayaa marka ugu horaysa ee ay xaaladda ammanaku ogolaato.

"Dastuurkan cusub waa midka ugu dhaw shareecada islaamka marka loo fiiriyo kuwii ka horeeyay, waana dastuur ku salaysan xoriyad, sinaan iyo caddaalad, waxaana ku qeexan in ay taageerayso shacbi Soomaali oo mid ah oon la kala qaybin karin," Xuseen ayaa sidaas yidhi.

"Dhibka jira waxaa weeye in Soomali badan aysan akhriyin dastuurka cusub, kadibna ay u arkeen in uu yahay mid ka fog shareecada Islaamka," ayuu yidhi, isaga oo ku daray in Soomaalidu ay muhiim tahay in ay akhriyaan, fahmaana dastuurka cusub inta aysan dhaleecaynin.

Quraanka oo asal u ah dawladda

Cumar Cabdiraxmaan, oo ah macalin daraasaadka Islaamka oo Muqdisho jooga ayaa sheegay in Quraanku uu yahay mid ku filan in uu dastuur u noqdo Soomaalida

"Shacbiga Soomaaliya 100% (boqolkiiba boqol) waa Muslimiin, waxayna haystaan dastuur samaawi ah, kaas oo ah Quraanka barakaysan mana u malaynayo in ay jirto baahi loo qaadan karo dastuur khilaaf ka jiro," ayuu yidhi.

Cabdiraxmaan ayaa is waydiiyay "Maxaan uga dhigi la'nahay Quraanka asalka dawladda intii aan isku wareerinayno dastuur khilaaf badan dhaliyay'?

Laakiinse Cumar Cabdiqadir, oo ah falaqeeye siyaasdeed, macalin jaamacdeedna ah, Muqdishana daggan ayaa yidhi ansixinta dastuurka cusub waa talaabo taariikhi u ah mustaqabalka Soomaaliya

"Waxaan rajaynayaa in dastuurkan uu Soomaaliya wadaddii saxda ahayd saari doono, uuna noqon doono furaha dhismaha Somaali barwaaqo ah, kuwaas oo uu ku dhacday dagaal sokeeye, dhib, argaggixiso iyo budh cad badeed, oo hada uun ku raaxaysanaya dhadhanka nabadda iyo xasiloonida." Cabdiqaadir ayaa sidaas yidhi

"Muhiimka dastuurka cusub ma aha oo kaliya in uu bilaabayo marxalad siyaasadeed oo cusub kadib markii marxaladda ku meel gaadhka ah la soo afjaro, laakiinse waa heshiis bulsho oo cusub oo sharciyaynaya xidhiidhka shacabka iyo dawladda dhinac walba --- waana xaqiiqo la rabo in ay ku jirto maskaxda Soomaalida oo dhan," ayuu Sabahi u sheegay.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 7)

Dislike_icon(2)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • Ahmed Hashi
    August 17, 2012 @ 07:47:27PM

    Waxay hogaamiyayaasha Soomaaliyeed isku waafaqeen inay soo dhisaan baarlamaan cusub, si loo ansixiyo dustuurka cusub ee qaranka, arrimahaasina waa kuwo waafaqsan wixii kusoo arooray tubta nabadda Soomaaliya, ee la rabo in lagu soo afjaro mashaakilka siyaasadeed ee hadda dalka ka jira, isla markaana lagu soo gabagabeeyo marxaladda ku meel gaadhka ah, taariikhdu markay tahay bisha Agoosto ee soo socota. Hadaba waxay dhinacyada kala duwani ku heshiiyeen in waxa loo yaqaan tubta nabadda Soomaaliya ay soo afjaranto marxaladda kala guurka ah ee Soomaaliya, kadib marka ay madax dhaqameedyadu soo doortaan xubnaha baarlamaanka. Kulamada la wada yeeshay waxay ahaayeen kuwo aad u muhiim ah, waxaana inta badan ka dhex muuqday doodo, laakiin ugu dambayntii guul iyo is afgarad ayay ku dhamaadeen. Kadib tobanaan sanadood oo dagaalo socdeen, Soomaaliya waxay haatan ku jirtaa marxalad kumeel gaadh ah oo dibu heshiisiin iyo nabad ku salaysan. Waxa la isku waafaqay in la higaliyo xukuumada ku meel gaadhka ah ee Soomaaliya, sida ay waxa loogu yeero tubta nabada Soomaaliya dhigayso, waxaana sidoo kale lagu heshiiyay talaabooyin ay tahay in la fuliyo ka hor intaysan marxaladda ku meel gaadhka ahi dhamaanin. Baarlamaanku wuxuu haatan ku jiraa kulamo is daba joog ah, kuwaasoo looga dan leeyahay in lagu ansixiyo dustuurka, waxaanuu baarlamaanku dhexdiisa kasoo dooran doonaa xubno ka mid ah, kuwaasoo ay weheliyaan gudi farsamo, si ay u hubiyaan in musharaxiintu ay buuxiyeen shuruudaha ay dhigayso tubta nabada Soomaaliya. hadaba soomaaliya ayaamo yar ayaa ka xiga inay gaadho wakhtigii taariikhdeed ugu muhiimsanaa, markaa wakhti la lumiyo lama hayo. Soomaaliya iyo dadkeeduba markaa waa inay si wadajir ah ula shaqeeyaan dalalka soomaaliya shuraakada la ah, si loo hubiyo in hawlaha hada lagu gudo jiraa ay yihiin kuwo sharciga waafaqsan, oo loo dhanyahay, isla markaana aan wax mugdi ama madmadow ahi aysan ku jirn, waana in arrinkaas hogaanka soomaaliyeed ay gadhwadeen ka noqdaan.

  • abdui
    August 14, 2012 @ 02:58:28PM

    Ansixinta dustuurka cusub ee soomaaliya wuxuu muhiimad wayn u leeyahay Soomaaliy, waayo wuxuu dalka ka saari karaa marxalada ku meel gaadhka ah. Labaatan sano kadib, waxay soomaaliya ku guulaysatay ansixinta dustuur cusub, kaasoo ahaa dustuurkii soomaaliyeed ee labaad ee la dajiyo wixii gobanimada ka dambeeyay. Dustuurkan cusub wuxuu ka dhiganyahay xeer ku meel gaadh ah ilaa inta uu baarlamaanku ansixinayo, markaasaana la odhan karaa waa dustuurkii dalka. Dhanka kale, dadka loo xil saaray dajinta dustuurkan cusub waxaa ka hor yimi dhibaatooyin waawayn intii ay ku guda jireen diyaarinta dustuurnka, waxaanay si wayn uga hawlgaleen in caqabadaas laga hortago, oo arrinka laga gun gaadho.

  • kakoko
    August 10, 2012 @ 10:57:21PM

    Waa talaabo hore loo qaaday. Dunida kama jiro dustuur boqolkiiba boqol wacan, markaa mudo ka dib ayaa wax laga badali doonaa, oo wixii xun wax wanaagsan lagu badali doonaa.

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada