Soo xulidda baarlamaanka Soomaaliya waxaa dib u dhigay fara-galin siyaasadeed

Waxaa qoray Maxamuud Maxamed oo Muqdisho jooga

Agoosto 10, 2012

  • 5 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Odeyaasha dhaqanka Soomaalida ayaa todobaadkan ku kulmay Muqdisho si ay uga dhiidhiyaan fara-galinta ay madaxda sare ee dowladdu ku wadaan hanaanka soo xulidda baarlamaanka.

Odeyaasha ayaa dalbaday in siyaasiyiinta ay joojiyaan isku daygooda fara-galinta sharci-darada ah ee ku hayaan qofka ay u dooranayaan xubinimada baarlamanka, kaasoo la qorsheeyay in ay doortaan madaxweynaha dalka uu yeelan doono 20-ka August.

Waqtiyo dhowr ah oo loo qabtay in lasoo gudbiyo magacyada xubnaha baarlamaanka ayaa laga soo gudbay, iyadoo odeyaashu ay in badan ku cabanayaan in fara-galin siyaasadeed ay dib-u-dhigayso hanaanka soo xulidda.

Guddoomiyaha Gudiga Farsamo ee Soo Xulidda (TSC) Cabdulaahi Cusmaan ayaa Sabahi u sheegay Jimcihi (Agoosto 10-keedii) in odeyaashu ay goor horeba soo gudbiyeen 184 kamida 275-ta la doonayo, iyadoo kala xulidduna ay bilaaban doonto maalinta Sabtida ah.

184-ta ayaa noqon kara kooram buuxa ee baarlamaanka cusub ee Soomaaliya si ay usii bilaabaan waajibaadkooda sharciga ah.

TSC-da, oo shaqadoodu ay tahay in ay la socdaan soo xulidda xubnaha baarlamaanka cusb, ayaa dhowr jeer kordhiyay waqtiga kama dambaysta ah ee aqbaladada xubnaha.

"Qabaa'ilka qaarkood waxa ay liis ay ku qoranyihiin dadka u matalaya baarlamaanka u gudbiyeen TSC-da, laakiin qabaa'ilka kale wali ma aanay soo gudbin xubnahooda," ayuu odey dhaqameedka Cali Cabdiraxmaan u sheegay Sabahi.

Axmed Cabdi Caalin, oo ah odey dhaqameed kale, ayaa sheegay in odeyaashu ay saarantahay mas'uuliyad wadaniyadeed iyo mid diimeed si ay usoo xulaan xubnaha u qalma baarlamaanka. "Waxaa naloo igmaday in aan xulano xubno loo eegayo aqoontooda iyo shahaadooyinkooda, si markaa baarlamaanka uu awood ugu helo in uu dusha u rito mas'uuliyadooda wadaniyadeed iyo midda sharciyeed," ayuu yiri. "Ma aqbali karno in naloo tilmaamo musharixiinta."

Guddiga oo ku baaqaya in madax-banaani buuxda la siiyo odeyaasha dhaqanka

"Waxaa nasoo gaaray cabashooyin ah in qaar kamida siyaasiyiinta ay fara-galinayaan hanaanka soo xulidda," ayuu gudoomiyaha TSC Cabdulaahi Cusmaan u sheegay Sabahi. "Waxaannu ugu baaqaynaa siyaasiyiinta iyo dhamaan qaybaha kale ee ku lugta leh fara-galinta in ay joojiyaan dhaqamada noocaas ah iyo wax walba oo fara-galin ah, si hannaanka soo xulidda loogu oggolaado in uu qaato waddo sax ah, iyadoo aysan jirin fara-galin sharci-darro ah ama caqabado," ayuu yiri.

Cusmaan ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta fara-galinta ku haya hannaanka soo xulidda in ay madax-banaani buuxda siiyaan odeyaasha "si aysan u wiiqin hanaanka soo xulidda, loona helo kalsoonida dadka Soomaaliyeed".

Waxa uu ka digay in fara galinta caynkan ah ay saamayn karto hufnaanta soo xulidda, ayna bilaabi karto khilaaf cusub oo ka dhex dhasha qabaa'ilka kala duwan ee Soomaalida.

Cusmaan ayaa sidoo kale odeyaasha dhaqanka ugu baaqay in ay la yimaadaan hufnaan iyo aaminaad heer sare ah marka ay wax xulayaan. "Marka aan dib u eegid ku sameeyno xubnaha baarlamaanka cusub, waxaannu joojin doonna doorashada xubin walba ee ku caddaato in ay ku lug laheyd laaluush si ay u hesho xubinnimada baarlamaanka, iyo kuwa aan raacin talaabooyinka sharciga ah ee la meel dhigay."

Heshiiskii lagu gaaray shirkii Garoowe ayaa tilmaamaya in xubnaha cusub ee baarlamaanka ay soo xulaan odeyaasha dhaqanka ee qabaa'ilka, iyadoon aysan fara-galin ku samaynaynin saxiixayaashii Khariiradda Nabadda ama siyaasiyiin kale oo leh hanka siyaasadeed.

Sameynta baarlamaanka cusub waxa uu tallaabo muhim ah u yahay qaybihii ugu dambeeyay ee jadwalka dhameynta xiliga kumeel-gaarnimada. Marka ay odeyaasha dhaqanka dhamaystiraan soo xulidda xubnaha baarlamaanka, sharci-dajiyayaasha lasoo xulay waxa ay dooran doonaan af-hayeen iyo labadiisa ku xigeen iyaga oo ugu dambayntana dooran doonaan madaxweyne.

Toban bari kaliya ayaa ka hartay in tallaabooyinka haray lagu dhameeyo waqtigii loogu talo galay.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 1)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • maxamed mursal sulub
    August 25, 2012 @ 04:24:54AM

    waa in ay buuxiyaan qodobvadda lay sku waafaqay horta

  • abdi
    August 15, 2012 @ 03:48:30PM

    Hogaamiyayaasha Soomaaliyeed waa inay talaabo hor leh ay qaadaan, waana inay ka gudbaan marxalada ku meel gaadhka ah, oo ay u gudbaan soona dhisaan xukuumad rigli ah, lana soo doortaa waaxaha kale ee qaranka. Hadaba hadafkaasi waa mid la iskula qaatay shir ay qaramada midoobay soo qaban qaabisay bishii September ee ina soo dhaaftay, kaasoo lagu qabtay magaalada muqdisho, laakiinse hadafkaas la gaadhi maayo hadii xukuumada ku meel gaadhka ah ee soomaaliya aysan muujinin masuuliyad dheeraad ah oo ku aadan hawshaas. Xukuumadihii soomaaliya ee iska dambeeyay waxay ku fashilmeen inay wakhtigii la cayimay dalka ka saaraan marxalada ku meel gaadhka ah oo ay oo dhisaan dawlad rasmi ah oo joogto ah, waxaanay sidoo kale ku fashilmeen inay baarlamaan soo dhisaan, dustuur cusubna u dajiyaan dalka. Waxa xaalada soomaaliya sii murginayaa waa wararka sirta ah ee la helay, ee cadaynaya in dawlada federaalka ku meel gaadhka ah ee soomaaliya uu musuqmaasuq hadheeyay, iyo in ay jiraan masuuliyiin siyaasiyiin ah oo iyagu ku lug leh heshiisyo shaki ku xeersan yahay. Hadaba cida ugu dambaynta ku waxyeeloobi doonta arrinkani waa dalka, waayo laga saari kari maayo marxalada ku meel gaadhka ah. Hadaba waxa meesha yaalaa waa buunbuunin, mana aha in la dhaho in arrimuhu si dhakhso ah u socon doonaan. Masuuliyiinta xukuumadu waxay ogaadeen inaysan haynin qorshe labaad oo ay wax ku wadaan, sidaa awgeedna waxa qasab ku noqotay inay gaadhaan go’aamo dagdag ah, si ay dhakhso ugu soo afjaraan marxalada ku meel gaadhka ah, taa macneheeduna waxay weeyaan in marxalada kala guurku ay noqon doonto mid adag, oo ay caqabado badani soo bixi doonaan, isla markaana ay hubaal tahay inaysan noqon doonin marxalad arrimeheedu cad yihiin..

  • Yusuf
    August 12, 2012 @ 07:08:56PM

    Waxa aanu aaminsanahay (qaarkayo badan oo soomaali ahi) in ay hogaamiye dhaqameedka qaarkood ay musuqmaasuq ku dhaqmaan, oo ay musharaxiinta lacag ka qaataan, sidaa awgeed iyagu dan kama laha inay musharaxiintu buuxiyeen shuruudihii looga baahnaa iyo in kale. Waxaa jira arrin kale oo khatar badan, kaasoo ah in hogaamiye dhaqameedku aysan aqoonsanayn dumarka, oo aysan soo magacaabin musharaxiin dumar ah. Intaa waxa dheer, musharaxiinta raga ahi waxay u hanjabaan hogaamiye dhaqameedyada, halkaasoo ay u sheegaan inaysan qabaa’ilkoodu raali ka ahayn in ruux dumar ahi ay metesho. Markaa arrimahaasi waa mashaakilka ugu doorka roon, ee maaha faragalinta siyaasiyiintu ku hayaan doorashooyinka. Markaa fadlan baadhitaan ku sameeya arrinkan muhiimka ah oo maqaal ka qora, waanan idin salaamayaa. Yusuf

  • mohamed Adow
    August 12, 2012 @ 06:10:14AM

    Waxaan u baahanahay xukuumad cusub iyo in dalkeena nabadi ka dhalato

  • jamaa
    August 12, 2012 @ 03:16:51AM

    Ilaa wakhtigan xaadirka ah, waxaa socota doorashadii xildhibaanada Soomaaliya, waxaanay gudida farsamo bilawday inay baadhitaan ku samayso xeerka cusub, waxaanuu gudoomiyaha gudidu u digay dadka faraha kula jira ama qalin daaraya hawlaha guurtida loo igmaday, waxaanuu tilmaamay inay tahay in shirka odayaasha ee garoowe ka socdaa ay si madax banaan usoo doortaan xubnaha baarlamaanka ee cusub. Markaa waxaan gudida farsamada ku boorinaynaa inay si hufan u gutaan hawlohooda, si loo helo xukuumad Soomaaliyeed oo Soomaaliya mustaqbalka hogaamisa, waana in la helaa isla xisaabtan, si looga hortago musuqmaasuqa hore u burburiyay dalka.

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma haboontahay in la badalo dastuurka Kenya si aqalka Guurtida awood dheeraad ah loo siiyo?

Fiirso natiijada