Kenya oo dadajinaysa soo iibashada mashiinnada elektaroonka ah ee diiwan-galinta cod-bixiyayaasha

Waxaa qoray Bosire Boniface oo Gaarisa jooga

Agoosto 09, 2012

  • 3 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Kenya ayaa haysa wadadi ay ku dhaqan-galin lahay habkii ugu horeeyay ee hanaanka diwaan-galinta cod-bixiyayaasha ee elektroonikada ah, iyadoo loo diyaar garoobayo doorashooyinka guud ee soo socda, ee dhacaya 4-ta March sannadka 2013-ka.

  • Wakiilada doorashada Kenya oo codad ku tirinaya Xarunta Isboortiga Caalamiga ah ee Moi oo ku taal Nairobi. Kenya ayaa si deg deg ah u dhaqan-galin doonta hab cusub oo si elektaroonig ah loogu diiwaan-galinayo codeeyayaasha. [Simon Maina/AFP]

    Wakiilada doorashada Kenya oo codad ku tirinaya Xarunta Isboortiga Caalamiga ah ee Moi oo ku taal Nairobi. Kenya ayaa si deg deg ah u dhaqan-galin doonta hab cusub oo si elektaroonig ah loogu diiwaan-galinayo codeeyayaasha. [Simon Maina/AFP]

Xukuumadda ayaa ogolaatay in ay qaaddo xayiraaddii hortaagnayd Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka iyo Xudduudaha (IEBC) in loo soo iibiyo mashiinnada aqoonsiga calaamadaha ee loo isticmaalo diiwaan-galinta cod-bixiyayaasha (BVR).

Xalkan ayaa imanaya kadib markii IEBC-du ay hakisay qandaraas qiimihiisu yahay 3.9 bilyan oo shilin, oo u dhiganta 47 milyan oo doolar kaasoo ay BVR-tu ku soo iibsan lahayd mashiinnada, iyadoo arrinkaa loo aaneeyay ciriiri xagga waqtiga ah, hannaanka wax iibsiga oo aad u adag iyo fara-galinta siyaasadeed.

Habka cusub ayaa badali doona habkii uu qofku gacantiisa ku diiwaan-galin jiray codeeyayaasha si loo hubiyo doorashooyin nabad ah, xor ah oo si caddaalad ah u dhaca, ayuu Madaxweyne Mwai Kibaki Isniinti (6-dii Augusto) u sheegay warfidiyeenka kadib kulan uu saraakiisha IEBC kula yeeshay Aqalka Madaxtooyada. Ra'iisal-wasaare Raila Odinga iyo saraakiil sare oo dowladda ayaa sidoo kale ka qeyb galay kulanka.

Kibaki ayaa sheegay in xukuumaddu ay dadajin doonto hannaanka ay mashiinnada BVR-ta uga soo gadanayso waddamo horay u dhaqan-galiyay nidmaamkan.

Hadalka dowladda ayaa imanaya maalin kadib markii ay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Hilary Clinton ay Kenya ku waanisay in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan sidii ay u hubin lahaayeen doorashooyin madaxweynenimo oo daah-rogan caddaaladna ah, ayna ka fogaadaan in ay soo laalaabtaan rabshadihii dhiigga badan uu ku daatay ee daba socday doorashooyinkii 2007-dii.

"Kaliya tani muhiim uma ahan dadka reer Kenya, balse indhaha caalamku waxa ay kusoo jeedaan doorashadan. Waxaanna kalsooni buuxda ku qabaa in Kenya ay fursad u haysato in ay tusaale u noqoto dalalka kale, kaliya maahan halkan Afrika e', balse adduunka oo dhan," ayay tiri Clinton.

Doorashooyinka guud ee soo socda, dadka reer Kenya waxa ay u codeyn doonaan madaxweyne, aqalka odeyaasha, gudoomiyayaasha gobollada, xubnaha baarlamanka, giolaha deegaanka iyo xubnaha dumarka u matalaya degmooyinka.

Guddoomiyaha IEBC Axmed Isaaq xasan ayaa sheegay in qalabka diiwaan-galinta elektroonikada ah ay kaydin doonaan xogta astaamaha badaniga ah ee muwaadiniinta, sida wajiga, cabrika gacmaha, indhaha iyo faraha.

"Dhammaanteen waxannu u ololeeynaynay in aan helno tiknoolajiyadda cusub, laakiin waxa naga horyimid caqabado la dul-dhigay soo iibsashada iyo tartan dhinaca qandaraasyada ah kuwaa oo dhibaato ku noqday jadwalkii aan ku soconay, laakiin waxannu ku faraxsanahay in ay xukuumaddu ogolaatay in iyada oo naga wakiil ah ay noo soo iibiso mashiinada elektarooniga ah," ayuu ku yiri Sabahi.

Xasan waxa uu sheegay in dowladdu ay la kulmayso shirkado ka socda dalal dhowr ah, sida Kanada, si loo soo iibiyo qalabka, oo la rajaynayo in la helo bishaan, si markaa diiwaan-galinta loo bilaabo bilowga bisha dambe.

Hannaankan cusub waxa uu meesha ka saarayaa kaararkii dhibaatada badnaa ee haddana qaaliga ah in la soo iibiyo isla markaana sida fudud loo khiyaami karay, ayuu yiri Xasan. IEBC-da ayaa rajaynaysa in ay nidaamkan cusub ku diiwaan-galiso in ka badan 10 milyan oo qof, ayuu yiri.

"Waxaannu rajaynaynaa in dowladdu ay hesho qalabka xiligi loogu talo galay si aan looga dib-dhicin waqtiga loo qabtay diiwaan-galinta dadka cadeynaya. Si kastaba ha ahaatee, waxaannu dowladda waydiisanay in ay kordhiso xiliga diiwaan-galinta si qof walba oo haysta kaarka aqoonsiga uu fursad ugu helo coddeynta sida ugu saxsan," ayuu yiri.

Mooshin lagu doonayo in diiwaan-galinta cod-bixiyayaasha la xiro 45 bari kahor xiliga doorashada

Dastuurka ayaa tilmaamaya in diiwaan galinta cod-bixiyayaasha la dhameystiro 90 maalmood kahor maalinta doorashada.

Guddoomiyaha Gudiga Baarlamaaniga ah ee Dhaqan-galinta Dastuurka Cabduqaadir Maxamed ayaa Sabahi u sheegay in todobaadka dambe uu soo jeedin doono qorshe wax looga baddalayo shuruucda doorashada si waqti loogu daro diiwan-galinta codeeyayaasha.

"Waxaannu dalban doonnaa in soo xiridda diiwaan-galinta cod-bixiyayaasha laga soo yareeyo 90 maalmood oo laga dhigo 45 maalmood ka hor maalinta doorashada, si IEBC-da loogu oggolaado in ay diiwaangaliso cod-bixiyayaasha ugu badan ee suurtagal ah," ayuu ku yiri Sabahi.

Maxamed ayaa sheegay in dad badan oo reer Kenya ah ay taageersanyihiin diiwaan-galinta elektroonikada ah oo ah hab lagu joojin karo diiwaan-galinta sharci-darada ah iyo daboolliga gol-daloolooyinka ammaan ee ka jira habka diiwaan-galinta loo maro gacanta.

Khalif Cabdi Faarax, oo ah xiriiriyaha Northern Forum for Democracy, ayaa Sabahi u sheegay, inkastoo lasoo dhoweeyay habka elektaroonikada ah, hadana waxa uu faa'ido darro u noqon karaa bulshooyinka xoola dhaqatada ah.

"Waxaannu rajaynaynaa in IEBC-du ay heli doonto waddo ay ku dhaqan galiso-diiwaan galinta wareegta, si loo gaaro bulshada reer miyiga ah ee xoolahooda la jira," ayuu yiri.

Waxa uu sidoo kale sheegay in IEBC ay tahay in ay kordhiyaan tirada xarumaha diiwaan-galinta si loo hubiyo in la diiwaan-galiyo tirada ugu badan ee la gaari karo.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 11)

Dislike_icon(1)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • Hector Ruzaro
    October 4, 2012 @ 09:54:47AM

    Doorashooyinka Kenya…sideebay ku dhacday in shirkad lagu helay inay laaluush bixisay ay qalab keento. Sagem ‘Canada’ (taasoo sidoo kale la dhaho Safran) waa shirkada dalka keeni doonta qalabka. Ala ilaahayoow…

  • john okumbe
    August 13, 2012 @ 04:15:34PM

    Anigu runtii waxaan raacsanahay saaxiibkay Jeremy. Maxaa dalka Ghana loola xaajoon waayay oo Canada laga doonay?

  • JeremyP
    August 10, 2012 @ 03:34:45AM

    Hadalada madaxwayne Mwai Kibaki iyo kuwa Axmed Isaaq Xasan oo ah madaxa gudida doorashooyinka, waayo madaxwayne Kibaki wuxuu yidhi: “xukuumadu waxay rabtaa inay dadajiso hawsha oo waxay dalka keeni doontaa qalab casri ah oo dadka lagu diiwaan galiyo, kaasoo loo yaqaan (BVR), waxaanay qalabkaas ka keeni doontaa dalal iyagu hore u adeegsaday qalabka noocan ah”. Dhanka kale, wuxuu Xasan yidhi: “xukuumadu waxay gulamo la qaadatay sharikado dalal kala duwan ka socda, kuwaasoo uu ka mid yahay dalka kanada, si qalabkaas loo keeno dalka”. Hadaba waxay u muuqataa in xukuumadu ay rabto inay qalab hore jiray keento dalka oo ay dalal afrikaan ah ka keento. Markaa hadii arrinku sidaa yahay, waxay ila tahay dalka Ghana ayaa qalabka laga keeni doonaa, waayo Ghana waxay ku guulaysatay inay diiwaangaliso dadka, markaa qalabka hadda looma baahna, si dhakhso ahna waa lagu heli karaa. Hadaba hadii gudida doorashadu qabto in ay wakhti u hayaan soo iibsiga iyo rakibida qalabkaas, waxay ila tahay wakhti dheer ayay qaadan doontaa. Xasan miyuusan ogayn in shirkada reer kanada ee uu carabaabay ay tahay shirkad nooca Inc ga ah, oo waliba ay shirkadaasi (waxa shirkada ku talisay Hillary Clinton, sabtidii hore) ay haataan albaabadu usii xidhayaan oo ay kacday.

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada