Ma jeclaan lahayd in Soomaali aad ka dhigato luuqaddaada asaasiga ah, ee mareegtan? |
Agoosto 09, 2012
Tirada xarumaha raadiyayaasha ee Soomaaliya sanadahan ayaa dhaliyay tartan badan iyo in si xoriyad ah wax loo sheego, laakiinse waxay kale oo keeneen matalayaal tababar ku jira iyo canaasir wax kharibta, indha indheeyayaasha ayaa leh.
Kobaca ilaha dhaqaalaha iyo siyaasadda ayaa kaaleeyay in warbaahintu ay hor u mar fiican samayso, Cabdulahi Igalle oo ah wariye rug cadaa ah ayaa Sabahi u sheegay. Laakiinse wuxuu yidhi xarumahaas wararka ayaa waxaa ka shaqeeya jiilka cusub kaas oo aan khibro fiican lahayn dabeecadna ay u tahay in ay wararka u gudbiyaan si aan sax ahayn, taas oo ka dhigtay meel la isku hardiyo keentayna in shaqaalaha warbaainta si qarsoodi ah loo laalyo.
Cigale ayaa Sabahi u sheegay in mid ka mid ah daciifnimada wariyayaasha cusub ay tahay iyaga oo aan iska fiirinaynin wararka ay u soo gudbiyaan milkiilayaasha xarumaha wararka iyaga oo doonaya in ay ajandayaashooda siyaasadeed fushadaan.
Yuusuf Cali Cusmaan, oo ah madaxa qaybta isgaadhsiinta iyo shati bixinta ee Wasaarada Warfaafinta, Boostada iyo Isgaadhsiinta ayaa Sabahi u sheegay in shaqaalaha xarumaha raadiyayaasha maxaliga ah ay al-Shabaab iyo siyaasiyiin jaanis -gaad ah ay soo dhax galeen kuwaas oo doonaya in ay dhibaato abuuraan rabshadana kiciyaan, ayna argaggixiyaan xubnaha Golaha Deegaanada Qaranka kuwaas oo u codeeyay nuqulkii dastuurkii Agoosto 1-deeda .
Cusmaan ayaa ka digay in wariyayaasha sharci ahanatooda iyo amaan soo celitaba ay shaki ku jirto in shaqaale laga dhigto, kuwaas oo aan haysanin cadaaladii la rabay lagana yaabo in qabiil ama ganacsadayaal sida ay doonaan ay ugu shaqaystaan.
Qaar badan oo wariyayaasha maxaliga ah aqoon ku filan ma laha, marka laga reebo in yar oo khibro leh. Cusmaan ayaa sidaas yidhi. Wuxuu hoosta ka xariiqay in la sameeyo qorshe dhamaystiran oo tababar ah iyda oo la kaashanayo khubaro ajnabi ah.
Aways Maxamed Nuur Foodeey oo ah wariye ka tirsan raadiyaha ay Qaramada Midoobay maal galiso ee Bar-Kulan oo fadhigeedu Nairobi yahay ayaa sheegay soo badashada tirada xarumaha raadiyayaasha ee Muqdsiho ay tahay hor u mar la taaban karo.
"Arin qariib ah ma aha in xarumo badan ay ka jiraan Muqdisho,' Foodeey ayaa Sabahi u sheegay. " Hadii aad fiirisid caasimadda Kenya ee Nairobi, waxaad arkaysaa 20 xarumood oo idaacado ah oo kuwo dawladeed iyo mid khaas ahba isugu jira oo kuligood xoogga saaraya kobcinta wadaninimada si aysan dagaal qabiileed ugu dhicin, gaar ahaan ilaa iyo markii rabshadihii dhiigu ku daaateen ay ka qarxeen gobalo Keenya ka mid ah 2007."
"Waxaan kula talinayaa shaqaalaha xarumhaas in ay xoogga saaraan in ay runta fidiyaan, wacyiga shacabkana kor u qaadaan si nabadda iyo is-jacaylku fursad loo siiyo," ayuu yidhi.
Cusmaan Xasan Cali, oo ah wariye ka tirsan Universal TV ayaa sheegay xarumaha raadiyayaasha maxaliga ah oo ay shati siisay Dawlada Fadaraalka ee Ku meel gaadhaka Waraasadeeda Warfaafinta ay loolan kula jiraan qabaa'ilka. Wuxuu ku eedeeyay xarumaha qaarkood in ay wadaan eex iyo fulinta qorshayaal gaar ah.
Cali wuxuu Sabahi u sheegay in dawladdu ay muhiim tahay in ay ku soo rogto sharci adag milkiilayaasha xarumaha raadiyayaasha kana waaniso in ay qayb ka noqdaan arimo ammaanka ah oo xasaasi ah ama ay qabaa'ilka dhaxdiisa mashaakil ka dhax abuuraan.
Cabdiwahaab Cabdulahi Dhalmay oo ah ingineer raadiye ayaa sheegay in dagaaladii sokeeye ee Soomalida halalagay 21 sano ay u saamaxday qabq ablayaasha dagaalka iyo kooxaha hubaysan in ay abuuraan xarumo warbaahin oo danahooda u shaqeeya. Wuxuu yidhi xarumahaas oo kale waa in hada la cuna-qabateeyaa.
"Warbaainta maxaliaga ah hadda waxay ku tartamaayan war-xuma tashiilnimo, xataa haddii uu hadafkoodu yahay madaxwaynaha iyo dadka ku hareersan," ayuu Sabahi u sheegay
Waxaa jira in ka badan 21 xarun raadiye oo wararaka ka baahisa Muqdisho, kuwa ugu caansan waxaa ka mid ah Shabakadda Warbaahinta Shabelle, Radio Kulmiye, Idaacada dawlada ee Radio Mogadishu, Radio Mustaqbal iyo Radio Bar-Kulan.
HornAfrik ayaa ka mid ahayd raadiyayaasha iyo talefishinada ugu caansanaa uguna ixtiraam badnaa Soomaaliya laakiinse al-Shabaab ayaa la wareegtay bishii September 2010 qalabkeedii oo dhana qaadatay. Hadda al-Shabaab waxay wararka ka baahisaa raadiyaheeda Idaacada Andalus oo xarunteedu tahay Kismaayo iyo Marka.
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray in ka badan 90 qof kadibmaalin muddaaharaad qof ku dhintay uu ka d...
Kenya ayaa ka codsatay Golaha Ammaanka ee QM Khamiistii (23-kii May) in uu joojiyo dacawadda ay w...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay xaflad ka dhacday Muqdisho Khamiis...
Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee waddamada xubnaha ka ah Urur-goboleedka Horumarinta (IGAD) ayaa is...
Hoggaamiye bulsheedka Maxamed Omar Said ayaa Khamiistii (23-kii May) waxa lagu weeraray aashito h...
Maxakamad ku taal Puntland ayaa todoba qof ku xukuntay dil taas oo ay ku mutaysteen dilkii wadaad...
Hay'adda gargaarka caalamiga ah ee Global Partnership for Education (GPE) ayaa ku dhawaaqday deeq...
Hay'adda ilaalinta xuquqda aadanaha ee Amnesty International ayaa ugu yeertay Kenya in ay ixtiraa...
Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya William Ruto ayaa ballan-qaaday in Xeerka cusub ee Duur-joogta lagu ...
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Khamiistii (23-kii Maajo) waxa uu shaaciyay labadii magac ...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo
Faallada akhristaha
Hadii ay jiri lahayd ciqaab ay dadka noocaas ahi falalkooda ay kaga caagaan, maynaan maanta aragneen waxa warbaahinta lagu soo tabiyo. Dhanka kale, in falalkaas laga aamusaa maaha wax amaanka dalka uroon, aamusnaantaasna laguma tirtiri karo aafada argagixisada. Sidoo kale, hadii ay warbaahinta iyo dadka mufakiriinta ahi ay ku fashilmaan inay wax ka qabtaan aafada argagixisada, waxa arrinkaasi ka dhalan doonta dhibaato iyo fashilaad wayn. Hadii hadaba khaladka la qirto, wixii dhaleecayn ahna qalbi furnaan lagu qaato, waxaa awood loo heli doonaa in si cad wax looga qabto mushkilada, isla markaana in dhinacyadeeda si dhab ah loo ogaado, sawir guudna laga qaato, waana in aan khalad qirashada loo kala hadhin, waayo hadii sidaa la yeelo waxa suura gal noqon doonta in dhibaatada gunteeda la soo taabto oo aan mililka korka laga dhayin, amase geedka dhibaatada baarka laga gurin, oo guntisa laga war-wareego.
Allah u naxariisto Yuusuf Cali Cusmaan ( Yuusuf Farey), oo ahaa madaxa qaybta isgaadhsiinta iyo shati bixinta ee Wasaarada Warfaafinta, Boostada iyo Isgaadhsiinta, waxaa uu geeriyooday saaka oo Axad ah, koox hubeysan ayaa ku dishay Muqdisho , Allah u naxariisto ,
Yaan lala dagaalamin warbaahinta, hana loo daayo inay shaqadooda suxufiyiintu qabsadaan. La dagaalanka saxaafaddu ma wacna, waana in wada hadal lala yimaadaa si loo dago oo nabad lo helo.