Shacabka Muqdisho oo u dabaal dagaya ammaanka iyo horu'marka hal sano kadib al Shabaab

Maxamuud Maxamed oo Muqdsiho jooga ayaa ka qayb qaatay warbixintan

Agoosto 07, 2012

  • 8 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Hal sano kadib markii Ciidamada Qaranka Soomaaliya, iyaga oo kaalmaysanaya Ergada Midwaga Afrika ee Soomalaiya (AMISOM) ay xoog kaga saareen xarumahii ay al-Shaab ku lahaayeen Muqdisho, ayaa shacabku u dabaal dageen hor u marka dhinaca ammaanka iyo horu marka kaabayaasha ee ay magaaladu hadda heshay.

  • Haween Soomalaiyeed oo sacabinaya xaflad loogu tala galay sanad-guuradii koowaad ee ka soo wareegatay markii ay al-Shabaab ka baxeen Muqdisho oo lagu qabtay Garoonka Koonis. [Mohamed Abdiwahab/AFP]

    Haween Soomalaiyeed oo sacabinaya xaflad loogu tala galay sanad-guuradii koowaad ee ka soo wareegatay markii ay al-Shabaab ka baxeen Muqdisho oo lagu qabtay Garoonka Koonis. [Mohamed Abdiwahab/AFP]

  • Soomaali u dabaal dagaysa xalfladii loogu tala galay sanad-guuradii koowaad markii al-Shaaab laga saaray Muqdisho oo lagu qabtay Garoonka Koonis. [Mohamed Abdiwahab/AFP]

    Soomaali u dabaal dagaysa xalfladii loogu tala galay sanad-guuradii koowaad markii al-Shaaab laga saaray Muqdisho oo lagu qabtay Garoonka Koonis. [Mohamed Abdiwahab/AFP]

  • Soomali ciyaaraysa ,korna u qaadaysa sawirka madaxwaynaha Soomaaliya markii lagu jiray u dabaaal dagga xafladda ee Garoonka Koonis. [Abdurashid Abdulle Abikar/AFP]

    Soomali ciyaaraysa ,korna u qaadaysa sawirka madaxwaynaha Soomaaliya markii lagu jiray u dabaaal dagga xafladda ee Garoonka Koonis. [Abdurashid Abdulle Abikar/AFP]

Sanadkii la soo dhaafay ayaa ahaa sanadkii ugu dheeraa ee nabad ilaa xad ah la helo, ilaa iyo markii ay dawladdii federalka ahayd dhacday 1991. AMISOM ayaa sidaas ku sheegaty hadal qoraal ah oo ay soo saareen Talaaladii (Agoosto 7-deedii) hal maalin kadib markii sanad guurada loo dabaal dagay.

Shacabka Soomalaiyeed, siyaasiyiinta iyo dadka arinta Soomlliya ay khusayso ayaa u dabaaldagay Isniintii sanad-guurada koowaad ee saaritaanka al-Shabaab iyada oo dhoolatusyo heeso ah la qaadayo, lana lulayo calanka Soomaaliyeed ee buluuga iyo caddaanka ah.

Banaanbax lagu qabtay gudaha Garoonka Koonis ayaa Madaxwaynaha Sheekh Shariif Sheekh Axmed ugu mahad naqay AMISOM iyo ciidamada Itoobiya "kaalmaynta ay na kaalmeeyeen in aan jabino cadawgeena guud"

Habeenkii Isniinta ayaa Axmed wuxuu casho sharaf ugu sameeyay xarunta madaxtooyada ee Muqdisho taliyayaasha sare ee ciidanka, wasiirada, iyo Ra'iisul Wasaarae ku xigeenka Xuseen Carab Ciise oo ah wasiirka Difaaca.

Wuxuu tilmaamay hor u marka Soomaalida, isaga oo tusaale u soo qaatay soo wanaagsananata ammaanka Muqdisho, ansixintii dastuurka cusub iyo doorashooyinka baarlamaaka cusub ee soo socda Raadiyaha Bar-Kulan oo ay Qaramada Midoobay maalgaliso ayaa sidaas sheegay.

Nuur Cali Kulmiye oo dukaan ku leh Suuqa Bakaaraha ayaa Sabahi u sheegay in ay wax badan is badaleen laga soo bilaabo Agoosto 6-deedii 2011-ki.

"Al-Shaaab waxay dadka dul sareen dhib iyo calool xumo markii ay Muqdisho xukumayeen," ayuu yidhi. Suuqan wuxuu waqtigaas ahaa xarunta dhaqaalaha ee howl galada al- Shabaab . Ilaa iyo markii la saaray, ammaanku si aad ah ayuu u fiicnaaday ganacsigiina meel sare ayuu marayaa.

"Runtii waxaad arkaysaa farqi wayn [nolosha] hada lagu jiro iyo markii al-Shabaab ay halkan joogeen," Kuliye ayaa sidaas yidhi.

"Iyada oo Soomaalidu ay u dabaal dagayso sanad guuradan muhiimka ah ayna u diyaar garoobayso dhamaynta marxladda kala guurka, ayaa Ciidamada Midawga Afrika ee Soomaaliya ay sii wadaysaa in ay la sii shaqayso madaxda Soomaaliya si ay u abuurto xaalad sii xoojinaysa wadahadal qaran iyo dib u heshiisiin," Safiir Boubacar Diarra,oo ah Wakiilka Khaaska ah ee Guddoomiyaha Midawga Afrika, isaga oo sii adkeeyay sida ay Midawga Afrika uga go'antahay wax ka qabadka nabadda Soomaaliya.

"Wakhtigan doorashada ee muhiimka ah, oo ciidamada AMISOM ay wadaan in ay meelo badan oo waddanka ka mid ah ammaan ka dhigaan, waxaan ka codsanayaa in madaxda Soomaalidu ay ahaadaan kuwo midaysan, maslaxadda qarankana ay wax walba ka hor mariyaan," ayuu yidhi

Iyada oo al-Shabaab aysan xukumin, ayaa Muqdisho waxaa ka socda dhisme baaxad leh iyada oo qurba joogta Soomaaliya ay soo noqonayaan si ay u dhistaan guryahoodii , hoteelo iyo ganacsiba.

Suuqyadii ayaa dib loo furay, iskuulo iyo isbitaalo ayaa la sameeyay, waddooyinkii ayaa dib loo hagaajiyay nalalka cadceeda ku shaqeeya ayaa lagu xidhay waddooyinka waawayn ee Muqdisho. Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle ayaa dib loo habeeyay, shirkadaha caalamiga ah sida Turkish Airlines ayaa si caadi ah u samaysa duulimaadyo gudaha iyo dibada caasimada.

"Agoosto 6-deeda waa maalin muhiim ah waana in la xusuustaa loona dabaal dagaa," Yuusuf Cabdi Rooble oo degan Muqdisho, 42- jirna ah ayaa Sabahi sidaas u sheegay. "Waa maalintii Muqdisho laga saaray al-Shabaab, cadawga nabadda ee Soomaalida."

Rooble ayaa sheegay in dagaalyahiintu ay hadda naf lacaari yihiin, ciidamada ammaankuna ay waajib tahay in ay cadaadiska milatari sii wadaan si waddanka loo xoreeyo

"Al-Shabaab waa in la [tirtiraa]. Meelo badan oo waddanka ah ayaa laga saaray," ayuu yidhi " Hadda dhaqdhaqaaqa ciidan waa waajib in la sii laba laabo si wadanka Soomaaliya oo dhan loo xoreeyo."

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 10)

Dislike_icon(3)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • mohamad
    August 18, 2012 @ 02:09:48AM

    Waxaa jira dhawr arrimood oo lagula dagaalami karo argagixisada, waxaana ka mid ah arrimahaas in la xoojiyo ciidamada amaanka, argagixisadana dhirbaaxooyin kulul lagu dhufto, lana burburiyo shabakadohooda. Sidoo kale, cid kasta oo macluumaad argagixisada ku saabsan soo gudbisa waa in lacag la siiyaa, waana in la horumariyaa dhaqanka, waxbarashada iyo dhaqaalaha dalka, waana in la xoojiyaa bulshada akhlaaq ahaan iyo diin ahaamba. Xukuumada soomaaliya waxay maanta caddaysay inay la timid istaraatiijiyad argagixisada lagula dagaalamayo, taasoo ay xukuumadu ka qaybgalisay dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada, halkaasoo ay cidwaliba halkeeda ay argagixisada kula dagaalami doonto, xitaa dadka iyagu waxbarashada ku hawlan. Waa in la helaa waxbarasho la wada gaadhsiiyo dhamaan heerarka kala duwan ee iskuulada, waana inay tacliintaasi noqotaa mid diirada saarta khatarta ay argagixisadu leedahay, iyo sidii looga hortagi lahaa khatartaas, bulsho ahaan, diin ahaan iyo qaran ahaan intaba. Sidoo kale, waa in diirada la saaraa sidii dadka maskaxdooda looga gaashaami lahaa afkaarta argagixisada, waayo argagixisadu waa wax ka dhasha marka afkaar qaloocan oo ku dhalata dadka maskaxdooda. Waxay argagixisadu si wayn ugu tiirsantahay faafinta afkaar saamayn ku yeelan karta ra’yiga bulshada, si ay taageero u helaan.

  • mohamad abdi
    August 17, 2012 @ 07:42:14AM

    Hadii dalka ay joogto cid awood adeegsanaysa, ciidanku wuxuu isku dayayaa inuu awoodiisa ku joojiyo dadka iyagu dagaalada wada, waxaanay ciidamadu naftooda u huraan sidii xasilooni iyo nabad loo heli lahaa, maalin kastana waxa la soo tabiyaa warar saxaafada la maqlo iyo ta la daawado iyo ta la akhristo intaba lagu soo tabiyo, kuwaasoo ku saabsan qiimaha ay ciidamadu leeyihiin, iyo siday maalin kasta naftooda iyo qalabkoodaba u waayaan, isla markaana ay hawlgalo badbaadin ah kusoo badbaadiyiaan dadka la afduubay ee ay budhcad badeeda iyo argagixisadu ay afduubeen, markaa salaan-sharaf ha gaadho ciidamada soomaaliyeed.

  • Kimario Leons Ngalai
    August 15, 2012 @ 08:43:14AM

    Waxaan aad ugu farxay inaan warkan maqlo, wakhti badanina inagama xigo marka Soomaaliya gabi ahaamba laga badbaadin doono cadawga.

  • sayyad omar
    August 9, 2012 @ 05:14:52PM

    Waxaan aaminsanahay Soomaaliya waxay awood u leedahay inay horumar gaadho, mustaqbalkuna wuxuu u eegyahay mid sidii hore ka quruxbadan. Waxaa hadaba jira dhawr arrimood oo qofka ku dhalin kara inuu rajo wacan ka qabo Soomaaliya mustaqbalkeeda. Waa ta koowaade xukuumadu waxay inta karaankeeda ah ku dadaalaysaa in dalka nabadi ka dhalato, waxaanay sidoo kale isku dayayaan inay ka takhalusaan kooxda alshabaab ee argagixisada ah, taas oo carqalad ku ahayd horumarka dalka iyo dhaqaalihiisa. Sidoo kale, waxay dadka Soomaaliyeed rabaan inay dalkooda dib u dhisaan, qaxoontigiina dib ayay ugu soo laabanayaan dalkooda, waxaanay wadaan hawlo dhaqaalaha dalka kor u qaadi kara. Dhanka kale, waxay xukuumadu baaqyo u dirtaa maalgashadayaasha caalamka, si ay dalka u yimaadaan oo u maalgashadaan, arrinkaasina dhaqaalaha dalka ayuu kor u qaadi karaa. Sidoo kale, waxaa la dhisay wadooyin iyo iskuulo iyo cisbitaalo, iyo adeegyada bulshada ee kaleba. Dhanka kale, waxaa la casriyeeyay isgaadhsiinta dalka, soomaaliyana hadda waxay ku xidhantahay dunida oo dhan, waxaana dalka u suura gali doonta inay caalamka ganacsi la sameeyaan.

  • N. Gitonga
    August 9, 2012 @ 11:22:19AM

    Hadaanu nahay reer Kenya waxaan jaarkayaga Soomaaliyeed u rajaynaynaa khayr inay ka gaadhaan dadaalka ay ugu jireen inay hir galiyaan nabad, xasilooni iyo barwaaqo ka dhalata dalkooda ay dagaaladu ragaadiyeen. Dadka Soomaaliyeed maalin ayuumbay ku raaxaysan doonaan nabad, xasilooni iyo barwaaqo, waxaanay dumarka iyo caruurti dalkooda u dhex mushaaxi doonaan iyadoo aysan jirin gacan ku dhiiglayaal ay ka cabsi qabaan.

  • martha makola
    August 9, 2012 @ 03:23:43AM

    Waan ku faraxsanahay inaan arrinkaa maqlo

  • Kimario Leons Ngalai
    August 8, 2012 @ 08:29:26AM

    Waa war wacan in aan maqalno in walaaleheena Soomaaliyeed ay nabad ku nool yihiin ka dib markii ay ka takhaluseen kuwii nabadda cadawga u ahaa, ilaahayna waxaan ka baryayaa inuu barakeeyo ciidamada afrikaanka ah (AMISOM). Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Soomaaliyana waxaan leeyahay shaqo wacan ayaad qabateen.

  • muna
    August 8, 2012 @ 06:51:02AM

    horta ani waan jeclahay inay somaaliya nabad noqoto horomarkeediina soo ceshato hase ahaatee waxaa taas lagu heli karaa in alle loo noqdo dulmiga layska daayo dadkana lasimo kala qoqobka aan katoobad keeno qabyaalada iyo qurunka layska daayo qarankeena aan wada ilaashano dadka masuulkana waa inay masuulka waxa looga dhigay alle oga cabsadaan anagana aan adeecno soomliya waa inay danteeda katashataa faragalinta shisheeyane iska daysaa haday ayagu daacad isu yihiin cidne wax kama halayn karto ayaan leeyahay .waana mahadsantihiin.

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada