Al-Shabaab oo isku dayaysa in dadka Kenya ay ku cabsi galiso majalad internet ah

Waxaa qoray Bosire Boniface oo Gaarisa jooga

Agoosto 07, 2012

  • 96 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Al-Shabaab ayaa waxa ay majaladeeda cusub ee internetka ah u adeegsanaysaa si ay cabsi ugu dhex abuurto dadka reer Kenya, ayna niyadda ugu dhisto dagaalyahanadeeda niyad jabsan kadib markii ay la kulmeen sisilado guul-darooyin ah iyo kala qeybsanaan, Saraakiil ammaanka Kenya ah iyo falanqeeyayaal ayaa sidaa leh.

  • Daabacaaddi koowaad ee majaladda internetka al-Shabaab ayaa waxa howl galkii Linda Nchi (Difaac Dalka), u badahsay howlgalka Difaac Islaamka. [Keyd]

    Daabacaaddi koowaad ee majaladda internetka al-Shabaab ayaa waxa howl galkii Linda Nchi (Difaac Dalka), u badahsay howlgalka Difaac Islaamka. [Keyd]

  • Daabacaaddii labaad ee majaladda internetka al-Shabaab Gaidi Mtaani ayaa waxa ay xoogga saartay Kismaayo, oo ah magaalada kaliya ee al-Shabaab ku xoogganyihiin ee gacantooda ku hartay. [Keyd]

    Daabacaaddii labaad ee majaladda internetka al-Shabaab Gaidi Mtaani ayaa waxa ay xoogga saartay Kismaayo, oo ah magaalada kaliya ee al-Shabaab ku xoogganyihiin ee gacantooda ku hartay. [Keyd]

Gaidi Mtaani, ama "Argaggixisada Waddooyinka" waxaa lasoo saaray bishii April, waxaana lagu daabacay laba tirsi oo Sawaaxili iyo Ingiriis ah. Tifaftirka majaladda ayaa leh in uu kasoo naqliyay majalad internet ah oo ay al-Qaacidda ku baahisay jasiiradda carabta.

Tirsigeedii koowaad, Giandi Mtaani waxa ay bedeshay magacii howlgalka Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) ee loogu magac daray Linda Nchi, oo la micno ah "Difaac Dalka", iyagoo ka dhigay howl galkooda Linda Uislamu, oo la micno ah "Difaac Islaamka".

Kooxda ayaa wacad ku martay in ay ka guulaysan doongto ciidamada Soomaaliya iyo kuwea Midowga Afrika (AMISOM), iyagoo baalka kore ee majallada tirsigeeda kowoaad ka dhigay sawir nin u ekaa in uu eegayo Xarunta Shirarka Caalamiga ah ee Kenyatta, ee Nairobi, isagoo dhabarka ku sita laba bam gacmeed.

Saraakiisha ammaanka ayaa Sabahi u sheegay in ay la socdaan majaladda, ayna la xiriiri doonaan iyagoo adeegsanaya warbaahinta gudaha si ay u beeniyaan been-abuur walba ee ay kooxdu baahiso.

Dowladda ayaa weydiisatay shacabka in ay feejignaan dheeri ah la yimaadaan, ayna la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, si ay uga hor-tagaan hanjabaadaha, ayuu yiri Taliyaha Ciidamada Ammaanka ee Degmada Dhadhaab Bernard Ole Kipuri.

Majiraan wax cusub oo ku xusan macluumaadka majaladda internetka, ayuu yiri, al-Shabaabna waxa ay ku cel celinayaan hanjabaado ah in ay weerarayaan hay'adaha dowladda iyo dadka rayidka ah. "Kadib afar ama seddex tirsi, waxa ka dhammaan doona fikradaha, waxa ayna ku soo celcelin doonaan farriimo isku mida," ayuu yiri.

Kipury ayaa Sabahi u sheegay in al-Shabaab kaliya aanay doonayn dad ay qortaan, balse waxa ay rabaan in ay cabsi galiyaan dadka ku nool dalalka ku hadla luuqadda Sawaaxiliga, sida Kenya, Tansaaniya, Uganda iyo qeybo kamid ah Rwanda, Burundi iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

Waxa uu sheegay in majaladda ay caddeyn u tahay in al-Shabaab la hareereeyay, ayna baadi-goob ugu jiraan farsamooyin ay magaca ku badbaadsadaan.

Al-Shabaab waxa ay wax ku daabacayaan Sawaaxili si ay ay u helaan dad badan oo warkooda maqla kadib markii ay la dhibaatoodeen guul-darooyin is daba joog ah, ayuu yiri Kupury.

Al-Shabaab ayaa lumiyay meelo badan oo ay ku xoog badnaayeen oo Soomaaliya ku yaala bilihii ugu dambeeyay, sida Beledweyne, Baydhaba, Xuddur, Afgooye iyo Balcad. Waxaa intaa dheer, cafiskii ay dowladda Soomaaliya u fidisay dagaalyahanadii hore ayaa waxa uu kala qeybsanaan ku riday xoogagga al-Shabaab.

Al-Shabaab oo khasaaraha Kismaayo kaga soo socda u diyaarinaysa dagaalyahanno

Bogga hore ee cadadkii ugu dambeeyay ee majaladda ayaa muujinaya waddo burbarsan iyada oo cinwaan looga dhigay, "Wadada dheer ee loo maro Kismaayo".

Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa rajaynaya in ay magaalo dekedeedka istiraatiijiga ah ee Kismaayo ay qabsadaan bisha August.

"Qabsashada Kismaayo ma ahaan doonto dhammaadka Mujaahidiinta al-Shabaab, balse taa bedelkeeda waxa ay noqon doontaa bilowga jihaad dheer oo looga soo horjeedo Kenya, majaladda ayaa tiri.

Falanqeeyayaasha ayaa leh go'aanka al-Shabaab ay ku gaareen in inta badan tirsigooda labaad ay u gaar-yeelaan khasaaraha uga soo wajahan godkoodii ugu dambeeyay ayaa muujinaya in kooxdu ay dareemayso cadaais ba'an. David Ochami, oo ah saxafi daggan Mombasa, oo la socda howlaha dagaalyahiinta ee Bariga Dhexe iyo Geeska Afrika, ayaa sheegay in al-Shabaab ay rumaysan la'yihiin in meelihii ay ku xoogganaayeen ay uga adkaadeen ciidamo ayan markii hore waxba u arkayn.

"Kismaayo waa saldhigga kaliya ee u haray kooxda, waxa ayna isku dayayaan in ay dareenkooda isugu geeyaan. [Kismaayo] waa halka [al-Shabaab] ay ka helaan sahaydooda hubka ah, haddii la qabsadana, [al-Shabaab] waa la curyaamiyay," ayuu ku yiri Sabahi.

Kala qeybsanaan gudaha ah ayaa ka dhex bilaabatay kooxda, iyadoo luminaysa dagaalyahano tiro badan oo u baxsaday in ay badbaadaan ama arrimo dhqaale xumo, ayuu yiri Ochami.

Howlgalka militari ee kadhanka ah al-Shabaab waa in aan la joojin, marka dhan la iska dhigo weerarada ay kooxda ku hayso dadka rayidka ah, ayuu yiri.

Bilihii lasoo dhaafay, al-Shabaab waxa ay weerarro miinooyin ah iyo bambaanooyinka gacanta laga tuuro ah la beegsatay dad rayid ah, sida weerarao lagu qaaday laba kaniisadood oo Gaarisa ku yaala 1-dii July, halkaa oo ay ku dhinteen 17 qof, 60 kalena ay ku dhaawacmeen. 18-kii July, al-Shabaab waxa ay weerareen tima jare iyo hoteel ku yaala Wajeer, iyagoo dhaawacay afar qof.

Ochami ayaa sheegaya in Keenyaanku ay tahay in aysan al-Shabaab u ogolaan in ay ka joojiyaan howl maalmeedkooda.

"Xilligan, dadka reer Kenya si wanaagsan ayay uga dhargeen cawaaqibka dagaallada caynkan oo kale ah, balse weerarada miinada iyo bambaanooyinka lagu qaadayo dadka rayidka ah iyo dadka cibaadaysanaya waxa ay cadeyn cad u tahay in al-Shabaab ay awooddii ka dhamaatay," ayuu yiri.

Al-Shabaab oo sheeganaya dagaal diimeed aan jirin

Bashiir Xaaji Cabdulaahi, oo ah gaashaanle horey uga tirsanaa Ciidamada Difaaca Kenya ayaa sheegay in al-Shabaab ay majaladda u adeegsanayaan in ay marada ku ceshadaan, ayna dagaalyahanadooda ka niyad jabsan luminta Kismaayo u diyaarinayaan khasaaraha iman doona.

"Adduunku waa uu la socdaa in Cidaamada Difaaca Kenya ay [gacan ka gaysteen] xorreynta Afmadow iyadoo ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM-na ay xorreyyeen magaalooyin tiro badan. Kooxdu hadda waa la hareereeyay, waxa ayna isku dayayaan in ay niyadda dhistaan," ayuu yiri.

Cabdulaahi ayaa Sabahi u sheegay in kooxda ay marin habaabinayso dadka, iyadoo sheeganaysa in ay ku dagaalamayso magaca diinta. Waxa uu sheegay in ay tahay in kooxda loo diido si wada jir ah.

Tirsigii koowaad ee Gaidi Mtaani, al-Shabaab waxa ay ku sheegeen in Kenya ay noqotay cadowga Islaamka markii ay go'aansatay in ay ciidamo u dirto Soomaaliya.

Laakiin Cabdulaahi waxa uu sheegay in al-Shabaab aanay sheegan karin in ay yihiin Muslimiin dhab ah, iyagoo dilaya dadka aan waxba galabsan iyo walaalahooda Mulimiinta ah.

Waxa uu sheegay in maleeshiyadu ay beegsadaan hoggaamiyayaasha siyaasadda Soomaaliya, ciidamada Soomaaliya iyo muwaadiniinta iyo sidoo kale Muslimiinta u midoobay arimahooda. Waxa uu intaa raaciyay in saraakiisha Ciidamada Difaaca Kenya aya ku jiraan Muslimiin.

Guddoomiyaha gobolka Galbeedka James Ole Serian ayaa sheegay in al-Shabaab aanay sheegan karin in ay ka difaacayaan Soomaaliya fara galin shisheeye maadaama iyagaba ay ku dhex jiraan ajaanib disha dadka aan waxba galabsan.

Soomaalida waa ay soo dhoweynayaan fara galinta AMISOM kadib markii ay dhibaatoodeen muddo dheer, ayuu yiri. "Hadii al-Shabaab sida ay sheeganayaan ay Islaamka ka difaacayaan gaalada, ma aynaan aragneen muuqaalada farxadda ka muuqato ee ay Soomaalidu ka sameeynayaan meelaha laga xoreeyay gacanta argagixisada," ayuu yiri.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 171)

Dislike_icon(36)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • omar magoiga
    February 8, 2013 @ 06:29:40AM

    Meeday walaaltinimadii hadii ay alshabaab laynayaan walaalohooda muslimka ah? Jihaadka macnihiisu maaha in dad aan waxba galabsan la laayo

  • moses
    December 13, 2012 @ 08:29:56AM

    Al-shabaabkani waxay rabaan inay dadka reer kenya cabsi galiyaan oo ay dhalinyaradana marinhabaabiyaan iyagoo tusaya inay wali awood leeyihiin, inkastoo aysan taasi xaqiiq ahayn. Runtii dadkani waa taageerayaa.

  • JOHN THIONGO
    September 4, 2012 @ 03:28:31AM

    Kooxda alshabaab waa inay si wayn uga shallaysaa dilka ay dishay halyayadeena, waxaanan hambalyaynayaa ciidamada difaaca Kenya, kuwa Amisom iyo kuwa xukuumada federaalka ku meel gaadhka Soomaaliya, halkaana kasii wada dadaalka.

  • NTAGARA JOSHUA
    September 2, 2012 @ 04:24:12PM

    Cajiib, kooxda alshabaab waa rag awood badan, imisa dal ayaa ciidamadoodii geeyay soomaaliya? maxaad Kenya oo kaliya uga hadlaysaan. Bal maraykanka waydiiya wixii meeshaas ka qabsaday, waxaad ogaan doontaan inay ka cabsi qabaan in meeshaas mar labaad lagu jabiyo, markaasay soomaaliya u dirayaan dalalka sida Kenya iyo Burundi iyo Uganda oo kale ah iyo kuwa la midka ahba. Dadkiina cabanaya waxaan shaki ku jirin inay kooxda alshabaab idin xanuujisay, markaa waxaad hogaamiyayaashiina kula talisaan inay ciidamadoodu guryo noqdaan, waayo kooxda alshabaab jab ayay idin gaadhsiin doontaa.

  • MBUSH
    August 31, 2012 @ 12:27:48PM

    Hadii ay xubnaha kooxda alshabaab ay ragyihiin, waa inay dibada ugu soo baxaan oo ay waajahaan ciidamada difaaca Kenya, intay sida dooliga isugu qarinayaan godadka. Waxaan odhan lahaa dadkan hala tirtiro.

  • deno
    August 31, 2012 @ 07:33:39AM

    Waxa kaliya ee aan u baahanahay waa nabad

  • gatonyepeterson
    August 30, 2012 @ 01:36:20AM

    Waa in dadka argagixisada iyo xagjirnimada wadaa ay ogaadaan inay ku jiraan dagaal ay ku jabi doonaan

  • Trust Peace
    August 26, 2012 @ 06:44:42AM

    Arrinkani waa mid u yaala dhamaan dalalka bariga afrika ee Kenya ku dhow, markaa fadlan joogsada

  • MUSLIM ISSA AMEIR
    August 25, 2012 @ 12:21:33PM

    Waxaan jecelahay inaan ciidamada Kenya kula dardaarmo inay joojiyaan dagaalka ay ku wadaan kooxda alshabaab, waayo dhibaato wayn ayay ka dhex abuuri doonaan Kenya, dad aan waxba galabsana wali way sii dhiman doonaan, inkastoo ay hogaamiyayaasha kooxahaas ee sarsare qarsoodi kusii jiri doonaan, markaa joojiya arrinkaa

  • SOMALI
    August 23, 2012 @ 12:45:18PM

    Runtii faalooyinka qaarkood si qurux badan ayaa loo qoray, si kasta ha ahaatee, maaha in diinta islaamka ama ta kiristaanka la canaanto. Anigu waxaan canaanta dusha ka saarayaa qof kasta oo doonaya inuu dilo dad rayid ah, xitaa ay hadday cidaasi tahay dalka Israel ee iyadu laysa dadka falastiiniyiinta ah ee masaakiinta ah. dagaalka hala joojiyo.

  • Gitonga F.M.
    August 23, 2012 @ 09:24:13AM

    Kooxda alshabaab hada waxay ka dhigan tahay faras sii bakhtiyaaya, dhawaana waxay noqon doontaa wax tagay.

  • Victor
    August 23, 2012 @ 07:26:53AM

    Dhamaantood jahanama ha tagaan, waay dunida boos ugama banana.

  • Gitonga Nicholas
    August 22, 2012 @ 08:48:53AM

    Anigu kooxda alshabaab waxaan ku nacay falalkooda dhimashada horseeda. Waxay iyagu u malaynayaan inay dadka dilikooda ku jana tagayaan, laakiin waxaan u balanqaadayaa inay cadaabta tagi doonaan, waana inay fahmaan inay guuldarraysteen.

  • mujahiid
    August 22, 2012 @ 07:25:16AM

    Waligeen kaligeen socon mayno

  • NICK SHON
    August 21, 2012 @ 05:38:20AM

    Waa nasiib daro in ay kooxdani rabto inay meel mariso ajendeheega ah inay dagaalkan ka dhigto mid u muuqda inuu yahay dagaal ka dhexeeya muslimiinta iyo walaalohooga kirstaanka ah. anigu waxaan wax kusoo bartay iskuul islaam ah, waxaanan ogahay in muslimiinta dhabta ahi ay ixtiraam u hayaan nolosha bini’aadamka, sidaana waxay ku fulinayaan ilaaha amarkiisa uu usoo jeediyay. Hadaba aan gacmaha is qabsano, oo aynu si dhab ah u walaalowno, inkastoo ay caqiidadeenu kala duwan tahay.

  • muchirih
    August 20, 2012 @ 03:10:10PM

    Waaryaadha! Muslin, Kiristaan, Soomaali, shicib iyo ciidan… dhamaantiin midhkan iga qora “qofkii dhimbil baabacadiisa ku qabta isagoo raba inuu cadowgiisa ku tuuraa isaguumbay gacantu guban doontaa”. Anigu Soomaaliya waxaan u arkaa goob dhaqaale oo mandaqadda isu keenta, haddii taasi rumowdana waxaa laga baahi bixi doonaa safarka ay dadku dubay u safraan. Soomaaliya waxaa yaala khayraad aan ooda laga rogin, waxaana ka mid ah xeebeheeda iyo xidhiidhka ay la leedahay dalalka khaliijka iyo bariga dhexe iyo qaarada eeshiya ee xaga bada ah. waxaan hadaba anigu rabaa inaan arko wado haay way ah oo loo furo dadka safaryahanka ah ee reer Kenya, iyo ganacsato soomaaliyeed oo basas isaga kala gooshaya magaalooyinka Garissa iyo Wajir iyo Korbio iyo Kiunga iyo Ras Kamboni iyo tuulooyinka kale ee meelahaas ka ag dhow ee soomaaliya. hadaba fikradani waxay ka dhalatay isla dhibaatooyinka sababay in aynu faraha la galno dagaalo kharash badan inagu haya oo ay wadaan ciidamada amisom iyo kuwa hawlgalka “Linda nchi”. Qofku wuxuu fulin ama dabiqi karaa kolba wixii maskaxdiisa ku jira, markaa kooxda alshabaab iyaga waxaa maskaxdooda ku jira dagaalo iyo waxyaabaha quraanku dhigayo ee afcarabiga ah. hadaba hadii aynu aamino in tacliintu tahay wax qaali ah, aynu eegno halka ay jaahilnimadu dadkaas gaadhiisay. Tacliintu waxay xoraysaa dadka, qofkana waxay siisaa caqli uu wax ku kala garto. Muxuu yahay jahligan dunidii qabsaday ee diintii kiristaanka dusha ka qabsaday? Waa ayo cida jahligan wadaa? Hadaba waa in amisom ama cid dhaantaa ay soomaaliya sii joogtaa, ilaa inta dadka maskaxdooda laga xoraynayo jahligaas, waana in soomaaliya la gumaystaa, tacliintana dadka qasab lagaga dhigaa, si dadka masaakiinta ah maskaxdoodu u noqot mid faa’ido leh, oo dhaanta dayacaada ay hada ku jiraan iyo dhibaatooyinkan ay inagu hayaa.

  • mujahid
    August 20, 2012 @ 09:09:17AM

    Kooxda alshabaab waa koox jihaadka aaminsan, maalinuun bayna qabsan doonaan Kenya iyo itoobiya dhulkooda, waxaanay ciqaabi doonaan dhamaan ciidamada dagaalka kusoo qaaday bulshada islaamka ah. dhanka kale, maxaa keenay in xukuumada israa’iil ay layso dadka reer falastiin ee aan waxba galabsan maalin kasta iyagoon wax dambi ah galin?!!! Ciidamada difaaca Kenya soomaaliya kooxda alshabaab ma rabaan ina ka xoreeyaan, laakiin waxay u dan leeyihiin inay soomaaliya qabsadaan, markaa dhamaan dadka soomaaliyeedna waxay la safan doonaan kooxda alshabaab,si ay dalkooda uga difaacaan cadawgooda koowaad (Kenya iyo itoobiya.)

  • shaban singano
    August 20, 2012 @ 06:00:56AM

    Xaqiiqda ogaada, markaasaad xoroobi doontaanee

  • NJUE NJAGI
    August 20, 2012 @ 04:36:38AM

    Kooxda alshabaab hadda waa la burburiyay, wakhti ayuumbaana inaga xiga markay ciidamada difaaca Kenya iyo kuwa amisom ay gacanta ku dhigi doonaan kismaayo. Waxaan leeyahay ciidamada sirdoonka hawsha libin laaba, markaasay nabadu dhalan doontaaye. Hadii aad dagaalka dumar iyo caruur ku laysaan, waa la idinka adkaan doonaa.

  • Fredrick Soprin
    August 19, 2012 @ 05:40:17AM

    Waxaan arkaa kooxda alshabaab oo markoodii la xanuujiyay dhiigoodana la daadshay. Waxay moodayeen in ciidamada difaaca Kenya ay yihiin kuwo bilaa khibrad ah, laakiin way ka shaleeyeen. Ciidamada difaaca Kenya iyo kuwa amisom waxan leeyahay gaadhiga geerka u kordhiya, si ay kooxda alshabaab soomaaliya uga firdhato, dalkan dagaaladu ragaadiyeena nabadu ugu soo laabato.

  • golo jatan
    August 18, 2012 @ 05:46:42AM

    Kooxda alshabaab ayaa imika gacan sareeya.

  • oginga randiki
    August 17, 2012 @ 12:43:04PM

    Ciddii dadka dhiigooda ku maydhata kuna baaqda in la laayo dumar iyo caruur aan waxba galabsan, isla markaana falalkaas ku xidhiidhisa diinta kiristaanka ama diinta islaamka, ciddaasi waa dad faasiqiin ah oo aan wax tarbiyad diimeeda lahayn. Ma jirto diin amraysa dilka caruur, rag iyo dumar eebe abuurtay oo aan waxba galabsan, bal ee diintu waxay amartay in la ilaasho nolosha bini’aadamka, manay kala soocin diimuhu dhiiga dadka reer Kenya iyo ka reer Soomaaliya. markaa anigu habeen hurdo maan ladeen haddii aan dadkaas la soo xidhin, si caddaalad ahna loo maxkamadayn, dabeedna xukun dil ah lagu ridin oo kadibna la daldalin, ilaa inta ruuxdooda sharka lihi ay jidhkooda ka baxayso.

  • Ronald Monah
    August 17, 2012 @ 08:12:28AM

    Waxay kooxda alshabaab balan qaadeen inay noqdaan sidii dhagax adag oo aan la jabin karin, waayo dagaalo badan ayay hore usoo galeen, waxaanay isku sifeeyeen inay yihiin dad khibrad dagaal leh. Markaa maxay hada uga yaacayaan ciidamadeena ay furimaha dagaalka isku haleeleen?

  • George Karugo
    August 17, 2012 @ 07:38:09AM

    Dardaaranada tobanka ah waxaa ka mid ah in qofku uusan qof kale dilin, markaa maxay kooxda alshabaab u dilaysaa dadka aan waxba galabsan. Waxa hubaal ah inaysan ilaahay janadiisa gali doonin, waayo way halaabeen, waxaanan ilaahay ka baryayaa inuu jidka toosan tuso.

  • mweupe
    August 17, 2012 @ 07:33:33AM

    Anigu waan necebahay kooxda alshabaab iyo falalkooda bahalnimada ah, iyo dilka ay magaca diinta dadka ku laynayaan. Waxaan ilaahya ka baryayaa inuu quluubtooda garansiiyo inay joojiyaan dhibta ay dhibayaan dadka aan waxba galabsan.

  • DAVID
    August 17, 2012 @ 06:45:54AM

    Waxaa la gaadhay xiligii ay dadka soomaaliyeed xoroobi lahaayeen oo ay la mid noqon lahaayeen dalalka kaleeto ee qaarada afrika, waxaana haatan loo baahan yahay in dalka la dhiso, oo aan dalalka kale loo yaacin. Waxa la gaadhay xiligii diirada la saari lahaa talaabada xigta ee ay tahay in la qaado, ee maaha in loo yaaco maraykan iyo ustareeliya. Waxaad markasta arkaysaa dadka soomaaliyeed oo ururada aan dawliga ahayn dabayaacaya, sida ururka I.O.M, iyagoo waydiisanaya fiisooyin. Markaa waxaan leeyahay waxa la gaadhay xiligii aad dalkiina dhisi lahaydeen, ee joogsada.

  • Asiyo Dick
    August 17, 2012 @ 06:44:43AM

    Ma hawl yara in kooxda alshabaab laga takhalusaa, waayo waxay soo gashadaan dharka ay raga iyo dumarka muslimka ah ee caadiga ahi ay qaataan, hubkoodana way iska sitaan, sidaasayna kaga gacan sareeyaan ciidamada Amisom, kuwaasoo iyago marwalba heegan dagaal ku jira oo si dhib yar haybtooda loo garan karo.

  • qadar awale
    August 17, 2012 @ 06:34:31AM

    Ilaahay wuxuu dadka dhulka ugu abuuray si ay u horumariyaan, si nabadgalyo lehna ay u joogaan, dadka kalena ugula noolaadaan kalgacayl iyo naxariis iyo nabad iyo xasilooni. Laakiin waxaa soo baxay kooxo kala duwan oo isku sheega inay argagixiso yihiin, si ay dadka cabsi galiyaan, arrinkaasina maaha mid wanaagsan. Hadaba waxaa muhiim ah in wadaada iyo culimadu ay dadka ku hagaan dariiqa toosan, kaasoo ah mid aysan iyaga iyo dadka kale midna uusan ku dhib mudan doonin, waana inay wadaadu dadka faraan is cafis iyo inay dhexdooda nabad ka dhaliyaan.

  • Hussein
    August 17, 2012 @ 05:26:44AM

    Argagixisadu maahan wax cusub oo aan hore loo aqoon baryihii hore, laakiin su’aashu waxa weeyaan, xageebay kasoo bilaabantay? Sideebayse ku taabagashay? Yaana maal galiya? Cidi arrimahaas kama warhayso, laakiin waxa la ogyahay in argagixisadu aysan diin iyo dal midna ku koobnayn, bal ee ay tahay aafo dunida ku faaftay, taasoo ay ku dhib qabaan dad aan waxba galabsan oo nooc kasta iyo dal kastaba kasoo jeeda. Tusaalaha dhacdooyinkaas waxaa ka mid ah wixii dhawaan ka dhacay gobolka siinaay ee ku yaala masar, halkaasoo weerar lagu qaaday ciidamo aan waxba galabsan, kuwaasoo argagixisadu ay naftoodii galaafatay. Hadaba waxaa maalin kasta Soomaaliya ka dhaca awood adeegsi iyo sharciga oo lagu tunto iyo falal argagixiso ah iyo afduub iyo xadgudub lagula kacayo dadka iyo ciidamada soomaaliyeed oo dhibtu iyaga ku dhacdo. Markaa hambalyo ciidamada soomaaliyeed, waayo waxay la yimaadeen dadaal balaadhan, kaasoo ay hadh iyo habeen ba wadaan, ilaahay awoodiisa ayaydun kusoo celin doontaan nabada iyo amaanka dalkiina. Waxaan ilaahya ka baryayaa inuu idin barakeeyo oo uu idin ilaaliyo, isla markaana uu idin siiyo awood iyo xoog, niyadiinana uu adkeeyo, jacaylka aad dalkiina u haysaan ayay soomaaliyana ku soo noqon doontaa marlabaad. Soomaaliya waxa usoo baxday cadceed cusub oo rajo xambaarsan, markaa sii wada cadaalada iyo dhawrsoonaanta aad ku dhaqmaysaan, oo cidna canaanteeda ha ka cabsoonina. Imisay dad laayeen kooxaha argagixisada ahi? Hadaba isku duubnaantiinu waa waxa aad argagixisada kaga amaan gali kartaan, hadii taasi dhacdona waxaad u noolaan kartaan sida dalalka kale ee calamka, ee nabada iyo amaanka ku nool.

  • المصري
    August 16, 2012 @ 08:05:50PM

    Argaggixisadu waa qaar ku mamay dilka, burburka iyo baaba’a, waana kuwo neceb nolosha, waxaanay jiritaanka nolosha u arkaan nolol la’aan. Sidoo kale, waxay argagixisadu ku raaxaystaan laynta dadka aan waxba galabsan ee rayidka ah, kuwaasoo kasoo horjeeda ra’yigooda ama caqiidadooda. Argagixisada way la fududahay inay daadiyaan dadka aan waxba galabsan dhiigooda, iyagoo ku andacoonaya inay dadkaasi yihiin dad gaalo ah. sidoo kale, waxay argagixisadu u haystaan cidii isku dayda inay nolol wanaagasan ku noolaato inay diinta ka leexdeen, waxaanay dadka kula dhaqmaan diinta ay iyagu aaminsan yihiin, umana arkaan inay dadkaasi yihiin bini’aadam. Argagixisadu waa dadka maan gaab ah, waxaanay la mid yihiin dadka xagjirnimada ku dhaqma, waxaanay rabaan inay soomaaliya ku maamulaan shareecada islaamka, laakiin si khaldan ayay shareecada u dabaqeen. Argagixisadu waa kuwo ku raaxaysta inay gubaan meel kasta oo ay caga dhigaan, waxaanay meelwalba oo ay tagaan ku laayaan rayidka, iyagoo ku andacoonaya inay dadkaasi gaalo yihiin ama bilaa akhlaaq yihiin. Hadaba dadkani waa argagixiso dhamaantood, madax iyo mijaba, xitaa hadaysan isku urur ahayn, waxay wada aaminsanyihiin afkaar wasakh ah.

  • victor
    August 16, 2012 @ 09:59:21AM

    Ha la laayo ilaa ay dhamaanayaan, aakhirana cadaab ayaa ku sugaysa markaa tirtira gabigood.

  • anyango
    August 16, 2012 @ 05:39:25AM

    Waxaan kooxda alshabaab ka baryayaa inay joojiyaan falkan! Waa dulmi aad u wayn in dadka aan waxba galabsan la laayo. Fadlan oo fadlan joojiya waxan aad wadaan, si aan ugu raaxaysano nabada aanu sanadaha badan haysanay.

  • ABASS
    August 16, 2012 @ 05:29:02AM

    Anigu waxaan ahay muwaadin reer Kenya ah oo asal ahaan soomaaliya kasoo jeeda. Asxaabtayda waxaa magacyadooda ka mida Oduori, Gaceri, muthoni, shikanga, baraza iyo Abdallas (waa qaar kamida asxaabtayda). Dadkaasi waa dadkii aan wax lasoo bartay, ee aan wax lasoo cunay, oo aan xitaa dharka kala badalan jirnay, isla markaana aanu roodhi afokaado la mariyay wada cuni jirnay (ma xusuusataan dugsigii sare), waana asxaabtaydii caruurnimada ilaa imika. Diintaydu waxay I faraysaa in aan nabadgalyo ku dhaqmo. Islaamka macnihiisu waa salaam ama salama (taasoo macneheedu afsawaaxiliga ay tahay nabad). Kooxda alshabaab waxaan leeyahay dilka aad aniga iyo asxaabtayda dilaysaan idinkoo magaca islaamka ku hadlaya waa wax kasoo horjeeda wixii uu aabahay I baray, waxaanuu ahaa macalin (yacni macalin diineed), waxaanan hubaa inuu idinka yaqaanay diinta, waayo waxaad qaadateen qoryo, kuwaasoo aad ku layseen dumar iyo caruur aan waxba galabsan, oo aad kana qixiseen guryohoodii, halkaasoo ay noqdeen qaxoonti, laguna kufsado xeryaha qaxoontiga. Anigoo magaca islaamka ku hadlaya, waxaan idin leeyahay arrimahayaga faraha kala baxa, dalkayga iyo KICC asxaabtayda iyo dumarka iyo caruurta aan waxba galabsana faraha kala baxa. Waxaad dhibaato usoo jiideen dadkii, muwaadiniintiina waxaad u horseedeen jahli, dad kale oo badana waad dhaawacdeen. Sidoo kale, dadkii caawimooyinka siday ee rabay inay dadka itaalka daran iyo kuwa saboolka ah daaweeyaana waad horjoogsateen, hadana waxaad sheeganaysaan muslim??? Iska daa cid kale xitaa gaalada ayaa og inaad been sheegaysaan!!! Waxaan rajaynayaa in dhibaatada kismaayo ka socotaa ay dhamaan doonto dhakhso, oo dhawaana meesha la idinka tuuri doono.

  • Richard
    August 16, 2012 @ 04:25:58AM

    Wada hadalka iyo diblumaasiyadu waa habka kaliya ee si dhab ah loogu soo afjari karo dhibaato kasta oo jirta. Waxaa hore loo yidhi “Suura gal maaha inaad cadawgaaga gacan qaado, hadii ay gacmahaagu feedh-duub ku jiraan!!”

  • merab dickens
    August 16, 2012 @ 03:52:43AM

    Aniga waxay ila tahay inaysan xukuumadu qaadin talaabooyin dalka amaankiisa sugi kara oo ilaalin kara. Runtii waan ka daalnay hadal aan macno lahayn, waxaana loo baahanyahay ficil. Dadku idiin may codayn oo xilalkaa culus idiin may igmanin si aad hadal uun u maqashiisaan, waayo waxa loo baahan yahay inaad ficil la timaadaan. Hadii aad dadka amaankooda u sugtaan sida aad kiina u sugtaan, maanta maydka iyo dhimashada dadku may tiro beeleen. Markaa ujeedooyinkiina amaankooda suga.

  • emily nkunja
    August 16, 2012 @ 02:53:00AM

    Xukuumaddu waa inay ciidamadeena xoojisaa, si loo baabiiyo kooxahan argaggixisada ah, oo dal nabad ah loo helo.

  • muslim lillah
    August 16, 2012 @ 01:00:16AM

    muslimiinta iyaga ayaa guuleysan doonna , gaalada kirishtaanka ahna siduu allah balan qaaday way halaagsami doonaan , ciidamada allahna wax hor istaagi karaa ma jiraan وان جندنا لهم الغالبون shacabka keenyana hadaysan muslimiinta garab siinin adoomo ayay noo noqon doonaan inshaa allah. gaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaloooooooooooooo weeeeeeeeeeey jaaaaaaaaaaabbbbbbbbbeeeeee

  • Ali Sadeq
    August 15, 2012 @ 10:45:16PM

    Waxaan ilaahya ka baryayaa inuu cimri dherer siiyo cidii taageerta ciidamada afrikaanka ah, si ay ugu raaxaystaan midhaha hawshooda wacan. Ciidamada Amisom iyagana waxaan leeyahay hadii aydaan soomaaliya joogi lahayn oo aydaan taageeri lahayn, soomaaliya heerka ay maanta joogto may soo gaadheen. Soomaalidu waa inay dhamaantood midoobaan, oo ay kasoo horjeestaan cidii kusoo gardaroota, waxaan u rajaynayaa khayr, waxaanan ugu ducaynayaa inay helaan nabad, si ay dadku ilaahooga ugu kalsoonaadaan oo aysan dadka ugu baahanin.

  • sylvester
    August 15, 2012 @ 10:22:12PM

    Khatar ayaa soo socota. Kooxda alshabaab waa laga xoog roonaaday, waana kaliya in hadhaageeda la safeeyo, waayo si bilaa nidaam ah ayay hawlgalo usii wadi doonaan, hubkana way iskaga tagi doonaan. Waxaa iyaduna suurto gal ah inay dhibaato wayn gaadhsiiyaan dadka rayidka ah, laakiin waa in arrinkaasi uusan ina cabsi galin, waayo dagaal ayaynu ku jirnaa, dagaalkana wiil baa Ku dhintee wiil kuma dhasho. Ciidamada Amisom waa inay dhakhso u qabsadaan kismaayo.

  • SALEM SALEH
    August 15, 2012 @ 09:21:13AM

    Waxaan ilaahya ka baryayaa inuu dadkoo dhan jidka toosan ku hanuuniyo

  • Henry N. Onsando
    August 15, 2012 @ 09:00:18AM

    Dadkaas dhiigyacabka ahi ma ilaahay ayay caabudaan mise shaydaanka. Sideebay u dili karaan dadka rayidka ah iyo kuwa taagtadara, iyagoo isla markaasna ilaahay u mahadcelinaya! Yaa xusuusan madaxwayne Saddam Xuseen? Wuxuu ahaa ninkii dadkiisa gaas ku buufiyay ee sumeeyay. Sidoo kale, wuxuu ciidamada maraykanka iyo xulufadooda ugu hanjabay inay la kulmi doonaan dagaal uu ugu magac daray “hooyada dagaalada oo dhan”, laakiin hadan markay weerareen dalkiisa, wuxuu u cararay god dacawo, ugu dambayntiina si xanuun leh ayuu u dhintay, kadib markii xukun maxkamadeed lagu soo rogay. Hadaba kooxda alshabaab iyaguna sidaasay ku dambayn doonaan meel kasta ha joogaaee.

  • Milly
    August 15, 2012 @ 08:15:14AM

    Dadku meesha faalooyin wacan bay ku qoreen. Inkastoo aan u cadhaysnahay kooxda alshabaab, laakiin hadana waxaan ka niyad jabsanahay xukuumadeena, waayo waxay u ogolaatay dad badan oo soomaali ah inay Kenya dhul ku yeeshaan, gaar ahaan magaalo xeebeeda Mombasa, taasaana keenaysa inay adkaato in argagixisada laga safeeyo dalkeena. Maxaa la yeelayaa hadii ay doonaan inay baarlamaanka kuraas ku yeeshaan….waxa hadaba loo baahanyahay in talaabo la qaado, waana in dalkoodii lagu celiyaa, waayo martiqaadkii iyo soo dhawayntii ayay ku si xun u adeegsadeen. Teeda kale, dhaqaaleheenii dhulkuu galay, markaa waa in madaxwayneheena soo socdaa uu inooga waramaa wuxuu ka yeeli doono dadkan soo galaytiga

  • asadhan
    August 15, 2012 @ 05:23:25AM

    Xaqa waa inuu qofku ogaadaa, waayo xaqu wuxuu qofka siin karaa xornimo

  • judah mutuku kisaingu
    August 15, 2012 @ 05:06:51AM

    Inteebay rabtaa kooxda alshabaab inay dagaalka sii waddo? Maxayse tahay diinta dadka faraysa inay waligood adoomo ahaadaan? Malaha waxani waa diin ku dhisan xagjirnimo iyo been abuur.

  • DENNIS YEGON
    August 15, 2012 @ 02:58:39AM

    Anagu waxaanu aaminsanahay ciidamada difaaca Kenya inay awood leeyihiin, waxaanan leenahay hà la qasado magaalada kismaayo, markaasay Soomaaliya nabadi ka dhalan doontaa, ilaahayna wuu inala jiraa, waananu idiin ducaynaynaa.

  • Babangeda
    August 14, 2012 @ 10:53:15AM

    Kenya iyadaa wali kooxda alshabaab u ogol inay neefsadaan oo ay sidii nin daad qaaday xumbada qabsadaan, markaa maxay Kenya u baabiin laada’ay (oo ay kismaayo u qabsan laada’ay), waayo hadii ay sidaa yeesho way dabar go’i lahaayeen.

  • KIPLAGAT KITALE
    August 14, 2012 @ 10:05:14AM

    Sababta kaliya ee ciidamada difaaca Kenya ay Soomaaliya u joogaan waa inay sugaan nabadda Soomaaliya iyo ta Kenya, arrinkaasina waxaan qabaa waa arrin ilaahay raali ka yahay. Waxaan u sheegayaa ciidamada difaaca Kenya inay dagaalka dhawaan ku guulaysan doonaan.

  • GADAPHY OMONDI
    August 14, 2012 @ 09:27:10AM

    Kooxda alshabaab runtii haatan cabsi wayn ayaa haysata

  • KDF
    August 14, 2012 @ 08:51:20AM

    Ciidamada difaaca Kenya waa askar, waligoodna sidaasay ahaan doonaan. Kismaayo soo dhawaatay, kooxda alshabaab na haatan cagaha ayay wax ka dayeen, markaa baabiiya oo burburiya. Waxaa loo baahanyahay in Soomaaliya ay waligeed nabad ahaato, kooxda alshabaab na ha dhacdo!

  • MWANGI JUSTUS
    August 14, 2012 @ 06:18:22AM

    Macquul maaha in qofku dadka laayo, isla markaana uu ku doodo inuu ilaahay hortii sidaa u yeelayo. Arrinkaas waa cantabaqash. Jabka alshabaab ku dhacay waa inuu cashar u noqdaa kooxaha kale ee ay isku sida u wada fekeraan....... dhowaan.

  • EVA
    August 14, 2012 @ 06:03:21AM

    Ilaahay ayaa wax kasta awooda inay dhacaan.

  • joseph
    August 14, 2012 @ 05:13:48AM

    Anigu waligay kumaan fekerin in kooxda alshabaab ay tahay koox diinta ku salaysan, mana fahansani diintay ay sheegayaan, waayo diinta islaamka ee dhabta ahi way ka soo horjeedaa laynta dadka walaalahaa ah. Sidoo kale, cid kasta oo nabadda jeceli way garan kartaa in kooxda alshabaab ay la mid tahya naaziyiintii jarmalka, markaa waa in kooxda alshabaab ay taariikhda akhridaa oo ay wax ka ogaadaan wixii uu dagaalkii labaad ee dunidu ku dhamaaday. Dhanka kale, bulshooyinka horu maray ee xadaaradda gaadhay ee qarnigan kow iyo labaatanaad jiraa waa inaysan qori caaradii dagaalada guul kaga gaadhiin, waana inay wanaag iyo jacayl guusha caynkaas ah ku gaadhaan. Laakiin waxaa iyaduna meesha ku jirta in cidii seef waxa ku disha iyadana seef lagu dilo, xeerkaana sidaa dhigaya.

  • salim
    August 14, 2012 @ 04:10:11AM

    Waa ay dhamaystiriin dhamaan qorshayaashooda macquulka ah. Ciidamada Difaaca Kenya taga tuulooyinka ugu dambeeya ee ay haystaan

  • stella
    August 14, 2012 @ 04:08:59AM

    khatartoodu waa mid wayn laakiin wakhti yar ayaa lagu baabiin doonaa...

  • Murianki L.N
    August 14, 2012 @ 04:01:27AM

    Waxaa la joogaa wakhtigii ay ahayd in kooxda alshabaab si daran loo garaaco. Ciidamada difaca Kenya iyo xulufadoodana waxaan leeyahay halkaa kasii wada!

  • PETER MASILA ELIZABETH
    August 14, 2012 @ 03:14:06AM

    Anigu wali maan fahmin in Kenya ay qorshaha ugu jirto inay kooxda alshabaab kaga takhalusaan qorshahooda indha la'aanta ah ee yoolka 2030-ka........ Sheekada howl-galka Linda Inchi ilaa meeqa ayay qaadanaysaa???????????

  • Masoud Ibrahim Ali.
    August 14, 2012 @ 02:44:27AM

    Kooxda alshabaab waa sababta keentay in dadka reer Kenya ay badiba nacaan islaamka. Sideebuu qofku dadka aan waxba galabsan u layn karaa isagoo magaca ilaahay ku hadlaya, waxaasi diin maaha. Waxaan leeyahay daka arrimahaas wada, ajandayaashiina xumaanta ku dhisan ayaad rabtaan inaad mee lmarisaan, laakiin haatan waa la idin jabiyay, yeela ama ha yeelina.

  • smss
    August 13, 2012 @ 10:59:10PM

    Anagu Alashabaab ma rabno

  • ALIJUGUR
    August 13, 2012 @ 02:52:20PM

    Waxa dhacaya oo dhan cidda khasaaraha ugu wayni soo gaadhaa waa dumarka Soomaaliyeed, waayo waxay ku qasban yihiin inay sanad kasta caruur dhalaan, si ay u badalaan dadka ku dhimanaya dagaalka [Al-Shabaab]. Sidoo kale, waxaa dumarka lagu qasbaa inay iyagoo 15 sano jira ay guursadaan, ujeedada arrinkaa laga leeyahayna waa kaliya inay wax dhalaan. Hadiiba ay dhacdo in ilaahya kama dhigee ay dhibi timaado, waxa suuragal ah inay carmal noqdaan iyagoo aan wali caruur dhalin ama markaasuun la aroosay, oo loo guuriyay qof aysan waligii is arkin. Hadaba waxaan dumarka leeyahay dagaalka ma doorkaasaa idinkaga soo hagaagay? Haday sidaa tahay dee runtii dhib wayn ayaad ku qabtaan, markaa kaliya waxaan rajaynayaa in waxaad wadaan faa’ido idiin leeyahay. Hadii kale, waxaad awoodi kartaan inaad ficil la timaadaan oo aad gabdhihiina badbaadisaan.

  • Zack
    August 13, 2012 @ 12:10:55PM

    Xaqiiqadu waxa weeyaan maleeshiyada kooxda alshabaab waa dambiilayaal, kuwaasoo ah qaar ku nool fawdada iyo nidaam la’aanta jirta. Bal waxaad ka fikirtaan lacagaha malaayiinta ah ee ay madax furasho ahaan uga helaan falalkooda budhcad badeeda ah. Hadaba waa inaan cidna lagu khiyaamaynin inay hor ilaahay u dagaalamayaan, waayo waa wax aan habayaraatee run ahyan! Quraanka iyo injiilku midna fawdada ma taageersana. Waxaan rajaynayaa in qofka meesha wax ku qoray uu kula taliyo inay isa soo dhiibaan, oo ay ciidanka Soomaaliyeed Ku biiraan marka dalku miyirsado ee nidaamka lagu soo cesho. Sidoo kale, waxaan rajaynayaa in uu aduunku haatan ogaaday inay muhiim tahya inaan dalka lagu eegin nidaam la’aanta ka jirta, waayo waxaa jira dhagar qabayaal badan oo u tarisaya inay arrinkaas ka faa’idaystaan, halkaana waxaa ku dhib muta dadka rayidka ah, kuwaasoo iyagu aan dhibtaas isu soo jiidin.

  • RASHID
    August 13, 2012 @ 10:29:42AM

    Alshabaab marka laga takhaluso ka dib, waa in dhamaan dadka Soomaaliyeed iyo kuwa reer Kenya ee nabadda jecel ay iska ogaadaan cadawga dhexdooda ku jira, waayo waxaan ogahay oo aan maqlay wadaado iyagu nacayb dadka ku beera, iyagoo diinta dadka ugu soo gabanaya. Dhalinyaradeenii maskaxda ayaa laga xaday, waxaana maskaxda ka xaday ragga noocaas ah, iyagoo ku amraya inay u dagaalamaan qadiyad gabi ahaamba kasoo horjeeda xuquuqda bini’aadamka, diinta ilaahayna wax shuqul ah aan ku lahayn.

  • maxamad saleban awbiindhe
    August 13, 2012 @ 09:44:35AM

    aniga waxay ila tahay dumarku inanay ka qayb galin siyasada. oo gurigod iyo caruurtodi wax u dhama anay jirin, wayo waxay madax u yihiin dawladihi hoose oo dhan,

  • fanii
    August 13, 2012 @ 08:50:51AM

    khaniis oo dhan inta ayey wax qorta war waxaan dhamaantooda la wasayaasha ah maxay meesha wax ugu qoraan misee agaaba iska leh meesha aan idin sheego shab shab rag baan ahay iyo shabaab ma ihi wax isleh ma ahan oo rag ayaga kasoo haray aan ogahay majiraan

  • Young Job
    August 13, 2012 @ 08:04:34AM

    Ciidamada Kenya waxay ku mahadsanyihiin shaqada wacan ee ay qabteen. Waxaa hubaal ah in alshabaab ay yaab iyo amakaag kujiraan, waayo waligood kamay filayn ciidamada Kenya tanoo kale. Dhanka kale, waa in dadka rayidka ah ee reer Kenya ay feejignaadaan, oo ay ciidamada ammaanka la shaqeeyaan, si ay usoo gudbiyaan wixii ay helaan ee macluumaad ah ee ku saabsan ciddii shaki abuurta ama khatari ka muuqato, si talaabo looga qaado, waxaanad xusuusnaataan in aysan dambi ahayn haddii aad bilayska usoo sheegto qof aad ka shakiday.

  • Ali Abdirahman Adan
    August 13, 2012 @ 08:00:30AM

    Anigu waan kasoo hor jeedaa ra’yiga meesha lagu qoray qaarkii. Markaynu Soomaaliya nabad laga dhaliyo ka hadlayno, waa in la helaa hab kale oo nabadaas lagu keeno, oo aan malaayiin ciidan ah loo dirin Soomaaliya, iyadoo lagu doodayo in la rabo in Soomaaliya nabad laga dhaliyo. Imika shan sanaa kasoo wareegtay, wax soo naasa cadina ma jiraan, waana in aan xusuusanaa maahmaahda odhanaysa hadii aanad ka adkaan karin ku biir. Taa waxan uga jeedaa, habka kaliya ee nabad lagu gaadhi karaa waa wada hadal, iyo in dimuqraadiyada la adeegsado oo aan qori la adeegsan. Sidoo kale, waxaan idiin sheegayaa in cida alshabaab maal galisaa ay tahay Maraykanka, ujeedadooduna waa inay Muslimka burburiyaan. Haddii la rabo in nabad la helo, si dhib yar ayaa lagu keeni lahaa nabadaas, laakiin ma jirto cid Soomaaliya nabadeeda dan ka leh. Markaa fariintayda aan u dirayo dhamaan dadan faalooyinka meesha ku qoray ee jaahiliinta ahi waxa weeyaan: fadlan sidan aad tihiin caqligiinu ha dhaamo oo ka fakara dalkiina faqiirka ah.

  • karuguru
    August 13, 2012 @ 07:24:41AM

    Alshabaab waa budhcad ay tahay in la dabar gooyo wax kastaa ha dheceene, si ay Soomaaliya dadkeedu nabad ugu noolaadaan. Dadka Soomaaliyeed ee nabada jecel waxaay ku jireen musiibo ah labaatan sanadood oo dawlad la’aan ah.

  • elijah dennis
    August 13, 2012 @ 06:40:18AM

    Alshabaab waligeed Kenya jabin mayso, waayo woxoodu waa iska ciyaar ciyaar, waxaanay khasaarinayaan wakhtigooda iyo maalkooda. Laakiin hadaynu nahay reer Kenya waa inaynu ilaahay ka barinaa in aynu dagaalka ku guulaysano.

  • Ali Mohammed
    August 13, 2012 @ 04:20:10AM

    Ma rabno inaan xidhiidh la yeelano dad aan ixtiraam u haynin nolosha bini’aadamka. Islaamku waa diin nabada, Muslimiinta dhabta ahina sidaas ayay kuu sheegi doonaan. Argaggixisadu waa dad calooshood u shaqaystayaal ah, kuwaasoo aan rabin inay dadku wanaag ku noolaadaan, waxaanay necebyihiin nabadda. Markaa waa in Muslimiintu ay sarakacaan oo ka hor tagaan kooxahan, oo ay xuduudeena ka saaraan. Waxan soo jeedinayaa in la baabiiyo iyaga iyo taageerayaashoodaba, iyo in cidii ay ka muuqato inay dambiile tahay in lala soo socodsiiyo bilayska, si baadhitaan loola galo. Muslimiintu waxay ka daaleen dadka ka dhiganaya wax ay kusoo gabadaan, markaa waxa hadda loo baahan yahay in dhamaan Muslimiinta jecel nabadda iyo horumarka, ixtiraamna u haya nolosha bini’aadamku ay sara kacaan oo ay dadkaas magacooda ku ciyaaraya ku dhahaan joojiya waxaad wadaan! Oo u taga dadka ajnabiga ah ee lacagta idiin soo dira, oo iyaga dalalkooda fawdo ka abuura, dalkayaga nabada ahna faraha ka qaada!!!

  • Third liutenant
    August 13, 2012 @ 03:53:02AM

    Haddii aad waydiisaan ciidamada kabaha boodhka leh gashan, waxay idiin sheegi doonaan inay aad u adag tahay ‘maxaa sababa dagaalada’. Anigu waan necebahay inaan arko dad rayid ah iyo qoysaska ay ka tagaan askarta dhimata oo ooyayay, halka ay shirkadaha hubku ay ka macaashaan kontaraagyada lala galo ee lagaga iibsado qalabka difaaca. Lakiin hadal iyo dhamaan qofku waa inuu wixii sax ah la yimaadaa, wixii xunna uu iska jiraa. Waxaanan u ducaynayaa dhamaan ciidamada kuligood, hadday yihiin kuwa wada diyaaradaha M16-ka ama kuwa sida qoryaha Heckler & Koch ama qoryahay Kalashnikov. Markaa sii wada dagaalka, si aynaan u ilaawin in dagaalku cadaab yahay.

  • Charlie
    August 13, 2012 @ 03:21:11AM

    Fulayaashan waa inay ogaadaan in dhiig la daadshaa uu dhiig la daadsho leeyahay!!! Sidoo kale, ma inoo sheegi karaan halkay ku dambeeyeen Osama iyo Saddam Hussein, iyo halkay ku dambayn doonaan ciidamada ilaalad toorada Iiraan dhawaan!!

  • justus wambua musila
    August 13, 2012 @ 02:10:16AM

    Waligayo waanu idiin ducaynaynaa, ilaaha abuuray nabi isxaaq iyo nabi ibraahim ee ah ilaaha dhabta ah ee uumay samada iyo arladu maaha mid idin ilaawi doona. Waxaanan ilaahay ka baryayaa inuu idin xasuusto idinka, qoyskiin, waalidkiin, ooryihiina iyo walaalihiin, rag iyo dumarba, waxaanan ka baryayaa inuusan ilaawin Kenya dhamaanteed.

  • ISAAC KIMANI
    August 12, 2012 @ 11:29:48AM

    Waxa kaliya ee aynu u baahannahay waa inaan taxadirkeena kordhino, oo aynaan ciidamadeena khiyaamaynin. Teeda kale, miyaysan ciidamadeena ammaanku xidhiid la samayn karin sir doonka Maraykanka iyo ka Israel ee Mossad ka loo yaqaan, si loo helo faahfaahin dheeraad ah iyo tabo cusub oo ku saabsan sidii looga hortagi lahaa gardarooyinka iyo dacaayadaha noocan oo kale ah?. Si kasta ha ahaatee, waa inaynu mar walba ilaahay tala saaranaa, waayo isaga ammaanka ugu wacan ina siinkara. Waxaan ku faanayaa inaayn ahay kenyaan, waligayna wax I cabsi galin karaa ma jiro! Ilaahay ayaanu tala saaranay!

  • Real Somali
    August 12, 2012 @ 09:50:16AM

    Alshabaab waa cidda kaliya ee sharafta Soomaaliyeed ka difaacaysa weerarada gaalada,

  • lucas mbassa
    August 12, 2012 @ 08:58:43AM

    Anigu waxaan qabaa dagaalku maaha wax mashaakilka lagu xalin karo. Soomaaliy goormay dagaalka joojin doontaa fadlan?

  • Bernard Oniala Akong'o
    August 12, 2012 @ 07:22:33AM

    Alshabaab sheekadoodu mar kasta oo aad maqashaba way isa sii badalaysaa. Siday u eegtahay, waxay u dagaalamayaan inay badbaadiyaan dadka Mulimiinta ah, inkasoo dagaaladii jihaadka ahaa wakhti hore laga tagay. Fadlan email kiina shaaciya, si aan usoo diro wixii warar ah ee kasoo kordha weerarada alshabaab.

  • FRANCIS
    August 12, 2012 @ 04:09:01AM

    Waa wax dhamaanteen inoo wacan.

  • Herald Hunter
    August 12, 2012 @ 02:58:18AM

    Ciidamada Kenya way ka awood badan yihiin alshabaab, taasaana ku kaliftay inay dib u gurtaan. Waa dhib in dhibaatada jirtaa ay tahay mid murugsan oo dadka Soomaaliyeed dhib usoo jiiday, waxaasoo fawdo ahna waxaa ka dambaysa alshabaab, fara galinta Kenya ay mushkiladan soo fara galisayna waxay dadka Soomaaliyeed tusinaysaa in la ilaalinayo oo la daryeelayo. Laakiin maxay alshabaab u beegsanaysaa Kenya? Jawaabtu waxa weeyaan Kenya waxay ku noqotay alshabaab laf dhuun gashay, oo aan u saamaxayn inay fuliyaan sharkooda iyo argaggixisada ay la rabaan dalalka geeska iyo bariga afrika labadaba. HA NOOLAATO KENYA….HALKGANKUNA HASII SOCDO!!

  • me
    August 12, 2012 @ 02:41:31AM

    Dawladda Kenya waa inay si dhab ah uga fekertaa dadka aan waxba galabsan ee dhintay, iyo cabsida joogtada ah ee ay dadka reer Kenya ka haysata taageerayaasha alshabaab ee fulayaasha ah, ee fakadka ahee magaalooyinka dhex meeraya maalin kasta. Markaa waa inay ammaanka sugaan oo ay dadka reer Kenya ilaashaan.

  • Feisal
    August 11, 2012 @ 08:59:36AM

    Alshabaab waa xayawaan yar oo khatar ku haya nolosha dadka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan, laakiin dhawaan ayaa ciidamadeena tamarta iyo xeelada badani ay xaaqi doonaan. Run ahaantii, hadda alshabaab way qalaleen, mana rabaan inay isidhiibaan oo ay ogolaadaan in laga adkaaday, laakiin ugu dambaynta ciidamadeenu waxay ku guulaysan doonaan inay dalka oo dhan gacanta ku dhigaan. Laakiin waxaan idinkula talinayaa (Soomaalida hadaad tihiin) inaad barataan sidii aad u dajisan lahaydeen xeerar idin xukuma intaad dhulkan joogtaan. Mar hadii aan muslim nahay, shaki kuma jiro in eebe uu idinku hagi doono inaad xeerar wanaagsan u dajisaan qarankan iyo dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaamba. Ilaahay ha barakeeyo dalkan iyo dadkiisa qurxoon.

  • al-mujahid
    August 11, 2012 @ 08:28:10AM

    waxaa su aal ah hadi ay Al shabaab wiiqantay ee Dowlada Gaalada ee Kenya maxay mar walba shacabkeeda uga digtaa in uu dhib ku soo foodleeyahay ayna saraakiisheeda iyo dadka u shaqeeya loogu wardiyadaynayaa Tangi iyo Beebe ayna war diyadaynayaa ciidamadooda Kumandoska ah. Hadiiba ay wiiqantay sideesa Shabaabul Mujaahidin ay u weerarayaan Kenya? Arintan waxaa ila tahay waxa ku hadla waa Doolar qaate (diintisa iibsade). Taariikhda Geeska Africa dib u eego waxa ay ahaan jirte (Gaaladu way og yihiin in uu Islaamku soo noqon rabo) balse waxaan ka baqayaa inta aan dalal kooda lagaarinba in ay ku wiiqmi doonaan dhulalka Islaamka oo Mujaahidiinta bilaa dagaal la'aan ay gali doonaa dalalka gaalada. Taasna waxaa daliil u ah sida kenya adigoo dadka dhex socda hadaad tiraahda kani waa Al-shabaab dadka oo dhan way ordayaan taasna waa argagaxa ay qabaan, inshaa Alah bilaa dagaal la'aan ayaan la wareegi doonaa dhulalka gaalada Munaafiqow gal meeshaad geli lahayd.

  • ESOLOM. KARIUKI
    August 11, 2012 @ 05:41:00AM

    Waa in aan ka adkaanaa maleeshiyooyinka

  • mohammed ibrahim A/llahi
    August 11, 2012 @ 05:07:13AM

    maya waxaa qabaa in ay kamid noqonin dumar xilalka soomaaliyeed maaxaa yeelay illaah waxaa xarimay in codkooda laga maqlo dariska sidee xil loogu dhiibaa dadkaas

  • TITUS JOSHUA
    August 11, 2012 @ 04:29:26AM

    Ciidamada difaaca Kenya hawl wacan ayaad qabateen! Haddaynu dadka rayidka ah nahayna waxaa jira door ay tahay inaynu ciyaarno, kaasoo ah inaynu feejignaano oo aynu kala qaadano wixii warar iyo macluumaad ah, kuwaasoo badbaadin kara dadka naftooda, waana inaynu u gudbinaa ciidamada ammaanka. Dagaalkani maaha mid diimeed, balse waxaa loo dagaalamayaa in dalka laga safeeyo ciidamada mugdiga ku nool ee alshabaab. Reer Kenya!!!! Waxaan idin leeyahay aynu wada jir ula dagaalano alshabaab, oo aynu wada shaqayn la yeelano ciidamada ammaanka, isla markaana ayno ciidamada ku wargalino cida ama kooxaha ama dhaqdhaqaaqyada aynu tuhuno. Anigu hadaan ahay qof Kenya u dhashay, waxaan kordhin doonaa feejignaantayda, waxaanan diyaar u ahay inaan la shaqeeyo ciidamada ammaanka, si aan ula dagaalamo argaggixisada! Idinkuna maxaad yeelaysaan?

  • Dominic Mburu
    August 11, 2012 @ 04:23:11AM

    Anigu waxaan qabaa in kooxaha argaggixisada ahi ay haatan yihiin sidii xayawaan dubaaxinaya ka hor intaysan naftu ka bixin. Markaa hubka ugu dambeeya ee adeegsan karaan waa inay isku dayaan inay cabsi ku beeraan dadka rayidka ah. Hambalyo ciidamada difaaca Kenya, halkaana ka wada halganka, dadka reer Kenya iyo Soomaalida nabada jeceliba si buuxda ayay idiin garab taaganyihiin.

  • MOSAREMO ANTHONY ONYIEGO
    August 11, 2012 @ 03:20:23AM

    Ma xasuusantihiin wixii dhacay markii uu nabi ciise ruux shaydaan ku tuuray doofaarada? Waxay doofaaradu dhex carareen doox meel uu ku dhamaadaa aysan jirin, waxaana doofaaradaas maanta la mid ah ‘doofaaradan’ maanta khatarta ku haya nolosha qalqiga eebe. Dadkani waa doofaaro ama qarandi oo kale, waxaanan sidaa u leeyahay qarsoodiga ay ku nool yihiin. Markaa waa inay ogaadaan inay muhiim tahay inay hore isu soo dhiibaan, haddii kale ciidamada AMISOM ee awooda badan ayaa edbin doona xoolahan!

  • bison
    August 11, 2012 @ 02:42:37AM

    Waa wax aad u murugo badan in ay dadka qaar diinta u adeegsan karaan si xun. Shayga ama sifada ugu muhiimsan ee bini’aadamku yeelan karaan waa wadanoolaanshaha. Qofna ma sheegan karo inuu la dhacsanyahay dhamaan dabeecadaha uu qof kale leeyahay, laakiin ilaahay ha ina caawiyo intaynu dunidan joogno ee ku nool nahay, si aan nabad iyo isfaham ugu wada noolaano.

  • Paul
    August 10, 2012 @ 12:30:20PM

    Waa in dagaalka lagu guulaystaa, waayo sidaasi waa sida kaliya ee dalkeena lagu ilaalin karo.

  • Ahmed Kasim
    August 10, 2012 @ 05:51:39AM

    Sidii neef sii dhimanaya ayay u dubaaxinayaan, alshabaab dambe la arki maayo!!! Ciidamada Kenya na mar dhaw ayay qabsan doonaan kismaayo, waxaanan ku faanayaa inaan Kenya u dhashay.

  • abdallah
    August 10, 2012 @ 05:29:37AM

    Anigu dhinacayga waxaan qabaa in mashaakilka soomaaliya ee sii daba dheeraaday ay u baahanyihiin in hab diblomaasiyadeed wax lagu xaliyo oo aan cudud milatari wax lagu jujuubin. Waxaan rajaynayaa in hada alshabaab lala fadhiisto, oo la isla eego sidii xal macquul ah loga gaadho waxyaabaha ay tabanayaan, laakiin wadahadalkaas waa in shuruud lagu xidhaa. Ilaahay ha barakeeyo afrika iyo Soomaaliya labadaba.

  • Hassan
    August 9, 2012 @ 04:42:02PM

    Walaahi ceebi ha korto dadkaas, waayo waa qaar khasaare u taagan. Maxay dadka u cabsi galinayaan oo ay usoo saarayaan jaraa’idkan nacasnimadu ka buuxdo. Alshabaab dagaalka si wayn ayay ugu jabtay, waxaana si kasta isugu dayayaan inay warbaahinta ka dhex muuqdaan, markaa waxaan leeyahay alshabaab waar ilaahay u toobad keena oo dambi dhaaf waydiista, ciddii aan dambi culus galina bulshada Soomaaliyeed dib ha ugu soo laabato, hana isku daydo inay dadka wax wanaagsan u qabataan, intay wakhtigooda ku luminayaan kooxahan nacasnimadu dishootay ee wax laynaya. Ilaahay wuu idiin dambi dhaafi doonaa hadaad isku daydaan inaad wax ka badashaan hab nololeedkiina. Waxaan u mahad celinayaa suxufiga qorya maqaaladan ku saabsan argagixisada, ilaahayna ha kaa caawiyo dadaal kasta oo aad ugu jirto inaad shaaca ka qaado alshabaab wajigooda foosha xun ee dhabta ah.

  • kassumba
    August 9, 2012 @ 03:48:45PM

    Aynu dhamaanteen si daacad ah ilaahay u barino si aysan waxyaabahaasi Tanzania usoo gaadhin, ilaahayoo adaa naxariistaadu badantahay, adaana sidii khayrku ku jiro noo yeela, markaa naga badbaadiya waxyaabahaas. Amiin!!

  • kabiraaniga
    August 9, 2012 @ 02:15:02PM

    wasaqiin baatihiin oo wasaq wasaq kala jirin ee nidaamka hala dhowro ey yaal yohow waxa aad tihiin ma jirte

  • aimon
    August 9, 2012 @ 06:02:11AM

    Hadalkan waxaa ku hadla qof laga xoog roonaaday oo quus jooga. Waxaan ku kalsoonahay in ciidamada Amisom ay guulaysan doonaan oo ay nabad kusoo dabaali doonaan Geeskan Afrika ee ay dagaaladu ragaadiyeen. Waxaan leeyahay yaynaan ka cabsanin khatarta uu yeelan karo qof sii dhimanayaa, waayo mudo yar kadib waabuu libdhi doonaa.

  • slim
    August 9, 2012 @ 02:10:13AM

    Aniga maqaalkan akhriskiisu warwar wayn ayuu I galiyay, waayo alshabaab inakstoo ay u muuqato inay sii wiiqmayso, laakiin waxaa laga yaabaa in wiiqankoodaas ay awood ka helaan, waayo waxay muujinayaan muuqaal aan dhab ahayn. Gaidi Mtaani wuxuu qoraalkiisa kaga hadlay inay soo dhawaatay qabsashada ciidamada AMISOM ee magaalada kismaayo , markaa ciidamada sir doonka ee Kenya waa inay dadaalkooda sii laban laabaan!

  • Benedict Malombe
    August 8, 2012 @ 07:56:47AM

    Alshabaab haatan wax awood ah ma hayaan, runtiina imika waxay yihiin sidii qof qalalay, sababtoo ah ma rabaan inay isdhiibaan oo ay ogolaadaan in laga adkaaday, taasaana ku khasabtay inay ku adkaystaan inaysan dib u guranayn, si ay oohintooda iyo ceebtooda u qariyaan.

  • PETER NJENGA
    August 8, 2012 @ 01:56:50AM

    Alshabaab runtii geed ayaa lagu xidhay, waxanan leeyahay waxba ka faa’idi maysaan dumarka iyo caruurta iskuulada iyo madarasadaha ee aad laynaysaan.

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada

Macluumaad