Red_arrow

Ma jeclaan lahayd in Soomaali aad ka dhigato luuqaddaada asaasiga ah, ee mareegtan? |

Ciidamada Soomaaliya oo u dhaqaaqay Buur-hakaba iyo Diinsoor

Waxaa qoray Cadnaan Xuseen oo Muqdisho jooga

Agoosto 06, 2012

  • 5 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Ciidamada Dowladda Federaalka Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya ayaa u dhaqaaqay Buur-hakaba iyo Diinsoor ee gobolka Baay, waxa ayna rajaynayaan in ay iska caabbin aan xoog badneyn kala kulmaan xubnaha al-Shabaab ee ku dhuumaalaysanaya aagga.

Ilo xagga ammaanka ah ayaa sheegaya in ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ay ka dhaqaaqeen saldhigga militari ee daynuunaay, ayna gaareen duleedka Buur-hakaba, oo 60 kiiloomitir koonfur galbeed kaga beegan Baydhaba. Goob joogayaal ayaa Sabahi u sheegay in ciidamada huwantu ay 10 kiiloomitir uga harsantahay in ay gaaraan bartamaha Buur-hakaba.

Halka ay ciidamada isbahaysiga ay sii dhowaanayaan, ayay maleeshiyaadka al-Shabaab isaga baxayaan fariisimihii ay ku lahaayeen bariga gobolka, iyagoo ka baqaya in la hareereeyo, sida laga soo xiganayo militariga Soomaaliya.

Cali Cusmaan, oo ah sarkaal ka tirsan militariga Soomaaliya ee Baydhaba jooga, ayaa sheegay unugyadu ay kusii siqayaan Buur-hakaba si ay meesha uga saaraan al-Shabaab iyo maleeshiyaadka la shaqeeya, Waxa uu sheegay in uu rajaynayo in ciidamada isbahaysiaga ay magaalada si dhaqso ah u qabsadaan, iyagoo xiligan ka shaqeynaya in ay ku dhqaaqaan furimo dhowr ah.

"Muwaadiniinta Soomaaliya ee ku sugan bartamaha iyo koonfurta dalka waa ay dhalleeceeyeen xag-jirnimada qaab iyo nooc kasta oo ay tahay, waxayna door-bidayaan in ay burburiyaan halkii ay kala noolaan lahaayeen," ayuu ku yiri Sabahi. "Argagixisadu waxa ay beegsanayaan wax garadka iyo qof walba ee kasoo hor jeesta fikirkooda qariibka ah si ay u cabsi galiyaan gobolka iyo caalamka. Ciidamadeena waxa ay diyaar u yihiin in ay qanaacada hoggaamiyayaasha al-Shabaab ay u rogaan murugo iyo niyad-jab."

"Waxa ay u socotaa in Soomaalida ay awood u leehihiin in ay fashiliyaan dadaallada qof walba oo doonaya in uu dhibaateeyo Soomaaliya iyo shacabkeeda, iyo in uu xasarad ka abuuro dalka," ayuu yiri Cismaan "Soomaaliya ma ahan meel ay leehihiin al-Shabaab iyo al-Qaacidda. Soomaaliya waxaa iska leh Soomaaliya, wayna ka midaysanyihiin in ay ka hortagaan kuwa doonaya in ay dalkooda ka dhigaan meel hoy u ah argagixisada oo iyagu isku dayaya in ay cabdsi iyo fowdo u baddalaan meel ammaan ka ah argaggixisada, iyagoo isku dayaya in ay cabsi iyo qalalaaso kula dhex-wareegaan dalalka Geeska Afrika."

"Soomaaliya ma ahan meel ay leehihiin al-Shabaab iyo al-Qaacidda. Soomaaliya waxaa iska leh Soomaaliya, wayna ka midaysanyihiin in ay ka hortagaan kuwa doonaya in ay dalkooda ka dhigaan meel hoy u ah argagixisada oo iyagu isku dayaya in ay cabdsi iyo fowdo u baddalaan meel ammaan ka ah argaggixisada, iyagoo isku dayaya in ay cabsi iyo qalalaaso kula dhex-wareegaan dalalka Geeska Afrika."

Haddi dagaal uu ka qarxo Buur-hakaba, ciidamada huwantu waxa ay adeegsan doonaan madaafiic iyo hoobiyayaal si ay dagaalyahanada al-Shabaab iyo meelaha ay ku xoogganyihiin u weeraraan, sida uu qabo Muxsin Maxamed oo ah falanqeeye ammaanka ah.

Maxamed ayaa Sabahi u sheegay in al-Shabaab ay adeegsan doonaan buuraha yar yar ee ku hareereysan Buur-hakaba si ay gabbaad uga dhigtaan, haddii aysan militarigu dajin qorshe degdeg ah oo dhameystiran oo aagga ah.

Guddoomiye ku xigeenka magaalada Baydhaba Sandheere maxamed Istiin, ayaa sheegay in dadka daggan Buur-hakaba ay la taahayaan xaalad nololeed oo aad u liidata iyo yaraanta adeegyada bulshada, gaar ahaan biyaha, korontada, caafimaadka iyo wax barashada.

"Ma daawan karno in dadkayaga ay Buur-hakaba ugu dhintaan haraad iyo gaajo. Waanu ka guulaysan doonaa al-Shabaab, oo la daalaa dhacaysa kala qeybsanaan dhexdooda ah," ayuu ku yiri Sabahi. "Waxaanu diyaarinaynaa ciidamadeena si ay ugu talaabsadaan guulo militari oo ay ka gaaraan dhammaan tuulooyinka gobolka Baay, oo qaar kamida ay wali xukumaan cadowga nabadda."

"Waxaanu u dagaalamaynaa in aannu nabad kusoo dabaalno dhulkayaga, soo dabaalno daganaasho iyo midnimo. dibna usoo celino hab dhismeedkii dowladda. Ma doonayno in dagaalyahanno shisheeye ay dalkayaga joogaan si ay abuuraan colaad una faafiyaan argaggixisanimada," ayuu yiri Istiin. Waxaannu dagaalka u rari doonnaa meelaha ay isku qarinayaan waanunna ugaarsan doonnaa tuugtan shayaadiinta ah ee loogu yeero al-Shabaab iyo hoggaamiyayaashooda, kuwaasi oo iskala weyn in ay hubka dhigaan ayna iskusoo dhiibaan ciidamadeena."

"Guushu waa ay dhowdahay, indhahayagu ayaannu ku arki doonaa qabashada kabaabirta kooxdan oo aan u ugaarsan doono sida dooliyada," ayuu yiri. "Waxannu ka xayuubin doonnaa duubka wajiga kaga dhaggan si aan dadka u tusno wajiyadooda lacanaddu ku dhacday, waxaanuna soo saari doonnaa halku-dhagyadooda beenta ah, iyo calamadooda madoow, waqti kasta oo ay nagu qaadataba."

Cabdulaahi Geeloow, oo wade ka ah gaari weyn oo ganacsi oo ka shaqeeya inta u dhexeysa Buur-hakaba iyo Baydhaba, ayaa sheegay in Buur-hakaba ay la taahaysay sicirka oo aad u sareeya, koronto la'aan, iyo biyo yari. Waxa uu sheegay in dadka deegaanka ay bilaabeen qax ballaaran oo koox koox ah, iyagoo u jihaysan tuulooyinka Buur-Eyle iyo Leego si ay uga baxsadaan dagaalka la filayo.

Geeloow ayaa Sabahi u sheegay in uu arkay boqolaal ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ah oo aad u hubaysan , una lugaynaya dhinaca Buur-hakaba. "Waddada weyn ee isku xirta Baydhaba iyo Buur-hakaba, ayaan ku arkay ciidamo si tartiib ah u socda oo dhameystiraya qorshahooda dagaalka. Waxaan sidoo kale arkay kolonyo militari ah oo kor u lulaya calanka Soomaaliya bulugga ah ee xidigta cad dhexda ku leh," ayuu yiri.

Al-Shabaab oo filanaysa in laga qabsado Diinsoor

Ciidamada Soomaaliya oo ay taageerayaan kuwa Itoobiya ayaa sidoo kale ku socda wadada Diinsoor, oo 100 kiiloomitir galbeed kaga beegan Baydhaba.

Sabtidii (August 4-teedii), ciidamada Soomaaliya ayaa difaacday Qansax Dheere, oo 20 Kiiloomitir Diinsoor u jirta, markii ay al-Shabaab soo weerareen, Garowe Online-ta Soomaaliya ayaa sidaa warisay. Duqa magaalada Qansax Dheere, Aadan Cabdi Aadan ayaa sheegay in 13 al-Shabaab ah iyo laba askari oo dowladda ah lagu dilay dagaalka.

Guddoomiyaha gobolka Bay Cabdifataax Xasan Geeseey ayaa dagaalka ugu yeeray "guuldarro weyn" oo gaartay al-Shabaab.

Guddoomiyaha degmada Dinsoor Cusmaan Maxamed Cabdi ayaa ballan ku qaaday in ay al-Shabaab ku qaadayaan dagaal kala bax ah, si al-Shabaab meesha looga saaro, ciidamada dowladana ay ugu suura gasho in ay qabsadaan magaalada.

"Ciidamadeenu waxa ay kusii dhowaanayaan Diinsoor, waanuna weerari doonaa hadaynan al-Shabaab iyo dagaalyahanadooda shisheeyaha ahi ka bixin difaacyadooda," ayuu yiri Cabdi. "Dhabarka ayaannu ka jabin doonnaa si aan uga hor tagno in ay neefsadaan ama ay dib isu soo abaabulaan."

Waxa uu carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in sir doonka militariga lagu dhex daro xoola dhaqatada, si ay macluumaad u ururiyaan inta aysan ciidamadu weerarin magaalada. Cabdi waxa uu sheegay in tani ay wiiqayso kaabayaasha militari ee al-Shabaab, oo isku dayday in dadka deeegaanka ay kusoo rogto cuna qabateyn dhaqaale, iyagoo xiray waddooyinka ka yimaada Muqdisho.

Cabdi ayaa ugu baaqay dhammaan dagaalyahannada ku nool gobolada Baay iyo Bakool in ay wada hadal bilaabaan, ayna iska dhigaan hubka, si ay si ammaan ah dib ugu biiraan qoysaskooda. .

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 39)

Dislike_icon(3)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • الكتبي
    August 7, 2012 @ 04:40:53PM

    Ciidamada Soomaaliya iyo xulufadoodu waa inay Soomaaliya ka safeeyaan alshabaab si dadka Soomaaliyeed ee tabaalaysani ay ugu raaxaystaan nabad iyo xasilooni.

  • Nelson buberwa
    August 7, 2012 @ 02:36:12PM

    Waxaan jecelahay inaan ra’yigayga dhiibto. Maqaalkani waa maqaal aad u wacan waanan ka helay, waxaanan jecelahay in shabakadaha kalena ay soo xigtaan!

  • xasan cabdi cali
    August 7, 2012 @ 01:48:04PM

    walaal waa din salaamey ila soo xariir

  • lisu rashid
    August 7, 2012 @ 07:13:43AM

    Soomaalida dabeecadoodu waa dagaalyahan mana jecla inay midoobaan, markaa aan eegno oo aan ilaahay ka barino in arrimuhu aakhirka soo gabagaboobaan, sidii ay jabhada kunda ay usoo afjarantay. Waa anigoo ah Lisu oo Singapore jooga.

  • PAGIKUWA MAHENGE MJENGWA
    August 7, 2012 @ 02:31:12AM

    Ilaahay Soomaaliya nabad ha siiyo, nabadaasoo ay kaga baxaan dhibaatooyinka siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale iyo kuwa bulsheed intaba

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada

Macluumaad