Agoosto 03, 2012
Dhaqdhaqaaqa siyaasada ayaa muqdisho gilgilay kana dhigay milkiilayaasha hoteelada kuwo aad u faraxsan.
Golaha Deegaamada Qaranka kaas oo ansixiyay dastuurka cusub ee ku meel gaadhka ah Arbacadii (Ogoosto 1deeda), ayaa sababay in dad badan ay caasimadda yimaadaan kuwaas oo hoteeladii buuxiyay qiimihiina kor u qaaday.
Sidaas oo kale, doorashada xubnaha baarlamaanka ee soo socota, doorashada madaxwaynaha ee baarlamaanka iyo magacaabidda jagooyinka wasiirada oo la wakhtiyeeyay in la dhameeyo Ogoosto 20keeda ayaa la rajaynayaa in qolalka hoteelada caasimadu ay ahaadeen ku buuxa dhawrka usbuuc ee soo socda.
Muqdisho ayaa ka soo kabanaysa rabshadihii iyo dagaaladii socday labaatankii sano ee la soo dhaafay. u kuur-galayaasha ayaa sidaas leh. Magaaladu ayaa talaabooyin adag u qaadaysa in ay sharafteedii hore soo ceshato markii nabaddii iyo ammaankii ay ku fiday caasimada oo dhan.
Maamulaha Hoteelka Shaamo Maxamed Axmed Mathana, ayaa sheegay in noloshii ganancisigu ay Muqdisho ku soo noqotay. Boos- ceshiga hoteelkiisa ayaa kor u kacay sababo la xidhiidha shirwaynaha iyo dadka oo qurbaha ka soo noqonaya, taas oo u saamaxday in uu kor u qaado qiimihii qolalka. Wuxuu sheegay in uu rajaynayo in qolal badan la qabsan doono maalmaha soo socda.
"Waxaa rajaynayaa in dhacdooyinka siyaasada ee hadda taas oo soo jiitay kumanan qof oo hay'ado gobaleedyo iyo kuwo caalami ahba uu kor u qaadi doono dhaqdhaqaaqa dhaqaalaha, kaas oo ku jiray xaalad aan waxba kala soconin, ka hor inta aysan ammaanka Muqdisho fiicnaanin," ayuu yidhi
Mathana ayaa sheegay in hoteelkiisu, oo ku yaala is goyska Kiiloomitir 5 ee caasimadda uu leeyahay ammanaka ugu sareeya iyo khidmiiyiin aad u wanaagsan isaga oo isha ku haya imaanshaha dalxiisayaal iyo dhaqalaaha oo kor u kaca. Waxyaabaha raaxada ah ee hoteelku hayo waxaa ka mid ah 48 qol , mukhaayad cunto kala gadisan ay taalo, khidmooyinka dhar-dhaqida, baabuur dhaqida iyo xarun jimicsi oo si fiican loo qalabeeyay.
Wuxuu sheegay in uu rajaynayo in uu ka soo kabsado qasaarihii sanadkii hore. "Wakhtiga dib uma celin kartid, wixii taga waa tageen, laakiinse waxaan ku rajo wayn nahay in suuqu uu wadaddii saxda ahayd ee soo kabsashada ku taagan yahay, gaar ahaan markii Soomaalida iyo ajaanibtuba ay dhawaan boos qabsanayeen hoteelada, taas oo ka dhigan kalsoonidii in ay soo noqotay,' Mathana ayaa sidaas yidhi.
Hoteel Shaamo oo uu dhisay marxuum Abuubakar Amiin Shamo sanadkii 1997, wuxuu ka mid yahay hoteelada caanka ah ee Muqdisho. Macaamiishiisa waxaa ka mid ah wariyayaal, shaqaalaha gargaarka ee ajnabiga ah, madaxda dawladda iyo qurba joogta Soomaalida. Wuxuu hoteelku hayaa qolol qaboojiyaal leh, cunto wanaagsan iyo cabitaan qabow oo laga sameeyay khudaarta laga beero koonfurta waddanka.
Wariye Maxamed-Deeq Bootaan ayaa sheegay in uu jiro is badal la taaban karo markii la fiiriyo sanadii hore taas oo ay kharibtay dagaanaasho la'aan. Hadda ajaanibta iyo dadka dibadda ka imaanaya ayaa buuxiyay hoteelada raaxada, kaas oo kor u qaaday boos-ceshiga hoteelada sicirkiina ka dhigay mid aan sugnayn.
"Hada waa mustaxiil in aad qiimo go'an hesho hoteelada, iyada oo hoteelada muqdisho ay sicirkooda badalayaan iyaga oo u salaynaya inta boos celis ee ay helaan," sidaas ayuu Sabahi u sheegay.
Bootaan wuxuu sheegay in xaaladda siyaasadda ee waddanka suuqyada oo dhan ay kor uga qaadday meeshii hoose oo markii hore joogay dhinaca hoteelada, mukhaayadaha iyo tagsiyadaba. Arintan dhaqaalaha ee kor u kacday ayaa ku bixisay qaar ka mid hoteelada in qiimaha boos-celin shan habeen ah ay ka bilaabaan $120 doolar ilaa $150 doolar.
Maxamed Cali Wariiri oo ah ganacsade degan Ingiriiska ayaa Sabahi u sheegay in ay muhiim tahay in la dhamaystiro dhismayaasha hoteelada cusub ee u dhaw wadada Maka Al-Mukarama si loo sahlo ixtikaarka hoteelada ee hada jira.
Madaxa Hotel Sahafi International , Maxamed Xasan Gaafaa, ayaa sheegay in hoteelkiisu uu bixiyo khibrad aad u heer saraysa iyo daganaansho qaas ah. Hoteelkiisu wuxuu hantay kalsoonida ganacsatada maxaliga ah iyo siyaasiyiintaba ilaa markii dib loo furay 1988. Hoteelku wuxuu ku yaalaa meel u dhaw isgoyska.
Hotel Saxafi International waxa uu bixinayaa 70 qol oo wata talifishinadooda, Internet, musqulo iyo makaatib. Maqaayadda hotelka ayaa shaqeysa maalinki oo dhan.
Gafaa ayaa Sabahi u sheegay in waaxda dalxiiska Soomaaliya ay tahay in ay bilaabaan olole suuq gayn ah. Waaxda dalxiiska ayaa ku socota in ay soo laabato kadib markii ay gabi ahaanba burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya 21 sano kahor, ayuu yiri, isagoo intaa ku daray in dalxiisku uu faa'ido u yahay dhamaan dadka fuqarada ah iyo kuwa taajiriinta ah, maadaama maqaayadaha ay helayaan macaamiil fara badan, ayna shaqaalaysiinayaan shaqaale badan, taasi oo daba socota dalxiisayaasha dalka imanaya.
"Horu-marka ammaanka Muqdisho, maqaayadaha caasimadda, goobaha lagu shaaho iyo nolosha habeenkii waxa ay helayaan macaamiil fara badan, gaar ahaan qoysaska bilaabay in ay banaanka soo baxaan, ayna joogaan ilaa xili dambe oo habeenki ah xaafadaha caasimadda, sida Waaberi iyo Xamar-jajab," ayuu yiri. "Waxaan ku tirtirsiinaynaa dadka in ay baabi'iyaan dhaqanka colaadaha ee Soomaaliya la dagay muddo dheer."
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray in ka badan 90 qof kadibmaalin muddaaharaad qof ku dhintay uu ka d...
Kenya ayaa ka codsatay Golaha Ammaanka ee QM Khamiistii (23-kii May) in uu joojiyo dacawadda ay w...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay xaflad ka dhacday Muqdisho Khamiis...
Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee waddamada xubnaha ka ah Urur-goboleedka Horumarinta (IGAD) ayaa is...
Hoggaamiye bulsheedka Maxamed Omar Said ayaa Khamiistii (23-kii May) waxa lagu weeraray aashito h...
Maxakamad ku taal Puntland ayaa todoba qof ku xukuntay dil taas oo ay ku mutaysteen dilkii wadaad...
Hay'adda gargaarka caalamiga ah ee Global Partnership for Education (GPE) ayaa ku dhawaaqday deeq...
Hay'adda ilaalinta xuquqda aadanaha ee Amnesty International ayaa ugu yeertay Kenya in ay ixtiraa...
Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya William Ruto ayaa ballan-qaaday in Xeerka cusub ee Duur-joogta lagu ...
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Khamiistii (23-kii Maajo) waxa uu shaaciyay labadii magac ...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo