Muslimiinta iyo Masiixiyiinta Kenya oo dhiirri-galinaya nabadda inta lagu jiro bisha Ramadaan

Waxaa Qoray Bosire Boniface oo Wajeer jooga

Agoosto 03, 2012

  • 3 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Nick Musasia ayaa sheegaya in uu dareemayo in lagu fara-bixiyay khiyaaraad badan, isgoo daraasiin martiqaadyo ah ka hela saaxiibadii Muslimiinta ah si uu ula afuro.

Musasia, oo ah macalin Masiixi ah, oo macluumaadka tiknoolijiyada ka dhiga Achievers Orotech Collage oo Wajeer ku yaalla, ayaa Sabahi u sheegay in tan iyo markii ay bilatay bisha Ramadaan laba todobaad kahor, uu afur lasoo cunay lix kamida saaxiibadiisa iyo qoysaskooda.

Qaar kamida qoysaska ayaa dira marti-qaad aan rasmi aheyn oo fariin qoraaleed ah, halka qaar kalena ay si toos ah martiqaadka u fidiyaan. Musasia waxa uu sheegay in saaxiibkiis xitaa uu ka bixiyay lacagta kirada tagsigii soo qaaday.

Waxa uu sheegay in marti-qaadyadu yihiin kuwa lagu farxo oo laabta qaboojinaya, gaar ahaan iyagoo imanaya xilli degmada ay la daalaa dhacayso kororka rabshadaha ay gaystaan kooxda ku xiran al-Qaacidda ee al-Shabaab.

Bilihii ugu dambeeyay, al-Shabaab waxa ay beegsadeen dadka rayidka ah, iyagoo adeegsaday miinooyin dhulka lagu aasay iyo bam-gacmeedyo, sida weerarro lagu qaaday laba kaniisadood oo Gaarisa ku yaala 1-dii July, kuwaas oo dilay 17 qof, dhaawacayna in ka badan 60 qof. July 18-keedii, al-Shabaab waxa ay weerareen timo jare iyo hoteel ku yaala Wajeer, iyagoo afar qof ku dhaawacay.

Al-Shabaab waxa ay doonaysaa in ay dhibaato ka dhex abuurto labada diimood, sida ay sheegayaan hogaamiyayaasha Muslimiinta ee Wajeer jooga, sidaa darteedna waxa ay ka shaqeeyeen in ay gobolka ka abuuraan xag-jirnimo Islaami ah. Bulshada gobolka Waqooyi-Bari ayaa u mudiibay in ay ka horyimaadaan fariinta al-Shabaab. .

Joe Ongori, oo 24-jir farsamayaqaan koronto oo Gaarisa jooga, ayaa sheegay in uu sugayay bisha Ramadaan si uu khibrad uga qaato marti-soorka wanaagsan ee ay u fidiyeen saaxiibadiisa iyo dariskiisa Muslimiinta ah.

"Iyadoo ay jirto howlaha argaggixisada ee al-Shabaab, dariskayga Muslimiinta ah wax is bedel ah kuma iman, xitaa wax yar. Waxaan leeyahay saaxiibo Muslimiin ah oo ku dagaalama in ay i marti qaadaan," Ongori, oo Masiixi ah, ku yiri Sabahi.

Waxa uu sheegay in Ramadaanku uu sidoo kale ka dhiganyahay fursad lagu barto dhaqan kaaga ka duwan, khibrad lagu dhadhamiyo cunnooyin kala duwan, waxna laga barto Islaamka. "Waligeey la iima fidin marti-qaad ay shuruudi ku xiran tahay, sida in aan qaato diinta Islaamka. Marti-qaadyadu waxa ay ahaayeen kuwo daacad ah." ayuu yiri.

Xaliima Maxamed Xujaale, oo 25 jir Muslimad Mandera joogta ah, ayaa Sabahi u sheegtay in ay tahay wax lagu farxo in saaxiib masiixi ah uu la afuro. Waxa ay sheegtay in dareen gaar ah uu ku leeyahay in ay waajibaadkeeda Ramadaanka ay gudatay iyadoo dariskeeda ay la qeybsanayaan waxa ay qoyskeeda heli karaan.

"Bishan waa bishii la bixinayay Zakada. Inkastoo si wayn loogu taliyay in aan siino kuwa aan waxba haysan ee sooman, waxaa sidoo kale nala faray in aynaan iska indha-tirin dadka aan Muslimiinta aheyn, oo aan [Zakada] siino diimaha kale," ayay tiri. "Inkasta oo ay wuxu yihiin raashin, haddana waa abaal-marin ruuxi ah."

Adow Jubat, oo ah saxafi Gaarisa jooga oo u shqeeya wagayska The Standart, ayaa Sabahi u sheegay in uu saaxiibkiisa oo Masiixi ah uu ku marti-qaadayay afurka Ramadaan walba. "Sannadkan aad buu xasaasi u yahay, waxana ayna tahay in aan wada-jir kala hortagno dhaqaale yarida iyo argaggixisada," ayuu yiri.

"Iyadoo ay waxaas oo dhami dhaceen, waxaan hadda hubinayaa in saaxib walba oo Masiixi ah oo aan marti-qaado uu meesha wax ka faa'ido. Islaamku waa nabad, xiliganna waa waqtiga ugu wanaagsan ee la muujin karo nabadda," ayuu yiri.

Reuben Njue, oo ah madaxa kaniisadda Anglican ee gobolka Waqooyo-Bari, waxa uu dhiirri-galinayaa in Masiixiyiinta ay aqbalaan marti-qaadka ay u fidinayaan Muslimiinta.

"Asaasiyaadka diinta Masiixiga waxaa lagu dhisay jaceyl, waa in aannu isugu tagayna in aan xoojino jaceylkaa, gaar ahaan xiligan oo maleeshiyaadka al-Shabaab ay doonayaan in ay dhibaato ka dhex abuuraan diimaha," ayuu ku yiri Sabahi.

Njue ayaa sheegay in uu marti-qaad afur ah ka helo Muslimiinta, uuna aqbalo marka uu waqtiga u saamaxo.

Sheekh Cabdiwahaab Mursal, oo ah xog-hayaha xafiiska Wajeer ee Golaha Culimada iyo Imaamyada Kenya, ayaa sheegay in Muslimiinta iyo Masiixiyiinta ay Ramadaanyadii la soo dhaafay cunto wada cuneen, balse ay caadadaasi ay sannadkan noqotay mid kuwii hore ka ahamiyad badan, sababtuna tahay hanjabaadaha al-Shabaab. Waa fursad lagu midayn karo bulshada oo reer Kenya aanay ka il-duufayn, ayuu yiri.

"Marti-qaadka loo sameeyo dadka dimaha kale aaminsan ee aan soomaneyn waxa ay calaamad u tahay in aan midaysannahay," ayuu ku yiri Sabahi. "Inta lagu guda jiro xiligan, oo aan dariska la nahay bam-gacmeedyo iyo miinooyin dhulka la galiyay, waxa ay caddeyn muuqata u tahay in aynaan ogoleeyn howlaha argagixisada."

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 19)

Dislike_icon(2)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • ماهر عزيز عبد الرحمن
    August 22, 2012 @ 04:38:57AM

    Afkaarta xagjirnimada ahi waxay abuuraan afcaal xagjirnimo ah, markaa hadii aan rabno in aan yarayno falalka xagjirnimada ah, waa in aan marka hore muquuninaa xagjirnimada xaga afkaarta ah. hadaba afkaarta xagjirnimada ahi waxay leeyihiin sifooyin kala duwan, kuwaas oo ay ka mid yihiin qofka oo aragti kaliya ka yeesha wax kasta, iyo iyada oo ilaha cilmi korodhsiga ee qofku ay noqdaan kuwo kooban. Sidoo kale, wuxuu qofku noqdaa mid ra’yigiisa ku dhagan, isla markaana wuxuu dhacdooyinka iyo arrimaha dunida ka jira ka yeeshaa aragti qalafsan oo la buunbuuniyay, taasoo dhacdooyinkaas iyo arrimahaas aan u kala aaba yeelayn. Intaa waxa dheer, qofku wuxuu noqdaa mid afkaartiisa iyo go’aamadiisa aan ku salaynin daliil cad, waxaanuu iska ilaaliyaa in uu afkaartiisa uu wax ka badalo, markuu bixinayo ra’yigiisa ku aadan hab dhaqanka dadka kalena kuma xisaabtamo duruufaha jira. Sidaa awgeed, hababka wax ku oolka ah ee lagaga hortagi karo dadka sidan u fikiraya waa iyadoo dadka lagu beero inay bartaan sidii ay siyaabo kala duwan u fekeri lahaayeen. Habkani waxa uu ka kooban yahay dhawr arrimood, kuwaasoo lagama maarmaan u ah in qofku uu yeesho maskax uu si maan qabta u wax u go’aamiyo, isla markaana uu inta karaankiisa ah iska ilaaliyo inuu mashaakil abuuro ama dhex galo. Hadiiba ay dhacdo in mashaakil imaado, waxa uu qofka habkan ku dhaqmaa uu fursad wayn u heli karaa inuu mashaakilkaas ka gudbo, ama uu yareeyo saamaynta xun ee ka dhalan karta. Inta waxa dheer, waa in aynu qoysaskeena dhexdooda ka hirgalinaa dhaqanka ah inay afkaar kala duwan yeeshaan oo ay isku ixtiraamaan. Sidoo kale, waa in iskuuladu ay doorkooda waxabarashada ku aadan si buuxda uga soo baxaan, waana inay ardaydeena baraan inay ka fogaadaan inay fikir kaliya ka yeeshaan amuuraha dunida, si ay u awoodaan ardaydu inay dhexdooda doodaan iyagoon afkaartooda ku adadkaanin, isla markaana waana inay bartaan inaysan cidna ku qasbin aragtiyohooda, ama aysan awood u adeegsanin dadka kale si ay ku meel mariyaan aragtiyohooda. Dhinaca kale, waxaa lo baahan yahay in dhaqanka noocan ah ay warbaahintu faafiso, siiba iyadoo aynu ognahay in warbaahintu ay caruurta ku barbaariso oo ay usoo bandhigto ciyaaraha kubada iyo ciyaaryahanada, taasoo keentay inay caruurtu ciyaaryahanada u arkaan qaar cadaw isu ah. intaa waxa dheer, waxa ay caruurtu ku barbaartaa inay qarankooda uga daacadnimo bataan qabaa’ilkooda, waana qaar naftooda oo kaliya ka fekera. Markaa arrimahaas oo dhan ayaa caruurta maskaxdooda ku abuura inay noqdaan qaar u nugul inay argagixisada iyo xagjirnimada ku dhaqmaan, oo ay dadka kalena fogeeyaan. Argagixisadu maaha wax si kadis ah ugu yimaada carruurteena maskaxdooda, balse waa wax ka dhasha oo ay horseedeen qorsheyaal si qoto dheer looga soo baaraan dagay.

  • ggggggggggggggggggggg
    August 7, 2012 @ 04:37:03AM

    Mahadsanidiin

  • Donald Thomas
    August 6, 2012 @ 02:01:12AM

    Wararka ku saabsan in diimuhu ay wada hadlaan waa wax yididiilo leh. Mahadsanidiin. Donald Thomas

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada