Xad-gudubyada kadhanka ah xoriyadda saxaafadda oo sii kordhaysa Somaliland

Waxaa qoray Barkhad Daahir oo Hargaysa jooga

Agoosto 02, 2012

  • 3 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Saxafiyiin iyo dhaq-dhaqaaqayaal xuquuqda aadanaha h ayaa sheegaya in ay ka walaacsanyihiin kororka tacadiyada ka dhanka ah xoriyadda saxaafadda iyo hadalka ee Somaliland.

  • Saxafiyiin isugu soo baxay waddooyinka 15-kii Januray si ay uga mudaaharaadaan xiritaanka talafishin madax-banaan. Saxafiyiin badan ayaa la xiray, maalmo kadibna waa lasii daayay. [Barkhad Daahir/Sabahi]

    Saxafiyiin isugu soo baxay waddooyinka 15-kii Januray si ay uga mudaaharaadaan xiritaanka talafishin madax-banaan. Saxafiyiin badan ayaa la xiray, maalmo kadibna waa lasii daayay. [Barkhad Daahir/Sabahi]

  • Maxamed Xuseen, oo ah dhiinka kuliyadda sharcig ee Jaamacadda Hargaysa, oo la hadlaya ardayda iyo saraakiil ka tirsan dowladda intii lagu jiray siminaar looga wada xaajoonayay sidii loo xoojin lahaa sharciyada difaaca xoriyadda hadalka. [Barkhad Daahir/Sabahi]

    Maxamed Xuseen, oo ah dhiinka kuliyadda sharcig ee Jaamacadda Hargaysa, oo la hadlaya ardayda iyo saraakiil ka tirsan dowladda intii lagu jiray siminaar looga wada xaajoonayay sidii loo xoojin lahaa sharciyada difaaca xoriyadda hadalka. [Barkhad Daahir/Sabahi]

Maxamed Rashiid Muxumed Faarax, oo ah xog-hayaha guud ee Ururka Saxafiyiinta Somaliland (SOLJA), ayaa sheegaya in lagu jiro xiligii ugu xumaa ee xoriyadda hadalka Somaliland.

Shantii bilood ee ugu horeysay sannadkii 2012-ka, xukuumadda Somaliland ayaa xirtay 63 saxafiyiin maxalli ah, ayuu yiri Faarax. Waxa uu sheegay in aan saxafiyiintaa midkoodna la xukumin, iyada oo dhammaantoodna la sii daayay. Sannadkii 2011-kii SOLJA ayaa diiwaan-galisay in la xiray 51 saxafi, taasi oo uu Faarax sheegay in ay caddeyn u tahay in warbaahinta si dulmi ah loo bar-tilmaameedsanayo.

Waxa uu tusaale usoo qaatay kiiska saxafiga reer Somaliland, Maxamed Cabdiraxmaan Ismaaciil, oo magangalyo u raadsaday Yemen bishii July. .

Bishii February, Ismaaciil, oo ka shaqeeya mareegta wararka ee Subulaha, ayaa lagu xiray Boorama, waxaana jir-dilay ciidamada ammaanka. Waxaa lagusoo daweeyay Addis Ababa, lacagta lagu daweeyayna waxaa ugu deeqay Xarunta Xoriyadda Saxaafadda ee Dooxa, ayuu yiri Faarax.

Gudiga Difaaca saxafiyiinta, oo ah urur aan dowli ahayn oo xaruntiisu ay tahay New York oo la socda xoriyadda saxaafadda ee adduunka, ayaa warqad u qoray madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo 13-kii June, taasi oo ka hadlaysay kororka tacadiyada ka dhanka ah warbaahinta madaxa-banaan ee Somaliland.

Arrin kale, maxkamadda Gobolka Hargaysa ayaa 8-dii July hal sano oo xarig ah ku xukuntay Boqor Cusmaan Aw Maxamuud, oo loo yaqaano Bur Madow, kadib markii lagu helay aflagaaddo ka dhan ah madaxdweynaha iyo madax sare oo dowladda ka tirsan.

Xukunka ayaa waxaa kasoo hor-jeestay hay'adaha xuquuqda aadanaha ee caalamiga ah, dowladduna waa ay gar waaqsatay wayna sii daysay Maxamuud isla maalinkiiba, sida uu Sabahi u sheegay qareen Cusmaan Ibraahim Daahir. Waxa uu xabsiga ku jiray laga soo bilaabo bartamihii March.

Amnesty International ayaa war saxaafadeed ay sii daysay 12-kii July ku sheegtay in arrinta Buur madow ay hoosta ka xariiqayso kororka xakameynta xoriyadda saxaafadda Somaliland.

Hab-dhaqankan oo kale waxa uu dhaawac u gaysanayaa dastuurka Somaliland, kaasi oo muwaadiniinta xaq u siinaya xoriyadda hadalka, ayuu yiri Maxamed Siciid Xirsi, oo ah xog-hayaha guud ee ururka Qareennada Somaliland.

"Xoriyadda hadalka waa sharci Somaliland," ayuu Xirsi ku yiri Sabahi, isagoo intaa ku daray in maxkamadaha maxaliga ahi aanay u madax-banaaneeyn sida dastuurka ku cad.

Xoojinta Sharciga saxaafadda Somaliland

Kuliyadda sharciga ee Jaamacadda Hargaysa ayaa soo qaban-qaabisay siminaar 17-kii July, si looga wada xaajoodo gaabiska ka jira sharciga war-baahinta Somaliland kaas oo la meel-mariyay sannadkii 2004-tii.

Siminaarka ayaa waxaa kaoo qeyb galay Wasiirka Warfaafinta Somaliland Boobe Yuusuf Ducaale, dhiinka kuliyadda sharciga Maxamuud Xuseen, qareenno, arday iyo in ka badan 30 ka tirsan saxafiyiinta maxalliga ah.

"Xoriyadda saxaafadda waxa ay la mid tahay xoriyadda dhaq-dhaqaaqa," ayuu yiri Ducaale. "Warbaahintu waa in aanay dalban xoriyad aan xad laheyn, balse xaddidaad walba oo la soo rogo waa in ay noqotaa mid sharciga waafaqsan."

Si walba oo ay ahaataba, Faarax ayaa sheegay in aysan jirin baahi loo qabo in farta lagu fiiqo gaabiska ka jira dhinaca sharciga, maadaama dowladdu aanay dhaqan galinayn, balse ay taa baddalkeeda isticmaalayso sharciga ciqaabaha si ay u bar-timaameedsato wariyayaasha.

"Ogolaan mayno in wax laga badalo shirciga jira, maxaa yeelay maaddaama ayan dowladdu aanay raaceynin sharciga, laguma doodi karo in uu leeyahay gol-daloolooyin," ayuu yiri Faarax. "Kaliya marka sharciga la raaco ayaa la ogaan karo gol-daloolooyinkiisa. Xiligan dowladdu waxa ay wadataa qorshe kale, anaguna, haddaanu nahay saxaafaddana ma aqbali karno."

Ismaaciil Maxamed, oo madax ka ah qeybta xoojinta saxaafadda ee hay'adda War baahinta Soomaaliya ee Nabadda iyo Horu-marinta ee fadhigeedu uu yahay Hargaysa, ayaa qaba in is-af-garan-waaga ka dhexeeya labada dhinac lagu xalin karo in meesha laga saaro dhibaatooyinka kadhanka ah xoriyadda hadalka.

"Saxaafaddu kuma kalsoonaan karto dowladda, inta aanay maxkamaduhu dhaqan-galineyn sharciga marka ay timaado xaaladaha iyaga kadhanka ah," ayuu yiri Maxamed.

Qabyo-qoraalkasharciga Baahinta iyo Daabacaadaha waxa uu hor yaala baarlamaanka, waxaana la rajaynayaa in uu kordhiyo xoriyadda saxaafadda, ayuu yiri. Sharcigu waxa uu ogolaanayaa in la abuuro Guddi Qaran oo Warbaahineed, oo ay ka kooban saamilayda oo dhan, kaaso oo ka shaqeyn doona dhex-dhexaadinta war baahinta iyo dowladda.

Cabashooyinka kadhanka ah warbaahinta waa la yareyn karaa haddii saxafiyiinta si wanaagsan loo tababaro, ayuu yiri gudoomiyaha SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf.

Ma jiro dal horumaray la'aanta xariyadda warbaahinta, ayuu yiri Ducaale. Waxa uu sheegay in si taas loo gaaro loo baahanyahay in wada shaqeyni ay dhex marto dowladda iyo warbaahinta.

"Dowladda Somliland waa ay xushmaynaysaa xoriyadda warbaahingta, waxaana ka go'an xaqiijinta xornimadaas," ayuu yiri.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 21)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • Sacad Nur
    August 16, 2012 @ 12:08:03PM

    Somaliland waxay mudooyinkaba dhibeysaa saxaafada xorta ah, siday distoorkooda ku qorteene fekerka, qalinka iyo saxaafaduba waa inay xor noqdaan. markaa waxaan filayaa in xukuumadani tahay mid neceb sheegista dhaliilaheeda,waxaan leeyahay dhawra xaqa distoorku bixinayo

  • rashiid hassan ali
    August 6, 2012 @ 05:57:56AM

    ma wanaagsana. Saxaafadu haddii ay aflagatooto waa la xidhiya oo la ciqaabaya. Fasax ayan ceytan u heysana xagee aduunka ka jirta. Saxaafad madaxbanaan waan u soo halganey oo naf iyo maalba u hurey. Ceytanku kuma jiro. wa is xidhaya haddii kale ruuxa la caya gacantiisa ayuu sharciga ku qaadanaya. Intan aan sheegay aya maqaalka ka maqan Rashhid hassan ali

  • Ole Chavannes
    August 3, 2012 @ 07:35:39AM

    Waa maqaal wacan. Waxaa u furan qof kasta oo suxufi ah inuu la soo xidhiidho xarunta warbaahinta ee magaalada Dooxa. Macluumaad dheeraad ah:

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma haboontahay in la badalo dastuurka Kenya si aqalka Guurtida awood dheeraad ah loo siiyo?

Fiirso natiijada