Golaha Deegaanada Qaranka Soomaaliyeed oo ansixiyay dastuurka cusub

Warbixintan waxaa qayb ka qaatay Maxamud Maxamud oo Muqdisho

Agoosto 01, 2012

  • 1 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Ergooyinka Golaha Deegaanada Qaranka Soomaaliyeed ayaa si aqlabiyad leh ugu codeeyay in la qaato dastuurka cusub Arbacadii (August 1-deeda), taas oo ka dhigaysa Soomaaliya mid hal talaabo u jirsatay in ay dhamayso wakhtiga ku meel gaadhka.

  • Ergooyinka Soomaalida oo haya nuqulka dastuurka markii la furayay kulankii Golaha Deegaanada Qaranka ee Jimcihii Juulaay 25-teeda. [Mohamed Abdiwahab/AFP]

    Ergooyinka Soomaalida oo haya nuqulka dastuurka markii la furayay kulankii Golaha Deegaanada Qaranka ee Jimcihii Juulaay 25-teeda. [Mohamed Abdiwahab/AFP]

  • Ciidamada Dawladda Federaalka Ku-meel gaadhka ah ee Soomaaliya oo taagan meel u dhaw goobtii qaraxa is miidaaminta ah ka dhacay Ogoosto 1deeda oo ah iridda Golaha Deegaanada Qaranka ee Muqdisho. [Abdurashid Abdulle/AFP]

    Ciidamada Dawladda Federaalka Ku-meel gaadhka ah ee Soomaaliya oo taagan meel u dhaw goobtii qaraxa is miidaaminta ah ka dhacay Ogoosto 1deeda oo ah iridda Golaha Deegaanada Qaranka ee Muqdisho. [Abdurashid Abdulle/AFP]

Codayntan ayaa imaanaysa markii ciidamada dawladdu ay fashiliyeen laba isku day is qarxin ah si shirka loo joojiyo.

“Laba nin oo xidhnaa suumanka bambooyinka qarxa ayaa isku dayay in ay xarunta shirka weeraraan, laakiinse albaabka ayaa lagu istajiyay, kadibna way is qarxiyeen,” Cabdullahi Maxamed oo mas’uul booliiska ah ayaa sheegay sida ay AFP soo warisay.

“Ciidamada ammanka ayaa joojiyay isku daygoodii weerarka..xabad ayaa lala helay kadibna way qarxiyeen suumankii ay qabeen,” Wasiirka Arimaha Gudaha, Cabdisamad Macalim ayaa sidaas wariyayaasha u sheegay, isaga oo intaas ku daray in mid ka mid ah waadiyayaasha ammaanka lagu dhaawacay qaraxa.

Koox durba sheegatay in ay qaraxan mas’uul ka tahay ma jirto, taas oo ay daba socoto qaraxyo dhawr ah oo ay ku jirto qaraxyo bambooyinka ee wadooyinka dhinacyadooda iyo bamb gacmeedyo Muqdisho lagu weeraray, in badan oo arintaas ka mid ah waxaa qaaday kooxda al-Qaeda xidhiidhka la leh ee al-Shabaab.

Madaxda siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyay ogolaanshaha dastuurka ku meel gaadhka ah kuna tilmaamay marxlad taariikhi ah iyo dhamaadka wakhtiga ku meel gaadh ah.

“Maanta aad ayaan u farxsanahay in aad si mas’uulnimo ah ku dhamayseen arinta idinka oo dastuurtka u codeeyay,” Ra’iisul Wasaaraha Cabdiwali Maxamed Cali ayaa ergooyinka u sheegay markii ay nuqulka dastuurka ku oglaadeencod ah boqolkiiba 96% .

“Waxaan ku dhwaaqayaa in Soomaaliya maanta laga bilaabo ay dhaaftay wakhtigii ku meel gaadhka,” ayuu yidhi.

645 tii ergo ee ka soo qayb gashay kulankii Arbacada, 621 ayaa codaysay in ay ogal yihiin nuqulka dastuurka, 13 waxay u codeeyeen in ay diidan yihiin, 11 way ka aamuseen, Cabdi Aadan oo ka mid ah xubnaha Golaha Deegaanada Qaranka, xubina ka ah gudiga u xilsaaran in ay la socdaan sida uu codku u dhacayo ayaa sidaas yidhi.

“Golaha Deegaanada Qaranka ayaa ogalaaday nuqulka dastuurka cusub si uu Soomaaliya ugu ahaado dastuur ku meel gaadh ah intii afti qaran looga qaadayo kadib markii uu wakhtiga ku meel gaadhka ah dhamaado,” Aadan ayaa Sabahi u sheegay.

Aadan ayaa sheegay in Golaha Deegaanada Qaranka uusan badalin mid ka mid ah qodabada dastuurka cusub, laakiinse wuxuu soo jeediyay codsiyo iyo aragtiyo lagaga hadli doono barlamaanka cusub.

Golaha Deegaanada Qaranka waxaa doortay duqowda dhaqanka, iyada oo Qaramada Midoobayna ay taageerayso, wuxuuna qaatay sideed maalmood in la doodo loona codeeyo dastuurka cusub.

“Maanta waa maalin taariikhi ah—maanta waxaan aragnay dhamaysirka shaqo laga soo shaqaynayay sideedii sano ee la soo dhaafay,” Wasiirka Dastuurka iyo Dib u heshiisiinta Cabdiraxmaan Xoosh Jibril ayaa sidaas sheegay codka ka dib.

Haddii wax walba ay ku socdaan sidii la wakhtiyeeyay, 135 kaaba-qabiil aya dooranaya 275 xubnood oo baarlamaanka cusub ah maalmaha soo socda, isla markaas waxaa ku xigi doona in xubnaha baarlamaanku uu doorto af-hayeen iyo laba ku xigeen marka la gaadho Ogoosto 4teeda. Xubnaha baarlamaanka ayaa dooran doona Madaxwaynaha soo socda Ogoosto 20keeda.

Mahiga oo ka digaya cabsigalin iyo laaluush doorashada xubnaha baarlamaanka

Ergayga Gaar ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Augustine Mahiga ayaa ka codsaday xubnaha odeyaasha dhaqanka in ay daacadnimada ilaaliyaan marka ay dooranayaan xubnaha baarlamaanka.

Wuxuu sheegay in kuwa laaluusha ama handada sharci dajiyayaasha “loo arki doono sidii qaswadayaal” iyadoona “ficiladaas oo kale ay ka dhigan tahay burburinta geeddi socdka nabadda”.

“Waxaa jira warbixino aan fiicnayn oo ah awood sheegasho ka imaanaysa siyaasiyiin hami leh oo xilal hadda iyo kuwo horayba hayay. Saamayntaas waxay qaadan kartaa qaabab badan sida is maslaxo ama eex la isu galo, laaluush iyo cabsigalin,” Mahiga ayaa sidaas qoraal uu Talaadadii sii daayay ku sheegay.

“Uma ogalaanayno in kuraasta baarlamanku ay noqoto silco la kala iibsanyo oo kale ama sidii naadin la siinayo qofkii lacagta u badan bixiya, iyada oo aan ku jirno wakhti aan isku dayayno in aan soo celino sharaftii iyo ixtiraamkii shacbiga Soomaaliyeed,” ayuu yidhi.

“Dadka isticmaalaya cabsiinta iyo xeeladaha sharf dilka waa la yaqaanaa,” ayuu yidhi. “Waxaan si aad ah uga codsanayaa in ay arimahaas joojiyaan ayna ixtiraamaan xuquuqda haweenka si ay uga qayb qaataan geeddi socodka siyaasada,”

Mahiga ayaa amaanay odayada dhaqanka in ay soo magacaabaan xubnaha Golaha Deegaanada Qaranka wuxuuna ku booriyay inay ixtiraamka sii wadaan iyada oo xilga kala guurku uu dhamaad yahay.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 20)

Dislike_icon(4)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • Donald Thomas
    August 2, 2012 @ 01:01:49AM

    Waa wax faa’ido badan leh

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Sidee baa loo dhisi karaa dawlad-goboleedyada federaalka Soomaaliya iyadoo maanka lagu hayo khilaafka ka taagan Jubbaland?

Fiirso natiijada