Luulyo 30, 2012
Go'aanka ay al-Shabaab ku gaartay in ay toogato seddex kamida xubnaheeda oo lagu eedeeyay in ay u jaajusayeen dowlado shisheeye ayaa ka turjumaya dhibaatooyin xagga kalsoonida ah oo ka dhex jira qeybaha kooxda maleeshiyada ah, falanqeeyayaal siyaasadda ah iyo kor joogayaal ayaa sidaa leh.
Al-Shabaab ayaa sheegtay seddexda nin ee kala ah -- Isaaq Cumar Xasan, oo 22 jir ah, Yaasiin Cusmaan Axmed, oo 23 jir ah iyo Mukhtaar Ibraahim Sheekh, oo 33 jir ah -- ay u jaajuusayeen ha'adda sirddoonka ee Mareykanka iyo hay'adda sirddoonka Biritishka ah ee Mi6.
"Xasan iyo Axmed ayaa mas'uul ka ahaa dilka Bilaal al-Barjaawi iyo seddex kale [oo al-Shabaab ka tirsanaa]," Kooxda al-Qaacidda la bahowday ayaa bogeeda Twiterka ku sheegtay sidaa 22-dii Juuly. "Labada nin ayaa qalab ku xiray gaarigi al-Barjaawi iyo walaalihiisa, qalabkaas oo hoggaamiyay weeraro gantaalo ah oo ka dhacay duleedka Muqdisho."
Al-Berjawi, oo ah nin haystay laba dhalsho oo Lubnaan iyo Britain ah ayaa lagala xayuubiyay dhalashadiisa Biritain, waxaana lagu dilay weerar gantaalo loo adeeggsaday oo ka dhacay duleedka Muqdisho bishii Janaayo Waxaa la sheegay in uu ahaa ninka labaad ee al-Qaacidda ugu sareeya Soomaaliya.
Goob joogayaal ku sugan Marko ayaa sheegay in seddexda nin lagu toogtay fagaare ku yaala bartamaha magaalada.
"Dagaalyahanada al-Shabaab ayaa isticmaalayay samaacado lagu rakibay gawaari waaweyn, si dadka ay ugu yeeraan in ay kasoo qeyb galaan dilka toogashada ah, markii dadku ay isugu soo urureen fagaaraha, tobonaan dagaalyahano ah oo wajiyada qarsaday ayaa indhaha ka xiray seddexda nin kadibna way toogteen, iyagoo isla goobta ku dilay," Maxamed Saciid, oo 34 jir Marka daggan ayaa sidaa Sabahi u sheegay.
Cumar Daahir, oo ah agaasimaha xarunta uu saldhigeedu yahay Muqdisho ee Moderation and Dialogue, ayaa sheegay in dhibaatooyinka al-Shabaab ay ka dhasheen kala qeybsanaanta sii kordhaysa ee ka dhex jirta xubnaha, waxaana ka dhalan kara kala jajab deg deg ah oo kooxda ka dhex dhasha mustaqbalka dhow .
"Waxaa jira kalsooni darro ka dhex jirta al-Shabaab dhexdooda, iyadoo kooxdu aannay kalsooni ku qabin xubnaha, haddana hoggaamiyayaashooda ayaan kalsooni isku qabin," Daahir ayaa Sabahi u sheegay. "Go'aanka al-Shabaab ay ku toogatay seddex kamida xubnaheeda, oo Marko lagu dilay, waxa ay ka turjumaysaa dhibaatooyin xagga kalsoonida ah oo ay kooxdaasi la taahayso."
"Tani waxa ay bilow u noqon kartaa isa-sifayn iyo aar-goosasho ka dhex qarxa kooxda, oo goor horeba la taahaysay kala qeyb-sanaan qoto dheer," Daahir ayaa yiri.
Waxa uu sheegay in al-Shabaab ay maciinsan doonaan in ay si qarsoodi ah u dilaan in badan oo xubnahooda ka mid ah, iyaga oo ka cabsi qaba dilalka meelaha fagaaraha ah in uu wiiqi doonto midnimada kooxda.
"Kooxda waxa ay toogan doontaa xubin walba oo looga shakiyo in ay xiriir la leedahay dhinacyo dibadda ah, maxaa yeelay waxa ay ka baqayaan in sirdoonka reer galbeedku ay ku dhex jiraan kooxda, ayna beegsadaan hoggaamiyayaasha la doon doonayo," Daahir ayaa yiri.
Al-Shabaab ayaa Twiterkeeda ku sheegtay in "Ay bilowday howl-gal balaaran oo looga soo hor jeedo sir doonka si dalka looga nadiifiyo jaajuusinta caynkaas ah".
Sanadkii hore, Macalim Xaashi Maxamed Faarax, oo ah hoggaamiye al-Shabaab ah ayaa sheegay in sir doonka reer Galbeedka ay ku dhex jiraan qeybaha al-Shabaab Iyagoo labadaba la shaqaynaya iskana dhigaya in ay yihiin Mujaahidiin.
Tani ma ahan markii ugu horreysay ee al-Shabaab ay toogato xubnaheeda lagu eedeeyay in ay jaajuusiin u yihiin hay'adaha sir doonka reer Galbeedka. Al-Shabaab ayaa toogatay madax ku xigeenkii sir doonkooda, Axmed Cali Xuseen, oo sidoo kale loo yaqaano Axmed kayse, sanadkii 2010-ki, kadib markii uu u "jaajuusay" dowlado shisheeye.
Juuly 27-deedii, al-Shabaab ayaa sheegtay in ay qabteen saddex "jaajuus oo DFKMG ah" kuwaasi oo hadda uu baaritaan ku socdo. "Haddii dambiga lagu helo, seddexda nin meel fagaare ah ayaa lagu toogan doonaa," al-Shabaab ayaa ku sheegtay Twiterkeeda.
"Dhibaatooyinka kalsoonida ah ayaa saameyn ku yeeshay qaabka kooxda, taasi oo ay ka dhalatay toogashada xubanaheeda," ayuu yiri Cabdiraxmaan Maxamuud, oo ah indha-indheeye kooxaha xag-jirka ah.
Tan iyo markii 7-badii Juune ay dowladda Maraykanku ku dhawaaqday in ay ku bixin doonto 33 milyan oo doolar war bixinada la xiriira halka ay ku suganyihiin saraakiisha sar sare ee al-Shabaab, hoggaamiyayaasha la doon doonayo ayaan kaliya iska qarin hay'adaha sir doonka, balse sidoo kale indhaha bulshada iyo xubnaha kooxda ayay iska qariyeen.
"Hoggaamiyayaasha al-Shabaab hadda waxa ay ka baqayaan in lacagta uu Mareykanku soo bandhigay ay riixi doonto qaar kamid ah xubnaha kooxda, oo ay lacagtu ku qasbi doonto in ay khiyaameeyaan hoggaamiyayaashooda, ayna soo gudbiyaan war bixin ah halka ay joogaan, iyagoo doonaya abaal marinta dhaqaale," Maxamuud ayaa Sabahi u sheegay.
"Aniga fikrad ahaantayda, waa taa midda ka dambaysa toogashadi dhowaan ay al-Shabaab toogteen seddex kamida xubnaheeda, oo lagu eedeeyay in ay u jaajuusayeen hay'adaha sir doonka Mareykanka iyo Ingriiska," ayuu yiri.
Maxamuud ayaa sheegay in al-Shabaab ay u kala qeybsameen laba xero, mid walbana ay "si waxashnimo ah ula dhaqmeyso" tan kale.
Bishii Maarso, hoggaamiye al-Shabaab ah Xasan Daahir Aweys ayaa ku dhaleeceeyay maleeshiyaadka kooxda dilka micna darada ah ay u gaysanayaan shacabka, iyagoo ku dilaya magaca Islaamka iyo la midowgoodi al-Qaacidda. "
Kooxda xagg jirka ah ee al-Shabaab waxa ay fuliyeen taagoashooyin tiro badan sanadihii lasoo dhaafay, iyagoo aan kaliya beegsanaynin xubnaheeda, balse tobonaan muwaadiniin Soomaali ah ayaa loo maxkamadeeyay in ay ka shaqeynayeen u jaajuusidda hay'adaha sir doonka reer Galbeedka, ama ay la shaqeynayeen dowladda Soomaaliya ama ciidamada Midowga Afrika," ayuu yiri Cabdulaahi Cusmaan, oo ah falanqeeye siyaasadeed iyo khabiir arimaha kooxaha xag jirka ah ee Soomaaliya.
Cusmaan ayaa Sabahi u sheegay in kooxda al-Shabaab ay argaggixiyaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, ayna ugu hanjabaan in ay tooganayaan kuwa la shaqeeya dowladda Soomaaliya iyo ciidamada Midawga Afrika.
Waxa uu ugu baaqay dowladda Soomaaliya in ay xoojiso dadaalka ay ku doonayso in ay ku xorreyso aaggagga ku haray gacanta al-Shabaab si ay u soo af jaraan jariimooyinka ay kooxdu waddo.
"Al-Shabaab waxa ay sii wadi doonaan rabshadahooda aan marmarsiiyada leheen ee isku dhex yaaca ah, ee ay u gaysanayaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, ilaa kooxda laga saaro dalka," ayuu yiri.
Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka maamul-goboleedka Somaliand ayaa Talaadadii (18-ki...
Bilayska Tansaaniya ayaa Talaadadii (18-kii June) Arusha ku xiray afar xildhibaan oo ka tirsan xi...
Rag hubeeysan ayaa Gobolka Wajeer ku dilay askari ka tirsan kaydka bilayska habeeynimadii Talaada...
Japan ayaa oggoolaatay in ay siiso Tansaaniya $49 milyan o doolar (80.4 bilyan oo shilin) oo isug...
Kormeeraha Guud ee Bilayska Kenya David Kimaiyo ayaa si kalinimo ah u magacaabay soona gudbiyay 1...
Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ayaa Talaadadii (18-kii June) waxa ay Madaxweyne Ku-xi...
Bilayska ayaa degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee Muqdisho ku xirxiray boqollaal loo tuhmay in ay...
Shir soconaya saddex maalmood ayaa ka furmay Muqdisho Talaadadii (18-kii June), kaas oo isku keen...
Ciidamada dawladda Soomaaliya oo ay bari-taarayaan kuwa Howlgaka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AM...
Xogyaha Arrimaha Gudaha iyo Xiriirinta Xukuumadaha Qaranka Joseph Ole Lenku ayaa Isniintii (17-ki...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo
Faallada akhristaha
Waxaan leeyahahay -- anigoo ilaahay kaashanaya--, qaranka soomaaliyeed ee islaamka ah waxaa lagu saliday kooxdan dhagarta qabta ee shaadhka islaamka kusoo hoos gabanaysa, isla markaana burburinaysa mabda’yada guud ee ay isku waafaqeen dhamaan diimaha samaawiga ahi. Kooxdani waxay qadaatay dhaqan la mid ah kii kooxaha loo yaqaano “khawaarijta”, kuwaasoo iyagu xalaalaysta daadinta dhiiga dadka aan waxba galabsan, iyagoo eedaymo qaldan usoo jeedinaya dadkaas. Hadaba miyay tahay caqli gal in la dhaho diinta islaamku waxay ku aasaasantay dad aan waxba galabsan oo qoorta laga gooyo. Bilaa calayg taariikhda sharafta leh ee umadan akhrista si aad u hubsataan in kooxda alshabaab ay tahay koox dhagar qabta, oo aad u aragtaan sida ay diinta islaamka uga bixinayso sawir aan sax ahayn. Waxaan kusoo gunaanadayaa oo aan leeyahay: waxa maanta kooxda alshabaab dhexdeeda ka socdaa wax kale maahee waxa bilaabmay aargoyntii uu ilaahay koreeye shacabkan islaamka ah u aargoynayay, kooxdan dhamaadkeeduna wuu soo dhawaaday, maalintaasina waa maalinta ay muuminiintu nasriga ilaahay ku farxi doonaan.
Markaa islaamku ma wuxuu dhigayaa in ilaahay caawimo loo fidiyo si uu u laayo dadka dambiilayaasha ah, ee ay alshabaab ku sheegaan gaalada? muxuu yahay ilaaha caawimo uga baahan bini’aadamka uu isagu abuuray, caawimadaas oo uu rabo inuu wax ku dilo? ilaaha muslimiintu waa bilaa awood, hadii uu arrinku sidaa yahayna, maxay tahay sababta loo raacayo ilaah bilaa awood ah amarkiisa? Miyuusan quraanka laftiisu sidaa dhigaynin? Waase kuwee aayadaha quraanka ku yaala ee ay ilaahay iyo nabi Maxamed dadka ku farayaan inay si bahalnimo ah u dhaqmaan? Xitaa hadaynu maskaxda bini’aadamka wax ku qiyaasno, sideebuu aakhira farxad ku heli karaa qofka isagu diyaarka u ah inuu ku kaco falalka noocaas ah ee doqoniimada ah? diintani waa diin xaga maskaxda ka jiran, waa hadii aysan ahaynba diin shaydaan. markaa dadka sheegaya inay ilaahay caabudayaan ee raba inay aakhira jana tagaan balse walaalohood laynaya si ay iyagu danohooda u gaadhaan, waxaan dadkaaa dhihi taxadir yeesha oo is dhawra, waayo goor ay noqotaba ilaahay mar uun ayuu idinla hadli doonaa
Waxaad xusuusnaataan in dilka qof bini’aadam ahi uu yahay dambi. Walaalayaashayda islaamka ah ee wax laaya iyago qiil ka dhiganaya inay diinta difaacayaan ayaan arrinkaa u sheegayaa. Anigu waxaan qabaa in ilaahay oo dadka oo dhan u wanaagsanyahay oo uu nabada jecelyahay. Laakiin shaydaanka ayaa dadka dilka fara, ee maaha ilaahay. Dilka dad aan waxba galabsani maaha arrin ilaahay iyo dadkaba ka farxin kara. Dunida maantana meel kasta oo ay muslimiintu joogaan waxaa loo arkaa inay argagixiso iyo dambiilayaal iyo tuug ay yihiin, bal eega siday muslimiintu u gubayaan kaniisadaha ku yaala dalka Tanzania
alaha soo hadeeyo waalun san yihiin
Waxaan maanta daawaday filimkan sedexda qof ah xaqiiqatan waa rag aniga aan ka yaabay siday u habeeyeen howshani. sedexdoodaba waa waa la wareystay xaqiiqda jirta ayeyna sheegeen illaa hada waan ka naxsanahay qaabka ay u habeeyeen inkastoo sheekadu ka fashilantay markey soo galiyeen ninka sedexaad muqtaar. labada dhacdo waxaa lagu siiyay 7000 oo dollar kaliya ayuguna manta way dhinteen allah nabad baadiyo waa la isku daba taagan yahay walee
Alshabaab way guulaysan doontaa ee yaan la degdegin, Xukuumda Cusbina waa Siyaasad Alshabaab oo Qabow ee ha ku saxanin garashada
kooxdaa xag jirka ah alle ummada somaliyeed ha ka qabtoo ammiiiiiiiiiiiiiiiin
alshabaab waa wax lagu imtixaamay, qaabka foosha xun ee dadka soomaaliyeed u noolyihihiin, soomaalidu waa inay ummad horumartay sideed u fakaraan, aysan waxba kudarsan qofkii diin kale sheegta oo soomaali ah sida KIRISTANKA ,iyo diimaha kale oo qof kasta diintiisa oo kaliya alle ku caabudo, arintan haday aad kuula foolxumaato waxaad tahay xubin aan is qorin oo alshabaab ah
KENYA AYAAD ISKA LEH SABIHA WEAA LA YAQAAN GAALO IY GAALORAACYO AYAA TUHIIN TAGA TUUGAYAHOW GAALADA U SHAQEEYA
insha allah allah hana waafajiyo towfiiqda manta xaalku wuxuu taganyahay allow nabixi hana u hanqal taaginnian wax aan allah karaali ahayn cadwga allah allah wuu yaqaan umada mu miniintta ahna way yaqaanaaan insh aallah xaquna waa uu cadaan wayo allah ayaa umadaaan abuurtay insh aallah wuuna kala sarayaaa meeshuu kukala sarayona allah asaga ayaa oray usheegay insha allah waxaad ukadadaashaan allah inaad talo sarataana iidana ku kadsoomaki wax aay idiin sheegayaaan caadawga allah
alshabaabwakhati geediiwuudhamaadaydawlad cusubinaway dhaltay waa alxamdulilaa
aniga waxay ila tahay hadii xaalada shabaabka si dhab ah loo wajihi lahaa in mar hore laga xoreeyn lahaa shacabka diifoobay oo tacadigu haysto waxaanad moodaa arinkuba inuu yahay dheel dheel waayo mudo sanad kudhaw ayay ciidamada dawladu sootaaban la,yihiin kimaayo marka haday arintu dhab tahay maxaa kismaayo hortaagan anigu wali taas jawaab umahelin !
Hadday jiraan dad muslim ah oo daacad ah oo si wacan u fahamsan diintooda, maxaa keenay inaan layska fogaynin falalka bahalnimada ah ee kooxda alshabaab? anigu wali ma arko sida diinta islaamku nabadu waxay tahay u dhigayso. Waxaana cad in muslimiinta nabigooda iyo quraankoodu midna aysan falalka noocaas ah dhaleecaynin. Waxaan mar labaad ku celinayaa inay dadaasi yihiin fulayaal u dagaalamaya si raga raga ahi aysan u dagaalamin, diinta islaamka iyo waxay u taagantahayna waxaan u arkaa wax xaqiirnimo ah oo xaqiran.
Waxa bini’aadamka iyo xayawaanku ay ku kala duwan yihiin waa shay kaliya: kaasoo ah “dadku maskaxdooda ayay adeegsan karaan”, markaa maskaxdiinu ma waxay idin siisay in aad dhibaato u gaysataan walaalihiin iyo hooyooyinkiin iyo aabayaashiin…iyo dadka kaleba, dhibtaas oo ah mid ka dhalanaysa falalkiina? markaa waxaan leeyahay aan rag iyo dumarba nabad iyo is jeclaansho kuwada noolaano.
Sabahionline waxaad ku mahadsantihiin sida wacan ee aad wararka usoo tabisaan. Kooxda alshabaab waxay ku abtirsadaan boqorka argagixisada, kaasoo ah shaydaanka, waxaanay u taaganyihiin inay wax dhacaan waxna dilaan waxna burburiyaan. Laakiin ilaahay wuxuu rabaa inuu dadka nolol siiyo, markaa dadka soomaaliyeed waxaan leeyahay ilaahay usoo laabta, si uu dalkiina iyo noloshiinaba caafimaad ugu manaysto, waxaanad taladiina iyo ta dalkiinaba u dhiibataan ilaahay. Aamiin.
Aynu u ducayno in ragu dhamaantood ay nabad helaan. mudo dheer ayaan u haystay in macnaha kalmada islam uu yahay nabad…laakiin haatan macneheeda waxaad moodaa inuu yahay cabsi. Imisa qof ayaa iyagu cabsi dareema marka ay qof dumar ah oo xijaabani ay dukaan soo gasho? Waxay ila tahay qof kastaa wuxuu is dhahaa war meesha hore alaabtaada uga qaado oo isaga bax intaanad arag dhiig la daadiyay, waa hadii waliba aad nasiib leedahaye!...
Waxaan qabaa in hadii aynu midowno aynu ka adkaan karno cadawgeena, wax kastaana waa suuragal hadii ilaahay lala kaashado.
Waxaa is waydiin leh maxaa ka khaldan dunida muslimka ah, waayo waxa degenaansaho la’aan dunidan ka jiraa waxay ka jiraan dalalka muslimiinta, laga soo bilaabo quruumihii hore ilaa maanta arrinku sidaasuu ahaa. Hadaba maxaad dadyohow rabtaan, dunidii iyo noloshii dadkaba argagax ayaad ku rideen idinkoo ku andacoonaya inaad maraykanka iyo xulufadiisa la dagaalamaysan. Laakiin ujeedadiina kali ahi ma sharaf-doon baa??? Waan ka xumahay inaan hadalkan dhaho, laakiin waxaa idinku rumoobay waxyaabo kusoo arooray kitaabka injiilka ee kiristaanka, inkastoo aad kitaabkaas dacaayado ka dhan ah aad faafisaan, taasoo sheegaysa inuusan kitaabku asal ahayn oo wax laga badalay. Haseyeeshee waxaan idiin sheegayaa dadka muslimiinta ah iyo kuwa la midka ahoow oon idin leeyahay wax yar suga, dhawaan ayaydun il bidhiqsi ku halaagsami doontaanee, waayo waxaad dhulkii eebe u abuuray in si nabad ah loogu noolaado ka dhigteen meel cadaab ah, oo dadku intaysan cadaabka aakhiro gaadhin ay ku cadaabmaan. Bal eega waxaad ku kacaysaan idinkoo ku andacoonaya inaad jihaad wadaan, iyo waliba dilka aad dilaysaan dad aan waxba galabsan, kuwaasoo aad isku dhex qarxisaan, iyadoo ay arrimahaasna idinku kaliftay caqiido bahalnimo ah oo aad aaminsantihiin, taasoo dhigaysa inaad janada tagi doontaan, laakiin yaa idinku dhahay in marka aad laysaan dadka aan muslimiinta ahayn, ee aad u taqaanaan gaalada (kalmadaasoo la macna ah dadka aan qiimaha lahayn), inaad hubaal janada u gali doontaan? Mudanayaal waxaan idiin sheegayaa ilaahay isagaa abuuray dadkan wacan, markaa xaq uma lihidin inaad wax ka sheegtaan diimaha dadka kale. teeda kale, waxaad u dagaalamaysaan inaad dadka dunida ku nool aad muslimiin ka dhigtaan, laakiin arrinkaasi waa mid aad u khaldan, waayo sideebaad ku ogaateen in aad idinku tihiin cidda xaqa ku taagan. Hadaba waxaan idin leeyahay joojiya dhaleecaynta aad ku haysaan dadka kale, ee aad ilaa xad aad dishaan gaadheen, ikastoo ayadaan idinka laftiinu ogayn meel aad ku dambayn doontaan. Bal eega sida ay dhalinyaro cilmi badan lahaa ay iyagoo ku andacoonaya inay diinta islaamka u dagaalamaya u fuliyeen qaraxyadii 9/11 ee maraykanka ka dhacay, runtii arrinkaasi ceeb ayuu ahaa, waayo iyagiina way halaagsameen, waxaana sidoo kale la halaagsamay dad kale oo aan waxba galabsan. qaraxyadaas iyo dhacdooyin kale oo badanina way jiraan ee bal ka fekera.
Ilaahayoow dadka soomaaliyeed dhibaatada ka saar.
Waxaa haatan cadaatay in kooxda alshabaab laga adkaaday, arrinkaasina waa mid ku yimid dadaalka ay muujiyeen dadka soomaaliyeed iyo ciidamaduba. Hadaba wixii ka dambeeyay jabkii ku dhacay kooxda alshabaab, noloshu caadigeedii ayay kusoo laabanaysay, dadkuna waxay hada yoolka saareen dibu dhiska dalkooda, xukuumaduna waxay ku guda jirtaa sugida amaanka.
Waxaan ilaahya ka baryayaa inu dhulka Soomaaliya nabada usoo celiyo
Ilaahay wuxuu dhamaan dadka ka abuuray ruuxdiisa, waxaan ilaahya ka baryayaa inuu qalbigeena xikmad galiyo, oo ina xasuusiyo inayno walaalo nahay, haba kala duwanaadeen diimeheena iyo waxaynu aaminsanahay.
Kooxaha argagixisada ah ee Soomaaliya jooga ee kooxda alshabaab hormoodka u tahay waxay fuliyaan falal burbur wayn gaysta oo akhlaaq daro ah, kuwaasoo ay la beegsadaan dadka soomaaliyeed iyo dadyowga la jaarka ah. waxay cid kasta oo ku dhiirtata inay kooxda kasoo hor jeedsato ka gooyaan gacmaha iyo lugaha, waxaanay arrinkaas u adeegsadaan si ay dadka u kaantaroolaan oo ay dusha uga qabsadaan. Meelaha ay aadka u beegsadaan waxaa ka mid ah meelaa ay dadku ku kulmaan, halkaasoo ay ka fuliyaan qaraxyo is miidaamis ah, kuwaaaso ay boqolaal qof oo caruur iyo ciroole ba lihi ay ku dhintaan. Sidoo kale, waxay wali kooxaha argagixisada ahi sii wadaan afduubka ay kula kacaan doonyaha badaha isaga gooshaya, halkaasoo ay falalkaas afduubka ahi horseedaan in shaqaalaha doonyahaas ay qaarkood dhintaan, kadibna waxay kooxaha argagixisada ahi dalbadaan madax furasho. Kooxda alshabaab waxay goysaa xidhiidhka ay magaalooyinka ay gacanta ku haysaa la leeyihiin dalka intiisa kale, waxaanay dadka magaalooyinkaas ka horjoogsataa inay caawimo dalbadaan, caawimadaas oo ah cunto ama agab caafimaad, arrinkaasina wuxuu horseeday ayaan darro aan laga sheekayn karin, waxaana ku qudh baxay dad badan oo kumanaan ah oo soomaaliyeed. Sidoo kale, waxay kooxahani ku kacaan afduubyo ay u gaystaan caruurta yaryar, halkaasoo ay caruurtaas ka dhigaan askar, arrinkaasina waa mid ka dhan ah xuquuqda bini’aadamka. Dhanka kale, waxay kooxaha argagixisada ahi malaayiin dad ah oo soomaaliyeed ku qasbeen inay qaxaan oo ay dalkooda dhexdiisa qaxoonti ku noqdaan, taasina waxay horseeday dhibaato iyo xanuun. Intaa waxa dheer, kooxahani waxay burburiyeen xidhiidhkii ka dhex jiray qoysas badan oo soomaaliyeeed, sababtoo ah dad badan ayaa barakacay qaar kalena way dhinteen. Caruur badan ayaa iguna agoomoobay, dumar badanina carmal ayay noqdeen. Hadaba dalka soomaaliya dad badan oo aan waxba galabsan ayaa dhiigoodii lagu daadshay, taasoo ay sabab u tahay burburka iyo dilka ay kooxdu wixii kasoo hor baxaba kula kacayso.
Run ahaantii noloshu imika ayuunbay bilaabantay, dagaalkanina dhawaan ayuu soo afjarmi doonaa, si uu midkale u bilaabmo. Hadaynu bini’aadam nahay, waxaynu nahay kuwo dabeecadoodu ku dhisan tahay loolan iyo iska hor imaad, xukuumada soomaaliya ee taagta daran ayaana dagaalka ka dambaysa. Hadaba soomaaliya waxay u baahantahay in gumaysi la hoos galiyo in mudda ah, kahor intaan haddana xornimadeeda loosoo celinin.
Kooxda alshabaab waxaan leeyahay hadii ay dhabtahay inay jiraan mucjisooyin rabaani ah, waxa hada idinku dhacaya ayaa mucjisooyin rabaani ah lagu sheegi karaa. Waxaad daadiseen dhiiga dad aan waxba galabsan oo aan cidna waxyeelaynin, markaa imika waxaa yimi wakhtigii lay idinka xisaabin lahaa waxkasta oo xumaan ama samaan ah oo aad fasheen. Waxaan sidoo kale adoomada ilaahay ugu baaqayaa inay ka cabsadaan dilka dadka aan waxba galabssan.
Wax kasta oo bilaw lihi dhamaad ayuu leeyahay, waxaanan dadka soomaaliyeed u sheegayaa oo aan leeyahay in marka ay dhibaatadiinu badato, waxaad dhab ahaan u ogaataan in ay soo dhawaatay badbaadadiinii. Haatan dalkii fidmaa ka jirta, markaa kooxda alshabaab waxaan leeyahay hubkiina dhiga, oo ilaaha wayn ka cabsada!
Qofku waa inuusan waligii magaca diinta isagoo adeegsanaya uusan qof kale ku dilin….waayo qofkaasi wuu halaagsami oo ayaandaro ayuu la kulmi!!!!
Mareegta Sahabaonline waxay ka mid tahay WARBAAHINTA MARAYKANKA, waxaana laga maamulaa saldhigga ciidamada maraykanka ee AFRICOM ee Jabuuti ku yaala. Sidaa awgeed, maqaalada lagu faafiyaa waa kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, waana been abuur. Waxaanay sidoo kale adeegsadaan hadalo laga soo xigtay dad aan jirin, maqaaladeeduna maaha qaar ku salaysan akhlaaqda warbaahinta iyo mabda’yada u yaala ee dhigaya in warbaahintu dhexdhexaad noqot.
kooxda alshabaab sii wada ayaan leeyahay
Ilaaha samada joogoow magacaaga maamuus ha u sugnaado, ilaahayoow soomaaliya waa dal aad adigu abuurtay, ee ka badbaadi khatartan. Ilaahayoow waxaan kaa baryayaa in awoodaada iyo quwadaadu ay dalka caynaanka u qabato. Ilaahayoow burburi oo quus ku rid dhamaan dadka sharka iyo xumaatada wada, waxaanad awood iyo xoog u fidisaa dhamaan dadka suuban ee cadaalada wada ee soomaaliya jooga. Ducadani waa taanu aniga iyo dhamaan muwaadiniinta soomaaliyeed ka baryayno ilaaha magiciisu uu ka koreeyo dhamaan magacyada kale. amiin!
Al-shabaab waa cadaw fulay ah oo aan waligood debeda usoo bixi doonin fool ka foolna kuu hor iman doonin, laakiin woxoodu waxa weeyaan inay intay weerar soo qaadaan ay kadib hurdo dheer galaan ilaa inta ay arrimuhu kala dagayaan, si hadana ay weerar markale usoo qaadaan. Alshabaab suuragal maaha in laga adkaado, mana aqbali doonaan habayaraatee in laga adkaado, markaa waxaan kula talin lahaa dadkoo dhan inay feejignaadaan oo ay ogaadaan inuusan geesigu waligii dhiman doonin kalidii. Xitaa haday kooxda ka muuqato inay waxoogaa jabeen ama laga adkaaday, hadana waxa suurta gal ah inay ku kacaan fal aad u balaadhan marka ay aakhirka isa soo dhiibayaan. Markaa alshabaab wali lagama adkaanin, hawshuna ma dhama ilaa inta wax soo gabagaboobayaan, hadalkaana waynu ku kalsoonaan karnaa maadaama uu ka yimid ciidanka alshabaab la dagaalamaya ee uusan ka imaanin alshabaab laftooda. Ugu dambayntii, “Aynu waxa ugu wacan rajaynu inuu dhaco balse aynu waxa ugu xun isu diyaarino”
Ma jirtaa cid ingooga warami karta taariikhda “kooxda alshabaab”. maxaa ku kalifay in ay dagaalamaan, waase ayo ciday la dagaalamayaan.
Cidii xaqa ku taagan ayaa guulaysan doontaa, ilaahayna wuxuu ilaaliyaa oo uu u naxariistaa adoomihiisa wanaagsan, mana jirto cid awood leh oo arrinkaa is hortaagi kartaa.
Waa wax murugo leh marka ay qabqablayaashaasi ay ku doodaan inay yihiin kooxo diimeed
Hambalyo ayaan leeyahay alshabaab, dhawaan ayaan idinku soo biiri doonaa oo aynu guulaysan doonaa ilaahay idankii, dagaalka Soomaaliya ka socdoo kaliyana ku guulaysan maynee waxaynu qabsan doonaa dhamaan bariga afrika, waxaanan idiin sheegayaa inuusan jirin wax idinka lumayaa. Ilaahay waxaan ka baryayaa inuu idin ilaaliyo oo uu idinku hago wadada aad guusha ku gaadhi kartaan.
Nacladi ha ku dhacdo nacasyaasha kooxda alshabaab, waxaanan leeyahay marka sanadka soo socda la gaadho waa la idin jabin doonaa
Kooxda alshabaab waa koox khatar ah, waxaanay aaminsanyihiin in xalka mashaakilka dalku uu ku jiro dadkoo la laayo. Hadaba waxyaabaha diinta kusoo arooray qaarkood waa khatar, khatarta ay leeyihiina arrimahaas ay alshabaab wado ayaa ka mid ah. dunida waxaaba u wacnaan lahayd inay midawdo si loo dabargooyo kooxdan iyo kooxda kale ee ay gacan saarka la leedahay ee alqaacida.
Kaliya nabi ciise ayaa Soomaaliya xasilooni kusoo dabaali kara. dardaaranka kitaabka ku yaalaa wuxuu leeyahay hay is dilina, markaa maxaynu isu dilaynaa? Arrinkaasaa hadaba ka mida sababaha aan uga baxay diinta islaamka oo aan diinta kiristaanka ugu biiray.
Ilaahay ayaa wayn, dhamaadkiina wuu soo dhaw yahay, ee ilaahayoow na caawi
Hadaynu nahay dadka Soomaaliya ka agdhaw iyo dadka soomaaliyeed laftoodu waa in aan gacmaha is qabsanaa, waayo kooxdani waxay khatar ku haysaa gobolka iyo mandaqada, waxaanan hambalyaynayaa dawlada federaalka ku meel gaadhka ee Soomaaliya.
Waxaa wacnaan lahayd in dagaalka la joojiyo, waayo ilaaheena laftiisu sidaasuu khalqigiisa la jecel yahay.
Waxaa wacnaan lahayd in dagaalka la joojiyo, waayo ilaaheena laftiisu sidaasuu khalqigiisa la jecel yahay.
Waxaan ilaahya ka baryayaa in uu idinka abaal mariyo hawsha wacan ee aad wadaan
Kooxda alshabaab waxaan leeyahay ayaamihiina aad dhiiga dadka daadinayseen way tirsan yihiin. Inta aad dad muslimiin ah laysaan ayaad hadana islaam sheeganaysaan, laakiin waxaan idiin sheegayaa inaydun cadaabta si toos ah u gali doontaan, waxyohow……….cadaaladuna dhulkay wada gaadhi doonta
Waxaan rajaynayaa in walaaleheena soomaaliyeed ay gacmo furan kusoo dhaweeyaan dadka u dooda ee u ololeeya qunyar socodka, kuwaasoo iyagu diinta islaamka ka haysta faham waafi ah. sidoo kale waa in culimadu ay masaajidada ka khudbaysaa, si loo faafiyo shareecada islaamka ee dhabta ah, loona xakameeyo inay soo shaac baxaan wadaado xagjir ah oo khudbadohooga dadka ku dhiiri galiya gacan ka hadalka iyo dagaalka. Si kasta ha ahaatee, talaabada noocaas ah la qaadi kari maayo hadii aysan dawlada iyo siiba ciidamada amaanku aysan ku qancin in faraq wayni u dhexeeyo afkaarta argagixisada ah iyo diinta islaamka, oo iyadu ah mid ku salaysan naxariis iyo isu dulqaadasho. Markaa waxaan soo jeedin lahaa in tababaro loo furo ciidamada amaanka, si loogu sharxo aragtida dhabta ah ee ku wajahan dadyoqga xagjirnimada wada, isla markaana loo fahansiiyo in dadka xagjirka ahi ay yihiin dad buka, kuwaasoo u baahan in la daaweeyo oo aan loola dhaqmin inay dambiilayaal yihiin. hadaba aragtiyahaas kala duwan ayaa saldhig u noqon kara in dadkaas la daaweeyo. Hadii aynu dadka xagjirnimada wada dambiilayaal u aragno, sida kaliya ee aynu ula dhaqmi karnaa waa inagoo waxshinimo iyo dagaal kula dhaqana oo ciqaabna, mar hadii aynu dambiilayaal kasoo qaadnay. Laakiin hadii ay inala noqoto in dadkani ay wada hadal u baahanyihiin si ay u daawoobaan, habka aynu dadkaas ula dhaqmaynaa wuxuu noqon doonaa mid ka duwan kayno hore usoo sheegnay, waayo qof kasta habdhaqankiisu waa mid ku salaysan waxyaabaha uu aaminsanyahay, habdhaqanka qaldanina wuxuu ka dhashaa waxyaabo qaldan oo uu qofku aamino, waxyaabahaasina maaha kuwo wax lagaga badali karo cadaadis jidh ahaaneed iyo mid miskaxeed toona, markaa hadii albaabka toobad keenka loo furo loona naxariisto dadkaas, isla markaana laga dhaadhiciyo in cidii toobad keenta la saamixi doono, waxaa hubaal ah in ay qaar badan oo dadkaas ka mid ahi ay dariiqa toosan cagta saari doonaan una soo laaban doonaan. Ilaahay subxaanahuu wa tacaalaa wuxuu leeyahay (waxaad dhahdaa: adoomadayda naftooda ku xadgudbayoow ha ka quusanina naxariista ilaahay, waayo ilaahay dunuubta oo dhan wuu dhaafaa, waana qafuuru raxiim). Sidaa awgeed, adoomada ilaahay waa inay sidaa u dhaqmaan oo ay maankooda si wayn u kaashadaan. Sidoo kale, aayadani waxay amaanaysaa dadka dunuubta gaystay ee toobad keenay, waxaanay ku boorinaysaa inay ka waantoobaan marlabaad inay dunuubtay hore u galeen ku noqdaan.
Anigu waan ka hortagi doonaa iyaga!
Ilaahay wanaaga dadka soomaaliyeed ha usoo dedejiyo, si nabad dhab ah loo helo, dadka xad gudubka wadana dhamaantood looga adkaado.
Waxaanu joognaa adduun ay dagaalo ka socdaan, waxaananu u gurmanaa dhibaatooyinka aan anaga laftayadu abuurnay, waananu ku qasbanahay si kasta ha ahaatee. Qiilka ciidamada difaaca Kenya ay soomaaliya ku joogaan waa mid macquul ah, laakiin ugu dambaynta soomaaliya waxay ka xoroobi doontaa kooxda alshabaab iyo argagixisadooda, marka qaranka oo dhami uu badhi furo dadaalkooda ay wadaan oo dadku ay wax barasho usoo jeestaan, hubka iyo rasaastana iska dhigaan. Waxaan rajaynayaa in arrimuhu si wacan ku dhamaadaan dhakhsona usoo gabagaboobaan, si dadka noloshooda loo badbaadiyo. Diintu waa wax ay dadku afgobaadsi ka dhigtaan, loomana aanayn karo khilaafka halka kan ka jira, laakiin…
Wuxuu ilaahay rabaa inuu idinka badbaadiyo masiibo wayn, ee joojiya waxaas
Aniga ilama aha in dadkaasi ay yihiin soomaali, sababtoo ah dan kama laha mustaqbalka soomaaliya. dadkani waa gacan ku dhiiglayaal. Dadka reer Tanzania qaarkood waxay isku aragti yihiin kooxda alshabaab, arrinkaasina waa mid aad u khatar ah, mana aha kuwo diyaar u ah inay waxa soomaaliya ku dhacay ku cibro qaataan. Dadka reer Tanzania hadaanu nahay waxaa markasta dalkeena yimaada oo aan qaabilnaa dad soomaaliyeed oo kasoo qaxay dalkooda, laakiin anigu ma garanayo siday wax u arkaan muslimiinta reer Tanzania qaarkood, maxay tolow waxa soomaaliya ku dhacay ugu cibro qaadan waayeen?
Muslimiintu waa inay xusuusnaadaan inay tahay inay joojiyaan dilka ay dadka si aan loo meel dayin u dilayaan. Ilaahay waa ilaah wacan, isagaana dadka oo dhan ilaah u ah, laakiin idinku waxaad dadka u laynaysaan sidiiyoo aad ku jano tagaysaan. Haduu arrinku sidaa ahaan lahaa, ilaahay muslimiin mooyee dad kale muusan abuureen, laakiin arrinku sidaa maaha. Qofkii naftiisa qarxiyaa waa inuu ogaadaa in cida dadka nafta ka qaadi kartaa ay tahay ilaahay, oo aysan dadku arrinkaa ku kici karin. Hadaba anagu waanu ka daalay dilka dadka si aan loo meel dayin loo dilayo.
Anigu gabi ahaamba waan kasoo horjeedaa dadka raba inay dhahaan kooxda alshabaab daw ayay u leedahay inay disho cidii ay is maandhaafaan…
Maaha dadka soomaaliyeed cida kaliya ee tabaalaysan, laakiin waraabayaasha kooxda alshabaab ayaa iyaga laftoodu dhibaataysan, waxaanay xalaaleeyeen cunista hilibka waraabaha.
kooxdan waa in arlada laga tirtiraa
Hambalyo ciidamada difaaca Kenya, hadana waxaan dareemaynaa amaan, waxaanan leeyahay ciidamada noloshayada idinkaa ka masuula amaankeeda, waananu idin aamin sanahay idinkuna kalsoonahay. Markaa fadlan cadaadiska kusii haya argagixisada
wax badan bay icajab galisay
kooxda alshabaab waligood guulaysan maayaan.
Ayaamohoodu way tirsan yihiin.
Uur ka gaalayaasha meeli ugama banana jihaadka ama diinta islaamka. Hadii ay ku cadaato inay faasiqiin yihiin, waa in la laayaa. Waa in cida calool adayga leh oo kaliya dagaalka ay ku jiraan.
Arrinkani wuxuu soo afjaray wax kasta. Kooxda alshabaab iyagana waxaan leeyahay way idiin dhamaatay, ee aayar isa soo dhiiba si aad naftiina iyo ta walaalihiin u badbaadisaan, waayo wakhtigii wuu dhacay, dadka ilaahay ku xidhan ayuumbaana sii joogi doona.
Xukuumadu waa inay isha ku haysaa arrinkan, oo ay marka arrinku qadhaadhaadana ay soo faragalisaa, si loo ilaaliyo dadka naftooda iyo maalkooda iyo horumarka ay bulshadu ku talaabsatay. Hadii aan soo koobno, waxaynu u baahanahay in la mideeyo dadaalka qoysaska
Dadkaan dhiigya cabka ahi hada way yabaalsan yihiin, maxaa yeelay ciidamadeeni ayaa ku xeersan oo higilka saaray. Waxay hada bilaabeen in midkoodba ka kale dilo oo ay sidaa ku mashquulaan, intay ciidamada Kenya la dagaalami lahaayeen, sidii ay markii horeba Kenya u daan-daansadeen, iyagoo moodaya in ciidamada Kenya aysan dagaalami karayn. Hadaba wuxuu arrinkana gabi ahaamba kala tuuray qorshayaashoodii! Ilaahay ayaana ciqaabaya, kooxdan dhiigyacabka ahna waa la baabiin doonaa, waxaana arrinkaa inaga xiga dhawr usbuuc, si ay dadka Soomaaliyeed u helaan xoriyadooda.
Run ahaantii waxay dadkaasi wadaan ee ah dilka ay iyagu dhexdooda is laynayaan waa nimco usoo korodhay dadka soomaaliyeed, waayo dadka soomaaliyeed way dhibaataysan yihiin, oo kolba dagaalada ayay dalalka jaarka ah uga qaxayaan, halkaasoo ay si bilaa sharci ah qaxoonti nimo ugu joogaan, markaa waxaa la qaatay in kooxda alshabaab ay iyadu dhexdeeda midba midka kale dilo, si ay u fududaato in gacanta lagu soo dhigo markay tiradoodu yaraato, oo sharciga loola tiigsado.
Runtii ma jirto cid aan arkaynin ama maqlaynin dhibaatada ay walaaleheena soomaaliyeed ku jiraan, taasoo ka dhalatay argagixisada iyo dilka lagu hayo muwaadiniinta soomaaliyeed – hadaba iyadoo aynu hore u aragnay in dalka Tanzania uu dalal badan oo kaleeto uu badbaadiyay, waxaan Tanzania ka codsan lahaa inay isku daydo inay Soomaaliya ka badbaadiso dadyowgan lagu magacaabo alshabaab, waanan hubaa in Tanzania ay arrinkaa ka soo dhalaali karto.
Anigu uma malaynayo in kooxda alshabaab ay mudan tahay in la canaanto, laakiin cida ay tahay in la canaantaa waa dalalka reer galbeedka, kuwaasoo iyagu ncayb u haya diinta islaamka iyo muslimiinta. Dadka muslimka ah iyo kuwa kiristaanka ahiba qarniyo badan ayay wada noolaayeen, in kastoo ay arrimaha diinta ku kala duwanaayeen, waxaanay si wada jir ah uga hawl gali jireen arrimo badan, marna dagaal may miciin bidin. Dagaalka Soomaaliya ka socdaa wuxuu bilaabmay kadib markii ay dalalka reer galbeedku oo uu Maraykanku hormood ka yahay ay bilaabeen inay gacan siiyaan ciidamada falaagada ah ee la dagaalamayay ciidamadii maxaakiimta islaamka ee iyagu sharciyada ku fadhiyay. Hadaba waxa maanta socdaa waa wixii arrimahaas ka dhasahy, halkaasoo ay dad aan waxba galabsani dhimanayaan. Dalalk reer galbeedkuna doc ayay isugu baydheen, waxaanay sii wadaan ganacsiga iyo iibka hubka, taana waxaa u dheer tijaabinta ay hubka cusub ku tijaabiyaan dadka soomaaliyeed. Markaa ha la canaanto Maraykanka iyo xulafadiisa, arrinkanina dhab ahaantii waa mid uusan shaki ku jirin inuu jihaad yahay, ilaahyna wuu u gargaari doonaa dadka wada. Nabadana waa la soo celin doonaa, ixtiraam iyo is xaq dhawris ayaana iman doonta.
Waxaan ka dalbayaa walaaleheena ciidamada Kenya ee rag iyo dumarba leh inay naga caawiyaan sidii aan si kama dambays ah uga takhalusi lahay khatartan, waxaanan leeyahay halkaa kasii wada hawsha wacan ee aad haysaan, waayo natiijooyin wacan ayaa kasoo baxay, anaguna 100% waanu idin taageersanahay mahad naqna waanu idiin haynaa, ilaahayna waanu idiin baryaynaa. Markaa baabi'iya kooxahaan oo arlada ka tirtira.
Ilaahay ha barakeeyo.
Waanu ku guulaysan doonaa dagaalkan insha allah. Ilaahayna wuu inala jiraa.
Ha la baadho kooxda alshabaab dilka ay xubnohooda dilayaan wuxuu ifafaale u yahay dhibaatooyin waawayn - Sabahionline.com
Anigu si wayn ayaan u aaminsanahay in dawlada federaalka ku meel gaadhka ahi ay dagaalka ku guulaysan doonto, waayo ilaahay ayaa iyaga markasta la jira, shayaadiinta kooxda alshabaab iyaguna cadaabta ay mutaysan doonaan.
Hadii ay jirto diin banaynaysa in dadka la laayo, diintaasi waa diin shaydaan. waxa jira dad intaa ku andacooda inay yihiin muslimiin, hadana waxay dadka kale u laayaan si bilaa naxariis ah, waxaanay ku kacaan falal qaraxyo ah, dadkana way gawracaan, fagaarayaashana way ku dhagaxeeyaan. Hadaba dadkaas is qarxinayaa waxay sidoo kale qaraxyadaas ku galaaftaan nolosha dad aan waxba galabsan, waxaana aynu arrimahaas ku aragnay dalalka Kenya iyo Nigeria iyo Uganda iwm. Hadaba waxaan codsanayaa in la ii sheego in nabi maxamed uu dadka faray inay si aan loo meel dayin wax u laayaan, waxaanan rabaa inaan ogaado farqiga u dhexeeya argagixisada iyo islaamka? Ilaahay ma ilaah wax laayaa mise waa mid wax nooleeya?
Waxaa mahad iska leh ciidamada difaaca Kenya , waayo waxay qabteen shaqo wacan.
Kooxda alshabaab waligood guulaysan maayaan, waxaanan hambalyo u dirayaa xukuumada Kenya, sababtoo ah waxay go’aan ku qaadatay inay taageerto soomaaliya, si meesha looga saaro kooxda alshabaab, isla markaana loo badbaadsho nolosha dadka soomaaliyeed. Anigu waxaan rumaysnahay in arrinkani yahay dhibaato soo food saartay dalalka afrikaanka ah, waxaana ku waajib ah inay jawaab celin isku mid ah yeeshaan, oo ay midoobaan, dagaalkana si kasta oo ay ku joojin karaan ay ku joojiyaan. Waxaan tacsi u dirayaa dadka soomaaliyeed ee walaalohood ku waayay dagaalada.
Goormaad joojin doontaan dilka aad dhexdiina is dilaysaan? Bal dib u eega halkaad ka timaadeen iyo meeshaad u socotaan…xabada joojiya!!!!!!!!!!!!!!!!!
Waa ilaahay mahadii mar hadii markan aysan ahayn Muhamed Kamau ama Muhamed Njoroge ama Muhamed Mutizo ama Muhamed otieno. Waxaan dhalinyaradeena leeyahay fadlan soo guryo noqda, kuna noqda tuulooyinkiinii, ilaahayna u toobad keena, hadii kale kooxda alshabaab ee waalani waxay sii wadi doontaa waalideeda, mid midna way idiin dili doontaa oo basaasiin ayay idinku sheegi doontaa. Inkastoo aad hooyooyinkayo iyo walaalahayo aad gantaalo ku garaacdeen, laakiin anagu waanu idin saamaxnay.
Maxay kooxda alshabaab isu burburin waayeen ama ay nafta isaga qaadi waayeen mar hadi ay guuldaraysteen, waxaanan rajaynayaa inay guul daraystaan.
Alshabab wanatoa wapi silaha? Mimi naamini kuna mataifa makubwa yapo nyuma ya Alshabab na Koo za kisomali.Mataifa haya yanafaidika kwa kuuza silaha.Islamic teachings inaeleza bayana kuwa,Atakayeua mtu basi naye auawe.Sijui Alshabab wanatafsiri vipi mafundisho haya.
Xageebay kooxda alshabaab hubka ka helaan? Waxaan aaminsanahay in ay jiraan dalal waawayn oo iyagu taageera kooxda alshabaab iyo qabaa’ilka soomaaliyeed, dalalkaasina waxay ka faa’idaan hubka ay iibiyaan. Waxay diinta islaamku si cad u dhigaysaa in cidii cid kaleeto disha ay tahay in la dilo. Anigu ma ogi siday kooxda alshabaab arrinkaas u fasiratay.
Aniga siday ila tahay, dadkani ma wanaagsana, waayo waxay intaa laayaan dad aan waxba galabsan
Diinta iyo waxyaabaha ay dadku aaminaan waa arrimo murugsan. Diintu waa wax marna qofku uu si gaar ah ugu dhaqmo, marna uu dadka kale kala qayb galo, waana inaynu taa ogaanaa, hadii kale waxaynu ku dhici karnaa in qofku naftiisa oo kaliya ka fekero, amaba uu afkaar khatar ah oo habawsan uu ku dhaqmo, isla markaana uu si qaldan wax u fahmo oo uu u maleeyo inuu sidaa ku jana tagi doono. Markaa waa in dadku ay diinta si sax ah u fahmaan, waana inaynu caabudnaa ilaaha uumay samooyinka iyo arlada, iyo waliba waxa nool iyo waxaan noolaynba. Bini’aadamku waa inay ogaadaan xaqiiqada ah in maalinta qiyaamaha aynu qof qof ilaahay u hor iman doono, oo aynaan qof bina aadam ah is arki doonin, sidaana waxa aaminsan dhamaan diimaha dunida ka jira. Sidaa awgeed, waxaa dhamaanteen masuuliyadi inaga saaran tahay inaynu hubino in aynu diin dhab ah haysano, taasoo ku salaysan fahamkeena aynu diintaas fahano, oo aynaan ku koobnaanin waxa dadka kaleeto ay inoo sheegaan, waana inaynu fahana diintu maxay tahay, maxayse tahay in qofku noqdo qof ehelu diin ah.
Aniga way iga dhaadhici laada’ay in waxa loo dagaalamayo danta dadka soomaaliyeed ay ku jirto, iyo in ay dadka danaystayaasha ah iyaga dani ugu jirto, kuwaasoo aan wax naxariis ah u haynin dadka soomaaliyeed ee masaakiinta ah!!! hadaba dadkaasi waa inay ilaahay ka cabsadaan, waayo dadka soomaaliyeed waxay dhibaato wayn ku qabaan xaalada soomaaliya hadda ka jirta, soomaaliduna waa dad aan waxba galabsan, waxbana kalama socdaan xukuumada iyo dagaalada!! BAL HOOS U EEGA CARUURTAN MACALUUSHA U DHIMANAYA!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!
Waxaa gaba gabo ku dhaw wakhtigii dawladda ku meel gaadhka ah ee soomaaliya, hogaamiyayaasha duniduna waxay xukuumada soomaaliya ku amreen inay doorashooyinku bilaabmaan 20 ka bishan Agoosto sanadka 2012. Haseyeeshee, waynu u wada joogi doonaa waxa magaalada muqdisho ka dhici doona ayaamaha soo socda. kooxda alshabaab iyagan waxaa burburiyay ciidamada amisom, waxaana alshabaab u hadhay magaalo kaliya oo iyaga saldhig u ah, Kenya oo aan daris nahayna waxay shaacisay in ay usbuuc gudihii magaalada kismaayo ku tagi doonto, markaa waxaan odhan lahaa dalkayga khayr baan u rajaynayaa.
Anigu ma qabo inay wax xigmad ahi ku jirto in dadka sidaas loo laayaa. Anigu waxaan naftayda waydiiyaa maxay muslimiintu u jecel yihiin inay dadka aan waxba galabsan u dilaan. Maxayse aaminsan yihiin. nabi maxamed isaga miyaa faray inay dadka laayaan. Maxay diinta ogol in dadka la laayo. Fadlan waan ka daalnay dilka lagu hayo dadkeena, diintii islaamkana waad ku ciyaarteen.
waa yaab ilaahay ha soo hadeeyo dhalinyarada maskaxda laga xaday ee loo qurxiyay baadilka lagu magacaabay jihaad walaalayaal jihaadku wuxuu leeyahay dawaabid shuruudo ilaahay ka cabsada oo toobad keena waa furantahay toobaduye oo jihaad hadaad doonaysaaan suga ilaahay baa keeni wax uu sax yahaye oo iska daaya dadkiina aad laynaysaan bal ilaahaybaan idinku dhaariye kuwa taqriirinaya baadilkaa oo dhalinyarada is qarxiya leh ama dagaalama sida ninka la yidhaa xasaan xuseen mar na lama hayo isagoo galay wuxuu jihaad ku sheegayo kuwa kalena waa la mid mid akaabiirtooda ka midoo isqarxinaya ma leh maxaad isu qarxin wayday hadii jano lagu helaayo dhaliuntuunbaa la mijo habaabinayaa itaqilaaah walaalayaal
hadalkan wax kama jiran weyan ninka soo qoray & dadka tageray waxba isma dhaman
Kooxda alshabaab xukun rabaani ah ayaa ku dhacay maalintii ay dileen qofkii ugu horeeyay ee aan waxba galabsan, ha ahaado qofkaasi muslim ama kiristaan ama gaal ama wax kalabee. Cida rasaasta ugu dambaysa ridi doontaana waa iyaga, sababtoo ah rasaastaas iyagaa dhexdooda isku ridi doona, marka lasoo qabto qofka ugu dambeeya, kaasoo sheegi doona meeshay ka yimadeen. Soomaaliya xor iyo barwaaqo ayay noqon doontaa.
Hambalyo ciidamada difaaca kenya , waanan ognahay in kooxda alshabaab ay tahay fulayaal calooshood u shaqaystayaal ah, waxaanan ku faraxsanahay in ay kooxda alshabaab ay hadda sii burburayso…waxaanan rajaynaynaa in nabad buuxda la helo.
Goormay dadka Soomaaliyeed ku raaxaysan doonaan hal daqiiqo oo xasilooni ah? bada ha kasoo cabaan islaamiyiinta habawsan ee baqaha ay Maraykanka ka qabaan uu dishooday. Waxa kaliya ee ay dunidan u joogaan ma inay dagaal kula jiraan baa cidda ay cadawgooda u haystaan, cadawgaasoo mar kasta oo ay is haleelaanba ka adkaada.
Haddaynu reer Kenya nahay waynu ognahay waxaanu wadno ee aynu ku rabno inaynu kooxda alshabaab dalkooda kaga saarno. Waxa hore loo yidhi haddii diblumaasiyad wax lagu xalin kari waayo, awoodi banaan. Ciidamada difaaca Kenya sidaa kusii wada ............ ilaa inta muuqooda la waayayo.................................................................................................................................
Kooxda alshabaab waa in arlada laga tirtiraa
Mushkiladu waxay ka taagan tahay maraykanka, waayo waxay soo kala dhex galeen Kenya iyo soomaaliya, inkastoo uu arrinku ahaa mid maraykanka gudihiisa laga soo maleegay, oo la mid ah weeraradii lala beegsaday dhismayaashi ganacsiga aduunka, halkaasoo ay yuhuuda iyo maraykanku iyagu ka dambeeyeen qaraxyadaas, arrinkaasina wuxuu dunidoo dhan fahansiiyay in weeraradu ay ahaayeen kuwo argagixiso. Hadaba dadkani waligood waxay kolba la iman doonaan xeelad cusub oo ay dadka ku khiyaameeyaan, laakiin maalin uun baa laga xisaabin doonaa waxay wadaan.
Ilaaah waa midka abuuray dadka, isagaana nafta ka qaadi doona
Hambalyo ciidamada difaaca Kenya, mar kastana waanu idiin ducaynaynaa, waxaanan idin leenahay dagaalka sii wada ilaa inta aad burburinaysaan kooxda alshabaab.
Waxaa jira canaasir badan oo ka mid ah kooxda alshabaab kuwaasoo iyagu kooxda kasoo goostay oo kusoo biiray ciidamada xukuumada, arrinkaasina waa calaamadaha ugu muhiimsan ee ina tusinaya in kooxda alshabaab ay ka dhex jirto fawdo iyo kala jab. Kal jabka kooxda alshabaab wuxuu si wayn u kordhay kadib markii ay ciidamada afrikaanka ahi ku guulaysteen inay qabsadaan badiba magaalooyinka istaraatiijiga ah ee muhiimka ah, kuwaasoo ay kooxdu hore gacanta ugu haysay, ahna qaar ku yaala agagaarka caasimada muqdisho. Hadaba waxaa la odhan karaa kooxda alshabaab dhamaadkeedii iyo burburkeedii wuu soo muuqdaa, taana waxaa cadayn u ah khasaaraha badan ee mudooyinkan dambe kooxda soo gaadhay.
Aniga fikir ahaantee waxaan aaminsanahay in wadankaan taladiisa loo dhiibo cida shacabka wax u taraysa , hadey noqon laheyd shabaab iyo hadey noqon laheyd dowlada kmg da , lkn waxa anaga noo roon waa codii nagu dhaqesa shareecada islaamka hadan nahay shacab Muslimiin ah ,
Waa maxay jihaadka ay sheegayaan? Hadii ay rag raga yihiin dibada ha usoo bexeen.
Waad riyoonaysaa, waayo kooxda alshabaab waligiin jabin maysaan, waanad dhiman doontaan. Kooxda alshabaab waa ciidankii eebe, eebe idankiisna way idin burburindoonaan. Anigu waxaan joogaa degmada kerugoya ee Kenya
Hambalyo ciidamada difaaca Kenya iyo Maraykanka iyo dhamaan quwadaha la dagaalamaya nacasyaashan doofaarada ah. INGRITS..NKT..!
Kooxda alshabaab, taageerayaashooda, Kenya iyo cida meesha joogta oo dhamiba waa nacasyaal. Haddii aan ahaan lahaa madaxwaynaha dalkan, gabigoodaba waan dabargoyn lahaa, sababtoo ah dadkani waa isku mid, waana cida ka dambaysa weerarada iyo qaraxyada dalka ka dhacaya, gaar ahaan kuwa lala beegsaday kaniisadaha. Maxay walaalohooda muslimiinta ah masaajidada ugu beegsan waayeen iyagan?
Marka hore waxaa loo baahanyahay in la ogaado xageebay kooxda alshabaab ka heshaa hubkan culus, yaana dan ku qaba inay hubkaas helaan? Anigu ma qabo in dadkoo magaca diinta lagu dilaa ya tahay wax lagu jana tagi karo ama maalinta qiyaamaha ciqaabta lagaga baxsan karo. Kooxda alshabaab waa khatary aad u wayn, mana jirto cid dunida joogta oo kooxdan rabta!!
Cidina xaq uma laha inay dadka aan waxba galabsan layso, iyadoo ku andacoonaysa in wakhtiyo hore cadaalad daro lagula kacay dadka qaar ka mid ah, oo ay wadaadadu ku jiraan. Kenya haatan soomaaliya gudaha ayay u gashay, mana soo laaban doonto ilaa inta arrinku saxmayo. Haseyeeshee, waa in dalalka soomaaliya usoo gurmaday ay daacadnimo ku dhaqmaan oo aysan danohooda gaar ahaaneed ka shaqaynin. Waxaanan leeyahay kooxda alshabaab iyo muwaadiniinta wanaagsani labaduba xaq ayay u leeyihiin inay noolaadaan!
Anigu ma fahansani sababta ay kooxahani xubnohooda si cadaan ah ugu laynayaan? Hadii ciidanku xukun ku rido, miyaysan midkoodba midka kale xeryaha isku gawraceen, intay aad usoo shaac bixi lahaayeen? Arrinkani waa wax xitaa dadka Soomaaliyeed ee caadiga ah cabsi galinaya.
Dadkani waa fulayaal diinta kusoo gabanaya si ay dhiiga dadka u daadshaan.
Kooxda alshabaab iyo waxyaabaha maalayacniga ah ee ay aaminsanyihiin waxaa lagaga gacan sareeyaa xaga tiknoolajiyada. Markaa waxaa qasab ku ah inay la jaanqaadaan horumarka tiknoolajiyada. Dhalinyaradaas damacu qaaday waa in si wacan loo edbiyaa, si aysan lacagtu u madax marin, ee ay u yeeshaan dabeecadaha bini’aadamka, waana inaysan hogaamiyayaashooda si indha la’aan ah u raacin, oo aysan dhiiga bini’aadamka macne darro u daadinin.
Nimankaasi way u dhamaatay!!!
Saboolnimada iyo macaluusha ay soomaaliya la ildaran tahay waxaa sababay kooxaha argagixisada ah, kuwaasoo iyagu dhacay wax kasta oo dalka dhexyaalay, oo ay ku jiraan caawimooyinkii iyo taakulayntii soomaaliya loo soo diray. Kooxahaani sababta ay u dhacayaan caawimooyinku waa inay sii kordhiyaan dhibta haysata muwaadiniinta aan waxba galabsan, kuwaasoo dhib badan ku qaba joogitaanka kooxahaas. Markaa waxaa lagama maarmaan ah in la joojiyo kooxahaas, lana soo ajaro dambiyada ay kula kacayaan muwaadiniinta. Waxa is waydiin leh, imisa jeer ayay kooxahaani dagaalameen dhexdooda, oo dagaaladaas ay ku dhinteen dad badani? Waxaa hadaba loo baahanyahay in ciidamada amaanku ay dhakhso uga hortagaan kooxahaas, sababtoo ah weerarada ay kula kacaan ciidamada askar badan ayaa ku dhimata. Kooxahani waxay soomaaliya ka bixiyeen sawir fool xun, waxaanay soomaaliya ka jareen dunida inteedii kale. Laakiin qorshaha ay kooxahaasi wadeen wuu fashilmay, sababtoo ah ciidamada amaanka ayaa ku guulaystay inay ka hortagaa, iyagoo kaashanaya ciidamada amaanka ee dalalka kale.
Waa wax wacan
Alshabaab waligeed guulaysan mayso, waayo waxay wadaan waa waali ay sabab u tahay fahanka qaldan ee islaamka, waxaana maskaxda ka xaday carabta!! Doqoniimo badanaa!!
kooxda alshabaab ayaamohoodu waa fara ku tiris, ilaaha dunida oo dhan ugu awooda badan ayaa mid mid u baabiin doona.
Waxaan ilaahya ka baryayaa inuu nacdalo oo ay doorsoomaan waligoodna kasoo raynin. Macquul maaha inay sii wadaan laynta khalqiga eebe, waana in falalkoodaas la joojiyaa bilaa calaykum. Hadiise ay yihiin shayaadiin oo ay ku mameen dhiiga dadka, markaa waa inay xoolaha laayaan hadiiba ay tahay in ay xayawaanka laayaan.
Hadday aaminsan yihiin in la dagaalamo, maxay u laynayaan basaasiinta. Waxay u egtahay in ciidamada sir doonkoodu ay itaal daran yihiin, markaa sida kaliya ee wax lagu hagaajin karaa waa iyadoo la laayo. Waxaan ilaahay ka baryayaa inuu xaalada badbaadiyo. Amiin
Haday aaminsan yihiin in la dagaalamo, maxay u laynayaan basaasiinta. Waxay u eegtahay in ciidamada sir doonkoodu ay itaal daran yihiin, markaa sida kaliya ee wax lagu hagaajin karaa waa iyadoo la laayo. Waxaan ilaahya ka baryayaa inuu xaalada badbaadiyo. Amiin Aamiin
Wax kastaa aakhirka wuu dhamaan. Mar hadii xitaa usaama binu laadin la jabiyay, iyagana waa la jabin doonaa, maraykanka iyo dalalka caalamka ee kalena wa inay arrinka dhankooda caawimo kaga daraan, waana inay hirgaliyaan nidaam adag oo mawjadaha isgaadhsiinta ee dhaadheer adeegsanaya, kaasoo aysan qalabka alshabaab tashuush ku ridi karin. Sidoo kale, waa in xukuumada suudaan ay iyaduna caawisaa ilaa inta laga gun gaadhayo.
Waxaan qabaa in ilaahay uu rabo inuu Soomaaliya ka xoreeyo gacan ku haynta dadka u adeega shaydaanka ee dhaca iyo boobka dalka kula kacay, laayayna dadka Soomaaliyeed een waxba galabsan. Markaa waa in dunida oo dhami Soomaaliya badbaadisaa.
Yaaca alshabaab…yaaca!
Alshabaab ha noolaato. Anigu waan jecelahay alshabaab inkastoo aad ku sheegaysaan in ay tahay hormoodka argaggixisada ee dunida, waayo waxay argaggixiso ku ridaan argaggixisada gaalada kuwa ugu tunka wayn, sida Maraykanka, Ingiriiska, Itoobiya iyo waliba Kenya.
Waxaasi waa nacdal ay kooxda alshabaab mutaysatay, waayo xukunkeediina wuu sii dhamaanayaa, markaa iyagaa midkoodba midka kale burburin doonaa, waayo qofka dambi ku kacaa isagaa nacdal isu soo jiida. Sidoo kale, dhalinyarada dagaalkan ku jiraa waa qaar aad u tiro yar, iskamana xajin karaan dagaal aan waligii joogsanayn, markaa taasaa ku kalifaysa inay soo sheegaan horjoogayaashooda.
Anigu waxaan shaqsiyan aaminsanahay inaysan wanaagsanayn inay dadku is laayaan, laakiin dadku way kala duwan yihiin. Wuxuu arrinkani la mid yahay iyadoo qofku ku doodu in ay waajib tahay in qof cudurka aydhiska qaba la dilo, si uusan dadka kale cudurka u qaadsiinin. Laakiin ilaahay xukunkiisu waa mid aan laga daba hadli karin. Xalku sidaa kuma jiro.
Muwaadiniinta Soomaaliyeed dhibaato wayn ayaa kasoo gaadhay argaggixisada, kooxahaasi ujeedadoodu waa inay xasiloonida soomaaliya wax u dhimaan, oo ay mustaqbalka dadka Soomaaliyeed ku ciyaaraan. Waxa jira kooxo badan oo argagixiso ah oo ku kacay falal dambiyeed aad u fool xun, iyagoo u dan leh inay qabsadaan meelo badan oo Soomaaliya ka mida, siiba iyadoo aynu ognahay in soomaaliya aysan lahayn amaan cago adag ku taagan, taasina waxay fududaysay inay kooxaha argagixisada ahi ku faafaan soomaaliya, dalkiina wuxuu isu badalay goob dagaal, oo ay ku dagaalamaan muwaadiniin aan awood lahayn iyo kooxo argagixiso ah oo soomaaliya fawdo badan ka riday, soomaaliya waa dal qurux badan, oo la ildaran saboolnimo, dhaqaaleheeduna uu aad u baaba’ay. Soomaaliya saboolnimada iyo macaluusha ragaadiyay waxaa u horseeday kooxaha argagixisada ah oo iyagu dhacay caawimooyinkii soomaaliya loogu deeqay, ka hor intii aysan xukuumada soo gaadhin. Arrinkaasi wuxuu xaalada Soomaaliya ka dhigay mid kasii darta.
Dadka meesha wax kusoo qora intooda badani waxba kama oga taariikhda waxay wa ka qorayaan. Soomaaliya nabad ayay ku jirtay markii ay xukunka islaamiga ah ku hoos jirtay, dadka soomaaliyeedna walaaltinimo ayay kuwada noolaayeen. Laakiin maraykanka, oo isagu cadaw wayn u ah islaamka, ayaa arrinkii kala tuuray, danaha maraykanka ayaana ah waxa maanta soomaaliya dhibaatada ku haya. Maraykanku waxay talada ka tureen xukuumadii islaamiga ahayd ee sharciga ku dhisnayd, waxaanay ku badaleen qaar maqaar saar ah, kuwaasoo awoodi waayay inay dalka hogaamiyaan, ilaa hadana wax nabad ah oo soo naasa cadi ma jirto. Insha’Allah! Ilaahay ayaa wayn, soomaaliyana maalin ayuumbay nabad noqon doontaa, ilaahay awoodiisaana nabada soo celin doonta, iyadoo Maraykanka iyo maqaar saarka toona aan loo baananin.
Haddii ay fulayaashani eebe rumaysan yihiin, maxay dad aan waxba galabsan kaniisada ugu dhex dileen. Tusaale ahaan, waxay bambaano ku tureen kaniisad Kenya ku taala, halkaana waxay ku laayeen dad cibaadaysanayay, qaar kalena way dhaawaceen. Markaa haddii ay cabasho ka tirsanayaan habka ay dawladda Kenya u maaraynayso hawlgalka ay ka wado Soomaaliya, ee loogu magac daray hawlgalka LINDA INCHI, waa inay tabashadooda si kale usoo bandhigaan, oo aysan diinta abaarin, waayo dadku Muslim iyo kiristaamba sanado badan ayay wada noolaayeen, sidaasayna sii ahaan doonaan jiilal badan oo soo socda. Kenya ma aha dal sida Soomaliya fashilmay, markaa waa in ciidamada difaaca Kenya ay alshabaab safeeyaan oo ay godadkooda kasoo saaraan. Markaa waxaan leeyahay idinku sidaad rabtaan isu laaya, laakiin dadka reer Kenya kala taga jihaadkiina maalayacniga ah.
WAA ARIN FIICAN MAQALKEYDA
Waxaan ka mahad celinaynaa arrinkaas…..
Waa wax macna darro ah in qofku uu raaco diin aan muuqaal lahayn. Qofka kasta oo daadiya dhiiga qof kale oo bini’aadam ahi waa inuu ogaadaa inuu shaydaan u adeegayo oo uusan alle adoon u ahayn. Dadka aaminsan in eebe ku abaal marin doono dadka kale dilkoodu waa qaar aan hadalkoodu macno lahayn, diintay doonaan ha haystaanee. Dhiigga dadka ee ay daadinayaan waa mid ay ooyi doonaan, waxaana uu horseedi doonaa inay iyagu dhexdooda is gumaadaan, jiil ka jiil. Sidoo kale, waa in dadka deegaanku aysan dhag u jalaq siinin, si aysan markhaati ugu noqonin dadka ay laynayaan
Halganku wuu socdaa
waligay libaax aan arkayo ma xaman
waa daalimiin al shabaab
Cidii soodh wax ku disha waa in iyadana isla soodh kaas lagu dilo, waxaasina waa waxa imika argaggixisada haysta, oo ilaahay ayaa hadda ciqaabaya.
al shabaab waa niman mujahidiin ah lana dagaalamaya cadwa ilaahay iyo cadawga diinta silaamka waanad arki doontaan insha,allaah iyagoo soomaliya oo dhan qabsaday
Alshabaab waxay ciidamaysa dad si ay u qabsato magaalada kismaayo, laakiin maxaa dhacay? Hada maqaalkani wuxuu inoo sheegayaa in xukuumadda TFG-du ay tahay cida qabsan doota magaalada kismaayo. Fadlan nidaamka ciidamada Kenya hala raaco.
Shar kastaa wuu dhamaadaa, waxaanan aaminsanahay in ilaahay amarkiisu uu socdo
Waxay u dhiman doonaan si xanuun kulul
Aniga waxay ila tahay arrinkaasi wuxuu noqon doonaa mid wax lamida uusan jirin.
Alshabaab shaydaanka ayay wakiil u yihiin
Alshabaab waxaan ka codsanayaa inay dalkooda daganaansho ku joogaan, sababtoo ah cidina Soomaaliya iman mayso oo nabad keeni mayso, waana idinka cida ay tahay inay ka shaqayso in Soomaaliya nabadi ka dhalato, waxaanan u sheegayaa inaan Maraykanka, Ingiriiska iyo waxay cagaha ku qaataan toona aysan Soomaaliya la rabin waxaan fawdo ahayn, ujeedadooda ugu waynina waa inay Afrika nabad la’aan ku jirto gabigeeduba. Markaa waxaan ku talinayaa in hadaynu reer Afrika nahay aan midawno si aynu inagu xal u raadsano.
Waxay dadka Soomaaliyeed ilaa maanta u dhimanayaan waa dhiigii wadaadada ee sida adhiga loo gawracay wakhtiyo hore. Markaa xalka mashaakilka Soomaaliya wuxuu ku jiraa in la abuuro xukuumad islaami ah sidii barigii hore jirtay, haddii aan sidaa la yeelina dagaaladu ilaa maalinta qiyaamaha ayay socon doonaan.
Ilaahay muu xalaalayn inay dadku walaalohooda bini’aadamka ah ay dilaan, waayo isagoo kaliya ayaa sidaa yeeli kara marka uu doono inuu cid ciqaabo, cidaasoo dambi gashay. Makraa halkeebay alshabaab ka keeneen awoodda siinaysa inay laayaan dad aan qalad ama dambi galin, iyagoo ku andacoonaya inay xaq ku shaqaynayaan? Alshabaab dambigoodu iyaga ayuu kusoo laaban doonaa, iyagaana dhexdooda is burburin doona, waayo waa dhiigya cab, ilaahayna ma rabo in adoomihiisa ay dad bini’aadam ahi dil iyo dhibaato ku xukumaan, waa sidaas nacdasha ilaahay ayaa lagu mutaystaa.
Cidda xumaanta wadaa ciqaabta ka baxsan mayso! Ilaahay ayaanay sharafi u sugnaatay!
Arrinku waa inuu sidaa ahaadaa, alshabaabna waa inay ogaadaan in wakhtigii ka dhacay oo ay tahay inay meesha ka huleelaan.
Aad baan uga xumahay, qaar ka mid ah walaalihiin waxa ay ku dhibaataysan yihiin dalka Mozambique, halkaasoo ay sida xoolaha ugu nool yihiin dalkaas, waayo dagaalka ayay kasoo qaxeen. Markaa joojiya dagaalka si ay walaalihiin dalkooda ugu noqdaan.
Ciddii dariiqa toosan raacdaa way guulaysan doontaa. Ilaahay adoomihiisa isagaa ilaaliya, isagaana tusa dariiqa toosan, cid awood leh oo arrinkaa hor joogsan kartaana ma jirto.
Alshabaab wali way awood badan yihiin waanay guulaysan doonaan, waayo waxaan aaminsannahay in qofka looga adkaan karo dagaalka, laakiin haddana dagaaladu way sii socon karaan. Markaa kuwa Maraykanka iyo Ingiriiska ka daba dhacay waa inay ogaadaan in ay ka hor iman doonaan mashaakil badani goor dhow.
Injiilka qaybta Matthew 10:28 waxa ku dhigan: ha ka baqanina kuwa dadka jidhkooda dila laakiin aan dili karin ruuxdooda. Balse waxaad ka baqataan ilaaha jidhka iyo ruuxdaba ku dhex baabiin kara naarta jahanama. Injiilka qaybta Hebrews 10:31 waxa ku dhigan: waa arrin argaggax leh in qofka ay ku dhacdo ciqaabta ilaahay
Alshabaab waxay ka dhalatay jahliga ay ku sugan yihiin dadka muslimka ah intooda badani, intooda badanina waxay kasoo jeedaan Somaliland.
Ceebi ha raacdo dadka alshabaab la jira iyo kuwa maal galiya labadaba, waayo waxay u malaynayaan inay ilaahay ugu dhawaanayaan falalka shaydaanimada ah ee ay wadaan, ilaaha ay aaminsan yihiin waa mid aad u jilicsan oo u baahan in bini’aadamku ay ilaaliyaan.
Waa wax lagu farxo habka aad wararkan oo kale noogu soo tabisaan, markaa sidaa noogu wada oo noo soo tabiya warar kale oo falanqayn qotodheer ay la socoto.
al shabaab awalba waa la ogaa soomaaliya wax ba uma darayn dadka ku jirayna waxay ahaa yeen dad ka dibadaha ka yimaada oo uu ku qafilan yahay jahaad iyaguna hada waa barteen aan ka ahayn wax yar oo hadhay iyagunu waa fahmayaan
Waa si wacan mar haddii uu dhurwaagii bilaabay inuu hilibka jidhkiisa cuno. Balan qaadkii la bixiyay ee lacagta badan loogu balanqaaday ciddii disha ama soo qabata xubnaha alshabaab wuxuu dhaliyay natiijo la yaab leh, sababtoo ah xubnaha alshabaab intooda badani waa lacag doon ee maaha dad caqiido u dagaalamaya. Markaa kolka alshabaab si kama dambays ah looga takhaluso, waxay dadku (gaar ahaan Soomaalidu) dareemi doonaan inay aad u nafiseen.
Alshabaab Tabartoodii aad bey u wiiqan tay waana qorax sii dhacaysa lkn ogaada markay hawshodu dhamaato somalida inta isku mawqifka ah hada ayaa marki xalka alshabaab dhamaado is dagaalaysa waayo hada qodobka keliya ee ay mheshiiska ku yihin waa ladagaalanka Alashabaab taas ogaada maskaxdana ku haya
wey iska cadahay inesan dadkan ay daacad ka aheen diinta ay sheeganaya oo ay ku qaraabanayan runtii fikradooda qadan ee dadka u sheegayaan ad ban ugu xumahay shacabka somaliyeed waxan ugu baaqayaa iney iska dhaciyaan dadkan umuda mar walbaa siada micna darada u laanaya
Ilaahay khalqigiisa wuu jecelyahay, markaa waa in dadkani ay ciqaab mutaan laba jeer, sababtoo ah khalad ayay ilaahay ka galeen. Imika waa iyaga markoodii oo waa inay dhibta dareemaan, waayo sidaasay iyaguba wax u burburinayeen oo ay u laynayeen dad aan waxba galabsan.
Habalyo qoraaga maqaalkan qoray, waxuu naga jaahil saaray arrimo muhiim ah
Haddii aan rabno inaan Soomaaliya badbaadino, waa inaan taariikhda dib ugu yara noqonaa, siyaad barre wuxuu sameeyay khaladaad ilaa maanta Soomaaliya dhib ku haya, laakiin waa arrin boqolkiiba boqol suurta gal ah. Waxaynu ognahay in Soomaalidu ay yihiin dad Muslin ah, dadka Muslimka ahina maaha dad madax adag, markaa waxaa la qaatay in Soomaaliya taladeeda Soomaalida loo daayo siday markii horeba ay ahayd, haddii shareecada Islaamka lagu hogaamiyana sidaasaa xalku ku jiraa.
Wax kastoo bilaabmaa wuu dhamaadaa. Ilaahayna wuxuu la jiraa dadka Soomaaliyeed ee cadaaladda jecel.
haye
Waxaan rajo ka qabaa dawladda federaalka ku meel gaadhka ah.
Waxaan dumarka, caruurta iyo ragga Soomaaliyeed ugu ducaynayaa inay maalin uun sida dunida inteeda kale ugu noolaadaan nabadgalyo. Alshabaab waa inay hadda dalka ka baxda, waxaanan mahad naq usoo jeedinayaa ciidamada difaaca Kenya iyo geesiyada ciidamada dawladda TFG-da iyo kuwa Amisom
Waxaan aaminsanahay haday dawlada kumeel gaadhka ahi saxantahayna iyada ayaa guulaysanaysa oo waxay helaysaa kalsoonida shacabka
Soomaalida waxaa u wacan inay dhamaantood midoobaan oo ay dalkooda u dagaalamaan, waayo iyaga ayuumbaa ah cida dhibtu ku dhacayso, gaar ahaan dumarka iyo caruurta. Markaa anigu waxaan kula talinayaa dadka Soomaaliyeed inaysan dalka ka cararin ee ay joogaan oo ay dagaalamaan
Dhibaatada ka dhex jirta kooxaha argaggixisada ahi waa kalsooni darrada ka dhex jirta, sababtoo ah waxay wadaan waa waxyaabo dambi ah, markaa ugu dambaynta iyaga ayuumbaa midkoodba midka kale waxyeeleeyaa, sidaasaanay ku kala jabaan oo ay kooxahaas sharwalayaasha ahi kusoo gabagaboobaan, aniguna waan jecelahay arrinkaas.
Waxaan ku faraxsanahay inuu arrinkani yahay bilawga wadada ay dunido nabadgalyo ku heli doonto, waxaanan taageersanahay dadaal kasta oo loogu jiro sidii loo baabi'in lahaa jiritaanka kooxdan argaggixisada ah, taasoo cabsi iyo fawdo usoo jiiday dadka dunida ku nool oo dhan.
Waa laga adkaan doonaa ugu dambaynta
Waa mid wacan
Waxaa hadda dhamaanteen inoo cad in dadkan caqiidadoodu diciifka tahay ay guntii iyo gunaanadkii gaadheen taasoo ay caddaynayso dilka dhexdooda ka jira. Hadaba dunidoo dhami waa inay arrinkaa ku faraxdaa, laakiin haddana waa in loo duceeyaa si aysan khaatumo xumo ugu dambaynin ee ay toobad keenaan.
Waxaan mahad naq usoo jeedinayanaa caalamka oo dhan aqbalida ay aqbaleen inay farag alin ku sameeyaan Soomaaliya, waxaanan si gaara u xusayaa dalka Maraykanka, waayo iyagu mar walba oo loo baahdo diyaar ayay ahaayeen. Ilaahay ha barakeeyo Maraykanka
Waxaan mahad naq usoo jeedinayaa ciidamada Ugaandha, waayo iyagaa ahaa ciidamadii ugu horeeyay ee Soomaaliya soo caga dhigta, iyagaana laga filayaa inay nacasyadan meesha ka sifeeyaan.
Markay alshabaab sidaa u layso dadka, waa ayo cidda ay rabaan inay musharixiinta u codayso mar haddii ay muwaadiniinta sidaa u gumaadayaan?
Alle maxaan jeclaan lahaa in kalsoonida ay isku qabaan hoos u dhacdo, si ay u suurtowdo in kooxdan maleeshiyada ah la wiiqo.
Waxaan hambalyaynayaa ciidamada sir doonka ee kenya, waayo waxay eryadeen baastarrada alshabaab.........ciidamadaasi waa quwadda geeska Afrika ugu wayn
alshabab waa xarako ilahay ku ciqaabayo somalida kadib markay iska rideen dawladoodii sida xoolahana uwada dhaqmeen .ilaahay waxanu ka baryaynaa inuu naga qabto qas wada yaashaa ku been abuuranaya islamka wayna soo dhowaatay xiligay burburi lahayd
Soomaaliya mar labaad ayay barwaaqoobi doontaa, ayna heli doontaa maamul wanaagsan, sidaasani waa sidaan rajaynayno. Alshabaab runtii way sii dhamaanayaan, waayo waligii baadilku xaqa kama gacan sareeyo, waayo ilaahay ayaa adduunkan carshigiisa ka maamulaya
Waa maqaal si wacan looga soo fikiray oo looga soo shaqeeyay
Dad badan ayay hore u laayeen, haatana iyagii ayaa isku jeestay, mustaqbalkana iyaguumbaa gacantooda isku dili. Arrinkanina wuxuu caddaynayaa inaysan marka horebal lahayn qadiyad ay u dagaalamaan.
Alshabaab waa inay ciidamada AMISOM ay caydhsadaan. Kooxdani waxay laysay oo ay jidh dil ku samaysay dad badan oo Soomaaliyeed. Soomaaliya waxaa soo gaadhay burbur balaadhan, arrinkaasina wuxuu xukuumadda soomaaliya ku qasbi doonaa inay mudo dheer ku qaadato dibu hagaajinta dalku. Markaa dunida oo dhan ayaan codsi u gudbinaynaa sidii ay uga gacan gaystaan dibu dhiska Soomaaliya marka ay dagaaladu dhamaadaan. Dhanka kale, xukuumadda Kenya waxay si wayn u caawisay Soomaaliya, oo waxay ka caawisay dagaalka lagu rabo in alshabaab Soomaaliya looga cawsgooyo. Markaa waxaan mahadnaq usoo jeedinaynaa Kenya, waayo waxay si tadawuc ah ula timid dadaal badan oo ay ku rabtay inay ku badbaadiso dadka Soomaaliyeed noloshooda. Haseyeeshee, dadka reer Kenya laftoodu waxay taageero buuxda u fidiyaan dagaalka ka socda Soomaaliya, Amisom na hadda waxay inyar u jirtaa magaalada kismaayo, halkaasoo ay rabto inay alshabaab dibadda uga saarto magaalada iyo dalkaba. Afrika waa inay midawdaa, si kooxda alshabaab looga saaro Soomaaliya. Waxaan rabnaa in dadka Soomaaliyeed ay nabad ku noolaadaan, oo ay dalkooda horumariyaan, waayo waxa dalkooda ku yimid dibudhac 21 sanadood ah.
Anigu aad ayaan uga helay arrintan.
Aniga waxay ila tahay in kalsoonida daciiftay ee ka dhex jirta garabyada alshabaab ay tahay war wacan oo qof kasta oo Soomaali ah oo dunida ku nool usoo kordhay. Waxaan hambalyo usoo jeedinayaa dadka Soomaaliyeed, alashabaabna waan sii sagootiyayaa, waxaanan leeyahay qarkaad burbur u saarantihiin!!!
waa markii koowaad ee aad garataan amaba aad bareertaanwax ka sheegidda kooxdan waxaana jira dhibaatooyin intaa ka sii badan oo kooxdu isku hayso ummaddana ku hayso
Waxaan aaminsanahay haday dawlada kumeel gaadhka ahi saxantahayna iyada ayaa guulaysanaysa oo waxay helaysaa kalsoonida shacabka. Haday al shabaab saxantahayna iyadaa guulaysanaysa oo waxaay helaysaa kalsoonida shacabka Awooda aad dagaal kaga guulaysataa cadawgaaga waa inaad haysataa 1.dad adiga kutaageersan 2.deegaan aad taqaano 3. inaad aaminsantahay waxaad udagaalamayso inaad ubaahan tahay inaad udhimato