Luulyo 27, 2012
Kooxda Olombikada Kenya oo aan luminaynin wax fursad ah
Kooxda ayaa dib u dhigtay tagitaankoodii magaalada London si ay uga qayb galaan Ciyaaraha Olombikada oo bilaabanaya bishan Juulaay 27deeda, si ay xubnahoodu ugu sii tababartaan magaalada Nairobi taas oo ciyaartoyda siinaysa adkaysi dheeraad ah iyo la qabsiga hawada sida caadiga ah loo qaato.
Dadka ciyaaraha falanqeeya, tababarayaasha iyo ciyaartoyda ayaa Sabahi u sheegay in in kasta oo ciyaaruhu ay hal usbuuc ka dhiman tahay, haddana waxay ka cabsi qabaan jawiga uumi-biyoodka ee London oo samayn kara tayada ciyaartoda.
"Haddii aan aadno London oo aan halkaas ku tababarano waxay noqonaysaa faa'iido daro, sabaata oo ah London waxay ku taalaa meel ka hoosaysa Nairobi" Beden Karoki, oo 22 jir ah, kana mid ah kuwa u ordaya 10,000-ka mitir ayaa sidaas sheegay. "Waxaan go'aansanay in aan si wadajir ah ugu tababarano Nairobi ilaa maalinta ugu danbaysa ee macquulka ah."
Karoki ayaa sheegay in isaga iyo laba kooxdiisa ah ee 10,000 miter ay ku tababaranayaan Kasarani. Wuxuu Sabahi u sheegay in ay ka tagayaan Kenya Juulaay 30keeda, iyadoo tartanka ugu horeeyana ay ka qayb galayaan Ogoosto 4teeda.
"Waxaan door bidayaa in aan Nairobi ku tababarto sababata oo ah jawigu waa mid aad ugu haboon tababarka Cimilada ugu fiican ee tababarku waa inta u dhaxaysa 19 deragjada centigrade-ka iyo 25 deragjada centigrade-ka. Waxaan maqlay in Ingiriisku uu roob ka da'o aadna u qabowdahay. Taasi ma aha mid ku fiican tababarka," Karoki ayaa yidhi.
Sanadkan 2012 kooxda waxay ka kooban tahay 53 orodayahanno ah, labo feedhyahan, labo dabaalyahan, mid culays qaade ah iyo mid waran tuure ah.
Joseph Kinyua oo ah maamulaha Ciyaarha Fudud ee Kenya, kaas oo isu duba-rida hawlaha ciyaaraha fudud ee waddanka ayaa Sabahi u sheegay in ciyaartoyda intooda badan aysan wali waddanka ka tagin, ayna duuli doonaan wakhtiyo kala gadisan.
"Kooxda ugu horaysa ee bixi doonta waa ordayaasha 800 mitir, waxayna bixi doonaan Juulaay 30 keeda, waxaa ku xigi doona kuwa ordaka dheer oo bixi doona Ogoosto 7-deeda. Waxaa la isku waafaqay in ay dhamaan halkan ku tababartaan inta aysan Olombikada aadin," Kinyua ayaa yidhi.
Ciyaartoyda ciyaaraha fudud ee Kenya ayaa qayb ka ah Hay'adda Caalamiga ah ee Isu-tagga Ciyaaraha Fudud.
Kinyua oo labaynaya tababaraha kooxda, ayaa sheegay in ciyaartaydu ay ku tababaranayaan Xarunta Moi ee Caalamiga ah ee Ciyaraha oo Kasarani ku taala, aadna uu ugu kalsoon yahay in kooxdiisu ay bilado ku guulaysan doonaan.
"Aad ayaan ugu qanacsanahay tayada tababareed ee xubnaha kooxdu helayaan," ayuu yidhi. "Wax aan ka ahayn dhaaawac oo bildda dahabka naga hor istagaagi kara ma jirto. Waxaan kooxda Kenya qayb ka ahaa ilaa 20 sano waxaan aaminsanahay in kuwani ay yihiin kuwii ugu fiicnaa abid.'
Wakhtigii uu socday Ciyaarihii Olombikada ee 2008 lagu qabtay Beijing , Kenya waxay ku guulaysatay 14 biladood --lix dahab ah, afar qalin ah iyo afar maar ah -- laakiinse Kinyua ayaa sheegay in uu aaminsanyahay in guusha sanadkan ay ka fiicnaan doonto.
David Macharia oo ah wariye ciyaareed ayaa Sabahi u sheegay in 40 sano markii ugu horaysay ay Kenya u dirayso Olombikada koox 4x400 ee qori isku dhiibka.
"Markii ugu danbaysay ee koox Kenyaan ah ay ciyaaraha qori isku dhiibka ka qayb gasho waxay ahay ciyaarihii Olombikada 1972-dii, oo Munich oo Jarmalka lagu qabtay. Ciyaartoydu waxay heleen bildda qalinka. Waligeen meeshaas oo kale ma aanan gaadhin. Waxaa laga yaabaa in London ay ciyaartoydaanadu nasiib u yeeshaan mar kale."
Kenya waxaa kale oo ay diraysaa ruug cadaayo ku guulaysay bildda dahabka iyo horyaalada adduunka oo ay ka mid yihiin Brimin Kipruto oo biladda dahabka ku guulaystay 2008 ciyaarihii Beijig lagu qabtay, iyo Ezekiel Kemboi oo ku guulaysay horyaalka adduunka, labaduba waxay ka qayb galeen tartanka 3,000 ee mitir, Pamela Jelimo iyo David Rudisha oo haysta koobka adduunka ee 800 ee mitir iyaguna way ka qayb galayaan.
Nancy Jebet Langat oo Olombikada 2008-di ahayd horyaalka tartanka 1,5000 ee mitir sanadkan kama qayb galayso sababta oo ah uma aysan soo bixin in ay ka mid noqoto kooxda sanadkan.
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray in ka badan 90 qof kadibmaalin muddaaharaad qof ku dhintay uu ka d...
Kenya ayaa ka codsatay Golaha Ammaanka ee QM Khamiistii (23-kii May) in uu joojiyo dacawadda ay w...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay xaflad ka dhacday Muqdisho Khamiis...
Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee waddamada xubnaha ka ah Urur-goboleedka Horumarinta (IGAD) ayaa is...
Hoggaamiye bulsheedka Maxamed Omar Said ayaa Khamiistii (23-kii May) waxa lagu weeraray aashito h...
Maxakamad ku taal Puntland ayaa todoba qof ku xukuntay dil taas oo ay ku mutaysteen dilkii wadaad...
Hay'adda gargaarka caalamiga ah ee Global Partnership for Education (GPE) ayaa ku dhawaaqday deeq...
Hay'adda ilaalinta xuquqda aadanaha ee Amnesty International ayaa ugu yeertay Kenya in ay ixtiraa...
Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya William Ruto ayaa ballan-qaaday in Xeerka cusub ee Duur-joogta lagu ...
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Khamiistii (23-kii Maajo) waxa uu shaaciyay labadii magac ...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo
Faallada akhristaha
Dadaala ayaan leeyahay ciyaaryahanadeena ka qaybgalaya ciyaaraha olimbikada, Pamoja ni players.