Luulyo 27, 2012
Maxamed Cali Maxamed ay si dabacsan u xilli uu ka jawaabayay su'aalo uu weydiiyay wariyaha. Kadibna waxa uu codsaday in uu ka jawaabo telefoonka. "Kumaa tahay? Maxaad doonaysaa?" ayuu si kor ah u wayddiiyay. Daqiiqado kadib ayuu isku dhex yaacay, waxa uuna yiri, "Waxaan u malaynayaa in ay dhalinyaradi isoo wacday."
Marka Soomaaliya la joogo dhalinyarada waa naanaysta al-Shabaab oo aan dan iyo heello laga lahayn meelaha la isugu yimaado.
Maxamed, oo ah arday 18-jir ah oo shareecada iyo qaanuunka ka barta jaamacadda Muqdisho, ayaa sheegay in si fiican uusan u maqlin codka taleefanka, "Dhalinyarada" ayaa hanjabaadyo usoo dirayay maxaa yeelay waxa uu ku lug lahaa ku wacyi-galinta dhalinyarada ee dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya.
Maxamed iyo qaar kamid ah saaxibadiisa jaamacadda waxa ay ka qeyb galayeen siminaaro ay soo abaabuleen Golaha Dhalinyarada Qaranka Soomaaliya, kaasi oo isku xira dhalinyarada Muqdisho iyo dowladda. Maalmo kahor inta aysan al-Shabaab soo wicin isaga, Maxamed waxa uu dhalinyarada qeybaheeda kala duwan ee caasimadda kala qeyb galay dood ku saabsan dowrka Islaamka iyo dastuurka cusub.
"Waxa ay aheyd dood aad u kulul," ayuu yiri Maxamed, "Waxa ay ahayd wax wanaagsan in dhalinyaro aad u yar yar ay ka hadlaan arrintan. In badan dadku ma ayan akhrin dastuurka oo waxa ay si fudud u leeyihiin waa dastuur Masiixi ah ama cilmaani ah."
Soomaali badan ayaa rumaysan in dalkooda oo muddo 20 sano ah aan lahayn wax dowlad dhexe ah uu haatan ku socdo waddadii isbedelka. Sannad kadib markii ciidamada Midowga Afrika ay al-Shabaab ka saareen caasimadda, Soomaaliya waxa ay qorsheeynaysaa in ay soo gaba-gabeeyso marxaladda ku-meel-gaarnimo, yeelato dastuur cusub, ayna doorato madaxweyne 20-ka August.
Ammaanka Muqdisho aad baa loo adkeeyay, iyadoo la ciiraysa howlaha, dadkana waxa ay ka sheekaysanayaan Dastuurka qabyada ah oo ay meel marinayaan Golaha Deegaanada Qaranka. Marka la ansixiyo, waxa uu usii shaqeyn doonaa si kumeel-gaar ah ilaa laga qabanayo afti qaran.
Maqaayadda Village, oo ah maqaayad macaamiil badan leh oo dhowaan laga furay agagagrka isgoyska Zoobe, odayaal Soomaali ah ayaa akhrinaya nuqul kamid ah dastuurka qabyada ah, waxa ayna ka doodayaan dhaqan-galinta qaar kamid ah qodobada, sida dowrka diinta ay ku leedahay dastuurka iyo aqoonta looga baahanyahay qofka isku soo sharaxaya madaxweynanimada.
"Waa arrin lagu farxo in la arko dadka oo ka doodaya qodobo iyo jumlado ku jira dastuurka iyo dowrka gudiga khubarada," ayuu yiri Maxamed. "Dagaalka loogu jiro soo celinta sharaftii iyo awooddii dawladnimo, ugu yaraan dooddaasi waxa ay ka socotaa goobaha lagu qaxweeyo ee Muqdisho."
Sulddaan Xasan, oo ah shaqaale rayid oo howl-gab ah, kana shaqeyn jiray dowladdii hore ee Siyaad Barre, ayaa yiri, marka dhan la iska dhigo caqabadaha ka taagan qorista iyo hirgalinta dastuurka cusub, haddana waa talaabo dhanka saxda ah loo qaaday. "Talinta Sharcigu waa arrin muhiim ah," ayuu yiri Xasan. "Dabcan, waxaa jiri doona caqabado iyo khaladaad la sameeyay. Laakiin waa muhiim in aan hore u socod samaynay."
Soomaalida qurba-joogta ah ayaa sidoo kale si xoog leh ula socda doodda dastuurka cusub iyo dhisidda hay'adaha cusub ee maamulka dowliga ah.
Diini Bashiir, oo ah 25 jir cilmiga caafimaadka ka barta Masar, ayaa sheegay in inkastoo uusan akhrinin dastuurka, haddana waxa uu shaki badan ka qabaa dastuurka. Bashiir ayaa sidoo kale ka horyimid ku lug-lahaanshaha doyaaasha dhaqanku ku lug leeyihiin howlsha, ,maadaama qaarkood aanay wax akhrin.
"Waxa aan ka hadlaynaa waa dastuur," ayuu yiri Bashiir. "Haddii dadka Soomaaliyeed aanay u codeynaynin, waxaa loo baahanyahay khubaro leh aqoonta saxda ah si ay u eegaan una meel-mariyaan."
Khadar Maxamed, oo ah 28-jir London ku noolaa sideed sano, ayaa sheegay in uu xiisaynayo sida dastuurka qabyada ah uu uga hadlay arrinta ah in laba dhalasho la qaato, "Sida aad ogtahay, waxaa jira Soomaali badan oo qurba joog ah oo haysta baasabooro ajaanib ah. Wali macadda dowrkeena iyo xuquuqda aan ku leenahay dalki aan kasoo tagnay. Su'aashaas waa in laga jawaabaa."
Cabdulaahi Cabdi, oo ah 27-jir Muqdisho ka aaday Nairobi laba sano kahor, ayaa sheegay in wax badan ay iska bedeleen caasimadda bilihii lasoo dhaafay, dastuurka cusubna loo baahanyahay in uu sii adkeeyo horu-marka. "Amnigu aad buu u wanaagsanyahay. Ganacsigu wuu korayaa. Dastuurka cusub waa mid u wanaangsanaan kara dalka," ayuu yiri.
Maxamed Cali Maxamed, waxa uu u arkaa telefoonkii ay al-Shabaab ugu hanjabeen in uu kaliya muujinayo sida kooxda fallaagada ahi loo wiiqay bilihii dhowrka ahaa ee lasoo dhaafay
"Soomaaliya dhab ahaanti waa ay is bedelaysaa," ayuu yiri, isagoo intaasi ku daray in marka dhan la iska dhigo caqabadaha na horyaal, "ma jirto wax naga joojin kara abuuridda mustaqbal wanaagsan."
"Codaynta, buugga iyo qalinka ayaa ka guulaysan doona xabadaha iyo arggaggaxisada," ayuu yiri Maxamed.
Xildhibaanada waxay dib uga noqdeen mooshinkii ka dhanka ahaa Ra'iisul-wasaare Cabdi Faarax Shird...
Madaxweynaha maamul-goboleedka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa Talaadadii (21-kii Maajo) ...
Iska-daba-wareegga badan ee xafiiseed iyo kati xumida ka jirta dekedda Daarusalaam ayaa ugu kacda...
Madaxda Maamul-goboleedka Puntland ayaa Talaadadii (21-kii Maajo) u kulmay si ay u dhiirrio galiy...
Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa xiray in ka ba...
Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa iskaashiga istaraatiijiyadeed kala sheekaystay G...
Madaxwynaha Kenya Uhuru Kenyatta, ciidamada ammaanka iyo garsoorkuba waa in ay si rasmi ah uga qo...
Ra'iisul-wasaaraha Jabuuti Cabdulqaadir Kaamil Maxamed ayaa ku baaqay in kor loo qaado iskaashiga...
Xildhibaano Soomaali ah ayaa ka noqday mooshin ay ku codsadeen in ra'iisul-wasaaraha iyo xukuumad...
Xildhibaanada mucaaradka ah ee barlamaanka ayaa xukuumadda ku eedeeyay in ay cabburisay xoriyadda...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo
Faallada akhristaha
Waxaan madax dhaqameedyadeena ku hambalyaynayaa ansixinta ay ansixiyeen dustuurka, waxaanan rajaynayaa inay doortaan dad munaasib ah, isla markaana lala imaado maamul wadaag, oo sidii ay arrimuhu hore u ahaayeen wax laga bedelo, oo aan wasiiro iyo badhasaabyo isku qabiil ah lasoo dooran, si aysan wasaaraduhu u noqon wax qabaa’ilku iska leeyihiin. Fadlan ha loo hogaansamo dustuurka, oo isaga halaga soo dheegto xuquuqda iyo waajibaadka.
Waxaan hambalyaynayaa walaaleheena Soomaaliyeed, waxaanan ku hambalyaynayaa dastuurka ay badaleen iyo dhalinyarada codkoodii la maqlay. Soomaaliya ha ka xorowdo kooxda alshabaab
Waxaan rabaa inaan u digo walaaladayda kasoo horjeeda nuqulka dastuurka, kuwaasoo ku andacoonaya in dastuurka ay diyaariyeen dad ajnabi ah, ama in ay ku jiraan faqrado aan waadix ahayn. Dadkani waa inay ogadaan in dastuurkii hore ee ilaa lixdameeyadii la adeegsanayay ay diyaariyeen talyaani iyo dad ajnabi ah. markaa waliba xiligaas dadka Soomaaliyeed wacyigoodu sidan maanta wuu ka hooseeyay. Sidaa awgeed, aniga waxay ila tahay dadka Soomaaliyeed maanta waxay u baahanyihiin inay helaan dawlad adag, dustuurka dawladaasi siduu doono ha ahaadee. Waxaynu wada ognahay in dhawr sanadood kadib dustuurkan loo soo bandhigi doono dadka Soomaaliyeed si afti loogu qaado. Markaa maxaa inoo diidaya inaynu dastuurkan ka dhigano sidii biriish oo kale, biriishkaas oo aynu ku dhaafno marxaladda hadda taagan? Mar haddii ay dadka Soomaaliyeed horeba u ogolaadeen in ay ku dhaqmaan dastuur ayan iyagu samaynin, sidaynu kor ku xusnay, waxaa ku waajib ah inay dastuurkana aqbalaan sidoo kale.