Tansaaniya oo bilaabaysa mashruuc ballaaran oo dhuumaha gaaska qaada ah

Waxaa qoray Deodatus Balile oo Dar es Salaam jooga

Luulyo 26, 2012

  • 6 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Tansaaniya ayaa biloowday mashruuc ballaaran oo gaas dhalin ah, kaasi oo la rajaynayo in dhaqaalaha dalka ku sameeyo isbaddallo waawayn, sida ay saraakiishu sheegeen.

  • Xarunta Korontada ee Ubungo waxa ay isticmaashaa gaas si ay u dhaliso dab koronto. Marka ay gaaska kaydka ah dhuumo ku gayso dhulwayneheeda, Tansaaniya waxa ay awood u yeelan doontaa in ay kordhiso soo-saarka korontada iyada oo heli doonta wax ku filan in ay dhoofiso, ayay leeyihiin saraakiishu. [Deodatus Balile/Sabahi]

    Xarunta Korontada ee Ubungo waxa ay isticmaashaa gaas si ay u dhaliso dab koronto. Marka ay gaaska kaydka ah dhuumo ku gayso dhulwayneheeda, Tansaaniya waxa ay awood u yeelan doontaa in ay kordhiso soo-saarka korontada iyada oo heli doonta wax ku filan in ay dhoofiso, ayay leeyihiin saraakiishu. [Deodatus Balile/Sabahi]

Tansaaniya ayaa 21-kii July heshiis la saxiixatay seddex shirkadood oo Shiinees ah, in si dhaqso ah loogu bilaabo dhismo dhuun 512 kiiloomitir ah, oo kasoo baxaysa Mtwara tagaysana Dar es Salaam, sida laga soo xigtay xog-hayaha joogtada ah ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Eliakimu Maswi.

Maswi ayaa Sabahi u sheegay in mashruucu uu ku kici doono 1.86 tiriliyon shilin, ($1.2 bilyan doollar), oo ah dayn uu bixiyay baanka dhoofinta iyo soo dajinta Shiinaha. Dhismaha ayaa la rajaynayaa in lagusoo dhameystiro 18 bilood, ayuu yiri.

Qorshaha ayaa waxaa kamid ah dhisidda dhuun dhumucdeedu tahay 36 inji oo laga dhisayo 487 kiiloomitir iyo dhuun 24 inji ah oo laga dhisayo 24 kiiloomitir, taasi oo dhul waynaha ku xiraysa meesha laga soo saaro gaaska ee Somanga Fungu, oo ah jasiirad yar oo ku taala Badweynta Hindiya, ayuu yiri Maswi.

Masawi ayaa sheegay in gaaska loo adeegsado in lagu dhaliyo korontada uu hadda qiimehiisu yahay 0.42 doollar, oo u dhiganta 663 shilin halkii Megawat.

"Balse meel marinta dhuuntan, waa wax aan la rumaysan karin," ayuu yiri. "Qiimaha isla gaaska, ku filan in uu soo saaro unugg, waxuu hoos ugu dhici doonaa $0.02 santi, oo qiyaasti ah 32 shilin, marka la dhameystiro dhismaha. Tani waxa ay wax weyn uga dhigantahay dhaqaalaha Tansaaniya."

Ilaa 2006-dii, Tansaaniya waxa ay soo martay xilliyo ay korontada beekhaamin jirtay, taasoo uu Musawi sheegay in uu rajaynayo in la xaliyo marka mashruuca la dhameystiro oo wax soo saarka uu bilowdo.

Shirkadaha kala ah Shirkadda Shiinaha ee Horumarinta Teknoolajiyadda Batroolka (China Petroleum Technology Development Corporation), Xafiiska Dhisimmada Dhuumbaha Batroolka (Petroleum Pipeline Engineering Bureau) iyo Shirkadda Shiinaha ee Dhisidda Dhuumaha Batroolka (China Petroleum Pipeline Engineering Corporation) ayaa la siiyay qandaraaska dhisidda dhuunta.

Yona Killagane, oo agaasimaha guud ee Shirkadda Tansaaniya ee Horumarinta Shidaalka (Tanzania Petroleum Development Corporation (TPDC), ayaa sheegaya in dhuunta cusubi ay awood u yeelan doonto in ay qaaddo 784 Cubic feet oo gaas ah maalin walba, kaasi oo dhalin doona 3,920 megawaat oo koronto ah.

Baahida koronto xiiliga ee Tansaaniya ka jirta ayaa ah 720 Meegawaat maalintii. Sidaa daraadeed, dhalinta 3,920 Meegawaat, waxa ay ka dhigantahay in dalka uu haysan doono in ka badan 3,000 oo meegawaat oo dheeri ah oo loo isticmaali doono dhoofinta si loogu horu-mariyo warshado cusub, ayuu yiri Masawi.

Dhaqaaloyahan Benson Mahenya, oo ah agaasimaha Andrew's Consulting Group (ACG), ayaa sheegaya in mashruucu uu sida ay u badan tahay kor u qaadi doono dhaqaalaha.

"Sida iska cad, gaaska waa midka ugu qiimo jaban uguna wanaagsan wax soo saarka tamarta," ayuu ku yiri Sabahi. "Haddii hoos-u-dhucu uu saameeyo isticmaalaha, dadka reer Tansaanaiya culays ayaa ka dhici dona."

Mahenya ayaa qaba in qiimaha jabani uu dhiirri-galin doono maal-galino cusub oo lagu sameeyo waaxyaha kala duwan ee wax soo saarka, iyadoo loo marayo wax soo saarka qiimahiisa la dhimay. "Saameynta dhinacyada badan waxa ay ahaan doontaa mid naadir ah. Makra qiimaha tamarta hoos loo dhigo, waxaannu yeelan doonnaa warshado badan kuwaasi oo dhalin doono fursado shaqo oo aad u badan," ayuu yiri.

Si walba oo ay ahaataba, waxa uu ka dhawaajiyay shakiga uu ka qabo in si dhaqso leh suuqa looga arki karo faa'idooyin gaara dadwaynaha. Waxa uu sheegay maadaama Shirkadda Xoogga Korontada Tansaaniya (TANESCO) deeymo fara badan lagu leeyahay, faa'idada lama filaanka ah lama arki doono ugu yaraan laba sano kadib marka dhismaha la dhamerystiro.

"Waxa ay u adeegsan doonaan faai'dadan badan in ay isaga bixiyaan daymaha iyo in ay ku iibsadaan qalab cusub," ayuu yiri Mahenya. "Waxaa laga yaabaa in 2015-ka, marka aannu qabanayno doorashada xigta, gaaska loo adeegsado hub siyaasadeed, iyadoo hoos loo dhigayo qiimaha halki unugg, si cod bixiyayaasha loo tusiyo in xukuumadda talada haysa ay tahay mid wax lagu hallaysan karo."

Khabiir cilmi-baare ah oo ka tirsan TPDC, islamarkaana ah sarkaal xagga horumarinta ah Charles Sangweni ayaa leh in kaydadka gaaska Tansaaniya ay sii jiri doonaan wax ka badan 100 sano, Daily New-ta Tansaaniya ayaa warisay. "Goobaha gaaska ku jiro ee ku yaala Songosongo, Mnazi Bay, Mtwara, Noria, Mikindani iyo Mkuranga ee gobolka xeebta waxa ay dhanyihiin 30 tiriloyon oo cubic feet ah.

Waxa uu sheegay in keydadka gaaska yaalla uu qiimahoodu uu yahay 626 tiriliyon oo shilin, oo u dhiganta 397 bilyan oo doolar, Tansaaniyana waa ay ka faa'daysan kartaa wax soo saarka dabiiciga ah iyadoo u dhoofinaysa jaarkeeda.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 28)

Dislike_icon(5)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • ezekia mwamalugu
    October 29, 2012 @ 10:37:16AM

    Waxaan xukuumada ku hambalyaynayaa dadaalada ay la timid ee gaadhay ilaa heer ay lacag soo amaahato, si ay u fidiso dhuumaha shidaalka, arrinkaasina waa mid wacan. Laakiin waxay su’aashaydu tahay, maxaa hanti ah ee looga yimi meelaha uu shidaalku ka yimaado? Runtii waa wax murugo leh in aad aragtid iyadoo wax kasta lagu sii wado magaalada Dara salaam, sidii oo aysan gobolo kaleeto jirin. Waxaan anigu rajaynayay in warshad korontada dhalisa laga dhiso meelaha shidaalku ka yimaado, si ay muwaadiniinta gobolka ku dhaqani ay faa’ido u helaan. Hadii arrinkaas oo kale la sameeyo, markaasaa la arki karaa dalka horumarkiisa. Haba la cadaadiyo dadka itaalka daran ee balse waa in hadan xaqooda la siiyaa. Lacagtaa xukuumadu ay soo amaahatay waxay ku dhisi kari lahayd warshad korontada ah, oo gobolka laga dhiso, xitaa muwaadiniintana niyadaa ugu samaan lahayd. Laakiin haatan qalbi xanuun ayaa ku dhacay, indhohooduna way ilmaynayaan.

  • Lukas Bekker
    August 1, 2012 @ 04:25:14AM

    Maxaa Shiinaha amaah looga doonanayaa? Maraykanka iyo Ingiriisku markay waddooyin dhisayaan ma lacag ayay soo amaahdaan? Waddooyinku waa waxyaabaha muhiimada wayn u leh dal kasta. Markaa adigay tahay inaad dhisato oo aad ilaashato, waayo adiga ayuumbaa isticmaali doona, waxaana sidaasoo kale ah biyaha (iyo nadaafada), waddooyinka, wadooyinka tareenka iyo warshadaha tamarta dhaliya. Qaybahaas oo dhami waxay abuuraan shaqooyin mudo dheer ah, markaa waa in mashaariicdaas oo dhan la fuliyaa, iyadoon cidna amaah la waydiisan cidna aan la tuugin, sababtoo ah lacagaha lasoo amaahdo iyo gunooyinka kaleba hadhow dul saar ayaa lagaa rabaa in aad kusoo darto.

  • michael
    July 29, 2012 @ 04:59:38AM

    Dadka reer Tanzania arrinka gaastu maaha arrin la fudud, sababtoo ah dawladdoodu waa dawlad ku dhaqanta khiyaamo iyo balan qaadyo been ah, dawladda Tanzania na waxay la mid tahay kooxda alshabaab ee Soomaaliya ka jirta, bal ee waxaab la odhan karaa alshabaab ayaa ka wacan dawladda Tanzania, waayo dawladda Tanzania wax ay fuliso ma leh, inkastoo dalka ay ka jiraan qorsheyaal wacan, laakiin cid qorshayaashaas fulisaa ma jirto haba yaraatee, waxa kaliya ee qofku maqlaana waa sheekooyin ku saabsan hantidii qaranka oo la lunsaday, iyo dad hanta lunsaday oo aan wax talaabo ah laga qaadin, si dadka kale loogu digo. Talaabada kaliya ee dadkaas laga qaadaa waa iyadoo loo wareejiyo waaxo kale, markaa waxan oo dhami waa dacaayad, meeshana waxba ma yaalaan. Dadkani hore ayay inoosoo mareen, markaa waa inaynu axsaabta badalnaa, oo aynu keena qaar arrinka gaasta ku yar wacan. Wakhtigu wuu dhamaan doonaa, waxaanaydun maqli doontaan inuu lacagtii xaday meel uu marayna la waayay, markaa saxaafaddu waa inay arrinkan wax ka qortaa, sababtoo ah waxaa hawli ka saaran tahay inay sidaa yeelaan, oo ay dadka xaqiiqda u sheegaan oo aysan beentan u sheegin.

  • Said Malik
    July 27, 2012 @ 07:51:56AM

    Hadaynu nahay reer Tanzania, waa inaynaan farxad iyo rayn rayn dareemin oo waa inaynaan u malayn in hawshii inoo dhamaatay. Dalalka isticmaarka ee dunidu waxay ka shaqaynayaan sidii aynaan uga faa’idaysan lahayn khayraadkeena dabiiciga ah, oo iyaga oo kaliya ay uga faa’idaysan lahaayeen. Muwaadiniinta waxaan leeyahay hurdada ka kaca oo u feejignaada hogaamiyayaasheena, waayo waxay dalalka isticmaarka shisheeye u muujiyeen inay yihiin dad raqiis ah, inagana waqtiyo badan ayay ina khiyaameeyeen, markaa waa inaan taxadir intan ka badan la nimaanaa. Hadaan nahay reer Tanzania, waxaan rabnaa in dimuqraadiyadda waxaan rabno ku gaadhno, si aysan qasab noogu noqon in aan xuquuqdeena dagaal kusoo dhacsano. Ha noolaado MWALIMU NYERERE iyo afkaartiisuba.

  • Juma Kichukwi
    July 27, 2012 @ 07:37:59AM

    Qorshahani gabi ahaantiisba wuxuu ku saabsan yahay sidii loo badbaadin lahaa dadka reer Tanzania dhaqaale ahaan, isla markaana loo horumarin lahaa bulshada.

  • Juma Kichukwi
    July 27, 2012 @ 07:33:47AM

    Maqaalkani waa mid yididiilo leh

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada

Macluumaad