Warbixinta Musuq maasuqa waa talaabo horay loogu qaaday dhinaca hufnaanta Soomaaliya

Waxaa qoray Maxamuud Maxamed oo Muqdisho jooga

Luulyo 24, 2012

  • 29 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Warbixintan oo madaxda Soomaalida ku cadaynaysa musuq maasuq baaxad wayn, ayaa ah talaabo horay loogu qaaday dhinaca la xisaabtanka iyo hufnaanta ee hay'adaha Dawladda Federlka ku Meel-Gaadhka ee Soomaaliaya (DFKMG) falaynqeeye dhinaca siyaasadda ee Soomaaliya ayaa sheegay.

  • Warbixintan Qaramada Midoobay ayaa magacawday madaxda sare ee Dawlada ku Meel-Gaadhka ah ee Soomaaliya in ay ka qayb galeen musuq maasuqa, madaxdass oo ay ka mid yihiin Madaxwayne Sheekh Shariif Sheekh Axmed (xagga sare), Ra'iisul Wasaare Cabdiwali Maxamed Cali iyo Af-hayeenka Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.  [Mustafa Ozer/AFP]

    Warbixintan Qaramada Midoobay ayaa magacawday madaxda sare ee Dawlada ku Meel-Gaadhka ah ee Soomaaliya in ay ka qayb galeen musuq maasuqa, madaxdass oo ay ka mid yihiin Madaxwayne Sheekh Shariif Sheekh Axmed (xagga sare), Ra'iisul Wasaare Cabdiwali Maxamed Cali iyo Af-hayeenka Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan. [Mustafa Ozer/AFP]

Intii u dhaxaysay 2009-ki iyo 2010-ki boqolkiiba 70 lacagtii loogu tala galay dhinacyada horu'marinta iyo dhismaha ee Soomaaliya ayaa la dhunsaday sababo la xidhiidha musuq maasuq iyo ku tagri-falid ka timid madaxda sare , warbixin ay dhawaan Kooxda Qaramada Midoobay ee lasocodka Soomaaliya iyo Eriteria ay soo saartay ayaa  sidaas sheegtay.

Warbixintan waxay magac dhawday dhawr ka mid ah madaxda sare ee Soomaaliya, gaar ahaan, Madaxwaynaha Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Ra'iisul Wasaaraha Cabdiwali Maxamed Cali iyo Af-hayeenka Baaralamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan

Madaxda Soomaaliya ee magacyadooda lagu sheegay warbixinta in ay musuq maasuqa gacan siiyeen, eedaymahaas way beeniyeen.

" Kooxda u Kaaba-Galida ee Qaramada Midoobay waa waddo khalad ah oo loo qaadayo dhinaca nabad-galyada Soomaaliya" Axmed ayaa sidaas ka sheegay kulan olole dib- u doorasho oo Muqdisho ka dhacay Juulaay 18keedii Wuxuu sheegay in wakhtiga ay warbixintan ku soo beegantay oo ah hal bil ka hor markii la qorsheeyay in marxalada kala guurku ay dhamaato  "in ula jeedadeedu ay tahay in lagu burburiyo sumcada DFKMG".

Madaxwaynuhu wuxuu sheegay in dawladdiisu ay "diyaar u tahay la xisaabtan iyo hufnaan".

Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha ayaa isagana eedaymahan beeniyay, isaga oo ugu yeedhay "mid aan sal iyo raad lahayn".

Hufnaanta oo ka hor tagaysa musuq maasuqa

"Warbixinta Kooxda u Kuur-Galka ee Qaramada Midoobay waa bilow fiican oo xagga la xisaabtanka ah, si loola dagaalo musuq maasuqan baahsan ee ka jira hay'adaha DFKMG ah," sidaa waxaa yidhi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo baarlamaanka ka tirsan ahna musharax madaxwayne. "Sanado badan, dawladihii ku meel-gaadhka ee isaba joogga ahaa, waxaa curyaamiyay musuq maasuq."

Cabdishakuur ayaa sheegay in si xun u maamulka lacagaha lagu deeqo ay qayb ka qaadatay hor u socd la'aanta dhismaha hay'ado dawladeed oo wax tar leh

"Warbixintan oo Madaxda sare ee DFKMG ah ku cadaynaysa musuq maasuq, waxay wax ka taraysaa wax-qabadka hay'adaha dawladda soo socota, taasi oo awoodda la wareegi doonta Agoosto, taas oo ka dhigaysa mid mas'uul ah, dadka Soomaaliduna ay u arki karaan mid sharci ah," ayuu yidhi.

Cabdishakuur ayaa sheegay in Soomaaliya aysan horay u socon karin ilaa iyo inta musuq maasuqa laga cidhib tirayo.

"Arintan iskama cidhib tiri karno iyada oo aan la haynin, qorshe wadaniyadeed oo ah la dagaalanka musuq maasuqa, dib u habayn xaga maamulka, dhawrida sharciga, dhaqan sharafeed iyo hufnaan, iyo ilaalinta hay'adaha dhaqaalaha, si aan u ilaalino khayraadka dalka iyo hantida guud," ayuu yidhi.

Cabdishakuur waxa uu ku baaqay qorshe wadaniyadeed si loo dhiso nidaam caafimaad qaba, kaas oo ogalaanaya la xisaabtanka iyo hufnaanta si loo dabar jaro musuq maasuqa.

Musuqmaasuqa waxa uu halis galin karaa nabadda iyo ammaanka

Warbixinta Qaramada Midoobay ma aha tii ugu horaysay ee tilmaanta in Soomaaliya musuq maasuq baahsan uu curyaamiyay. sidaas waxaa yidhi Daahir Xuseen oo ah Kaaliyaha Hormoodka Kuliyadda Culuumta Siyaasada ee Jaamacadda Muqdisho.

"Si Xun u adeegsiga hantida guud iyo dhunsashada kaalmada dhaqaale ee Soomaaliya loo qorsheeyay, ayaa Soomaaliaya ka dhigtay waddanka adduunka ugu musuq maasuq badan dhawrkii sano ee la soo dhaafay," Xuseen aya yiri.

Transparency International, oo ah urur caalami ah oo shacbi ah oo ka soo horjeeda musuq maasuqa ayaa Soomaaliya ka dhigay waddanka adduunka ugu musuq maasuq badan ilaa 2008, sanadkii 2011 waxay sinmeen Koonfurta Kuuriya.

Xuseen wuxuu ku baaqay in la maxkamadeeyo mas'uul kasta oo lagu helo musuq maasuq ama in uu maalka dadwaynaha dhunsaday.

"Waa in aan ka kor imaanaa siyaasiyiinta lagu helo danbiga musuq maasuqa iyo waxyaabaha kale ee musuq maasuqa ka dhasha" ayuu Sabahi u sheegay.

Warbixinta Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay , ku guul daraysiga ka hortaga musuq maasuqa in laga yaabo in uu halis galiyo soo celintii ammaanka, nabadda iyo daganaashaha waddanka.

"Waa wax laga xumaado in kaalmadii yarayd ee muhiimka ahayd ee loogu tala galay in ammaanka lagu soo celiyo, nabadna lagu raadiyo, wax lagu dhiso, dadka dhibana lagu kaalmeeyo, in madax musuqmaasuq wada ay u isticmaalaan ujeedooyin siyaasadeed iyo maslaxo gaar ahaaneed si ay xukunka u sii hayaan, iyada oo malaayiin Soomaali ahna aysan haysanin biyo nadiif ah oo ay cabaan in badana aysan hoy haysanin," Xuseen ayaa sidaas sheegay

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 17)

Dislike_icon(8)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • aaliya
    August 20, 2012 @ 04:00:30AM

    Ma cabdiraxmaan cabdi shukur ayaa maanta ka hadlaya musuqmaasuqa iyo xukuumada xun iyo maamul xumada? Fadlan cabdi raxmaan noo kaadi ayaan leeyahay, miyuusan ahayn isagu ninkii saxeexay heshiiskii dhigayay in suntan lagu aaso xeebaha soomaaliya ee isagu arrinkaa ka faa’iday?!! Siday hadaba dad badani sheegeen, hada waa in eebe loo toobad keenaa, oo dambi dhaaf la waydiistaa, waana inaynu ka toobad keenaa dunuubteena iyo xumaanteena, waana inaynu eebe ka barinaa inuu cadhadiisa inaga dul qaado. Waa in aan eebe ka barinaa inuu marlabaad inoo soo celiyo midnimadeenii insha allah. Waxaa ina soo maray arrimo badan oo kala duwan, tasaale ahaan waxaynu aragnay kooxo islaamiyiin ah oo shareecada aan si sax ah u adeegsanayn, iyo dadyow mutacalimiin ah oo intay marka hore muwaadiniin sax ah iska dhigaan hadana aakhirka dantooda gaarka ah ka shaqeeya. Xitaa qabqablayaashii ayaa ka wacnaa kuwa hadda jooga, waayo waxa suurto gal ahayd in lagu hoos noolaado hogaamiyayaasha qabaa’ilka hadii uu qofku lacagta isbaarada iska bixiyo, sidaasuuna qofku ku nabad gali jiray! Waxan leeyahay ficil mooyaanee hadalku waxba ma taro!! Markaa cid waliba fariin ay sidaa, ee aan si niyad sami ah u hadalno, oo aan dhaleecayno dadka xun, kuwa wanaagsana aan amaantooda siino, si aysan cidina u khiyaamaynin dadka aan waxba galabsan!! Waad ku mahadsantihiin fursada aad i siiseen.

  • xamse cabdi
    August 19, 2012 @ 03:54:44PM

    waar waa yaab masuul dadkiisii gaajoonayo oo mmacaluulayo daadlka dariska in uu lacag cuno

  • Ali fadhaa
    August 18, 2012 @ 05:32:15AM

    waxaan isleeyahay waa muhiim in la ilaaliyo dalka dadka deegaan diinta laguna ilaaliyo cadaalad sinaan iyo midnimo, waxaan doonayaa in aan kahadlo Musuqmaasuqa somalia Taas hada waxba lagama qaban karo waayo majiraan Mamuuqdaan dad ay bulshadu soo doorten ilaa lagaaro doorasho xor iyo cadaalad ahna waxaan joogaynaa halkaan ILAAHHOW NAGA SOO SAAR KII UMADA SOMALIYED MIDAYN LAHAA

  • FU.AAAAAD
    August 17, 2012 @ 03:21:02PM

    WALAALO HAL DOORTO PROF AHMED MARKAA AYEY CADAALAD LOO GARANKAA

  • maxamuud axmed camir
    August 16, 2012 @ 04:41:28AM

    Aniga waxay ila tahay in la gaaray wakhtigii la la xisaabtamayay madaxda dawlada ee ku caanbaxay musuqmaasuqa xataa waxay saamaysay Safaaradaha soomaaliya debeda ujooga in ka mida Sida safaarada jabuuti oo kale oo in kamida ay ku takri fashay ama ay boobeen lacagihii askarta soomaaliyeed lagu toba barayay kana iibsadeen baabuur gaaraysa qiimuhiisu 50kun oo doolar taasoo kabi lahayd askar badan oo dalkii jooga hadh iyo habeena difaacaya umadda maatida kuwaas badan ee kolba si qaloocan wax u lunsaday hantida soomaaliyeed hadii wax laga qaban waayo meel aan gaarayno ma jirto.

  • Garaadka Dhalin yarada Jamhuuriyadda Somaliand
    August 15, 2012 @ 05:39:14AM

    Marka hor waan idin salaamay asxaabey walaahi waa wax laga xumaado madax dhan oo isku raacay inay cunaan waxa loogu deeqay dadka tabaalaysan ee ay colaada iyo abaaruhu isku raaceen sidaasna maxa la iskugu ahaan maayo sababtoo ah waxaad gaf kagasheen shacabii soo maaliyeed INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RQAAJUCUUN MAXISHOODAYAAL AYAA DALKA HAYSTA

  • mohamud gaani
    August 14, 2012 @ 08:26:12AM

    anigoo ah qoraa maxamud gaani waxaan leeyahay ilaahayow somaliya samata bixi adigaa awood lehe ilaahow sidatan noo dhaan adigaa awood lehe aminn amiin amiin

  • Ali Abdirahman Adan
    August 13, 2012 @ 07:30:04AM

    Haddii uu madaxwaynaha laftiisu uu ku doodayo in dawladiisu ay nadiif tahay, oo ay diyaar u yihiin inay talada wareejiyaan, iyadoo aynu ognahay heerka khatarta ah ee musuqmaasuqu marayo, oo ah ka qaaradan ugu sareeya, markaa waxa inoo cadaan kara in loo baahan yahay in saddex ka mida hogaanka dalka talada laga tuuro. Haddii sidaa aynu yeelno, waxayu odhan karnaa heerka musuqmaasuqu hoos ayuu u dhacay, haddii kale se Soomaaliya waligeed sidaas ayay ahaan doontaa.

  • Ali Abdirahman Adan
    August 13, 2012 @ 07:20:05AM

    Anigu doorashooyinka madaxtinimada ee Soomaaliya ee soo socda waxaan taageersanahay Shariif Xasan Sheikh Aadan, kaasoo ah afhayeenkii hore ee baarlamaanka, waa nin awood u leh inuu wax maamulo, khibrad siyaasadeedna leh. Dhanka kale, Sheikh Shariif waxaan leeyahay maya, waayo isagu wakhtigiisii wuu laastay, wax horumar ahna lama gaadhin. Teeda kale, waxay masuuliyiintu inagu khiyaameeyeen in mar haddii uusan dalku ammaan iyo nabad haysanin, waxbarasho iyo wax kale oo la qabtay ma aysan jirin, sidaasaanay ku lunsadeen wixii lacag ahaa ee loogu talagalay in dalka dib loogu dhiso, laakiin in kastoo ay lacagtii socotay, hadana madaxwaynaha talada ka dagayaa wali wuu soo taagan yahay oo wuu tartamayaa, isagoo aan inaba ka yaxyaxsanayn ceebta waxa uu ku kacay. Si kasta ha ahaatee, cidna nabad kama sugayno, aan ka ahayn ilaahay, waayo isaga uumbaa arrinkaa maarayn kara.

  • jaamac axmed
    August 11, 2012 @ 04:45:12PM

    waraa naga daaya qabyaaladda io waxaan aad qaabka xun u faafinaysaan haddii aad dad wax ka sheegeysaan sifiican baa wax looga sheegaa haddii kale waxyaabaha muujinaya qabyaaladda iyo cuqdadda aad qabtaan hasoo bandhiginina, taas waxaan ula jeedaa madaxda sare ee dawladda kg ee somalia shiikh shariif oo kaliya miyaa waa adinka soo qaatay sawirkiisa kaliya waraa nagala taga waxaas qurunka ah oo caloosha idinkaga jira, haddii kale dadku makala fiicna madaxa ayaa la idinku dhufanayaa meesha aad joogtaanna waa la yaqaan ee edeb yeesha

  • abdikarim awes
    August 11, 2012 @ 03:59:42PM

    Waa hadal wanaagsan oo ka soo yeeray caalamka, faalada musuqmaasuqa ay ka bixiyeen . waxay DFKMG ah ku deeqayeen Lacag Ammaanka Dalka lagu sugo. Waayo hadaan amaan jirin maamul socon kara ma jiro. Ammaanka iyo Nabadu waa nolosha Aadamaha. -Waxaa iga su;aal ah. Madaxda sare marka ay leeyihiin Warbixinta nala ka soo qoray waa been,Maxaa sababay in hayadii Amniga Dalka sugi lahaa Hawlahoodii la socon la'yihiin

  • mo firdaws
    August 11, 2012 @ 02:49:42PM

    somaliya w qaran kadheer waxa lagu shegayo ilahay dawlad na anfacda hanasiiyo aaaaammmiiiiiiiiiiiinnnnnnnnnn/?

  • khadar cabdi laahi
    August 11, 2012 @ 07:46:00AM

    soamliya haduunbay gud kudhacday fahan ama ha fahmin

  • siciid
    August 11, 2012 @ 03:48:46AM

    waxa uu maqaalknu ka hadlayo waa run laakiin waxaaso dhan waxa isku fuuqsaday unka oo soomalia kucuna malaayiin doolar kadibna inta yar oo ay cuneen kuwa dowlad isku sheegaa dhaha musuq maasuqa oo dhan waxa sameeyay madaxda dowlada

  • cabdilaahi saciid
    August 10, 2012 @ 10:58:47AM

    tuug tuugi dhashay oo aanay ceebtu waxba ka tarain ilayn damiirkii ayaa bari hore ka geeriyooday dadku ay moodaayaan umad iyaga kale ah oo yaxyaxaya waxaan oran lahaa ninkaan quus aqoonow adaa quus taagan

  • maxamed
    August 10, 2012 @ 03:43:24AM

    waxa maanta la taagan yahay xili kal guur ah

  • abdikadirhassan
    August 10, 2012 @ 03:31:26AM

    waxaa wanaagsan in dhamaan la maxkamadeeyo madaxda maanta horboodaaya dadka waa inaan la dooran kuwa maanta ku faanaya ianay lacag haystan iibsan karaan kuwa aan qoomiyada lahayn ee lagu sheegaayo baarlamaanka cusub waa in dadku kala gartaan halyeeyga iyo habacsanaha soomaalidu inta aanay labadaas kala garan ma suurageleyso in la soo doorto hogaan wanaagsan 1,soomaalidu waa inay garataa wadaniyada 2.waa inay kala garataa kan xun iyo ka wanaagsan 3,soomaalidu waa inay ilaahay u noqotaa oo toobad keentaa oo ka run sheegtaa ,

  • taakiyuu ozaahiir
    August 8, 2012 @ 10:01:49AM

    soomaliya waxay umuuqadaa in aykasiibaxeeso godka alxamdulillahi,hadaynu nahay qurba joogta somali waxaan balan qaadeena in aan soomali wax uqaban doonna if alla wills,,,,,

  • muscab
    August 8, 2012 @ 08:55:37AM

    salaang bacdishe eeda run in ety. ini beesy bathino shecebky linki teli gali hang ky dhiiny bengigy dheh sithy yoo edaaysitheenby mathy wiinagy i regy telithy wal kilahaayeen. may rajeeyane ingti tang oo kely mar keli ing dhiiny

  • ziimoow i osman
    August 6, 2012 @ 05:35:30PM

    golaha dhurwaayada waa meeshii hali ku dhimato cidooda iyo sawaxankuna waa habeenkii ileen maalintii waa muuqanayaane marka aan hali dilayna dhurwaaga ugu wayn waxaa hor socda weer dawac wax la baadigooba oo hadba meshuu wax ku arko u qayliya taas waxaa ka dhigan dadka soomaliyeed oo noqday duunyo duur jooga madax dooduna waa dhurwaayo malintii aan muuqan habeenkiina wax laaya iyo weerar u sahmiya rajadada soomaliduna waa wax aan la malayn karayn oo hadba kayn waraabe joogo u didaysa

  • Mohamed Olad
    August 6, 2012 @ 02:56:50AM

    Waxa lagama maarn ah in la,ilaaliyo xuquuqul insaanka , hantida dadweynaha,dhiiga dadka ann danbiga lahayn ku xadgudubkooda. iwm. waana in ladhisaa qaran shaqaynaya tusaale ahaan ciidankiisa, oo ah kan laxisaabtanka hayadaha dawlada , ilaalinta deegaanka ,diffaaca qaranka IWM. waxa ugu daran in la illaaliyo Madaxda dawlada inaanay dadka boobin sida kammuqata warbixintan.

  • musa hassan sheikh
    August 3, 2012 @ 10:52:03AM

    liaahay aynu kacbsano oo halaysa saamaxo cidna uma gaar ahayn waxii ina gaaray dhawr iyo labaatankii sano qof kasta oo soomali ah waxbaa ka halaabay hala istaqfurlaysto intaana ilaahay hainooga joojiyo caridiisa maaha waxa ina gaaray wax cid kaliya ka danbayso soomaali mid bay ahayde midnimadeedii ilaahay hasoo celiyo aamiin

  • said mahamoud
    July 30, 2012 @ 03:42:27AM

    Magacayga waa Muuse, waxaanan leeyahay falalkan xun xun Soomaali kama dambeeyaan, markaa waa in lala dagaalamaa qof kasta oo xukuumadda kasoo horjeeda, sidaasaan markaa ku talinayaa.

  • dulqaad
    July 27, 2012 @ 01:12:58PM

    waatuugo madaxda soomaaliya weliba waqti duugada qaar eeysan wax xadin oo eeyka xishoodaan ayeey wax xadeen umadi loogu soodhiibay oo qaarna baahi u dhinteen qaarna u dhimanrabaan ayeey malaayiin doolar jeebkooda kushubteen wexeey mudan yihiin in kuligood lug iyo gacan isdhaafa laga wadajaro deedna xabsi daain lageliyo

  • mohamed
    July 27, 2012 @ 05:49:01AM

    Madaxda sare ee dawlada somalaiaya waa in aay xilka i dhiibaan maadaama lagu ee deeyay musuq masuq baahsan , taasi waa mid loo baahan yahay ,

  • Cabdurisaaq Mohamoud
    July 25, 2012 @ 03:38:18PM

    Waa sax, faalada musuqmaasuqa ay ka bixiyeen C/shakuur iyo Dashir. Tan iyo markii la soo dhisay Dowlad Ku-meel Gaar ah, laga soo bilaabo xilligii C/qaasim, C/hi Yusuf iyo Sh.Shariif. Wadanka Soomaaliya oo aan la hayn Dhaqaale Dowlada xukunkeeda lagu gaarsiiyo. Hayadaha Caalamka, iyo Wadanada Aduunka qaarkood, waxay DFKMG ah ku deeqayeen Lacag Ammaanka Dalka lagu sugo. Waayo hadaan amaan jirin maamul socon kara ma jiro. Ammaanka iyo Nabadu waa nolosha Aadamaha. -Waxaa iga su;aal ah. Madaxda sare marka ay leeyihiin Warbixinta nala ka soo qoray waa been,Maxaa sababay in hayadii Amniga Dalka sugi lahaa Hawlahoodii la socon la'yihiin.

  • abdulahi iiman
    July 25, 2012 @ 02:13:07PM

    madaxda dawladu way ku fashilmeen inay dadkooda dhibaataysan wax taraan inkastoo cashuur la qaado iyo mashruuc la sameeyo aanay suurto gal ahayn oo xaalad dagaal uun lagu jiray 22 sanadood warbxintana ay buubuunin badani ka muuqato,way awoodi waayeen in wixii caawimo ku soo galay ay uga faaiideeyaan umada ay dhameeyeen abaaro,dagaalo ,tahriib,iyo suta badooda gashay. warbixintani waxay ku soo beegantay kala mudada kala guurka ee road mapka,waxna looga gol leeyahay inay ku reebaan tartanka doorasha ee soo socota , si aan soomalidu isu fahmina wax waa u socodaan.

  • ALVIN
    July 25, 2012 @ 06:52:58AM

    Hogaamiyayaasha Soomaaliyeed waa inay dib u habeeyaan dalkooda oo ay ka dhigaan qaran habaysan oo uusan ka jirin musuqmaasuq, sababtoo ah isku day kasta oo lagu rabo in bulshada caalamka lagu waxyeeleeyo waxaa ka dhalan kara dib u dhac ku yimaada horumarinta Soomaaliya. Cidii dambi lagu helo waa in baadhitaan lagu sameeyaa oo la maxkamadeeyaa, si loo hubiyo inaysan cid dambe lacag lunsi ku kicin.

  • suldaan
    July 25, 2012 @ 01:46:07AM

    waxan u malaynayaa somalia oo markeedi hore god ku sii dhacaysay inay imikan ugu darsantay in loo fuduudeeyo inay si dhibyar godka ugu dhacdo. ALLAHAYOW samata bixi somalia.

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Sidee baa loo dhisi karaa dawlad-goboleedyada federaalka Soomaaliya iyadoo maanka lagu hayo khilaafka ka taagan Jubbaland?

Fiirso natiijada