Ciidamada Soomaaliya oo tilmaansaday Kismaayo

Waxaa qoray Cadnaan Xuseen oo Mogadishu jooga

Luulyo 23, 2012

  • 106 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Ciidamada Soomaaliya oo garab ka helaya ciidamada Midawga Afrika ee Soomaaliya(AMISOM) oo u diyaar garoobay in ay qabsadaan degmooyinka iyo tuulooyinka baadiyaha ah ee Jubbada Hoose, iyaga oo u sii siqaya dhinaca magaalada muhiimka ah ee Kismaayo oo ah fadhiisin al-Shabaab.

  • Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midawga Afrika oo u siqaya dhinaca Magaalada dekeda ah ee Kismaayo oo ay al-Shabaab xukunto. [Stuart Price/AFP/AU-UN IST]

    Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midawga Afrika oo u siqaya dhinaca Magaalada dekeda ah ee Kismaayo oo ay al-Shabaab xukunto. [Stuart Price/AFP/AU-UN IST]

Sarreeye Guud Cabdikariim Yuusuf Dhagobadan ayaa sheegay in ciidamadiisu uu rajaynayo in ay ka sifeeyeen Kismaayo, oo ah magaalada sadaxaad ee ugu wayn Soomaaliya, 500 oo kiiloomitirna dhinaca koonfurta kaga aadan magaalada Muqdisho al Shabaab bisha Agoosto.

Dhagabadan ayaa Sabahi u sheegay in arggaggixisadu ay meelihii ay ku dhuumaalaysanayeen ka cararayaan iyada oo ciidamada Soomaaliduna ay ku sii siqayaan aaggaas.

Wuxuu ugu baaqay shacabka in ay ka qaxaan meelaha ay al Shaaab qacanta ku hayso, ayna ka fogaadaan meelaha hubka lagu kaydiyo.

"Kismaayo waa calaamadda Dawladda Federalka ee ku Meel Gaadhka (DFKMG) ah, waana sababta aan isugu dayayno in aan qabsano magaalada" ayuu yidhi

Sida uu sheegayo Maxamed Cumar Geedi oo baarlamaanka ka tirsan, xag jirnimada al -Shabaab iyo danbiyada ka dhanka ah banii'aadanimada sida dil shir-qoolida culimada Muslimiinta, aqoonyahanda, iyo qofkii ka soo horjeesta fikirkooda qaloocanba, xadka ayay ka baxeen.

Geedi ayaa sheegay in ciidamada Soomaaliaya ay mar dhaw arggaggixisada burburin doonaan, iyada oo kooxdan al-Qaacidda la bahowday ee al-Shabaab ay naf-lacaari yihiin.

"Ciidamadaanadu horu-mar ayay sameeyeen, iska hor imaadyadii u danbeeyay, madaxda sare ee kooxdan xag jir ka ahna, iyo ciidamadooduba waxay la soo daristay cabsi wayn" ayuu Sabahi u sheegay." Waan qabsan doonaa Kismaayo, dagaaladan cusub ee bilawdayna, iyo dabkan hurayaba waxay harqin doonaan [cadawga]. Waxaan noqon doonaa kuwo guulaysta oo gacan sareeya."

Madaxda ciidamda milaratiga ee Soomaaliya ayaa sheegay in hawl galada ciidamadu lagu balaadhin doono dhinaca Jubbada Dhaxe, kadib markii DFKMG ah ay heegan u galiso aagga Marka, oo ah caasimada gobalka Shabeelada Hoose iyo Jowhar, oo ah caasimada gobalka Shabeelada Dhaxe.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Isgaadhsiinta Cirka, Badda, Dhulka iyo Dekadaha Cabdiraxmaan Kulmiye Xirsi ayaa sheegay in qabsashada dawlada ee Kismaayo, oo ah fadhiisinta ugu xoog badan ee wali gacanta al-Shabaab ku jirta ay dhabar jab ku tahay kooxdaas.

"Ciidamadaanadu waxay xoojin doonaan ammaanka iyo ololaha weerarada ee beegsanaya saldhigyada kooxdan oo meelo dhawr ah sida Gedo, Shabeelada Dhaxe, iyo Shabeelada Hoose si ay u badbaadiso dekadaha iyo wadooyinka taas oo u saamaxaysa in la gaadhsiiyo, gargaarka iyo kaalmada caafimaadka dadka uu ku dhacday shubanku iyo daacuun caloolaadku , kuwaas oo waayadan danbe noqday saf-mar," ayuu Sabahi u sheegay.

Afhayeenkii hore ee AMISOM Gaashaanle Akunda ayaa daboolka ka qaaday qorshe dhamaystiran oo lagu qabsanayo Kismaayo, si gargaarka loo gaadhsiiyo dadkuna ay nolol maalmeekooda u wataan.

Akunda ayaa wariyayaasha Muqdisho ugu sheegay in dadku ay mar dhaw war farxad leh ka maqli doonaan Kismaayo

Al-Shabaab oo dhibaataynaya shacabka Kismaayo

Shacabka Kismaayo ayaa sheegaya in la dhibaataysan yihiin dhaqaale yari, biyo la'aan, korantada oo ka go'da iyo cuntada iyo daawada oo gabaabsi ku ah sababta oo ah al-Shabaab oo magaaldii hareereeyay, iyada oo ay intaas u dheer tahay cabsi joogto ah oo ah in ay weeraro aar-gudasho ah ay qaadi doonaan, iyada oo ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay magalada ku soo dhawaadeen.

Canab Maxamed Muuse, oo 36 jir ah ayaa sheegtay in ay Kismaayo ka soo qaxday shan bilood ka hor kadib markii ay al-Shabaab ka xaaraantimeeyeen in ay qaad iibiso, kaas oo sharci ah Soomaaliya si ay u kaalmayso sadexdeeda caruur.

"In badan oo dhakaatiir ah, shaqaalaha gargaarka, wariyayaasha, iyo xataa aradda Ingiriiska barata ee magaalada kuwaas oo lagu eedeeyay u basaasida hay'adaha sirdroonka ee Galbeedka waa in ay baxsadaan" ayay sabahi u sheegtay. " Kooxdan falaagada ah, waxay u kaaba galaan wicitaanada telfoonada gacanta iyaga oo sii maraya shirkadaha isgaarsiinta ee maxaliga ah, si ay u dhagaystaan wada sheekaysiga ayna u fuliyaan dilal -qorshaysan ayna u hor istaagaan shir-qoolada kooxdan ka dhanka ah."

Cabaas Maxamed, oo  ka mid ah shacabka dagan Kismaayo ayaa Sabahi u sheegay in dagaalyahaniita al-Shaabab ay dad waayeel ah u diideen in ay Muqdisho u shafraan si ay baadhitaano caafimaad oo muhiim ah u helaan, taas oo qayb ka ah dadaalka ay kooxdaas ugu jirto in ay dadka u diidaan in ay u qaxaan meelaha ay DFKMG- ka taliso.

Wuxuu kale oo sheegay in al-Shabaab ay dhibaatayso haweenka , ayna ku soo rogtay sharci adag oo xaga labiska ah ayna u diiday in ay shaqaystaan.

Maxamed wuxuu sheegay in ciidamada al-Shabaab ay inta badan ragga Kismaayo dagan ay ku khasabtay in ay hubka qaadaan, ayna u taba bartaan dagaal dhuumaalaysi ah, ayna ku soo rogtay in ay sidooda oo kale dharka u qaataan si aan loo kala garanin dadka shacabka ah iyo kuwa dagaalyahaniita.

Al-Shabaab waxaa kale oo ay ciidamaysay haweenka iyo gabdhaha si ay weerarada u fuliyaan, sadaxdii sano ee la soo dhaafayna waxay abaal marin ah qoriga AK-47 iyo bambooyinka gacanta siiyeen caruurta quraanka xafidda.

Maxamed ayaa sheegay in dadku naceen hab dhaqanka al-Shabaab iyo gar daradoodaba.

"Kooxdan dagaalyahaniinta ah ee al-Qaacidda la bahowday waxay qorsheeyeen oo fuliyeena falal aad u cabsi badan oo sharaf dhac ku ah aadanaha, sida in dhagax lagu dilo gabdho sino darteed iyada oo ilmo yar ah" ayuu yidhi. "Arintan waxaa la fuliyay iyada oon si buuxda baadhitaan loogu samaynin dacwada [iyada lagu soo oogay] iyo iyada oo aan baadhitaan caafimaad oo buuxda lagu samaynin si loo go'aamiyo miyirkeeda iyo caafimaad-qabkeeda guudba."

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 197)

Dislike_icon(29)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • said ibrahim
    August 31, 2012 @ 04:57:31AM

    Waxa haatan cadaatay in kooxda alshabaab laga guulaystay, arrinkaa dadaalkiisana waxaa galay shacabka soomaaliyeed iyo ciidamada. Hadaba wixii ka dambeeyay jabinta kooxda alshabaab, noloshii caadigeedii ayay kusoo noqonaysa, waxaanay dadku haatan xooga saarayaan dibu dhiska dalkooda. Dhanka kale, waxay xukuumadu ku guda jirtaa hagaajinta amaanka.

  • muhammad Attaya
    August 31, 2012 @ 03:29:02AM

    Kooxda alshabaab waxaa dunidoo dhan looga yaqaanaa inay tahay kooxaha argagixisada ta ugu sumcada xun ee bariga afrika ka jira iyo qaarada afrika guud ahaan. Kooxdan argagixisada ahi waxay horseeday falal argagixiso ah oo aan laga sheekayn karin, waxaanay ku kacday tacadi ka dhan ah xuquuqda bini’aadamka. waxay kooxdu cid kasta oo ku dhiirtata inay kooxda kasoo hor jeedsato ka gooyaan gacmaha iyo lugaha amaba si daran ayaa loo ciqaabaa oo waa la dilaa. Kooxdani waxay ka dambaysay qaraxyo badan oo is miidaamis ah oo ka dhacay soomaaliya iyo dalalka jaarka ah, waxaanay afduubaan caruurta yaryar, isla markaana waxay u gaystaan jidh dil, waxaanay ka digaan askar, iyagoo aan wax tababar ah la siinin, arrinkaasina wuxuu sababay in caruur badani ay ku dhintaan dagaalada ay kooxdu la gasho ciidamada dawlada. Sidoo kale, waxay kooxda alshabaab masuul ka tahay falalka budhcadbadeeda ee ka dhacay badaha, kuwaasoo saamayn ku yeeshay ganacsigii dunidu ay la lahayd dalalka bariga afrika, iyo waliba dalxiiska. Dad badan oo soomaaliyeed ayaa iyagu si wayn ugu dhib mutay arrimahaas, mudo aad u dheerna dadkaasi nabad maysan arag, waxaanay noqdeen dad qaxoonti ah oo gaajo iyo cudurba ay haystaan.

  • Faith mumo
    August 31, 2012 @ 02:55:40AM

    Waxaan ilaahya ka baryayaa inuu dhamaantiin idin ilaaliyo, waayo waxaad ku hawlan tihiin inaad xaqiijisaan arrin qiimo iyo qaayo leh.

  • ESOLOM NGARI
    August 30, 2012 @ 11:41:20AM

    Waxaa muuqata in eebe idinla jiro, markaa guulaysta oo guulaysta oo guulaysta, anaguna waxaanu idinla garabtaaganahay duco hadaad tihiin ciidamada difaaca Kenya , waxaanan idiin rajaynaynaa guul

  • gegema
    August 30, 2012 @ 07:12:49AM

    Waxaan ilaahya ka baryaynaa in uu taageeo ciidamada difaaca Kenya iyo kuwa dawlada federaalka ku meelgaadhka ah, iyo cid kasta oo dadka soomaaliyeed wanaag u haysa, si dagaalkan loogu guulaysto oo dalka iyo dunidaba nabad looga dhaliyo.

  • john muturi
    August 30, 2012 @ 05:12:37AM

    Ciidamada walaaleheen nabada ha u ilaaliyaan, waayo in badan ayay walaaleheen dhibaato ku jireen.

  • margie
    August 30, 2012 @ 04:10:38AM

    Hambalyo, shaqa wacan waad qabateen, hadaanu reer Kenya nahayna waxaanu ku faraxsanahay inaanu aragno walaalahayaga jaarka nala ah oo nabd ku nool.

  • joseph
    August 29, 2012 @ 05:37:29AM

    Qabsashada magaalada kismaayo waa wax in badan la sugayay oo daahay. Xagjirnimada waa in la burburiyaa, waana inaan loo ogolaanin inay meel dunida ka mid ah ku kobocdo xagjirnimadu kuna noolaanin.

  • jeff m mbune
    August 28, 2012 @ 09:23:32AM

    Waxaa la gaadhay wakhtigii la cidhib tiri lahaa khatarta kooxda alshabaab ee xagjirka ah, ee iyadu gaysata dambiyo ka dhan ah bini’aadamnimada, iyagoo magaca eebe adeegsanaaya. Dawlada ku meel gaadhka ah iyo ciidamada difaaca Kenya waxaan leeyahay si dhiiran ugu ruqaansada, ujeedadiinana gaadha, waayo dadka soomaaliyeed wax dhib ugu filan way soo mareen.

  • NAADIYE
    August 28, 2012 @ 07:00:04AM

    Dhibaatada wey nagu dheeraataye ALLAH ha idiin kugula garab galo soo afjaridda Dhibaatada Rubac qarniga ku sii socota Shacabka Soomaaliyeed.

  • olgidsureman
    August 28, 2012 @ 05:47:36AM

    Waxaan jeclaan lahaa in dalkeena jaarka inala ahi ay maalin uun nabad noqoto oo ay ka dhamaato khatartan joogtada ah ee ay ku hayaan kooxaha argaggixisada ahi, isla markaana ay awoodo in ay dadka soomaaliyeed ay gurtaan midhaha dalkooda, kaasoo ay waligood usoo dagaalamayeen, imikana ay kula dagaalamayaan weeraradan argaggixisada ah ee dadka rayidka ah een waxba galabsan lagu hayo. Waxaan ilaahya ka baryayaa in uu nabadiisa dhamaantiin idin siiyo.

  • don mcngonje odhiambo.
    August 27, 2012 @ 03:43:32AM

    Waxaan ilaahay ka baryayaa inuu dadkan ka saamaxo dambiga ay galeen, oo uu barakeeyoo ciidamada difaaca Kenya , waayo waxay ka hawl galayaan inay dib u qabsadaan magaalada kismaayo.

  • ngeno
    August 26, 2012 @ 04:19:26PM

    Dadka soomaaliyeed ma rabaan inay dhibaato ku noolaadaan, laakiin laba dhinac oo dagaalamaya ayay ku dhex dheceen, laakiin dhibaatada cida wadaa waa dad tiro yar oo alshabaab isku magacaabo, kuwaasoo aan wax mustaqbal ah dalka u haynin iska daa naftoodee. Markaa waa inay fahmaan in hadii ay dagaalka hore u joojiyaan ay wacantahay, arrinkaasina iyaga iyo caruurtooda iyo kuway sii dhalaan iyo jiilasha soo socda intaba waa mid u wanaagsan oo dan u ah.

  • gogie
    August 25, 2012 @ 07:52:40AM

    Laakiin dadkayga waxaan leeyahay taariikhdaa sheegi doonta marka ciidamada difaaca Kenya aynu maqli doono in intooda badani ay rabaan inay Soomaaliya kasoo baxaan, markaa waxaan aaminsanahay in mudo kadib qaar ka mida ciidamada difaaca Kenya la layn doono, markaa bal aynu sugno.

  • John Kituu
    August 25, 2012 @ 04:54:37AM

    Aniga warwarka ugu wayni wuxuu iga haystaa dadkaas diintooda islaamka, ee igama haysto dadka aan waxba galabsan ee la dilayo.

  • flipo
    August 24, 2012 @ 06:11:38AM

    mshaset generators?m niko kama mech.lol.

  • Timothy M. Kimaru
    August 24, 2012 @ 04:44:31AM

    Salaad kasta waanu idiin ducaynaa oo qalbigaanu idinku haynaa, waxaanan ilaahay ka baryayaa in uu idin guuleeyo, oo aad qabsataan magaalada kismaayo, waayo waxaad halkaa u joogtaan waa inaad ddadka soomaaliyeed xoraysaan, waxaanad xusuusataan inaad maanta ka dhigan tihiin sidii nabi muuse uu u badbaadiyay dadkiisa. Waxaan jeclaan lahaa in aan idinku soo biiro oo aan gacanta idinkala shaqeeyo, laakiin taa badalkeedu waa inaan idiin duceeyo idinka iyo qoysaskiina, waxaanan idin leeyahay hawshiina soo guta, dabeedna soo gurya laabta…waanan idin hambalyaynayaa…

  • Warugongo
    August 24, 2012 @ 02:15:12AM

    Ha iloobina in aad ilaahay iyo nabi ciise uga warantaan, waxaanad faafisaan kitaabka injiilka oo ha baqanina. Waa inaad dadkaas ruuxdooda xoraysaan, waayo arrinkaasi waa hawl ka mida hawlihiina.

  • mwangangi kyalo
    August 23, 2012 @ 10:39:43AM

    Ilaahayo caawi adoomahaaga wacan!

  • V. ANDANDE
    August 23, 2012 @ 07:49:32AM

    Ilaahay ayaa dariiq aad martaan idin tusin doonaa ayaan leeyahay ciidamada difaaca Kenya, markaa si aan waabasho lahayn u ruqaansada oo dib ha usoo guranina.

  • FESTUS MURIIKI
    August 23, 2012 @ 03:49:27AM

    Waxaan leeyahay ciidamada difaaca Kenya iyo kuwa Amisom halkaa kasii wada niyadsamida aad u haysaan hawsha aad wadaan ee dadka naftooda lagu badbaadinayo.

  • Wllie Mwangi
    August 23, 2012 @ 01:53:58AM

    Hadaba waxaan rajaynayaa oo aan naawilayaa oo aan ku kalsoonahay eebena aan ka baryayaa in uu awood idiin siiyo in aad gacanta kusoo dhigtaan oo aad dalka si kama dambays ah uga safaysaan dhamaan maleeshiyada kooxda alshabaab iyo kooxda alqaacida, taa natiijadeeduna waxay noqon doontaa in qaarada afrika dhamaanteed ay nabadgalyo ku naalooto. Markaa waxaan leeyahay aan gacmaha is qabsano, si aynu u dabaal dagno, waxaanan hubaa inaynu ilaahay tala saaran karno, markaa waxa kaliyia ee la inooga baahanyahay waa inaynu ilaahay ku kalsoonaano. Aamiin, aamiin.

  • paul kariuki
    August 21, 2012 @ 09:25:33PM

    Waxaan ilaahya ka baryayaa inuu idinku guuleeyo dagaalkan, mana aha arrinkaasi arrin fudud, laakiin hadii ilaahay idin gargaaro waad guulaysan doontaan.

  • mkenya asili
    August 21, 2012 @ 07:48:13AM

    Hambalyo ciidamada difaaca Kenya, waxaanan leeyahay hore u socda oo qabsada magaalada

  • DOMINIC M. KAINDI
    August 21, 2012 @ 05:55:23AM

    Waxaan rajaynayaa in ilaahay awoodiisu ay dadka Soomaaliyeed ka saarto cadaadiska ay ku jiraan.

  • Njagi Berns
    August 20, 2012 @ 02:12:54PM

    Hawl wacan ayaa la qabtay, laakiin AMISOM waxaan u sheegayaa wakhtigiina si wacan u maamula, waxaana la idinka sugayaa inaad magaalada kismaayo iyo dadkeedaba aad xoraysaan, dhamaantiin

  • Dan Omondi
    August 20, 2012 @ 11:06:19AM

    Haddii culays joogto ah lagu hayo kooxahan ducufka ah, ee ku dhufoo ka dhaqaaq woxoodu yahay, waxaa hubaal ah in ciidamada difaaca Kenya iyo xulufadoodu ay guul gaadhi doonaan, waxaana taa xigi doonta in Soomaaliya la xoreeyo. Dadka Soomaaliyeed waxay xaq u leeyihiin inay sida dadyowga kale ee dunida ay xor noqdaan, taasina waa arrin xaqiiq ah oo muhiim ah, waana in ciidamada difaaca Kenya iyo dadka kaleb ay maskaxda ku hayaan arrinkaas, si ay niyad ugu helaan xoraynta dadka cadaadiska lagu hayo. Intaa ka sokow, waxaan ciidamadeena u rajaynaynaa khayr.

  • Nixon
    August 20, 2012 @ 08:32:40AM

    Wax la sugaba haday dadku nafisi doonaan, waayo weerarada kooxda alshabaab waxay noqdeen wax laga soo gudbay

  • PASTOR ISAIAH WELLINGTON
    August 20, 2012 @ 05:59:06AM

    Waa inaynu xasuusnaanaa inuusan arrinku ku saabsanayn kooxda alshabaab iyo alqaacida iyo ciidamada difaaca Kenya iyo kuwa ugaandha iyo dawlada federaalka soomaaliya midna, balse waxaynu ka hadlaynaa waa qaranimada iyo madaxbanaanida qaranka soomaaliyeed. Haddaynu qaarada afrika eegno, sababta ay dalalka afrikaanka ahi ugu riiqdaan dagaalada sokeeye waa maamul xumada iyo danaysiga iyo isku dirka qabaa’ilka, halkaasoo ay aakhirka soo baxaan qabqableyaal dagaal. Hadaba intaynu ku guda jirno inaynu xalino mashaakilka dalalka inala jaarka ah, waa inaynu sidoo kale dalkeena laftiisana nidaaminaa. Waxaan leeyahay ciidamada difaaca Kenya waxaad ku jirtaan gacanta ilaahay, markaa hawshiina soo guta oo kadibna dalka ku soo laabta, ilaahay ayaana idinka jasaa’i siin doona naftiina aad hurteen iyo sida aad daacada ugu tihiin dalkiina iyo madaxwaynaha Kenya.

  • EMMANUEL LOSURU
    August 20, 2012 @ 04:21:21AM

    Todoba cisho gudohood ayaa magaalada Jericho lagu burburiyay, todoba cisho gudohoodna ciidamada difaaca Kenya iyo kuwa dawlada federaalka ku meel gaadhka ah ayaa magaalada kismaayo ku qabsan doona, markaa reer kismaayo xoriyadii ayaa loo soo celinayaa dhawaan.

  • ELIJA
    August 20, 2012 @ 03:47:57AM

    Anigu aad ayaan uga xumahay dadka soomaaliyeed ee ay kooxda alshabaab afduubeen kuna qasbeen inay waxaan laga sheekayn karin ku kacaan! Laakiin waxa imaan doonta maalin ay soomaaliya soo noqon doonto, ciidamada Amisom iyagana waxaan leeyahay kismaayo aada.

  • mawe
    August 19, 2012 @ 04:52:57PM

    Nolosha ma jiro wax la mida oo ka muhiimsan in aad noqoto cida dad bini’aadam ah oo walaalahaa ah usoo celin lahayd qiimohooda. Markaa hambalyo ciidamada difaaca Kenya iyo kuwa Amisom, waxaanan leeyahay dib ha usoo laabanina ilaa aad gaadhaan kismaayo, ilaahayna ducada ha naga aqbalo oo cadaabta meeshaas ha idinka badbaadiyo.

  • Paul.
    August 19, 2012 @ 07:21:22AM

    Hagaag Hagaag. Soomaaliya nabad ayaa usoo socota. insha allah.

  • jacob
    August 19, 2012 @ 05:37:54AM

    ciidamada is bahaystay waxaan leeyahay aan soomaaliya ka dabargoyno dhiigyacabka, ilaahayna wuu idin la jiraa

  • GEOFREY OGORA
    August 19, 2012 @ 03:34:23AM

    Waanu idiin ducaynaynaa, waayo waxaad wadaan hawl wacan

  • Beany George
    August 17, 2012 @ 09:09:45PM

    Ha la tirtiro dhamaan dadka maskaxdooda sharku dhaamiyay, si dadka soomaaliyeed ee wacani ay u helaan qaab nololeed oo wacan. Ilaah kaliya ayaa ka taliya nolsha dadka sidan u quruxda badan..

  • Nixon kibet
    August 17, 2012 @ 07:13:59AM

    Hambalyo ciidamada xulufada ah

  • نزار عبد الله
    August 17, 2012 @ 07:05:33AM

    Waa in dadka lagu wacyi galiyaa afkaarta iyo ra’yiga saxda ah ee diintu qabto, waana in taa loo maraa tacliin tayo leh iyo warbaahin wacyigeedu sareeyo, waana in la tirtiraa saboolnimada, taasoo ah sababta ugu wayn ee dadka gayaysiisa inay ku dhaqmaan afkaar xagjirnimo ku salaysan. Dadka saboolka ahi waa kuwo dareema in dulman yihiin, waana kuwo niyad jabsan. Markaa waa in xal loo helo dhibaatada shaqa la’aanta, taasoo ah mid dhalinyarada dareensiisa inay bilaa muhiimad yihiin, arrinkaasina wuxuu horseedi karaa inay dhalinyaradu ku qancaan afkaarta xagjirnimada ah. hadaba halkaas ayuu ku jiraa doorka wadaadadu, markaa waa in wadaadadu ay ka qayb qaataan inay dadka ku dhex faafiyaan afkaar dhexdhexaadnimo ah, iyo inay dhaqamadu kala duwan yihiin, iyo in afkaarta la is dhaafsado, xoriyatul qawlna la helo, dadkuna xoriyad guud ay helaan. Sidoo kale, waa inay iyagu ka qayb qaataan abuurista bulsho dimuqraadi ah, si loo helo xoriyad dheeraad ah iyo isu dulqaadasho, dadkuna ay isu laab furnaadaan.

  • anonuye
    August 16, 2012 @ 10:03:36AM

    Meeyeen ciidamada difaaca Kenya ? maxay xukuumadda Soomaaliyeed ay hadda u rabtaa in kismaayo ay qabsato? Ma sanad kale ayaan sugnaa mise idinkaan idiin daynaa? Aniga waxa ila wacan in aad ciidamada difaaca Kenya u daysaan dagaalka, oo idinkuna aad gadaal kaga soo biirtaan, miyaanan saxsanayn?

  • edward kirimi
    August 15, 2012 @ 09:50:26AM

    Ha la xaaqo maleeshiyadan, waana in dhidibada loo taagaa maamul wanaagsan oo soomaaliya ka dhasha, markaa Kenya iyo soomaaliya waa inay gacansi wada yeeshaan.

  • felix memba
    August 14, 2012 @ 10:20:56AM

    Kooxda alshabaab imika way sii dabargo’ayaan, dhawaana waxay yihiimba waa la iska ilaawi doonaa, sidii loo ilaaway sadaam xusseen,osaama bin laadin, mucammar qaddafi iyo xusni mubaarak

  • JARED
    August 14, 2012 @ 07:32:11AM

    Waa in la ogaadaa in eebe ilaahay yahay. Nabadeey.

  • beast de fist
    August 14, 2012 @ 05:27:19AM

    Mudane Jah, fadlan soo celi Soomaaliya, oo dadka reer Kenya ku dayo. mahadsanid

  • MOSES
    August 14, 2012 @ 03:04:44AM

    Ronald waxaan leeyahay maxaad tahay? Ma reer Kenya ayaad tahay mise waxad tahya kooxda alshabaab xubin kamida oo is qarinaya?

  • gichana.o
    August 13, 2012 @ 03:23:43PM

    Dabku ha shidnaado oo yuusan bakhtiyin. Ciidamada difaaca Kenya waxaan leehay hambalyo, dadka nabadda u cadawga ahna ha u naxariisanina, ilaahay ayaana idin caawin doona, waayo waxaad badbaadinaysaan dadka Soomaaliyeed ee rayidka ah.

  • daniel musyoki
    August 13, 2012 @ 07:54:55AM

    Waxay ila tahay alshabaab dhakafaar ayay ku rideen ciidamada Kenya. Laakiin waxaaban moodayay in alshaabaab kismaayo bishii hore laga qabsaday

  • Ronald
    August 10, 2012 @ 06:32:12AM

    Waxaan moodayay in ciidamada difaaca kenya ay ahayd inay magaalada Kismaayo kal hore qabsadaan, markaa maxaa dhacay? Hadda se wuxuu maqaalkani ina leeyahay TFG-da ayaa Kismaayo qabsan doonta. Markaa waxaan leeyahy ciidamada difaaca kenya is hagaajiya oo is habeeya.

  • steve
    August 10, 2012 @ 12:47:51AM

    Runtii waa wax xanuun badan in qofku arko koox dadka ka mid ah oo dadka intooda kale adoonsanaysa, iyagoo u dan leh inay gaadhaan danohooda gaarka ah, kuwaaso ah qaar aan macno ku fadhiyin, ay shaadhkii diintana dadkaasi gashan yihiin. Ilaahay wuxuu dadka faray inay is jeclaadaan, laakiin kooxahaasi waxay tobanaan sanadood cadaadis iyo cabudhin ku hayeen dadka soomaaliyeed, mana dareemi karaan ilaa hadda in waxay wadaan uu yahay shar. Laakiin haatan markii dadkii cadaadiska iyo cabudhinta ku jiray ay raaxo yara dareemeen, waxay kooxahaasi aaminsan yihiin inaysan sidaasi sax ahayn, waxaanay rabaan inay sii wadaan laynta dad aan waxba galabsan. Markaa waxaan leeyahay aan u ducayno dadka soomaaliya xoraynaya iyo dadka soomaaliyeed labadaba, ilaahayna waxaan ka baryayaa in afrika nabadi ka dhalato, oo uu afrika barakeeyo.

  • WAMBULWA .B. WAMBULWA
    August 9, 2012 @ 06:23:29AM

    Way wacan tahay in laga takhaluso argaggixisada, waxaan ilaahay ka baryayaa in ay ciidamada dawladdu burbur culus idinku ridaan. Waxaanan leeyahay Soomaaliya waa in nidaam iyo kala dambayn laga hirgaliyaa.

  • lopusile
    August 7, 2012 @ 04:46:10PM

    Alshabaab waxay noqon doonaan wax looga sheekeeyo jiilasha mustaqbalka iman doonaa, waxaana lagu gartaa in bulsho ka mid ah bulshooyinku ay magac iyo maamuus mudantahay marka dadka waawayn ay beeraan dhir ay ogyihiin inaysan hadhkooda hadhsan doonin waligood. Hambalyo ciidamada Kenya, kuwa Uganda, iyo kuwa Ethiopia, kuwaasi si niyadsami ah u beeraya dhir aysan waligood hadhsan doonin, laakiin ay ugu talagaleen inay ka faa’idaystaan mustaqbalka wiilasha iyo gabdhaha dalka Soomaaliyeed ee nabdooda aynu rabno inuu abuurmo.

  • benard
    August 7, 2012 @ 10:09:34AM

    Khayr ayaan dhamaantood u rajaynayaa, waayo waxay rabaan inay safeeyaan alshabaab,waxaanan rajaynayaa inay xaalad wacan ku sugan yihiin.

  • SILVANOS MADILANE
    August 6, 2012 @ 09:23:37PM

    Anagu haddaanu nahay reer Kenya, shaki kuma jiro inaanu garab taaganahay ciidamadeena. Markaa waxaan leeyahay ciidamada halkaa kasii wada.

  • William Bett
    August 6, 2012 @ 10:59:24AM

    Hambalyo ciidamada Kenya, ilaahayna idinkuu idin la jiraa, waanad guulaysan doontaan oo guul ayaad usoo hoyn doontaan dadka Soomaaliyeed ee dhibaataysan. Haddii ay nabi Ciise iyo nabi Maxamad ay maanta idin arkayaan, way ku farxi lahaayeen hawsha aad haysaan, waayo waxaad ka shaqaynaysaan sidii aad u xorayn lahaydeen dad dhibaataysan, kuwaasoo ay dad kale shaadhka diinta usoo gashadeen si ay u cabudhiyaan. Anaguna waanu idiin ducayn doonaa ilaa aad xoraysaan kismaayo iyo Soomaaliya oo dhan.

  • wilson methuselah
    August 5, 2012 @ 09:27:59PM

    Ilaahay ha la jiro ciidamada AMISOM, waayo ciidamadaasi waa qaar qalbi adag, alshbaabna halaag ayay ku dambayn doonaan.

  • GEORGE
    August 3, 2012 @ 11:01:29AM

    Waa in ay ciidamada difaaca Kenya sii wadaan dagaalka, waxaanan leeyahay hore u socda. Waanu ognahay in hawshu aysan fududayn, laakiin waxaan kaloo ognahay in aad awood badantihiin, oo aad hawsha gudan kartaan idinkoon gadaal soo jaleecin, ilaahayna wuu idin la jiraa

  • koech simion
    August 3, 2012 @ 08:00:06AM

    Shaqo wacan ayaad qabateen aqyaareey, ilaahayna ha idin barakeeyo

  • kawira
    August 2, 2012 @ 09:32:32AM

    Anigu waxaan runtii u mahad celinayaa ciidamadeena Kenya, ilaahayna waxaan ka baryayaa inuu awood iyo geesinimo siiyo, aynu dhamaanteena u ducayno.

  • peter wahome
    August 2, 2012 @ 09:32:28AM

    Qoryaha kalashnikoofka iyo rayfalka ahi iskama xajin karaan weerarada cirka iyo gawaadhida ay wataan ciidamada difaaca Kenya, kuwaasoo aysan walxaha qarxa ee alshabaab aysan waxba ka qaadi karin. Qof maskaxdiisu aysan dhamayn mooyee ma arko in cid kaleeto ay taageeri doonto koodan maleeshiyada ah ee naf la caariga ah.

  • Tariq ally
    August 2, 2012 @ 02:15:24AM

    Waxaan idinka codsanaynaa inaad si dhakhso ah u dhaqaaqdaan si aad kooxahan falaagada ah u xakamaysaan.

  • Obado
    August 2, 2012 @ 12:57:51AM

    Aniga waxay ila tahay, markii ay ciidamada difaaca Kenya ay bilaabeen inay alshabaab ugaadhsadaan, arrinku wuxuu u muuqday iska dhalanteed. Laakiin taageerada xagga sirdoonka iyo warisgaadhsiinta ah ee ay ka heleen ciidamada TFG-da iyo kuwa AMISOM ayaa suuro galisay in cadawgu maanta baxsad yahay, goor dhowna farxad iyo fantasiye ayaa magaalada kismayo ka dhici doona, kadib marka alshabaab iyo khatartoodaba magaalada laga safeeyo, taasoo ay in badan afduub ku haysteen. Intaa waxaan ahayn, khayr ayaan u rajaynayaa ciidamada, ilaahayna ha ilaaliyo.

  • A. Sande
    July 31, 2012 @ 09:48:10AM

    Ilaahay waxaan ka baryayaa inuu awood siiyo dhamaan ciidamadeena, si ay dagaalka ugu jabiyaan shaydaankan

  • philip
    July 31, 2012 @ 09:34:37AM

    Hambalyo ciidamadeena Kenya iyo kuwa Amisom, anagu dhamaantayo waanu idin garab taaganahay, markaa sii wada ruqaansigiina oo dhagarqabayaashan soo saara.

  • Nyamogi
    July 31, 2012 @ 08:42:47AM

    Waxaan leeyahay walaaleheen baabiiya cadawgan siday u dhan yihiin, anigu aad ayaan idiin taageersanahay, ee hambalyo ayaan idiin soo dirayaa.

  • Mtumwema
    July 31, 2012 @ 07:29:36AM

    Soomalida waxaan leeyahay khaladkii hore mar labaad ha ku celinina mar haddii aad hada dalkiina ka badbaadiseen dacaayada ay argaggixisadu wadaan ee ay diinta ugu soo gabanayaan. Waxaad xusuunaataan inaysan hadda ahayn markii ugu horaysay ee dalkiina la badbaadsho, oo laga badbaadiyo argaggixisada, laakiin horay u dhacday in inta la badbaadiyay aad hadana u gacan galiseen isla argaggixisadii. Reer itoobiya hore ayay idiinka caawiyeen in argaggixisada dalka aad ka saartaan, haddana waxaa maskaxda la idinkaga shubay in itoobiyaanku ay yihiin gaalo, oo aysan xaq u lahayn gayina inay idinka caawiyaan sidii xasiloonida aad dalkiina ugu soo celin lahaydeen. Intaa kadib, waxaad bilawdeen wax (jihad) aad ku sheegteen, waxaanad mar labaad dalka u gacan galiseen argaggixisada. Waxaad xusuusnaataan in faa’idada diintu qofka u leedahay ay tahay inuu ku jano tago, mana aha in sinaba diinta iyo siyaasadu isugu milmaan, waayo dunidan manta waxaa loo baahanyahay in maskax iyo wax caqli gal ah lagu shaqeeyo. Haddii aad arrinkaasi xasuusnaataan, waxaa hubaal ah inay Soomaaliya oo dunida ixtiraam badan ku lihi ay soo noqon doonto.

  • hesbon
    July 31, 2012 @ 06:40:42AM

    Shaqo wacan ayaad qabateen cidamada Kenya, kuwa Amisom iyo kuwa TFG da, waxaan ilaahay ka baryayaa inuu idin soo guryo celiyo marka aad hawshiina soo gudataan.

  • daudi
    July 31, 2012 @ 06:30:50AM

    Sidaad tihiin ahaada oo alshabaab kasoo saara magaalada kismaayo, anaguna waxaanu idinla daba joogna duco.

  • stephen Barasa
    July 31, 2012 @ 06:12:33AM

    Waxaad tihiin dadka nabadda geeska Afrika hormood ka ah, dhamaantayona waanu idiin ducaynaynaa inaad guulaysataan, markaa hawsha sii wada.

  • francis
    July 31, 2012 @ 04:58:21AM

    Ilaahay ha barakeeyo ciidamadeena reer Kenya iyo askarta kale ee la socotaba, waayo waxay u dagaalamayaan sidii qaaradda Afrika nabadi uga dhalan lahayd. Ilaahay ha barakeeyo dhamaantiin marka aad sii socotaan iyo marka aad soo noqonaysaan ba. Nabad nabad nabad nabad nabad, aamiin

  • mdudu kadumas
    July 31, 2012 @ 04:56:40AM

    Walaalahayga reer Tanzania waxaan leeyahay, damaacinimada iyo hunguriga dishooday dhamaan hogaamiyayaasheena xukuumadda dhexe iyo dawladaba xilalka ka hayaa wuxuu ka dhashay qof ee kamuu dhalan xisbiga. Ma wanaagsana axsaabtu inay qabiil iyo diin wax ku qiimayso, waxaana la inoo qaatay inaynu ahaanu sidii uu inagaga tagay MWALIMU NYERERE, oo aanay axsaabtu qabiil iyo diin wax ku qiimaynin, si ay xilka ula wareegaan. Haddii aynu dib u eegno nidaamkii uu ka tagay MWALIMU, waxaynu arki karnaa in hogaamiyayaal heer sareeyaa ay kasoo bixi karaan bulshada caadiga ah. Hadaynu usoo noqono waxa ka dhex socda xisbiga Chadema, waxaynu ogaan karnaa in xisbigani yahay mid ku dhisan qabyaalad iyo diin, hadii aynu asalkiisa eegnona waxaynu ogaan karnaa in xisbigani uu ku aasaasmay magaalada uu ku dhashay Mangi Sina. Markaa waxaa la qaatay iyadoo dad tiro yari lacag lunsadaan, kadibna dadkaa talaabo laga qaado, waayo way adagtahay in xididada loo siibo geed hadhac ah oo meel saxaare ah ka baxay, kaasoo aynu si adag ku beernay oo aynu ku korinay. Anigu xisbi ii gaar ah ma lihi, ee kaliya ra’yigayga ayaan hadlayaa.... Aan taxadarno reer Tanzania.

  • Bosire Rogers Nyakundi
    July 31, 2012 @ 02:38:57AM

    Waxaan ilaahay ka baryayaa inuu idin la jiro inta aad alshabaab Soomaaliya ka safaynaysaan, niyadda ayaanu idinku haynaa marka aan tukanayno.

  • JOSEPH SHIKUKU MUNG'ALA
    July 31, 2012 @ 12:20:01AM

    Shaqo wacan ayaad qabateen ciidamada difaaca Kenya, iyo kuwa AMISOM, markaa niyadda aad dagaalka u haysaan halkaa kasii wada, si dalkeena iyo Soomaaliyaba ay u helaan nabad. Reer kenyana waxaan leeyahay u duceeya inamadeenan geesiyaasha ah ee la daalamaya kooxahan argaggixisada ah. Waa aniga o Eldoret kaso hadlaya, magacayguna waa JOSEPH SHIKUKU MUNG'ALA.

  • suzan john
    July 30, 2012 @ 11:20:55AM

    Ilaahay waxaan ka baryayaa inuu ilaasho dumarka iyo caruurta, oo uu ka badbaadsho geerida. cid kasta oo rabta inay aragto waxa socda ama hawsha aad haysaan, waxaa ku waajib ah inay sabir yeeshaan. Xageebay joogeen dadkani markii ay kooxda alshabaab dadka laynaysay? Dhanka kale, hey'adaha aan dowliga ahayni waa inaysan dhaleecaynin hawsha wacan ee ciidamada AMISOM iyo kuwa Kenya ay hayaan. Waad ku mahadsantihiin hawsha aad haysaan, halkaana kasii wada, ilaahayna meel kasta oo aad joogtaan wuu idinla jiraa.

  • imwene noah
    July 30, 2012 @ 11:01:40AM

    Ilaahay ragaas hala jiro (ciidamada difaaca kenya) magaalada kismaayo gacanta ku dhiga kadibna dalka kusoo laabta!!! Hambalyo!!

  • tracy sialo
    July 30, 2012 @ 08:52:47AM

    Ciidamadeena qaaliga ah waxaan leeyahay dhiiranaan yeesha oo alshabaab jabiya, aniguna halkan ayaan ilaahay idiinka soo ducaynayaa oo aan ka baryayaa inuu xijaab idiin yeelo. Markaa idinkaa guulaysan doona. Hambalyo.

  • Kasuku
    July 30, 2012 @ 06:37:20AM

    Waxa ay ahaan lahayd war wanaagsan haddii magaalada Kismaayo ay ciidamada Amisom usoo gacan gali lahayd.

  • wambulwa wafula wambulwa
    July 30, 2012 @ 04:55:47AM

    Alshabaab mar haddii ay dadka qori caaradii ku laysay, iyagana waa in qori caaraddii lagu laayaa. Sidaas ayuu kitaabka injiilku dhigayaa.

  • Ben
    July 30, 2012 @ 03:27:07AM

    Ilaahay ha barakeeyo ciidamada Kenya rag iyo dumarba, waayo waxay dadaal ugu jiraan inay hawshan wanaagsan fuliyaan.

  • MOHAMED ABDI
    July 30, 2012 @ 03:18:32AM

    Haloo duceeyo Shukri Maxamed Cabdi, ciidamada difaaca Kenya, kuwa dawladda Soomaaliyeed, iyo dhamaan ciddii Soomaaliya arrimeheeda danaysa. Ilaaha wayn ee waaxidka ah waxaan ka baryayaa inuu ilaaliyo ciidamadeena ina difaacaya, oo uu ku nabad galiyo ruqaansiga ay ku ruqaansadeen magaalada kismaayo, iyo waliba magaalada muqdisho. amin amin amin ilaahayoow.

  • nakusi
    July 29, 2012 @ 11:38:55AM

    Dadka Soomaaliyeed ee hantida leh ee Kenya ku nool waa inay gacan ka gaystaan geedi socodka nabadda, waana inay reer Kenya ka caawiyaan soo qabashada dambiilayaasha beegsanaya dadkeena, ee jooga xeryaha qaxoontiga ee Dhadhaab iyo gobolada kalee dalkaba.

  • Daud
    July 29, 2012 @ 08:46:21AM

    Waa maqaal wacan

  • Nandwa Peter
    July 29, 2012 @ 07:29:28AM

    Hore u socda ciidamada Amisom ee awooda badanoow, waxaanan idiin duceeya habeen iyo maalinmba.

  • J.kipaipai
    July 29, 2012 @ 01:00:56AM

    Waa shaqo wacan, ilaahay ha idin caawiyo.

  • GEOFFREY KUBAI MUTIGAH
    July 28, 2012 @ 05:34:14PM

    Waxaan hambalyaynayaa ciidamada Kenya iyo kuwa AMISOM. Waxaa hadda loo baahanyahay dadka mugdiga ku nool ee Soomaaliya joogaa inay isa soo dhiibaan. Ilaahay ha barakeeyo Kenya iyo Soomaaliya iyo Afrika intaba, alshabaab na meesha waa inay ka baxdaa. Waxaan leeyahay ciidamada Kenya iyo kuwa AMISOM waanu idin la jirnaa waxaanan ilaahay idiin waydiinaynaa guul.

  • martin
    July 28, 2012 @ 08:06:01AM

    Ciidamada Kenya waxaan leeyahay waanu idin taageeraynaa, markaa halka ka wada

  • Machogu
    July 27, 2012 @ 10:52:17AM

    Hawlgalkan waxaa ka dambeeyay hawl si wacan loo qabtay, markaa waa in aan niyad ahaan u taageernaa ciidamadeena iyo kuwa AMISOM labadaba, waayo waxay naftooda u hureen inay dalkeena Kenya badbaadiyaan. Si kasta ha ahaatee, anigu ma aan jeclaysan idaacadaha sida joogtada ah u shaaciya qorshayaasha ay ciidamada Kenya iyo kuwa AMISOM ay leeyihiin, iyo waliba horumarada ay ciidamadaasi gaadhaan. Waa run in idaacadahani wararka inaga haqab tirayaan, laakiin waa in la ogaadaa in kooxda alshabaab ay wararkaas u adeegsato inay istaraatiijiyado qorsheeyaan ama ay adkeeyaan sida ay ciyaarta u ciyaarayaan. Fadlan! Fadlan! Fadlan! Mudane af-hayeen waxaan ku leeyahay hala kaantaroolo wararka warbaahinta loo gudbiyo, ha ahaato mid gudaha ama dibada joogtee. Haddii ay suuro gal tahay, waa in wararka la baahiyaa ka dib marka weerarada la fuliyo. Ciddii rabta inay ogaato waxa socda ama hawlaha aad wadaan, waa inay sabir yeeshaan oo ay sugaan inta hawluhu dhamaanayaan. Si kasta ha ahaatee, xagee bay joogeen markii ay alshabaab dadka gawracaysay. Ururada mujtamaca madaniga ahina waa inaysan hadalo ama faalooyin bilaa macni ah la imaanin, waana inay markasta oo ay duruufuhu saamaxaan caawimo la imaadaan, laakiin waa inaysan dhaleecaynin shaqada wacan ee ay wadaan ciidamada Kenya iyo kuwa AMISOM. Intaa wixii dhaafsiisan, waxaan leeyahay ciidamada Kenya iyo kuwa AMISOM waad ku mahadsantihiin shaqada wacan eed qabateen. Ilaahay waxaan ka baryayaa inuu idin garab galo.

  • shus
    July 27, 2012 @ 10:27:02AM

    Anigu waxaan rabaa in aan ka warsugo natiijada. Dadkiinani waxaad taageersantihiin faragalin milatari oo aan la qorshayn oo Soomaaliya lagu tagay. Kismaayo maaha qasri ay ku raaxaysan doonaan ciidamada difaaca Kenya iyo madaxwayne museveni ciidamadiisa iyo kuwa Burundi toona, waxaana arrinkaa la ogaan doonaa marka ay dadkaas aan soo xusay tirin kari waayaan maydkooda.

  • Momanyi
    July 27, 2012 @ 09:49:03AM

    Ciidamada difaaca Kenya iyo kuwa AMISOM waxaan leeyahay hambalyo! Waxaad qabateen shaqo wacan, dhawaana waxaa si buuxda loo xorayn doonaa Soomaaliya iyo dalalka la jaarka ah. Waxaan ciidamada leeyahay niyadaanu idinku haynaa waanuna idiin ducaynaynaa, waxaana hubaal ah in aad dagaalkan ku guulaysan doontaan. Ilaahay ayaa idinla jira, waayo waxaad u dagaalamaysaan in nabadi dhalato, ilaahayna ha idin gaadhsiiyo guul. Momanyi.

  • Devis Op
    July 27, 2012 @ 08:27:02AM

    Alshabaab waa ay oo kale, waana inay dhiig baxaan oo ay dhintaan, ciidamada TFG-da iyo kuwa Amisom midkoodna dib usoo laaban maayo, waana inay dadka Soomaliyeed ee wanaagsan xoreeyaan si ay dadkaasi ugu raaxaystaan midhaha dalkooda. Hawl galka loogu magac daray Linda Nchi waa in lasii wadaa, cadawga dadka Soomaaliyeedna waa in la garaacaa, alshabaabna waa in badda lagu daraa.

  • moses ole keshe
    July 27, 2012 @ 07:44:30AM

    Anigu shaqsiyan aad ayaan ugu faraxsanahay horumarka ay ciidamada AMISOM ilaa hadda gaadheen. Ilaahay waxaan ka baryayaa inuu la jiro oo garab galo ciidamada, waayo waxay ku jiraan wakhti adag.

  • Kiboi
    July 27, 2012 @ 07:07:35AM

    Waxaan leeyahay ciidamada Kenya iyo kuwa AMISOM labadaba, magaalada kismaayo habeen ayaad ku qabsankartaan, laakiin arrinku wuu sii daba dheeraada. Ma ii sheegi kartaan sababta aad hor joogayaasha alshabaab ugu ogolaateen inay magaalada kismaayo ka yaacaan? Teeda kale, wali ma waxa aad ku qanacsantihiin in hor joogayaasha kooxdani aysan Kenya ku noolayn, isla markaana ay ganacsi kula jiraan madaxda dalka? Maxay tahay sababta keentay in muwaadiniinta caadiga ahi ay wali ku waxyeeloobaan alshabaab falalkeeda, iyadoo ay madaxdeenu ku raaxaysanayaan lacagat budhcad badeedu soo dhacdo. Haddii la rabo in alshabaab adhaxda laga jabsho, waa in dagaalka laga bilaabaa xaafadda islii ee Nairobi ku taal, intaan Soomaaiya xageeda loo dhaqaaqin.

  • obur eva
    July 27, 2012 @ 04:57:30AM

    Soo celinta xorriyada waa sababta irid furidda. Halkaana kasii wada.

  • Benjamin
    July 27, 2012 @ 04:52:50AM

    Ciidamadeena waxaan leeyahay shaqo wacan ayaad qabateen, markaa halkaas kasii wada.

  • joseph
    July 27, 2012 @ 03:42:59AM

    Alshabaab waxay ku nool yihiin qarniyo hore oo tagay, waana inay cusboonaysiiyaan caqiidadooda.

  • abel ojwang'
    July 27, 2012 @ 02:34:39AM

    Anigu waan taageersanahay hawlgalkan, waayo waa wax wanaagsan in dadka Soomaaliyeed ay helaan dawlad, waayo waxay taasi ka caawin doontaa horumarinta dalkooda iyo inay xorriyad u helaan inay sida ay doonaan u noolaadaan.

  • wekesa
    July 27, 2012 @ 01:25:55AM

    Halkaa ka wada shaqada wacan eed wadaan, si ay dadka Soomaaliyeed ugu raaxaystaan xornimo. Waxaan anagu mar walba ilaahay ka baryaynaa inuu dadka Soomaaliyeed nabad siiyo, oo ay dalkooda hooyo horumariyaan.

  • david anyanzwa
    July 26, 2012 @ 08:59:46AM

    Waxaan ku faraxsanahay sida ay ciidamada Kenya ugu kaadiyeen dagaal ku qaadista kooxda alshabaab ee kismaayo ku sugan, sababtoo ah kooxdan maleeshiyada ahi waxay qafaalasho u haystaan dad rayid ah, kuwaasoo ay rabaan inay ku nabad galaan oo ay gaashaan ka dhigtaan. Waxay hore ugu andacoon jireen in ciidamada Kenya ay ku xadgudbeen xuquuqda bini’aadamka ee qaramada midoobay qeexday, oo ay ciidamada Kenya laayeen dad rayid ah. Laakiin hadda ciidamada Kenya dib u canaanan kari maayaan, waxaanay canaanan doonaan AMISOM iyo qaramada midoobay. Ciidamada Kenya waa kuwo si wacan loo tababaray, alshabaab na si bilaa naxariis ah ayay ula dhaqmi doonaan, waanay ka shallayn doontaa alshabaab weeraradii ay Kenya kusoo qaaday. Dhanka kale, ciidamada Kenya ee sir doonku waa qaar heerkoodo boqolkiiba boqol yahay, haatana kooxda alshabaab way juuq gabeen, waayo ma garanayaan waxay Kenya qorshaynayso.

  • Benjamin
    July 26, 2012 @ 08:30:27AM

    Aniga waxay ila tahay in si ula kac ah loo rabo in la iska indho tiro dadaalka ay ciidamada difaaca Kenye wadaan, markaa aniga waxay ila tahay in arrinkaasi uusan ahayn caddaalad. Maxay tahay AMISOM, xageebayse joogtay markii ay ciidamada Kenya dhul balaadhin oo ay alshabaab haysatay xoreeyeen oo ka dhigeen meel degan? Si kasta ha ahaatee, ciidamada difaaca Kenya ee geesiyada ah ee rag iyo dumarba leh, waxaan leehayah hambalyo oo halkaa kasii wada hawsha.

  • vera
    July 26, 2012 @ 02:23:54AM

    Ilaahay ha idin barakeeyo, waayo waxaad qabateen shaqo wanaagsan, hana idin siiyo awood, si aad gacanta ugu soo dhigtaan dadkana dhamaantood.

  • abdulahi iiman
    July 25, 2012 @ 02:01:02PM

    al shabab way la dagtay umada soomaliyeed,waxan dhacayaana maaha wax kasoo fulaya qof soomaaliyeed ee fikiro naxariis daro ah oo ku gabanaya diin, umada soomaaliyeedna mar way nasan doonaan wax soo gaadhayba ,dilka,dhaca, boobka hantida umada jilicdasan ee ay samaynayaa kooxahani waa wax suurto gal ah. ciidamada dawlada waxa looga baahan yahay inayna garaacin goobaha dadwaynuhu ku badan yahay waayo hadii taa la sameeyo dilka rayidku wuu badanayaa,wa inay dareemaan masuuliyada uamada.

  • TOILI
    July 25, 2012 @ 11:00:06AM

    Amisom waa inay taxadirtaa oo ay iska jirtaa inaysan dhibaataynin dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan, talaabadanina waa mid wacan, markaa halkaa kaga haya.

  • Dmanga
    July 25, 2012 @ 10:28:20AM

    Arrinkaasi waa mid dhaba gaashaanle sare .......... ciidamada difaaca kenya la’aantood hawalgalkani ma uusan suuro galeen.

  • Noah Tanui
    July 25, 2012 @ 07:25:07AM

    Hawlaha Soomaaliya ka socdaa waa kuwo lagu faani karo, waxaana loo baahanyahay in lala yimaado qorshe habaysan iyo habab istaraatiijiyadeed, magaalada kismaayo qabsashadeedana wakhti ayuumbaa inaga xiga. Waa run oo waxa dhici doona khasaare naf iyo maalba leh, laakiin waxa ugu muhiimsani waa in magaaladu siday u dhantahay la safeeyo, si ay muwaadiniintu u raaxaystaan oo uga soo kabtaan wakhtigii dheeraa ee ay gacanta ugu jireen kooxda alshabaab. Waxaan leeyahay yaan la dagdagin, laakiin waa in dagaalkan lagu guulaystaa. Hambalyo ayaan leeyahay, waxaan ciidamada leeyahay ishaanu idinku haynaa waanan idiin ducaynaynaa, Soomaaliyana maalin uun ayay nabad iyo xasilooni ku naaloon doontaa. Waa anigoo ah askari hawlgab ah oo ka mid ahaa ciidamadii nabad ilaalinta ee dalka East Timor.

  • abdille
    July 25, 2012 @ 06:45:49AM

    Maqaalkani waa mid wanaagsan, waayo sax maaha in gabadh dhalin yaro ah oo aan wali la guursan la dilo, xitaa hadday sinaysatay, sidaana waxaa dhigaya Qur'aanka kariimka ah.

  • runsheeg
    July 24, 2012 @ 08:04:14AM

    sheeko marqaan lee iska dheh ninka qooqaani iyo kulbiyoow lagula dagaalamayo ee huuhaada shacabka ku qaldaya waxaad qaban karto qabo... wadan gumaysi madow loo gacan geliyo kuwa afka duubanaya ayaa dhaamee.

  • major(RTD) Sila Mutungi
    July 24, 2012 @ 04:29:22AM

    Anigu aad ayaan ugu faraxsanahay warka wacan ee xusaya in dawladda TFG-du ay qorshaynayso inay Kismayo qabsato, laakiin haddii aysan jirin sabab kalifaysa inaan la shaacin cida ruqaansigan ku wehelisa TFG-da, aniga waxay ila tahay in ay qalad tahay inaan la sheegin ciidamada difaaca Kenya, kuwaasoo iyagu ogolaansho u haysta inay magaalada kismayo qabsadaan, waayo iyagu waxay haystaan cudud milatari oo ay alshabaab kaga saari karaan kismayo, dadka Soomaaliyeedna ay ku xorayn karaan. Waa anigoo ah gaashaanle sare Sila Mutungi.

  • m.amiin
    July 24, 2012 @ 12:35:21AM

    asc alshaab ilahay dhulka hala gooyo ayaan laynahay

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada

Macluumaad