Kooxda Isliiwood oo adeegsanaysa fanka si ay ula dagaalanto xag-jirnimada iyo sumadaynta xun

Waxaa qoray Sargajan bin Kadii oo Nairobi jooga

Luulyo 20, 2012

  • 3 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Kadib markii uu la hiyi-kacay fanka ay soo qaddimaan dhallinyarada, ayuu Burhaan Iimaan oo 23-jir ah, waxa uu iibiyay ganacsigiisi, waxa uuna ku maa-galiyay hamigiisii ahaa in uu madadaaliyo bulshda Somaaliyeed ee Kenya ku sugan ee aan helin wax fah ah, uuna la dagaalamo sawirada qaldan ee laga haysto dadka asal ahaan kasoo jeda Soomaaliya.

  • Sawir qaade Abuukar Yusuf oo xubno ka tirsan Isliiwood goob Nairobi ka tiirsan kula sugan May 7-deedii [Tony Karumba/AFP]

    Sawir qaade Abuukar Yusuf oo xubno ka tirsan Isliiwood goob Nairobi ka tiirsan kula sugan May 7-deedii [Tony Karumba/AFP]

  • Burhaan Imaan, waa aasaasaha iyo agaasimaha fulinta Isliihood, oo ah koox jilaaal iyo fannaaniin Soomaali-Keenyaan ah. [Sargajan bin Kadii/Sabahi]

    Burhaan Imaan, waa aasaasaha iyo agaasimaha fulinta Isliihood, oo ah koox jilaaal iyo fannaaniin Soomaali-Keenyaan ah. [Sargajan bin Kadii/Sabahi]

Waxa uu aasaasay kooxdda Isliihood, oo ah koox ka kooban in kabadan 200 oo jilaayaal, abwaano iyo fanaaniin Soomaali-Keenyaan ah oo fadhigodu yahay xaafadda Islii, oo ah xaafad ay ku badanyihin dadka asal ahaan Soomaaliya kasoo jeeda oo ku taala bartamaha Nairobi.

Inta badan bandhigyada kooxdu waaxa ay ka shaqeeyaan nabadda, waxa ayna dhalinyarada ugu baaqaan in ay ka fogaadaan in ay ku dhacaan dabinka koxaha xagg-jiriinta ah iyo afkaartooda sumaysan.

Isliihood waxa ay duubaan heeso, waxa aynna soo saaraan aflaam, oo qaarkood laga heli karo baraha internetka. Waxaa intaa dheer, waxa ay soo abaabulaan cayaaro, xaflado dhallinyaro iyo madaddaalooyin kale oo ay ka sameeyaan Narobi.

Imaan, waxa uu Sabahi kala hadlay, howlahooda, caqabadaha jira iyo yoolalkooda mustaqbaka.

Sabahi: Wax nooga sheeg naftaada

Burhan Iman: Waxaan ahay agaasimaha fulinta iyo guddoomiiyaha Islihood. Inkastoo aan ku dhashay Kenya, waxaan waqti badan kusoo qaaay dalalka Imaaraadka, Kuwait, Yemen iyo Soomaaliya. Inkastoo hadda uu fadhigaygu yahay Nairobi, waxaan si joogto a ugu safraa magaalada Muqdisho iyo meelo kale o dunida ka tirsan.

Sabahi: Maxaad u aasaastay Isliihood?

Iman: Kadib markii an daawaday war-baahinta Kenya sannado badan, waxan ogaaday in aysan jirin war-baahin ay aasaasiddeedu ka qeyb qaateen dad Soomaali-Kenyaan ah, iyadoo ay jirto xaqiiqda ah in bulshada Soomaalida a qeyb muhim ah ka yihiin bulshada dalka

Tani waxa ay igu reebtay saamayn ah in aan isweydiiyo sida aan uga qeyb qaadan karo horu-marinta madadaalada Soomaalida. Maadaama hadalka uu qeyb muhim ah ka yahay mabaadi'da fanka Soomaaliyeed, waxaa ii xaqiiqowday in maqalka iyo hababka muuqaalka ay yihhiin meel lag bilaabi karo.

Arrinkan waxaan ku xaqiijiyay baaritaan aan ka sameeyay Islii, kadib markii aan waydiiya dadka caadiga u deggan waxa ay door bidayaan, marka laga hadlayo [saxaafadda] maqalka, muuqaalka iyo qoraalka. Waana meeshaan meesha ay ka dhalatay fikradda aasaasidda Isliiwood.

Markaas kadib, waxaan la kulmay kox saaxiibada ah, waxaanan Islii ka abaabulnay Islii Talent Search July 2011-kii. Dhalinyaro ayaa ka imaadda xaafadda s ay usoo bandhigaan xirfadahooda fanka. Waxaannu dooranay kuwa aan isleenahay in ay horu-mar samayn karaan, hal sano kadibna nama aannay niyad jabin. Si weyn ayay horu-mar u saameeyeeen.

Qaarkood goor hore ayay heeso duubeen, filimaantayadana waa ay jileen. Annoo la laab-kacsan hamigooda ah in ay guul gaaraan, waxaan iibiyay dhammaan ganacsigaygii, si aan u maal-galiyo dhammaan wixi hanti iyo maskax ee aan hayay, si ay u rumowdo riyada Isliiwood.

Sabahi: Wax nooga sheeg shaqaalaha iyo bandhigyadiina.

Iman: Xiliigan waxaannu haysanaa kudhowaad 200 oo jilaa oo gabdho iyo wiilal ah, soo saarayaal, iyo fanaanin. Hadda waaxaannu ka shaqaynaynaa laba filim, "Jacaylku waa Indhoole" iyo "Nasiib", kuwaasi oo maraya marxaladdii lasoo saari lahaa.

Waxaan sidoo kale samaynay bandhig masrexeedyo badan oo ka hadlaya jacaylka, nabadda, ka-ganacsiga bini-aadamka, midnimada iyo arrimo kale oo buulshada la xiriira.

Sabahi: Ma aaminsantahay in fanku uu yahay bundada loo mari karo nabad ka dhex dhalata dhalinyarada?

Iman: Hadal kama taagna. Waana taa waxa ay Isliihood doonayso in ay u istaagto marka hore. Waxaan xafiis ay Isliihood leedahay ka furay garoonka diyaarada Aden Cadde ee Muqdiso, oo ku dhaggan xafiska guud ee Midowga Afrika, taasoo aan kaliya ku doonayno in aan dhallinyarada Muqdisho ugu qayabino aflaamteena iyo heesaheena.

Soomaalida aad bay u nasiib badanyihiin, maxaa yeelay waxa ay wadaagaan hal luuqad, dhaqan, hab nololleedka iyo diinta, taasoo fududaynaysa in aan fanka u adeegsano in aan nabadda dhaxdayada ku dhisno. Wadada kaliya een aan ku guulaysan karno dagaaka aan kula jirno xag-jirinimada ay dhalintayadu ku beerayaan kooxaha arggaggaaxisada ah waa iyadoo la maro war-baahinta, oo lagu horu-marin karo fanka. Sidaa daradeed, maadaama ay Ciidamada Difaaca Kenya ay hoggaaminaaan howl-galka militariga ah, Isliihoodna waxa ay door bidday in ay ajendaha ku riixdo fanka.

Sabahi:Waa maxay tallaaabooyinka bulsho ee aad qaaddeen si aad u hubisaan in aad ka gun-gaartaan yoolalkiina ku aaddan in aad tirtirtaan sawirka qaldan ee laga haysto Soomaalida iyo baahintiina fariinta nabadda?

Iman: Marka laga tago in Isliihood ay ugu yeerto dhalinyarada qowmiiyadaha kala duwan kasoo jeeda in ay isu yimaadaan ayna so bandhigaan xirfaddooda, waxan sidoo kale sii wadnaa filim dekumaantari ah oo lagu magacaabo "Midnimo", kaasoo laga daawan doono, Islii, Gaarisa iyo Minasotta oo Mareykanka ah.

Filimka waxa uu tusaya dadaallad Soomaalida caadiga ah ay u samaynayaan la midowga dadyowga kale, si loo dhiso nabad iyo midnimo. Waxaan sidoo kale joogay Muqdisho bishii April halkaasoo aan ka jeediyay hadal uu hal-ku-dhiggiisu ahaa "Qoriga dhig, Qalinka qaad".

Waxaan sidoo kale qorshaynaynaa in an abaabulno habeenkii Soommaalida ee Nairobi, meeshaasoo a qeybaha kala duwan ee bulshada ay iman karaan kuna raaxaysan karaan cuntada Soomaalida, miyuusika iyo dhaqammo kale, oo aan rumaysannaha in ay naga caawinayso laa dagaalaka sawirada qaldan. Waxaa intaa garab socda aflaam iyo heeso yoolkoodu yahay isbedel bulsho oo wanaagsan.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 13)

Dislike_icon(1)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • ........gf.................................
    January 27, 2013 @ 01:03:00AM

    Fikaradu waa mid qurxoon oo wacan, balse magucu ma wacna waadaxna maaha, mana aha magac soomaaliyeed.

  • Dominic
    October 3, 2012 @ 09:11:10AM

    Hawl wacan weeyaan walaal, dadkaasi waa dadka leh maskaxda aynu wakhtigan u baahanahay si aynu u dhisno dadkeena, una xoojino wadanoolaansheheena bulsho ahaaneed. Guul.

  • freeman
    August 12, 2012 @ 10:59:39AM

    Maqaalkani waa mid aan laga sheekayn karin wacnaantiisa. Miyaad haysaan email kiisa ama cinwaankiisa Facbook ga, waayo waxaan isku dayay inaan Facbook ga ka helo, laakiin maan helin. Maraa fadlan hab lagula xidhiidho ha la helo, waayo aniga laftaydu waxaan ahay filim-qaade Soomaaliyeed, khibrad wayna waan leeyahay.

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada