Luulyo 19, 2012
Afar qof ayaa ku dhaawacmay markii laba bam-gacmeed ay ku qarxeen tima-jare iyo hoteel ku yaal magaalada Wajeer, kuwaasoo ugu dambeeyay weerarro xiriir ah oo lagu qaaday Kenya, sida uu sheegay bilaysku.
Taliyaha bilayska Wajeer James Mutungi ayaa Sabahi u sheegay in laba bam-gacmeed lagu tuuray tima-jaraha Ralph's Super Cutz iyo Hoteelka Roho Safi labadaa meelood oo ay u dhexeeyso masaafo qaddarkeedu yahay 50 mitir.
"Weerarradu waxa ay ahaayeen kuwo isku xiran waxayna dhaceen isku waqti, qiyaasaha 8:30-kii fiidnimo," ayuu yiri. "Baartiaankii aan sameeynay waxa uu noo muujiyay in ay tahay shaqadii al-Shabaab. Astaantu waa astiintii lagu yiqiin weerarradooda."
Mutingi waxa uu sheegay in dad loo qabqabtay weerarka, laakiin bilayska ayaa daba socda raadad kale.
Waxa uu sheegay in ammaanka oo aad loo adkeeyay iyo feejignaanta bulshada ay sababeen hoos-u-dhac ku yimid weerarradii kooxda ku xiran al-Qaacidda.
"Waa shilkii ugu horreeyay tan iyo 30-kii May, waxanan rajaynaynaa in aan bulshada kala shaqeeyno sidii aan ku sugi lahayn ammaanka," ayuu yiri Mutungi.
Mid ka mida dhaawaca oo lagu magacaabo Justus Lemeri, oo 38-jir ah ayaa u sheegay Sabahi in uu ku sugnaan bannaanka tima-jaraha oo uu ku sugayay saaxibkii markii uu qaraxu dhacay.
"Waa la isku dhex yaacay iyada oo dadku qaar ku soo ordayeen meesha uu qaraxu ka dhacay, halka qaar kalena ay ka sii cararayeen," ayuu yiri.
Waxa uu sheegay in qiyaasta ay 10 qof fadhiyeen bannaanka tima-jaraha marka uu qaraxu dhacay.
"Bam-gacmeedkii ugu horreeyay waxa uu ku qarxay meel noo dhow, mana aanan garanayn waxa aannu sameeyno. Kadibna mid labaad ayaa ku soo dhacay dhulkii ciidda ahaa, kadibna waannu cararnay intii uunan qarxin," ayuu yiri. Lemeri, waxa uu sheegay in saddex farood uu dhaawac ka soo gaaray.
Boniface Mbuvi, oo isaguna goob-joog ahaa ayaa Sabahi u sheegay in isaga iyo saaxabadii ay dhowr mitir u jireen markii ay maqleen qaraxa. "Waxan ka ag dhawaa hoteelka inta badan maalintaas mana jirin wax laga shakiyi karay," ayuu yiri.
Waxa uu sheegay in ay dad-badani is dhex-yaacayeen oo ordayeen kadib markii uu dhacay qaraxu, wayna adkayd in la ogaado shakhsiyaadka fuliyay weerarka.
Xoogaa kadib, dadkii waxa ay isugu soo xoomeen meeshii qaraxu ka dhacay si ay dadkii dhaawaca ahaa ugu qaadaan isbtiaal. Waxa uu sheegay in markaa kadib ay bilaysku yimaadeen, oo ay xireen meeshii, dabadeedna ay wareesteen goob-joogayaashii.
Sarkaalka ugu sareeya qeybta Caafimaadka ee Isbitaalka Degmada Wajeer Maxamed Xuseen Cabdulqaadir, ayaa Sabahi u sheegay in isbtiaalka la dhigay laba qof oo dhaawac ah, halka laba kalena inta la daweeyay isla habeeynkiiba guryahooda loo diray.
Waxa u sheegay in kuwa la seexiyay uu soo gaaray dhaawacyo kala duwan, laakiin ay xaaladdoodu wanaagsan tahay.
Qaraxa ayaa ka dhacay meel 100 mitir u jirta makhaayadda Star, oo ah halkii bam-gacmeedka lagu weeraray 30-kii May kaasoo dilay hal qof afar kalena dhaawacay.
Waxa ay sidoo kale wax ka yar 500 mitir u jirtaa Hoteeka Dubai, kaasoo lagu weeraray bam-gacmeed 26-kii May, kaasoo ay ku dhaawacmeen saddex qof.
Kenya ayaa waxa ay la taahaysay weerarro xiriir ah oo dhacay xilliyo kala duwan loona adeegsaday bam-gacmeedyo, toogashooyin, iyo qaraxyo bambaanooyin tan iyo markii ay ciidamo u dirtay Soomaaliya bishii October si ay ula dagaallamaan al-Shabaab.
Bishii July 1-deedii, rag hubaysan ayaa ugu yaraan dilay 16 qof, isla markaana dhaawacay daraasiin kadib laba weerar oo isku xilli dhacay oo lala beegsaday kaniisado ku yaalla Gaarisa.
Inkasta oo weerarro araggaggixiso oo kala duwan lagu qaaday Wajeer iyo goobo kale oo ka mida Gobolka Waqooyi Bari, haddana dadka Kenyanka ahi waxa ay sheegayaan in ay u midaysanyihiin hanjabaadaha ay ku hayaan al-Shabaab.
Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya William Ruto ayaa sheegay in loo baahan yahay in la ballaariyo Howlg...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khamiistii (16-kii Maajo) waxa uu waraaqaha aq...
Ugu yaraan afar qof ayaa dhintay saddexna waa ay dhaawacantay Khamiistii (16-kii Maajo) markii xa...
Kenya iyo Tansaaniya ayaa Khamiistii (16-kii Maajo) si wadajir ah soohdintooda uga fuliyay howlga...
Cartan Sheekhdoon oo ahaa xubin ka tirsan kooxda xukuumadda la jaalka ah ee Ahlu Sunna wal Jamaac...
Maleeyshiysaad looga shakisan yahay in ay ka yimaadeen Itoobiya ayaa Khamiitii (16-kii Maajo) wax...
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa Khamiistii (16-kii Maajo) waxa uu Wasiirkii ...
Tansaaniya iyo Canada ayaa wada saxiixday heshiis iskaashi oo loo asteeyay in kor loogu qaado isl...
Ciidamada Qaranka Soomaaliya ayaa dilay 13 dagaalyahaniinta al-Shabaab ah Talaadadii (14-kii Maaj...
Xilligii kama dambaysta ahaa ee loo qabtay dadka reer Mandheera in ay ku soo wareejiyaan hubka sh...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo
Faallada akhristaha
waxa ahay wiil digta jamacada bariga africa waxa halkan ka cadenaya in madax waynaha mamulka putlan uu noqda mid beenlow ah sabaab too ah balanqad yadii uuqaday mafulin waxa kasiidaran wuxuu dhunsaday daqligii wadanka wadakii wuxuu ka iisaday shirkado tooga ah tolow halagaqabto nanka wadanka