Luulyo 19, 2012
Dawlada Tansaaniya ayaa ku dhawaaqday sadax maalood oo baroor diiq ah, kadib markii doonni waday 290 rakaab ah ay ku qalibmantay Arbacadii (Juulay 18keedii) iyada oo maraysay biyo kacsan. Doontaas oo ka tagtay Dar es Salaam una socotay Zanzibar.
Doonta MV Star Gates waxay ku degtay meel u dhaw Jasiirada Chumble markay ahay abaarihii 1:50 duhurnimo, sida uu sheegay Mwinyihaji Makame Mwadini oo ah Wasiiru Dawlaha Xafiiska Madaxwaynaha, ahna Gudoomiyaha Gudiga Kacaanka ee Dawlada Kacaanka Zanzibar.
"Waxaan u dirnay badbaadiyayaal iyo shan doomood meesha ay wax ka dhaceen si ay gacan u siiyaan kuwa kale ee wax badnbaadinayay." ayuu yidhi. Ciidamada Badda iyo Laanqayrta Cas ayaa ka mid ah kuwa wax badbaadinaya ee goobta jooga.
Sida ku qornayd liiska rakaabka, 290 qof iyo shaqaale ayaa doonta saarnaa, kuwaas oo ay ku jireen 30 caruur ah iyo qaar dalxiisayaal ah, AFP ayaa warisay.
Ilaa iyo hada 38 mayd ah ayaa la helay, 114 kalena waa la la'yahay. madaxda ayaa sidaas sheegtay.
Doomaha gobolka inta badan waxay qaadaan rakaab dheeri ah oo aan ku qornayn waraaqaha rasmiga ah, sidaas darteed tirada dadka doonta saaran- iyo tira koobka ugu danbeeyaba- waxaa laga yaabaa inay intaas ka badato.
Madaxwaynahya Zanzibar Cali Maxamed Shein ayaa sheegay in sadexda maalmood ee baroor diiqdu ay Khamiista ka bilaabanayso, taas oo calamada oo dhan hoos loo dhigayo.
"Arintani waa masiibo qaran, waxaanan ku dhawaaqayaa sadex maalmood oo baroor diiq ah, si aan ugu tacsiyayno saaxibada iyo qaraabada, anaga oo samaynayna wax walba oo macquul ah si aan u ogaano xaqiiqada," Shein ayaa sidaas shir saxaafadeed ka sheegay.
Af-hayeenka Golaha Qaranka Anne Makinda ayaa hakisay baarlamanakii Khamiista si sharci dajiyayaasha wakhti loogu siiyo in ay ka qayb galaan baroor diiqada iyo arimaha badbaadada.
Wasiirka Arimaha Gudaha Emmanuel Nchimbi ayaa soo gudbiyay go'aan ah in kulankii baalamaanka ee ahaa in miisaaniyada wasaaradiisa lagaga hadlo la joojiyo si xubnaha baarlamaanka ee Zanzibar ay reerahoodii ugu tagaan.
Nchimbi ayaa Sabahi u sheegay in uu diray Kormeeraha Guud ee Booliiska Said Mwema si uu u adkeeyo arimaha badbaadinta ee Zanzibar.
Kusimaha Xog-Haynta Baarlaaanka John Joel ayaa Sabahi u sheegay in xafiiskiisu diyaarado khaas ah ka duulaya Dodoma una duulaya Zanzibar uu siiyay xubnaha baarlamaanka ee Zanzibar.
Maydka la helo waxaa loo qaadi doonaa Maisara Grounds oo Zinzibar ku taala, halkaas oo hadda ka hor la geeyay maydkii The Spice Islander ee degtay Sebtembar 2011-kii, taas oo ay ku dhinteen ilaa 200 oo qof, boqolaalna ay ku dhaawacmeen. In ka badan 600 oo qof ayaa ka badbaaday dhacdadaas.
Doonta MV Star Gates ayaa ah doontii labaad ee ay leedahay shirkadda Sea Transport Ltd oo degta kadib markii MV Faith ay ku degtay dekeda Malindi bishii Maayo 2009-kii, iyada oo ay lix qof ku dhinteen.
Qarabadii rakaabka la la'yahay oo isugu yimid dekada Dar es Salaam.
"Sida aad aragtid, aad ayaan isugu dhex yaasannahay. nalama tusin xafiisyadii doonta ee ay ehelkaanagu tigidhada ka iibsadeen, madaxdu wax macluumaad ah oo ay nasiinayaan ma jirto, si aan goobta ku gaadhi karnana ma laha" Salum Axmed Salum ayaa Sabahi u sheegay isaga oo ilmaynaya.
Wasiiru Dawlaha Xafiiska Raiisul Wasaaraha William Lukuvi ayaa sheegay in xafiiska Wakiil Gobaleedka Dar es Salaam loo isticmaali doono xarun wareed ama macluumaad si dedka ehelka ah loola socodsiiyo warakii ugu danbeeyay ee rakaaba la la'yahay iyo dadka kale ee magaalada deganba.
Aisha Mwinyikai Salum oo Arbacadii doon uga timid Zinzibar ayaa Sabahi u sheegtay in ay badu aad u kacsanayd dabaylo xooggan darteed, taas oo ay qiyaasayso in ay dhacdadan sababtay.
Af-hayeenka Booliiska Zinzibar Maxamed Mhina ayaa isagana sheegay in dabayshu ay cunsur ama sabab u noqon karto. "Jawigu aad ayuu u xumaa, mawjado waawayn iyo dabayl xooggan ayaa jiray" AFP ayuu u sheegay. isaga oo intaas ku daray in xaaladaas ay ku khasabtay in ay arimihii badbaada ay joojiyaan habeenimada.
Sida caadig ah, ilaa 12 doon ayaa isaga gooshta inta u dhaxaysa Dar es Slaam iyo Zanzibar maalintii, taas oo doon walba ay samayso afar safar iyada oo goynaysa 39 mayl oo dhinaca badda ah
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Khamiistii (23-kii Maajo) waxa uu shaaciyay labadii magac ...
Shan qof ayaa la dilay afar kalena way ku dhaawacantay laba weerar oo ka dhacay gobolka waqooyi-b...
Sababta ugu wayn ee colaadihii ay ku dhinteen in kabadan 150 qof ee sannadkii hore ka dhacay Tana...
Ururka Caafimaadka Adduuna (WHO) ayaa shaaciyay in cudurka dabaysha uu ka dillaacay Geeska Afrika...
Ciidamada Soomaaliya ayaa xiray xiray shirkadihii isgaarsiinta iyo ganacsiyo kale oo ku yaal Bele...
Xukuumadda Soomaaliya ayaa bilaabi doonta in ay maamuullo goboleedyo ka dhisto goobaha dhawaan la...
Wasiirka Tamarta Jabuuti Cali Yacquub Maxamuud iyo danjiraha Japan u fadhiya Jabuuti Atsushi Nish...
Furitaanka Shirka Bixiyayaasha Saliidda iyo Gaaska Tansaaniya ayaa lagu qaban doonaa Daarusalaam ...
Xildhibaanada waxay dib uga noqdeen mooshinkii ka dhanka ahaa Ra'iisul-wasaare Cabdi Faarax Shird...
Madaxweynaha maamul-goboleedka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa Talaadadii (21-kii Maajo) ...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo
Faallada akhristaha
Waa arrin ceeb ah in sedx dhacdo oo caynkan ahi ay dhaceen saddexdii sanadood ee ugu dambeeyay. Anigu waxaan iswaydiinayaa tolow xukuumaddu goorma ayay arrinka si dhab ah uga hawl gali doontaa sugida ammaanka dadkeeda? Qaraqanka doontii dhawaan dagtay maaha in loo aaneeyo dabaylaha. Sidaa la ajligeed, waxaan u baahanahay in la qaado talaabooyin sidan ka adag, oo laga qaado cidii dadka noloshooda khatar galisa, iyadoo lacag doon ah. Mar kasta qaraxyo ayaa dhacaya, oo doonyo ayaa dagaya oo qaraqmaya, laakiin waxa kaliya ee aan mas'uuliinta ka maqalnaa waa: dhacdadaasi dhacdo murugo leh ayay ahayd oo khalad baa dhacay, iyo hadalo la halmaala. Laakiin marnaba ma aragno cid arrimahaas loo raaco oo mas'uuliyadooda qaada, noloshuna caadigeedii ayay kusii socotaa.
Miyaad hubtaa?
Arrinkani waa mid xukuumadda ku ah wax laga xumaado, arrinkanina waa markii labaad ee uu dhaco, sidaa awgeed waa in ay tayada ciidamada ilaalada xeebaha kor u qaadaan. WAA ANIGOO KHAMIS AH, OO ZANZIBAR JOOGA.
Wakhtigan xaadirka ah waxaa lama huraan ah in dadku bartaan dabaasha, si ay marka khatarahan oo kaleeto dhacaan ay u baxsan karaan, xukuumaduna waa inay dadka xeebaha ka shaqeeya laashash u fidisaa.
Dhacdooyinkani waxay noqdeen xad dhaaf, haddii baadhitaan dheeraad ah lagu sameeyana waxaa la ogaan doonaa in doonyaha iyo gawaadhidu ay ahaayeen qaar gaboobay. Waxaynu noqonay meel lagu qubo alaabta qashinka ah iyo waxyaalaha aan qiimaha lahayn, waxa arrinkaa ka dhashaana wuxuu noqon doonaa mid ina baabiiya. Arrinkani waa musiibo ku habsatay qarankeena, waxaanan tacsiyadaynayaa ehelada dadkii dhintay, ilaahayna inta dhimatay naxariistii jano ha ka waraabiyo!
Ilaahay waxaan ka baryayaa inuu calool adayg ku manaysto dhamaan dadka dontii qalibantay ku waayay cidii ay jeclaayeen, asxaabtoodii iyo qaraabadoodii, oo ay ka gudbaan wakhtigan adag ee ay ku jiraan.