Islii: tusaale xarumaha ganacsiga iyo kala duwanaashaha dhaqanka

Waxaa qoray Murimi Mugi oo Nairobi jooga

Luulyo 17, 2012

  • 1 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Bulshada muhaajiriinta ee kunool Nairobi ayaa waxa ay Islii ka abureen dhaqaale shaqaynaya 24-ka saac, iyagoo ka qeyb-qaatay in ay kor u qaadaan maqaamka ganacsiga ee aagga ugu mashquulka badan caasimadda.

  • Daahir Faysal, oo asal ahaan kasoo jeeda Itoobiya ayaa waxa uu iibiye ka yahay dukaanka Maxamed Sheekh Xuseen. Xuseen waa muhaajir Soomaali ah oo iibiya kabaha maqaarka laga sameeyay ee ay Itoobiya samayso iyo sidoo kale suudadka iyo shaararka laga keeno Uganda, Imaaraadka iyo Shiinaha . [Murimi Mugi/Sabahi]

    Daahir Faysal, oo asal ahaan kasoo jeeda Itoobiya ayaa waxa uu iibiye ka yahay dukaanka Maxamed Sheekh Xuseen. Xuseen waa muhaajir Soomaali ah oo iibiya kabaha maqaarka laga sameeyay ee ay Itoobiya samayso iyo sidoo kale suudadka iyo shaararka laga keeno Uganda, Imaaraadka iyo Shiinaha . [Murimi Mugi/Sabahi]

  • Safi Musa, oo muhaajir Itoobiyaan ah, waxa uu joogaa dukaankiisa dharka ee Amal Shoping Plaza ee Islii, Nairobi. Waxa uu alaabta ka keenaa Tansaaniya iyo Uganda.[Murimi Mugi/Sabahi]

    Safi Musa, oo muhaajir Itoobiyaan ah, waxa uu joogaa dukaankiisa dharka ee Amal Shoping Plaza ee Islii, Nairobi. Waxa uu alaabta ka keenaa Tansaaniya iyo Uganda.[Murimi Mugi/Sabahi]

Dhaqaalayahano iyo ganacsato ayaa leh in Islii ay casharo ka qaadan karaan dalka intiisa kale, sida magaalo wayn looga yareyn karo ciriiriga, iyadoo la abuurayo aagagg ganacsi oo ka duwan habka soo jireenka ah ee magaalada hoose ee xarunta u ah ganacsiga.

Guddoomiyaha Ururka Xarunta Dhexe ee Ganacsiga Nairobi (CBD) Timothy Muriuki ayaa sheegay guulaha ganacsi ee Islii ay ku dhiirri-galiyay ganacsatada iyo kuwa ka ganacsda horumarinta dhulka ee iyagu raadinayay in ay xarumo ganacsi ka abuuraan dalka intiisa kale.

Nairobi waxaa marki hore loo qorsheeyay in inta badan dukaamada ay ku yaalaan bartamaha magaalada, meelaha u dhow xafiisyada dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay, taasoo ciriiri ka abuuraysa xarunta dhexe ee ganacsiga magaalada, ayuu Sabahi ku yiri.

Hadda, magaalooyinka fog sida Kasumu, xarumaha ganacsiga waxa ay bilaabeen in ay ka fogaadaan xarumaha bartamaha magaalada ee mashquulka ah, taasoo saxmadda ka yaraynaysa xarunta dhexe ee ganacsiga.

Ganacsaatada ku nool qeybaha kale ee dalka ayaa sidoo kale bilabay in ay dabakhaan hab kale oo la qaab ah kan ganacsiga Islii -- iyagoo dukaamada waaweyn u qeybinaya sandaqado yar yar oo u ogolaanaya ganacsatada yar yar in ay ku iibiyaan alaabahooda. Qaybintan waxa ay gacan ka gaysanaysaa hoos-u-dhigidda biilasha sida ijaarka iyo korontada.

Marka laga tago in ay magaalada ka yaraynayso ciriiriga iyo gacan ka gaysashada in la abuuro ganacsato yaryar, ganacsatada Islii waxa ay sidoo kale ka qey- qaateen in ay Kenya usoo saaraan hab ganacsi oo shaqaynaya 24-ka saac, ayuu sheegayMuriuki.

Clyde Mutsotso, oo ah dhaqaaleyahan uu fadhigiisu yahay Nairobi ayaa sheegaya in Islii ay ku yaallaan in kooba oo ganacsiga ballaaran ah, balse ay leedahay wax badan oo ganacsi hoose iyo kan meel dhexaad ah.

"Waxaan ku qiyasayaa ganacsiga Islii in uu saddex meelood oo meel ka yahay ganacsiga Nairobi,"ayuu yiri Mutsotso. "Tani waxa ay lamid tahay, maadaama ay Nairobi soo saarto dakhli-sannadeed gaaraya 740 bilyan oo shilin ($8.8 bilyan doollar), Islii markaa waxa ay soo saartaa dakhli-sannadeed gaaraya 246 bilyan ($2.9 bilyan doollar)."

Tirakoobka bulshada ganacsiga Islii, oo ay u diiwaan-gashan yihiin 20,000 oo xubnood, ayaa muujinaya in ganacisga diiwaan-gashan ee Islii ay canshuur ahaan u bixiyeen 780 milyan oo shilin oo u dhiganta 9.3 milyan oo doolkar sanadkii 2011-kii.

Imaashiyihii muhaajiriinta ayaa bedelay Islii

Isbedelka Islii ay isku badashay tuulo ganacsi waxa loo celin karaa biloowgii sannadihii 1990-shameeyadii, markaas oo mowjadihii ugu horreeyay oo qaxooti Soomali ah, oo kasoo cararay dagaalkii sokeeye ay bilaabeen in ay soo dagaan, sida uu sheegay Peter Githinji, oo ah 50 jir, sida uu sheegayna waligii ku noolaa Islii.

Waxa uu Sabahi u sheegay in sannado gudahooda ay xaafaddiisii hore isu badashay xarumo ganacsi, oo muhajiriinta ka yimi dalalka dariska ah ay bilaabeen in qolalkooda ganacsiga ka samaystaan Garisa Looj, oo ah guri markii dambe isku badalay xarun laga dukaamaysto.

"Waxaan arkay baararki Islii iyo goobihii madadaalada oo laga dhigay dukaamo," ayuu yiri. "Sagaashameeyadii, waxaa jiray baarar iyo albeergooyin badan, laakiin kudhowaad dhamaantood waxaa laga dhigay dukaamo ganacsi iyo guryo."

Safi Musa, waa 38 jir Itoobiyaan ah, waxa uu Sabahi u sheegay in Islii uu yimi sanaddii 2006-dii, uuna Amal Plaza ka bilaaby ganacsi dharka iyo kabaha ah isagoo kaashanaya bulshada muhaajiriinta ah.

"Markii aan bilaabaayay ganacsiga ma haysan wax lacag ah, waxaan ahaa muhaajir ajanabi ah oo sharci-darro ku jooga, bankiyada ganacsigana ma aysan isiin karin wax dayn ah," ayuu yiri. "Muhaajiriinta ila midka ah ayaa ii ururiyay 2,000 oo doolar, taasoo aan maal-gashaday. Waxaan deeynti ka guday wixi aan iibinayay."

Maanta ganacsiga Musa waa uu horu-maray, waxa uu gaddislayda keena alaabaha kasoo jiitay meelo fog fog sida Caruusha iyo Kampala. Maxamed Sheekh Xuseen, oo 45 jir muhaajir Soomaali ah, oo iibiya kabaha laga keeno Itoobiya, ayay sheekadiisu waxa ay lamid tahay midda Musa.

"Markii aan Kenya imid sanadkii 2005-tii, ma aanan garanayn sida loogu hadlo luuqadda maxalliga ah. Inkastoo ay igu qaadatay waqti dheer, laakiin hadda waan ku hadli karaa sawaaxiliga. Tani waxa ay ii ogolaatay in aan ballaariyo ganacsigayga," ayuu yiri.

Xuseen, oo sidoo kale dukaan ku leh Amal Shoping Plaza, ayaa shegay in ganacsiga biliowgiisa uu aad u wanaaggsanaa, balse guusha Islii waxa ay sidoo kale ka dhigantahay in ganacsato badan ay usoo boodayaan goobta, iyadoo kordhinaysa tartanka.

Xuseen ayaa sheegay in uu gocanayo maalmihiisi hore, markii uu macaamiil ku lahaa guud ahaan dalka iyo dibadda, kuwaasoo saf u soo gali jiray in iibsadaan badeecadihiisa. "Xiliyadan tartanku aad buu u adagyahay. Qaar kamida gaddislayda waxa ay baddaleen calaamidihi ganacsiga, iyagoo qiimo yar ku iibinaya alaabaha faalsada ah. Tani waxa ay cuntay faa'idadeena," ayuu yiri.

Inkastoo caqabadaha ay jiraan, Xuseen waxa uu tilmaamay waxa uu Islii ka helay.

"Qaar kamid ah dhismayaasha ganacsiga waxa ay leeyihiin masaajiddo, taasoo u fududaynaysa [muhajiriinta Muslimiinta ah] in ay dukadaan," ayuu yiri.

Xuseen iyo kuwa kale ee ganacsiga ku haysta Islii ayaa leh in isbedelka Islii uu kasoo jiitay gaddislayda guud ahaan dalka, uuna gacan ka gaystay in dadka ka soo kala jeeda qowmiyada kala duwan ay is bartaan ayna u horu-maraan bulsho ahaan.

Eva Nyambura, oo 35 jir haweenay ganactao ah, oo todobaadkiiba mar Islii kaga timaada Meru, ayaa waxa ay Sabahi u sheegtay in ay baratay dhaqamada kala duwan iyo caadada looga dhaqo xaruntan ganacsi.

"Marka Islii laga dukanayo duhurki iyo 4-ta galabnimo, ganacsiga waa uu istagayaa, iyadoo dukaamada la xirayo," ayay tiri. "Haddii aanan alaabtayda gadan xilligaa ka hor, waa in aan sugaa ilaa 2-da duhurnimo markaas oo dukaamada dib loo furo."

"Markii hore ma aanan fahansaneyn sababta loo xirayo dhammaan dukamada xiliga salaadda," ayay tiri. "Waxaan ahay masiixi, kaliya waxaan kaniisadda aadaa Axadda, balse hadda waan fahmay."

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 13)

Dislike_icon(1)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • TILI
    July 19, 2012 @ 09:58:18AM

    Hadaba imika fadlan ku laabta dalalkiinii, waayo in idinku filan ayaad na dul saarnaydeen

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada

Macluumaad