Carwada ganacsiga Somaliland oo soo bandhigtay wax-soosaarka maxaliga iyo midka gobolkaba

Waxaa qoray Barkhad Daahir oo Hargeysa jooga.

Luulyo 16, 2012

  • 1 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Carwo-ganacsigii labaad ee Somaliland ayaa usbuucii hore Hargaysa lagu soo gabagabeeyay, taas oo ay ka qayb galeen 110 shirkadood oo maxali iyo kuwo gobolba isugu jira.

  • Telesom ayaa daah-furtay telefoono tamarta qoraxda ku shaqeeya, waxayna dadka siisay qiimo-jabin telefoonadooda qofkii iibsada inta ay carwadu socoto. [Barkhad Daahir/Sabahi]

    Telesom ayaa daah-furtay telefoono tamarta qoraxda ku shaqeeya, waxayna dadka siisay qiimo-jabin telefoonadooda qofkii iibsada inta ay carwadu socoto. [Barkhad Daahir/Sabahi]

  • Haween saf ugu jira si ay u fiiriyaan alaab carwada taala. Carwo- ganacsiyeedkan ayaa soo bandhigay shirkado iibinaya waxyaabo kala gadisan laga bilaabo qalabka tiknolojiga ilaa iyo cuntada sida maxaliga loo sameeyo. [Barkhad Daahir/Sabahi]

    Haween saf ugu jira si ay u fiiriyaan alaab carwada taala. Carwo- ganacsiyeedkan ayaa soo bandhigay shirkado iibinaya waxyaabo kala gadisan laga bilaabo qalabka tiknolojiga ilaa iyo cuntada sida maxaliga loo sameeyo. [Barkhad Daahir/Sabahi]

Waxa soo qabanqaabisay shirkadda xayaysiisyada daabacaadda ee Asal Advertisement Printing Design oo xarunteedu tahay Hargeysa oo kaashanaysa Rugta Ganacsiga, Wershadaha iyo Beeraha Somaliland. Furitaankii carwada waxa ka qaybgalay masuuliyiin ka tirsan ; Rugta Ganacsiga,dadweyne tiro badan, iyo wasaaradaha ganacsiga iyo warshadaha, dalxiiska, maaliyadda, kalluumaysiga, beeraha, difaaca, dhalinyarada iyo ciyaaraha.

Maaxamed Shukri Jaamac oo ah Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga, Wershaddaha iyo Beeraha Somalilad ayaa sheegay in carwo-ganacsiyeedkan oo sannadkiiba mar la qabto ujeedadiisu tahay si loo soo bandhigo wax-soo-saarka maxaliga ah iyo adeegyada ay shirkaddaha ganacsigu bulshada u diyaariyeen. Wuxuu sheegay in 110-ka shirkadood ee carwada ka soo qayb galay, 70 boqolkiiba ay ahaayeen kuwo maxali ah, inta kalana ay ka yimaadeen Jabuuti, Yamen iyo Itoobiya.

Waxa uu sheegay in wax-soosaarka gudaha Somaliland uusan ahayn mid buuran oo hadda uun uu bilaw yahay, laakiinse gobolka ay joogaan ilaa 20 shirkadood oo leh taariikh fiican oo wax soo saar. “Dhamaantood way ka qaybgaleen, cida koowaad ee carwadan loo sameeyayna waa iyaga,” ayuu yidhi. “Laakiin, maadaama aanay tiro madasha buuxiya lahayn, waxaanu ogolaanay in si guud looga soo qaybgalo carwada.”

Wuxuu sheegay in badeecooyinka sida maxaliga loo sameeyay ay ahaayen 20 ilaa 25 boqolkiiba badoocooyinkii carwada lagu soo bandhigay.

Wasiirka Ganaciga, Wershadaha iyo Dalxiiska Abdirisaaq Khalif Axmed, oo si rasmi ah u furay carwadaas ayaa sheegay in carwadu ay suura galisay jawi dadku isugu iman karaan, kana heli karaan alaabo badan oo hal meel ah.

"Waxa kale oo aanu doonaynaa, in ganacsatadu ku ogaadaan wax-soo-saarkooda, in ay suuq u helaan , inay isku dhaafsadaan khibradahooda iyo sidii ay dhaxdooda u kala faaiidaysan lahaayeen" ayuu Sabahi u sheegay.

Axmed ayaa ku booriyay ganacsatada Somaliland in ay shirkadaha dibadda ee ay gacansiga la leeyihiin ay badeecadooda carwada ku soo bandhigaan. Wuxuu balan qaaday in wasaaraddiisu ay fududaynayso sidii shati ama laysan ganacsi lagu heli lahaa, ayna yaraynaso caqabadaha hortaagan si ganacsiga loo fududeeyo.

Yusuf Afrikani, oo ah ganacsade Jabuutiyaan ah ayaa sheegay in sahlidda caqabadaha ganacsiga xudduudaha ka gudba ay sahlayso kobaca dhaqaalaha iyo hantida gobolka.

Xitaa wax soo saarka beeraha carwada way ka qeyb qaateen, Wasiirka Beeraha Somaliland Faarax Cilmi Maxamuud, waxa uu muujiyay sida uu uga walaacsan yahay wax soo saarka cuntada ee maxaliga iyo saamaynta ay ku leedahay dhaqaalaha. Wuxuu ku booriyay ganacsatada maxaliga ah in ay maal galiyaan qaybaha beeraha iyo kalluunka si loo yareero ku tiirsanaanta Somaliland ee alaabta dibadda laga keeno.

Cabdiraxman Ismaaciil, oo ah madaxa Suuq-geynta shirkadda Isgaadhsiinta Telesom ayaa sheegay in carwadu ay soo jiidatay ilaa 15-kun oo qof shantii maalmood ee ay carwadu furnayd. Wuxuu sheegay in dadku danaynayeen, qiimo-dhimis ay inta badan shirkaddaha ka qayb galay carwadu sameeyeen.

"Telesom ahaan waxaannu qiimo-dhimis 50 boqolkiiba ah ku samaysay biilasha telefoonada gacanta, laymanka telefoonada, iibinta telefoonada tamarta qoraxda ku shaqeeya iyo iibinta Internet-ka deg dega ah ee “3G” oo sannadkii hore la daah-furay" ayuu Sabahi u sheegay.

Cabdiqani Xariri, oo ah Madaxa Hawl gallada Salaam Financial Services oo Hargeysa ku taala, ayaa sheegay inay 10 kun oo qof ay u qaybiyeen waraaqo ay ku qoran yihiin adeegyada ay qabtaan, ayna ilaa 1000 qof u fureen xisaabaad bilaash ah.

Saado Cabdullahi oo u timid in ay iibsato waxayaabaha elektaroonikada iyo waxyaabaha la isku qurxiyo ayaa Sabahi u sheegtay in ay tagitaankeeda carwada si fiican uga heshay, sababta oo ah in waxyaabaha ay u baahan tahay oo dhan ay ka ibsan kartay hal meel.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 12)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • Sultan
    October 14, 2012 @ 07:15:34PM

    Waa wax wacan in soomaaliya ay talaabadan qaado. Anigu waxaan ka shaqeeyaa macradyo ku yaala dalalka gacanka carbeed iyo qaarada yurub, waxaanan u arkaa talaabadan mid wax ku ool ah, waxaanay horseedi kartaa inay isu yimaadaan dadka iyo shirkadaha iyo xukuumaduhu intuba, waxaanay faa’ido u yeelan kartaa qof kasta, waxaanay muujinaysaa aragti dhaqaale.

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma haboontahay in la badalo dastuurka Kenya si aqalka Guurtida awood dheeraad ah loo siiyo?

Fiirso natiijada