Red_arrow

Ma jeclaan lahayd in Soomaali aad ka dhigato luuqaddaada asaasiga ah, ee mareegtan? |

Dagaalyahanada al-Shabaab oo carar ah iyada oo xogagga isbahaysigu ay kusii siqayaan Marka

Waxaa qoray Maxamuud Maxamed oo Muqdisho joogaa

Luulyo 16, 2012

  • 117 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Dagaalyahanada al-Shabaab ayaa kasii baxaya goobihii ay ka joogeen Shabeellaha Hoose, iyadoo ay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa Midowga Afrika (AMISOM) ay kusii siqayaan magaalo xeebeedka Marko, oo 90 Kiiloomitir koonfur kaga beegan Muqdisho, saraakiil dowladda iyo kuwa Ammaanka ayaa sidaa Sabahi u sheegay.

"Ciidaamada huwantu waxa ay al-Shabaab ku ugaarsaanayaan bartamaha howdka, beeraha iyo sidoo kale tuulooyinka gobolka Shabeelaha Hoose," ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Cabduqaadir Maxamed Nuur.

"Ciidamada huwantu waxa ay sii wadaan kusi siqiddooda meelaha ay wali gacanta ku haayaan al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Hoose si ay u xaqiijiyaan gacan-ku hayn buuxda oo gobolka ah, ayna u ugaarsadaan dagaalyahanada al-Shabaab ee ka caraaray xaruntoodii tababar ee Laanta Buuro kadib markii ay ciidamada huwantu qabsadeen," ayuu Sabahi ku yiri.

"Canaasirta al-Shabaab hadda waxa ay meelo ay isku qariyaan ka baadi-goobayaan howdka, beeraha iyo tuulooyinka baadiyaha, laakiin ciidamada qaranka ayaa ballan-qaaday in ay ku ugaarsaadaan meel walba oo a joogaan si loo hubiyo gacan-ku-haynta buuxda ee aagga, iyadoo la tirtirayo dhammaan haraadigga kooxda arggaggaxisada ah," Nuur ayaa yiri.

11-kii Julay, ayay Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM qabsadeen xerada Laanta Buuro oo al-Shabaab u aheyd xero tababar,40 kiilomitirna koonfur kaga beegan Muqdisho, kadib weerar ay ku 11 dagaalyahan oo ka tirsan al-Shabaab iyo qabashada afar kale, sida uu sheegay af-hayeenka AMISOM gaashaanle sare Cali Aadan Xaamud.

"Laanta Buuro waa mid kamida meelaha istiraatiijiga ah ee al-Shabaab ay u adeeggsan jireen tababarada iyo weerarada kadhanka ah Muqdisho, waxa ay sidoo kale aheyd xarun tababar oo muhiim u ah dhaq-dhaqaaqa," ayuu yiri Xaamud.

"Qabashada aagga istiraatiijiga ah ee Laanta Buuro waxa ay xoojin doontaa ammaanka caasimadda Muqdisho iyo wadada Afgooye, waxa ay sidoo kale gacan ka gaysanasaa in gargaar aaddaninimo la gaarsiiyo dadka aagga daggan," ayuu Xaamud ku yiri Sabahi. "Tani waxa ay sidoo kale galbeedka iyo koonfurta caasimadda ka abuuraysaa jawi dagganaan, iyadoo meesha ka saareysa saldhigyadii ay arggaggaxisadu kasoo abaabuli jireen weerarada."

Marka laga soo tago helidda taangiyo iyo qalab militari,AMISOM waxa ay heleen in ka badan 500 oo jawaan oo raashin gargaar ah oo ay al-Shabaab ka dhaceen haay'adaha gargaarka iyo dadka deegaanka, Xaamud ayaa yiri. Waxa uu sheegay in raashinka ay xadeen al-Shabaab ay u adeegsan jireen in ay ku quudiyaan dagaalyahanadooda. AMISOM ayaa sheegtay in raashinka gagaarka oo loogu talo galay dadka ay abaartu saamaysay loo celin doono dadka deegaanka oo iygaa si weyn ugu baahan.

"Qabsashada Laanta Buuro waxa ay kahor tagaysaa in kooxda macangaga ee Islaamiga ah ay weeraro kusoo qaadaan gobolka," ayuu yiri taliyaha AMISOM sarreeye Guud Andrew Gutti.

Waddo u xaaridda Marka

Saraakiil xagga ammaanka ah ayaa leh qabsashada Laanta Buuro waxa a wadada u xaarreysaa in la xorreeyo magaalada Marka, oo ah caasimad-goboleedka gobolka Shabeellaha Hoose.

"Cadowgu waa uu sii cararayaa, ciidamada huwantuna wali ma aannay la kulmin wax iska caabbin ah," ayuu yiri Cabdulaahi Cusmaan, oo kamid ah saraakisha hoggaaminaysa ololaha militari ee gobolka. "Waxaanu si dhaqso ah u dhameystiraynaa howl-galkeena aan ku xorreynayno gobolka Shabeelaha Hoose, hadduu Alle idmo."

Intii lagu jiray bilihii dhowrka ahaa ee ina dhaafay, ciidamada Soomaaliya iyo kuwa la xulafada ah waxa ay al-Shabaab ku qasbeen in ay ka baxaan caasimadda, iyadoo kooxdu ay lumisay gacan ku haynta tulooyin dhowr ah oo ku yaalla bartamaha iyo koonfurta dalka.

Haddii ciidamada huwantu ay ku guulaystaan in ay gacanta ku dhigaan Marka, waxa ay noqonaysaa caasimad goboleeddii afaraad ee laaga fara maroojiyo al-Shabaab, kadib qabsashadii Beledweyne, Baydhaaba iyo Xudur.

Saraakiisha ayaa leh luminta Laaanta Buuro waxa ay kooxdu ku tahay dib u dhac xooggan, iyagoo lumiyay aagagg muhim ahaa lixdii bilood ee lasoo dhaafay, sida magaalooyinka Afgooye, Balcad iyo Afmadow.

"Al-Shabaab waxa ay u adeeggsan jireen Laanta Buuro in ay kasoo abaabulaan weerarada ka dhanka ah saldhigyada dowladda iyo AMISOM ay ku leeyihiin Muqdisho iyo hareereheeda, sidaa daraadeed qabashada magaaladan waxa ay guul wayn u tahay ciidamada huwanta, waxa ay sidoo kale dib-u-dhac xooggan ku tahay fallaagada," Cusmaan ayaa Sabahi u sheegay.

"Waxa aan hadda 30 kiiloomitir u jirnaa Marka, oo ay xag-jiriinta al-Shabaab kasii cararayaan cabsi ay ka qabaan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo kusii siqaya iyaga," ayuu yiri. 'Waxaan rajaynaynaaa in aan magaalada qabsanno sida ugu dhaaqsiyaha badan."

Dadka deegaanka Marka ayaa sheegaya in hogaamiyayaashaa al-Shabaab ay kasii baxayaan xarumahooda magaalada kadib markii ciidamadaa dowladda iyo kuwa AMISOM ay yimaadeen aagga Laanta Buuro.

"Dagaalyahaanada al-Shabaab waxa ay ku guurayeen baabuur yar yar oo kusii jeeda Baraawe, oo ah magaalo kale oo ay al-Shabaab kaga xoogganyihiin gobolka Shabeelaaha Hoose," Cabdulaahu Gurrey oo kamida dadka deegaanka Marka ayaa Sabahi ku yiri.

Guddoomiye Nuur ayaa sheeggay in howl-gallada lagu ugaarsanayo al-Shabaab ee gobolka ka socda lagu doonayo in lagu xoojiyo horu-marada iyo guulaha ay gaareen ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, iyadoo sidoo kale laga gaashaamanayo in al-Shabaab ay dib isusoo abaabulaan. Ololaha ayaa sidoo kale looga gol-leyahay in la qabto hoggaamiyayaasha al-Shabaab oo loo malaynayo in ay ku dhuumaalaysanayaan howdka gobollada Koonfureed.

"Cafiska ay dowladda Soomaaliya u fidisay dagaalyahanada isasoo dhiiba, kuma jiraan hoggaamiyayaasha arggaggaxisada ah ee laga shaki qabo in ay xiriir la leeyihiin al-Qaacidda, ayuu yiri Nuur.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 202)

Dislike_icon(31)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • Peter
    September 6, 2012 @ 10:57:42AM

    Maas, waan ka xumahay, ee riyadaada ha ku jirto iska sii wado. Qaarada Afrika ma sugi karto inta aad hurdada kasoo kacayso.

  • mujahideen
    August 21, 2012 @ 05:15:34AM

    Suxbaanalaah, waxa meesha faalooyin xun kusoo qoray dad badan oo Muslim ah, kuwaasoo magacyadii muslimka ee wanaagsanaa sita.....sida maxamad Rashid Abdulwahid..... Hadaba aan arrinka cadeeyo.. kooxda alshabaab maaha koox argagixiso ah, mana aha soomaali,balse waa dad muslimiin ah oo u dagaalamaya inay diintooda Islaamka ilaashadaan. Ilaahay wuxuu yidhi (waydinkaa jacaylka u haya iyaga (waa gaalada ee), inkastoo aysan iyagu idin jeclayn). Markaa fadlan ku faana diintiina oo ha ka cabsoonina in aad tidhaahdaan muslim ayaanu nahay. teeda kale, miyaad wax ka ogtihiin taariikhda marxuum Usaama Binu Laadin… kooxda alshabaab waa mujaahidiin, ilaahay idankiina quraankaa dunida u talin doona. waan idin salaamayaa.

  • jabaaanays
    August 19, 2012 @ 12:03:32PM

    waxaanaadutaageerijireyxarakatushabaabumujaahidiin inkastoolagaguulaystay waan kaxumahayilaaahayna waxanmajaahidiinta uu ugargaaro

  • nakileng pus water point
    August 18, 2012 @ 03:35:01PM

    Haloo dhigo cashar lama ilaawaan ah, markaasaa laga yaabaa inay wax ka badalaan dhaqankooda, laakiin amisom waa inaysan wax yeelin dadka aan waxba galabsan.

  • Samuel Thuku
    August 16, 2012 @ 08:13:21AM

    Joogitaanka ciidamada AMISOM ay Soomaaliya joogaan waa inuu dhalaa dalkoo dhan oo la xoreeyo, waana in xorayntaasi noqotaa mid dhakhso ah, waayo muwaadiniinta caadiga ah ayaa ah cida ay dhibaatada dagaalu ku dhacayso.

  • shykal
    August 15, 2012 @ 11:58:00PM

    Xukuumaddu waa inay wada shaqayn la yeelataa shirkadaha amaanka, si tababarka loo baahanyahay loogu helo ciidamada, kuwaasoo qaarkood waxoogaa tababar ah leeyihiin, sababatoo ah meel kasta ayay joogaan. Waa run in kooxda alshabaab ay wiiqantay oo sidii ay ahaan jirtay aysan ahayn, run ahaantiina haatan way sii baaba’ayaan, wakhti uumbaana inaga xiga marka aynu maqli doono in ay kooxdan u dhamaatay. Ciidamada difaaca Kenya iyo kuwa soomaaliya iyo kuwa Amisom ee ka socda dalalka qaarada afrika eek ala duwani waxay dhamaantood ku raad joogaan hadaf kaliya, kaasoo ah in kooxda alshabaab laga takhaluso. Dadka soomaaliyeed waxay haatan usoo jeesteen dhismaha dalkooda, xidhiidh dambena uguma hadhin kooxda alshabaab.

  • salim kamal
    August 15, 2012 @ 03:51:25PM

    Qof kastaa wuxuu rabaa in Soomaaliya ay noqoto meel nabad ah oo lagu noolaan karo, markaa waa inay Soomaalidu dhamaan midoobaan cadawgooda, si ay hadafkaas u gaadhaan. Hadaba soomaaliya nabada la rabo inay ka dhalataa waxay ku xidhantahay nooca hogaanka dalka hogaamin doona. Wakhtigan xaadirka ah arrimuhu si wacan ayay u socdaan, qof kastaana wuxuu rajaynayaa in ciidamada difaaca soomaaliya iyo kuwa amisom ay niyadoodu mudada soo socota ay wanaagsanaato.

  • Monanka
    August 15, 2012 @ 03:45:15PM

    Runtii hadii maqaalkan ay qadar yar oo xaqiiq ahi ku jirto (waa sidaan rajaynayee) waxa weeyaan in midawga qaarada afrika guusha ugu waynee uu soo hooyay ay tahay xoraynta soomaaliya ay ciidamada difaaca Amisom ay xoreeyeen. Dunidu waxay aad u sugaysaa inay aragtoo soomaaliya oo nabad iyo xornimo heshay. Bulshada caalamku labaatan sanadood ayay soomaaliya ku eegaysay dhibaatada haysata iyo fawdada ay la lagdamaysay, iyadoo aysan bulshada caalamku wax warwar ah ka muujinin. Laakiin haatan mar hadii ay ciidamada soomaaliya iyo kuwa AMISOM iyo ciidamada difaaca Kenya (Kenya waxay ku amaanantahay talaabada dhiiran ee ay bishii oktoobar ee la soo dhaafay ay qaaday) ay maanta heerkan joogaa, miyaysan wacnayn in bulshada caalamku ay taageerada loo baahanyahay u fidiso ciidamadaas, si xididada loogu saaro dhamaan noocyada kala duwan ee xagjirnimada, ee dalka dawakhaada ku riday, inta badana warwarka ku hayay? Hadaba waxaan soo jeedin lahaa in fursadan aysan bulshada caalamku khasaarinin, waana in quwada maraykanka iyo shiinuhu ay ka hawl gashaa soomaaliya, waana in ay ka shaqeeyaan xornimada soomaaliya. Mise meeshii saliidi ku jirto ayay dantooduna ku jirtaa?

  • sammysilingi
    August 15, 2012 @ 06:29:11AM

    Kitaabka injiilka waxaa ku qoran qaybta “genesis 6”, cida cid kale dhiigeeda daadisa waa in iyadana dhiigeeda la daadshaa. Waxaan leeyahay kooxda alshabaab qaarada afrika dadkeeda waad ceebayseen.

  • maweu
    August 14, 2012 @ 04:42:31AM

    Maxaa dadka loo cabsi galinayaa oo diinta loogu soo gabanayaa? Waxaa la gaadhay wakhtigii ay Soomaaliya xoroobi lahayd, Amisom na waxaan leeyahay gacanta ku dhiga argaggixisada. Waxaan ilaahya ka baryayaa inuu Soomaaliya barakeeyo.

  • narmi
    August 6, 2012 @ 05:11:42PM

    Waa ayaan darro in kooxda alshabaab sida ayda loo ugaadhsanayo, kadib markii ay dadka Soomaaliyeed argaggixisada inta badan ku hayeen. Hambalyo ciidamada Amisom iyo kuwa dawladda TFG -a, waayo waxay dalka ka saareen dhiigya cabka alshabaab.

  • PAUL FESTO GWARO
    August 6, 2012 @ 08:32:45AM

    Waxaan hambalyaynayaa ciidamada xulufada ah, waxaanan leeyahay fadlan tirtira dadkan sida xun wax u wada oo Soomaaliya ka saara, waayo dadka Soomaaliyeed waa in si kama dambays ah loo xoreeyaa.

  • Abdalla Awale
    August 6, 2012 @ 06:03:48AM

    Soomaaliya waxay qaadday talaabooyin looga dan leeyahay in dalku uu kaga soo kabto dagaaladii sokeeye ee dalka cadibaada iyo kadeedka ku hayay labaatan sano wax ka badan. Dawladda federaalku waxay la timid wax kasta iyo ficil kasta, si ay u hubiso inay dadka Soomaaliyeed nabad iyo amaan helaan. Waxay dawladdu tababartay kumanaan bilays iyo askar ah, si ay dadkeeda u difaacdo, waxayna sidoo kale ugu baaqday deeq bixiyayaasha inay usoo gurmadaan Soomaliya, si dadka loo quudiyo. Dawladda federaalka Soomaaliya waxay sidoo kale hagaajisay oo ay dib u habaysay nidaamka garsoorka dalka iyo xeerarka kale ee cabudhinta ku hayay dumarka iyo dadka laga tirada badanyahay. Sidaasayna dumarka ugu suurtowday inay fursad u helaan inay baarlamaanka ka dhex hadlaan oo ay ka qayb qaataan go’aamada muhiimka ah ee dadka Soomaaliyeed noloshooda ku saabsan. Dawladda federaalku waxay sidoo kale dibu dhis ka wadaa dalka, halkaasoo ay dib u dhistay wadooyinkii iyo meelihii kale la midka ahaa, halkaasoo ay imika jiraan iskuulo cusub oo laga hirgalinayo meelo kala duwan oo Soomaaliya ka mid ah, iyo cisbitaalo cusub oo la rabo inay ka shaqeeyaan wanaaga dadka Soomaaliyeed. Markaa dawladda Soomaaliyeed wax wacan ayay qabatay, laakiin waa wax ka yar wixii loo baahnaa, haddii ay caawimo ka hesho bulshada caalamkana waxay awoodi doontaa inay hawlo dheeraad ah qabato, si ay dadka Soomaaliyeed bilaw cusub ay noloshooda bilaabaan.

  • Eric
    August 6, 2012 @ 03:58:37AM

    Ragga waxan leeyahay ha is dhiibina, oo baadigooba dadkan si aad u dabar goysaan. Alshabaab waxay ka dhigantahay kaneeco la dagaalamaysa maroodi, markaa halkaa ka haya hawsha.

  • josephat
    August 6, 2012 @ 01:05:26AM

    Alshabaab waa in si dhakhso ah wax looga qabtaa, si dadka Soomaaliyeed ay u helaan jawi nabdoon oo ay ku noolaadaan.

  • JK Wanjohi
    August 5, 2012 @ 11:47:25AM

    Kulaylka dadkani ha dareemaan. Suura gal maaha in aan nolosheena ku dhamaysano cabsi aan ka qabno tiro yar oo dhiigyacab ah, kuwaasoo aan aaminsanayn xuquuqda iyo mabda’yada aasaasiga ah ee bini’aadamka. Si kasta halagu gaadhee, waa in alshabaab maalayacnigooda la joojiiya.

  • twendekazi
    August 5, 2012 @ 09:47:13AM

    Amisom fadlan laaya dooliyadan

  • concerned kenyan
    August 5, 2012 @ 09:31:02AM

    Afrika waxay u baahantahay hogaamiyayaal ilaahay ka baqanaya. Hadda waxaan rabnaa inaan madaxwayne Soomaaliya u samayno, laakiin wali afkaartii alshabaab iyo habdhaqankoodii wuu sii jiraa. Maxay hogaamiyayaasha Afrikaanka ahi u yihiin qaar bilaa naxariis ah? Maxay u yihiin qaar musuqmaasuqa ku dhaqma oo ay hantida qarankooda jeebka u gashadaan? Ma qabyaaladaa u sabab ah? Mise waa qaraabokiilka? Hogaamiyayaasha Afrikaanka ahi waa inay wax ka badalan habka dhaqankooda la midka ah kii Hitler, waana inay dimuqraadiyad ku dhaqmaan. Waxaan hadalkayga uga jeedaa cid kastaa waxa ay rabtaa inay noolaato oo nolol wanaagsan ku noolaato. Waxaa meesha yaala su’aalo muhiim ah oo ay tahay inaan iswaydiino. 1. Maxaa sababay in kooxda alshabaab abuuranto? 2. Alshabaab miyay jireen arrimo dhab ah oo ay ka warwarqabeen, kuwaasoo la iska indha tiray? Kenya waxaan leeyahay taxadir yeelo, waayo waxbaa kasoo socda xeebaha. 3. Miyay jiraan ciidamo shisheeye oo wax u dhimaya nabada qaarada Afrika? 4. Hogaamiyayaasha Afrikaanka ahi miyay yihiin qaar buuxiyay shuruuda dimuqraadiyadda? Anigu sidaan ogahay, kooxda alshabaab waxay ciidamaysay dad dalalka jaarka ah kasoo jeeda! Sideebay markaa dalalkaasi ula dhaqmi doonaan dadkaas marka ay alshabaab meesha ka baxdo? Mise shabakadda alshabaab gabigeedaba waa la kala furfuri doonaa? Anigu alshabaab ma taageersani, laakiin calool adaygoodu waa wax loo riyaaqo! Markaa baal aan eegno oo aan sugno waxa dhici doona!

  • James
    August 5, 2012 @ 08:55:47AM

    Alshabaab hala tirtiro gabigoodaba

  • DAMA
    August 3, 2012 @ 10:50:52AM

    Waa in dhamaantood la laayaa, maxay u laynayaan dad aan waxba galabsan?

  • MANGABEY
    August 3, 2012 @ 10:20:04AM

    Hambalyo ciidamada AMISOM, waxaanan leeyahay hawsha sii badiya si aad usoo ceshataan dalkiina, oo aad nabad ugu noolaataan

  • CHRISTIANO
    August 3, 2012 @ 04:21:19AM

    Anigu runtii aad ayaan ugu riyaaqay ciidamada Amisom, kuwa Kenya iyo hawlaha ay wadaan ee ay ku rabaan inay kaga takhalusaan kooxda alshabaab.

  • CHRIS
    August 2, 2012 @ 03:18:19PM

    Waxaan hambalyaynayaa ciidamada AMISOM, kuwa Kenya iyo kuwa dawladda TFG-da. Ilaahay ha idin barakeeyo oo idin gaadhsiiyo guul aad ka guulaysataan dooliyada kooxda alshabaab, waayo walaaleheena Soomaaliyeed ayaa idiin hanqal taagaya, anaguna intaa jilbaha ayaanu dhulka ku haynaa, waxaanan ilaahay ka baryaynaa inuu idin ilaasho, boqolkiiba boqolna waanu idin garab taaganahay, mar labaadna waan idin hambalyaynayaa.

  • Rashid
    August 2, 2012 @ 02:02:59PM

    Aniga waxay ila tahay waxa Soomaaliya ka socdaa waa wax ka wayn waxa laynoo sheego. Aniga waxaa iga dhaadhicin sababta ay dalal badani isaga dhigayaan qaar raba inay Soomaaliya nabad hesho, laakiin haddana marka alshabaab TV yada laga arko, waxaad arki kartaa iyagoo hub aad u culus sitaa, maraa bilaa calaykum hubkaasi ma yihiin qaar Soomaaliya dhexdeeda lagu sameeyay. Haddaba waxa suura gal ah in ay jiraan dalal waawayn oo ku lug leh ka ganacsiga hubka, amabase waxaa Soomaaliya dhex yaala wax ay cid waliba rabto inay gacanta ku dhigto iyadu.

  • zarqaw
    August 2, 2012 @ 05:18:12AM

    Alshabaab waxay u halgamayaan oo wali ay u taagan yihiin in ay islaam iyo Soomaalinimo wax ku xukumaan, markaa yaanay dadkan nacasnimada badani idin horjoogsanin

  • ontita chris
    August 1, 2012 @ 05:44:52AM

    Anigu waxaan qadarin usoo jeedinayaa dadaalka ay la yimaadeen ciidamada AMISOM, kaasoo ay ku rabeen inay Soomaaliya nabad iyo dimuqraadiyad kusoo dabaalaan.

  • MUTUKU
    August 1, 2012 @ 04:46:50AM

    Qof maskaxdiisu dhantahay maaha inuu alshabaab wax naxariis ah tuso. Meel kasta oo la joogo, ama Soomaaliya ha ahaato ama dunida kaleba ee, waa in qof kastaa uu yidhaahdaa (baabiiya alshabaab siday u dhanyihiin)

  • MUSTAFA HAJJI VUAI
    August 1, 2012 @ 03:43:23AM

    Ma jiraan dad dalkooda ka soo horjeeda

  • Mutuku, Dickson
    August 1, 2012 @ 03:07:15AM

    Aniga wuu I cajabiyay arrinkani! Haddii ay ciidamada Kenya Soomaaliya ay shan iyo toban sano ka hor gali lahaayeen, waxaan Soomaaliya ka badbaadin lahayn burbukii ay nasiibdarro ku dhacday. AMISOM waxaan leeyahay hore u socda, oo hawsha aynu sida geesinimada leh u bilawnay aan dhamaystirno.

  • chamdiela
    August 1, 2012 @ 01:25:42AM

    Ilaahay mar walba xaqa ayuu la jiraa. Amisom waxaan leeyahay shaqada wacan eed haysaan sii wada. Ha noolaato AMISOM iyo AFRICA

  • JULIUS IRWARE
    August 1, 2012 @ 01:16:45AM

    Hambalyo ciidamada AMISOM, ha joojinina soo qabqabashada ama laynta dooliyadan iyo xayawaankan!!!

  • jeilani
    July 31, 2012 @ 03:10:55PM

    Qof waloo adduunkan joogaa wuxuu xaq u leeyahay inuu si xor ah u noolaado oo siduu rabo mustaqbalkiisa u qorsheeyo. Ilaahay dadka wuu simay markuu abuurayay, markaa dadku waa inay si isleeg u qaybsadaan barwaaqada iyo awooda iyo khayraadka. Anigu waan yaabaa marka aan maqlo nidaamka qabaa'ilka ee ah 4.5/afar dhibic shan, waayo wuxuu qaybo Soomaalida ka mid ah duudsiyayaa xuquuqdooda. Markaa Soomaalida waxaan leeyahay iska tirtira nidaamkaas, oo ixtiraama xuquuqda walaalihiin. Waxaan rajaynayaa in isbadalka la sugayaa uu meel kasta iyo wax kasta taabto, meeshana dad wada cusub ay yimaadaan (madaxweyne iyo xukuumad cusub) kuwaasoo lagu soo xulo xirfadooda iyo aqoontooda iyo khibradooda.

  • marcorn
    July 31, 2012 @ 10:48:38AM

    Alshabaab waa in la tusaa in dadka Soomaaliyeed ay iyagu laftoodu nabad u baahan yihiin. Sidaa waa inay yeelaan ciidamada AMISOM oo waa inay la dagaalamaan kooxda alshabaab, waana inay hubiyaan in alashabaab ay Soomaaliya ka baxday, si walaaleheena Soomaaliyeed ay nabad u heli lahaayeen iyo nolol raaxo leh.

  • Abdull Sirat
    July 31, 2012 @ 07:46:43AM

    Habmalyo ayaan leeyahay ciidamada Soomaaliya, kuwa Amisom iyo waliba muwaadiniinta Soomaliyeed, ee dhamaantood mar labaad u halgamaya sidii ay dalkeena la af-duubay ee Soomaaliya uga xorayn lahaayeen dhiigya cabyada xishoodka daran, kuwaasoo diinta ilaahay kusoo gabanaya si ay wax u laayaan waxna u jidh dilaan. Waxaan hubaa in ilaahay isagu naftiisu uu aad idinka jazaa’I siin doono

  • steve
    July 31, 2012 @ 05:58:23AM

    Alshabaab waa in dunida oo dhami ay gacmaha isu qabsataa oo ay ka takhalustaa gabigoodaba, sababtoo ah waxay qasaariyeen dalkii walaaleheena Soomaaliyeed iyo qarankoodiiba.

  • moha
    July 31, 2012 @ 05:53:56AM

    alshabab waa in si dhaqso ah loga saro wadanka simalia

  • suleiman
    July 30, 2012 @ 08:33:44AM

    Hambalyo AMISOM, waxaad tihiin dad lagu faano, waxaanan idinka codsanaynaa inaad baabiisaan alshabaab dhamaantood. Meesha ku dambayn doonaana waa cadaabta.

  • geofrey
    July 30, 2012 @ 03:28:09AM

    Saaxiibayaal! Alshabaab waa inay ka fikirtaa waxay waddo, iyo wixii saamayn ah ee ay falalkeedu bulshada ku hayaan, ha xumaato ama ha samaato saamayntaasiyee. Sidoo kale, waa inay soo afjaraan falalkooda, waayo cimri badani uma hadhin kooxdan.

  • Hajir
    July 29, 2012 @ 07:09:54PM

    Anigu daacadnimo haddaan u hadlo ma taageersani arrinkaas, waayo dagaalku wax kastaa ha jiree waa arrin la baajin karo. Sidaa awgeed, anigu waxaan rabaa in aan soo jeediyo in dhamaan dhinacyada arrinku khuseeyaa ay la yimaadaan xal kan ka wanaagsan, xalkaas oo lagu xaliyo musiibada dagaalada sokeeye ah ee Soomaaliya ka socota. {wadahadalka} waa in laga door bidaa dagaalka.

  • Kimario Leons Ngalai
    July 29, 2012 @ 08:52:48AM

    Waxaan hambalyo balaadhan usoo jeedinayaa ciidamada Afrikaanka ah iyo kuwa Soomaaliya, waxaanan leeyahay shaqo wacan ayaad qabateen si aad usoo celisaan nabadda oo ay walaaleheena Soomaaliyeed nabad u helaan.

  • Josh
    July 28, 2012 @ 07:11:43PM

    Way fiicantahay in sidoo kale la dabar gooyo gaaladan oo dhulka laga tirtiro, waana inay ku biiraan aabohooda ay ku abtirsadaan ee shaydaan, kaasoo ay yihiin qaar u adeega, waana inay kala doortaan cadaab ay ku waaraan ama inay toobad keenaan oo mar labaad ay bini’aadam noqdaan.

  • Kenyan
    July 28, 2012 @ 07:50:32AM

    Maleeshiyada alshabaab dhib iyo dhimasho hala kulmaan, waayo waxaad carqalad ku ahaydeen nabad ay helaan dadka Soomaaliyeed iyo kuwa reer Kenya. Waxaanan idiin baryayaa in aad shaydaanka waligiin cadaabta kula waartaan!!!

  • Xildh. GARWEYNE KUULOW AWEYS
    July 28, 2012 @ 04:34:41AM

    AL SHABAAB SEE LOOGU XURROOBAA HADDIIBA MADAXDII DALKA SHICIBKOODA XOOGAYAAN !!!! SIDA XILDHIBAANKA KELIYA EE BANAADIRI REER MARKA CADEEY LAHAAYEEN WAXAA KA XOOGOOYAA MADAXWEYNAHA DALKA IYO SODOGIISA SULDAAN MUSTAF ODEYDHAQAMEED CUSNAAM YAROW SI AY BOOSKAAS U SIIYAAN SULDAA MUSTAF OO AAN XATAA REER MARKA AHEYN.....WAXII FAAH FAAHIN AH IGALA SOO XIRIIRA TEL.

  • TREVOR
    July 28, 2012 @ 04:32:33AM

    Ciidamada AMISOM shaqo wacan ayay wadaan, waxaanan leeyahay kooxda alshabaab laad kaga saara qaarada Afrika. Laakiin waa in ciidamadu ay sidoo kale baabiiyaan alshabaab taageerayaashooda Kenya iyo dunida kaleba ku nool.

  • Doho
    July 28, 2012 @ 01:33:06AM

    Bal aynu ka war sugno halka ay arrimahanaasi ku dambeeyaan, aynuna aragno wixii guul ah ee si dhab ah looga gaadho dagaalkan wali socda.

  • Isidoro Kaigwa
    July 27, 2012 @ 12:57:19PM

    Waxaan qadarin u hayaa dadaalka ay dawladda Kenya wado ee ku aadan kooxda alshabaab

  • Kaputula Mbwembwe
    July 27, 2012 @ 07:30:58AM

    Anigu waxaan ku faraxsanahay in walaaleheena Soomaaliyeed ay haatan guul ka gaadhi doonaan dagaalka ay kula jiraan argagixisada, kuwaasoo kharibay dalka Soomaaliyeed, iyagoo kusoo gabanaya diinta wanaagsan ee Islaamka. Anigu ma ihi qof Muslim ah, laakiin waxaan rumaysnahay inaad diintiina si wacan u raaci doontaan oo aydaan wax ay argagixisadu qiil ka dhigtaan u samayn doonin, si aysan dalkiina u burburin. Waxaan idinkul talinayaa inaad ka shaqaysaan sidii aad u dejin lahaydeen qawaaniin iyo xeerar idinkala xukuma inta aad dunidan joogtaan. Mar hadaad tihiin dad Islaam ah, shaki kuma jiro in ilaahay idin hagi doono si aad dalkiina ugu dejisaan sharci wanaagsan. Ta kale, dumarka ha dhibina idinkoo diinta qiil ka dhiganaya, haddii eebe idmona waxaad heli doontaan nabad iyo xasilooni ka dhalata dalkiina.

  • peter mmust
    July 27, 2012 @ 07:13:33AM

    Ha la laayo ciddii arggaggixiso ah ee is moodsiisa inay meeshay rabto tagi karto, oo ay dadka u diidi karto inay noolaadaan oo xor ahaadaan

  • amar
    July 27, 2012 @ 07:00:02AM

    Alshabaab waa in Soomaaliya laga tirtiraa

  • mitchell
    July 27, 2012 @ 06:57:35AM

    Farriintayda alshabaab ku socotaa waxa weeyaan: waxaad hadda joogtaan wakhtigii aad calanka cad taagi lahaydeen ee aad is dhiibi lahaydeen, haddii aydaan sidaa yeelin waad dhiman doontaan.

  • Benard Mabonga
    July 27, 2012 @ 05:04:08AM

    Dadka alshabaab taageersani waa inay ogaadaan in maalmo yari ugu hadhsanyihiin dunidan, waana inay ogaadaan in aan haysano sirdoon aad u quwad badan.

  • bk
    July 27, 2012 @ 03:12:16AM

    Waa wax lala yaabo in qof caqli lihi oo taageeri karo kooxdan nacasnimada ku shaqaysa.

  • ABDIWELIOSMANKHALIF
    July 26, 2012 @ 02:05:39PM

    Mar haddii aysan alshabaab wax qiima leh u arkaynin xuxuuqda bini’aadamku u leeyihiin inay noolaadaan oo xoriyad helaan, maxay tahay sababta ay wali u nool yihiin? Dadkan waa in la jidh dilaa oo la daldalaa waligood.

  • GODFREY
    July 26, 2012 @ 11:31:31AM

    Ugaadhsada oo ugaadjsada si loo dilo (alshabaab-ta)

  • ben
    July 26, 2012 @ 09:38:40AM

    Ciidamada is bahaysigu waa inay si dhakhso ah talaabo u qaadaan, si ay dadka Soomaaliyeed xoriyad ugu naaloodaan dalkooda.

  • adnaan
    July 26, 2012 @ 08:31:28AM

    Aniga waxay ilatahay kooxda alshabaab wakhtigoodii waa dhamaaday. Waa hubaal in alshabaab ay godad iyo booraamo ay ku gabadaan qodayaan, laakiin weerarada waa lagu wadi doonaa, waxaanan u malaynayaa inay badali doonaan tabaha iyo xeeladaha dagaal ee ay adeegsadaan, halkaasoo ay bilaabi doonaan dagaalo ku dhufoo ka dhaqaaq ah, oo ay ka fuliyaan meelaha dadka rayidka ahi ku nool yahay. Falkii arggaggixiso ee ugu dambeeyay ee ay fuliyaan wuxuu ka dhacay Kenya, halkaasoo ay ku dileen dad badan oo cibaadaysanayay oo aan waxba galabsan, oo ku jiray kaniisad, xili ay socotay salaadii iyo wacdigii aroornimo.

  • omach murema
    July 26, 2012 @ 07:06:03AM

    Anigu qaraxii shalay ka dhacay xerada qaxootiga Dhagaxley oo kamid ah xerooyinka Dhadhaab aad ayaan uga xumaaday waxay arggaggixisadu u gaysteen ciidamada bilayska Kenya, halkaasoo ay laayeen qaar kamid ah bilayska oo asxaabtayda ah. Markaa kooxdan alshabaab waa in laga takhalusaa.

  • tony
    July 26, 2012 @ 02:26:19AM

    Marka wakhtigaasi la gaadho, waxaan telefishanada ka daawan doonaa wararkii oo xusaya in magaalada kismaayo ay soo gacan gashay, markaa haddii taasi dhacdo, aniga waxay ii noqon doontaa wax lagu faano, sababtoo ah hawsha noocaas oo kale ah waxa fulinteeda ka dambeeya ciidamada difaaca Kenya iyo dabcan ciidamada kaleeto ee Amisom iyo dalalka kale ee inagu soo biiray. Teeda kale, maaha in ciidamadeena mar dambe aan dhayalsanno.

  • NIMO
    July 26, 2012 @ 01:54:41AM

    Hambalyo ayaan ciidamada AMISOM leeyahay

  • katra
    July 26, 2012 @ 01:42:11AM

    Hambalyo ayaan u dirayaa ciidamada AMISOM, alshabaabna waa inay isa soo dhiibtaa, sababtoo ah markan waxay ila tahay way isa soo dhiibi doonaan. Markaa ciidamada Amisom waxaan leeyahay shaqo wacan ayaad qabateen.

  • JOB LUMBUKU
    July 25, 2012 @ 01:48:34PM

    Qof kastaa waa inuu u duceeyaa ciidamadeena Soomaaliya ku sugan.

  • hellen
    July 25, 2012 @ 08:52:28AM

    Waa in laga hortagaa, sababtoo ah dadkani iyaga u sabab ah sixir bararka dalkeena Kenya ka jira, waxaanay xadaan isla markaana ay dhisaan guryo ku yaala

  • Mulwa Ndula
    July 25, 2012 @ 06:19:37AM

    Anigu maqaalkan waan ka helay, waayo wuxuu soo bandhigay macluumaad cad IWM.

  • Mohamud Hassan
    July 25, 2012 @ 03:21:14AM

    Anigu waxaan kaliya rajaynayaa in Soomaaliya ay noqoto meel nabad ah oo lagu noolaan karo. Markaa dadka Soomaaliyeed waa inay cadawgooda u midoobaan. Anigu waxaan qabaa in ama alshabaab ha joogto ama yaysan jooginee ay nabad Soomaaliya ka dhalataa ku xidhan tahay kolba hogaanka dalka taladiisa loo dhiibo. Soomaaliya ha noolaato.

  • twendekazi
    July 25, 2012 @ 02:10:12AM

    Alshabaab waa gaangistaro aan waxba isla hayn laakiin jecel inay balaayo-balaayo iska dhigaan, run ahaantiina waa fulayaal fulaynimada heer ka gaadhay. Taa waxaa caddaynaya sida ay horjoogayaashoodu godadka iyo booraamaha ugu dhex dhintaan iyagoon waligood xabad ridin. Hadiise ay ciidamada Unisom ay kulaylka sii wadaan, waxay alshabaab noqon doonaan wax caruurta malcaamadaha looga sheekeeyo oo taariikh ahaan loogu dhigo.

  • nyakundi
    July 24, 2012 @ 08:17:11AM

    Alshabaab ha dhintaan.

  • bombaata
    July 24, 2012 @ 06:09:30AM

    Hore ugu socda maleeshiyada kenya

  • BIKO
    July 24, 2012 @ 05:41:07AM

    Kooxaha falaagada ahi dalka Kenya oo kaliya nabaddiisa dhib kuma hayaan, balse ee dunida oo dhan ayay dhib ku hayaan. Markaa waa inay waxay ku jiraan iska daahiriyaan oo ay ciidamada difaaca Kenya isu soo dhiibaan. Ciidamadeenana waxaan leeyahay hambalyo, waayo waxay go’aansadeen inay soo afjaraan kooxahan gacan ku haynta ay koonfurta Soomaaliya gacanta ku hayaan. Waxaan idiin rajaynayaa guul balaadhan.

  • IRENE
    July 24, 2012 @ 03:53:05AM

    Waligiin cadawgu yuusan dalkiina gacanta ku dhigin, waxaanan salaamayaa ciidamadeena, ilaahayna waxaan ka baryayaa inuu awood siiyo maalin kasta, waxaanan leeyahay halkaa kaga haya, ilaahayna waxaan idiin baryayaa inaad guul gaadhaan, ilaahayna waa idinla jiraa. Ilaahay ha barakeeyo ciidamada Kenya iyo dhamaan ciidamada kale ee taageeraya.

  • jeremiah
    July 24, 2012 @ 03:52:43AM

    Arrinku si wacan ayuu u socdaa, markaa niyaddiinu ha sarrayso ayaan leeyahay ciidamada Amisom iyo kuwa Soomaaliya, waxaanad xusuusnaataan in baadilku uusan xaqa ka gacan sarrayn doonin waligii.

  • akula charles
    July 24, 2012 @ 02:58:58AM

    Anigu waxaaan qabaa in dawladdu ay wada shaqayn la samaysaa dhamaan shirkadaha ammaanka, waana in la tababaraa waardiyaasha kuwooda waxoogaa wax barasho ah leh, sababtoo ah way dhamaadeen, alshabaab na waxaan leeyahay wax talaabo ah ma qaadayno.

  • abdi
    July 23, 2012 @ 03:21:10PM

    Waa dhab in alshabaab ay haatan daciiftay, oo ay sidii qof sii dhimanaya ay tahay. Dhawaana waxaynu maqli doonaa baaba’a kooxdan xumaanta ku caan baxday. Arrinkan waxaa u sabab ah waxay haatan kooxdu gacanta ku haysaa tiro yar oo magaalooyin ah, run ahaantiina magaalada kaliya ee sida buuxda ay u haystaan waa magalada kismaayo. Sababta kale ee kooxda daciifisay waa ciidamada dhan walba lagaga soo dhoobay, halkaasoo ay ku xeeranyihin ciidamada Soomaaliya, kuwa Kenya iyo kuwa AMISOM oo ka kala socda dalal door ah oo afrikaan ah. Dhamaan ciidamadani waxay leeyihiin hadaf kaliya, kaasoo ah in alshabaab la laayo. Sidoo kale, cidamada kooxdu aad ayay u yar yihiin, sababtoo ah haatan ma awoodaan inay ciidamo cusub qortaan, waayo tiro yar oo magaalooyin ah ayaa gacantooda ku hadhay. Sidoo kale, dadka Soomaaliya waxay u jeesteen dibu dhiska dalkooda, wakhtina uma hayaan kooxdan. Teeda kale, kooxda waxa kasii dhamaatay lacagtii, waayo haatan ma awoodaan inay afduubaan doonyaha ama inay falal arggaggixiso fuliyaan, markaas hub ma libsan karaan.

  • anonymous
    July 23, 2012 @ 11:19:27AM

    @maas waxaad ka mid tahay kooxda alshabaab, waxaana aad mudan tahay in dhulka lagula simo!!!

  • arian fox
    July 23, 2012 @ 06:13:31AM

    Waxaa wakhtigan mudan in ciidamada Itoobiya lasoo galiyo dagaalka, waayoo iyagaa og sida loola dhaqmo alshabaab iyo wixii la mid ahba. Markaa aan taageerno raggan si aynu alshabaab iyo khatarteedaba u baabiino.

  • japhet kemboi
    July 23, 2012 @ 05:59:41AM

    Bisha Disambar way ku fogtahay alshabaab haddii aan?

  • abdhilah
    July 23, 2012 @ 05:24:49AM

    Hambalyo AMISOM, alshabaab waa inay is dhiibtaa!

  • James Mwenda
    July 23, 2012 @ 03:55:35AM

    Alshabaab waa koox yar oo khatar ku haysa nolosha dad aan waxba galabsan, arrinkaasina waxaa caddeyay walaaleheen. Nabaddu waa arrin muhiimad wayn u leh bini’aadamka, waxaanan ciidamadeena awooda leh ku boorinayaa inay sii wadaan cadaadiska ay ku hayaan alshabaab, oo aysan wax heshiis ah la galin arggaggixisada. Waxaan hambalyaynayaa ciidamadan cududa leh, waxaanan idin rajaynayaa inaad guulaysataan.

  • omar
    July 23, 2012 @ 02:18:08AM

    Kooxda Alshabaab waa khatarta ugu wayn ee Soomaaliya ka jirta, waxaanay rabaan inay dadka dunida ku nool oo dhan ay laayaan.

  • ali aboud rogo
    July 22, 2012 @ 08:37:25AM

    Ma jirto cid alshabaab ka adkaan kartaa, sababtoo ah inagu markaynu dagaalamayno waxaa inagu jirta cabsi aynu ka cabsi qabno qoysaskeena aynu kasoo tagnay inay wax ku dhacaan, laakiin iyagu markay dagaalamayaan ilaahay ayaa la jira… alshabaab yool ayay leeyihiin iyo hadaf, inagana waxaa ina wada karaamo u dirir. Iyagu waxay u dagaalamayaan inay dhintaan, inaguna waxaynu u dagaalamaynaa inaynu guul gaadhno…alshabaab ha noolaato.

  • ONGAKI SAMSON
    July 22, 2012 @ 08:02:48AM

    AMISOM waa inay raadisaa maal galin dheeraad ah oo ay ka hesho bulshada caalamka, si ay u tababaraan ciidamo dheeraad oo Soomaaliya la geeyo ka dib marka ay gacanta ku dhigaan dhamaan magaalooyinka alshabaab fadhiisimada u ah.

  • CATE MAINA
    July 22, 2012 @ 08:00:43AM

    Anigu waan necbahay kooxda alshabaab sababtoo ah kooxdani waxay ka kaw yihiin mashaakilka ka jira dunida, markaa waa in laga takhalusaa.

  • IZEBOY
    July 22, 2012 @ 02:27:29AM

    Ciidamada AMISOM waa inay kordhiyaan heerka diyaar garawgooda!

  • raafe
    July 21, 2012 @ 07:05:13AM

    alshabab waxaa ay u guuri doonaan wadanka kenya ilaa 25 sano wey qasi doonaan iyo in ka badan, waana fikirkeyga

  • raafe
    July 21, 2012 @ 06:53:19AM

    Alshabaab waxay usoo wareegi doontaa Kenya oo Soomaaliya way ka soo wareegi dontaa, waxaanay Kenya joogi doonaan 25 sannadood iyo wax ka badan ba.

  • obanyi
    July 21, 2012 @ 06:47:00AM

    Waxaan idiin rajaynayaa guul, waxaana hubaal ah in aan layn doono kooxda alshabaab dhamaantood

  • kanda
    July 21, 2012 @ 01:40:22AM

    Maleeshiyadani waxay joogaan meel kasta, oo xitaa Nayroobi iyo dhulka miyiga ah ayay joogaan, oo waxay ku mashquulsanyihiin inay ciidamo qortaan. Markaa waa ayo cidda odhan karta in ay alshabaab dabar go’een?

  • julius
    July 20, 2012 @ 01:01:15PM

    Kenya waa inaysan is dhiibin, waxaanan ciidamadeena u rajaynayaa guul.

  • MAJOR ELI
    July 20, 2012 @ 09:50:40AM

    Alshabaab mar labaad looma dul qaadan doono, waana in Soomaaliya laga saaraa

  • ESOLOM NGARI KARIUKI
    July 20, 2012 @ 08:46:38AM

    Dadka reer Kenya arrinkan ku taageersan, waxaan leeyahay ilaahay dhamaantiin ha idin barakeeyo, walaalahyaga reer Kenyana waxaan leeyahay waxaan idiin rajaynayaa cimri dheer, si aad ugu raaxaysataan oo aad u gurataan midhaha camalka aad qabateen. Ciidmada AMISOM iyagana waxaan leeyahay haddii aydaan nagu soo biirin oo aydaan na taageerin, maanaan gaadhneen heerka aanu maanta joogno. Waxaan leeyahay aan dhammaanteen gacmaha is qabsano, oo aynu dadka xumaanta iyo dulmiga wada ka ducaysano. Waxaan dhamaantiin idiin rajaynayaa khary iyo in aad waqti iyo nolol wacan aad heshaan, waxaanan si daacad ah u leeyahay arrinkani waa mid wacan, waxaanan aaminsannahay alqaacidda ayaa iyaduna ku xigi doonta oo laga takhalusi doonaa, aamiin alle hadalkayga ha ii maqlo. Waa in dadku famhamaan in ay u baahan yihiin inay ilaahooda tala saartaan oo aysan bini’aadamka iyo taladooda isku halaynin.

  • JULIUS MURIITHI IRERI
    July 20, 2012 @ 08:45:26AM

    Nabadda waxa lagu helaa imaanka ugu dambaynta yimaada, laakiin si kasta ha ahaatee, waa in cadawgan dalka Kenya laga saaraa, waxaanan ciidamadeena iyo dadka reer Kenya ba ku boorinayaa in wada jir loo shaqeeyo, waayo shaqada wadajirka ahi waa shidaalka guusha lagu gaadho, waayo marka dadku isuyimaadaan ee ay mid noqdaan, aad ayay u fududaataa inay gaadhaan oo gutaan hawsha ay hayaan. Markaa waa in nacasyaashani ogaadaan in anagu hadaan reer Kenya nahay aanaan is dhiibi doonin ilaa aan geesinimo gaadhno.

  • ANN
    July 20, 2012 @ 08:37:41AM

    Alshabaab waa in si dhakhso ah loo tirtiraa gabi ahaanba

  • Crispin Limo
    July 20, 2012 @ 08:06:50AM

    Kooxdan bari iyo galbeedba lacag iyo maal-galin ayaa uga timaada. Markaa waa in dadaal loo galaa sidii arrinkaa loo daahfuri lahaa, ciidamada Amisom iyagana waan hambalyaynayaa.

  • chebore
    July 20, 2012 @ 07:40:34AM

    Maleeshiyada alshabaab waa in si kama dambays ah loo cidhib tira. Aniga wuu I cajabiyay horu-marka ay ciidamada Amisom gaadheen, laakiin waxaan u baahanahay inay war-baahintu wararka si isdaba joog ah ay maalin walba usoo tabiyaan.

  • rhoda jepchumba keitany
    July 20, 2012 @ 06:38:03AM

    Wax kasta waa loo diyaarshay alshabaab, si dhakhso ahna waxaa u cidhib tiri doonaa ciidamadeena, oo ah ciidamo xamaasad iyo xeelad dagaal labadaba leh, mustaqbalkana waxay ku guulaysan doonaan inay gacanta ku dhigaan meelaha alshabaab ku gabato, markaa ciidamo wanaagsan ayaad tihiin baan leeyahay.

  • Jacob Young KonKong
    July 20, 2012 @ 05:09:08AM

    Alshabaab waxay madax xanuun ku riday dawladda Soomaaliya, markaa way wanaagsanaan lahayd haddii uu jiri lahaa hab dadkan alshabaab isku magaacaba lagu tirtiraa oo Soomaaliya lagaga saaraa. Soomaaliyana waxaa fiican inay midhaha nabada gurato oo ay sida dalalka kale ee dunida ay nabad ku naalooto.

  • Wayne Hackart
    July 20, 2012 @ 03:29:46AM

    Wayne: ciidamada naftooda khatarta u galiyay inay mandaqadda ka sifeeyaan kooxahan khatarta ah ee dagaalada wada, waxaan leeyahay waad salaamantihiin! Shaqada aad haysaana halkaa kasii wada, hana joojinina waxaad wadaan ilaa kooxdan gabi ahaanba la burburiyo. Waa wax aan la aqbali karin in koox yar oo arggaggixiso ahi ay sii wado falalka arggaggixisada ah ee ay u gaysanayso dadka rayidka ah, iyadoo adeegsanaysa magaca diinta. Markaa kooxdani waa cayayaanee sida cayayaanka u laaya. Idinkana waxaan idin leenahay niyada ayaanu idinku haynaa waananu idiin ducaynaa, ilaahayna ha idin barakeeyo.

  • moses ooko onguru
    July 19, 2012 @ 10:01:35AM

    Alshabaab waa in laad lagaga saaraa Soomaalia

  • gerald ndungu
    July 19, 2012 @ 08:29:59AM

    Alshabaab waxay ahayd khatar culus, waxaanan u mahad celinayaa dhamaan cid kasta oo ka qayb qaadata cidhib tiristooda, waxaanan ku talinayaa in mudo gaaban lagu tirtiro kooxdan.

  • ally
    July 19, 2012 @ 06:14:55AM

    Xukuumadda waxaan kula talinayaa inay xamaasad yeeshaan oo ay ka shaqeeyaan sidii qawaaniinta loo dhaqan galin lahaa, waana inay joojiso inay dadka si adag ula dhaqanto, waayo waxa dalkeenu horumarka u gaadhi waayay waa sidaa awgeed. Sidoo kale, waa inaan joojinaa in dadka la kool kooliyo oo la siiyo shaqooyin aysan xirfada looga baahanyahay lahayn dadku. Ugu dambayntii, waa in dad khubaro ah arrinka lasoo dhex galiyaa, haddii ay tirada khubaradu yaryihiina waxaan xukuumadda kula talinayaa inay khubaro dheeraad ah si dhakhso ah u shaqaalaysiiso, sababtoo waxaa nagu dhex jira dad badan oo waxbarasho jaamacadeed leh, oo bilaa camal ku fadhiya (Anagunawaxaannu nahay da aad muhiim ugu ah hay'adaha dowladda)

  • Leah
    July 19, 2012 @ 02:01:33AM

    Waxaan hambalyo u dirayaa ciidamada qaranka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, waxaanan ku hambalyaynayaa shaqada wacan ee ay qabteen, waxaanan rajaynayaa in aan dhawaan Soomaaliya u dalxiiso

  • antony kimutai
    July 19, 2012 @ 01:31:33AM

    Aniga imay cajabin go’aamadani

  • Emmanuel sillah.
    July 18, 2012 @ 07:45:06PM

    Hambalyo, waxaad noo tihiin wax lagu faano, ilaahayna waanu idiin baryaynaa, markaa waa inaad maleeshiyadan aan maskaxda lahayn aad ka takhalustaan.

  • dennis murunga
    July 18, 2012 @ 10:33:43AM

    Fulayaal! Sideebay ku dhacday in kooxi ay dadkooda u horseedo silic iyo saxariir! Yacni maaha arrinkani wax la fahmi karo! Maxay dadkani ka faa’idayaan waxay wadaan oo dhan? Ma jeebabkaa ugu buuxsamaya? Oo waxaasoo dambi ahna siday ka yeelayaan? Ma ii sheegi karaan siday ugu raaxaysan karaan lacagta ay helaan?

  • walter kodipo
    July 18, 2012 @ 10:17:39AM

    Maxay ciidamada Amisom kooxka alshabaab uga takhalusi laayi’iin si Soomaaliya u xorowdo.

  • grey kads
    July 18, 2012 @ 08:45:33AM

    Hambalyo Raggeena iyo dmarkeena

  • ibrahim shiekh mohamed
    July 18, 2012 @ 08:24:55AM

    Dhib inoogu filan wixii dhacayay in ka badan 20 sanadood ee ahaa masiibooyin, abaaro, macaluul iyo burbur waxkasta ku yimid. Waxaan leeyahay kooxahan ha la tirtiro, waayo waxaan wakhtigan xaadirka ah u baahannahay inaan nabad iyo xasilooni helno. Ha noolaato Soomaaliya.

  • istanfaj
    July 18, 2012 @ 08:14:02AM

    Hambalyo ciidamada AMISOM iyo kuwa dawladda federaalka, waxaanan ku hambalyaynayaa siday alshabaab u dabar gooyeen ugana saareen Soomaaliya, waxaanan leeyahay halkaa kaga haya ilaa ay Soomaaliya dadkan ka xoroobayso, ilaahayna aan ka barino in dalkeenu nabad helo, aynuna midawno oo dal qudha iyo dal qudha aynu noqono.

  • Dennis
    July 18, 2012 @ 08:11:09AM

    Alshabaab waxay maalinba maalinta ka dambaysa noqonaysaa khatar ku wajahan dadka reer Kenya, markaa waa in kooxdan laga takhalusaa si dalkeenu u badbaado.

  • Frank.
    July 18, 2012 @ 08:03:13AM

    Arrinkani waa guul usoo hoyatay dadka Soomaaliyeed iyo kuwa geeska Afrikaba guud ahaan, waxaanan leeyahay ha noolaadeen ciidamadeenu, ilaahayna idinka iyo qoysaskiinaba ha barakeeyo.

  • maina
    July 18, 2012 @ 07:56:23AM

    Si horumar iyo miyir qab loo helo, waa in dadkan laga cidhib tiraa dalka Soomaaliya, magan galyada iyo kalgacalkuna waa inaysan kooxahan u horseedin inay muwaadiniinta iyo dalalka jaarka ah khatar galiyaan. Hambalyo ciidamada AMISOM.

  • collins
    July 18, 2012 @ 05:18:37AM

    Baxisgoodu maaha mid dhibaato ah, waayo su’aashu waxa weeyaan xageebay u carari karaan oo aan Kenya ahayn. Markaa dawladu waa inay arrinkaa wax ka qabataa.

  • abdiwahab
    July 18, 2012 @ 04:24:32AM

    Anigu waan ka helay

  • nyagaka vincent
    July 17, 2012 @ 09:36:28AM

    waxaan idiin rajaynayaa guul

  • frenk joshua
    July 17, 2012 @ 09:21:01AM

    Maxay ku dhacday in meelo badan oo dunida ah ay cidda wax laysaa ay muslimiinta tahay? Maxay yihiin kutubta ay soo akhristeen ee dhigaya ama sharci ka dhigaya in dadka la laayo? Bal eega Soomaaliya iyo nayjeeriya iyo dhulalka kaleetoba. Anigu waxaan jeclaan lahaa inaan ogaado arrinkaas, sababtoo ah waxaan fahansanahay in dadka muslimka ahi ay yihiin dad nabadda jecel, laakiin waxaa sii kordhaya dadka arggaggixisada maalin kasta ku kaca iyagoo shaadhka islaamka gashan. Dalka Tansaaniya laftiisa waxaa ka jirta koox kaniisadaha gubta, iyadoo ku andacoonaysa inay diinta islaamka faafinayso. Run ahaantii nabaddu waa wax muhiim ah, walaalahayga muslimka ahna waxaan leeyahay ilaahay ma rabo in dad aan waxba galabsan la laayo, markaa waa inaad cambaaraysaan falalka kooxahani wadaan iyo is qarxinta ay is qarxinayaan, iyagoo ku andacoonaya inay nafohooda u hurayaan diinta, sababtoo ah markay iyagu dhintaan waxaa la dhimanaya dad kale oo aan arrinka shaqo ku lahayn. Anigu ma ogi siduu nabigu ku dhintay, haddii waxan ay dadkani wadaan sax yahay, cidda ugu horraysa ee is qarxisaa ama kaniisado gubtaa nabiga ayuu ahaan lahaa, laakiin siday xaqiiqdu tahay nabigu intuu kaniisado soo maray ayuu halkoodii ku dhaafay.

  • محمد
    July 17, 2012 @ 08:56:41AM

    Maaha wax la yaab leh in arggaggixisadu ay cararayaan, sababtoo ah waxay la mid yihiin dooliga oo markasta baxasad ayay ku jiraan. Arggaggixisadu waxay arrinkan kala mid yihiin horjoogayaashooda, kuwaasoo ay ka imid yihiin Osama Bin Laden. Ninkani wuxuu dadka uu u taliyo ku amri jiray inay dadka laayaan, inkastoo isagu uu ku noolaa gurigiisa, oo ahaa guri sidiisa wasakh badan, kana fog goobaha waxa “jihaadka” lagu sheego. Islaamku shaqo kuma laha wuxuu ninkani waday ama waxay dadka la midka ah ee alshabaab ku jiraa ay wadeen. Hase yeeshee, anigu usaama dilkiisa waxaan ka arkaa arrin kaliya oo dhibaato ah, arrinkaasina waxa weeyaan waxaa soo bixi karta mushkilad ku saabsan dikhawga biyaha. Waxaan ka warwarsanahay in ninkan maydkiisa qudhmay uu wasakheeyo biyaha badda carbeed ee lagu tuuray. Markaa haddii aad mar labaad cayayaan noocan oo kale ah aad dishaan, waxaan idinka idinka codsanayaa inaydaan bada ku tuurin, waayo waxa laga yaabaa inay biyuhu wasakhoobaan ama dikhoobaan. Waxaan dhawaan maqli doonaa in labadan nin ay dalka ka baxeen iyagoo baasbooro foojari ah adeegsanaya, kiiskana halkaasaa lagu xidhi doonaa. Hoog ayaa idiin sugnaaday, kuwiina doolarka iyo diinaarka caabudoow.

  • maas
    July 17, 2012 @ 08:17:01AM

    Waa wax laga xumaado inaan maqalno waxaas oo been ah. Alshabaab wali waxay joogtaa Muqdisho iyo Ceelasha inta aan la gaarin Laanta Buuro iyo meelaha kasii fog.

  • JULIUS
    July 17, 2012 @ 07:41:09AM

    Alshabaab waa in dunida oo dhan laga tirtiraa

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada