Xorreynta waaxda tamarta oo jawaab u noqon kara mashruuca Turkana ee muddaba laalnaa

Waxaa qoray Sargajan bin Kadii oo Nairobi jooga

Luulyo 13, 2012

  • 1 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Kenya waa in ay xorreyso qaybta tamarta si ay shirkadaha tamatru u helaan jawi fiican oo ay ku shaqeeyaan, wadadana ay ugu xaadhaan dhismaha mashruuca Lake Turkana Wind Power (LTWP)oo mudo laalnaaa (LTWP)khubarada dhaqaalaha ee gobalka ayaa sidaas sheegay.

  • Baalooyinka dayabsha ee ka taagan buurta Ngong, oo 25 kiiloomitir koonfor-galbeed ka ah Nairobi, waxaa iska leh  maamulana  shirkadaha tamarta dhaliya ee Kenya KenGen.  Marshruucan  wayn oo tamarta dabaysha ah oo  Turkana ku taala ayaa la rajaynayaa in uu kumanaan shaqo ah oo xaga dhismaha ah abuuro.  [Tony Karumba/AFP]

    Baalooyinka dayabsha ee ka taagan buurta Ngong, oo 25 kiiloomitir koonfor-galbeed ka ah Nairobi, waxaa iska leh maamulana shirkadaha tamarta dhaliya ee Kenya KenGen. Marshruucan wayn oo tamarta dabaysha ah oo Turkana ku taala ayaa la rajaynayaa in uu kumanaan shaqo ah oo xaga dhismaha ah abuuro. [Tony Karumba/AFP]

Wada hadalkii u dhaxeeyay dawlada iyo Baaanka Aduunka oo ah kuwa ugu muhiimsan ee mashruucan wayn ee awooda dabaysaha maalganiayay ayaa hakaday bil ka hor kadib markii ay labada dhinac ku guul daraysteen in ay ku heshiiyaan qaabka tamarta soo baxda lagu qaybinayo.

"Sababtay doonto mashruucan hakad ha u galo, Kenyaanaka ayaa ah dadka khasaaaraha ugu badani ka soo gaadhayo, sababta oo ah waa iyaga kuwa ay ku dhacayso in mar walba ay korantadu ka baxdo" Tiberius Barasa oo ah dhaqaalayahan Center for Poicy Research ka shaqeeya ayaa Sabahi sidaas u sheegay. "Ganacsatada yaryar ayaa ah kuwa dhibka ugu wayni soo gaadhayo markii ay korantadu go'do, sidaas darteed haddii ay dawladdu ka go'antahay in argatideedii 2030 ay hirgasho waxaa waajib ku ah in ay xaqiijiso in mashruuca taramrtu uu bilwado".

Barasa ayaa sheegay in qaybta tamartu ay u baahan tahay in xor laga dhigo, si shirkadaha madaxa banaan ee tararta bixiya ay suuqa korantada u galaan, taas oo ka gadisan xaalada hada jirta oo ah in Kenya Power and Lighting Company (KPLC) uu yahay midka qaybinta tamartu ay u xidhan tahay.

"Haddii uu xaalku sidaas yahay, wax dhib ah ma jiraan, sababta oo ah mashruuca Lake Turkana Wind Power wuu socon lahaa, sababta oo ah suuqa korantada ayaa u madax banaanana lahaa shirkadii rabta in ay gadato, Barasa ayaa yidhi. " Intaas waxaa raacsan, in furitaanka suuqa koranto bixinta loo furo shirkadaha khaaska ah waxay dhalinaysaa tartan iyo in khidmooyinkii la hagaajiyo".

Dawrka Bangiga Aduunka

LTWP oo ah urur ay ku midoobeen maalgashadayaal caalami ah, ayaa ka masuul ah mashruuca tamarta dabaysha, maaal-galintiisuna waxay ka imaanaysaa Bangiga Aduunka oo ku xidhay in dawlada kenya ay iibkan ogalaato.

Laakiinse dawlada Kenya ayaan wali cadaynin tamar intee la eg oo ay warshadaas ka iibsanayso. Hada Ken Gen oo ay dawladu leedahay ayaa waxay tamarta ka iibsataa soo saarayaal khaas ah markii dalabku uu ka bato soo saarista

"Iyada oo maalgalinaysa dhismaha 4.5 bilyan oo shillin , ayaa hadana Bangiga Aduunku wuxuu balan qaaday in hadii loo baahdo uu diyaar yahay uuna maalgalinayo shirkada Kenya Power and Lighting Company si ay u iibsato tamarta la soo saaro. Taas ayaa ka dhigaysa bankiga mid awood wayn ku leh najixitaanka ama guuldarada mashruucan," Christopher Oludhe oo ah khabiir dhinaca tamarta dabaysha oo Jaamacada Nairobi ka tirsan ayaa Sabahi sidaas u sheegay.

Warbixinta uu codsanayo Bankiga Aduunku waxay kaalmaynaysaa in la qiyaaso lacagta la helayo, taas oo wargalinaysa maalgashadayaasha in marshruucan noqon karo mid ganacsi. Oludhe ayaa yidhi.

"Dawladdu wakhtigeeda ayay qaadanaysaa si ay u qiimayso faa'iidada iyo khasaaraha kasoo gaadhaya hadii ay arintan dhax gasho, taas oo ah in ay iibsato qayb awood ah oo qiimaheedii la caddeeyay oo soconaysa wakhti cayiman" sidaas ayuu yidhi. " Laakiin tafaasiishu ma aha mid cad, waddanku wuxuu aad ugu baahan yahay awooda dabaysha si ay awood u galiso Aragtida 2030-ka iyo [mashaariicda] sida Dekada Lamu, Magaalada Tatu iyo sidii loo dhiiri galin lahaa kobaca dhinaca warshadaha.

Heshiiska iibsiga tamarta ee ka dhaxeeya maalgashadayaasha iyo dawladda aya sheegaya in tamarta ay warshadu soo saarto lagu iibinayo qiimaha 7.52- euro cents halkii kilowatt- saacadii oo ay iibsanayo KPLC mudo 20 sano ah, sida ay LTWP sheegaty.

Faa'iidada beerta dabaysha.

LTWP ayaa leh in beerta dabayshu ay si toos ah u abuurayso qiyaastii 2,500 oo shaqo marka uu dhismuhu bilawdo, marka uu dhamaadana 200 oo shaqaale ah ay si toos ah uga shaqayn doonaan, taas oo waddanka u beekhaaminaysa 15.6 bilyan shillin oo u dhiganta 182 milyan oo doolar sanadkiiba shidaalka waddanka loo soo dhoofiyo, waxay kale oo sababaysaa in 58.6 bilyan oo shillin oo u dhiganta 685 milyan oo doolar oo canshuur ah sanadkii in ay waddanka soo galiso.

Warshaddu waxay ka koobnaanaysaa 365 baalo dabayleed oo awood u leh in ay soo saaraan 850 kiowatts taas oo ah qaybiye meel kore ku xidhan oo ah nidaam uririn iyo xarun dhaxe oo awodo badan leh, taas oo hadafkeedu yahay in ay siiso 300 megawatts oo awooda dabaysha ah , saldhiga koranta ee Kenya oo u dhiganta qiyaastii 20 boqolkiiba awooda hada wadan ahaan loo soo saaro.

Iyada oo xalinaysa baahida dawlada ee xaga tamarta, ayaa hadana dawladdu waxay helaysaa dakhli ka soo gala tamarta ay u dhoofinayso dawladaha dariska ah, David Owiro oo ah dhaqaale yahan Nairobi jooga oo ka tirsan Institute of Economic Affairs ayaa sidaas yidhi

Wuxuu sheegay in uu rajaynayo in waddada dherarkeedu yahay 204-kilometre ee loo dhisayo si baabuurta xamuulka ah si ay baalooyinka dabaysa uga qaadaan Mombasa una geeyaan Marsabit ay dhiiri galinayso in waddooyin kale laga dhiso aagga.

"Caddadka Tamarta ee mashruucan uu soo saarayo waxay noqonaysaa mid aad u wayn" Owiroayaa yidhi. "Arintan waxay keenaysa in la helo awood tamareed oo kor u qaada kobaca dhaqaalaha ee waddanka, waxayna dadajinaysaa in la gaadho Aragtida Kenya ee 2030-ka ee ku aadan qorshayaasha hor u marineed ee kobaca waaxda khaaska ah (ee aan dawlada ahayn).

Wuxuu intaas ku daray in xafiisyada dawladda iyo sharciyadoodu ay qayb ka tahay sababta aan ilaa iyo hadda ismariwaagan aan loo xalinin, taas oo waddanka ka xanibaysa korantada aadka loogu baahan yahay.

Markii lagu daro Bankiga Aduunka, maalagaliayaasha LTWP waxaa ka mid ah Bankiga Horumarinta Afrika, Standard Bank of South Afrika iyo Nedbank Capital of South Africa.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 8)

Dislike_icon(1)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • mohamad abdi
    August 21, 2012 @ 08:19:18PM

    Waxaa la filayaa in dalabka dalalka bariga dhexe iyo waqooyiga afriku ee xaga tamartu uu aad u badan doono tobanka sano ee soo socda, markaa waxay dalalkani u baahan yihiin inay soo saaraan tamar xaga korantada ah, si loo daboolo baahida sii balaadhanaysa. Tamarta la-cusboonaysiin karo waa mid door wayn ka ciyaari karta daboolista baahida dalalkan ee sii badanaysa, sidoo kale, waxay tamartani yarayn kartaa waxa loo yaqaan neefaha cagaaran ee hawada wasakheeya, waxaanay sidoo kale ka hortagi kartaa tamartani isbedelada xaga cimilada. Waxaa xusid mudan in dalalkan qaar badan oo ka mid ahi ay ku jiraan dalalka aduunka ugu soo saarista badan neefaha cagaaran.

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada