Ciidamada ammaanka oo Muqdisho ka nadiifinaya haraadiga al-Shabaab

Waxaa qoray Maxamuud Maxamed oo Muqdisho jooga

Luulyo 13, 2012

  • 3 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Ciidamada isbahaysanaya ee qaabilsan ammaanka ayaa wada howl-gallo ballaaran, si ay Muqdisho iyo meelaha ku hareeraysan uga nadiifiyaan haraadiga al-Shabaab ka hor kulanka dastuuriga ah ee soo socda.

Howl-galka oo billowday Juulaay 7-deeda ayaa lagu soo xiray 500 oo tuhmane al-Shabaab ah, iyadoo la qabtay hub aad u tiro badan iyo waxyaabaha qarxa.

Howl-galaka, oo ay wada fulinayaan, booliiska, ciidamada iyo xoogagga nabad ilaalinta AMISOM, ayaa xoogga lagu saaray xaafadaha la is leeyahay way ku dhuumaalaysanayaan canaasirta al-Shabaab ama kuwa al-Shabaab taageersan. Meelaha la baaray waxaa kamida, bariga, waqooyiga iyo galbeedka caasimadda iyo sidoo kale degmada Afgooye, oo ahayd meel ay al-Shabaab ku xoogganyihiin kahorinta aysan dowladda iyo AMISOM ka qabsan bishii Maajo..

"Ujeedada howl-galkan waa in Muqdisho laga nadiifiyaa haraadiga al-Shabaab ee nabadda diiday," ayuu yiri taliyaha nabad-sugidda gobolka Banaadir, Khaliif Axmed Ereg.

Xoogagga isbahaysiga waxa ay baaritaan xooggan ka wadaan guryaha, dadka lugaynaya iyo baabuurta, Sabahi ayuu u sheegay. Waxay sidoo kale sameeyeen jid-gooyooyin la dhigay xaafadaha uu hadafku yahay si loola socdo dadka soo galaya iyo kuwa kabaxaya.

Ololaha amniga waa uu sii socon doonaa maalmaha soo socda, iyadoo lagu soo biirin doono dhammaan xaafadaha magaalada Muqdisho iyo sidoo kale meelaha dhowaan la xorreeyay si gabi ahaan loo tirtiro canaasirta iyo haraadiga al-Shabaab, loogana hor tago kooxaha hubaysan in ay dib isu soo abaabulaan. "Ciidamada ammaanku waxa ay wadaan qorshe ciidamo lagu gaynayo meelihi dhowaan la xorreeyay si loo xoojiyo ammaanka dalka oo dhan," Ereg ayaa yiri.

Kadib marka la hubiyo ammaanka waddooyinka, meelaha la'isugu yimaado iyo suuqyada, howl-galadu waxa ay xoogga saari doonaan in hub ka dhigis lagu sameeyo muwaadiniinta, baaritaanna lagu sameeyo guryaha caasimadda iyo hareereheeda ku yaala, gaar ahaan meelaha looga shakiyo in hub lagu kaydiyay, Ereg ayaa yiri.

Kani waa howl-galkii ugu ballaarnaa oo ay sameeyaan xoogagga isbahaysiga tan iyo markii Dowladda Federaalka Kumeel-gaarka (DFKMG) iyo AMISOM ay la wareegeen Muqdisho iyo hareereheeda oo ay ka saareen al-Shabaab bishii Agoosto ee 2011-kii.

Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale helay kayd hub ah oo ay al-Shabaab ku lahaayeen Suuqa-xoolaha ee Waqooyiga Muqdisho. Kaydka, oo ay ciidamada ammaanka u xagliyeen al-Shabaab, ayaa waxaa kamid ahaa hoobiyayaal, gantaalo iyo waxyaabaha qarxa.

"Ciidamada ammaanka waxa ay heleen xog sheegaysa in haraadiga al-Shabaab ay buux-dhaafiyeen [meelaha ay dadka rayidka ah ku badanyihiin] iyagoo isku ekaysiinaya shacab kadib markii la burburiyay xarumahoodi Afgooye iyo Balcad," Axmed Cali Xuseen, oo ah Dhame bilayska ka tirsan ayaa Sabahi u sheegay, isagoo intaasi ku daray in howl-galadani lagu xidid siibayo kuwaas

Ammaanka shirka dastuuriga oo la xaqiijinayo

"Ujeedada howl-galadan ammaanka ah waa in Muqdisho laga dhigaa mid boqolkiiba boqol nabad ah, diyaarna u ah in ay marti-galiso shirka dastuuriga ah iyo doorashooyinka soo socda," ayuu yiri Agaasimaha Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Maarshaal Jaamac Maxamed.

Maxamed ayaa sheegay in wasaaradda ay soo saartay hab-raac, si loo xoojiyo ammaanka caasimadda iyo meelaha ku harreereysan inta uusan bilaabaninshirka dastuuriga ah, oo dib loo dhigay illaa waqti aan la shaacin. .

Gudiga Amniga Qaranka ee Soomaaliya ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in la xiri doono waddooyinka qaar ee Muqdisho inta lagu guda jiro shirka Golaha Deegaanada Qaranka.

Xasan Maxamed, oo ah 38 jir Muqdisho daggan, ayaa ammaanay wax-qabadka ciidamada ammaanka. "Waannu ku faraxsannahay waxqabadka ciidama amaanka waxa ay ku tallaabsadeen rajooyin waxaan filaynay ka badan," Sabahi ayuu u sheegay.

Maxamed ayaa ugu baaqay muwaadiniinta in ay caawiyaan ciidamada ammaanka iyo booliska, si loo hubiyo ammaanka caasimadda."Sugidda ammaanka caasimaddu ma ahan mid ay mas'uuliyadi ka saarantahay hal dhinac, balse waa mid u taala dhamaan Soomaalida," ayuu yiri.

Faadumo Cumar, oo ah 46 jir tukaana ku leh Suuqa Xoolaha ayaa DFKMG ugu baaqday in ay sii wadaan dadaalada ay ku doonayaan in ay ku sugaan amniga caasimadda. "Xaaladda ammaan ee caasimaddu waa ay hagaagtay marka loo eego sidii ay ahayd bilo kahor, sababtuna waa ciidamada dowladda oo "dadaaladooda sii wada," Sabahi ayay u sheegtay.

Faadumo ayaa muujisay sida ay ugu qanacsantahay wax-qabadka ciidamada militariga iyo kuwa booliska, iyo sida ay masuuliyad isaga saareen sugidda ammaanka iyo daganaashiyaha caasimadda, iyagoo caasimadda ka nadiifinaya al-Shabaab, qabanayana shakhsiyaadka qaska ku wada ammaanka guud.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 15)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • KO'KORE OMINGLI
    July 17, 2012 @ 06:43:52AM

    Waxaan amaan usoo jeedinayaa ciidamada AMISOM, ilaa haddana shaqa wacan ayay wadaan. Soomaaliya waxay u baahantahay inay miyirsato. Waa wax caqliga ka wayn in qof bina aadam ahi uu qof kale dilo damaacinimo awgeed iyo inuu xoolo ku helo. Dunidu waxay maanta maraysaa meel ay dadku nabada isugu baaqayaan, waayo ma jirto cid doonaysa inay nafteeda sabab la’aan ku waydo.

  • بارك الله بل من يقاتل الارهاب
    July 17, 2012 @ 06:12:50AM

    Cawa dhaca ku yimi fikirka xag-jirnimada ku dhisan ee Soomaaliya gudaheeda waxaa hormood ka ahaa kooxaha arggaggixisada, kuwaaso dadka ku qasbay inay iyaga qori caaradii iyo caga juglayn ku soo raacaan. Haddii ay sidaa talada dalka kula wareegi lahaayeen, waxay Soomaaliya ku jir lahayd cabsi iyo warwar laga qabo arggaggixisada dagaalkooda, bahalnimadooda iyo akhlaaq darradooda, adadaygooda iyo cadaadiska ay dadka ku hayaan. Falalka ay kooxahani ku kacaan qaar ka mid ahi waa kuwo aan la sawiran karin ama maskaxda gali karin,Kooxahani waa gaangistaro dadka uun laaya, markaa waa in ciidamada ammaanku ay arggaggixisada gacan bir ah ku qabtaan oo ay cidhib tiraan, waayo arggaggixisadu waxay burburiyeen guryihii dadka, waxaanay ra’yigooda ku qasbeen dadka kale, dalkiina way cadileen. Intaa waxa dheer, ma jirto cid ay la rabaan inay wanaag gaadho, iyagaana ah cidda ka dambaysa xasilooni darada Soomaaliya. Arggaggixisadani waa qaar bahalnimo ku sifoobay, waxaanay dadka u laayaan si aan loo meel dayin oo aysan ragg, dumar ama yar iyo wayn u kala eegayn. Markaa kooxahan khariban ee dulmiga dadka ku haya waa in la burburiyaa, waayo mar haddii aysan wax naxariis ah lahayn waa in lagu raad joogaa oo la daba galaa oo lasoo qabtaa, kadibna la tirtiraa, si dadka Soomaaliyeed ay ugu noolaadaan xoriyad, xasilooni iyo nabad.

  • Tayab Ibarim Sayyad
    July 17, 2012 @ 05:58:57AM

    Saboolnimada ka jirta dalalka Ciraaq iyo Soomaaliya iyo kuwa la midka ahiba waxa weeyaan sababta ka dambaysay inay soo shaac baxaan laba kooxood oo ah kuwa ugu arggaggixisada badan ee dunida ka jira. Haddii aynu xaalada Soomaaliya eegno, waxaynu arki karnaa in dhalinyarada ku biirta kooxda alshabaab ay yihiin kuwa bilaa camalka ah ee kasoo jeeda meelaha ay saboolnimadu aadka u ragaadisay. Markaa waxa dhalinyaradaas khasab ku noqota inay ku biiraan kooxdaas, iyagoo rajaynaya inay lacag helaan. Laakiin waxa jirta istaraatiijiyad ay xukuumadaha dalalkaasi adeegsan karaan oo ay kula dagaalami karaan arggaggixisada, taasina waa iyadoo marka hore lala dagaalamo saboolnimada, waayo saboolnimadu waxay dadka ku kaliftaa inay ku kacaan wax kasta oo xun, iyagoo isku dayaya inay waxoogaa aduun ah helaan. Sidoo kale, xukuumadda Soomaaliyeed waxaa u banaan inay wixii caawimo ah ee ay karayso u fidiso dadka aafada macaluushu saamaysay, waana inay isku daydaa inay wax ka qabato oo wanaajiso heerka nolosha ee dadka. Sidoo kale waa inay xukuumaddu dhalinyarada u abuurtaa shaqooyin, si ay uga ilaaliso inay ku biiraan kooxaha arggaggixisada ah.

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada