Waraaqaha aqoonsiga cusub ee Tansaaniya oo horu-mar ka gaysanaya dhinacyada ammaanka iyo dhaqaalaha

Waxaa qoray Deodatus Balile oo Dar es Salaam jooga.

Luulyo 12, 2012

  • 78 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Barnaamijka cusub ee aqoosiga wadaninimada ayaa ka bilowday bishii la soo dhaafay magaalada Dar Es Salaam si ammaanka loogu horu-mariyo, Dakhliga dowladdana loo kordhiyo, Sida uu sheegay ku xigeenka Booliiska Issaya Mungulu.

  • Haweeneey Tansaaniyaan ah oo warqadeedii aqoonsiga haysata kadib markii ay codkeedi doorashada guud ay bixisay meel codka lagu bixinayay oo ku taala duleedka magaalada Dar Es Salaam bishii Aktoobar 31-geedii, 2010. Tansaaniya ayaa bilowday in ay diiwaan- galiso warqado aqoonsi oo cusub. [Yasuyoshi Chiba/AFP]

    Haweeneey Tansaaniyaan ah oo warqadeedii aqoonsiga haysata kadib markii ay codkeedi doorashada guud ay bixisay meel codka lagu bixinayay oo ku taala duleedka magaalada Dar Es Salaam bishii Aktoobar 31-geedii, 2010. Tansaaniya ayaa bilowday in ay diiwaan- galiso warqado aqoonsi oo cusub. [Yasuyoshi Chiba/AFP]

Barnaamijkan ayaa ka dalbanaya dadka u dhashay waddanka Tansaaniya iyo kuwa ajaanibta ah ee waddanka daggan, da'doodu ay dhaaftay 18-ka sano , in ay is diiwaan-galiyaan waraaqaha aqoonsigana qaataan.

" Mabda' ahaan, waraaqaha aqoonsigu waxay nagu kaalmaynayaan hababkeena ammaanka ee aan kula soconayno dambiilayaasha." Mungulu ayaa Sabahi u sheegay. " Macluumaadka ama xogta ku jirta Waaxda Wadiniga ee Aqoonsiga (NIDA) waxaa loo istcimaali doonaa [ marka wax la baadhayo] si aan u ogaano qofka laga shakisan yahay noloshiisii hore, sida meesha uu dagan yahay, ka shaqeeyo iyo wixi lamid ah.".

Sawirada faraha iyo masawirada dadka waraaqaha aqoonsiga haysta oo dhan waa la qaadayaa si ay u sahlanaato in dadka si fudud mustaqbalka la ogaado. Ogaanshaha dadka Tansaaniya dagan kana shaqeeya waa muhiim si loo sugo amaankooda, gaar ahaan, marka la fiiriyo dadka qaxootiga ah een diiwaan gashanayn ee ka soo qulqulaya wadamada dariska ah ee dagaalku mudo badan ku daba dheeraaday, ayuu yiri.

40-kii sano ee la soo dhaafay, Tansaaniya waxay qaabishay qaxooti ka yimid Rwanda, Burundi iyo Jamahuuriyada Kongo , waxaana laga yaabaa in kuwo danbiilayaal ah ay iyaguna waddanka soo galaan. Mungulu ayaa sidaas sheegay.

Dadkaas badan ee wadanka ku soo qulqulaya darteed, ayaa in la sameeyo nidaam aqoonsi oo wadaniyeed , xaalad sharciyeed iyo ururinta warar kalaba , waxay muhiim u tahay dib u habaynta dadaalka aminga. ayuu yidhi.

Kaydka waraaqaha aqoonsiga ee wadanka waxaa lagu xidhayaa nidaamyo kale, sida nidaamka xeerka boostada Waaxda dakhliga ee Tansaaniya, kaydka booliiska, iyo hay'adaha caalamiga ah ee fulinta sharciyada sida Interpol. Isku xidhka hay'adahaas oo dhan, gudo iyo dibadaba waxay naga kaalmaynayaan in hadafkaanagii dheeraa ee dhinaca ammaanka iyo dhaqaalahaba aan gaadhno. Mungulu ayaa yidhi

Ilaa iyo hada, dhamaan shaqaalaha dawladda iyo xirfadlayaasha ka shaqeeya bankiyada ayaa muhiim loo arkay waana la diiwaan-galiyay., agaasimaha Guud ee NIDA Dickson Maimu ayaa wariyayaasha sidaas u sheegay shir warsaxaafadeed uu Dar Es Salaam ku qabtay.

Marka ay bisha September bilaabato, barnaamijkan waxaa lagu fidin doonaa meelo kale oo waddanka ka tirsan. Diiwaangalinta waxaa la qorsheeyay in lagu dhameeyo sanadka 2014-ka, laakiinse intaas kadib way sii soconaysaa si loo diiwaangaliyo dadka muwaadiniita ah ee gaadhay da'dii lagu diiwan galin lahaa. " Diiwaan-galintu waxay ahaan doontaa howl socon doonta" Maimu ayaa yidhi.

Si arintan si fiican loogu diyaar garoobo, Maimu wuxuu sheegay in NIDA ay ku samaysay barnaamij tijaabo ah horaantii bishii Juune degmada Kilosa ee gobolka Morogoro. Arintaas tijaabada ahayd waxay hay'adda ku kaalmaysay in ay ogaato waxna ka qabato waxyaabihii ka dhimanaa arintan. ayuu yidhi.

" Sida aad ogtihiin, Dar Es Salaam waa magaalada ugu wayn waddanka, haddii aan ku guulaysano in aan waraaqaha aqoonsiga Dar Es Salaam ka bixino, waddanka intiisa kalana waan ku guulaysanaynaa " Maimu ayaa wariyayaasha u sheegay.

Tansaaniyiinta oo dhan waxaa waraaqaha aqoonsiga lagu siinayaa lacag la'aan, halka Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootigana (UNHCR) ay bixinayso kharjka ku baxaya qaxootiga. ayuu yidhi.

Waraaqaha aqoonsiga oo lagu xidhayo khidmooyinka bulshada iyo daymaha bangiyada.

Barnaamijkan cusub ayaa wuxuu khasab kaga dhigayaa qof walba oo Tansaaniyaan ah in uu is diiwaan-galiyo watana waraaqaha aqoonsiga ee waddanka. Sharciga oo la jabiyana wuxuu keenayaa ilaa lix bilood oo xabsi ah, Thomas William oo Xidhiidhka Dadwaynaha u qaabilsan NIDA ayaa sidaas sheegay.

"Intaa kadib, waraaqaha aqoonsigu waxaa lagu xidhi doonaa nimdaamyada khidmada bulshada. hadii aad diido in aad is diiwaan- galiso ama aad macluumaad khalad ah bixiso, taasi dhaawac ayay kuu gaysanaysaa. Xaq uma lahaanaysid in wax khidmo ah laguu qabto intii aad waraaqda aqoonsiga ka qaadanaysid., sidaas darteed dadku waa in ay qaataan" William ayaa Sabahi u sheegay.

Waraaqahan waxaa samaynaysa Iris Corporation Berhad, oo ah shirkad Malaysiyaan ah oo ku guulaysatay qandaraaska in ay samayso 25-ka millian oo waraaq aqoonsi ah. Barnaamijkan wuxuu ku kacayaa 200 oo bilyan oo shillin oo u dhiganta 124 malyan oo doolar, waxaana maal-galinaysa dawladda Tansaaniya.

Joseph Bwakyayo oo 55 jir ah kana shaqeeya National Bank of Commerce Limited oo Dar Es Salaam ku yaala ayaa Sabahi u sheegay in ogaanshaha dadka wax amaahanaya ay ku kaalmaynayso kuwa daynta bixinaya in ay qiyaasaan khatarta iyo qiimaha qof ahaaneed. waxayna go'aan ka siinaysaa amaah u-ogalaansha qofka wax daynsanaya , taas oo sahlaysa in muwaadiniin badan ay amaah helaan.

" Tansaaniyiintu ma diiwaan-gashana , kharaj badan ayaana ku baxaya in la cadeeyo dadka amaahda qaadanaya si ay bankiyadu u xaqiijiyaan in ay amaahda ay siinayaan dadkii mutaystay. Waxay la mid tahay khamaar oo kale". Bwakyayo ayaa yidhi.

Bwakyayo ayaa yidhi in amaah bixiyayaashu ay inta badan tahay in ay xaqiijistaan waxyaabo badan sida daganaashaha oo kale iyaga oo maciin sanaya in ay guryaha ama goobaha ganacsiga tagaaan. Inkasta oo ay sidaas jirto ayaa haddana waxaa dhacda in ay arkaan khiyaamooyin sida in qof iska dhigo in uu yahay qof ganacsi leh " Si aan kharataas u yarayno ayaa qiimaha dulsaarta kor ugu qaadnaa," ayuu yiri.

Marka laga soo tago in qiimaha ogalaanshaha amaahda la dul saaro dadka wax amaahanaya, ayaa bangiyada qaarkood, waxay ku dallacaan ilaa 40 boqolkiiba si ay u kala firdhiyaan khatarta kaga imaan karta in amaahdii la bixin waaayo, idaas ayuu yidhi.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 68)

Dislike_icon(14)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • kishili benjamin
    February 23, 2013 @ 05:27:51PM

    Waxaan qarankeena ku hambalyaynayaa talaabada muhiimka ah ee noocaas ah. Goorma ayay magaalada Caruusha ka bilaabmi doontaa diiwaan galinta kaadhadhka dhalashadu? Muddo intee leeg ayayse ku qaadan kartaa qofka inuu helo kaadh dhalasho?

  • whizzy
    February 12, 2013 @ 08:28:09AM

    Waxaan jecelahay inaan ogaado goorma ayaa la bilaabayaa bixinta kaadhadhka dhalashada, sababtoo ah Karamajee hawshii waa laga bilaabay

  • faisal
    August 14, 2012 @ 02:44:06AM

    wasomali wasidiwe waondokane na hawa mashetani al-shabaab

  • Cris
    August 11, 2012 @ 05:12:43PM

    Xukuumadda Tanzania waa inay ogaataa in ay macaash heli doonto, laakiin aysan awoodi doonin inay cabsi galiso dambiilayaasha marka kaadhadhka la bixiyo, iyadoo aynu ognahay hababka ay adeegsadaan dadyowga bariga Afrika ku nooli markay xuduudaha ka talaabayaan. Markaa waxaa loo baahanyahay inay dhamaan dalalka bariga Afrika ay si niyad sami ah u hor joogsadaan dambiilayaasha iyo argaggixisada, ee looma baahna in kaadhadh dhalasho qoorta loo sudho ama shandadohooga baaliga ah lagu xidho.

  • abdilahi
    August 7, 2012 @ 10:55:54AM

    Anigu waxan ahay muwaadin reer Tanzania ah oo asalkiisu Soomaali yahay, laakiin waxa murugada igu dhaliyaa waa markay dadku ii arkaan qof qaxoonti ah, inkastoo anigu aanan waligay arkin dalka aan kasoo jeedo. Markaa dhibta jirtaa waa mid wayn, su’aashuna waxa weeyaan qofka Tanzania u dhashay maxa lagu garan karaa, ma midabka mise in qofka asalkiisu Baantuu yahay, mise in qofku dalka ku dhashay. Anigu waxaan ka yaabay sida dadku ay uga warwarsan yihiin dadka soogalaytiga ah, inkastoo ay dadkaasi dalka horumar iyo afkaar cusub u keenaan. Waxaan hubaa in haddii uu madaxwayne Obama reer Tanzania ahaan lahaa, maanta madaxwayne muu ahaadeen hadii ay dadku ogaadaan inuu asala ahaan aabihii Kenya kasoo jeedo, laakiin dal wacan oo maraykan la dhaho ayaa iyagoo og inuu asala ahaan aabihii Kenya kasoo jeedo haddana madaxwayne ka dhigtay. Anigu ma lihi dadku dalka si bilaa xad ah ha ugu soo haajiraan, laakiin waxa aan meesha qabanin cunsuriyaddi inay dadka afrikaanka ah ka dhex dhacdo, waayo waxaa cunsuriyad inoogu filan waxay dadka cadaanka ahi inagu hayaan. Waxaan rajaynayaa in cunsuriyadaas aan lagu dhaqmin marka kaadhadhka la bixinayo.

  • ABUBAKARI ZUBERI
    August 7, 2012 @ 10:08:19AM

    Waa barnaamij muhiim ah, laakiin waxaa aad u muhiim ah in arrinkaas si dhab ah looga hawl galo, gaar ahaan in dadka wacyi galin loo sameeyo, si ay wax uga ogaadaan barnaamijkan.

  • PAGIKUWA MAHENGE MJENGWA
    August 7, 2012 @ 02:38:11AM

    Waxaan dalbanaynaa in siyaaasadan si hufan oo taabagal ah loo sii wado, laakiin inagu hadaynu nahay muwaadiniinta waa inaynaan caqabad ku noqonin arrinkan, waana inaynu dhamaanteen dibadda usoo baxnaa inagoo waraaqeheena sidana, si aynu u kashifno dadka la tuhunsan yahay. “TANSAANIYA HA JIRTO WALIGEED"

  • abdullah
    August 6, 2012 @ 06:21:02PM

    Anigu runtii aad ayaan uga helay mareegtan. Waxaan leeyahay mareeg aniga ii gaar ah, markaa hadda wararka ayaan idinka soo xigan karaa. Anigu waxaan joogaa Tanzania.

  • Anthony Siame
    August 5, 2012 @ 01:13:50PM

    Anigu waxaan qabaa in aaraa’da halka kan lagu soo bandhigay ay yihiin kuwo wacan waanan raacsanahay, dhanka kale, ciddda dalkeena dhisi doontaa waa inaga, dadka reer Tanzania, laakiin waxa kaliya ee aanu baahannahay waa inaan si wacan u shaqayno.

  • danny
    August 5, 2012 @ 11:55:27AM

    Aniga waxay ila tahay in barnaamijkani uusan ahayn mid dadka diinta kiristaanka aan ku dhaqmin u xun, waayo dadka kiristaanka ah ee dhabta ahi kaadhadhkan ayuumbay wax ku iibsan doonaan. Kaadhadkani mustaqbalka dhow faa’ido ayay leeyihiin, laakiin mustaqbalka fog saamayntoodu ma wacna, waayo dajaal cawar wuxuu diiwaan gashaday dadka iyagoo aan ogayn, si ay ugu fududaato inuu si dhib yar dunida u xukumo.

  • George Godlisten Makuri
    August 5, 2012 @ 05:16:30AM

    Waxaan si daacadnimo ku dheehantahay u leeyahay fikradan Tanzania la timid waa mid heer sare ah. Anigu waan jecelahay dalkayga, waligayna sidaasaan ahaan doonaa, waxaanan leeyahay Tanzania hore ha u socoto.

  • Tryphon Kinuno
    August 5, 2012 @ 04:18:57AM

    Waa fikrad wacan, laakiin aniga wali warwar ayaa igu jira, sababtoo ah dadka ajnabiga ah iyo qaxootiga ayaa fursadan ka faa’idaysan doona si ay dhalashada si dhib yar ugu helaan, iyadoo aynu waliba ognahay in dalkeenu uu si naxariis leh usoo dhaweeyay cid kasta, waxaana ay Tanzania rabtaa inay dalalka kaleeto ay u arkaan inay tahay dal nabdoon oo ay ka jirto kalgacayl iyo dadka oo la gargaaro.

  • Bernard Mwenda
    August 5, 2012 @ 01:18:07AM

    Waa barnaamij wacan, aniga ra’yigayga arrinkan ku aadanina waxa weeyaan waa in aan marka hore kaadhadhka dhalashada dadka siinaa oo ay muddo kooban haystaan marka hore. Intaa kadib, waa inaan bilawnaa inaan baadhitaan ku samayno qof kasta oo sita kaadhka dhalashada, si aan u hubino in tafaasiisha uu bixiyay markuu kaadhka qaadanayay ay sax yihiin iyo in kale, halkaasoo ay tahay inaan hubino meesha uu qofku ku dhasho, waa haddii qofka aad looga yaqaan meeshaase, iyo waliba in qofka laga yaqaan meesha uu mudada dheer ku noolaa. Haddii aan sidaa la yeelin, waxay natiijadu noqon doonaa inaan kaadhadh siinay dad aan xaq u lahayn kaadhadhkaas. Ilaahay ha barakeeyo Tanzania iyo Afrikaba.

  • Ali
    August 3, 2012 @ 10:33:24AM

    Anigu waan soo dhawaynayaa mashruucan cusub ee ku saabsan kaadhadhka dhalashada ee Tanzania, waxaanan rajaynayaa inaan ka qayb qaato mashruucan, waxaanan idin xusuusinayaa inaan anigu dal shisheeye u dhashay, markaa fadlan iga caawiya sidii aan hal kaadh ku heli laaha. Waanad mahadsantihiin.

  • Ali Barisa
    August 3, 2012 @ 05:13:30AM

    Talaabadani waa talaabo wacan oo ay dawladda Tanzania qaadday, waxaana loo baahanyahay in la helo daacadnimo iyo ballankoo la oofiyo, si ay u suurto gasho in hawshu si habsami ah ay u sucoto, oo cid waliba ka faa’iddo.

  • CHRISTIANO
    August 3, 2012 @ 04:27:30AM

    Bixinta kaadhadhka waa in ay dawladdu si joogto ah u samaysaa, oo ay taa kaga dayataa dalka Kenya, waana in hawshaas la fuliya marka ay dadku gaadhaan 18 jir, markaa waxaan walaalahayga reer Tanzania ugu baaqayaa inay arrinkaa ka fikiraan

  • Domy John
    August 3, 2012 @ 03:10:54AM

    Waa wax wacan! Anigu waan ka helay! Laakiin waxaan wali ka warwar qabaa in dadka loo xilsaaray diiwaan galintu ay ku kacaan falal la mid ah laaluush, musuqmaasuq iyo khiyaamo. Waxaa sabab ah in dadyow muuqoodo u eegyahay dadka reer Tanzania, laakiinse aan u dhalan Tanzania, in la siiyo kaadhadhka dhalashada ee loogu talo galay dadka reer Tanzania, arrinkaasina waa mid dhici kara haddii aan lala iman hawl dheeraad ah oo lagu hubinayo waxay ku andacoonayaan dadkaasi ee ku saabsan meesha ay ku dhasheen ama asal ahaan ay kasoo jeedaan!

  • Juma Abdillahi
    August 2, 2012 @ 06:40:09PM

    Haa! waa arrin dalkeena u wanaagsan, sababtoo ah kaadhadhku waxay fududayn doonaan in dambiilayaasha haybtooda si sahlan loo garto, gaar ahaan kuwa dalka soogalaytiga ku ah, laakiin maan jeclaysan siday hawshu u socoto, sababtoo ah waxaa dadkii khasab ku noqotay inay goobaha la iska diiwaan galiyo ay wakhti dheer ku sugnaadaan, markaa waa in xukuumadu ay kordhisaa tirada goobaha dadka u adeegaya.

  • Earnest Devour
    August 2, 2012 @ 10:52:50AM

    Anigu asal ahaan waxaan kasoo jeedaa dal ay dadka reer Tanzania intooda badani ku hamiyaan inay tagaan ama u haajiraan, laakiin dalkaygu isagoo aysan ka jirin kaadhadh dhalasho ayuu hadana galay labadii dagaal ee dunida, waxaana dalkayga ku nool tiroo aad u badan oo dad soo galooti ah. Dalkayga dadka ku nooli waxay aaminsanyihiin in kaadhadhka dhalashadu ay ka dhigan yihiin hab ay dawladdu dadka kula socoto oo ay ku daba gasho. Haddaynu si guud u hadalno, waxaa qofka faro laga qaadaa kaliya haddii la xidho ama fal dambiyeed lagu soo oogo. Intaa wixii ka sokeeya, qofku wuxuu xor u yahay in arrimihiisu isaga gaar u ahaadaan, waxaana qofka ku filan shahaadada dhalashadiisa, waa haddii uusan u baahanin inuu qaato baasboor ama liisan, labadaa shayna waa kuwa kusoo xiga shahaadada dhalashada. Laakiin anigu waxaan qabaa in dadku fikrad xun oo la buunbuuniyay ay ka qabaan dadka soo galootiga ku ah Tanzania, inkastoo ay tirada dadka Tanzania ku nooli ay yar yihiin haddii la barbar dhigo dalalka reer Yurub tusaale ahaan, mana jiraan mashaariic caafimaad oo dadku ka faa’idaystaan ama mashaariic u gaar ah dadka hawl gabka ah oo ay dawladdu kharash ku bixiso, kuwaasoo looga baqayo in dadka soo galaytiga ahi ay lacagtooda madhiyaan. Markaa muxuu yahay dhibka ay soo galootigu dalka ku hayaan – waayo lagama yaabo inay dalka ilihiisa dhaqaale faaruqiyaan. Waxaad si taxadir leh isu waydiisaan, muxuu yahay waxa ay dawladda ka heli doonaan dadka kaadhadhka qaadan doona, kaasoo aysan kuwa aan qaadani aysan heli doonin? Hadaba aniga waxay iila muuqataa in waxa la rabo lagu gaadhi karo mashruuc ka kharash yar mashruuca bixinta kaadhadhka, waxaanan soo jeedinayaa dadka reer Tanzania ee aan shahaadooyin dhalasho haysanin in horta iyaga shahaadooyin dhalasho la siiyo. Waxyaabaha kale, sida liisanka iyo baasaboorka iwm, iyaguna way ku xigi doonaan haddii marka hore shahaadooyin dhalasho la bixiyo. Haddii uu qofku yahahy qof sharciga u hogaansan, wixii macluumaad ah ee aan ku oolin shahaadadiisa dhalashada, ee la rabo in kaadhadhka dhalashada lagu qoraa waa macluumaad dheerad ah oo ay dawladdu rabto inay qofka ka ogaato, laakiinse aanay baahi wayn u qabin ogaanshohooda.

  • Beni Kalaghe
    August 1, 2012 @ 01:28:13PM

    Kaadhadhka dhalashadu waxay yarayn karaan safafka dhaadheer ee dadku galaan markay hawlo badan so gudanayaan, arrinkaasoo dhib ku ah in dadka adeegyada loo fidiyo, laakiin waa hadii kaadhadhka loo adeegsado waxyaabihii loogu talagalay, ee ay ka mid yihiin bixinta amaahda, iyo cadaynta dhalashada qofka markuu dalka dibadiisa joogo, laakiin aniga waxay ila tahay kaadhadhka waa in dada reer Tanzania oo kaliya lagu kobo, iyo dadka dalka ku dhashay, sababtoo ah Tanzania ilaa wakhtigan ma aqoonsana in qofku laba dhalasho yeesho.

  • TED MOSES KADERA
    August 1, 2012 @ 12:02:01PM

    Waxaa hadda la jooga wakhtigi muwaadiniita lagu soo rogi lahaa inay qaataan waraaqaha dhalashada marka ay qaan gaadhaan. Laakiin siday dadkuba qabaan, waxaan ka warwarsanahay sideebaynu ku hubin karnaa inaan kaadhadhka la siinin dad ajnabi ah oo muwaadiniin iska dhigaya?

  • Edwin msuva
    July 31, 2012 @ 09:44:50PM

    Waa fikrad aad u qurqxoon, laakiin dadka waxaa iskaga khaldamay arrimaha siyaasadeed iyo arrimaha xukuumadda! Markaa waa in wacyi galin dheeraad ah dadka laga siiyaa kaadhadhka dhalashada.

  • Rogers Mfinanga
    July 31, 2012 @ 06:05:21PM

    Waa wax fiican mar haddii uu qarankeenu ka fikiray in arrinkan oo kale la sameeyo, sababto ah nolosho si joogto ah ayay isu badalaysaa, dadka adduunka ku noolina way sii badanayaan. Aniga waxay ila tahay in la gaadhi doono wakhti ay dadku meeshay doonaan ku noolaadaan haddii ay waayaan amaan taam ah. Ilaahay ha barakeeyo Afrika iyo Tanzania labadaba

  • Ibrahim Daud Guja
    July 31, 2012 @ 01:00:17PM

    Waxaan rajaynaynaa in hawshu guud ahaan sida loo qorsheeyay ay u dhacdo. Waa fikrad wacan

  • Plekwa
    July 31, 2012 @ 10:57:18AM

    Waa fursad ganacsi oo wacan oo dadka reer Kenya u furantay

  • EDWIN SIKIRA
    July 31, 2012 @ 08:53:21AM

    Anigu waxaan soo jeedinaya in la helo hab dadku internetka isaga diiwaan galiyaan, sababtoo ah waxaa jira dad dibada safar ugu kicitama wakhtiga ay diiwaan galintu Dar es Salaam ka bilaabanto, kuwaasoo markay soo laabtaan ku beegma iyadoo ay diiwaan galintii magaalada Dar es Salaam ka socotay ay dhamaatay, sidaana ku waaya kaadhadhka dhalashada.

  • ALPHONCE ARONE
    July 31, 2012 @ 05:31:52AM

    Anigu waan ka helay, waxaanan aniga laftaydu rabaa in aan kaadh qaato marka ay noo ogalaadaan dadkayaga Caruusha jooga ee reer Tanzania.

  • yetabula
    July 31, 2012 @ 01:55:38AM

    Haddaan si guud u hadlo, talaabadani waa talaabo aad u wacan oo wax ka tari karta xakamaynta dadka sida sharci darada ah dalka usoo gala, laakiin sideebay ku hubin karaan in kaadhadhka aan la siin doonin dadka aan Tanzania u dhalan, waayo sidaynu ognhay waxaa jira dad ajnabi ah oo baasaboorada Tanzania sita.

  • Sylvester Lawrence Migunga
    July 31, 2012 @ 12:05:59AM

    Arrinkani waa dadaalkii ugu wacnaa ee ilaa imika la sameeyay, markaa aan dhamaanteen taageerno xukuumadda, si ay u guulaysato.

  • mammuu wa KARATU-ARUSHA
    July 30, 2012 @ 06:01:41PM

    Arrinkani waa nooc ka mid ah hababka ay dadku ku lunsadaan hantida qaranka, markaa aniga iima muuqato ahmiyadda ay kaadhadhka dhalashadu u leeyihiin dal sida Tanzania musuqmaasuq lagaga dhaqmo…..lacagtaa balaayiinta doolar ah waxay ahayd in lagu kharash gareeyo kilimo kwanza.

  • godfrey toka
    July 30, 2012 @ 05:28:31PM

    Waa fikrad wacan, anigu waan jecelahay Tanzaaniya, dhawaana waxaan iman doonaa mbezi, Afrikana.

  • Mwikwabe Rioba
    July 30, 2012 @ 01:11:15PM

    Arrinkani waa war wacan oo usoo kordhay Tanzania, laakiin waxa aan ka war warsanahay ee ku saabsan arrinka kaadhadhku waa iyadoo dad khaldan kaadhadhka la siiyo, markaa waa in dawladdu arrinkaa la socotaa. Waxaan xasuusanahay sanadkii 2003, wakhtigaas oo aan traansid ku ahaa madaarka caalamiga ah ee dalka Holland, waxaanan farxay markii aan arkay nin sita baasaboorka Tanzania, waxaanan u maleeyay inaan arkay qof walaalkay ah oo reer Tanzania ah halkaasoo aan salaamay. Laakiin wuxuu iigu jawaab celiyay ‘walaalkayo afaarahaaga ku mashquul’ isagoo hadalkiisa ay ka muuqato lahjada reer Nayjeeriya. Dhawr saacadood kadib ayaan ku idhi waxaan kuugu yeedhi doonaa qunsulka Tanzania u fadhiya Holland, si ay u xaqiijiyaan ninkan dhalashadiisa markaasuu bilaabay inuu igu yidhaahdo waxaan diyaar u ahay inaan laaluush ku siiyo, si aan u caawiyo. Ugu dambayntii runta ayuu ii sheegay, waxaanan yaab iyo amakaag qaaday markii uu ii sheegay in uu baasaboorka ku iibsaday $600 oo doolar.

  • GOODLUCK.RABIEL.URONU
    July 30, 2012 @ 10:24:28AM

    Waa in aan aad u taxadirnaa, oo aan iska jirnaa in aan dadka soo galaytiga ah kala mid dhigno muwaadiniinta reer Tanzania, waayo arrinkaasi waa khatar. Markaa anigu barnaamijkan waan kasoo horjeedaa. Haddii uu dadka reer Tanzania ku koobanyahay waa si wacan, laakiin waxa ay kusoo dareen dad aan Tanzania u dhalan. Markaa arrinkani maaha mid loogu tala galay dadka reer Tanzania, sababtoo ah waxaa loo ogolaaday dad ka yimi (nigeria, congo, u.s.a, carabta, sudan, koonfur africa, kenya, uganda, lubnaan, ruushka, shiinaha, kuuriya, japan, Taiwan), dadkaasina dhamaantood waxay noqon doonaan muwaadiniin reer Tanzania ah oo dhamaystiran! Markaa arrinkaas waa inaynu ka war haynaa. Markaa anigu anoon cidna qasbayn, waxaan leeyahay ma aan jeclaysan maqaalkan.

  • John.
    July 30, 2012 @ 10:14:49AM

    Anigu si buuxda ugama raali ihi sida hawshan loo wado, waayo dad badan ayaa ka cabanaya waxaa loogu diiday inay sawirada iskaga qaadaan goobaha diiwaan galinta. Waxa kaliya ee dadkaas loo ogolaaday waa inay buuxiyaan foomamka, ka dibna ay meesha ka huleelaan, markaa kaadhadhka cusub macnohoodu ma waxaasaa? Mise waa iska ujanja ujanja? Dadku uma baahna in lacagta cashuurta ah ee laga qaado kolba mar labaad isla hawl kaliya lagu kharash gareeyo, markaa waxaan leeyahay dadka hawshan haya, fadlan hubiya in wax kasta oo loogu baahanyahay soo saarista khaadhadhka aad si wacan u qabataan, oo aad aqoon wacan u yeelataan.

  • fakhruddin
    July 30, 2012 @ 03:20:10AM

    Anigu waan gudbiyay dhamaan macluumaadkii ku saabsanaa qaadashada kaadhadhka dhalashada, markaa wakhti intee leeg ayay qaadanaysaa in qofku kaadhadhka helo.

  • harold
    July 30, 2012 @ 03:13:05AM

    Anigu waxaan ahay arday dibadda wax ku barta, waxaanan jecelahay in aan qaato kaadhadhka dhalashada, markaa sideebaan ku heli karaa? Muxuuse yahay qorshaha loogu talagalay dadka daggan dalka dibadiisa? Mase suuragal ii tahay inaan kaadhka ka qaato safaaradda Tanzania?

  • haile
    July 29, 2012 @ 05:05:21PM

    Anigu waxaan ahay qof ajnabi ah oo ku nool Tanzania, markaa hawshani waa hawl wacan ee halkaa halaga hayo.

  • ERICK MGAYA
    July 29, 2012 @ 12:12:17PM

    Waa si wacan, laakiin dadka tartamayaa waa inay ku dhaqmaan oo waa in laga helaa shuruudaha laga dalbaday. Taa waxaan uga jeedaa waa in aan cidna lacag la waydiinin, sababtoo ah hawshani waa mid bilaash ah. ilaahay waxaan ka codsanayaa inuu barakeeyo hawhan oo sida la rabo ay u dhamaato.

  • BALAMURUGAN
    July 29, 2012 @ 09:36:21AM

    Nidaamkani waa mid aad u wacan, markaa cid kasta oo Tanzaaniya ku nooli waa inay kaadhadhka qaadataa.

  • Firozali A.Mulla DBA
    July 29, 2012 @ 07:10:43AM

    Haddii dumarka aad laaluush siiso, iyagaa kuu buuxin doona foomamka, haddii kale waa inaad saacado badan kuyuuga ku jirtaa, arrinkanina maaha wax ku cusub mandaqaddan, waayo waxay dadku ku noolyihiin laaluushkaas iyo wax lamid ah. Markaa ciddii lacag bixisaa waxay rabto ayay heshaa ciddii kalena waxba ma hesho. Waan idiin mahad celinayaa Firozali A.Mulla DBA

  • Elizabeth Mbithe Kalii
    July 29, 2012 @ 05:13:12AM

    Talaabadani waa mid wacan oo jihada saxda ah loo qaaday, tasoo u faa’idayn doonta Tanzania iyo dadkeedaba.

  • Emmanuel Assey
    July 28, 2012 @ 04:39:22PM

    Arrinkani waa mid aad u wacan. Si hadaba loo dhimo dadka soo galootiga ah, waa in qof kasta oo reer Tanzania ahi uu kaadh yeeshaa. Haddii sidaa la yeelo, waxaa aad u fududaan doonta in la hubiyo qofka haybtiisa marka uu qofku rabo inuu dalabyo xafiisyada u gudbiyo. Laakiin waxaa muhiim ah in numbarada kaadhadhka si wacan loo kood gareeyo, si meesha looga saaro khatarta wax foojari garaynta.

  • Eliya Mlay
    July 28, 2012 @ 02:48:39PM

    Habka saxeexa suulku waa mid dhawaan laga bixi doono, markaa waxaan soo jeedinayaa in kaadhadhka lagu kaydiyo qofka saxeexa suulkiisa, si lo dhimo kharashka, waayo dhawaan ayay noqon doontaa waxa loo baahdo.

  • GODWIN
    July 28, 2012 @ 12:26:06PM

    Aniga waxay ila tahay fikradani waa mid wacan, laakiin xukuumaddu waa inay wakhtigan taxadir yeelataa

  • suleyman
    July 28, 2012 @ 06:05:55AM

    Kaadhadhka dhalashadu waxay muhiim u yihiin ammaanka caalamka, markaa waa in dhamaanteen reer Tanzania aan kaadhadhka qaadashadooda usoo baxnaa.

  • freddie
    July 27, 2012 @ 03:41:23PM

    Waa fikrad wacan.

  • albano
    July 27, 2012 @ 02:07:45PM

    Ilaahay ha barakeeyo Tanzania, haddaanu dadka nahayna waanu wada jirnaa, waxaanan ku faanayaa inaan ahay muwaadin Tanzania u dhashay, arrinkaana waxaa caddayn doona kaadhkayga dhalashada. Markaa hambalyo.

  • Haydarali Jeraj
    July 27, 2012 @ 01:09:39PM

    Anigu waxaan ku faraxsanahay in xukuumaddu ay ugu dambayntii bilawday mashruucan kharashka badan. Laakiin arrimo dhawr ah oo xaqiiq ah ayaa jira. Teeda kale, haatan dadka uma suurtoobi doonto inay magacyo badan isku diiwaan galiyaan, waayo suulka laga qaadayo ayaan saamixi doonin arrinkan. Arrinkaasina wuxuu cabsi k ridi doonaa dadka foojariistayaasha ah iyo kuwa soo galaytiga ahba, kuwaasoo hore u khiyaameeyay shacabka reer Tanzania. Markaa halkaa hawsha halaga sii wado.

  • Francis Kaswahili Kaguna
    July 27, 2012 @ 10:02:18AM

    Runtii fikradani waa fikrad wacan, laakiin anigu dhibaatada aan arkaa waxa weeyaan, sideebaa nabadda loo sugi karaa kormeerna loo samayn karaa. Tanzania waa dalalka Afrika hooyadood, waana dal aanad kala garan karin qofka muwaadinka ah iyo qofka soo galaytiga ah. Waxaan jecelahay inaan hambalyeeyo xukuumadeena, waayo waxay la timid fikradan, waxaana hadda inoo suura gali doonta in aan is tira koobno. Dalka Kenya ee inala jaarka ahi nidaamka kaadhadhka ayay leeyihiin, haddana si wacan ayay wax u wadaan, waxaanan jecelahay in aan hambalyeeyo dalkayga aan jecelahay, waanan ku faanayaa inaan ahay muwaadin Tanzania u dhashay, oo ah dalka ay ku taalo buurta Kilimanjaro oo ah afrika ta ugu dheer.

  • RAHMA
    July 27, 2012 @ 08:37:22AM

    Kaadhadhaka dhalashadu waa fikrad wacan, laakiin dhibaatooyinka badani waxay ka iman karaan dadka ajaanibka ah, waayo waxaa dalka jooga dad badan oo ajnabi ah, kuwaasoo haysa shahaadooyin dhalasho, dad reer Tanzania ahna guursaday, Tanzania-na wax ku bartay kana shaqeeya, af sawaaxiligana si wacan ugu hadla, markaa sideebaa loo garan karaa dadkaas bulshada ku dhex jira???

  • Godfrey Lyimo
    July 27, 2012 @ 07:48:12AM

    Dhamaan dadka loo xilsaaray fulinta hawshan wacani waa inay noqdaan muwaadiniin dhab ah, waana inay hubiyaan in qof aan Tanzania u dhalanin uusan heli doonin kaadhka. Qof kastaa waa inuu shaaca ka qaadaa halka ay dhab ahaan waalidkiisu kasoo jeedaan, waana in arrinkaas ay guddi gaar ahi soo xaqiijisaa, si dadka been abuurka ah loo reebo. Sidoo kale, qofkii lagu qabto isagoo wax foojari garaynaya waa in la xidhaa oo aan la ganaaxin. Haddii taasi dhacdo, waxaa kor u qaadmi doonta nabadgalyada dalka.

  • Murtaza
    July 27, 2012 @ 07:13:11AM

    Aniga waxay ila tahay in talaabadani ay tahay mid khasaarisay hantiid qaranka, waxaana qaanuunku qasbayaa in muddada aan la dhaafin. Dadka intooda badani way shaqeeyaan, waxaana ku adag inay shirkadohooda fasax kasoo qaataan si ay isu diiwaan galiyaan.

  • [email protected]
    July 27, 2012 @ 06:52:40AM

    Waxaan kula talinayaa muharam mchume, shahaaddooyinka dhalashadu waa waxa ugu muhiimsan ee qofku u baahanyahay inuu jinsiyadiisa ku muujiyo, markaa waa in dadka lagu qasbaa inay keenaan shahaadooyin dhalasho, dhokumantiyada kalena waa inay noqdaan qaar aan waajib ahayn balse ay noqdaan qaar lagu kabo shahaadada dhalashada. Waxaan sidan u leeyahay dad badani oo ajnabi ah ayaa dalka si sharci darro ah ugu nool, qaarkoodna waa dambiilayaal.

  • PROTUS M. MUTUA
    July 27, 2012 @ 05:38:00AM

    Waa fikrad la yaab leh, hambalyo xukuumadda Tansaaniya

  • gabriel
    July 26, 2012 @ 10:00:53AM

    Arrinkani waa arrin muhiim ah, laakiin isla markaana waxaa uu khasaare ku yahay hantida qaranka, waayo hawl ayaa laba jeer la galay. Dhawr sanadood ka hor, waxaa sidan oo kale dadaal loogu galay in dadka cod bixiyayaasha ah la tirakoobo oo la diiwaan gasho. Waxaa wakhtigaas laga codsaday dadka da’doodu 18 ka wayntahay inay kaadhadhka codaynta qaataan. Markaa haddii aynu muwaadiniin nahay oo aynu ka fekerayno hantida qaranka, macluumaadkii barigaa lasoo uruuriyay ayaa hadda la adeegsan lahaa, loomana baahdeen in dib loo doono macluumaadkaas hadda. Waxaan hubaa in dad musuqmaasuqa ku lug lihi ay fahmeen in ay laaluushkooda libin laabi karaan haddii ay boqolkiiba toban wakhtigaas hore helaan imikana intaa in leeg helaan, waxaanay dadkaasi xukuumadda kula taliyeen inaysan isku hawlin in labada hawlood ay hawl kaliya ka dhigto oo ay hantida qaranka madhxiso.

  • Mundi
    July 26, 2012 @ 05:52:05AM

    Anigu dhinacayga uma arko in arrinkani yahay mid wacan! Sababtoo ah dadku waa inay marka hore haystaan shahaadooyin dhalasho, waxaanaynu ognahay in dadka reer Tansaaniya ee da’doodu ka wayntahay 45 aysan haysanin shahaadooyinkaas. Markaa arrinkani wuxuu dadka ajnabiga ah ee reer Tansaaniya aan ahayn jaanis u siin karaa inay wax foojari gareeyaan oo dhokumanti been abuur ah la yimaadaan. Markaa xukuumaddu waa inay taxadir yeelataa!

  • Geron John
    July 25, 2012 @ 11:58:30AM

    Arrinkani waa arrin wacan, waxaanan bogaadin u fidinayaa dawladeena! Ka hor intaan la dhaqan galin fikradan ku saabsan kaadhadhka dhalashada, qofku ma uusan awoodi karin inuu difaaco oo uu cadeeyo dhalashadiisa. Laakiin imika mar haddii ay kaadhadhka qaadashadoodu soo socoto, waxay dadka reer Tansaaniya aduunkoo dhan ugu faani doonaan inay yihiin dad tansaaniya u dhashay. Markaa waxaa qadarin iyo amaanba mudan xukuumadda iyo sida qalbi adayga leh ee ay mashruucan u hirgaliyeen!

  • jackson j.
    July 25, 2012 @ 07:18:19AM

    Dalkeenu wuxuu la yimid fikrad wacan, markaa aan dhamaanteen iska kaashano arrinkan.

  • RITHA MALLYA
    July 25, 2012 @ 02:53:43AM

    Aniga fikradayda ku saabsan diiwaan galinta haddaan sheego, waxaan qabaa waa in dadka reer Tanzania mudada loo dheereeyaa, gaar ahaan kuwa ku nool magaalada Dara Salam, halkaasoo ay diiwaan galintu imikuun ka curatay, sababtoo ah dadku shaqooyinkooda ay ku kalahaan, markaa wakhtigoodu waa cidhiidhi, mana haleelaan inay is diiwaan galiyaan. Dhanka kale, waa in goobaha diiwaan galinta hore loo furaa, si ay shaqaaluhu ay wakhti ugu helaan, waana in la furaa goobahaas 7:00 subaxnimo lana xidhaa 6:00 galabnimo. Markaa sidaas ayay hawshu ku fududaan doontaa.

  • Tabu
    July 25, 2012 @ 02:10:08AM

    Waa fikrad fiican in dadka la siiyo kaadhadh dhalasho, laakiin dawladdu waa inay intay hawshan ku guda jirto taxadir yeelataa, oo ay si gaar ah u ogaataa dadka aan Tanzania u dhalan ee is diiwaan galiyay.

  • Suleiman Suedi
    July 24, 2012 @ 04:45:21PM

    Qorshahaan wuxuu u muqdaa in uu yahay mid wanaagsan mise mid shaqeynaayo balse mahuba sida qaxootiga looga ekeyn karo diwaan gelinta ilaa aan isku afgarano qaran ahaan kuwa soo gala waddanka ayaga oo aan la aqoonsan in ay yahiin reer Tanzania dabiici ah iyadoo loo eegaayo kaartadooda.

  • John Kitheka
    July 24, 2012 @ 02:36:23PM

    Anigu waxaan ahay qof ajnabi ah, waxaanan jecelahay in anigana mid la isiiyo, markaa sideebaan ku heli karaa halkeese aan iska diiwaan galin karaa.

  • amedeus
    July 23, 2012 @ 12:57:41PM

    Fikraddani waa fikrad wacan, laakiin waxaan qabaa lacagta loo qoondeeya hawshani waa lacag aad u badan, dadka hawshan loo igmadayna waxay ila tahay aad ayay uga faa’idi doonaan, waana sida dareenkaygu yahay.

  • kilamian
    July 23, 2012 @ 11:38:22AM

    Haa! Waa fikrad wacan, laakiin dadka reer Tanzania intooda badani waxay daganyihiin tuulooyin, intooda badanina barnaamijkan kama war hayaan, markaa waa in istaraatiijiyad iyo qorshe wacan loo sameeyaa mashruucan, si loo gaadho himilooyinka la rabo. Waxaan jecelahay in aan idin waydiiyo, marka hore baadhitaan ma samayn kartaan, oo kaadhka dhalashada ee ku meel gaadhka ah ma bixin kartaan?

  • Elisa k
    July 23, 2012 @ 02:57:05AM

    Dawladu hawl wacan ayay qabatay mar haddii ay kaadhadhka dhalashooyinka ay dadka u fidisay, waayo waxaa hadda dadka u suurtoobi doonta inay si fudud lacag ku amaahdaan, oo ay xitaa “Boondhis” ama nuqul deymeedyo midkoodba midka kale u sameeyo.

  • kiokote
    July 22, 2012 @ 07:31:07AM

    Haddii barnaamijkan si cadaalad iyo sinaan leh loo fuliyo, wuxuu noqon doonaa mid aad u wacan, waxaanan soo jeedin lahaa in ay ka bilaabaan degmooyinka iyo tuulooyinka xudduudda u dhow, sababto ah waxaad jeceshihiin inaad mar walba mashaariicda noocan oo kale ah aad ka bilawdaan caasimadda Dar es Salaam, arrinkaasina waa caado xun oo Tanzania ka jirta. Markaa arrinka si dhakhso ah ha loo joojiyo:

  • ayale
    July 22, 2012 @ 01:21:48AM

    Waa arrin wacan, laakiin aniga waxay ila tahay tahriibayaashu waxay la kulmi doonaan dhibaatooyin aad u badan.

  • amani ditrick
    July 21, 2012 @ 04:26:41AM

    Waa fikrad wacan

  • betram justine
    July 20, 2012 @ 04:25:54PM

    Haa waa maqaal wacan, laakiin anigu ma garanayo siday noqon doonto xaaladda dadka ajinabiga ah ee la siiyay kaadhadh dhalasho oo la mid ah kaadhadh la siiyay dadka dalka u dhashay.

  • prosper fungo
    July 20, 2012 @ 01:53:49PM

    Aniga ilama aha in arrinkan wax guul ah laga gaadhi doono, sababtoo ah xukuumaddu balanqaadyo badan ayay samaysay, laakiin waxay ku fashilantay inay balanqaadyadaas fuliso, laakiin haddana fikradani waa mid wacan.

  • Robin Robert
    July 20, 2012 @ 11:38:47AM

    Dhab ahaantii waa loo baahanahay in la hirgaliyo kaadhadhka dhalashada, laakiin maxay tahay sababta keentay in dadka ajnabiga ah laga dalbo inay buuxiyaan foomka? Waxaan ku talinayaa yaynaan dheel dheelin, waayo kaadhadhkani waa kaadhadh caddaynaya in qofku Tanzania u dhashay, ee maaha kuwo caddaynaya in qofku Tanzania ku noolyahay.

  • MWANKUGHA
    July 20, 2012 @ 03:23:49AM

    Hambalyo!!!! Arrinkani wuxuu ardayda jaamacadaha u fududayn doonaa inay amaah helaan.

  • Okongo Ajoni
    July 20, 2012 @ 02:58:53AM

    Arrinkani waa bilawgii calaamadda bahalka (666). Waa in aan xusuusnaanaa in arrinkani uu yahay mid lagu hir galin doono nidaam dadka macluumaadkooda lagu garto, nidaamkaas oo ah mid ay ku jiraan dhamaan qofka macluumaadkiisu. Cidii nidaamkan kasoo horjeesatana waxaa laga mamnuuci doonaa inuu helo baahiyaha aasaasiga ah ee nolosha. Markaa ha la taxadiro!!!

  • paul samson magembe
    July 19, 2012 @ 01:18:54PM

    Waan hambalyaynayaa barnaamijkan, laakiin xukuumaddu arrin kaliya ha xasuusnaato. Arrinkaasi waxa weeyaan waxaa jira tiro badan oo dadka jaamacadaha dhigta ah, kuwaas oo aan barnaamijkan ka soo qayb gali karin fasaxa aawadii, sababta oo ah xiliga fasaxa ma joogaan dadkani meesha ay ku dhasheen iyo meesha ay wax ka bartaan toona. Markaa sida ugu wacan ee dadkani lagu diiwaan galin karaa waa iyadoo loogu tago meelaha ay wax ka bartaan, halkaasoo wixii macluumaad ah oo dhami ku diyaar yihiin.

  • NATASHA
    July 19, 2012 @ 10:00:56AM

    Waa arrin aad u wacan! Waana wax in badan la sugayay…waxaa loo baahanyahay kaadhadhka dhalashada, markaa haayoo waa arrin wacan!

  • muharam mchume
    July 19, 2012 @ 05:11:06AM

    Fikradu guud ahaan waa mid wacan, laakiin waxaan ka warwarsanahay in mashruucan lagu soo daro dad aan xaq u lahayn, sida dadka aan dalka u dhalan. Tusaale ahaan, waxay Kenya bilawday mashruucan taariikhdu markay ahayd 1923, haddana si wacan ayuu u socdaa. Wixii macluumaad ah ee lasoo gudbiyo waa la hubiyay waxaana dib loo eegaa dadkii hore isu diiwaan galiyay. Laakiin tusaale ahaan degmooyinka Sinza iyo Kinondoni Hananasif waxaa jooga dad xoogaa ah oo kasoo jeeda dalalka Malawi iyo Nigeria iyo Congo, waxaanay dhamaantood sheegtaan inay Tanzania u dhasheen, oo xitaa qaarkood waxay haystaan kaadhadhka lagu codeeyo, markaa waxaan ku talin lahaa in taxadir badan lala yimaado marka hawshan lagu guda jiro.

  • FRANCIS MGAYA
    July 19, 2012 @ 03:09:33AM

    Waa maqaal wacan

  • Ahmed
    July 17, 2012 @ 05:24:41AM

    Arrinkani waa mid wacan, waxaanan Alle ka baryaynaa inay arrimuhu sidii la qorsheeyay ku socdaan, waanad ku mahadsantihiin taladan. Hambalyo.

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada

Macluumaad