Soomaaliya oo isu-diyaarinaysa doorashadii ugu horreysay ee madaxweynanimo ee ka dhacda Muqdisho

Waxaa qoray Cadnaan Xuseen oo Muqdisho jooga

Luulyo 12, 2012

  • 7 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Ololaha doorashada madaxweynanimada ee Soomaaliya ayaa bilowday, iyadoo 21 musharax ay isku-garbinayaan tagidda Villa Somalia, oo ah xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

  • Af-hayeenka baarlamanka Soomaalia Shariif Xasan Sheekh Aadan oo hadlaya, iyadoo Ra'iisalwasaare Cabdiwali Maxamed Cali (midig) iyo madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed (dhexda) ay dhowrayaan, Muqdisho, Juun 2011-ka. [Stringer/AFP]

    Af-hayeenka baarlamanka Soomaalia Shariif Xasan Sheekh Aadan oo hadlaya, iyadoo Ra'iisalwasaare Cabdiwali Maxamed Cali (midig) iyo madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed (dhexda) ay dhowrayaan, Muqdisho, Juun 2011-ka. [Stringer/AFP]

Doorasho lagu qabto Muqdisho, waxa ay guul taariikhi ah u tahay dadka Soomaaliyeed, ayuu yiri Cabdirashiid Cabdi Axmed, oo barnaamij soo saare ka ah raadiyaha ay Qaramada Midoobay maal-galiso ee Bar-kulan oo fadhigiisu yahay Nairobi.

Waxa uu Sabahi u sheegay in doorashadani ay muhiimad gaar ah leedahay, maxaa yeelay sannadihii lasoo dhaafay dowladaha kumeel-gaarka ah waxaa lagusoo dhisi jiray dalka dibaddiisa. Markii ugu horreysay ayaa tan iyo markii uu dagaalka sokeeye billowday waxaa aqalka baarlamaanka Muqdisho lagu dhex dooran doonaa madaxweynaha iyo labada gole ee baarlamaanka.

Ajoos Sanuura, oo ah Lataliyaha ammaan ee Hogaanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa sheegay in doorasho lagu qabto Muqdisho ay dhiirri-galin u tahay ciidamada ammaanka, si ay usii wadaan dadaallada ay ugu jiraan in ay dalka oo dhan kusoo dabaalaan amni iyo dagganaan.

"Muqdishso waxa kasocda dhaq-dhaqaayo siyaasadeed oo aan hore loo arag iyo kulamo u dhexeeya madaxweynaha Soomaaliya Sheikh Sharif Shekh Axmed iyo hoggaamiyayaasha qabaa'ilka, si ay usoo dadajiyaan ansixinta dastuurka, ayna usoo doortaan xubnaha baarlamaanka fedraaliga ah," ayuu Sanuura ku yiri Sabahi.

Musharixiinta

Axmed ayaa ku dhawaaqay masharaxnimadiisa uu ku doonayo in uu mar labaad madaxweyne noqdo April 25-keedii, si loo sii wado dhaqan-galinta barnaamijyada siyaasadda iyo ammaanka, oo uu sheegay in ay keeneen in al-Shabaab la jabiyo. Waxa uu sidoo kale ballan-qaaday in hay'adaha dowladda iyo kuwa garsoorka ay si buuxda u howl-gali doonaan, taasoo waddada u xaareysa dadaallada dib-u-dhiska ah ee laga fulinayo guud ahaan dalka si loo xoojiyo dhaqaalaha.

Si walba oo ay ahaataba, Axmed waxa uu sheegay in uu soo dhoweynayo tartanka loogu jiro madaxweynanimada. "Waxa aan aad ugu faraxsanahay in aan arko in musharixiinta ay imanayaan caasimadda si ay uga qeyb-qaataan tartanka adag ee loogu jiro xilka madaxweynanimada, iyadoo musharax walba uu si ay kalsooni ku jirto u soo bandhigayo barnaamijyadiisa siyaasadeed, isla markaana la hubiyay hufnaanta iyo ammaanka doorashada," ayuu Axmed yiri bishii Juun.

Marka Golaha Deegaannada Qranka lasoo xulo, dastuurka qabyada ahna la ansixiyo, xubnaha ayaa dooran doona af-haayeenka iyo labadiisa ku-xigeen afarta Augost, kadibna madaxweynaha 20-ka Augost, sida kucad jadwalka hadda daggsan.

Si walba oo ay ahaataba, qaar kamida falanqeeyayaasha siyaasadda iyo siyaasiyiin ayaa sheegaya in go'aanka uu Axmed ku gaaray in uu u tartamo xafiiska madaxweynanimada shan sano oo kale ay bedeshay dhadhankii baratanka. Hogaamiyayaal badan ayaa qaba in Axmed iyo Sharif Xasan Sheekh Aadan, ay lahaan doonaan faa'idada, maxaa yeelay waxa ay u baratamayaan jagada si ay u sii haystaan xukunka dowladda.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ah xubin ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, rajana ka qaba in uu madaxweyne noqdo, ayaa sheegay in madaxweynaha xiligan uu haysto faa'iido aad u wayn.

Marka lagu daro Warsame, madaxweynaha xiligan, af-hayeenka baarlamanka iyo ra'iisal wasaare Cabdiwali Maxamed Cali iyo magacyada soo socdaba, waxa ay kamid yihiin tiro musharixiin ah oo u taagan xilka madaxweynanimo: ra'iisal wasaarihii hore Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, diblomaasiga Cabdulaahi Maxamed Caddow, sarkaalka hore ee militari ahna Islaami qun-yar-socod ah Cabdiraxmaan Maxamed baadiyow, Profaysar Axmed Muumin Warfaa, ganacsade Xaaji Maxamed Yaasiin, Profaysar Axmed Ismaaciil Samatar, Xasan Sheekh Maxamuud oo ah macalin hore ee jaamacadeed oo Muqdisho ku taala, Maxamed Maxamuud Guuleed oo ah xubin baarlamaanka ka tirsan horena wasiir u ahaa iyo Maxamed Qanyare Afrax oo ah xubin baarlamaanka ka tirsan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in musharax kasata ay tahay in ay maanka ku hayo in uu la ka shaqayn doono dal bur-buray, dhaqaale liita iyo bulsho dhaawacan oo ay daashadeen dagaallo iyo abaaro.

"Siyaasaddu ma ahan kaliya raadinta jagada madaxweynanimada, iyadoo marnaan looga tagayo boosaska kale ee siyaasadeed ee dalka loogu shaqaynayo," ayuu yiri.

Dhaq-dhaqaaqdada bulshada rayidka ah, Zaytuun Ibraahin ayaa sheegtay in loo baahanyahay hufnaan iyo furfurnaan xagga doorashada ah, si looga gaashaanto in codadka la gato, iyadoo sidaana tartanka laga saarayo musharixiinta kale.

Waxa ay carabka ku dhufatay in beesha caalamku ay dalbadeen inxilliga kala-guurka lagu soo af-jaro si nabad ah oo dimuqraaddi ah, iyada oo loo dhaqaaqayo xukun fedraali ah oo dhamaystiran oo ay ku dhanyihiin dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliya.

Internetka oo saamayn ku yeeshay ololaha

Falanqeeyeyaal siyaasadda Soomaaliya ayaa sheegaya in qaar kamida musharixiinta ee ku nool dalka dibaddiisa ay ka faa'idaysanayaa internetka si ay u faafiyaan fikradahooda iyo ajandayaashooda, kaasoo sidoo kale keenay kororka musharixiinta.

Porofaysar Axmed Cali, oo ku takhasusay arrimaha siyaasadda iyo xalinta khilaafaadka, ayaa Sabahi u sheegay in doorashada xiligan ay laba-laab yihiin musharixiinta marka loo eego doorashooyinkii dhacay 2000, 2004-tii iyo 2008-dii doorashooyinkaa oo ay ku tartameen musharixiin aan ka badnayn 15.

Daahir Maxamuud, oo ah falanqeeye siyaasadda iyo arimaha bulshada, ayaa sheegay in interneka uu musharixiinta u sahlay in ay si ballaaran dhagaystayaashooda u gaarsiiyaan fikradahooda iyo yoolalkooda, taasoo aysan suurta-gal aheyn doorashooyinkii hore ee ka dhacay Jabuuti iyo Kenya.

"Arrinta farxadda mudan waa heerka wacyi-galinta marka laga hadlayo mustaqbalka ummadda iyo walwalkooda, iyadoo inta badan Soomaalida ay ka hadleen xiisaha ay u qabaan in si daacad ah loo shaqeeyo, si loo gaaro Soomaaliya oo dimuqraaddi iyo federaal ah," ayuu Maxamuud ku yiri Sabahi. "Tani waxa ay kor u qaadaysaa kalsoonida laga qabo mustaqbalka Soomaaliya, marka dhan la iska dhigo qofka qaban doona xilka Viila Soomaaliya ama halka uu siyaasad ahaan u janjeero."

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 35)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • Suujino
    August 16, 2012 @ 07:39:15PM

    Dadka soomaaliyeed waxay kasoo gudbeen marxalad kala guur ah oo aad u adag, taas oo qaadatay sanado badan. Laakiin wax kasta oo la bilaabaa dhamaad ayuu leeyahay iyo gun iyo gaba gabo, arrinkaasina waa habka uu eebe dunidan ku uumay, halkaasoo ay wax kasta oo noloshan bilaabmaa ay aakhirka gunaanad yeeshaan, markaa dhibaatada dadka soomaaliyeedna haatan way dhamaatay, sababtoo ah dustuur cusub ayaa dalka loo dajiyay, kadib markii ay kulamo yeesheen xubnaha gudida dajinta dustuurku, kuwaasoo ka koobnaa ku dhawaad 823 xubnood, ama inyar ayay ka badnaayeen tiradaa. Dadaal baaxad leh ka dib, waxay ku guulaysteen dajinta dustuur cusub, kaasoo dadka soomaaliyeed u noqon kara wax u damaanad qaada inay helaan nolol xasilooni iyo nabad ku dhisan, isla markaana aan la adeegsanin awood iyo hanjabaad iyo dagaal midna, inkastoo laga cabsi qabay in dadka dastuurka kasoo horjeedaa ay qarax la beegsan doonaan gudida diyaarinta dustuurku markay shirayso, laakiin ilaahay naxariistiisa ayaa wax kasta ka wayn. Hadaba dustuurkan cusubi wuxuu dadka u noqday nuur iyo naruuro, dhamaan xubnaha gudida iyo dadka soomaaliyeedna waxay u dabaal dageen guushan way nee lasoo hooyay, taasoo taariikhda baal dahab ah ka gali doonta.

  • DBA Hussein Ibrahim Amey
    August 3, 2012 @ 06:20:51PM

    walaalalha parlamaantka cusub waxaan ka codsanaya in ay u doortann prof Axmed Ismaaciil Samater Madaxwenaha Soomalia, maxaa yeelay waa nin ku sifoobay wadaninimo 21kii sano ee lagu juray hoogga iyo burburka, aniga waxba ma wadaagno dalasho iyo saaxiibtinimo midna waligayna ma arag, waxaanse maqlaa hadalkiisa iyo wadaninimadisa,walaalayaalow ha luminia fursadan aan dib idiinsoo mareyn ka fakare aaya Somaliya Prof.Axmed Ismaciil Samater ayaa ku haboon maanta Madaxweynaha Somaliya dhawaan ha ka shalaayina intay waxkale idin jiitaan, samabixint Somaaliya waxay u baahantahay in aad doorataan Prof.Axmed ISMACIIL SAMATER MADAXWEYNE SOMALIA

  • Doctor of Business Administration Hussein Ibrahim
    August 3, 2012 @ 05:59:13PM

    Waxaan ka dalbanayaa xubnaha baarlamaanka cusub ee lasoo doortay inaysan luminin fursadan qaaliga ah, oo ay doortaan qof marxaladan ku munaasib ah inuu noqdo madaxwaynaha Soomaaliya. Qofka ugu wacan ee ku munaasibka ah inuu noqdo madaxwaynaha Soomaaliya waa Professor Ahmed Ismail Samatar. Xubnaha baarlamaanka cusub waxaan leeyahay walaalayaal ka fikira arrinkan, si xuna ha u isticmaalina awooda la idin siiyay. Anigu wax xidhiidh qaraabo ama saaxibtinimo ama xidhiidh kaleeto ahi nagama dhexeeyo, waayo Professor Ahmed wuxuu ku dhashay cidhif ka mid ah Soomaaliya aniguna cidhif kaleeto ayaan ku dhashay, laakiin anigu waxaan ku kalsoonahay in ninkani uu yahay qofka ku munaasibka ah inuu noqdo madaxwaynaha Soomaaliya. Waxaan aaminsanahay inuu dalka ka badbaadin dooni 21 sanadood oo masiibooyin socdeen, kuwaasoo aynu ku dhex jirnay. Markaa bal ninkan macluumaad dheeraad ah ka ogaada isaga iyo aragtida uu Soomaaliya u hayo.

  • علي جبريل الكتبي
    July 16, 2012 @ 12:45:21PM

    Sheikh Shariif wuu ku guulaysan karaa tartanka doorashada madaxtinimada, sababtoo ah waa nin qunyar socod ah, waxaanuu yahay biriishka isku xidha islaamiyiinta iyo calmaaniyiinta. Musharaxiinta kaleeto iyagu faa'dadan ma hastaan.

  • xaynuuf
    July 15, 2012 @ 08:40:21AM

    aad ayey ufican tahay faladan bailse waxay ceeb leedahay qaabka looqoray micnaha in farta lakala bixiyo aad ayaad umahad santihiin

  • zeytun mohamed
    July 14, 2012 @ 02:51:54PM

    Soomaaliya waxay ahayd goob dagaal labaatankii sano ee u dambeeyay. Anigu waxaan Sheekh Shariif usoo jeedin lahaa inuu xilka ka dago, si ay u qabsoonto doorasho cusubi, waana inuu gadhwadeen ka noqdaa xil wareejin nabad ah, si ay muwaadiniintu uga qayb qaataan oo ay u garab galaan geedi socodka dimuqraadiyadda. Arrinkaasina wuxuu wanaajin doonaa wada jirka iyo isku duubnaanta qaranka. Haddii ay hawshani noqoto mid taabbagasha oo nabad ku dhamaata, waxay dadka Soomaaliyeed ee qurbaha ku nooli ku dhiiran doonaan inay dalkooda ku laabtaan oo ay bilaabaan dibu dhiska iyo horumarinta dalka.

  • Ahmed
    July 13, 2012 @ 04:59:34AM

    Musharaxiintu imika way ka badan yihiin doorashooyinkii madaxwayne ee sanadkii 2004, taana waxaa u sabab ah tiknoolojiyadda casriga ah iyo internetka dunida wada gaadhay. sidaa darteed, waxay musharaxiintu imika awoodaan inay soo jiitaan taageerayaal, si ay uga qayb qaataan ololaha doorashooyinka soo socda ee dhici doona 20 ka bisha Agosto. Musharaxiinta waxaa ka mid ah madaxwaynaha imika talada haya, iyo raysal wasaarihiisa Cabdiwali, iyo Shariif Sakiin oo ah gudoomiyaha baarlamaanka, waxaanay rabaan dhamaan in mar labaad lasoo doorto. Markaa imika Soomaaliya waxa u baryay waa cusub, ka dib 21 sanadood oo khilaafaad, dagaalo sokeeye, abaaro iyo waliba afkaar cusub oo arggaggixiso ah, oo aysan dadka Soomaaliyeed hore u aqooon, oo ay la timid kooxda alshabaab loo yaqaano, taasoo iyadu dhawaan ku biirtay alqaacidda, si cadna warbaahinta uga caddaysay arrinkaas.

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada