Dagaalyanada Al- Shabaab oo "si xawli ah isugu soo dhiibaya" Puntland

Waxaa qoray Xasan Muuse Xuseen oo Garoowe jooga

Luulyo 11, 2012

  • 4 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Madax sare oo ka tirsan al- Shabaab iyo ciidamadooda caadiga ah ee ku sugnaa Buurallayda Galgala ayaa si xawli ah uga soo baxsanaya ururkaas, sida uu sheegay Sarreeye guuto Muxyadiin Axmed Muuse oo ah Taliye ku xigeenka Booliiska Puntland.

  • Cafis uu bixiyay Madaxwaynaha Puntland ayaa xubno badan oo al-Shabaab ah u suura galiyay in ay isa soo dhiibaan. Xagga sare, ciidamada Amaanka oo  la socda nin xoole jire ah meel u dhaw Dekada Boosaaso ee Puntland.  [Marco Longari/AFP]

    Cafis uu bixiyay Madaxwaynaha Puntland ayaa xubno badan oo al-Shabaab ah u suura galiyay in ay isa soo dhiibaan. Xagga sare, ciidamada Amaanka oo la socda nin xoole jire ah meel u dhaw Dekada Boosaaso ee Puntland. [Marco Longari/AFP]

  • Sarreeye Guud Muxyadiin Axmed Muuse oo leh dawlada Puntland waxay soo dhawaynaysaa , kaalmaynaysaana xubnaha al-Shabaab ee doonaya in ay ka soo tagaan ururkaas. [Xassan Muuse Xuseen/Sabahi]

    Sarreeye Guud Muxyadiin Axmed Muuse oo leh dawlada Puntland waxay soo dhawaynaysaa , kaalmaynaysaana xubnaha al-Shabaab ee doonaya in ay ka soo tagaan ururkaas. [Xassan Muuse Xuseen/Sabahi]

Muuse shaaca kama qaaadin inta xubnood ee ilaa iyo hada soo goosatay, laakiinse wuxuu sheegay in in Boolisku ay goor hore soo bandhigeen inta xabsiyada ku jirta, inta kalena lagu shaacin doono dhowaan.

Bilihii la soo dhaafay dhawr Dagaal ayaa uu dhex maray ciidamada xoogga Puntland iyo al-Shabaab, Buuralayda Galgala oo 60 kiiloomitir koonfur-galbeed kaga beegan Boosaaso.

Waraysi uu Sabahi siiyay ayuu Muuse ku sheegay in mamulka gobolku uusan wax awood ah kala hadhaynin sidii uu ammaanka gobolka ku sugi lahaa, uuna ka sii shaqaynayo xasiloonida Puntland.

Sabahi: Maxaad is leedahay in uu keenay in ay raggaasi naftooda khatar galiyaan oo ay hadda isa soo dhibaan?

Sarreeye Guud Muxyadiin Axmed Muuse: Sababta ugu muhiimsan ee ka danbaysa is dhiibkan waa magan galyadii uu bixiyay Madaxwaynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamud Faroole taas oo loo fidiyay qof walba oo raba in uu al-Shabaab ka soo tago. Waxaana balan loogu qaaday in aan waxba loo qabsanaynin haddii ay isa soo dhiibaan.

Qodobka labaad ee arrintaan keentay waxaa weeye dhalinyaradan [ al-Shabaab] ee goosadka ah oo dareeemay beenti lagu howlgeliyay haddana ogaaday in aysan hadaf diineed jirin oo dadkii layska laynayo oo qofka la rabo la gowracayo. Waxay arkeen in dad masaajidka ka soo baxay la dillayo , marka dhlinyaradii maanta waa baraarugtay.

Waxaan ogaanay in aysan anaga oo kaliya [ Maamulka Puntland] aysan isu dhiibaynin ee kuwo iyaga ka mid ah ay qorshaynayaan in ay ka baxsadaan [al-Shabaab] si ay reerahoodii dib ula midoobaan , qaarna meelo kale ayay aadeen.

Sabahi:Ma jiraan qorshayaal kuwa soo baxsaday aad ugu tala gasheen marka ay gacantiina soo galaan?

Muuse: Qorshaha dowladdu waa cid kasta oo ka soo baxda, haddi ciidamada ay ku biirayaan ciidamadu diyaar ayay u yihiin waana lagu soo dhawaynayaa. qofkii iskiis u shaqaysanaya ama meel kale aadayana xor buu u yahay Qofna waxba lagu qasbi maayo.

Waxaa jira been la isla dhax marayo oo ah in qofkii ka tirsan qabiil aan daganayn Puntland la dilayo [markii aan gacanta ku dhigno], taasi waa been aan sal lahayn. Rag badan oo aan gobolkan u dhalanin ayaa magan galyo waydiistay, halkan ayayna joogaan, hubkoodiina way soo dhiibeen. Qof kasta [qabiilkuu doono ha ahaado] wuu is keeni karaa. [markay soo goostaana] meel munaasab ah ayaa la gaynayaa ama meeshii ay doortaan.

Soo goostayaasha oo magan galyo la siiyay

Sabahi:Ma waxaa jira balanqaadyo dhaqaale oo aad u isticmaashaan si kuwa dagaalamaya ay isu soo dhiibaan?

Muuse:Taasi waxbaa ka jira- Qofkii isa soo dhiiba qorigiisana la yimaada abaal-gud ayuu leeyahay. Isdhiibayaasha rabta in ay safraan [ si ay goboladoodii ugu noqdaan] waa la kaalmaynayaa waana la ambabixinayaa. Si fiican ayaan ula dhaqmaynaa kuwa doortay in ay isa soo dhiibaan.

Waxaan ku tirtirsiinaynaa ragga ku haray ee la qalday markii horana sida qaladka ah loo gelliyay in weli uu u furanyahay cafiskii Madaxweynaha Puntland. Cid wax loo dhimayana ma jirto kaddib ka soo bixitaankooda Al- Shabab. Keliya waxy u baahan yihiin in ay xiriir la soo sameyaan ciidanka ammaanka si loo geeyo meelihii loogu talagalay amaankoodana loo sugo.

Sabahi: Imisa ayaa ilaa hadda isa soo dhiibtay?

Muuse: Way badan yihiin kuwa is keenay, laakiinse hadda kuuma sheegayo tiro go'an. Waxaa jira magcayo aanan wali shaacinin oo ay ku jiraan madax sare oo al-Shabaab ah. Hadduu Alle idmo, wakhtigeeda ayaa la shaacinayaa.

Sabahi: Waxaa jira warar ay dadka isla dhexmarayaan oo tilmaamaya in suuragal ay tahay in raggani ay isu soo dhibayaan si ay dhibaatooyin u gaystaan taa sideed uga jawaabaysaan?

Muse: Arintaasi waa been. Dhalinyaradii si xad dhaaf ah ayay uga baxayaan al-Shaaab, halkan [Puntland ] ama xataa meelo kale oo waddanka ka tirsan, sababta oo ah waxay ogaadeen xaqiiqadii. Waxaan leenahay ciidamo sirdoon oo u tababaran la socoshadooda wax walwal ah naguma hayso [ in ay shirqoolo maleegaan].

Sabahi: Sidee ayaad xidhiidh ula samaysaan soo goostayaasha si aad u keentaan dhankiina?

Muuse: Waxaa jira koox arintan si khaas ah ugu xilsaaran. Qaar ka mid ah dhalinyardii soo goosatayna way na kaalmeeyaan, wali waxay xidhiidh la leeyihiin qaar saaxiibadood ah oo wali dhuumanaya, waxy nagu kaalmeeyaan sidii aan dadaaalkani isugu duba ridi lahayn. Waxay no sheegaan hadba xaalku meesha uu marayo, [sida] inta qof ee diyaarka u ah in ay soo galaan iyo sidii lagu soo galin lahaa.

Sabahi: Waa maxay talaabooyinka xiga ee aad qaadaysaan?

Muuse:Waxaan aad ugu rajo weennahay in aan si fiican uga guulaysano [al-Shabaab].

Dadka iyagu is keenaya, si fiican ayaa loo soo dhawaynayaa. Dadweynaha iyo Ciidamaduba dhamaan diyaar ayay u yihiin in ay qaabilaan. Waan soo dhawaynaynaa kuwa doonaya in ay soo baxaan, kuwii aan ka soo bixina tallaabo deg deg- ah ayaan ka qaadaynaa.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 28)

Dislike_icon(3)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • ibrahim
    July 20, 2012 @ 10:26:12AM

    Anaga hadaladan beenta ah lanagu beer laxawsan maayo, sababtoo ah ma nihin dad aan ka war haynin waxa dhulka ka dhacaya. Waxaan dhamaantiin idiin balanqaadayaa in aad dhawaan maqli doontaan wax munaafiqiintu ka calool xumaadaan muslimiintuna ku farxaan.

  • jalaal dalibani
    July 15, 2012 @ 04:47:53AM

    waasheeko gaaban waxal shabaaba oo isasodhibay majiraan budlana waxay caado uleedahay inay balaayo sheeg sheegto siay uhesho dhaqaale hunguribaadilay laahaw haa iyo maya hanagawadasiin

  • ROOBLE ABDI JAMA AMIR
    July 12, 2012 @ 04:02:20PM

    ALSHABAAB WAY DHAMAATAY CIYAAR TOODII AY LA CIYAARAYSAY DAWLADAHA ISLAMKA EE SOMALIA SOMALILAND IYO WIXII KALE

  • maahir
    July 12, 2012 @ 04:44:33AM

    Hoggaamiyayaasha bulshoyinka muslimiinta ahi waa inay laba-laabaan dadaalkooda, si loo hubiyo in kooxahaasi aysan kharibin maskaxda dhalin yarada.Talaabada ugu horaysaana waxa weeyaan in la abaaro afkaartooda xag jirka ah, oo ay hogaamiyayaasha muslimiintuna isu yimaadaan, si ay u iftiimiyaan caqiidada islaamka ah ee saxda ah. Ma jirto meel ay ku qoran tahay in dunida nabadeedu ku xidhan tahay dadka oo noloshooda khatar la galiyo. Kooxahani waa inay caruurta malcaamadohooda ku jiray ay baaraan ahamiyadda ay leedahay in bulshadoodu horumartaa, iyo in hogaamiyayaasha khariban meesha laga saaraa.

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada