Luulyo 06, 2012
Kooxda Xiriirka Caalamiga ah ee Soomaaiya ayaa Talaadadii (3-dii July) ugu baaqay kuwa ay ka go'do talada Soomaaliya in ay u hoggaansamaan jadwalkii ay isku raaceen si ay u soo af-jaraan xaaladda ku-meel-gaarnimo.
Kullankii 22-aad ee ICG oo ka dhacay Roma, socdayna laba maalmood, waxa ay soo dhoweeyeen horu-marka ay hoggaamiyayaasha siyaasadda Soomaaliya ka sameeyeen in la gaaro heshiis kama dambays ah oo ku saabsan dastuurka qabyo-qoraalka ah Hogaamiyayaasaha siyaasadda Soomaalida ayaa 23-kii Juun si wadajir ah isugu raacay qabyo-qoraalka lasoo jeediyay .
Si walba oo ay ahaato, ICG-du waaxa ay muujiyeen cabsida ay ka qabaan in hoggamiyaayaasha qabaa'ilka ay jabiyaan waqtiga kama daambaysta ah oo ay soo dooranayaan Golaha Matala Degaannada Qaranka, kaasoo qeyb muhiim ah ka ah howlaha lagu dhamaynayo kumeel-gaarnimada.
Kasoo qeyb-galayaasha shirkii ka dhacay Rome, ayaa waxa ka mida hoggaamiyayaasha Soomaalida iyo wafdiyo ka socda in ka badan 40 waddan iyo ururo, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay, Midowga Africa, Midowga Yurub, Urur Goboleedka IGAD, Jaamacadda Carabta, Ururuka Iskaashiga Islaamka, Baanka Adduunka iyo Baanka horu-marinta Islaamka.
"Natiijoyinkii kasoo baxay shirarki ugu dambeeyay ee Soomaaliya ku saabsanaa, ee lagu kala qabtay London, Istanbul, Dubai iyo Rome ayaa dardar cusub galiyay hannaanka siyaasaddda Soomaaliya, waxa ayna taageereen dadaallada ay dadka Soomaaliyeed iyo hoggaamiyayaashoodu ugu jiraan in ay dhameeyaan xiliga kumeel-gaarnimada, ayna u jihaystaan waddo cusub oo lagu dhisayo mustaqbal wanaaggsan oo ay Soomaaliya yeelato," ayuu yiri falanqeeyaha siyaasadda Cali Cabduqaadir.
"Aragtidayda, shirarkaan waxa ay ku tallaabsadeen guullo, anagana xilligan waxaan haysanaa fursad dahabi ah oo Soomaaliya looga dhalin karo nabad iyo dagganaan kadib sannado rabshado iyo bur-bur ah," ayuu Sabahi ku yiri. "Haatan waxannu haysannaa fursad aan mustaqbal wanaagsan ugu abuuri karno Soomaaliya, beesha caalamkuna waxa ay nagu garab taagan yihiin sidii aan u dhisan lahay Soomaaliya cusub oo nabad, xasillooni iyo barwaaqo ka jirto. Dhammaan Soomaalida hadday ahaan lahaayeen hoggaamiyayaasha iyo muwaadiniintaba, waa in ay ka faa'idaystaan fursadda oo ay wadajir uga shaqeeyaan sidii marxaladda ku-meel-gaarnimo looga gudbi lahaa."
Jadwalka hadda daggsan ayaa dalbanaya in hoggamiyayaaha qabaa'ilka ay Golaha Matala Degaannada Qaranka soo doortaan dhamaadka todobaadkan, kadibna ay soo doortaan xubnaha barlamaanka kama dambays 15-ka July. Golaha ayaa la qorsheeyay in uu kulmo 12-ka Juulaay, oo ay ansixiyaan dastuurka kama dambays 20-ka July. Xubnaha cusub ee baarlamaanka ayaa kadib dooran doona af-hayeen iyo labo ku-xigeen Augost 4-teeda, kadibna dooran doona madaxweyne 20-ka Augost.
ICG-da ayaa muujisay cabsida ay ka qabaan sida joogtada ah ee ay hoggamiyayaasha Soomaalidu ugu fashilayaan in ay ka soo dhalaalaan xilliyada loo dajiyay geedi-socodka [Qorshaha Nabadda]. Hoggaamiyayaasha qabaa'ilka ayaa hareer-maray xiliga kama-dambaysta ee ay ahayd in ay soo doortaan 825-ta Golaha Matala Deegaannada Qaranka, oo qorshuhu ahaa in ay dhacdo 15-kii May. Mar kale, waxa ay haddana hareer-mareen Juun 20-keeda xilli kale oo kama-dambays ah. Sida lagu sheegaay heshiiskii Addis Ababa. .
"Si marxaladda ku-meel-gaarnimada loogu dhameeyo sida la qorsheeyay, waa in laga gudbaa caqabad walba oo wayn oo ka hor imaan karta horumarka laga gaaray hannaanka geeddi-socodkan," ayuu yiri Ibraaim Cabdulaahi oo ah falanqeeye siyaasadeed. Caqabadaha ugu daran waxa ka mid noqon kara in hoggaamiyayaashaa qabaa'ilka ay soo doortaan Golaha Matala Deegaannada Qaranka, iyo in la soo xulo xubnaha baarlamaanka cusub, ayuu yiri.
"Dhamaan arrimahan waa in ay ku dhacaan 15-maalmood gudahooda, taasoo aragti ahaan caddaynaysa in ay adagtahay, balse wali ay macquul tahay in la fuliyo," ayuu yiri.
Maxamed Xasan, oo ah mid kamida hoggaamiyayaasha qabaa'ilka ee Muqdisho ku shirsan, ayaa yiri, "Todobaadyadii ugu dambeeyay, waxaannu kawada hadlaynay kawada-xaajoodka surta-galnimada in aan soo dooranno Golaha matalaya degaannada. Waxaan hadda wadnaa dhamaystirka soo xulitaanka erggooyinka, waxaannunna rajaynaynaa in aan dhamaystirno arrintan kahor xiliga kama-dambaysta."
Axmed Cabdiqaasim, oo ah falanqeeye siyaasadeed oo kunool Muqdisho, ayaa sheegay Horu-mar siyaasadeed walba oo laga gaaro in la dhammeeyo xiliga kumeel-gaarnimada, waxa ay ku xirnaan doontaa sida ay hoggamiyayaasha qabaa'ilka ay ugu guulaystaan in ay soo xushaan golaha. "Tallabadani waxa ay waddada u xaari doontaa in la ansixiyo dastuurka qabyo-qoraalka iyo in la doorto xubnaha baarlamaanka, kadibna ay xigi doonto doorashada maddaxweynaha 20-ka Augost," ayuu yiri.
Cabdiqaasim waxa uu Sabahi u sheegay in kulanka ay golaha ka yeelanayaan ansixinta dastuurka uu yahay muhim, haddii la doonayo in dadaallada ku aaddan in lagu dhameeyo xiliga kumeel-gaarnimada ay guulaysanayaan.
"Ansixinta dastuurka cusubi, waaa talllaabada ugu muhiimsan ee dhamaynta xiliga kumeel-gaarnimada. Waana taa sababta ay u tahay in odeyaasha ku shirsan Muqdisho ay ka shaqeeyaan dadajinta doorashada Golaha Matala Deegaanada Qaranka," ayuu yiri.
ICG-da ayaa ammaantay guulihii militari ee ugu dambeeyay ee ay ciidamada Soomaaida iyo kuwa AMISOM ka gaareen al-Shabaaab.
ICG-da ayaa garawsatay baahida degdegga ah ee loo qabo gargaar caalami oo dheeraad ah, gaar ahaan in ay deeq-bixiyayaashu kordhiyaan dadaallada la siinayo ciidamada taageersan dowladda isla markaana la xoojiyo dagaalka ka dhanka ah burcad-badeednimada iyo arggaggaxisada.
War-murtiyeedkii kasoo baxay dhammaadkii kulanka ayay ICG-du ku ammaanay horumarrada ay ku tallaabsadeen maamul-goboleedyada, gaar ahaan dhanka ammaanka iyo maamul-wanaagga, iyagoo si gaar ah u carrabaabay maamullada Puntland, Somaliland iyo Galmudug, iyo sidoo kale maleeshiyaadka dowladda la jaalka ah ee Ahlu Sunna-Wal-Jamaacaa. ICG-da ayaa carabka ku adkeeysay muhimadda in la taageero dadaallada canykaas ah.
ICG-da waxa ay ku baaqday in dowladda dhalan doonta August ka dib in ay 60-ka maalmood ee ugu horeeya kusoo gudbiso sida ay u kala mudayso baahideeda dhaqaale, si loo helo gargaar caalami ah oo la helo waqtiga ku haboon.
Ugu dambaynti ICG-da waxa ay si xoogga u canbaareeysay Weerarrada al-Shabaab ay ku qaadaan kaniisadaha iyo goobaha cibaadada Kenya, iyo sidoo kale af-duubashada shaqaalaha gargaarka. Waxa ay ugu yeereen al-Shabaab iyo maleeshiyaadka kale ee mucaaradka ah in ay rabshadaha kasoo baxaan oo ay kusoo biraan geeddi-socodka nabadda.
Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka maamul-goboleedka Somaliand ayaa Talaadadii (18-ki...
Bilayska Tansaaniya ayaa Talaadadii (18-kii June) Arusha ku xiray afar xildhibaan oo ka tirsan xi...
Rag hubeeysan ayaa Gobolka Wajeer ku dilay askari ka tirsan kaydka bilayska habeeynimadii Talaada...
Japan ayaa oggoolaatay in ay siiso Tansaaniya $49 milyan o doolar (80.4 bilyan oo shilin) oo isug...
Kormeeraha Guud ee Bilayska Kenya David Kimaiyo ayaa si kalinimo ah u magacaabay soona gudbiyay 1...
Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ayaa Talaadadii (18-kii June) waxa ay Madaxweyne Ku-xi...
Bilayska ayaa degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee Muqdisho ku xirxiray boqollaal loo tuhmay in ay...
Shir soconaya saddex maalmood ayaa ka furmay Muqdisho Talaadadii (18-kii June), kaas oo isku keen...
Ciidamada dawladda Soomaaliya oo ay bari-taarayaan kuwa Howlgaka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AM...
Xogyaha Arrimaha Gudaha iyo Xiriirinta Xukuumadaha Qaranka Joseph Ole Lenku ayaa Isniintii (17-ki...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo