Nabaddii iyo damaashaadkii oo kusoo laabtay xeebaha Jaziira iyo Liido

Waxaa qoray Cadnaan Xuseen oo Muqdisho jooga

Luulyo 05, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Xeebaha Liido iyo Jaziira ayaa mar kale laga dareemayaa soo jiidasho qoysaska Soomaaliyeed iyo shaqaalaha gargaarka ee ajaanibta ah kadib markii magaalada Muqdisho laga xorreeyay al-Shabaab.

  • Rag iyo Dumar kubadda laliska ku cayaaraya xeebta Jaziira. Qoysas badan oo Soomaali ah ayaa taga xeebaha Liido iyo Jaziira maalmaha Khamiista iyo Jimcada. [Cadnaan Xuseen/Sabahi]

    Rag iyo Dumar kubadda laliska ku cayaaraya xeebta Jaziira. Qoysas badan oo Soomaali ah ayaa taga xeebaha Liido iyo Jaziira maalmaha Khamiista iyo Jimcada. [Cadnaan Xuseen/Sabahi]

  • Maqaayad ku taalla Jaziira oo ay ka buuxaan macaamiil.  [Cadnaan Xuseen/Sabahi]

    Maqaayad ku taalla Jaziira oo ay ka buuxaan macaamiil. [Cadnaan Xuseen/Sabahi]

Sannaddadii sideetamaadkii, Muqdisho waxa ay kamid ahayd magaalooyinka ugu wanaagsan Afrika ee loo dalxiis tago, iyadoo dalxiisayaasha ay u iman jireen in ay ku raaxaystaan fanka iyo bandhigyada hidaha iyo dhaqanka ah, cimilada dhex-dhexaadka ah iyo cunnada ay caanka ku tahay magaalada.

Dhamaan arimahaasi waxa ay joogsadeen markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya sanaddii 1991-dii, dalkana waxa marba marka ka dambaysa sii burburinayay dhinacyadii dagaalamayay iyo arggaggaxiso muddo 20 sano ah,

Balse markii ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ay Muqdisho ka xoreeyeen al-Shabaab bishii December 2011-kii, dalxiiska maxalliga ah ayaa bilaabay in uu dib u soo noqdo.

"Waxaan xeebaha Liido iyo Jaziira u tixggalinnaa in ay yihiin meelaha ugu muhiimsan ee leh soo jiidashada dalxiisayaasha, sababtoo ah meelaha ay ku yaallaan oo ah duleedyada waqooyi iyo koonfurta magaalada, waxaana si fudud loogu tagi karaa gaari," ayuu yiri af-hayeenka dowladda hoose ee Muqdisho, Maxamed Yuusuf.

Waxa uu sheegay in dowladda hoose ay qaaday talaabooyin taxaddar ah si loo hubiyo ammaanka dalxiisayaasha.

"Waxaanu haysanaa labo doomood oo diyaar u ah in ay badbaado gaystaan haddii ay dhacdo in qof uu raaco badda ama libaax-badeeyo ay weerar soo qaadaan, waxaan sidoo kale feejignaan ka qabnaa mowjadaha bad-weynta India oo mar mar dhaca," ayuu Yusuf ku yiri Sabahi. "Waxaan sidoo kale qorshaynaynaa jaakado gaar ah si aan uga hor-tagno weerarada libaax-badeeyada."

Rabiile Maxamuud oo ah gaddisle maxalli ah ayaa Sabahi u sheegay in aysan jirin dhacdooyin ammaan daro oo dhowaanahan dhacay, marka dadka ay gaaf-wareegayaan aagga, dabaalanayaan ama dukaamaysanayaan. Waxa uu sheegay in uu ku fakarayo in uu sameeyo dallado si dalxiisayaasha ay ugu raaxaystaan hawo macaan oo nadiif ah.

Inkastoo ay jiraan horu-marro wanaagsan, Dowladda Kumeel-gaarka ah waxaa wali laga sugayaa in ay horu-mariso xeebaha si ay si habboon ugu helaan dalxiisayaal ajaanib ah.

Grand Curuba Hotel, Jubba Hotel iyo maqaayadda Jaziira oo ahaa meelaha lagu caweeyo oo loo damaashaad tago ayaa lagu burburiyay dagaalladii sokeeye, ayuu yiri Janaraal Xassan Maxamed Xuseen, oo ah godoomiyaha maxkamadda militariga.

Si kastaba ha ahaatee, Xuseen waxa uu Sabahi u sheegay in saraakiisha dowladda iyo ajaanibta ay xilligan dabaalan karaan, kubadda cagta cayaari karaan islamarkaana cuni karaan miro daray ah iyo kalluun la dubay iyadoo aysan wax waardiye ammaan ah u raacin xeebta Liido iyo maqaayadda Jaziira.

Soo hagaagidda ammaanka oo soo jiitay dalxiisayaal Soomaali ah

Gaashaanle Nuur Cabdirisaaq, oo kamid ah bilayska degmada Cabdicaziiz, ayaa sheegay in horu-marka laga gaaray ammaanka uu kaalin muhim ah ka qaatay soo jiidashada dalxiisayaal Soomaali ah oo aad u tiro badan.

"Qof walba si xor ah ayuu u socdaa. Majirto cabsi laga qabo arggaggaxisada, taasina waxa ay soo jiidatay qoysas badan in ay soo booqdaan xeebta," ayuu Sabahi ku yiri.

Cabdirisaaq waxa uu sheegay in bilayska iyo militariga Soomaaliya ay dhigeen jid-gooyooyin ammanka lagu sugo dhammaan waddooyinka soo gala xeebta Liido si amniga ugu sareeya loo siiyo dalxiisayaasha.

"Waxaan kahor tagnay in wax hub ah lala galo xeebta si aan u hubinno amniga qof walba." ayuu yiri. "Waxaan sidoo kale mamnuucnay in gawaarida la dhigto meelaha xeebta u dhow si loo helo dhaq-dhaqaaq fudud iyo galaangal."

Luul Sabtoow, waa 53 -ir katimid London, waxa ayna iyada, saygeeda iyo sedexdeeda caruur ay joogaan maqaayadda Jaziira. "Farxaddeena fasaxyada qaranka ma-dhamaystirna illaa aan soo booqano aagaggan oo aan ka heli karno adeegyo layaab leh," ayay ku tiri Sabahi.

Fartuun Guure, waa 37-jir kasoo safartay Hargaysa si ay ulu qaadato maalinta xoriyadda qaraabadeeda iyo saaxiibadeeda Muqdisho jooga. "Bilihii ugu dambeeyay, Muqdisho waxa ka dhacay is-badallo waa-weyn oo xagga ammaanka ah. Waxaa intaa dheer dhismaha iyo dib-u-dhiska socda. waxaan maqalnaa dhawaqqa dubbayaasha, halkii aan maqli jirnay rasaasta."

"Qof walba waxa uu dhiira-galinayaa horu-marka iyo dadaalada magaalaynta ee ka socda Muqdisho iyo aagaggeeda xeebaha ah," Fartuun ayaa tiri. "Waxaan abaabuli doonnaa safaro lagu booqanayo dhammaan goobaha dalxiiska ee Soomaaliya marka kooxaha arggaggaxisada ah la tirtiro gabi ahaanba."

Abuukar Salaad oo ah saxafi howl-gab ah, ayaa yiri, "Ma jirto cabsi xagga ammaanka ah oo ka jirta xeebta Liido. Waxaan iska bixiyay dharkayga, waxaanna u booday mowjadaha bad-weynta India kadibna waxaan qaatay laydha macaan, carafta badan ee nadiifka ah."

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 32)

Dislike_icon(1)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada