Luulyo 03, 2012
Noloshii ayaa si dabiici ah ugu soo noqonaysa gobalada Hiiraan, Baay iyo Bakool kadib markii ciidamada Soomaalida iyo kuwa huwantu ay al-Shabaab ka nadiifiyeen aaggaas bilihii la soo dhaafay.
Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan, Cabdifataax Xasan Afrax ayaa sheegay in ciidamada xoogga laga qaaday wadooyinka magaalada Balad-Wayne, dadkuna ay hadda awoodaan in ay shaqooyinkoodii aadaan iyaga oo aan wax dhib ah ka walwalaynin.
Afrax ayaa Sabahi u sheegay in ganacsatadii ay dareemeen in macaamiishoodii iyo iibkoodiiba uu si aad ah kor ugu kacay waayadan danbe. Wuxuu sheegay in isku socodkii xaafaduhuna uu soo kordhayo, dukaamo iyo meelaha lagu qaxweeynaya ay ka furmayaan magaalada oo dhan.
Wuxuu sheegay in dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo waxbarshaduba ay istaageen markii ay al-Shabaab dhulka gacanta ku hayeen, iyaga oo dadka dul saaray cansuur aan xaq ahayn, kuna khasbay in ay iyaga ka garab dagaalamaan.
" Albaabadaanadu hadda way furan yihiin, wax walbana waa caadi" ayuu yidhi Nuur Dhaqane oo ah gacansade deegaanka ah. Waxaan rajaynaynaa in aan ka soo kabano khasaarihii naga soo gaadhay qalalaashii iyo amaan daridii aan ku noolayn saddaxdii sano ee ay ururka mayalka adag ee al-Shabaab na xukumayeen."
"Waxay ku amreen dadka deegaanka in ay qaaddacaan dharka dibada laga keeno kaas oon dukaamadaanada ku iibinaynay. Iibkii aad ayuu hoos ugu dhacay, wuxuuna ku dhawaaday in uu istaago intii ay xukunka hayeeen. Laakiinse maanta, dad badan ayaa waydiinaya naqshadihii ugu danbeeyay, gaar ahaan dharka haweenka waxyaabaha la isku qurxiyo iyo kabaha" ayuu Sabahi u sheegay.
Ciidamada Soomalida iyo kuwa Itoobiyaanka ayaa la wareegay gacan ku haynta magaalada Balad-Wayne Diiseembartii 2011 markii ay falalagadii ka saareen Matabaan, Maxaas iyo tuulooyinka ku hareeraysan. Bishii Juun ayaa 100 ciidamo Jabuutiyaan ah soo gaadheen Balad-Wayne , si ay ugu biiraan ciidamada (AMISOM) .
Al-Sabaab ayaa wali gacanta ku haysa meelo ka tirsan Hiiraan sida Buulo Barde, Jalalaqsi iyo Buqda.
Xaashi Macalin oo ahaa maamule dugi khaas ah ee magaalada Balad-Wayne ayaa sheegay in ardadu ay iskuulada ku soo noqonayaan , kadib markii ay markii hore ka carareen. iyaga oo ka cabsanaya in lagu khasbo in ay al-Shabaab ka garab dagaalaaan.
"Dib u kulanka ardayda waxaa ka muuqday murugo, sababata oo ah waxay waayeen dadkii ay jeclaayeen ama ehelkooda ahaa kuwaas oo dagaalada ku dhintay ama xabaddihii la is waydaarsanayay" ayuu yidhi. " Waxaa kale oo jiray dareen farxadeed taas oo ku timid dib u kulmid iyo is arag kadib markii mudo dheer la kala maqnaa. Dhibaatada soo gaadhay waxay kaga tagtay xusuus aan maskaxdooda ka tirtirmaynin."
Ardayga Cali Maxamed Waasuge ayaa yidhi" Waxaan ku soo noqday iskuulkaygii Mujmac-Umul-Quraa ee Balad-Wayne afar bilood ka hor aniga iyo saaxiibaday si aan waxbarshadii u sii wadano. Noloshaydii si caadi ah ayay ku soo noqotay, dagaal dheer oo dhib badan kadib. kaas oon ka qayb galnay. Ma jirin qof naga masuul ah ama na xanaanaynayaay. Qaar waa la dilay, qaarna waa la dhaawacay. qaar kalana mustaqbalkoodii ma cadda."
Isaaq Yarow Maxamed oo ah oday dhaqameed jooga magaalada Xudur ee gobalka Bakool ayaa sheegay in magaaldu ay si tartiib tartiib ah noloshu ugu soo noqonayso kadib markii ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Itoobiyaanku ay soo af jareen sadex sano oo ay al-Shabaab gacanta ku hayeen.
"Waxaan aad ugu baahannahay shaqo iyo in aan iska laabno boggii dagaalka" ayuu Sabahi u sheegay. Waxaan u baahannahay in aan horay ugu dhaqaaqno dib udhis, , waxaan rajaynaynaa in dawladda Ku-meel-Gaadhka ah ay maal galiso mashruucyo horu-marineed oo ku aaddan dhalinyarada si looga saaro shaqo la'aanta iyo arggaggixisonimada , iyado aan dhaqaalahana dib u soo noolaynayno."
Markii ugu horaysay sadex sano ayaa xarun bukaan socod oo ka shaqaynaysa baadhitaanka iyo daawo qorida ayay Hay'ada Caafimaadka Aduunku (WHO) ka furtay magaalada.
Dr. Cumar Salax oo ah isku-dubaridaha WHO ee dhinaca gargaraka degg degga ah ayaa Sabahi u sheegay in xaruntu ay qaabisho inta u dhaxaysa 100 ilaa 150 bukaan socod maalintii. Labadii bilood ee la soo dhaafay in ka badan 34, 000 oo daawo ah ayaa dadka jiran la siiyay, ayuu sheegay.
Maxamed Macalim oo ah xubin gudi oo ka tirsan maagalada Xuddur ayaa sheegay in WHO ay ku deeqday shaybaaro aan lacag ahayn si qofka daawo loogu qoro cudurkiina looga daaweeyo.
Macalin ayaa ka codsaday urruraada Soomaalaida iyo kuwa ajaanibtaba in ay soo noqdaan si ay qayb uga qaataan horumarinta dhinaca gargaarka. Wuxuu Sabahi u shegay , in kasta oo ay jiraan hay'ado gargaar oo gobolka jooga, haddana haween badan iyo caruur ayay wiiqday gaajo, xanuun iyo nafaqo dari.
Baydhabo oo ah caasimada gobalka Baay ayaa ciidamo isku dhaf ah oo Soomaaliyeed iyo kuwo Itoobiyaan ah ay bishii Feebaraayo gacanta ku dhigeen. . Bishii Abriil ayaa AMISOM 100 arkari u dirtay Baydhabo , taas oo ah markii ugu horaysay oo ay ciidamo u dirto Muqdisho meel ka baxsan. Garoonka Baydhabo ayaa diyaaradaha yar yar ee qummaatiga u kaca ku soo dagaya kuwaas oo ka imaanaya magaalada Muqdisho iyaga oo wada saraakiil AMISOM ka tirsan, Mas'uuliyiin Soomali ah, iyo wufuud caalami ah oo ka socota dhinaca caafimaadka iyo gargaarka.
Laakiinse isbitaalka magalaada ayaa waxaa haysta daawo iyo qalab la'aan sida ay sheegeen madaxda deegaanka.
Amiin Cusmaan oo xubin ka ah golaha deegaanka ee Baydhabo ee maamula isbitaalka ayaa sheegay in daawo la'aantu ay sababtay in dib loo dhigo qaliino dad dhawr ah oo dhaawac ahaa. Wuxuu sheegay in daawooyinka suuxitaanka, shaybaaradda, iyo meelaha dhiiga lagu kaydiyo ay aad ugu yar yihiin.
Cusmaan wuxuu Sabahi u sheegay in isbitaalkuleeyahay kaliya hal Aanbalaas taas oo aan lahayn qalabka gar garaka deggdegga ah.
Xildhibaanada Fowsiya Maxamed Sheekh ayaa sheegaty in bukaan socdka imaanaya isbitaalka aysan helin daawadii ay u baahnaayeen. Waxay kaloo sheegaty in ay jiraan dhaqaale la'aan haysata qashin mareenada taas oo dhalinaysa dhibaato soo gaadha bukaanka.
Waxay ugu baaqday Dowladda-Kumeel-Gaarka ah iyo hay'adaha caalamiga ah in ay taageeraan isbitaalka Baydhaba.
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Khamiistii (23-kii Maajo) waxa uu shaaciyay labadii magac ...
Shan qof ayaa la dilay afar kalena way ku dhaawacantay laba weerar oo ka dhacay gobolka waqooyi-b...
Sababta ugu wayn ee colaadihii ay ku dhinteen in kabadan 150 qof ee sannadkii hore ka dhacay Tana...
Ururka Caafimaadka Adduuna (WHO) ayaa shaaciyay in cudurka dabaysha uu ka dillaacay Geeska Afrika...
Ciidamada Soomaaliya ayaa xiray xiray shirkadihii isgaarsiinta iyo ganacsiyo kale oo ku yaal Bele...
Xukuumadda Soomaaliya ayaa bilaabi doonta in ay maamuullo goboleedyo ka dhisto goobaha dhawaan la...
Wasiirka Tamarta Jabuuti Cali Yacquub Maxamuud iyo danjiraha Japan u fadhiya Jabuuti Atsushi Nish...
Furitaanka Shirka Bixiyayaasha Saliidda iyo Gaaska Tansaaniya ayaa lagu qaban doonaa Daarusalaam ...
Xildhibaanada waxay dib uga noqdeen mooshinkii ka dhanka ahaa Ra'iisul-wasaare Cabdi Faarax Shird...
Madaxweynaha maamul-goboleedka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa Talaadadii (21-kii Maajo) ...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo
Faallada akhristaha
Anigoo u jawaabaya Um Aisha, waxaan leeyahay: waa maxay ammaanka ay kooxda alshabaab keentay, iyadoo aynu ognahay in dadka ku nool meelaha ay gacanta ku hayaan ay ku jiraan cabsi iyo arggaggax.
Arrinkani waa kala guur wacan oo Soomaaliya laga gaadhay, waanay wacantahay in dadku ay haatan dalkooda Soomaaliyeed ku faraxsanyihiin inay joogaan. Waxaan ku talin lahaa in ururka WHO arrinkan loo igmado, si ay dadka Soomaaliyeed u helaan daawooyinka ay u baahanyihiin, oo ay noloshooduna u wanaagsanaato. Waxaan mahad u jeedinayaa dhamaan dawladaha arrinkan gacan ka gaystay.
Waad ku mahadsantihiin wararka aad soo tabiseen, arrinkanina wuxuu ifafaale u yahay in maalmo wanaagsani ay soo socdaan, ilaahayn wuxuu la jiraa dadka Soomaaliyeed, si dhakhso ahna dunidan ayay ugu raaxaysan sida dadka kaleeto.
Marka wararka Soomaaliya degenaansheheeda sida lasoo tabiyo, dadka reer Kenya dhagahay la raacaan, waayo waxaan lugaha la galnay hadaanu reer Kenya nahay dagaal aanaan shaqo ku lahayn. Waxay reer Kenya ku nool yihiin cabsi ay ka qabaan weerarada arggaggixisada, muwaadiniintayadiina waxaa loo laayay waxyaabo aysan eedooda lahayn. Haddii nabadi dhalato, kaluumaystayaashu baday ku laaban, beeralayduna cabsida ayay ka bixi, noloshuna caadi ayay noo noqon doontaa anagana.
Soomaaliya waxa u baahantahay nabad, dalalka Afrikaanka ahina waxay rabaan in ay ganacsi la sameeyaan Soomaaliya. Waxaan rabnaa inaan aragno Soomaaliya oo horumartay sanadaha soo socda, arrinkaasina wuxuu suuroobi karaa kaliya haddii nabada la sugo. Waxaan hambalyaynayaa dhamaan dalalka Soomaaliya usoo diray ciidamada, si loola dagaalamo arggaggixisada!
Haddii alshabaab wacan tahay, maxay dadka cabsi iyo arggaggax ugu haysaa?? Haddii ay walaaleheen yihiin, maxay inoo dhibayaan oo ay inoogu qasbeen inaan dalal kaleeto u qaxno?? Waxyaabaha qaar ayaa inaad eegto oo aad fiiriso mooyee aysan wax kale kaaga banaanayn. Waxaan u ducaynayaa dhamaan Kenya iyo Soomaaliya
Haa way wanaagsantahay, laakiin ma dhabbaa in ciidamada Midowga Afrika ay awoodaan inay ilaaliyaan nabadda Soomaaliya oo ay alshabaab xakameeyaan?
Waxaan ku ducaynayaa in dadka mindaqadda dagani ay gartaan diintu waxay dhab ahaan tahay iyo ujeedadeeda, haatana way ogaadeen waxay diintoodu iyaga ka rabto. Haddii aysan dadka mindaqaddu taageeri lahayn kooxdan, may awoodeen kooxdu inay talaabo hore u qaado, noloshuna maanta sidan way dhaami lahayd. Fursadani waa mid wacan oo dadka loo xasuusin karo ilaaha waynee waaxidka ah, ee mudan in la caabudo, waxaanan rajaynayaa inay helaan fursad ay diintooda islaamka uga fikiraan, waxaanan u rajaynayaa khayr, kuwooda macaluushu haysana ilaahay nolol wacan ha siiyo. Ilaahayna idinkana ha idin barakeeyo.
Aniga waxay ila tahay ka hadlista diin aan taada ahayni waa marinhabaw. Dadka muslimka ahi waa inay ogaadaan in dunida oo dhan ay dhibaatooyinka mar walba dadka kale u gaystaan muslimiintu. Tusaale ahaan dalalka Soomaaliya iyo Nigeria iwm, haklaasoo ay muslimiintu laayaan kiristaanka, oo ay kaniisadohoodana gubaan. Anigu waligay maan maqal qof kiristaan ah oo misaajid gubaya, sababtoo ah diinta kiristaanku dadka waxay fartaa nabad iyo is jeclaansho, halka ay muslimiintu aaminsan yihiin in diintooda ay tahay ta kaliya ee saxa ah, oo ay moodayaan in ay dilka dadka aan muslimka ahayn lagu janno tagi karo. Dhamaan arggaggixisada xubneheedu waa muslimiin, markaa waxaan idin leeyahay maskaxdiinu ha shaqayso oo xaqiiqada arka. Dhanka kale, dadka muslimiinta ah intooda badani waxaa caruurtooda malcaamadaha ku baraan luqada carabiga, taasoo caruurta ka hor joogsata inay helaan waxbarasho caadi ah. Markay caruurtoodu fashilmaana waxay eersadaan oo eedeeyaan kiristaanka. Marka qofku laba arrin mar qudha isku dayo, labada miduumbuu ku fashilmaa.
Anigu waxaan rabaa inay Soomaaliya nabad hesho, hadii ilaahay idmana way heli doontaa.
Dhamaanteen dunidan iyo geedi socodkeeda ayaan ka mid nahay, waxaana inoo wacan inaynaan dagaal galin. Arrinkanina wuxuu hadiyad u yahay dunidoo dhan, dadka dhaawacmay iyo kuwa dhibaatooday iyo kuwa dadkoodii waayay, waxaan leeyahay qalbiga ayaan idiinka ducaynaynaa!!!
Maroodigu takarta saran ma arkee ta ka kale saaran ayuu arkaa. Dadkuna inta badan wuxu dareenkoodu u janjeedhaa oo uu si dhib yar ugu cararaa dagaalka, isagoo qofku ku andacoonayo in uu is difaacayo. Waxaa dunidan ka dhacay dagaalo badan, oo intooda badan la lahaa ilaahay dartii ayaa loo galay. Dad badan ayaa halkaa ku naf waayay, hanti badanina way ku luntay. Dagaalada noocani dunidoo dhan way soo mareen, muslim iyo gaalna waa la soo wada maray. Markaa su’aashu waxa weeyaan waa maxay habka ugu wacan ee lagula dhaqmi karo bini’aadamka iyadoo aynu hore usoo xusnay in dadka dareenkoodu u janjeedho oo uu si dhib yar ugu cararo dagaalka? Jawaabtu waa iyadoo la aamino in ilaahay quwad badan yahay, oo uu wax kasta og yahay, oo uu meel kasta inala joogo. Dhibtu kama taagna cidda ina neceb iyo cidda cadaawada inoo haysa, ee mushkiladdu waxay ku jirtaa inagoo nafteena mooyee cid kale arkayn. Markaa waa in cid waliba aysan daneheeda uun ka shaqayn, balse ay danaha dadka kaleetona ka shaqayso. Dagaaladu waxay ka dhashaan marka cidi isku daydo inay cid kale u awood sheegato. Teeda kale, nolosha bini’aadamku waa mid aan la saadaalin karin, waayo waxaynu u dagaalanoo dhami ugu dambaynta gacanteenay ka baxaan, gaar ahaan marka aynu dhimano. Waligeed lama sheegin qof bini’aadam ah oo ku guulaystay inuu wuxuu mood iyo nool xoola leeyahay la god galay ama aakhira la tagay. Masaaridii hore boqorada waxay la aasi jireen shaqaalohooda, laakiin dhamaantood ciidaa ku cuntay xabaalaha. Markaa wax kasta oo qofku hantaa waa wax aakhirka lumi doona. waxay u muuqataa arrintan aargudashada kadhanka ah qiyaasteena iyo cadowgeena dhabta ah Romans 12:19-
adeer waad ku mahad santihiin
Reer Kenya waxaan leeyahay kolba marka dagaalku sii daba dheeraado waxa badanaya qasaaraha idin haaraya
Anigu aad baan ugu faraxsanahay wararkan, waayo waa markii ugu horraysay ee aan war lagu kalsoon yahay oo Soomaaliya ku saabsan aan helo. Waxaan sidoo kale idinka dalbanayaa inaad soo tabisaan wararka dalalka kale sidoo kale.
Xuseen waad ku mahadsantahay macluumaadkan. Dagaalka loogu jiro in alashabaab Soomaaliya looga tirtiraa maaha mid u dhexeeya Kiristaan iyo islaam, waayo dadka Soomaaliyeed waxay ku nool yihiin caga juglayn, cida Soomaaliya ku dhimanaysaana waa dad muslim ah, dadka wax laynayaana waa muslim sidoo kale. Markaa maaha in cidina ku andacooto in masiixiyiin ay Soomaaliya ku soo duushay kuna soo qaaday weerar aargoosi ah. Diinta kiristaanku waa mid ku dhisan kal gacayl ku wajahan bini’aadamka oo dhan, iyo inuu nabi ciise dadkoo dhan nabi u ahaa, hadday kiristan yihiin iyo hadii kaleba.
Waxaan hambalyaynayaa dhamaan madax dhaqameedyada nabadda ka jirta dhulka Soomaaliya dhidibada u aasay.
Dawlada federaalkku waxay dhab ahaantii qaadday talaabooyin waawayn oo lagu horumarinayo ammaanka dalka, waxaana talaabooyinkaas ka kow ah la dagaalanka culus ee ay la dagaalantay kooxda alshabaab. Sidoo kale, waxay xukuumaddu kor u qaadday tirada ciidamadeeda milatariga iyo bilayskaba, si ay u ilaaliso dadkeeda. Waxay kaloo dawladdu dalalka afrikaanka ah iyo dunidaba ka dalbatay caawimooyin iyo saanad milatari iyo tababar intaba, si ay u awoodo inay arggaggixisada Soomaaliya ka jirta ula dagaalanto. Xukuumada waxay sidoo kale ciidamadeedu ku biireen kuwa Amisom ee dalka hore ugu sugnaa, si ay gacan uga gaysato in alshabaab si kama dambays ah looga safeeyo dalka. Teeda kale, waxay xukuumaddu isku dayaysaa inay qabato shirar dib u heshiisiin ah, kuwaasoo ay u furtay dhamaan qabaa’ilka dagaalamaya, waxaanuu dadaalkaasi dhali doonaa midaynta dadka soomaaliyeed, wuxuuna ka joojin doonaa Soomaalida inay ku biiraan alshabaab.
Maxay Muslimiintu mar kasta u yidhaahdaan kiristaanku wayna neceb yihiin? Miyay ku faraxsan yihiin marka ay dhiigya-cabku dadka laayaan iyagoo ku andacoonaya inay ilaahay dartii u dagaalamayaan? Ilaahay waa ilaah awood badan, cidna ugama baahna inay u dagaalaato. Haatana mar haddii ay Soomaaliya nabadii ku soo noqonayso, waa in dhamaan Soomaalida ay ku noqdaan dalkooda oo ay faraha inaga qaadaan. Dhanka kale, waa in la maxkamadeeyaa dhalin yarada ay kooxda alshabaab shaqaalaysiisay, kuwaasoo imika ku andacoonaya inay rabaan in ay Kenya kusoo laabtaan oo salka dhigaan. Dadkani markii ay alshabaab ku biirayeen cidna lama tashan, imikana waxay rabaan in lasoo dhaweeyo oo waxay iska dhigayaan inay yihiin muwaadiniin wanaagsan. Qofkuna waa inuu ogaadaa in cidda wax ku yeeshaa ay tahay cidda kuugu dhaw.
Hawl wacan ayaad qabateen ciidamada difaaca Kenya, waxaanad noo tihiin wax lagu faano. Meesha xigta waa jasiirada Migingo
toreza mussa, waxaan ku leeyahay waad qaldan tahy, waxaanan kuu sheegayaa in diinta kiristaanka ee dhabta ahi ay dhigayso in ilaah kaliya uu jiro, magiciisuna yahay Ciise. Sidoo kale, ilaahani qaabab badan ayuu yeeshaa, tusaale ahaan mar waa Aabe, taasoo macneheedu yahay in uu isagu wax kasta abuuray, marna waa Wiil, oo waa markii uu bini’aadamka noqday, kadibna uu u dhintay si ay bini’aadamku u badbaadaan – hana hilmaamin in jidhku geeriyoon karo, laakiin cidii jidhkaa ku jirtay, ee ah ruuxda aan waligeed dhimanayni, ma aysan dhimanin – markaa ilaahii jidhkaa bini’aadam ku jiray ma uusan dhiman. Waxaan kuu sheegayaa in qofka ay jidhkiisa ruuxi ku jirto, markaa kolkuu jidhku geeriyoodo, ruuxdu iyadu ma geeriyooto, oo way sii jirtaa iyadoo sugaysa xisaabta ilaahay uu maalinta qiyaamaha marin doono. Wajigaa saddexaad ee ilaahay yeeshaa waa ruuxda muqaddaska ah, ruuxdaasoo ku jirta dadka mu’miniinta ah, ruuxdaasina waa ta ka dambaysa waxyaabaha ay dadkaasi fuliyaan ee cajiibka ah. Si wajjiyadan saddexda ah ee aan kor ku xusay kuu fahansiiyo, waxaad tusaale u qaadataa nin madaxwayne dal ka ah, kaasoo isla markaana xubin ka ah golaha baarlamaanka, ahna hoggaamiyaha guud ee ciidamada qaranka, markaa ninkaasi ma saddex qofbaa? Jawaabtu waa maya, waayo qof qudha oo saddex door ciyaaraya.
Shaki kuma jiro in gobol kasta oo Soomaaliyeed marka laga xoreeyo kooxda alshabaab in ay nolosha gobolkaasi ay caadi kusoo noqoto. Sidaa awageed waa inaynu ka xoreynaa dhulka Soomaaliyeed kooxda alshabaab. Waxaan rajaynayna in lagu guulaysto dadaalka dunidu ugu jirto inay dib u dhisto dal adag oo Soomaaliyeed, sababtoo ah alshabaab waxay ka faa’idaysanaysaa amaan la’aanta dalka ka jirta. Sidaa awgeed, bulshada caalamka ee ay ka midka yihiin Maraykanka iyo Ingiriisku waa inay taageeraan dawlada Soomaaliyeed ee soo socota. Dalalka jaarka ah ee Itoobiya iyo Kenya iyaga laftooduna waa inay dadka Soomaaliyeed ka caawiyaan dhismaha dalkooda, waana inay maskaxdooda ka saaraan siyaasadooda duugowday ee baqaha ay ka qabaan dawlad Soomaaliyeed oo awood leh, waayo hadii Soomaaliya dawlad adagi ka dhalato, dalalka jaarka ah amingooduna wuu sugmi.
Waxaan odhan karaa dadka muslimiinta ah ee dunida ku nool dadka aan muslimka ahayni way necebyihiin, waxaanay ku neceen diinta dhabta ah ee ay aaminsanyihiin ee ka duwan diimaha kaleeto ee dunida ka jira. Wuxuu arrinkani ku tusayaa in xaqiiqadu ay mar kasta xanuujiso beenaaleyaasha. Sidaa awgeed, nabiyadii ilaahay soo diray iyaga laftooda dadka aan ilaahay rumaysnayn way neceen, taasaana maanta gaalada ku kallifaysa inay muslimaanta ku sheegaan qaar dhan walba marka laga eego xun. Dhanka kale, waxaan leeyahay muslimiinta iskaga hadha, waayo waxay hayaan jidka toosan ee janada lagu galayo, dadka aaminsan in saddex ilaah jiraan, ee leh ilaahay ayaa saddex ilaah ka kooban, waxan leeyahay taa macneheedu ma 1 + 1 + 1 = 1 ayay la mid tahay? Falsafadan waxaa aaminsan dad maskaxda laga qabsaday, oo aan waxba ka ogayn hab nololeedka ilaahay u abuuray. Sidaa daraadeed karun sheega Illaahay.
ciidamada milatarigu waa inay dhab ka tahay howsha
Waxaan farriin u dirayaa mareegtan Sabahi, shaqaaleheeda iyo suxufiyiinteeda, waxaanan ku hambalyaynayaa sida aad dunida uga haqab thirteen wararka soomaaliya, iyo geesinimada aad la timaadeen ee aad duruufo adag wararka kusoo tabinaysaan, waxaanan idin leeyahay wararka hanaga kala goynina oo noo joogteeya, waxaanan idiin haynaa qadarin iyo maamuus!
Alshabaab waa cida soo celin doonta xasiloonida iyo nabada, dambiilayaasha iyo gaalada lacagteenii qaatay caruurteeniina dilay, ilaahay ayaa jabin doona!