Kenya oo al-Shabaab ku eedaysay weerarradii kaniisadaha, kuna dhaaratay in ay kor u qaadayso ammaanka

Waxa qoray shaqaalaha Sabahi

Luulyo 02, 2012

  • 5 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Kenya ciidanka kama soo saari doonto Soomaaliya illaa iyo inta ammaanka laga soo celinayo, ayuu yiri Ra'iisul-wasaaraha Kenya Raila Odinga Isniintii (2-dii Juun) maalin ka dib markii 17 qof ay ku dhinteen weerarradii ugu dhimashada badnaa ee Kenya ka dhaca toban sano.

  • Mid ka mida dadkii ku dhaawacmay weerarradii bambo-gacmeedka ee lagu qaaday labada kaniisadood ee Gaarisa oo loo sii wado ambalaas kadib markii diyaarad lagu keenay Nairobi si loo daweeyo. [Tony Karumba/AFP]

    Mid ka mida dadkii ku dhaawacmay weerarradii bambo-gacmeedka ee lagu qaaday labada kaniisadood ee Gaarisa oo loo sii wado ambalaas kadib markii diyaarad lagu keenay Nairobi si loo daweeyo. [Tony Karumba/AFP]

Isaga oo ka hadlaya Garisa, halkaa oo ay rag hubaysan oo madaxa soo duubtay Axaddii bambo-gacmeedyo ku tuuray laba kaniisadood kadibna ay dadkii kaniisadda ku kulansanaa ay rasaas ku fureen, Odinga ayaa jawaab adag u ballan-qaaday kooxda ku xiran al-Qaacida ee al-Shabaab, oo uu ku eedeeyay in ay ka dambeeyeen weerarka.

"Is-dhiibiddu maaha khiyaar noo furan, sababtoo ah haddii aan Soomaaliya isaga soo baxno, fowdada ayaa dhalanaysa taasoo ku soo fidi doonta xuddudaha," ayuu yiri Odinga sida ay ku warrantay AFP.

"Kenya si wadajir ah ayay u sii taagnaandoontaa, falalka al-Shabaabna waa kuwo quusi ka muuqato,...al-Shabaab waxa ay ka fal celinayaan horumarka ay ciidamadeenu ka gaareen gudaha Soomaaliya," ayuu yiri. "Waxannu ahaan doonnaa kuwo midaysan oo wadajira."

Laan-qayrta Cas ee Kenya ayaa tirada dadka ku dhintay weerarradii Axaddii ka dhigtay 17 qof iyada oo sheegtay in ugu yaraan 40 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaa oo ay ka mid yihiin 7 qof oo xaaladdoodu liidato. Saddexdii ugu dhaawaca cuslaa ayaa loo soo duuliyay Nairobi si loogu daweeyo.

Saddex carruur ah ayaa la sheegay in ay ku jiraan dadka dhinay.

Al-Shabaab ma ayan sheegan mas'uuliyadda weerarka, inkasta oo barta Twitterka al-Shabaab raacsan ee Al-Kataib ay soo qoreen "holw-gal guulaystay oo ka dhacay Gaarisa".

Guddoomiyaha Gobolka James Ole Serian ayaa sheegay in ciidanka bilayska Kenya uu ballan-qaaday in kor loo qaado ammaanka Gobolka Waqooyi Bari kadib weerarrada.

Howl-gallo ammaan ayaa laga bilaabay Gaarisa, Wajeer iyo Mandheera iyada oo la qorsheeynayo in todobaadka soo socda Gaarisa ay ku kulmaan hoggaamiyayaasha maxalliga ah, sidaana waxa Axaddii qoray Daily Nation-ka Kenya.

Serian waxa uu dedka degaanka ka welwel tiray cabsida ay ka qabaan weerarro kale oo kuwii dhacay daba socda. "Magaaladu waa daggantahay mana jirto wax kacsnaan ah," ayuu yiri habeennimadii Axadda.

Af-hayeenka bilasyka Eric Kiraithe ayaa sheegay in bilaysku ay qorsheeynayaan in ay Isniinta qaadaan howl-gal ammaan oo aad u wayn si ay u soo xirxiraan dadkii soo maleegay weerarka isla markaana ay dib ugu soo ceshadaan hubkii loo isticmaalay weerarkaa, kaasoo ay ragga hubaysani ka qaateen saraakiishii ammaanka ee kaniisadda kadib markii ay dileen.

ciimada ammaanka ee kaniisadaha Mombasa ayaa sidoo kale la kordhin doonaa, iyada oo dadka cibaadaysanaya la baari doono ka hor inta ayan galin, sidaana waxa Axaddii wargayska The Standard ee Kenya u sheegay Aggrey Adoli oo ah sarkaal ka tirsan bilayska Gobolka Xeebta.

"Kaniisadaha waxannu geeynay saraakiil ammaan, gaar ahaan Axadaha, mana jirto wax sabab ah oo loo baqo," ayuu yiri.

Fatikaanka ayaa ku sheegtay weerarrada "kuwo cabsi leh oo aad looga walwalo".

"Weerarka fulaynimada ah ee lagu qaaday dadka aan maciinka haysan ee sida nabad-galyada ah isugu yimid si ay u ducaystaan waa mid aan ka hadal lahay," ayuu af-hayeen Federico Lombardi u sheegay Raadiyaha Fatikaanka.

Shakhsiyaad Muslimiin ah oo magac ku leh Kenya ayaa sidoo kale dhalleeceeyay weerarka, waxayna ku baaqeen in si dagdag ah caddaaladda loo hor keeno kuwii soo maleegay.

"Waa in aannu dhammaanteen ixtiraamnaa dhammaan goobaha cibaadada," ayuu yiri Madaxa Golaha Sare ee Muslimiinta Kenya Abdulghafur El-Busaidy, sida lagu sheegay The Standard-ka Kenya. "Islaamka iyo Muslimiintuba wa ay iska beri-yeelayaan howl-gallada dambiilanimo ee caynkan oo kale ah, hay'adaha dawliga ah ee uu arrinku khuseeyana waa in ay qaadaan tallaabo degdeg ah oo ay ku soo xirayaan dambiilayaashii."

Agaasimaha Guud ee Dalladaha Ururrada Muslimiinta Kenya Fazul Maxamed ayaa sidoo kale dhalleeceeyay weerarrada, waxa uuna sheegay in weerarada ay ka markhaati-kacayaan sida kuwa soo maleegay ay uga arradan yihiin dammiirka.

"Haddii ay soo baxdo in wixii weerarka geeystay ay yihiin dad haysta diinta Islaamka, markaa waa in loola tacaamulaa sidii mujrimiin ee aan loola tacaamulin sidii Muslimiin," ayuu yiri. "Mujrimku mar walba waa mujrim. Islaanmka qofna ma faro in uu dilo qof kale oo rayid ah oo aan waxba galabsan."

Maxamed waxa uu ugu yeeray hoggaamiyayaasha diinta in ay si furan uga hadlaan weerarrada argagixisannimo isla markaana ay dhallinyarada ka ilaaliyaan in lagu dhex daro kooxo door biday in ay ku shaqeeystaan argagixisanimo iyo colaad.

"Waa in aannu ka ilaalinnaa dhallinyaradeenna in ay qortaan kooxaha sida khaldan u tarjunta diinta si ay u fuliyaan jariimo," ayuu yiri. "Taasi waxa kaliya oo ay dhalaysaa in la wasakheeyo magaca wanaagsan ee diinta."

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 9)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • haybe yare
    July 4, 2012 @ 10:15:00AM

    waxaan ka dhiibanayaa fikir kayga oo ah inaan walal waxaan kuu sheegayaa inaanan raali ka ahayn is qarxinta

  • Diana G. Keneth
    July 4, 2012 @ 03:29:32AM

    Waxaan qadarin u hayaa dadaalka loo galay in hawl-gallo xaga amaanka ah laga fuliyo magaalooyinka la xusay, iyo waliba ammaanka kaniisadaha ee la adkeeyay, laakiin waxaa wacan in markasta iyo meelakastaba laga bilaabo hawlgallo xaga amaanka ah. Waxaan leeyahay yaysan doodeenu noqonin mid diin kudhisan, sababtoo ah dadka weerada wadaa waxa macquul ah inay cid kasta abaaraan. Aniga waxay ila tahay inay waajib inagu tahay inaynu muwaadiniin midaysan noqono, waana inaynu si wada jir ah u shaqeyno, si dalkeena aynu ugu soo dabaalo nabad iyo is xaqdhawr. Maqaalku waa wacan yahay waana mid yididiilo leh, waxaana kaliya ee loo baahanyahay in dadka kala duwan ee hadlay ay hadalkooda dhaqan galiyaan.

  • wilson
    July 3, 2012 @ 04:37:59PM

    Waxaan kaliya rabaa inaan xukuumada Kenya ku dhiiri galiyo inay xuduuda gayso ciidamada ugu badan ee ay kari karto, si aysan dambiilayaashu xadka Kenya uga soo talaabin.

  • snichchisky
    July 3, 2012 @ 10:05:18AM

    Waan ka xumahay waxa dawlada Kenya haysta. Ilaaha wayn ee waaxidka ahna waaxaan ka baryayaa inuu nabadeeyo dalalka Kenya la jaarka ah.

  • snichchisky
    July 3, 2012 @ 09:57:31AM

    Waxa dhici karta in weerarkani uu ahaa mid ay soo qaaday kooxda alshabaab, waxaana laga yaabaa inay weerarkan uga dan lahaayeen inay isku dayaan inay dalka soo galaan.

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada

Macluumaad