Red_arrow

Ma jeclaan lahayd in Soomaali aad ka dhigato luuqaddaada asaasiga ah, ee mareegtan? |

Bilayska maddaarka Barbaran oo 12 carruur ah ka badbaadyay ka ganaciga dadka

By Barkhad Dahir, Hargaysa.

Juunyo 29, 2012

  • 3 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Ciidanka ammaanka ee Garoonka Berbera, ayaa usbuucan horraantiisii badbaadiyay 12 gabdhood oo si sharci darro ah loo soo dhoofiyay si looga ganacsado.

  • Somaliland oo waayadan danbe ku soo badanayaan caruurta la xado oo lag ganacsado. Kor. Arday wax ka baranaysa mid ka mid ah dugiyada sare ee magaalada Barbara taariikhdu marakay ahayd April 18, 2012.[Tony Karumba/AFP]

    Somaliland oo waayadan danbe ku soo badanayaan caruurta la xado oo lag ganacsado. Kor. Arday wax ka baranaysa mid ka mid ah dugiyada sare ee magaalada Barbara taariikhdu marakay ahayd April 18, 2012.[Tony Karumba/AFP]

Gabdhahaas oo ay da’doodu u dhexayso 8 ilaa 11 jir, waxaa laga keenay koonfurta Somaliya, sida uu Sabahi u sheegay Maareeyaha Garoonka Berbera Cumar Cabdullahi Aadan

Waxa uu sheegay in carruurtaas ay la socdeen laba nin oo sheegtay in nin kale uga soo dhiibay degmada Walla-Weyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Labada nin waxay mas’uuliyiinta u sheegeen in qof kale uu caruurta u soo dhiibay, lacagna ku siiyay in ay gabdhaha yaryar ku wareejiyaan nin kale oo Hargeysa ku sugayay, ayuu Adan yidhi. "Carruurta iyo labada nin ee watay waxay la socdeen diyaarad ay leedahay shirkadda African Express oo ay Muqdisho ka soo raaceen. Waxaana ka muuqatay in aanay carruurtu garanaynin meel loo waday, si khasab ahna loo watay”.

Sida uu sheegay Aadan, dhammaan gabdhaha yaryari waxay ku hadlayaan afka Maayga ee lagaga hadlo qaybo ka mid ah koonfurta Soomaaliya.

Aadan waxa uu sheegay inay xidheen labadii nin ee watay, 12-kii gabdhoodyna ay ku wareejiyeen Ciidanka Laanta Socdaalka Somaliland. Ciidamada ammaanka Somaliland ayaa haatan raadinaya ninka la sheegay in uu gabdhaha ku sugayay Hargaysa.

"Waa nidaam isku xidhan oo dadka lagu xado, waanan xidhaynaa qof kasta oo falalkaas lagu tuhmo. Shaki nagagama jiro in carruurtan loo soo xaday si loogu gaysto xad-gudub logana faa'idaysto; waa 12 gabdhood oo ka soo ka kala jeeda qoysas kala duwan." ayuu raaciyay.

Madaxa Socdaalka ee Somaliland, Maxamed Cali oo shir jaraa'id ku qabtay Hargaysa Arbacadii ayaa sheegay in 12 gabdhood sida ay u badan tahay loo watay in la iibiyo.

Wuxuu sheegay in baadhitaankoodii xaaladda lagu sameeyay lagu ogaaday in kuwa soo xaday gabdhaha ay qorsheeynayeen inay Somaliland uga saaraan dhinaca dhulka oo ay geeyaan Jabuuti, kadibna meelo kale la geeyo.

Wuxuu kale oo intaas ku daray in ilaalinta xuquudqa caruurta ay muhiiim u tahay hay’adaha ka shaqeeya arimaha bulshada ee Somaliland iyo hay’adaha QM si ay isaga kaashadaan ilaalinta caruurta aan waalidkood la soconin ee xudduudaha laga tallaabinayo.

“Waxaa kale oo muhiim ah in dawladdu ay tababarto ciimamada socdaalka iyo booliiskaba si ay il gooni ah ugu ilaaliyaan caruurta safarka ah ee aan waalidkood la soconin” ayuu Cusmaan yidhi.

Muddooyinkan danbe waxa Somaliland ku soo badanaya xaaladaha ku saabsan ka ganacsiga dadka ee sida gaarka ah loola bar-tilmaameedsanayo carruuta, sida uu Sabahi u sheegay Saxardiid Maxamed Cusmaan oo ah maamulaha howl-gallada ee hay'adda Dhaqan-celinta Buuxda ee Bulshada oo loo saa gaabiyo (CCBRS), taasoo ah hay'ad maxalli ah oo ka shaqeeysa ilaalinta xuquuqda carruurta.

"Ilaa April waxa la qabtay laba xaaladood oo ku saabsan caruuro si kooxo ah loo wato, waxaana suurtagal ah in tiro badan oo aan laga warqabin dalka laga dhoofiyay," ayuu u sheegay Sabahi.

Inta badan carruurta la rabo in habkan sharci-darrada ah lagu qafaasho, waxa laga keenaa meelo dibadda ka ah Somaliland, sida uu sheegay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland, Bashe Yusuf Axmed

Dhacdooyinkaas mid ka mid ah ayaa 28-dii April, sagaal carruur ah oo da’doodu u dhexayso 1-3 sannadood lagu qabtay dekedda Berbera. Caruurtaas waxaa markab laga soo saaray dalka Yemen, waxana soo saaray laba qof oo Itoobiyaan ah kuwaa oo haatan dacwadoodu taallo maxkmadda Berbera, ayuu sheegay Axmed.

“Caruurtaas hadda waxa lagu xannaaneeyaa Xarunta Agoomaha Hargeysa, ilaa haddana cidi sooma sheegan." ayuu yidhi Axmed.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 9)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • Abdikafi A.
    November 15, 2012 @ 12:08:26AM

    Waa nasiib xumo iyo ayaandarro somaliya ku habsatay. Dadkeenii maanta intiisa badan damiirkii waa laga qaaday markay diintii iyo wanaagi garan waayeen. Allaa somalida wanaga ha tuso.

  • margaret wairimu
    July 2, 2012 @ 09:24:29AM

    budhcad badeednimada kaliya caan kuma ihidiin, ee waxaad kaloo ku caantihiin ka ganacsiga bini’aadamka, ka ganacsiga aan sharciga ahayn ee hubka, afduubka, maydhaanka lacagta iyo dagaalada. Markaa sidani maaha sida soomaaliya lagaga xorayn karo saboolnimada iyo arggaggixisnimada, waxaanan leeyahay aan xidhiidh diblumaasi la yeelano dalalka aan saaxiibka la nahay, oo aan dadaal culus u galno sidii aan u wanaajin lahayn dhaqaalaha.

  • Francis
    July 2, 2012 @ 04:11:57AM

    Maaha arrin wanaagsan in qofku waxyaabahaas oo kale uu ku kaco. Ka waran haddii qaraabadaada si sharci darro ah dalka looga dhoofiyo, sideebuu dareenkaagu noqon lahaa? Xukuumada waxaan usoo jeedinayaa inay xaddidda carruurta sida sharci darrada ah loo af-duubo, waana inay soo saartaa qawaaniin adag oo ku qasbi doona af-duubayaasha inay ka hadhaan oo faraha kala baxaan ganacsiga noocan ah.

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma haboontahay in la badalo dastuurka Kenya si aqalka Guurtida awood dheeraad ah loo siiyo?

Fiirso natiijada