Juunyo 29, 2012
Kumanaan muwaadiniin Soomaaliyeed ayaa u baxsaday Yemen sannadihii ina dhaafay si ay uga magan-galaan colaadaha iyo macangagnimada ay ku soo rogtay xarakada al-Shabaab.
Wax badan qaxootigu kalama socon in hagardaamada al-Shabaab iyo aydiyoolajiyadda kooxda taageerta ee al-Qaacidda ay usoo raaci doonto oo la jibaaxi doonta badaha.
Bishii February 2012-kii, makii ay al-Shabaab ay si rasmiya ugu biirtay al-Qaacida oo ay ku dhaaratay in ay daacad u tahay hoggaamiyaheeda Ayman al-Zawahiri, ayay kooxdu shaaca ka qaadday in xubneheedu ku biiri doonaan “walaalahooda Yamaneed ee ku jira jihaadka”.
Bilihii xigay isku biiritaankaas, al-Shabaab waxa ay ku jirtay baxsad, iyada oo gacateeda laga saaray magaalooyin muhiim ah waxaana ay waajahayeen millatariga huwanta ka kooban ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika.
Taasi waxa ay dhalisay, in sida la sheegay ay xubnihii al-Shabaab ka cararaan koonfurta Soomaaliya iyaga oo wata doomo yaryar kuna abbaaraan xeebaha Yemen si ay markaa uga badbaadaan waxa ay falanqeeyayaal badani ku sheegeen dhimashadii aan laga maagan karin ee kooxda.
Maryan Siciid oo ka tirsan xarunta isgaarsiinta ee ciidamada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegtay in ayan caddayn tirada rasmiga ah ee dagaalyahannada al-Shabaab ka joogta Yemen.
“Ma jiro qof ku siin kara tiro rasmiya marka laga hadlay tirada dagaalyahanadaSoomaalida ah ee ku biiray kooxda Ansar al-Shariica, ee dagaalka kula jira ciidamada Yemen. Si kastaba ha ahaatee, xaaladdu waa mid halis ah,” ayay ku tiri Sabahi.
Joogitaanka xubnaha al-Shabaab ee ka barbar dagallamaya Ansaar al-Shariica, oo ah garabka Yamaneed ee Al-Qaacidada Jasiiradda Carbeed, iyo xaqiiqda ah in muwaadiniin Soomaaliyeed ay ku lug-yeesheen howl-gallo argagixiso oo ka dhacay Yemen ayaa waxa ay shiddo dheeri ah ku abuurtay qaxootiga Soomaaliyeed oo hadda ah kuwo laga shakisan yahay.
Magaada Cadan ayaa 18-kii June, waxa uu qof isa soo miidaamiyay oo isku soo xiray bam waxa uu isku soo dhex tuuray gaarigii Sareeye Gaas Salem Cali Qoton, taliyihii ciidamda Yemen ee gobolka koonfureed, dabadeedna qarxiyay bamkii ku xirnaa.
Ilo caafimaad ayaa sheegay in Qoton uu dhintay markii la keenay Isbitaalka Sabir.
Saacado kadib shilkaa, Wasaaradda Difaaca Yemen ayaa wabsite-keeda ku sheegtay in qofka is qarxiyay uu ahaa muwaadin Soomaali ah.
June 21-keediina, al-Qaacida ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaa.
“Waxannu maqalnay warar horudhac ah oo sheegaya in qofka maleegay weerararkan jariimada ahi uu ahaa muwaadin Soomaali ah, laakiin wali waxa socda baaritaan si loo ogaado shakhsiyaddiisa dhabta ah,” ayuu Sabahi u sheegay Qunsulka Soomaaliya u fadhiya Cadan Axmed Cabdi Xasan.
Xasan waxa uu sharaxaad ka bixiyay sida uu shilkaasi u saamayn doono nolosha Soomaalida ku nool Yemen.
“Waxannu ku rumaysannahay in dadka Yemaneed ay si wayn ula socdaan in qaxootiga Soomaaliyeed ayan Yemen u iman rabitaankooda shakhsiyeed, laakiin ay taasi ku qaadday dagaallada ay ku soo qaadeen fallaagada kooxda al-Shabaab ee aaminsan in ayan u dhalan oo ayan lahayn hal dal oo qura ee uu caalamka oo dhami yahay dhulkoodii hooyo,” ayuu yiri.
“Bilaysku si kasta ayay xaq ugu leeyihiin in ay qaataan tallaabooyin taxaddar ah si looga badbaado khalal ammaan, laakiin waxannu waydiisanaynaa in ay kala saaraan kuwa Yemen u yimid si ay uga soo cararaan dagaallada ka socda Soomaaliya iyo kuwo qas-wadayaasha ah,” ayuu yiri Xasan.
Guddiga ammaanka gobolka Dhamar ee bartamaha Yemen ayaa 19-kii June waxa uu meel-mariyay oll-ole lagu soo xirxirayo qaxootiga sida xad-dhaafka ah isugu soo aruuray gobolka. Guddigu waxa uu ka digay khatarta ka imaan karta qaxootiga tirada badan ee ku soo jabay gobolka, taasoo ah arrin khatar ku ah nabadda sababtoo ah dhibaatooyin ammaan, bulsho iyo dhaqaalo oo arrinkaa ka dhalan kara, gaar ahaan xilligan oo shilalka argagixiso ay soo badanayaan.
Markii la waydiiyay oll-olaha ay al-Shabaab ku taageerayso Ansaar al-Shariica, Xasan waxa uu yiri, “Al-Shabaab waxay horay u sheegtay in ay aadi doonto Yemen oo ay ku biiri doonto, waxa ay ugu yeereen, walaalahooda Yemeneed ee ku jira Jihaadka, sidaa darteed waxannu ugu baaqaynaa mas’uuliyiinta Yemen in ay si adag u ilaaliyaan xeebahooda iyo xudduudyadooda si ay u hubiyaan in ayan kooxdani soo galin dalkooda oo ayan u carqaladayn amnigooda iyo ammaankooda.
“Waxaan hubaa in inta badan Soomaalidu ayan halis ku ahayn ammaanka iyo xasilloonida dariskeena, Yemen, si la mida sidii ay bulshad ka soo jeedda Yemen ugu noolaan jireen Soomaaliya tobanaankii sano ee la soo dhaafay,” ayuu qunsulku hadlakiisa ku sii daray.
“Waxannu ognahay in dadka Yemen ay jecelyihiin Soomaalida oo ay rootiga kala goostaan, oo ay dawladdoodu siisay xoriyad ay ku dhaqdhaqaaqaan si ay gudaha uga raadsadaan shaqo, deeqihii waxbarasho ee ay siiyeen ardayda qaxootiga Soomaaliyeed iyaga haba sheegin,” ayuu yiri Xasan.
Faisal Mayow, waa 37-jir, qaxooti Soomaali ah oo Cadan ku nolaa 12 sano, wuxuuna Sabahi u sheegay in uu qaddarinayo xiriirka walaaltinimo, diineed iyo darisnimo ee ay Yemen la leedahay Soomaaliya.
“Waxa ay noqotay dalkii labaad ee soo dhaweeya qaxootiga Soomaaliyeed kadib Kenya, Sancana ma aqbali doonto muwaadiniinta Soomaaliyeed ee soo dhawayta al-Qaacida iyo dullaalayda xubaha al-Shabaab ee Soomaalida iyo ajnabiga ah,” ayuu yiri. “Waxannu ku biirin doonnaa ciidamada ammaanka Yemen wixii xog ah si loo ugaarsado loona xiro kuwa ku soo dhex-dhuunta xeryaha qaxootiga iyaga oo qasdigoodu yahay in ay qortaan ciyaalka qaan-gaarka noqonaya si ay u galiyaan dagaal ka socda dal aan koodii ahayn. Cadawga nabadda waxannu kula dirir doonnaa waddo iyo wadiiqo walba.”
Admiraal Faarax Axmed Cumar Qare, oo ah taliyaha Ciidamada Badda Soomaaliya, ayaa ugu yeeray Yemen in ay la timaaddo taxaddar iyo il-dheeri ku aaddan kooxaha argagixisada ah ee isku dayaya in ay dhibaato iyo otton kula soo gal-gashaan dadka aan waxba galabsan.
“Waxan ugu yeeraynaa dawladda iyo shacabka Yemen in ay gargaar dheeri ah siiyaan Soomaalida oo ka soo cararay dabka al-Shabaab ku shidday oo ay si walba oo ay awoodaan gacan uga siiyaan hadday ahaan lahayd cunno, daawo, dhar iyo hoy,” ayuu ku yiri Sabahi. “Waxan waydiisanaynaa in ayan dhibaatayn Soomaalida maraya waddooyinka, shaqeeysanaya ama xitaa kuwaa isku dayaya in ay soo galaan dalka.”
“Si kastaba ha ahaatee, kuwaa ku lug-yeesha falalka qalalaase iyo taageerada al-Qaacida waa in la ciqaabaa,” ayuu raaciyay hadalkiisa.
“Waxaa lagu jiraa xaalad nugul ah waanunna iska kaashan doonaa xukuumadda Yemen sidii aan ku bar-tilmaameedsan lahayn argagixisada inta ay wali ku sugan yihiin badda, ka hor inta ayan ka dagin xeebaha labada dal, sababtoo ah dhibkani maaha dhib u yaal Soomaaliya oo kaliya laakiin waa mid kusii fidaya Yemen iyo guud ahaan gobolka,” ayuu yiri Qare.
“Waa in uu jiraa iskaashi caalami oo dhab ah sidii loo soo af-jari lahaa xag-jirnimada iyo aragagixisannimada ka jirta Soomaaliya iyo Yemen,” ayuu yiri. “Arrintani waxa ay si xun uga faa’idaysanaysaa carruurta aan waxba kala garanayn iyo hor-alle-nimadooda ay isaga aaminayaan caalam ay harqisay karaahiyo iyo dil.”
Ergo ka socota Urur-goboleedka Horumarinta (IGAD) ayaa booqday madax ku kala sugan Muqdisho iyo K...
Nin argaggixisonimo looga shakiyay iyo xaaskiisa ayaa toogasho lagu dilay lix askari oo bilayska ...
Shan qof ayaa lagu xiray Daarusalaam Khamiistii iyaga oo haysatay walxaha laga sameeyo qarxyada, ...
Madaxwenaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku boorriyay sharci-dajiyayaasha in ay dhinac iska dhigaan ...
Ciidamada dawladda Soomaaliya ayaa gobolka Bakool ku dilay sagaal ka tirsan dagaalyahannada al-Sh...
Rag hubeeysan oo aan la garaneeyn ayaa fiidnimadii Sabtida (18-kii Maajo) waxa ay waqooyi-bari ke...
Xisbiga talada haya Kenya ee Isbahaysiga Jubilee ayaa hoggaanka u qabtay laba guddi-barlamaan oo ...
Rugta Ganacsiga Jabuuti iyo Hay'adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay ayaa ilaalada xirmo...
Danjiraha Midowga Yurub u fadhiya Tansaaniya Filiberto Ceriani Sebregondi ayaa ku boorriyay saxaf...
Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya William Ruto ayaa sheegay in loo baahan yahay in la ballaariyo Howlg...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo