Juunyo 28, 2012
Cabdi Xuseen Cabdi, oo ah 23 jir, kana tirsanaa Al Shabaab, ayaa ku fadhiyay darin isaga oo shaah la cabayay dhalinyaro isagoo kale ah, joogayna guri nin saaxiibkiis ah. Qolka waxaa ka socday sheeko sawaxan leh, laakiinse Cabdi wuu aamusnaa, marmarna wuxuu u dhoola cadaynayay kaftanka meesha ka socda.
Cabdi wuxuu Sabahi u sheegay in uu hada ka soo noqday Somalia, halkaas oo uu ka garab dagaalamayay Al Shabaab ilaa bishii Ogoosto 2010. Wuxuu sheegay in uu Al Shabaab ku biiriyay nin la yiraahdo Muuse Xuseen Cabdi loona yaqaano Dheere, isaga oo u balan qaaday lacag.
Dheere oo ahaa nin Al Shabaab dhlainyarada u shaqaalaysiiya, asalkiisuna ka soo jeeday Deegmada Wajeer, waxaa lagu dilay goob kontorool ah oo Somalia ku taala, markay taariikhdu ahayd Juune 2011, isaga iyo Fasul Cabdullah Maxamed oo ahaa maskaxdii ka danbaysay qaraxii safaaradaha Maraykanka ee Nairobi iyo Daara Salaam ee 1988-dii.
Cabdi wuxuu sheegay in kooxda Al-Qaaciddada ku biirtay ee uu u tagay in uu taageero in laga itaal roonaaday lagana xeelad badiyay ayna lumisay taageedadii ay Somalidu u qabeen, sababata oo ah xayiraad aan muhiim ahayn iyo dilitaanka aan kala soocitaanka lahayn ee shacabka ay ku hayso.
Dagaalkii ugu danbeeyay ee uu galo Cabdi wuxuu sheegay inuu Afmadow kula galay Ciidamada Difaaca Kenya, halkaas oo ay hada ka hoos shaqeeyaan Howl-galka Midawga Afrika ee Somalia (AMISOM),
“Waxay ahayd dhibkii noogu waynaa ee aan la kulano ilaa Oktoobartii la soo dhaafay. Waxaan ku socnay dhul aad u adag oo qarfo ah oo ay cuntadu ku yar tahay amaba aan lahayn. oo aan wax mushaahar ah lahayn, anaga oo ay nagu socoto duqan cirka iyo dhulkaba ah.”
Jabkaas ayaa isaga iyo tobon wiil oo kale ku khasabtay in ay si dhuumaalaysi ah Kenya ku soo galaan. Iyaga oo iska dhigaya qaxooti ka soo cararay dagaalka Somalia.
“ Markii aan Al-Shahab ku biiray, uma aanan diyaarsanayan dagaal xoog leh oo ciidan dibada ah nagaga yimaada. Waxay ahayd in aan la dagaalanno ciimada Somalia iyo kuwa itoobiyaanka ah, laakiinse markii lagaa soo weeraro dhinac walba , adiga oo haysta qoriga Kalashnikov iyo kuwa sida darandooriga u dhaca, dhibaatadaas waad dareemaysaa.” ayuu yiri.
Wuxuu sheegay , in Al Shabaab oo mar ahan jirtay urur xoog leh uu hada noqday mid aan is haysanin abaanduulayaasheedu iyo dagaalyahanada ajnabiga ahna ay ka kala firxanayaan.
In kastoo uu Cabdi uu ka baxay kooxda, mar marka qaarkood ayuu la kulmaa kuwo Al Shabaab dhalinyarada u shaqaalaysiinaya oo ka codsanaya in uu jiida hore ee dagaalka ku noqdo.
“Waxaan rabaa in aan dago, qoys dhiso oo aan noqdo qof muwaadin ah oo sharciga raacsan. Al Shabaab waxaan u galay shaqo ahaan, laakiinse lixdii bilood ee ugu danbaysay mushaaar nalama siinin," ayuu yiri
Jaamac Cabdullahi Xasan oo ah saaxiibka Cabdi wuxuu sheegay in Cabdi iyo saaxiibadii hal maalin la waayay iyda oo aysan qofna u sheegin. Xasana uu shakiyay markii uusan warkooda maqlin dhawr bilood.
“Waxaan aad u neceb nahay dilalka aan kala sooca lahayn ee ay Al-Shabaab ku kacayaan” ayuu Xasan yidhi “ Hada saaxiibaday way soo noqdeen, waxaan rajaynayaa in ay is badleen ayna diyaar u noqdaan in ay shacabkooda ku biiriaan.”
Xasan wuxuu sheegay in ay taageerayaan saaxiibkood Cabdi oo hada soo noqday. Waxay kale oo ay qorshaynayaan in ay ku kaalmeeyaan in uu ganacsi bilaabo oo uu bog cusub oo noloshiisa ah furo.
Dhalinyaro badan ayaa dib loogu arkayaa tuulooyinka iyo magaalooyinka Gobolka Waqoyi Bari ee Kenya kadib muddo dheer oo ay maqnaayeen, dadka deegaanka ah, saraakiisha dawlada iyo falanqeeyayaasha amaanka ayaa u sheegay Sabahi. Waxaa la la aaminsan yahay in dhalinyardaas ay si dhuumalaysi ah dib wadanka ugu soo noqonayaan, markii ay ka soo carareen ciidamada huwanta ah dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab ee Somaliya.
Dawladu tiro sax ah ma hayso, laakiinse Madaxa booliiska ee Gobalka Waqooyi Bari Leo Nyongesa ayaa Sabahi u sheegay in boqolaal ay Al-Shabaab ku biireen ilaa iyo 2006-dii, hadana ay muuqato in ay dib guryahdoodii ugu soo noqonayaan.
“Soo noqoshadoodu waa muhiim, sababata oo ah waxay ka soo tagayaan koox argagixiso ah” ,"Nyongesa ayaa yidhi “ Isla markaana walwal ayay nagu haysaa, sababata oo ah ma garanayno waxa ay isku badali doonaan. Amaanku aad ayuu u sareeyaa, waxaan ku talaabsan doonaa in aan qabano ama xidhno hadii aan ogaano in ay dhibato maleegayaan.”
Dhalinyaro badan si cad uma sheeganayaan in ay ka tirsanaayeen Al-Shabaab cabsi darteed, laakiinse Nyongesa wuxuu sheegay in dawladu ay doonayso in soo -goostayaashu ay is caddeeyaan, cafisna dalbadaan, booliskana la shaqeeyaan si ay u siiyaan warar muhiim an oo ku saabsan sida uu ururkaas u shaqeeyo.
Falanqeeyayaasha xagga amaanka ayaa sheegaya in dagaalyahanada ay al-Shabaab ka qorteen Kenya ay ka tagayaan ururkaas sababata oo ah cadaadiska Al-Shabaab ka soo food saaray dhinaca Ciidamada Somalida ah iyo kuwo Afrikaanka ahba, taas oo sababatay in ay kala cararaan, is qabqabsi dhaxdooda ahna uu aad u wiiqay.
Bashir Xaaji Cabdullahi oo ahaa Gaashaanle ciidamada ka tirsan oo howl-gab ah ayaa sheegay in dhalinyaradan soo noqonaysa ay calaamad u tahay in Al-Shabaab ay marayaan maraladda sakaraadka, markii ay waayeen meelo muhiim ah oo ay haysteen.
Si walba oo ay ahaataba, wuxuu ka digay, iyada oo dhalinyarada soo noqoshadeedu aysan ahayn arin toos ah oo amaanka khatar ku ah, hadana dawladu in ay waajib ka saran yahay in ay ka hadasho arimhii ku bixiyay dhalinyaradaas in ay markii horaba Al-Shahaab ku biiraan.
Dhalinyarada gobalka ah ee Al-Shabab ku biirtay waxay ugu biireen lacag ahaan. ,ma aha in ay fikirkooda khaldan raacsan yihiin, ayuu yiri. Cabdulaahi wuxuu sheegay in inkasta oo dhalinyaradaas ay soo noqonayaan iyaga oon hubaysnayn, hadana waxaa loo taba baray in ay dalgaalamaan, taas oo keeni karata khatar.
“Waa fursad naadir ah” ayuu yidhi. “ Intii la fogayn lahaa, taas oo laga yaabo in ay ku biiraan urur kale oo xag jir ah, dawladu waa in ay dhalinyardaas mashquulisaa iyada oo shaqo u abuuraysa ama ka dhigaysa kuwo iyagu isku filan.”
David Ochami oo ah wariye xaruntiisu tahay Mombasa, una kuur gala ururdada xag jirka ah ee Bariga Dhaxe iyo Geeska Afrikaa, ayaa sheegay in dhalinyardaas ay ogaadeen in dagaalku uu san ahayn wax sahlan.
“Ciidamda Somaliya iyo Kuwa Midowga Afrika , al-Shabaab ciidan ahaan oo kaliya uma aysan burburnin, ee fikirkeeda way burburiyeen, sabahi ayuu u sheegay. "Fikradii Jihaadka waa la baabi’iyay, wax mooraal ah oo ay dhalinyardu u hayaan in ay ku biiraan urur isagiiba jabay ma jiraan.”
Ochami wuxuu sheegay in kuwii ku biiri lahaa Al Shabaab ay rajadoodu aad u sii xumaanayso, markii kooxdaas laga saaro meelaha ay xooga ku leeyihiin gaar ahaan Kismaayo.
Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya William Ruto ayaa sheegay in loo baahan yahay in la ballaariyo Howlg...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khamiistii (16-kii Maajo) waxa uu waraaqaha aq...
Ugu yaraan afar qof ayaa dhintay saddexna waa ay dhaawacantay Khamiistii (16-kii Maajo) markii xa...
Kenya iyo Tansaaniya ayaa Khamiistii (16-kii Maajo) si wadajir ah soohdintooda uga fuliyay howlga...
Cartan Sheekhdoon oo ahaa xubin ka tirsan kooxda xukuumadda la jaalka ah ee Ahlu Sunna wal Jamaac...
Maleeyshiysaad looga shakisan yahay in ay ka yimaadeen Itoobiya ayaa Khamiitii (16-kii Maajo) wax...
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa Khamiistii (16-kii Maajo) waxa uu Wasiirkii ...
Tansaaniya iyo Canada ayaa wada saxiixday heshiis iskaashi oo loo asteeyay in kor loogu qaado isl...
Ciidamada Qaranka Soomaaliya ayaa dilay 13 dagaalyahaniinta al-Shabaab ah Talaadadii (14-kii Maaj...
Xilligii kama dambaysta ahaa ee loo qabtay dadka reer Mandheera in ay ku soo wareejiyaan hubka sh...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo
Faallada akhristaha
A-lshabaab haayoo hada way kala firidhsantahay, laakiin ma jiro wax ka xun inuu qofku isku dayo inuu dadka amaan darro ku dhex abuuro si uu magac isagu u yeesho. Ma jirto cid fahansan sirta nolosha iyadoo geeri aragta mooyee. Markaa waa in la ogaadaa in aysan jirin cid aragtay ilaaha soo dajiyay diinta ay cidaasi haysato. Ilaahay isagaa nolosha bini’aadamka siiyay, markaa waa inaynu nolosha bini’aadamka ixtiraamnaa, waayo ma aha mid bilawgeeda iyo dhamaadkeeda aynu ognahay.
Markay albaabada naartu furmaan, waxaa kooxda alshabaab iyo waxkasta oo ku xeersanba la tagi doona dab iyo holac, dadka iyagu alshabaab ku biiray ee Kenya kasoo jeeda dalka kuma soo laaban karaan
Ciidamadeenu hawl wacan ayay qabteen , laakiin muxuu noqon doona inamadeena dayacmay xaalkoodu, se xukuumadu tolow shaqooyin miyay u abuuri doontaa dhalinyarada reer Kenya, iyadoo aan qaabyaalad loogu kala eexanayn, si looga hortago in mustaqbalka uu arrinkan oo kale dhaco.
waryaaaa ciyaal comenrts waa been
Waxaa su aal mudan marka ay galadu ay ka war bixinayaan dagalalada caalamku kula jiraan Mujaahidiinta waxay leeyihiin (WAXAAN LA DAGAALAMAYNAA WAA MUSLIMIINTA MANYALKA ADAG) waa maxay ereyga manyalka adag. Jawaabtu meelkale haba ka raadinin waa (muslimiinta gaalada neceb). Sidoo kale Mushrikiinta iyo Murtadiinta waxay sheegtan in ay gaalada iyo islamku ay yihiin dad walaalo ah oo nolosha ka dhaxaysa Yaa Alaah Ma Rabigeena ayan runsheega iyo Gaalada. waa aayada Alle uu ku leeyahay (Walan tardaa cankan Yahudu wala Nasaaraa Xataa ta tabica millatahum). Rabiyow marwalba xaqaaga hal lug ayuu ku taagan yahay hadana wuu adag yahay. Waxa aan u dagaalamayna waa raali galintada iyo Janno raadis Rabiyow naga aqbal shahaadada oo khaalis ah. Uma dagaalamayno in shabaab ay guulaysato uma dagaalamayno in soomaliya lagu dhaqo dastuurka Mahiga, Waxaan u dagaalamaynaa waa adiga raali galintaada. Rabiyow shahaado na sii iyo Janatul Firdowsa.
waxay ilatahay sida bausaraysagdan waayo 99 waa halka u
aan shaqaalaha shebekada caalamiga ah ee hadhwanaagnews waxaan idiiinku mahadnaqayaa sida habsamida leh ee aad ugu shaqaynaysaan dadkiina iyo dalkiina somaliland iyo soomalida kaleba Asalaamu calaykum waraxmatulaahi wa barakaatu aamina siciid from LONDON UK marka hor waxaan aad u salaamayaa dhamaan bahda dhamaan shaqaalaha shebekada caalamiga ah ee hadhwanaagnews waxaan idiiinku mahadnaqayaa sida habsamida leh ee aad ugu shaqaynaysaan dadkiina iyo dalkiina somaliland iyo soomalida kaleba . Intaa kadib waxaan jecelahay in aan fikirkaga ka diibto dood u furay ninka lagu magacaabo dirirdhabe ragkalena ka qayb qaateen inkastoo aan ladaahay jawaabta hadana waxaan jeclaystay maadama aan dumar ahy bal in aan aan ka garnaqo aniga oo aan dhana raacayn runtana ka garaabaya, qof jeclaysina aanu igu jirin. markaancaqliga la kaashaday waxaan ku cabiray maansadan hoos ku xusan. Hadii aan wax qaldona itoosiya kolay ilaahay ayaan khaldamine. Wax xumaana ama aflagaado ahna xaashee ku darimaayo. Waxanay tidhi: doodii muuse biixiye dirirdhabe inoo furay dacwadbaan ka leeyahay, dadkuna waa markhaatiye dockastaan ka eegaba denbi anoon ku talinayn, daylqaafna odhanayn , aan kuu dulxaadshee dibna kuu su,aallee, doraad markuu halgamayee degta qorigu kala jaray, dhaxantiyo kulaylaha dusha markuu u dhigan jirey labadaba u dhereraa dhulkeebaad ku noolayd, denbigan aad ku dhaabteen duudka aad ka saarteen, haduu dhacay ama uu jiro,hore miyuu u doboolnaa, dibnahaaga yaa xidhay dusha maad ka s
kkkkkkkk, Hadii diinta laga beensheego dhibkaan ayaa u dambeeysa...!
ala maxaad riyo beena ku jirta ciyaal fuqul ciyaal canqararac lu uma dhutiyo mu jahidiintu wey guuleysanayaaaaaa beentana joojiya nimankiinan saxafiyiinta hadii kale mujaahidiintu intiina ka been fariinta wey is barayaan mujaahidiintu ha guulaysteeen galada iyo cadowga mujahidiintu ha jabo aamin
waxay ila tahay in dowlada ay ku guuldaraysatay in si buuxda u hanto amaanka shacabka meelha ay ka taliyaan sida b/way iyo baydhabo afgooyo iyo degmooyin badan xamar ah mida akle oo ak sii daran siyaasada somaliya oo horumar lahayn caalmkana uu iska fiirsanyo dhibka siyaasiyiinta somaliya dadka waxay hada bilaabeen in la yiraa shabaab ayaa dhaamay kadib markii lawaayay amaan la osku halayn karo iyo siyaasay mustaqbal leh oo dimoqraadi ah mahadsanid
Waxaan aad ugu Farxay ka bixista ay ka baxaan nimankaasi runtii hada alshabaab waa iyo Kooxaha argagixsada Caalamka Filimkoodii wuu dhamaaday Gaar ahaan Marka laga eego Kacaanadan ka dhacay wadamada Carabta taas oo meesha ka saaraysa Fikirkii ay Xatta aniga igu soo jiidan Gaadheen ee ahaa Waa la Gumaysanayaa ama la cadaadinayaa dadka ku nool Dunida Muslim ah....................IYO qaar kale oo badan. /////////////////ALxumdulilaah hadii Filimkoodii la qabtay hada waa gabagabo.. //////////////////////////////////////////////Suxufiga.M.S.
waa been iyo borobogaando aad rabtaan in aad umada soomaaliyeed ku khaladaan, islaamiyiinta dalka soomaaliya waxa ay ku soo dabaaleen nabad iyo xasilooni waarta , halka meel waliba oo ay gaaraan ciidamada dowlada ay dadku ka cararaan dhibaatada ay shacab soomaaliyeed ugeystaan awgeed, waxan idin leeyahay alshabaab wax dhaama ma heysaane dacaayaadka raqiiska ah iska dhaafa
eebe waxan ka baryaya in uu jebiyo gaalada iyo taageerayaasheeda muslimiintu dhamaan ha ogaadaan in ay gaaladu tahy cadawgooda ayna jecelyihiin hadimada muslimiinta
Hambalyo ciidamada difaaca Kenya, waayo waxay badaleen sidii ay ciyaartu u socotay. Maxay tahay sababta keenta in alshabaab ku fekerto inay ciidamada difaaca Kenya ka adkaan karaan? Alshabaab way indha laayi’iin oo waxa indha tiray waxay aaminsan yihiin, laakiin hadda waa inay hurdada ka kacaan oo ay xaqiiqada arkaan. Qofku maaha inuu maskaxdiidasa ku badalo wuxuu aaminsanyahay, waana inuu maskaxdiisa isticmaalaa marka uu go’aan qaadanayo, maya qalbiga.
waxay aniga ila tahay in aan hadal wax teri karin ee waxa loo baahanyahay ay tahay in run la,isu sheego dadka soomaaliyeed waa wada islaam weyna kala yaqaanaan cadawgooda iyo saaxiibkooda waxa meesha ka socdaana waa dagaalka afka ama hadalka qofka rumaysanaaya qoraalkani isagay khuseysaa laakiin ilama ahan inuu runyahay warkani waayo waxan wada ognahay in dagaalkani socdey in ka badan 3 sanadood welina waxan maqalnaa meelo dib lo qabsaday iyo dagaallo fool ka fool ah waxa muuqata iney amisom wataan mashruuc dhaqaale raadin ah oo ay shaqo u joogaan meesha aysanna u joogin in ay soomaaliya kaalmeeyaan.waxay aniga ilatahay in loo baahan yahay in shacabka soomaaliyeed ay gartaan danahooda ayna ka talo baxaan isku haleynta beeshacaalamka iyo igad. waxay u muuqataa in loo heshiiyey jahawareerinta shacabka soomaaliyeed si loo xado hantida iyo caqliyadda ku saleysan islaamnimada iyo abtiriska shariifka ah ee soomaaliyeed shacabkana hadba waxa la horkeenayaa caado qaatayaal tuug ah oo lagu sheego inuu yahay qof muslim ah oo danahooda ka shaqeynaaya si uu shacabku u rumeysto beenta iyo khiyaanada lagu hayo shacabka soomaaliyeed. waxa mar walba lagu khiyaanaa shacabka qaran soomaaliyeed.waxana laga qariyaa shacabka soomaaliyeed in la xaday towraddii shacabiga aheed ee lagu doonaayey qaranimada soomaaliyeed 1948 markii la gubey xafiiskii S Y L ee saxda ahaa lana dhisay bro talyanka. calanka markii la saaray waxa loo dhiibey dawladii soomaaliyeed dadkii ahaa dabadhilifyada.
waa arrin u baahan in la isla garto nuqulkan sixadiisa, haddaba haddii waxa uu sheegay sax tahay waa arrin u baahan inay ka faa'iidaystaan kaligood noolayaashii madaxda Africa oo keenyaanka ka midka yihiin inay dhallintaan haddii markii horeba waxa ku bixiyey barnaamijkani yahay shaqo la'aan ka dhalatay musqmaasuqa la dagay qaaradda inay ka digtoonaadaan dhallintan la millatariyeeyey una abuuraan shaqo ka habboon tay ku haysteen alshabaab. hadii ay tahayse dacaayad la buunbuunshay waxay abuuraysaa fursad in ciidamada ammaanka kenya qabsadaan qof kasta oo dhallinyaro oo muslim keenyaan ah ka dibna iibsadaan ama ku xadgudbaan. tan shabbaab waxaan dhihi lahaa hadday akhrisn karan nuqulkan inay Allaah ka baqaan dadkna ayan diinta ka fogayn iyaka oo og khaldka ay ku iraan, ha dhagaystaan culimada waawayn.
AAD IYO AAD AYAN UGU FARAX SANAHAY WIQIDA KHWARIJTA AL SHABAAB SABABTO AH WAXAY DHABATAYEN SHACABKII SOMALIYEED EE MUDADA 30 SANO AH DHIBKA KUJIRAY WAXAY AKARAYEN CARUUR YARYAR WAXAY GAWRACEN DAD AN WAXBA GALABSAN WAXAY MEL UGADHACEN DIITA ISLAAMKA WAA DEBIILYAL
runtii waxa imika jooga aya wanagsan in la qabto lana hu juumo maxa yeelay dhalintaa marka hore al shabaab ku gashay ama ku raacday lacag darteed ,inay imikana dhici karto hadii jawigii iyo camal xumadii marka hore ay ku galeen ururkaas inay imikana iman karto hadii loo samayn waayo ama looo horseedi waayo samasashada bog cusub ama nolo tii hore ka duwan tusaysana inay horay marin karan noloshooda aduunkana wax ku soo kordhin karan that is all
kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk adunyo wllhy yaab ayaad ledihiin waar beenta aad so uruurinaysan dadka ka daya oo kuffartan uraysa aad u hilinaysan maa akhiro ayaay alle swt ka celinaya may wlllhy waa lagu waydinaya ee intan noshahay is xisaabi intan akhiro lagu xisaabin dofaraada kenyana waxan lehay sanadka dambe hadu somalia idhinku bilawdo indhinlo raba in aad si joogtan ragga ayaanan ahayn
waa arin muujinaya in al shareer awodooda milatari soo daciifayso waana guul u soo hoyatay dadka ku nool somalia gaar ahaan caasimada somalia. waxaan allaah subxaanaha ka baryayaa inuu cadowga jabiyo insha allaa
aniga waxay ilatahay dhalinyarada ase ba xoog ayaa lagu hubay marke waa dad dhiig badan daadshay xaladoodu caadi mahan dadkaas marke waxan lehay dad haloo xilsaro dadkaas yaana lawax yelayn xero haloo suubiyo si nolosehooda fearxad loogu bedelo
Iyaga laftooda iyo qaraabadooduba waxay ku andacoodaan inay alshabaab ugu biireen kaliya si ay lacag u helaan, markaa waxa la odhan karaa waxay yihiin calooshood u shaqaystayaal! Laakiin sidaa haba ahaatee, waxay xoog ku guursadeen gabdho Soomaaliyeed, iyagoo ku doodaya inay xaq u leeyihiin maadaama ay mujaahidiin yihiin, kufsi iyo guur khasab ahna kula kacay gabdhahaas! Markaa haddii imika aan dadkan qiil u dayno, waa in cid eeda yeelata la helaa, aniguna waxaan eedaynayaa sucuudiga.
Muddo intee leeg ayaynu dadkan la dagaalami doona ka hor intaynaan ka guulaysan? Haddii ay qasab noqoto in ciidamada dhamaantood loo diro inay alshabaab lasoo dagaalamaan, waa inay xukuumaddu sidaa yeeshaa.
Markaa, waa arin wacan in dib loo soo dhoweeyo qof u dagaalamaya in uu lacag helo, bal isaxa hadaan qaldanahay. Laakiin siduu ninkani sheegay, sababta uu usoo laabtay waxay ahayd iyagoo la eryaday oo dhul qarfa ah la mariyay, cunto la’aan iyo lacag la’aanina ay haysay, oo ay khatar badana ku sugnaayeen. Isagoo hadalkiisa sii watana wuxuu yidhi: “anigu waxaan alshabaab ugu biiro inaan shaqo ka helo, laakiin lixdii bilood ee u dambeeyay wax mushahar ah lanama siinin,”....
Way wacantahay in dadkii alshabaab kasoo goostay ay bilaabayaan inay dibada usoo baxaan, laakiin warwarku wuxuu ka jiraa: Kenya diyaar ma u tahay inay soo dhawayso dhalinyaro loo tababaray inay dagaalo kudhufoo ka dhaqaaq galaan, oo aan wax camal ahina kasoo horrayn. Miyaynu awoodnaa in dadkan la waraysto, oo la ilaasho, kadibna la dhaqan celiyo, si ay door buuxa uga ciyaaran mujtamaca iyo dhaqaalahaba? Miyaynu awoodnaa inaynu xalino mashaakilkii ku qasbay dadkan inay alshabaab ku biiraan markii hore?
Ciidamada Amisom waad ku mahadsantihiin midnimada, Maahmaahda oranaysa gacmo wadajir bay wax ku gooyaan hadda way dhabowday. Waxaan leeyahay ha la xoojiyo midnimada, yaana la ilaawin in cida guushan keentay uu ilaahay yahay. Xasuusnaada mar walboo uu ilaahay idinla jiro in aad ammaan tihiin.
Kipchumbah, waxaan ku leeyahay faalada aad bixisay waa mid sax ah. Dhalinyaradani in badan ayay bilaa camal ahaayeen. Markaa way u nugul yihiin in ay alshabaab ku biiraann. Xukuumadahana waxaa looga baahanyahay inay abuuraan jawi soo jiidan kara maalgashiga, kaasoo la geeyo meelaha ay dagaaladu aafeeyeen. Waxaan odhan karaa maalgashiga gaarka ah ee abuura shaqooyinku wuxuu kaliya ka jiraa magaalooyinka waawayn, gaar ahaan Nayroobi. Arrinkani wuxuu abuuray horumar dhaqaale oo aan isu dheeli tirnayn, waxaanuu magaaloyinka kaleeto ku abuuray cadho. Haddii horumar dhaqaale oo isu dheeli tiran la geeyo gobolada, waxa dadku si dagan ugu laaban doonaan meelaha tabaalaysan. Imikana mar haddii baatrool la helay, haddii aan lacagta kasoo baxda si cadaalad ah loo wada qaybsan, waxa soo socda waxa hadda dhacaya wax ka daran. Siyaasadina waxba u tarimayso bulsho dhalin yaro u badan oo sii balaadhanaysa.
Maxay faalooyinkani ay dhinac qudha u difaacayaan ee ay ugu muuqaataa in la-qunyar-socodsiiyay!!!
Kuwan soo goostay waa khaa'imiin, waana in la toogtaa!
waa in aynu ogaanaa in maalmahani yihiin kuwii ugu dambeeyay, waana in aynu is diyaarinaa, waayo wixii la sheegay oo dhami way dhaboobeen, markaa waa in aynu feejignaana.
Xukuumaddu waa inay dhalinyaradan isha ku haysaa, waana in la diiwaan galiyaa, waayo waxay soo bandhigi karaan siro badan oo ay alshabaab ka hayaan.
run ahaantii waa wax loo baahnaa oo bulshada u adeega waana muhiim in lasii wado mahadsanidiin taageerayaasha chelsea
Waa ifafaale wanaagsan oo ina tusaya in dadkeenii loo adeegsaday inay dadkooda la dagaalamaan ay go’aansadeen inay dalkooda ku soo laabtaan. Marka aynu soo dhawayno dadkaas, waa inaynu fursadaas ka faa’idaynaa oo aynu baadhnaa sababaha ku kalifay inay alshabaab ku biiraan. Sidoo kale, waa inay xukuumaddu yeelataa qorshe mustaqbalka fog ah, kaasoo ay kaga fikirayso sidii ay sababahaas xalkooda u hali lahayd, si ay dadka Soomaaliyeed amaan u dareemaan, una dareemaan in baahidoodii la daboolay. In dadkaa la magan galiyaa waa arrin wacan oo dhaqan celin ku samayn kara, laakiin waxay u baahan yihiin dhaqan celin habaysan, si ay noloshoodii caadiga ahayd ugu laabtaan una sal dhigaan.
Aniga waxay ila tahay in dadka reer Kenya ay la gudboon tahay inay ka taxadiraan cawaaqibka, waayo cidina ma oga waxa dhici doona
Xukuumadda Kenya si wayn ayay uga walaacsantahay kooxda alshabaab. Markii ay ciidamadu galeen Soomaaliya, af-hayeenka ciidanka oo lagu magacaabo jeneraal chirchir, oo ah nin aan anigu si gaar ah u xiiseeyo, ayaa dhaar ku maray inaysan ciidamada Kenya kasoo laaban doonin halkaas ilaa intay Kenya amaankeeda la sugayo (waxaan rajaynayaa inuu ninkaasi wali shaqeeyo, oo uusan haatan hawl gab noqonin). Alshabaab waxa dhici karta inay dhimasho dheeraad ah gaystaan xilliga doorashooyinka, waayo Kenya bilayskeedu waa mid musuqmaasuq hadheeyay, ciidamada sirdoonkuna maal galin wacan ma helaan, ciidanka milatariguna waa qaar dagaalada ku cusub (waayo baryihii hore waxay ka qayb qaadan jireen hawlaha nabad ilaalinta oo kaliya). Sidoo kale, waxay dalalka reer galbeedku ku fashilmeen inay kooxda alshabaab gacanta ku dhigaan. Markaa waxa inala gudboon inaynu meesha keeno dad shaqadooda garanaya, kuwaasoo si hufan u shaqayn kara, waxaanan door bidi lahaa in Israel meesha la keeno, waayo waa dal aan mudo dheer saaxiib ahayn.
Kooxda Alshabaab arrinkoodu ma sahlana, inkastoo dad badani ay sidaa u maleeyeen inuu yahay. Aniga waxay ila tahay dadka reer Kenya ay ku farxaan horumarka ku yimi wadciga haatan taagan. Sidoo kale, Kenya waa inay ciidamadeeda awoodooda kor u qaadaa, si loo hubiyo in wixii dadaal ah ee la bilaabay uusan gudhin. Anaguna waxaan dhamaantayo rajaynaynaa in dadkan aan caadiga ahayn si adag loola dhaqmi doono. Kenya na mar uun bay nabad heli oo ay qaranimadeeda ku raaxaysan iyadoo ah qaran madaxbanaan. Ilaahay ha barakeeyo Kenya iyo dadkeedaba!
Kooxda alshabaab waxay mandiqadda bariga Afrika u diiday xornimadeedii ay sida adag ku heshay ee ay baahida u qabto. Kooxdan waxay ahayd in goor horeba laga takhaluso, laakiin haatan waxaan ogahay in dadka Soomaaliyeed ay iyagoo faraxsan hurdo ledi karaan, taana fadligeeda ay leeyihiin ciidamada Amisom iyo hawsha ay qabteen! Kenyana waxaan leeyahay mahadsanid.
Waxa ugu wanaagsan ee dadkan alshabaab kasoo goostay laga yeeli karaa waa iyadoo lagu booriyo inay faraha kala baxaan falalka kooxdan arggaggixisada ah, islamarkaana ay si cad ugu dhawaaqaan inaysan ka mid ahayn kooxdan. Sidoo kale, waa inay dawladda u gudbiyaan magacyadooda si loo diiwaan galiyo, isla markaana ay u fududaato daba galista dhaqdhaqaaqyadoodu.
Xukuumaddu waa inay taxadir yeelataa oo ay ku raad joogtaa kuwan, waayo waxaa dhici karta in dadkan lasoo diray oo la yidhi soo indha indheeya xaaladda Kenya ka jirta, kadibna wararka u gudbiya kooxda alshabaab. Waxaa dhici karta in ay weeraro fuliyaan, markaa waa in lasoo dhaweeyaa, laakiin waa in isha lagu hayaa.
Aynu walaaleheen kusoo dhawayno dalkeena, laakiin waa in si wayn loo feejignaadaa, waayo waxa dhici karta inay inagu noqdaan koox xun oo sida kooxda Mungiki ah. Markaa yaan loo ogolaanin inay ku biiraan ciidamadeena hubaysan, oo yaan ciidanka loogu darin si loo dhaqan celiyo oo shaqo loogu helo. Teeda kale, sir doonka Kenya waa in haatan ay gacanta ku hayaan macluumaad ku saabsan kooxaha arggaggixisada ah ee Kenya u dhashay.
Dadka alshabaab ka baxa waa in la caawiyaa, laakiin waa haddii ay ka dhab tahay, laakiin isla markaas waa in dadkaas isha lagu hayaa, waayo waxa dhici karta inay iska dhigaan dad alshabaab kasoo baxay oo intay Kenya soo galaan ayay dhabar jabin inagu samayn karaan.
Dadkan waa in isha lagu hayaa oo lala socdaa dhaqdhaqaaq kasta oo shaki abuura, sababtoo ah way caddahay in dalka uu hub yaalo, hubkaasoo diyaar u ah in la adeegsado, markaa yaynaan ilaawin in aynu bambo ku fadhino, taasoo wakhti kasta inagu qarxi karta.
Waa dhab arrinkaasi, waxaanay ila tahay in ay waajib tahay in dhalin yaradaas la maxkamadeeyo, sababtoo ah cidna lamay tashan markay alshabaab ku biirayeen, imikana waxay iska dhigayaan inay yihiin muwaadiniin wanaaggsan. Laakiin waxaan caddaynayaa in mustaqbalka ay dadka Kenya dagaal kusoo qaadi doonaan, iyagoo kaashanaya dadka ay isku qabiilka yihiin ee Somaaalida ah. Kenya in badan ayay dhibirsanaan muujinaysay, markaa mar haddii haatan ay soomaaliya nabad tahay oo alshabaab dagaalka looga adkaaday, waa in soomaalida dhamaantood ay dalkooda ku laabtaan oo ay noloshooda habeeyaan. Anigu waxaan la yaabanahay in dalkeena ay joogaan Keenyaan Soomaali ah balse aysan joogin Soomaali Keenyaan ah.
Anigu waxaan taageerasanahay inay alshabaab ka baxaan, laakiin waa inay dadka ogaysiiyaan arrintan, si ay dawladu u ogaato oo wax uga qabato. Dhanka kale, cid kastaa way ogtahay inaysan Kenya shaqooyin ka jirin, laakiin waa inaysan cidina arrinkaas cudur daar ka dhigan mustaqbalka.
WAA MAQAAL AAN CAADI AHEYN KUWAN ALLE UMADA DHINAC HA U DHAAFIYO
Xukuumaddu waa inay dadkan lasoo shaqaalaysiiyay ku soo dartaa ciidamada difaaca Kenya, sababtoo ah dadkani waxay leeyihiin khibrad military, arrinkaasoo ah mid faa’ido leh. Sidoo kale, waxay dadkani hayaan macluumaad muhiim ah, oo ku saabsan kooxaha arggaggixisad ah, waxaanay macluumaadkaasi faai’do u yeelan karaan sirdoonka dalka Kenya.
Arrinkani wuxuu ka turjumayaa in hawlgalladii ciidamada difaaca Kenya la dareemay. Laakiin xukuumaddu waa inay hubisaa in dhalin yaradu arrinkan ka qayb qaataan, sababtoo ah wuxuu arrinkani maskaxdooda ka badbaadin karaa shaydaanka, waxaanan hambalyaynayaa walaalahay, kuwaasoo dhulkooda hooyo kusoo laabtay.
Arrinkaasi waa arrin wacan oo kasoo fulay ciidamada difaaca Kenya
Dhalinyaradeena kasoo goostay kooxdan arggaggixisada ah ee dalka hooyo ku laabanayaa waa wax wanaagsan. Laakiin dhalinyaradaasi waxay u baahanyihiin dhaqan celin, iyo inay helaan habab kale oo mustaqbalka dheer ku aadaan, hababkaasoo wax lagaga qabanayo sababaha dhabta ee dahsoon ee dhalinyaradan ku kalifay inay ku biiraan kooxdan arggaggixisada ah, iyadoo ujeedaduna ay tahay in dhalinyarada muruqooda iyo maskaxdooda bilaa xadiga ah laga faa’ideeyo. Waxaa loo baahanyahay waa in dhalinyaradu dalkooda dhisaan oo aysan burburin, xukuumadduna waa inay arrinkan si dhab ah ula tacaashaa.
Kuwii Shabaabka ahaa ee reer koonfureedka ahaa iyagu dharka ayuunbay la bixi oo Xaafadahoodii ayuumbay tegi, ee bal maxay samayn doonaan kuwii u dhashay Gobolada waqooyi ee weliba yar yaraa ee aan dhulka iyo dhaqanka dadka midna aqoonin, waxa la weydiin doonaa raggii carruurtaa diray ee ku nool Gobolada Awdal,Hargeisa iyo Burco- waxaa la garanayaa Magacyadooda oo ay soo sheegayaan carruurtii ay direen ee maanta cid iyo ciirsi la, jooga. waan ka xumahay sida sida carruurtaa loo marin habaabiyey, waxaan xasuustaa markii Maamulka dhexe wadanka ka burburay sida ay dhib noogu noqotay in aan koonfur ka nimaado, wixii dhib na soo maray.
alaylehe nimankii afduubnaa way jabeen, waxaana jabiyey dhaqan xumadooda - shacabka soomaaliyed waa kuwii u hiiliyey xilligii Ethoopiyaanka lala dagaalamaayey -Haddii ay shisheeye Jabiyeenna iyaguba shisheeuya ay wataan oo ay waliba gabdhaha Somaaliyeed u dhisaan-Laakiin Ciidamada Kiinayaatigu waxay yaqaanaan uun sida Gabdha Soomaaliyeed loo xoogo oo loo faro xumeeyo, ama laaluush looga qaato.
Waa in dadkan diirada lagu hayaa, sababtoo ah waxa laga yaabaa inay ujeedo u socdaan. Xukuumaduna waa inaysan ka caga jiidin hawl-gallada soomaaliya ka socda iyo kuwa Kenya dhexdeeda labadaba. Ciidamada difaaca Kenya waxaan leeyahay hambalyo. Jumong
soomaaliyey al shabaab filinkeedi ey baa cunaye lasocda taas soomaaliuna waa israacda cali dheere iyo ragedi daadaka is bir birayn jireyna haa udiyaar garooben in 2jirkay abayaashod bireyen ay biraynayaan 1ogost
Waxa loo baahanyahay inay isa soo dhiibaan dhamaan dadkii la askareeyay, waana inay isu soo dhiibaan xukuumada Kenya, kana gacan gaystaan baabi'inta hadhaaga kale. Sidoo kale, waa in dadkaas isa soo dhiiba dhaqan celin loo sameeyaa, si ay iyagana dan ugu noqoto duniduna uga faa’ido. Qof kasta oo bini’aadam ah noloshiisu waa qaali, waxaana inala gudboon in si daacad ah aynu xaga ilaahay ugu cararno, si uu inoo siiyo hidaayad! Waxaa hadda loo baahanyahay inaan nidhaahno wixii dhacay dhib inoogu filan, ee yaan dhiig dambe la daadinin!
allshabaab marka hore waa mabda diineed taasi oo ah fahan la,aan deeneed dhalin yaradii loo fahan siiyay diintii islaamka si khaldan hadaba taasi waxaa lagago bixi karaa kumadu waay kalo duwan tahay kuwa uu gu dhoow ee diinta islaamka fahmay waxaa weeyann selefiyiinta oo wax ka dhaadhicin kara xaga islaamka selefiyiinta hadiyo jeer ha lala macaamiilo is looga hortegi karo cudurkan ku faafaya da yartii ee allshabaabnimada
asc aniga wax aqaba in dhalinyarada u geso daruuf xaga dhaqalaha haa hadi lagaa cawiyi inaa laa arkeen waxa ku biro al shabab sababto somalia kamaa jirto dowlad dadka kaa cawiso shaqo markaa waxa dhihi lahaye iney xal ug kenana waaye dadka ku birayan al shabab waxa dhihi lahaye risaqadina ilaha qoraaye dhiig biladan ooo dadidan haa uu radininaa quduldaruuruginaa illahey barayaa
Way wacan tahay in aan arrinkan maqalno, laakiin waxaan ka cabsi qabaa in ay qaarkood xeelad wadaan, oo ay yihiin dad u socda inay is qarxiyaan,,, markaa sirdoonka dalka Kenya waa inay ka war hayaan.
been hadaad alifeyso ila tasho anaa been soconeyso kuu alifaayo, ma kenyaatiga aan dagaal iyo jabhadeynta aqoon baad waxaad ka fadhilaeysaa xaga dagaalka iyo ciidanka itoobiya. ma nin la dagaalami karo itoobiyaan baa kenyaati ka baqay? waxa waa la alifaa laakiin wax sidaan u gaabiyo ha alifin
Imika ayuunbaynu (haddaynu nahay dadka reer Kenya iyo Soomaaliya) dareemi karnaa in karkii inaga dhacay, sababtoo ah arrimahani waa ifafaaleyaal ina tusinaya in kooxda alshabaab laga adkaaday, taasoo macneheedu yahay in xukuumad cusubi ay soomaaliya ka dhalan doonto. Waxaan sidoo kale mahad-naq balaadhan usoo jeedinayaa ciidamada difaaca Kenya iyo ciidamada kale ee afrikaanka ah, iyo waliba taageerayaasha shisheeye.
maan sha alla waxay ku talaab satay shar kada somcable.ltd in ay horu mar wayn ay ka samasay jamhuuriyada soomaali land oo dhan waxaanu leenahay soo dhawow waxayna qabanaysaa wax yaalo badan oo xaga tignoolajiyada casriga ah gaar ahaan xaga isgaadhsiinta. thank u very much 30/6/2012
Arrinkaasi waa been abuur wayn, fadlan jooji marin habawga aad dadka ku hayso, cid dhalin yaro ah oo dib u laabatay ma jirto, waayo dhamaantood waxay joogaan furinta dagaalka, markaa jooji faafinta beenta.
Kenya oo caawinaad dibadda ah halaysa waa in ay hubisa in carruurtani ay shaqooyin helaan ama ganacsi abuuraan ama waxbarasho iyo tababar helaan. Sidoo kale, waa inaysan aad isugu kalsoonaanin, waayo inkastoo ay runtahay in kooxda alshabaab si xun loo jabiyay sanadkii ugu dambeeyay, oo aysan haatan haysanin meelo badan oo ay ku gabadaan oo aan yaman ahayn, laakiin taa macneheedu maaha in khatartoodu ay meesha ka baxday. Dhanka kale, hadii aysan xukuumad soomaaliya maamushaa aysan sannadka soo socda dhalanin, kooxda alshabaab dib ayay isu habayn doontaa oo way soo noqon doontaa, ama koox kale ayaa booskooda buuxin doonta.
Kooxda alshabaab runtii waa la jabiyay oo dagaalka waa looga adkaaday, laakiin su’aashu waxa weeyaan, yaa ka adkaaday? Waxaan rumaysannahay in cidda alshabaab la dagaalantay ee jabisay ay yihiin ciidamada ugaandha, kuwa Burundi iyo kuwa itoobiya, laakiin ciidamada difaaca Kenya waxay ku andacoonayaan inay iyagu goobta dagaalka ka dagaalamayaan, laakiin sida ay xaqiiqdu tahay ciidamada difaaca Kenya waxay wali joogaan tuulooyinka xadka ku yaal, waxaanay dadka soomaaliyeed ee tabaalaysan ee kasoo yaacay kooxda alshabaab ay waydiinayaan inay haystaan kaadhka aqoonsiga ee Kenya ee kibaandhaha loo yaqaano iyo inkale. Markaa waxaan leeyahay ninka raga ahi waa ka ogolaada geerida.
In qofku ciidan shisheeye ku biiraa waa dambi, markaa dhalinyaradaas arrinkaas faraha la galay waa in la soo qabqabtaa oo sida dambiilayaasha kale ee khatarta ah loo maxkamadeeyaa.
Ciidamadeena difaacu waa innaysan arrinkan u qaadanin in uu yahay dabin loo dhigayo, laakiin si kasta ha ahaatee, way wacan tahay inaan maqalno in geesiyaasheenii dalka hooyo kusoo laabanayaan, hambalyo ciidamada difaaca Kenya.
waqtigan waa waqti adaag. alle aan uu so labaano insha allah waxan rajaynayna meel kasto muslim ku nool yahay in uu qyr alle ka shaqeyo aniga ahan dhehi maayo hala tagero alshabab balse xaaqa yaan la iloween. wcs ya muslim
Aniga waxay ila tahay waa in xukuumada iyo ururada aan dawliga ahayni ay la yimaadaan hab ay dadka dalka kusoo laabanaya mujtamaca uga mid noqon karaan oo ay nolol cusub u bilaabi karaan.