Maalinta Qaxootiga Adduunka oo ay hareeraysay ammaan-darida ka taagan xerada Dhadhaab

Waxa qoray Bosire Boniface oo Wajeer jooga

Juunyo 22, 2012

  • 2 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Ammaan-darrida ka jirta xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa culays wayn ku haya kuwa loo igmaday in ay ka shaqeeyaan gargaarka qaxootiga, sidaana waxa Sabahi u sheegay saraakiil dawladeed iyo kuwo ka socda hay’adaha gargaarka.

  • Soomaali joogta xerada qaxootiga Dhadhaab ee Waqooyi-bari Kenya oo ka qayb-galaya munaasabad lagu maamuusayay Maalinta Qaxootiga Adduunka 20-kii June. [Abdullahi Mire/AFP]

    Soomaali joogta xerada qaxootiga Dhadhaab ee Waqooyi-bari Kenya oo ka qayb-galaya munaasabad lagu maamuusayay Maalinta Qaxootiga Adduunka 20-kii June. [Abdullahi Mire/AFP]

Afhayeenka Hay’adda Qaramada Midooba ee Qaxootiga (UNHCR) u jooga Kenya Emmanuel Nyabera ayaa sheegay in cabsida dhinaca ammaanka ahi ay si wayn u saameeysay dhinacyada gargaarka daawada iyo cunnada ee loo fidin jiray in ka badan 500,000 oo qaxooti ah oo ku nool xeryaha qaxootiga ee Xagar-dhere, Ifo iyo Ifo labo iyo Dhaxagleey.

“Qof kasta, hadday ahaan lahayd qaxootiga, shaqaalaha gargaarka, ciidamada ammaanka iyo bulshada asal ahaan ka soo jeedda degaanka ayaa waxa saameeyn ku yeeshay falalka dambiilenimo ee ay fuliyaan xag-jiriinta al-Shabaab iyo noocyo-dambiyeedyo kale oo ka dhaca xerada,” ayuu Nyabera u sheegay Sabahi.

Waxa uu sheegay in marka shaqaalaha gargaarku ay soo food-saarto suura-galnimada khatara ah ay ka mid yihiin in la afduubo, miinada dhulka lagu aaso, weerarrada loo adeegsado bam-gacmeedka ee ay fuliso kooxda ku xiran al-Qaacida ee al-Shabaab, markaa arrimahaasi waxa ay saameeynayaan guud ahaan niyadda xerada.

Sannadkii hore, al-Shabaab waxay xeryahaas ka afduubtay saddex shaqaalaha gargaarka ah oo ka tirsanaa hay’adda Dhakhaatiirta aan Xudduudda Lahayn. Arrintaas ayaa timid kadib mawjado isugu jira miino-dhuleed iyo weerarro loo adeegsado bam-gacmeedka kuwaa oo ay ku dhinteen dhowr ka tirsn saraakiisha ammaanka Kenya iyo toogasho arxan darro ah oo lagula kacay qaar ka tirsan hoggaamiyayaasha qaxootiga.

Saddex qof oo ay ku jirto haweenay ka tirsan madaxda xerada qaxootiga, ayaa 15-kii June la dhaawacay kadib markii bam la soo macmalay uu ku qarxay xerada qaxootiga Ifo.

Nyabera waxa uu sheegay in weerarrada aan loo meel-dayin ay xerada cabsi galiyeen oo ay arrimaha gargaarka ku horgooyeen caqabado.

Waxa uu sheegay in Maalinta Qaxootiga Adduunka, oo la xusay Arbacadii (20-kii June) loogu dabaal-dagay dareen huwan “shaki iyo cabsi” ka jiray guud ahaan xeryaha qaxootiga Dhadhaab.

Munaasabadda Maalinta Qaxootiga Adduunka ayaa looga golleeyahay in lagu abuuro wacyi-galin heer caalami ah oo lagu muujinayo dacdarrada ay ku noolyihiin qaxootigu iyo duruufaha ka jira xeryaha. Halku-dhaggii sannadkan oo ahaa “Hal qof oo lagu khasbo in uu qaxo waa wax badan”, ayaa ujeedada laga leeyahay waxay tahay in la muujiyo duruufaha aslakaba abuura qaxootinimada iyo in la dhiiri-galiyo qaababkii looga hortagi lahaa, ayuu yiri.

“Maalintan ayaa lagu maamuusay cayaaro dhaqameed lagu qabtay dhammaan xeryaha, laakiinse khudbadba tii ka dambaysay ayay dadku waxa ay ka citaabeen ammaan-darrida,” ayuu yiri.

Sugidda ammaanka xeryaha

Si kastaba ha ahaatee, Nyabere waxa uu sheegay in UNHCR ay kala shaqaynayso mas’uuliyiinta Kenya sidii ay nolashii caadiga ahayd ugu soo celin lahayd xeryaha. Waxa uu sheegay in UNHCR ay ugu deeqday bilayska Kenya baabuur ay bilaysku ku qabtaan ilaalada oo ay ku qalabaysay agabka isgaarsiinta ee sida deg degga ah looga jawaabi karo arrimaha khuseeya ammaanka.

Mas’uuliyiinta Kenya ayaa Sabahi u sheegay in ay sameeynayaan wax kasta oo suura-gal ah sidii loo hubin lahaa ammaanka qof walba oo xerada ku nool.

Taliyaha Bilayska Dhadhaab George Kingi ayaa sheegay in bishii la soo dhaafay la fashiliyay ugu yaraan 10 isku day weerar ah oo ay qorsheeyeen xubno looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin al-Shabaab. Waxa uu sheegay in saraakiisha bilaysku ay naftooda u hureen sidii xerada loogu soo celin lahaa nidaamkii.

“Waa waajibkeenna in aan sugno sharciga iyo kala-dambaynta bulshada qaxootiguna waxa ay kaalinkooda ka qaateen arrinkaa iyaga oo soo gudbiyay macluumaad aad muhiim u ah, si wax looga qabto dambiyada,” ayuu Kingi ku yiri Sabahi.

Waxa uu sheegay in tirada qaxootiga ku nolo xerada ay nafsad ahaanteedu ka dhigan tahay culays ammaan oo aad u wayn, iyada oo qaar ka mida dadka usoo qasdiyay in ay fuliyaan dambiyo ay iska dhigaan sidii dad qaxooti ah. Kingi waxa uu sheegay in mas’uuliyiintu ay madaxda bulshada qaxootiga ah kala shaqeeynayaan sidii loo soo sooci lahaa kuwa been-abuurka ah.

Waxa uu sheegay in la xoojiyay gaaf-wareegga ammaan ee bilaysku sameeyaan iyo sir-doonka xerada.

Qof qaxooti ah oo la hadashay Sabahi ayaa qirtay dadaalka ay sameeyeen ciidamada ammaanka. Faaduma Xuseen Cali oo 47-jir ah, oo ku nool xerada Ifo, ayaa sheegtay in qoxootigu ay heegan uga jiraan qas-wadayaasha.

“Waxan ku kalsoonahay, in iskaashiga ka dhexeeya qaxootiga iyo saraakiisha ammaanka uu horseedi doono in la jabiyo al-Shabaab,” ayay tiri. “Taasi waxa ay noqon doontaa mid u fiican qaxootiga iyo qof walba oo ku nool Dhadhaab.”

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 7)

Dislike_icon(3)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • Ahmed Kaafi
    June 26, 2012 @ 11:03:38AM

    Qaramada midoobay waxay safka hore kaga jirtay arrimaha soomaaliya, si ay cadaadis u saarto qabaa’ilka kala duwan si ay dhexdooda u gaadhaan heshiis nabadeed, haatana dadaalka ay waday qaramada midoobay wuu midho dhalay. Qaramada midoobay waxay door wayn ka ciyaartay oo ay dalbatay in faragalin milatari lagu sameeyo soomaaliya, si arrinkaasi wax uga taro la dagaalanka kooxda alshabaab. Sidoo kale, qaramada midoobay waxay awood u heshay inay abaabusho oo soo uruuriso ciidamo door ah oo ka kala socda dalal kala duwan oo afrikaan ah, markaa imika wakhti ayuunbaa inaga xiga in kooxda alshabaab dagaalka looga adkaado si kama dambays ah. Qaramada midoobay waxay sidoo kale abaabushay ururada kale ee aan dawliga ahayn, si ay ururadaasi dadka soomaaliyeed ee tabaalaysan ugu caawiyaan cunto iyo daawooyin. Intaa waxa dheer, qaramada midoobay waxay si niyad sami ku dheehantahay ugu dadaashay inay dalka keento maalgashadayaal, si ay dalka u maal gashadaan oo ay dhaqaalaha u wanaajiyaan. Qaramada midoobay waxay kaloo gacan saar la leedahay dawlada federaalka ku meelgaadhka ah, waxaany qaramada midoobay dawlada u fidisaa talobixin iyo wixii kale ee taakulayn ah. Qaramada midoobay waxay soomaaliya ka gaysatay dadaalo la yaab leh, dadka soomaaliyeedna waxa \y ogyihiin in qaramada midoobay ay sabab u tahay horumarka la gaadhay qayb kamida.

  • moses ikere
    June 25, 2012 @ 08:47:34AM

    maxaa socda

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada

Macluumaad