Afgooye oo caadi kusoo noqonaysa kadib sannado ay al-Shabaab xukumayeen

Waxaa qoray Cadnaan Xuseen oo Muqdisho jooga

Juunyo 22, 2012

  • 3 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Dadka daggan Afgooye ayaa mar kale ku raaxaysan kara dagganaashiyaha magaaladooda kadib markii ciidamada Soomaaliya iyo kuwa la jaalka ahi ay al-Shabaab ka saareen magaalada bishii hore.

  • Taliyaha howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya Sareeye Guud Andrew Gutti oo khudbad u jeedinaya askarta, iyagoo ku sugan magaalada Afgooye bilowgii bishan, kadib markii al-Shabaab laaga xoreeyay.  [Stuart Price/AU-UN IST/AFP]

    Taliyaha howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya Sareeye Guud Andrew Gutti oo khudbad u jeedinaya askarta, iyagoo ku sugan magaalada Afgooye bilowgii bishan, kadib markii al-Shabaab laaga xoreeyay. [Stuart Price/AU-UN IST/AFP]

Intii lagu jiray shantii sano ee ay al-Shabaab xukumayeen Afgooye, dadka deegaanka waxa ay la noolaayeen xaalad faqri ah, iyadoo beerralaaydu ay cadaadis aad u xooggan la kulmayeen, waxaana taa markhaati ka ah hoos-u-dhaca ku yimi wax soo saarka beeraha. Beeralayda hadda kadib ma bixin doonaan kala bar waxa ay beerahooda kasoo go’a “Canshuur ahaan.”

“Magaaladeena aad bay u qurux badantahay maadaama aad arki kartid kaydadka biyaha iyo geedaha mooska iyo canbaha oo lagu daray muuqaalka aadka u quruxda badan,” Bakar Omar oo Afgoye daggan ayaa Sabahi u sheegay. “waxaan haysanaa Wabiga Shabelle, biyaha daadsan iyo hawaada nadiifka ah. Meel walba oo aad tagto waxaad helaysaa raaxo iyo dagganaashiyo.”

Afgooye waa magaalo istiraatiiji ah oo ku taala meel 30 kiiloomitir caasimaadda kaga beegan waqooyi-galbeed. Magaalada waxa ay leedahay laba buunddo oo dul mara wabiga Shabeelle oo magaalada bartanka ka mara iyo doomo alwaax ka samaysan oo dadweynaha ka qaada dhinac una gudbiya dhinaca kale ee magaalada. Beeralayda ayaa ku waraabiya dhulka biyaha wabigaa laga soo saaro iyo xilli roobaadka.

Dadka daggan magaalada waxaa lagu qiyaasaa 250,000 oo qof, intooda bandanna waxa ay ka shaqaystaan wax soo saarka. Afgooye waa meel xudun dhexaad u ah ganacsiga, maadaama ay ku taalo meel ay maraan wadooyinka taga Kismaayo, Marko, Baydhaba iyo Muqdisho

Bille Axmed Cabdulaahi, waa ganacsade maxalli ah oo ka shaaqeeya soo saaridda liinta la qalajiyay, waxa uu sheegay in Afgooye ay caan ku tahay soo saaridda dalagyada, sida mooska, canbaha, liinta, liin banbeelmada, iyo qasabka. Magaalada ayaa sidoo kale lagu yaqaanaa sisinta, iyadoo la adeegsanayo matooro soo saara saliid macsarada.

Dadka daggan tuulooyinka ee dhaqda xoolaha nool, sida geella, idaha, lo’da iyo digaagga ayaa dadka martida ah ugu deeqa caano iyo garoor, hab marti-soornimo ah, ayuu yiri.

Dowladda Soomaaliya oo taageero u fidinaysa Afgooye

Si loo kordhiyo wax soo saarka beeraha, dowladda Soomaaliya waxa ay qorshaynaysaa in ay beeralayda ugu deeqdo abuur iyo bacrimiyayaal, ayuu yiri Gaashaanle Sare Cabdulaahi Cabdi Axmed oo ah guddoomiyaha cusub ee degmada Afgooye.

“Waxaannu taageeraynaa ruuxda wada-shaaqeynta ee ka dhex jirta [beeralayda], si markaa ay u helaan dareen bulshadeed maarka ay xusuustaan dhacdooyinka farxadda iyo murugadaba leh iyo ururinta miraha sida gallayda iyo sisinta,” Axmed ayaa u sheegay Sabahi.

Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa todobaadkii hore ku habeeyn dhaxay baar ku taalla Afgooye, halkaa oo uu kula kulmay hoggaamiyayaasha qabaa'ilka degaanka si ay u dhisaam golaha degaanka magaalada. Taasi waxa ay ka dhigaysaa Afgooye magaaladii ugu horeeysay ee ka mida kuwa la xoreeyay oo laga dhiso maamul ay dadku doortaan, sida ay sheegtay Jamiila Xanafi oo ah dhaq-dhaqaaqdo siyaasadeed.

Jamiilla ayaa Sabahi u sheegtay in guddi dhaqaalo uu mas’uul ka noqon doono ururinta canshuuraha magaalada iyo ka shaqaynta dib-u-howl-galinta howlaha bulshada, sida duggsiyada iyo isbitaalada iyo dayac-tiridda waddooyinka muhimka ah ee magaalada.

Maxamed Baraako, oo daggan Afgooye, ayaa Sabahi u sheegay in dadka maxalliga ah ay ka soo jeedaan qowmiyado kala duwan balse ay ku midaysanyihiin himilo sare, sida dhex-deeqsinimo, dhiifoonaan, raxmad, naxariis iyo daacadnimo.

Maqnaashiyaha al-Shabaab waxa ay kusoo celin doontaa nabad jacaylkoodaa, iyo hub qaadasho la’aantooda, ayuu yiri.

“Guud ahaan dadyowga Afgooye waa dad nabadda jecel, noloshoodana waa mid ku suntan sahal iyo saboolnimo, laakiin ma gaajoodaan, maxaa yeelay waxa ay heystaan dhul beerashada ku wanaagsaan oo soo saara gee-miroodyo iyo dalag,” ayuu yiri Bakar.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 48)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • abdi dheere
    June 26, 2012 @ 11:20:56AM

    Kooxda alshabaab waxay in muddo ahba fulinaysay dhagaro dhimasho u gaysta dadka soomaaliyeed, waxaanay sidoo kale burburisay hantidii dadka iyo dalka. Dhagarahaasi way kasii daraan uun markasta, waxaanay bilawgii ka bilaabmeen afduub ay kooxdu u gaysato caruurta, kuwaasoo kadibna ay ciidamo ahaan u tababarto. Arrinkani waa wax ka dhan ah qawaaniinta xuquuqal insaanka, waayo caruurtani waa kuwa la geeyo furimaha dagaalka ee loo adeegsado si ay u fuliyaan qaraxyo is miidaamin ah. Kooxda alshabaab waxay kaloo ka masuul tahay dilka ay u gaysato dadkeeda iyo dadka dalalka jaarka kasoo jeeda ee aan waxba galabsan. Kooxdan argagixisada ahi waxay ka dambaysay burburinta hantida guud, taasoo ka dhalatay qaraxyada ay la beegsato meelaha laga dukaamaysto, hudheelada jiifka, iyo saraha dhaadheer. Arrinkani wuxuu sababay khasaare malaayiin lacaga ah oo hanta luntay ah. Sidoo kale, waxay kooxdu ka masuul tahay falalka budhcad badeeda, halkaasoo ay afduubaan doonyaha xamuulka sida ee isaga goosha badwaynta, kadibna waxay dalbadaan lacago madax furasho ah oo khayaali ah, si ay usii daayaan doonyahaas. Kooxda alshabaab waxay kaloo qoysas badan u gaysatay dhibaato, taasoo ka dhalatay burburka ay kooxdu ku riday qoysaskaas, iyo qaxoontinimada ay gayaysiisay.

  • muse
    June 25, 2012 @ 01:59:15AM

    hadii kooxda alshabaab ay dabar go’i lahayd, soomaaliya waxay helidoontaa nabad, ilaahay ha barakeeyo.

  • abdiqadir
    June 24, 2012 @ 04:47:51AM

    ogaysiis ciday qusayso dan u fahmid cciday qusayso aniga oo ah nin soomaaliyeed oo udhashay waqooyiga soomaalia ee hada is ku magacowday somaliland ayaa hadana waxaan ahay qof siwalba u raadinaya midnimadii ay soomaaliya aylahaan jirtay in kasta oo aytaasi ay hada ay tahay mid adag hadana waxaa lagama maarmaan ah in aynu soocelino cululufka hadhay markaa walaalayaal loo ma baahna in aynu inagu isku maaweelino wax aan ina afacyn laakiinn danbuu reerguuraaye aynu dan guurno ee aynu ka wada fikirno waxa ina horyaala laakiin yaaynaan dib ugu noqon maxay kula tahay waayo maxay kula tahay waxaa istimaala oo kaliya dadka ay wax udhisan yihiin ee doonaya in ay kasii ambaqaadaan laaakiin inaga oo maalinba maalitan kadanbaysay ay caruuro aabohood lidilay hooyo inankeediii wayday inan walaalkeed wayday gabahd ninkeedii wayday inan walaalkii waayay dad iyo ehel xidhiidh iyo tolba beelay miyaynaan kamid ahayn dadka dhaqankoodii iyo dhiigoodiii iyociidoodii ku waayay waar maxaa iskukeen mashquuliyay ee fulaan iyo fulaan inoo kala saaray miyaynaan dad isku mid ah ahyn wixii kale kabaxa midnimo xalkeelagahealayaa sideelagu healayaa baadidoonkii uuuuuuu dhaqaaqay sidaas iyo gaadhi wanaaagsan

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada

Macluumaad