Tanzaaniya oo dib u bilaabaysa barnaamijka Shaqada Qaranka

Waxaa qoray Deodatus Balile oo Dar es Salaam jooga

Juunyo 21, 2012

  • 10 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Tanzaaniya ayaa qorshaysay in ay dib u bilowdo Barnaamijkii Shaqada Qaranka oo la joojiyay ku dhowaad 20 sano kahor, kadib markii lagu baaqay in dib loo bilaabo shaqadaa, si bulshada loo mideeyo.

  • Militariga Tanzaaniya oo u taagan Dabaaldag ka dhacay Dar es salaam. Dowladda ayaa dhaqaale u qorshaysay misaaniyadda soo socota si dib loogu bilaabo barnaamijkii Shaqada Qaranka. [Mwanzo Milinga/AFP]

    Militariga Tanzaaniya oo u taagan Dabaaldag ka dhacay Dar es salaam. Dowladda ayaa dhaqaale u qorshaysay misaaniyadda soo socota si dib loogu bilaabo barnaamijkii Shaqada Qaranka. [Mwanzo Milinga/AFP]

Barnaamijka ayaa ah hal sano oo tababar militari ah oo qof walba oo Tanzaaniyaan ah looga baahanyahay in uu maro kahor inta uusan aadin tacliinta sare.

Barnaamijka Shaqada Qaranka ayaa waxaa sannadkii 1963-dii aas aasay madaxweynihii ugu horeeyay ee Tanzaaniya Mwalimu Julius Nyerere. Waxaa dhaqaalo la’aan aawadeed loo joojiyay sannadkii 1994-tii.

Marka laga soo tago tababarka xagga militariga ah, barnaamijka waxa uu ku deeqayaa tababbar la xiriira, xuquuqda aadanaha, cilmiga bulshada iyo taariikhda midowgi Tanganyika iyo Zanzibar, iyo sidoo kale in ardayda lagu abuuro dareen wadaninimo iyo midnimo.

Wasiirka dhaqaalaha Tanzaaniya William Mgimwa ayaa todobaadkii hore baarlamaanka u sheegay in 7.5 bilyan oo shilin, una dhiganta 4.1 milyan oo doolar ay u qorsheeyeen misaaniyadda soo socota si dib loogu howl-galiyo barnaamijkii Shaqada Qaranka.

Marka ugu horeysa, kaliya 5,000 oo arday dugsiyada sare ka qalin jabisay ah ayaa loo dooran doonaa in ay barnaamijka ka qeyb-galaan.

Golaha baarlamaanka ayaa la qorshaynayaa in ay miisaaniyadda u codeeyaan maalmaha soo socda.

Ra’isalwasaarihii hore ee Tanzaaniya Edward Lowassa ayaa soo dhoweeyay dib u bilaabidda barnaamijika Shaqada Qaranka, isagoo sheegay in barnaamijka uu ardaydadan ka kala yimid meelaha kala duwan uu siin doono fursad ay isugu yimaadaan kahor jaamacadda, ayna bartaan wadaninimada iyo qiyamka dalka Tanzaaniya.

“Waan ku faraxsanahay go’aanka, waxaan u tixgaliyaa barnaamijka Shaqada Qaranka mid ka mid ah tiirarka qaranka,” Lowassa ayaa u sheegay Sabahi. “Waxa ay wax wanaagsan u aheyd midaynta dadka reer Tanzaaniya tan iyo markii barnaamijka la bilaabay 1963-dii.” Lowassa ayaa carrabka ku adkeeyay in muhimadda barnaamijka aan la iska indha tiri karin.

Waxa uu tilmaamay in qaar kamid ah dalalka dariska la ah Tanzaaniya ay awoodi waayeen in ay go'aan miaysan ka qaataan aarrimaha dalalkooda, taasoo qeyb weyn ka qaadatay dagganaan la’aanta ka jirta dalalkaasi. Tanzaaniya waxa ay awood u yeelatay in ay ka soocnaato arintaa, waxaana mahaddaa iska leh barnaamijka Shaqada Qaranka.

“Nabadgalyada aan haysano iyo Shaqada Qaranka waa wax aan lakala sooci Karin.” Lowassa ayaa yiri.

Dhisid isku-kalsoonaan iyo abuurid midnimo

Simon Mokiwa, waa 42 sano jir daggan Dar es Salaam, Shaqada Qarankana kusoo qaatay xerada Bulombola oo ku taala Kigoma sannadkii 1991-dii, waxa uu sheegay in barnaamijka uu ka caawiyay horumarinta ruuxdiisa beratan, islamarkaana uu fursad u siiyay in uu arko kala duwanaanta dadka reer Tansaaniya.

Waxa uu tilmaamay in caqabadihii kahor yimi intii uu barnaamijka ku jiray ay ka caawiyeen in uu koro, si wanaaggsanna ugu diyaar garoobo in uu ku noollaado meel walba oo Tanzaaniya ah. “caqabadihii aan kasoo gudubnay intii aan howsha ku jirnay ayaa ahaa waxa na dhisay.”

Mokiwa ayaa Sabahi u sheegay in Shaqada Qaranka ay dhallinta yar yar ka caawiso in ay isku kalsoonaadaan, islamarkaanna uu ku dhasho dareen midnimo.

“Waxa ay midaynaysaa dadka qowmiyadaha kala duwan kaasoo jeeda ee reer Tanzaaniya,” ayuu yiri. “Hindida, caddaanka, madowga ayaa isugu tagay xerada, tababarna wada qaatay, islamarkaana beeraha wada qoday. Waxaan u malaynayaa waa arrin u wanaagsan dhalinta da' yar ta ah iyo sidoo kale bulshadeena .”

Gaashaaanle sare Hashim Mzava, oo ah sarkaal militari oo howl-gab ah, ayaa Sabahi u sheegay in dib-u-bilaabidda barnaamijka Shaqada Qaranka ay dhallinta yar-yar ka caaawin doonto in ay yeeshaan dabeecad iyo akhlaaqiyaad shaqo wanaag.

”Shaqada Qaranka kaliya ma ahan tababarka muuqda, intaas waa uu ka balaaranyahay. Waxa uu usluub wanaag ku abuuraa dhaallinta,” Mzafa ayaa Sabahi u sheegay. “Waxaa la barayaa wax badan ooTanzaaniya ku saabsan iyo danaha qaranka. Kuwani ma ahan wax lagu baran karo manhajka caadiga ah ee waxbarashada.”

Haddii dowladdu ay dhab ka tahay maal-galinta barnaamijka, waxaa lo baahnaan doonaa lacag aad u badan, ayuu leeyahay dhaqaaleyahan, Honest Ngowi.

Ngowi, oo wax ka dhiga Jaamacadda Mzumbe ayaa sheegay in shanta kun ee arday ee ay dowladdu ku qorshaysay miisaaniyadda, ay yihiin qeyb yar oo kamid ah 700,000 oo arday ee sannad walba ka qalin jabisa dugsiyada sare.

Haddii dhammaan dadka reer Tanzaaaniya looga baahanyahay in ay howsha ka qeyb qaataan kahor inta aysan jaamacadaha aadin, waa in lacag badan loogu talo galaa si loo joogteeyo barnaamijka.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 32)

Dislike_icon(8)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • Baraka nassoro said
    May 9, 2013 @ 10:48:58AM

    Xukuumaddu qorshe wacan ayay haysaa, balse ma laga yaabaa inaad lacag nasiisaan? Sababtoo ah qaar ka mid ah qoysaskayaga ayaa si wayn u sugaya imtixaanka ugu dambeeya ee marxalada sare, si aan uga caawino arrimo yaryar kahor inta aanaan galin jaamacadaha. Waxaan markaa codsanayaa in waxoogaa lacag ah lana siiyo, waayo waxay naga caawin kartaa inaan qoysaskayaga gacan qabano. Waad mahadsantihiin.

  • Seche loulo
    March 26, 2013 @ 05:41:07PM

    Anigu arrinkan kuma arko wax macno ah. Ra’yiga dadwaynuhu wuxuu tilmaamayaa in intii lacagta yar ee aynu hayno arrinkan lagu lumen lahaa, xukuumadu waa inay la timaadaa qorshe balaadhan oo kor loogu qaadayo tayada tacliinta ee dalka Tanzania, waana inay ka shaqaysaa wanaajinta ciidamada difaaca ee qaranka!! Waa inaysan xukuumadu arrinkan ku qasbin bareyaasha wax ka dhiga iskuulada jaamacad ka hor la galo. Si kasta ha ahaatee, aniga iima muuqdo wax farqi ah oo u dhexeeya dadka iyagu fursada u helay inay ku biiraan barnaamijyada khidmada wadanka iyo kuwa aan ku biirin kadib markii la joojiyay barnaamijyadaas sannadkii 1994-kii. Fadlan lacagta si munaasib ah markaa haloo maamulo. Xukuumadu go’aankan si masuuliyad darro ah ayay u qaadatay, waana wax laga xumaado in hogaamiyayaasheenu ay arrinkaas ka fekerayaan isla markaana aysan ka shaqaynin waxyaabaha muhiimka ah, sida buugaagta wax barashada iyo daryeelka buxkaanka iyo dadka saboolka ah iyo dhismaha dalka.

  • Juma Mpangule
    March 16, 2013 @ 04:23:27PM

    Yoolkaasi waa mid fog, mana jirto cid cabanaysa. Su’aashu waxa weeyaan: 1. Dadka iyagu halkaa kasii wadaya, miyay dadka kale ku qasbaan inay ciidamada ku biiraan? 2. Dadka se iyagu ciidanka ku biiray miyay yihiin kuwo u tababaran inay ciidamada ku biiraan? Muxuu yahay farqiga u dhexeeya dadka iyagu ku guulaysta ku biirista ciidanka iyo kuwa aan ku guulaysanin? Waa in aqlabiyada xuquuqdooda la siiyaa. Anigu ma raacsani in dadka lagu khasbo inay ciidanka si tabaruc ah uga shaqeeyaan. Waxaa xukuumada ku waajib ah inay haajiso ciidanka qaranka si ay ugu suurto gasho inay shaqaalaysiiso tiro badan oo dad ah oo ay dadkaasi awood u helaan inay dalkooda wax kusoo biiriyaan. Taa waxaan uga jeedaa waa in dadku ay ikhtiyaar u yeeshaan inay ciidanka ku biiraan iyo inkale. Sidoo kale waa in miisaaniyadaas loo qoondeeyaa soo iibinta cagaf-cagafyo iyo dhulbeereedyo waawayn. Hadii taasi suurtowdo, dhawaan waxaa meesha ka bixi doona adeegsiga ay dadku majarafadaha adeegsadaan si ay wax u beertaan. waxa ay na noqon doontaa taariikh.i

  • JOFREY A.JOHN
    March 1, 2013 @ 01:29:31PM

    Waxaan xukuumada Tanzania ku hambalyaynayaa soo celinta ay soo celisay “barnaamijka adeega wadaniga ah”, aniguna waxaan ka mid ahay dadka barnaamijkaas ka hawl gala, fadhigayguna waa dugsiga sare ee Lindi. Waa anigoo ah Jofrey John

  • oscar stuart
    February 24, 2013 @ 01:59:17AM

    Intii laga doodi lahaa maxay mutacalimiintu dalka u qaban karaan, waxay ka doodayaan maalayacni

  • Rebacca Kurubai
    January 28, 2013 @ 06:07:35AM

    Hadii aanan khibrad kasoo helin shaqadii aan kasoo shaqeeyay ciidamada qaranka, maan ahaadeen qofka aan maanta ahay. Markaa waxaan ku talinayaa in dib loosoo nooleeyo, waayo waxay bulshadeena ka caawin doontaa inay naftooda daafacaan oo ay isku filaansho gaadhaan. Markaa ogaada in ay wali joogaan jiilkii yaraantooda kasoo shaqeeyay ciidamada qaranka.

  • Dr. Emmanuel Kandusi
    January 1, 2013 @ 09:58:40AM

    Fadlan waxaan codsanayaa in la ii sheego habka ay tahay inaan raaco hadii aan rabo in wiilkayga oo dhamaystay Form 6 kuna baasay qaybta 2-aad inuu maro NS-ta intuusan u gudbin tacliinta sare. Dr. Kandusi

  • Isaya Yonamu Ngao
    July 30, 2012 @ 12:51:57AM

    Haa! Waa fikrad wacan, waana arrin xiiso badan in la soo celiyo khidmada waddanka. Qofkii dhaafa JKT gu wuxuu awoodaa inuu meesha uu doono ku noolaado, aniga laftayda waxaa la igeeyay Ruvu badhtamihii sideetameeyadii, kadibna waxaa la igeeyay Buhemba lix bilood ka dib. Wakhtigaas ma aysan jirin waddooyin tareen oo laysku halayn karo oo taga magaalada Kilwa (Lindi), laakiin waxaan ku guulaystay inaan Lindi iyo Kilwa aan sadex maalmood aan tago, si raaxo lehna waan u joogay halkaas. Markaa waxaan hubaa in wixii meeshaas aan kusoo arkay uusan ahayn wax khibrada JKT oo la helo mooyaanee aan laga bixi karin. Markaa waxaan kula dardaarmayaa dhamaan shaqaalaha aan JKT ga qaadanin ilaa 1995 inay isa soo reboodh gareeyaan si ay u helaan tababar. Arrinkan waxaa u sabab ah dadkan intooda badani waa caajis waana dad shaqooyinkooda ka maqnaada. Haa, arrinkasi waa run!

  • Laurenti Masui
    June 24, 2012 @ 02:06:16PM

    Bal eeg, arrinkani waa waxa aadka iigu adkeeyay inaan fahmo sababta aysan dadku u fahansanayn falalka ay ku kacaan. Waa inaynu iswaydiinaa maxay tahay faa’idada uu leeyahay ciidankaasi aanu rabno in la soo celiyo? Waliba taasi waa marka aynu dhan iska dhigno oo aynaan ku xisaabtamin dooda markasta lasoo bandhigo ee ah in faa’idadiisu tahay wadaninimada uu muujiyay? Waxan leeyahay dadka aynu ku canaanano wadaninimo la’aantooda iyaga laftoodu ciidaankaas way kasoo shaqeeyeen. Markaa waxan leeyahay aynu lacagtaas si wacan u isticmaalno, oo aynu u adeegsano sidii aan waxbarasho wacan ugu fidin lahayn ardayda dugsiyada sare, oo aynu tusaale ahaan ardaydaas u samayno hostelo ama hoy ay seexdaan cuntana aynu siino. Marka laga yimaado arrimo kale oo dhawr ah, dadkayaga hore ciidamada uga soo tirsanaa waxaanu ognahay in hawlgalladani ay bilow u yihiin oo lagu rabo in lacag lagu cuno oo lacag lagu lunsado. Markaa aynu maskaxdeena ka shaqaysiino o aynu iska dayno caadifadda!

  • Kazaura Isdori
    June 23, 2012 @ 06:14:33AM

    Barnaamijkani waa mid wacan, soo noqoshadiisana dib u dhaca ayaa ku yimid, wuxuu ahaa mid dalka faa’ido u leh. Barnaamijkan faa’idooyinkiisa waxaa ka mida in dhalin-yarada lagu beeryo wadaninimo, oo meesha laga saara kala qaybsanaanta isir ahaaneed ama diin ahaaneed ama xitaa tu dhaqaale hadday tahayba, sababtoo ah marka meel xero ah lagu wada jiro, dadkoo dhami waa ay siman yihiin. Laakiin arrinka muhiimka ahi wa in xukuumadu ay hubisaa in barnaamijka si wacan loo fuliyo, si loo helo wax midho leh, hadday noqoto xaga arrimaha bulshada ama kuwa siyaasada ama kuwa dhaqaalaha ama kuwa dhaqanka la xidhiidha, waan wax fiican in la helo qaran ay dhalinyaradiisu yihiin kuwo firfircoon oo dhabar adayg leh, oo fiiro dheer, kuwaasoo ay ku dheehantahay wadaninimo kuna faana barwaaqada dalkooda ka jirta. Qofku hadii diyaar garawgiisu wacan yahay, wuxuu diyaar u yahay inuu guulaysto. 34

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada