Juunyo 21, 2012
Shir rasmi ah oo socon doona laba maalmood oo dhex maraya wakillo ka kala socda Dawladda Federaalka Ku-meel-gaarka (DFKMG) ah ee Soomaaliya iyo Somaliland ayaa Arbacadii (20-kii June) ka biloowday London, taasoo biloow u ah wada-xaajood si toos ah u dhex-mara labada dhinac markii ugu horeeysay muddo ka badan 20 sano.
Shirkan aadka loo sugayay ayaa waxa uu ka tarmujayaa mid ka mida qodobadii heshiis ee ay DFKMG iyo Somaliland ku gaareen Shirkii Caalamiga ahaa Arrimaha Soomaaliya ee bishii February, waxana looga gol-leeyahay in lagu bilaabo wadahadal dhex-mara labada dhinac si ay xal ugu helaan qaddiyadaha soo taagnaa muddada dheer, sida midnimada qaranka iyo ammaanka gobolka.
Shirka ayaa waxa uu dhex-maryaa laba guddi oo min shan xubnood ah oo ka kala socda DFKMG iyo Somaliland, kuwaa oo ay magacaabeen Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo.
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Ammaanka Qaranka Cabdisamad Macallin Maxamuud ayaa hoggaaminaya guddiga DFKMG oo sidoo kale ay ku jiraan Wasiirka Waxbarashada Axmed Caydiid Ibraahim, Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Jabuuti Cabdi Xuseen Guulwade iyo xildhibaannada kala ah Xuseen Xasan iyo Maxamed Xasan.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Cabdullaahi Cumar ayaa hoggaaminaya guddigiisa oo ka kooban Afhyeen ku-xigeenka Baashe Maxamed Faarax, Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Maxamuud Axmed Barre.
Shirka waxa sidoo kale ka qayb-galaya marti-sharaf caalami ah, waxaana marti-galiyay dawladda Ingiriiska iyo Midowga Yurub.
Haddii ay ergooyinku ku guulaystaan wajigan hore ee shirka, Axamed iyo Siilaanyo ayaa la filayaa in ay xilli dambe oo bishan ah wareeg labaad oo shirk ah ku yeeshaan Imaaraadka Carbta, sida ay sheegtay BBC-da, laanta afka Soomaaliga.
Marka dhan la iska dhigo ahamiyadda uu shirkan leeyahay, kaasoo isku keenaya labada dhinac tan iyo markii ay Somaliland ka go’aday Soomaaliya 1991-kii, ayay qaar ka mida falanqeeyayaashu waxa ay taxaddar ka muujinayaan waxa ka soo bixi kara.
Nasra Dhuux Macallin oo ah xubin ka tirsan bulshada rayidka ah ee Muqdisho, ayaa leh wada-xaajoodka DFKMG iyo Somaliland waligii wuu iska socon doonaa illaa ay labada dhinac muujiyaan dabacsanaan.
Illaa iyo haatan, Somaliland waxa ay ku sii taagan tahay go’aankeedii rasmiga ahaa ee ay ku doonaysay madax-bannaanida iyo aqoonsiga caalamiga ah. Ka hor intii aan loo ambabixin London, ayuu wasiirka arrimaha dibadda waxa uu war-fidiyeenka u sheegay in ergadiisu u sharxi doonaan dhiggooda DFKMG ah go’aanka ay Somaliland 1991-dii ku gaadhay in ay ka go’day Somaliya.
“Waa in aannu ilaashannaa sharafkeena oo ah in aannu nahay qaran madax-bannaan, oo istaahila aqoonsi caalami ah. Madax-bannaanideenu maaha mid gorgortan gali karta,” ayuu yiri Cumar.
Laakiin Biixi Imaan, oo ah falanqeeye siyaasadeed oo Hargaysa daggan, ayaa sheegay in dadka ku nool Somaliland ayan qaddiyadan ka gaarin heshiis loo dhanyahay.
Inkasta oo ay Somaliland ka dhacday afti sannadkii 2001-dii, taasoo 97% cod-bixiyayaashu ay ku oggolaadeen gooni-isu-taagga, haddana waxa uu sheegay in codkaasi uusan matalin dadweynaha sababtoo ah waxa codeeyay dad ka yar hal milyan oo ka mida 2.5-ka qof ee sharci-ahaanta ka codeeyn karta Somaliland. Intaa waxaa sii dheer, codbxintu waxa kaliya oo ay khaas ku ahayd dadka ku nool Somaliland kaliya iyada oo Soomaalida kale bannaanka laga dhigay hannaanka, ayuu yiri.
Imaan waxa uu sheegay in si loo ogaado waxa ay Soomaalidu rabaan, loo baahan yahay in la qabto afti kali oo tii hore ka mug-wayn dadkuna u dhanyihiin. “Haatan, ma oran karno waannu naqaan rabitaanka dadka … taasi waxaan kaliya oo ogaan karnaa markaan waydiino oo ay codeeyaan,” ayuu yiri.
Waxa uu ku tirtirsiiyay labada dhinacba in inta lagu jiro wada-hadalka, ay ka fogaadaan wadwadidda mawaaqiftoodii hore, waxaana uu sheegay in ay wali jirto fursad ah in wax uun heshiis ah oo lagu gaari karo wareeggan wada-xaajoodka.
“Dadku waxay ka niyad-jabeen xaaladaha sugnaan la’aanta ah ee ay 21 sannadood ku jireen, waxaana loo baahan yahay in isbedel yimaado,” ayuu yiri isaga oo intaa ku daray in kaasi yahay dareen ay qabaan dhammaan Soomaalidu
Maxamed Haaruun Biixi, oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee UCID, ayaa sheegay in wada-hadal lala galo DFKMG ahi uu kor u qaadayo rajada laga qabo in la xalliyo khilaafaadka muddada soo taagnaa.
Biixi waxa uu Sabahi u sheegay in fikirka ah in Somaliland ka go’do Soomaaliya ayan si fudud ku imaan oo markaa dadkiisu ay doonayaan xal siyaasadeed oo caaddaalad ku dhisan, isla markaana la aqbali karo. Waxa uu sheegay in haddii ayan caddaalad u arag soo jeedinta ka iman doonta walaalaha koonfureed in ay qaban doonaan afti ay uga go’aan qaataan mustaqbalkooda.
DFKMG ahi waxa ay si joogto ah ugu ce-lcelisay sida ay si ficil ah ugu doonayso in ay wada-xaajood la gasho Somaliland oo ay ka shaqeeyso midnimada qaranka, iyada oo la xallinayo dhammaan mashaakilaadka taagan.
Isaga oo 11-kii June ka hadlaya Raadiyaha uu dalku leeyahay ee Radio Muqdisho, ayuu Ra’iisul-wasaare Cabdiweli Maxamed Cali waxa uu sheegay in xukuumaddiisu ay si buuxda isugu diyaarisay in ay gasho wada-xaajoodkaa, isla markaana uu rajaynayo in ruuxa waddaniyadeed ee labada dhinac uu gacan ka gaysan doono in la gaaro heshiis loo dhanyahay.
“Dadkayagu si buuxda ayay u taageersan yihiin wada-jirta waana ay u midaysan yihiin cadawgeenna si ay u ilaaliyaan madax-bannaanideena, sharafkeena iyo harraadka aan u qabno nolosha wadata nabadda iyo barwaaqada,” ayuu yiri.
Sidaa si la mida, Madaxwayene Axmed ayaa ugu baaqay hoggaanka qabaa’ilka Soomaaliyeed in ay gacan ka gaystaan sidii loo ilaalin lahaa midnimada iyo xasilloonida dalka iyada oo horay loo sii wadayo in Somaliland lala gaaro heshiis qanciya.
“Waxan idiinku yeerayaa in aad ka qayb-qaadataan wada-hadallada dhex maraya innaga iyo walaaleheen xukuumadda Somaliland si markaa aannu xal uga gaarno dhibaatooyinka … Waxan jeclahay in aad xoogga saartaan dadaalkiina qiimaha badan oo aad ku riixdaan sidii loo gaari lahaa midnimo qaran oo buuxda si aan markaa uga maaganno in uu dalku kala qoqobmo,’ ayuu Axmed u sheegay shirka hogaamiyayaasha qabaa’ilka xilli hore oo bishan ah.
Hogaamiyayaasha qabaa’ilka Soomaaliya ayaa udub-dhexaad ka ahaa hannaanka siyaasadeed ee Soomaaliya ka socda xilligan. Waxa loo xilsaaray in ay soo doortaan Golaha Wakiillada Qaranka ee Soomaaliya, kaasoo lagu meel marin doono dastuurka cusub. Odayaasha ayaa soo magacaabi doona xubnaha barlamaanka oo iyagu dooran dona madaxweynaha soo socda, taasoo si rasmi ah u soo af-jari doonta muddad ku-meel-gaarnimo ee dawladda marka la gaaro 20-ka August.
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray in ka badan 90 qof kadibmaalin muddaaharaad qof ku dhintay uu ka d...
Kenya ayaa ka codsatay Golaha Ammaanka ee QM Khamiistii (23-kii May) in uu joojiyo dacawadda ay w...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay xaflad ka dhacday Muqdisho Khamiis...
Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee waddamada xubnaha ka ah Urur-goboleedka Horumarinta (IGAD) ayaa is...
Hoggaamiye bulsheedka Maxamed Omar Said ayaa Khamiistii (23-kii May) waxa lagu weeraray aashito h...
Maxakamad ku taal Puntland ayaa todoba qof ku xukuntay dil taas oo ay ku mutaysteen dilkii wadaad...
Hay'adda gargaarka caalamiga ah ee Global Partnership for Education (GPE) ayaa ku dhawaaqday deeq...
Hay'adda ilaalinta xuquqda aadanaha ee Amnesty International ayaa ugu yeertay Kenya in ay ixtiraa...
Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya William Ruto ayaa ballan-qaaday in Xeerka cusub ee Duur-joogta lagu ...
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Khamiistii (23-kii Maajo) waxa uu shaaciyay labadii magac ...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo
Faallada akhristaha
Maalaayacni
Aniga ilama aha inay cadaalad tahay in soomaaliland mustaqbalkeeda iyo nabada ay sida adag kusoo heshay iyo waliba xasiloonideeda dimoqraadiyadeed, ilama aha inay xaq tahay in wax laga waydiiyo dadka koonfurta soomaaliya iyo dawladooda, taasoo ay dadka soomaalilaand dagaalo ba’an kula jireen toban sanadood, kahor intii aysan dagaalka ku guulaysan ee uusan midawgii soomaaliyeed meesha ka bixin, kadib marki ay soomaaliya gashay fawdo, taasoo ay ku jirtay labaatankii sano ee u dambeeyay ee ay Somaliland nabada haysatay. Markaa labada dal keebaa u muuqda dal masuula ah. Laakiin su’aashu waxa weeyaan, soomaaliya arrinkaa ma ogolaan doontaa? Jawaabtu waa maya, laakiin waa in arrinka garsoor la horgeeyaa, bulshada caalamkuna waa inay dhexdhexaadisaa kala go’a labada dal ay si nabad ah u kala go’ayaaan.