Barlamaanka Tansaaniya oo ka doodaya miisaaniyadda qaranka

Waxa qoray Deodatus Balile oo Darusalaam jooga

Juunyo 20, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Qaar ka mida sharci-dajiyayaasha Tansaaniya ayaa muujiyay sida ayan ugu qanacsanayn miisaaniyadda qaran ee loo soo gubiyay barlamaanka14-kii June, iyaga oo sheegay in ayan ka muuqan in ay la diriri karto faqriga isla markaana horumarin karto dalka.

  • Haween ku sugan Zanzibar oo sugaya inta hirku hoos uga dagayo si ay u gaaraan caws-badeedka ay beertaan.  Eedaha qaar ayaa leh xukuumadda waxa la gudboon in ay dhaqaale badan galiso beeraha, tacliinta sare iyo horumarinta kaabayaasha. [Marco Longari/AFP]

    Haween ku sugan Zanzibar oo sugaya inta hirku hoos uga dagayo si ay u gaaraan caws-badeedka ay beertaan. Eedaha qaar ayaa leh xukuumadda waxa la gudboon in ay dhaqaale badan galiso beeraha, tacliinta sare iyo horumarinta kaabayaasha. [Marco Longari/AFP]

Wasiirka Maaliyadda Willliam Mgimwa ayaa shaaciyay in xukuumaddu qorshaynayso in ay kharash-garayso 15.1 tiriliyan oo shilin una dhiganta 9.5 bilyan oo doolar sannad-maaliyadeedka soo aaddan, taasoo ka dhigan koror ka badan 12 boqolkiiba kii sannadkii hore. Kharashka joogtada ah ayaa noqon doona 10.6 tiriliyan oo shilin una dhiganta 6.7 bilyan oo doolar, iyada oo 4.5 tiriliyan oo shilin oo u dhiganta 2.8 bilyan oo doolar ay noqon doonto miisaaniyadda loo qoondeeyay horumarinta.

Dadka wax naqdiya ayaa ku doodaya in xukuumadda ay la gudboon tahay in ay wax ka badasho miisaaniyadda sababtoo ah waxa ay kor u qaadaysaa daynta qaranka isla markaana waxa uu wax ka jaray qoondadii aagag muhiim ah oo ay ka mid yihiin barnaamijyada horumarinta, kaabayaasha iyo waxbarashada.

Luhanga Mpina, oo ah xildhibaan ka tirsan xisbiga talada haya ee Chama Cha Mapinduzi (CCM), ayaa sheegay in uu filayay in miisaaniyadda ay lacag dheeraad ah siin doonto beeraha, tacliinta sare iyo horumarinta kaabayaasha sida waddada tareennada, maddaaradda iyo waddooyinka.

“Xukuumadda waxa ka muuqda danayn la’aan ku aaddan qaddiyado aad muhiim u ah. Miisaaniyadda dhan waxa lagu salliday lacagaha lagu qaato siminaarada, safarrada iyo arrimo kale oo aan sidaa u sii buurrayn, laakiin waxba looma qoondeeyn horumarinta. Sidee bay ku keeneen in ay horumarinta u qoondeeyaan kaliya 30 boqolkiiba halka ay 70 boqolkiibana u qoondeeyeen kharashaadka joogtada ah?” ayuu yiri Mpina. Waxa uu Sabahi u sheegay in miisaaniyadda horumanti ay 35 boqolkiiba ka ahaato miisaaniyadda guud. Sannadkii hore wax ay ahayd 37 boqolkiiba.

Sharici-dajiyayaasha ayaa Isniintii (18-kii June) si rasmi ah u bilaabay in ay ka doodaan miisaaniyadda waxana la filayaa in ay u codeeyaan dhamaanka todobaadkan. Haddii soo jeedinta guud ahaanteedba la diido, dastuurku waxa uu qabaa in madaxwaynuhu uu kala diro barlamaanka oo uu markaa iclaamiyo doorasho cusub.

Maal-gashiga mustaqbalka

Alphaxard lugola oo ah xildhibaan ka tirsan xisbiga CCM ayaa sheegay in dalka aan la horumarin karin iyada oo aan la sameeyn maal-gashi macquul ah oo ku aaddan korontada, gaadiidka tareennada, beeraha, biyaha iyo xarumaha caafimaadka.

“Waxannu u baahanahay in aan si dhab ah u maal-galinno waddooyinka tareennada. Meel kasta oo ka mida adduunka – ka soo qaad Yurub, Maraykanka ama Aasiya – bagaashka badeecaddaha waxa lagu gooshiyaa tareennada,” ayuu Lugola ku yiri Sabahi.

Mgimwa waxa uu sheegay in xukuumaddu ayan horumarinta ka hilmaamin miisaaniyadda, balse ay diiradda saartay caqabadaha horyaal dhaqaalaha, sida kobaca dhaqaale, sugnaanta ammaanka cunnada iyo sicir-bararka.

Waxa uu sheegay in xukuumaddu u qoondeysay 192 bilyan shilin oo u dhiganta122 milyan oo doolar barnaamijka Kilimo Kwanza ee lagu casriyeeynayo laguna ganacsi-galinayo beeraha isla markaana kor loogu qaadayo isku-fillaashaha shakhsiga.

Xukuumaddu waxay sidoo kale qorsheeynaysaa in ay horumariso tamarta, dhismaha, macdan qodashada, sancada, iyo waaxda macluumaadka teknoolajiyadda taasoo qayb ka ah dib u soo kabidda dhaqaalaha, ayuu yiri Mgimwa, oo intaa ku daray in ay xukuumaddu qorshaynayso in ay horumariso duruufaha ganacsi si ay u dhiiri-galiso ganacsiga yaryar.

“Tani waxa ay gacan naga siin doontaa in aan abuurno shaqooyin – gaar ahaan dhallinyarada – maal-galinta kaabayaasha tamarta, gaar ahaan dhismaha dhuumaha gaaska ka qaada Mtwara ee geeya Darusalaam, waddooyinka , dekedaha, waddooyinka tareennada si loo yareeyo kharashka ku kaca ganacsiga isla markaana kor loogu qaado wax-soo-saarka, ayuu Mgimwa u sheegay barlamaanka, isaga oo intaa ku daray in kororka wax-soo-saarka uu sidoo kale gacan ka gaysan doono in uu dalka iska bixiyo daymaha lagu leeyahay.

Mgimwa waxa uu sheegay in daynta qaranka ay tahay mid lala tacaali karo iyada oo mashaariicda khuseeya kaabayaasha ay yihiin kuwa ugu badan ee daymaha loo galo.

“Sababtoo ah u heellanaanteeda horumarinta kaabayaal muhiim ah, xukuumaddu waxa ay sii wadday in ay kor u sii qaaddo daymaha ay ka qaaddo gudaha iyo dibadda si ay u maal-galiso mashaariicda horumarinta,” ayuu yiri. “Taasi waxay dhashay in markii la gaaray bishii March 2012-kii […] daymaha gudaha iyo dibadda laga soo qaado ay gaareen 20.3 tiriliyan shilin oo u dhiganta 12.8 bilyan oo doolaar” – taasoo 15 boqolkiiba ka badan tii sannadkii hore, iyada oo isla markaana laba jibaar ku ahayd 11 tiriliyan oo u dhiganta 7 bilyan oo doolar ee ay ahayd sannadkii 2009-kii.

Zitto Kabwe, oo ah xildhibaan ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee CHADEMA, ayaa sheegay in daynta qaranku ay gaartay heer laga argagaxo oo ay markaa waajib tahay in la xakameeyo.

“Maxay ku sameeyeen lacagtii? Yaa oggolaaday in la soo qaado daynta intaa le’eg? Kama soo horjeedo in wax la soo daynsado, laakiin maxay ku sameeyeen lacagtaa oo dhan? Xukuumaddu waa in ay sharaxaad ka bixisaa arrimahaa,” ayuu Kabwe u sheegay Sabahi.

Mgimwa waxa uu sheegay in xukuumaddu ayan u qasdiyin in ay cadaadiso barlamaanka, basle waxa uu xasuusiyay sharci-dajiyayaasha in ay gacanta ku hayaan howl muhiim ah – kaas oo lagu xallin karo wada-shaqayn.

“Dhibaatadeenu waa lacag,” ayuu ku yiri Sabahi. “Inta badan arrimaha ay sheegayaan waxannu u haynaa qorshe, laakiin dhibaatadu waxay ka taagan tahay awoodda aannu u leenahay in aannu ku maal-galino. Waxan ku faraxsanahay in qaar ka mida xildhibaannadu ay soo jeedinayaan in la ballaariyo qaaciddada canshuuraha …Waa in aannu xal raadinaa innaga oo wada jirna, oo aynaan ku kala tagin is eedayn.”

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 4)

Dislike_icon(1)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada