Dagaalyahannada shisheeye ee al-Shabaab oo lagu arkay Shabeellada Hoose

Waxa qoray Cadnaan Xuseen oo Muqdisho jooga

Juunyo 19, 2012

  • 27 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Iyada oo ay ciidamada Soomaaliya iyo kuwa huwantu ay sii wadaan in ay al-Shabaab ka saaraan goobo ay ku xoog-badnaayeen oo ku yaalla koonfurta Soomaaliya, ayay dadka ku nool tuulooyinku wax ay sheegayaan in dagaalyahanno shisheeye oo ka tirsan al-Shabaab lagu arkay gobolka Shabeellada Hoose.

Dagaalyahannada ajaanibta ah ayaa lagu arkay magaalooyinka Baraawe iyo Marka, kuwaa oo wali hoos yimaada gacanta al-Shabaab, sida uu sheegay Caddaawe Mataan oo ah kulluumayste maxalli ah.

Mataan waxa uu Sabahi u sheegay in uu ayaamahan arkayay koox dagaalyahanno ajaanib ah oo imaanaya makhaayad aad loo ilaalinayo. Waxa uu sheegay in ay isticmaalayaan baabuurta loo yaqaan 4WD-da iyaga oo shakhsiyaddooda ku qarinaya waji duubasho iyo xirashada waji-qariyaasha midibka madoow (maasgaro).

Qiyaasuhu waa ay kala duwan yihiin, haseyeeshee ilaha qaar ayaa sheegay in dagaalyahananda shisheeye ee kusugan Soomaaliya ay ugu yaraan gaarayaan 500.

Al-Shabaab oo lagu ugaarsanayo Shabeellada Hoose

Ciidamada Soomaaliya ayaa ballan ku qaaday in ay ugaaran doonaan xubnaha al-Qaacida ee ku sugan Soomaaliya oo ay ka shaqeeyn doonaan sidii ay u baabi’in lahaayeen qorshahooda ay ku doonayan in ay ku carqaladeeyaan ammaanka Soomaaliya iyo waddamada dariska la ah.

Sareeye gaas Cali Caraaye Cosoble, oo ah taliyaha howl-gallada xoogga dalka Soomaaliya, ayaa Sabahi u sheegay in xubnaha al-Qaacida ay meelo ay isku qariyaan ka raadsanayaan kaymahah iyo beeraha Shabeellada Hoose, iyada oo ay ciidamada ammaanka Soomaaliya ay is aan kala joogsi lahayn uga shaqeeynayaan ugaarsigooda iyaga oo taa u isticmaalaya dariiq walba oo suuragal ah.

Waxa uu ugu yeeray dadka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan ciidamada xoogga si ay ugu diidaan al-Qaacida in ay weerarro ku qaaddo hoggaamiyayaasha diinta iyo kuwa qabaa’ilka, ciidamada ammaanka, saraakiisha dawladda iyo dadwaynaha guud.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in maamulkiisu uu si dhow isha ugu hayn doono dhaq-dhaqaaqa dagaalyahaniinta Soomaalida iyo kuwa shisheeyaba si ay u soo qabtaan oo ay maxkamad u soo taagaan.

“Waxaanu si joogto ah u daba-gali doonnaa canaasiirtan khaa’imiinta ah innaga oo ku qaadi doonna duullaanno iyo cag-marin ammaan kadib markaannu la wareegno magaalooyinka iyo tuulooyinka gobolka halkaa oo ay wali fallaagadu si xor ah ugu dhex mushaaxayso, iyaga oo ka faa’idaysanaya goobaha leh xeebaha furan,” ayuu ku yiri Sabahi.

Warar sir-doon ayaa sheegaya in xubno al-Shabaab ka tirsan ay gudbeen tuulada Kuunya-Baroow oo ay halkaa ku sugnaayeen saddex maalmood, ayuu yiri, isaga oo intaa raaciyay in howl-gallada ammaan lagu soo qaban doono ragga ka tirsan qabaa’illada ee looga shakiyo in ay magan iyo hoy u fidiyaan dagaalyahannada.

Dagaalyahaniin u baxsanaya Yemen

Taliye ka tirsan al-Shabaab ayaa xaqiijiyay joogitaanka ay Shabeellada Hoose joogaan shakhsiyaad caan ah oo ajaaninb ah oo ka tirsan al-Qaacida iyo al-Shabaab. Waxa uu sheegay in dagaalyahanno badani ay u baxsanayeen Yemen kadib markii ay ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ay ku soo fideen gobolka.

Taliyaha, oo codsaday in aan magaciisa la sheegin, ayaa Sabahi u sheegay in labadii bilood ee la soo dhaafay qiyaasta 80 dagaalyahan oo isugu jira Carab iyo reer Galbeed ay u baxsadeen Yemen iyaga oo ka tagay Kismaayo iyaga oo isticmaalaya doonyo yaryar oo Yeman lagu sameeyay.

Markii ay gaareen Yemen, dagaalyahannadu waxa ay ku biireen sufuufta Asnsar al-Shariica, oo ah koox xiriir la leh al-Qaacidaddada Jasiiradda Carbeed oo la dagaallanta ciidanka Yemen.

Sarkaalku waxa uu sheegay in dagaalyahannada Soomaalida iyo kuwa ajnabiga ahiba lagu arkay iyago ku nool qaybo ka mida magaalooyinka bari iyo kuwa koonfureed ee Yemen.

Bishii March, Wasaaradda Arrimaha Gudaha Yemen ayaa ku eedeeysay al-Shabaab in ay soo dirtay qiyaastii 300 oo dagaalyahan si ay uga barbar dagaallamaan al-Qaacidada la dagaallamaysa millatariga iyo ciidamada ammaanka Yemen.

Isla bishaa, Wasaaradda Arrimaha Guduhu waxa ay sheegatay in ciidamada ammaanku ay qabteen afar qof oo looga shakiyay in ay ka tirsan yihiin al-Shabaab kuwaa oo lagu qabtay waddada isku xirta gobollada Lahj iyo Abyan.

Wasaaradda Difaaca Yemen ayaa 18-kii June xaqiijisay in qof u dhashay Soomaaliya uu qarxiyay jaakad bambaysan oo uu soo xirtay, isaga oo dilay Sareeye guuto Salem Cali Qoton, oo ahaa taliyihii hoggaaminayay dadaalka ay Yemen ugu jirto jabinta al-Qaacidada ku sugan gobollada koonfureed ee dalka.

Al-Shabaab oo ku jirta ‘xaalad aad u adag’

Fatima Sheekh Cabdiladdiif oo ah 25-jir ayaa sheegtay inay ka soo baxsatay al-Shabaab kadib markii ay ciidamada dawladdu la wareegeen Afgooye bishii hore. Waxa ay sheegtay in ay u shaqeeyn jirtay xarakada, oo ay cunnada u karin jirtay dharkana u dhaqi jirtay.

“Kadib markaan ogaaday in kooxdu ku jirto xalaad adag mustaqbalkeediina uu mugdi ku jro, ayaan go’aansaay in aan ka soo baxsado xeradii Ceelasha Biyaha oo aan u baxsado meel nabad ah,” ayay tiri. “Hadda waxaan xirtaa indha-sahreer si aan u qaraiyo shakhsiyadeeyda.”

Faaduma waxa ay sheegtay in daraasiin ka tirsan dagaalyahannada ay si todobaadle ah ugu imaan jireen si loogu dhaqo dharka isla markaana uga qayb-galaan muxaadarooyin ka socday masaajidka oo lagu qaban jiray goobo ballaaran oo dadka u furan una dhow goobo ay ku jiraan barkacayaal oo ku yaal bannaanka caasimadda. Ciidamada Dawladda Federaalka Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ayaa la wareegay gacan-ku-haynta Muqdisho bishii March.

Faaduma waxa ay sheegtay in dagaalyahaniintu qaar ay guursadeen dumar Soomaali ah oo ay carruur u dhaleen.

Ciidamada Soomaaliya iyo ku Midowga Afrika ayaa Afgooye qabsaday 25-kii may kadib howlgal balaaran oo al-Qaeda iyo taageerayaasheeda Soomaalida ah lagu sifaynayay, al-Qaeda ayaa afar sano xukumaysay Afgoye.

Al-Shabaab waxa lagu khasbay in ay isaga baxdo goobihi ay awoodda ku lahayd ee Afgooye iyo Afmadow kadib markii ay waajahday ciidamada Soomaaliya iyo kuwa nabad-ilaalinta Midowga Afrka oo ku soo ruuqaansanaya.

Inkasta oo al-Shabaab ay wali maamusho goobo badan oo kamida bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya, haddana waxa ay magan u tahay weeraro uga imaanaya dhulka iyo cirka oo ay wadaan Ciidamada Difaaca Kenya, kuwaa oo hadda ka hoos shaqeeya dallada ciidamada AMISOM.

Al-Shabaab waxa ay ku hanjabtay in ay ka aargudan doonto khasaaraha soo gaaray.

Ciidamada Midowga Afrika iyo kuwa Soomaaliya oo horay u socda

Janaraalka ka tirsan AMISOM Ugadi Kiki ayaa sheegay in weerarka soo socda lagu qabsan doono magaalda Balcad.

“Kadib sugidda waddada Afgooye, oo ay ka buuxaan barakacyaal, ayaannu hadda diyaarinaynaa weerar kale oo wayn oo aan ku qaadno malleeyshiyaadka ku sii haray gobolka Shabeellada Hoose,” ayuu yiri Kiki oo 8-dii June shirk jaraa’id qabtay.

“Waxannu qarka u saarannahay in aan weerar kale ku qaadno dagaal-yahaniinta al-Shabaab sababtoo ah qorshahayagu waa in aan taageerno dadaallada lagu xoraynayo aagagga ku teedsan Wagiba Shabeelle,” ayuu yiri.

Sareeye Gaas Cabdullaahi Cali Caanood, taliyaha guutada koowaad ee xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa u sheegay Sabahi in ciidamada oo gacan ka helaya AMISOM, ay isku diyaarinayaan in ay Balcad ka weeraraan laba jiho. Waxa uu sheegay in ciidamada huwanta ahi ay u sii dhawaanayaan magaalada iyaga oo maraya waddada wayn ee ku xirta Muqdisho, iyo sidoo kale waddo kale oo dhex marta beeraha kana timaada Afgooye.

Caanood waxa uu sheegay in ciidamadiisu ay dhawaan xorayn doonaan dhammaan magaalooyinka Shabeellaha Dhexe, sidaasna ay ku soo afjari doonaan awoodda al-Shabaab ee aaggaas, iyo sidoo kale aagagga ka tirsan gobolka Hiiraan.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 94)

Dislike_icon(13)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • Naitwa lugano
    December 18, 2012 @ 11:21:35AM

    Waxaan salaamayaa dhamaan akhristayaasha, al-shabaabna waxaan leeyahay halkaa kasii wada niyada aad haysaan ee aad naftiina huraysaan, gadaalna hasoo jaleecina waayo idinkaa guulaysan doonaa oo soomaaliya hantii doona ilaahayna waa idinla jiraa

  • Bonnie Keago
    September 13, 2012 @ 04:56:11AM

    Waa si wacan, laakiin waa in sidoo kale la helaa hab lagu dajiyo marka laga adkaado kadib, hadii kale mar labaad ayay kacdoon samayn doonaan.

  • daxon omari
    July 26, 2012 @ 04:03:27AM

    Ilaaheebaa mudan in la caabudo oo adoomo loo noqdo, ma ka nabi maxamed, alqaacida iyo alshabaab, mise ka nabi Elijah…

  • wilfas
    July 3, 2012 @ 08:17:00AM

    Anagu waanu ka daalnay kooxda alshabaab iyo kooxaha kaleba. Cidkastoo soomaaliya joogtaa way calool xuntahay, sababtoo ah markuu qofku soo tooso ee uu arko mayd ay alshabaab laysay wuu calool xumaanayaa qofku. Waxaan ka codsanayaa TFG da iyo ciidamada difaaca Kenya in marka uu dagaalkani joogsado ay hubiyaan inaysan dalka ku hadhin cid magaca alshabaab ama alqaacida wadata.

  • cumar
    June 30, 2012 @ 03:12:38PM

    kkkkkk waxaa cajiib ah webkaan dadka iskale oo hadana dhahaya waa web dhax dhaxaad ahkkkkkkk bal aqri waxa ay yihiin oo ay ayaga iska sheegeen:- (Mareegta internetka ee Sabahi waxaa maalgeliya Taliska Afrika ee Maraykanka oo ah taliska ciidanka ee masuulka ka ah taageeridda iyo bari-taaridda dedaallada Maraykanka ee dhiirriggelinta degganaanshaha, wada shaqaynta iyo barwaaqada gobolka.)

  • Muse Wariiri
    June 29, 2012 @ 07:35:20AM

    Runtii , warkaan aad ayuu ii qanciyay , maxaa yeelay , qofna kama qarsoona in kooxda Fashilantay ee Alshabaab ay ku dhuumaaleysanayaan Tuulooyinka iyo degmooyinka Gobolka Shabeelaha Hoose , hayeeshee waqtigii la soo afjari lahaa awoodooda ayaa dhow, Soomaaliyana nabad beey harsan doontaa .

  • Kaamil
    June 26, 2012 @ 01:12:36PM

    Dhalinyarada carabta iyo kuwa muslimiinta maalmahaan adag runtii waxay marayaa duruuf aad u adag oo daran sababtuna waa argagaxisada iyo fikerka ururka Alqaacida oo si lama filaan ah u fidaya iyo danbiyada ay shacabka ka galayaan taasoo ay ku sababayaan nolol adag dhalinyarada, ayna ku cuuryaaminayaa dhaqaalaha waxayna taasi u suurto gelineysaa in ay u shaqeyaan kuna tiirsanaadaan, waxaa laga doonayaa waalidiinta dhalinyarada in ay u soo jeediyaan waano iyo caqli celin gaar ahaan dhalinyarada da’da qaan gaarka ku jira oo runtii si fudud oo deg deg ah fekerkooda loogu bedeli karo in ay argagixisada ka mid noqdaan iyo xag jir nimo iyo mayal adayg iyo in ay si dhab ah u dabaashaan shaqada argagixisada ayagoon u meel dayin oo aan cilmi u yeelan taasina waa tan u keeneysa qoysaska in ay ku waayaan caruurtooda markay u go’aan fekerada nuucaan oo kale ah ee lunsan oo jiran.

  • DEQA ADEN
    June 26, 2012 @ 10:12:54AM

    MA MIISAANNA WARKIINNU, XOGOGAALKIINUNA MEELO BADAN UMA DHUUN-DALOOLO,JANJEEDHIDDIINUNA WAA MID AAD U LIIDATA, INAAD INTAA DHAANTAAN BAAN IDIIN RAJAYNIYAA SI DADKA NOOCYADIISA KALA DUWANI UGU YARAAN AY MEEL DHEXE KA ISTAAGAAN AMA 40% U AKHRISAN KARTO AMA AAD KA IIBIN KARTAAN WAX LA QAADAN KARO.

  • Prof. Geedow
    June 26, 2012 @ 07:13:48AM

    Qoraalkan waa mid lagu soo fara yareystay oo ah taxane la xiriira ka faaleynta isbeddelka cosob ee hadda ka socda Koonfurta Somaliya. Qoraha wuu dadaalay inuu warbixin siiyo bulshada oo dhan. Waa muhiim in dadweynaha la deeqsiiyo waxa runta ah ee socda. Qoraagu waxaa cad inuu dhinac la jiro oo uusan dhexdhexaad aheyn. Waxaan maqli jirey saxaafaddu waa ddhex dhexaad aan dhanna raacsaneyn. Taasi waxaad moodaa in uu qoraagu iska ilaabay. Waxaan qoraagu kula talinayaa inuu waafaqo shuruudaha saxaafadda oo naga dhergiyo war run ah oo caadhifaddu ka maqan tahay.

  • MOSES MURIUKI
    June 23, 2012 @ 05:16:59PM

    Hambalyo ciidamada Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM, dadka reer Kenya waxay rabaan inay arkaan Soomaaliya oo nabad ah oo xukuumad wanaagsani ka dhalatay, dadka Soomaaliyeedna waa walaalahayo, mana jeclin inaanu aragno iyagoo dhibaato ka haysato kooxda alshabaab.

  • mulili
    June 21, 2012 @ 08:34:34AM

    halkaa ka haya

  • martin kim
    June 21, 2012 @ 08:07:28AM

    halkaa ka haya wararka cusub eed soo tabinaysaan.. waxaan rabnaa in kooxda alshabaab la tirtiro oo dadka soomaaliyeed fursad loo siiyo inay xoroobaan oo ay barwaaqoobaan, oo ay horumar si wada jir ah ula gaadhaan walaalohooda kula nool bariga afrika. Walaaleheena soomaaliyeed waxaan leeyahay markastiiba waan idiin ducaynaa. Waa anigoo ah Martin, Nairobi.

  • saleban ali
    June 21, 2012 @ 07:25:23AM

    waan idin salaamayaa dhamaantiin..... of course waan jecelnay inaan aragno alshabaab ooo laga terminae gareeyey dhmaan dhulka somalida iyo duwalada kale laakin waxaa is weydiin leh ma la sii wadji karaa dagaalka lagu jiro nimanka aan la graneyn meel ku sal leeyihiin............... mise waa qadaraas hadba la bilaabayo oo hadana la jooinayo si uu udaba dheeraado qandaraasku sanooyin badan...

  • Eng. Joshua Nyamai
    June 21, 2012 @ 06:32:17AM

    Ilaahay wuu caawin doonaa dadka soomaaliyeed.

  • wanyama evans
    June 21, 2012 @ 05:02:15AM

    Tani waa inaysan noqonin dhamaadka dagaalka kooxahan lagu wado, laakiin waa in xal la helaa si wax looga badalo waxa xun ee ku kalifaya falalkooda.

  • sorhe benson
    June 21, 2012 @ 02:55:15AM

    Waa in xoog lagaga saaraa Soomaalia hadii aysan diyaar u ahayn inay is dhiibaan.

  • cumar samaale geeddi
    June 21, 2012 @ 02:23:40AM

    salaan ka dib al shabaab me jabtey ayaase bedelay

  • chumoanderschumo
    June 20, 2012 @ 03:11:23PM

    Arrinkani wuxuu ku tusinayaa horumarka iyo dariiqa toosan ee loo mari karo nabadaynta ay ciidamada difaaca Kenya nabadaynayaan Soomaaliya iyo xukuumadeeda, waxaa kaloo uu kor u qaadayaa niyadda Ciidamada Difaaca Kenya. Mar kusii gujiya Ciidamada Difaaca Kenyoow.

  • Hazim
    June 20, 2012 @ 02:58:52PM

    Hadii kooxda alshabaab marqudha laga takhaluso, Soomaaliya waxay heli doontaa nabad, dadka Soomaaliyeedna waxay fursad u heli doonaan inay hore usocdaan oo ay dalkooda dib u dhisaan. Sidoo kale, dalalka Bariga Afrika ee kalena waxay heli doonaan nabad, waxaanay ka badbaadi doonaan budhcad badeeda, aduunkana ganacsi ayay la samayn doonaan.

  • hassan fatah
    June 20, 2012 @ 02:00:42PM

    Dawlada Soomaaliyeed waa inay muhiimadda ugu wayn siisaa joojinta falalka argagixisada ah ee ay waddo kooxda alshabaab, si loo badbaadiyo dadka naftooda Soomaaliyana loogu soo celiyo sideedii hore.

  • mimimimim
    June 20, 2012 @ 10:56:48AM

    Ha la laayo dhamaan kooxaha argagixisada ah.

  • justine kimonge
    June 20, 2012 @ 09:22:15AM

    Hadii dawlada yemen aysan dani arrinkan ka hayn, iyagana markoodii ayay noqon doontaa.

  • Alla yaqaan
    June 20, 2012 @ 08:22:41AM

    asc wr wb qoraalku hadii aanu lahayn xeer iyo shuruuc been ayaa u badata, xeerna waxaa ugu horeeya ka Allah. waxaan ka codsan qoraagu inuu runta sheego oo aanu dadka ka gadin been la rinjiyeeyay, waxa aad maanta qorayso maalin kale ayaa lagu horkeeni. Allah ka baq oo qoraalkaada ka fiirso

  • DANIEL
    June 20, 2012 @ 06:20:47AM

    Cafis haloo fidiyo

  • mahamou
    June 20, 2012 @ 03:56:19AM

    aad iyo aad ayaan ula dhacay waanaad mahadsanmmmmmmmmmmmmmmmmmmmmm

  • Kimwole Kiptiness
    June 20, 2012 @ 03:56:13AM

    Waxaan salaamayaa ciidamada gobolka, waxaan ku amaanayaa dadaalkooda geesinimada leh ee ay u ku awood tireen kooxda al-Shabaab. Argagixisada Soomaaliya maalmeheedii way soo koobmeen, wax faa'iido ahna uma hayaan dadka Soomaaliyeed. Waxaanan ugu baaqayaa ciidamada AMISOM iyo ciidanka qaranka Soomaaliyeed inay ka daba tagaan argagixisada joogta magaalooyinka Baraawe iyo Marka ee xeebta ku yaal, waana inay jidgooyaan kuwa firxadka ah, sababtoo ah hadii loo ogolaado inay baxsadaan, mushkiladu way sii jiri doontaa, waanay so noqon doonaan oo waxay bilaabi doonaan dagaal ku dhufoo ka dhaqaaq ah. Dhanka kale, kuwa isku dayaya inay xaga bada ka baxaana waa in ay joojiyaan ciidamada xeebaha ee Midwoga Yurub iyo Kenya, oo ay kaga hortagaan xeebaha Soomaaliya. Halka ka haya AMISOM halkaa ka haya.

  • yaxye
    June 20, 2012 @ 02:58:56AM

    waxaan ka xumahay in dagalada afka ku wadaan hadii aad tihiin sabah online ee ka daaye afka aad ku wadaan wax yaabaha aan loo baahaneyn

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada