Waddo tareen oo cusub oo Nairobi laga furayo bisha dambe

Waxa qoray Sargajan Bin Kadii oo Nairobi jooga

Juunyo 18, 2012

  • 5 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Wejiga koowaad ee mashruuca Waddada Tareenka ee Nairobi ayaa u socda sidii loogu talaggalay, waxaanu bilaabayaa qaadidda rakaabka bisha soo socota.

Mashruuca ayaa loola gol leeyahay in uu yareeyo saxmadda ka jirta magaalo-weynta Nairobi oo uu markaa debciyo galaangalka ay dadka basaska raaca u leeyihiin inta u dhexaysa Degmada Dhexe ee Ganacsiga iyo aafaha sare ee magaalada.

Mashruuca jidka tareenka ee ay ku baxayso 24-ka bilyan oo shilin o u dhiganta 283 milyan oo doolar ayaa waxaa loo kala qaybshay afar weji, oo isku xiraya Degmada Ganacsiga ee Bartamaha ah iyo Syokimau, Ngong, Kiserian Kikuyu iyo madaarka caalamiga ah ee Jomo Kenyatta, sida ay sheegtay Wasaaradda Gaadiidka ee Kenya.

Mashruuca ayaa waxaa ka mid ah dayactiridda waddooyinka tareen ee jira, hagaajinta saldhigyada tareennada, calaamadayn, qalabayno, soo iibin baabuur tareenno cusub, iyo ballaarinta adeegga tareenka lagu gaarsiinayo madaarka.

Wejiga koowaad ee mashruuca -- 2.2 kiiloomitir oo waddo ah, iskuna xiraysa Saldhigga Tareenka ee Syokimau iyo Saldhiggii hore ee Embakasi – ayaa la dhamaystiray May 30-keedii.

Jidka Syokimau- Degmada Dhexe ee Ganacsiga ayaa la rajeynayaa in uu billaabo hawlgallo ganacsi dhamaadka bisha July, waxaana ku kacday 200 oo milyan oo shilin oo u dhiganta 2.4 milyan oo doolar, iyadoo la rajaynayo marka mashruuca la dhameeyo in maalintiiba uu u adeego 10,000 oo rakaab ah.

Wasiirka Gaadiidka Amos Kimunya ayaa sheegay in Saldhigga Jidka Tareenka ee Syokimau uu wax badan ka tari doono in uu saxmadda ka saaro magaalada aanu hagaajin doono waaxda gaadiidka ee magaalada.

"Waxaannu xaqiijin doonnaa in ay jiraan xaddiga ugu badan ee tareenno ah ee si maalinle ah ugu hawlgalaya si ay u daboolaan dalabaadka dadweynaha,” ayuu yiri ka dib markii uu indha-indheeyey saldhigga bishii May, sida ay sheegtay The Star-ta Kenya ka soo baxda.

"Ma dhici doonto in aad saacado dhawr ah saxmad la nuuxsan weydo,” ayuu yiri.

Jidka Syokimau- Degmada Dhexe ee Ganacsiga ayaa ah jid-tareemeedkii ugu horreeyey ee Kenya laga dhiso ilaa iyo Dagaalkii Adduunka ee 2aad. Jid-tareemeedkii hore oo ay Ingiriisku dhiseen intii u dhexaysay 1896 iyo 1901 ayaa ka dhaqaaqa magaalada dekedda ah ee Mombaasa oo mara Kisumu oo ku taal hiriqa Victoria. Kordhintan cusubi waxay jidkii hore ku soo xiraysaa Saldhigga Tareenka ee Nairobi oo ku yaalla Degmada Dhexe ee Ganacsiga.

Dhismaha saddexda weji ee ka hartay jidka tareenka ayaa billaaban doona sanadka soo socda, agaasimaha maaraynta ee Shirkadda Jid-tareennada Kenya Nduva Muli ayaa warfidiyeenka u sheegay bishii hore, iyadoo uu markaa ku jiray safarkii xarig-jarka ee uu uga soo kicitimay Syokimau oo uu ugu socday caasimadda.

Dawladda ayaa ka fikiraysa in ay raadiso maal-gelin caalami ah si ay lacago ugu hesho inta ka hartay mashruuca jidka tareenka, ka dib markii lacag la qorsheeyey oo boon ahayd oo 17 bilyan oo shilin una dhiganta 200 milyan oo doolar ay shaqayn weydey.

Marka ugu horreeysa ee la dhmaystiro, ayaa dayactirka oo dhan wuxuu yeelan doonaa awood horu-dhac ah oo uu ku daabbulo 170,000 oo rakaab ah, sida ay qabto InfraCo Afrika, oo la shaqaynaysay Jid-tareennada Kenya ilaa iyo 2009-kii.

InfraCo ayaa sheegtay in mashruuca oo furi doono fursado cusub oo dhinaca shaqaynta iyo guryaynta ah, aanu isla markaa keeni doono daabbulid la isku hallayn karo oo loo sameeyo dadka magaalada deggan iyo kuwa soo booqanaya. Dadka meheradaha u safra ayaa si gaar ah uga faa’iidi doona adeegga degdegga ah ee aan istaagayn oo u dhexeeya gegida diyaaradaha iyo bartamaha magaalada.

Jidka tareen ee la dayac-tiray waa qayb ka mid ah qorshaha horumarinta ee Himilada Kenya ee 2030-ka, waxaa kale oo ay tahay qayb ka mid ah dedaallada joogtada ah ee ay dawladdu ku doonayso in ay hagaajiso gaadiidka dalka. Mashaariicda waaweyn ee cusub oo kaabayaasha ah waxaa ka mid ah jidka weyn ee casriga ah eeThika, jidka weyn ee Nairobi-Mombasa iyo ballaarinta madaarka caalamiga ah ee Jomo Kenyatta.

Casriyaynta caasimadda

Martin Gateri, oo ah injineer rayid ah, la-taliyena uga ah dhinaca mashaariicda kaabeyaasha shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo dawladda ayaa sheegaya in mashaariicda jid-tareennadu ay casriyayn doonaan Nairobi, aanay u ekaysiin doonaan caasimadaha kale ee caalamiga ah oo ay gaadiidka xoojiyaan tareenno uu xawligoodu sarreeyo.

"Tani waa arrin aad u xasaasi ah, mar haddii ay ku micnoobayso in la debciyo saxmadda jidadka oo isla markaana loo hagaajiyo wacyiga guud ee kaabayaasha magaalada, iyadoo taa loo marayo soo kordhinta hab qiime jaban oo gaadiidka raaciddiisa ah oo la siiyo dadka dhaqsada u soo kordhaya ee magaalada,” ayuu Gateri ku yiri Sabahi.

In kastoo ay jireen walaacyo ku saabsan dadka laga eryey meelihii ay ku noolaayeen si looga dhiso jidad tareen oo cusub, haddana Gateri wuxuu sheegay in ay lagama maarmaan tahay in wax uu loo huro horumarrada.

"Dhismahii lagu sameeyey jid-treennada London 1880naadkii ayaa dalka furfuray salkana u dhigay casriyayntii bulshadaa,” ayuu yiri. Samaynta jid-tareen cusub oo dalka oo dhan mara ayaa ah mid ka mid ah tallaabooyinka Kenya looga dhigayo dal uu dakhligiisu dhexdhexaad yahay."

Dhaqaaleyahanka Tiberius Barasa ayaa sheegay in tareennada cusubi ay wax ka geysan doonaan sahlidda saxmadda magaalada, laakiin faa’iidooyinka dhaqaale aanay ahayn kuwo la hubo.

"Faa’iidada jidkani waa inuu sahli doono saxmadda jidadka waweyn ee magaalada soo galaa-baxa, iyo weliba yaraynta waqtiga ay dadku dhex fadhiyaan gaadiidkooda ay saxmaduhu xannibeen, ayuu yiri. “Ha yeeshee, dhaqaale ahaan, faa’iidadu waxay noqon doontaa mid aan sidaa u buurrayn, maadaama ay jidadku yihiin kuwo aad u gaaggaaban oo ka yar 30 kiiloomitir.”

Sida ay sheegayso Wasaaradda Gaadiidku, Saldhigga Jid-Tareenka ee Syokimau ee Nairobi wuxuu ahaan doonaa kan ugu dheer oo ah 20 kiiloomitir.

Si loo soo saaro arrin faa’iido dhaqaale oo la taaban karo, ayuu yiri Barasa, hababka jid-tareennada ayay tahay in ay gaaraan xaruumaha magaalooyinka aadka uga fog-fog caasimadda sida Eldoret, Nakuru iyo Machakos, si markaa loo sahlo daad-guraynta badeecooyinka loona kordhiyo ganacsiga.

Francis Gichuki, oo ah injiyeer dhinaca cilmiga deegaankaa ah, kana shaqeeya Jaamacadda Nairobi ayaa sheegay in jidadka cusubi ay keeni doonaan faa’iido yar oo dhinaca deegaanka ah.

Gichuki ayaa Sabahi u sheegay in tareennada ay Jid-tareennada Kenya isticmaali doonaan ay yihiin kuwo duqoobay oo deegaanka ugu fiicnayn sida tareennada cusub ee haatan suuqa yaalla. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu yiri saamaynta uu tareen duq ahi deegaanka ku yeesho ayaa weli ka yar tan ay baabuurtu ku yeeshaan.

Mashruucu wuxuu aad u sii guulaysan karaa haddii ay dalka u suuroggasho in uu tareennada ku xiro matoorro cusub oo uu qaacoodu yar yahay. Wuxuu sheegay in ay taasi Kenya ka caawin doonto in ay deegaan ahaan horumarto, maadaama hab tareeneed nadiif ah oo wacan uu lagama maarmaan u yahay yaraynta gaaska iyo shidaalka la isticmaalo.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 14)

Dislike_icon(2)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • Patrick
    September 25, 2012 @ 01:56:12AM

    Waxaan leeyahay aan sugno, waayo waxaa laga yaabaa in arrinkani uu yahay dacaayad ee uusan ahayn wax waaqici ah. waxaa sidoo kale suuragal ah in ay lacagi jirto, oo lacagtaas la lunsaday, markaa isha halagu hayo meeshaas.

  • sheikh abdi
    June 26, 2012 @ 01:21:05PM

    Kenya waa dawlad awoodo badan oo dihin leh, mustaqbalkeeduna waa mid aad u wacan sababaha soo socda awgood. Waa ta horee dastuurka dalku wuxuu qeexay oo uu kala qaybiyay awoodaha xukunka ee dalka, waxaanu dadka awood u siiyay inay ikhtiyaarkooda meel mariyaan oo ay doortaan habka dalkooda loo xukumi doono. Arrinkani wuxuu wax ka tari karaa in shacabka dadka metelaa ay si hufan dadka ugu fidiyaan adeegyo tayo sare leh. Sidoo kale, waxay dhawaan Kenya baatrool ka heshay qaybaha waqooyi ee dalka, markaa hadii la bilaabo sifaynta baatroolkan, waxay Kenya noqon doontaa dalalka baatroolka dhoofiya kuwa ugu waawayn ee mandaqadda, waxaanay u iib gayn doontaa dalalka jaarka ah, waxaanu arrinkaasi laban laabi doonaa dhaqaalaha toban jeer. Dhanka kale, waxaa wakhtigan xaadirka ah jiro maalgashadayaal marba marka ka dambaysa sii kordhaya, kuwaaso haatan dalka kusoo qulqulaya oo ka qayb qaadanaya mashaariicda dhaqaale ee waawayn, sida dhismaha magaalooyinka Konza iyo Tatu. Intaa waxaa dheer, waxaa horumar balaadhan lagu sameeyay madaarada, buunddooyinka, wadooyinka iyo tareenada. Kenya waxay kaloo maalgashi ku samaysay horumarinta wax soorkeeda beeraha, waxaanay maalgalisay barnaamij tacliin bilaash ah dadkoo dhan loogu fidinayo. Sidoo kale, waxay xukuumadda Kenya si xamaasadi ku dheehantahay u bilawday mashaariic dhaqaale oo hor leh, waxaanay casuumado u fidisay maal-gashadayaasha caalamka si ay u maalgaliyaan mashaariic kala duwan oo faai’ado laga sugayo, kuwaasoo sidoo kale kor u qaadi doona fursadaha shaqo ee dalka ka jira iyo dhaqaalahaba.

  • Nour
    June 26, 2012 @ 11:27:27AM

    Waxaa imika hawshiisa lagu jiraa tareen rakaabka ah oo lagu talo jiro inuu dhawr magaalo ku xidho caasimada, waxaanuu arrinkaasi si toos ah u saamayn doonaa dhaqaalaha Kenya, oo wuxuu wanaajin doona habka ay dadku u nool yihiin. tareenkan rakaabka ahi wuxuu qiima ahaan ka jaban yahay dhamaan noocyada kale ee gaadiidka ah, taasoo macneheedu yahay in dadku ay awoodaan hadda in kharash yari ka baxo marka ay shaqooyinkooda u jarmaadayaan. Dhanka kale, tareenadu saxmad ma yeeshaan, markaa waxaa dadka u suurtoobi doonta inaysan shaqooyinkooda ka habsaamin, oo ay wakhtigooda si wacan uga faa’idaystaan. Tareenkan rakaabka ahi wuxuu sidoo kale dadka ganacsatada ah iyo baayacmushtarka u saamixi doonaa inay u safraan magaalooyin kala duwan oo ay soo dhamaystaan hawlohooda, taasoo faa’ido u yeelan doonta dhaqaalaha dalka Kenya. Tareenkan rakaabka ahi wuxuu fursado shaqo ah u abuuri doonaa boqolaal qof oo bilaa shaqo ah oo dalka ku nool, waxaana taasi ka dhalan doonta inuu dhaqaalaha dalku kobco oo dardar cusub uu galo. Waxaa kaloo la hirgalin doonaa deegaano ku dherersan dhabada tareenka, fursado ganacsi oo badanina way soo bixi doonaan.

  • Wilson
    June 20, 2012 @ 08:24:16AM

    Waa maqaal wacan, mana jiro wax ka wacan faa’idada uu leeyahay in shabakad tareeno ah oo dhamaystiran la hirgaliyo. Meelaha baadiyaha ah intooda badani dib u dhac ayay ku jiraan, sababtoo ah sancadaha dadka qiimaha u lihi ma awoodaan inay kasoo guuraan suuqyada waawayn ee macmiishoodu ku suganyihiin, kuwaasoo kala ah Nayroobi iyo Mombaasa. Sidaa awgeed, shabakada tareenku arrinkaa xal ayay u noqon kartaa, waxaanay tareemada oo la dardar-galiyaayi xitaa faa’ido badan u yeelan karaan sancada qodista macdanta iyo sancadaha kaleeto ee raasamaalkoodu buuranyahay, taasoo yaran karta kharashka wax soo saarkooda. Faa’ido kale oo tareemadu leeyihiin ayaa ah inay suurto gal noqoto in la helo tareemo xawaare aad u sareeya ku socda, xawaarahaasoo gaadhi kara 120 kiiloomitir saacadii, taasoo faa’ido badan yeelan karta. Sidaa awgeed, arrinkaasi wuxuu furfuri doonaa isaga gooshida dalka gudihiisa, waxaanuu sahli doonaa inay shaqaaluhu si degdeg ah oo hufan u tagaan meeshii looga baahdo. Markaa qofka ku nool magaalooyinka Nakuru ama Eldoret waxa u suurtoobi doonta inuu u jarmaado magaalooyinka Nayroobi ama Nyere ama Namanga, oo uu kadibna ganacsigiisa soo dhamaysto isla maalintaas. Wakhti dhawna cid waliba wax way faa’ido, inkastoo laga yaabo in faa’idadaasi ay bilawga aysan buurnayn, laakiin faa’idada joogtada ahi haba yaraatee waxay dhali kartaa macaash balaadhan.

  • DENNIS
    June 20, 2012 @ 07:22:40AM

    Kimunya waa inuu bartaa inuu si hufan uga shaqeeyo wasaaradiisa oo uu wax qabtaa, waana inuu joojiyaa lacagta uu shaqa la’aanta ku qaadanaayo, miyuusan yarayn karayn tirada shilalka?

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada

Macluumaad