Red_arrow

Ma jeclaan lahayd in Soomaali aad ka dhigato luuqaddaada asaasiga ah, ee mareegtan? |

Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya waa amaan, macalimiintana way kusoo laaban karaan, saraakiisha ayaa leh

Waxa qoray Bosire Boniface oo Wajeer jooga

Juunyo 15, 2012

  • 3 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Bishii January 2011-kii, Julius Gitonga waxa uu shaqo macallinimo ka helay dugsiga Hoose ee Gerille ee ku yaal Degmada Wajeer ee Kenya, isaga oo rajaynayay in uu gacan ka gaysto horumarinta tayada waxbarashada aagga.

  • Ciyaal yaryar oo jooga dugsigooda waqooyiga Kenya.  Dugsiyo badan oo ku yaal Gobolka Waqooyi Bari ayaa sannadkii hore la xiray sababtoo ah weerarrada al-Shabaab, laakiin saraakiisha ammaanku waxa ay leeyihiin xaaladdu waa ay ka soo raysay. [Carl de Souza/AFP]

    Ciyaal yaryar oo jooga dugsigooda waqooyiga Kenya. Dugsiyo badan oo ku yaal Gobolka Waqooyi Bari ayaa sannadkii hore la xiray sababtoo ah weerarrada al-Shabaab, laakiin saraakiisha ammaanku waxa ay leeyihiin xaaladdu waa ay ka soo raysay. [Carl de Souza/AFP]

Qiyaastii todobaad ayuu shaqeeynaayay markii ay al-Shabaab soo weerartay magaalada ku taal xudduuda, halkaa oo ay ku dishay lix qof isla markaana ku qafaalatay saddex qof oo ka mida shaqaalaha dowladda. Gotonga, afar sarkaal oo bilays ah iyo hooyo uur leh ayaa ku dhintay weerarkaa, sida uu sheegay Taliyaha Bilayska Gobolka Waqooyi Bari Leo Nyongesa.

Dhimashada, weerarrada bambaanooyin-gacmeedka iyo miinada dhulka lagu aaso ee ay qaadayso kooxda al-Shabaab ee xiriirka la leh al-Qaacida ayaa cabsi ku abuuray macallimiintii, iyada oo ay qaar ka carareen dugsiyada ku yaalla magaalooyinka xudduudda.

Mahad Dhore Axmed, oo ah Xogahayaha Guud ee Ururka Midowga Macallimiinta Kenya, Laanta Wajeer, ayaa sheegay in uu dareemo khasaare mar walba oo uu soo xasuusto wixii ku dhacay Gitonga.

“Anagoo ah wakiil urur u taagan danaha iyo bad-qabka macallimiinta, ayaannu waydiisanay macallimiinta in ay ka fogaadaan dugsiyada ku yaalla xuduudaha ka taxaddar ahaan, illaa iyo inta loo damaanad-qaadayo ammaankooda,” ayuu Axmed u sheegay Sabahi.

Sarkaalka ugu sareya Wasaaradda Waxbarashada Dagmada Wajeer Kenneth Makokha ayaa Sabahi u sheegay in laba bilood la xiray Dugsiga Hoose ee Girille kadib dhimashadii Gitonga.

“Ugu yaraan 10 macallin oo ka howl-gali jiray dugisada hoose ee Diif, Dadajabula, Burder iyo Girille oo ku yaal Degmada Wajeer ayaan wali dib u soo xaadirin, sababo la xiriiri ammaanka. Taasi waxa ay saamaysay araday wadartoodu gaarayso 4,000,” ayuu yiri.

Makokha waxa uu sheegay in maamulku ay kordhiyeen ciidamadii bilayska ee aagga joogay si ay u sugaan ammaanka macallimiinta ee ku sugan gudaha iyo dibadda dugsiyada.

Sida uu qabo Aadan Sheekh Cabdullaahi oo ah Agaasimaha Waxbarashada Gobolka Waqooyi Bari, degmooyinka Gaarisa, Mandheera iyo Ijara ayay dhammaantood iskusi u saamaysay dhibaatada macallimiinta ka tagay dugsiyada.

Waxa uu sheegay in qaar ka tirsan macallimiinta ay codsadeen baddal, iyaga oo taa ku sababeeyay arrimo ammaan. Gobolka ayaa mar horeba waxa ay dhibaato ka haysatay macallimiin yaraan, markaana baddal walba oo looga tago gobolka waxa uu saamayn xun ku yeelan doonaa heerka waxbarashada maxalliga ah, ayuu yiri.

Amniga magaalooyinka xudduudda oo la adkeeyay

Dawladda Kenya ayaa sheegtay in ay kor u qaadday ammaanka magaalooyinka xuduudda tan iyo bishii March isla markaana ay isku dayayso in ay dib u soo celiso macallimiintii cararay.

Guddoomiyaha Degmada Koonfurta Wajeer George Otieno ayaa sheegay in ammaankii la wanaajiyay, sida xoojinta amaanka shaqaalaha, gaafwareegga ammaan ee xudduuda oo la kordhiyay iyo ilihii ururinta xogta oo la xoojiyay si looga hortago khataraha imaan kara.

“Sannadkii hore iyo biloowgii sannadkanba waxa jiray dareen ammaan oo sax ah oo ay qabeen macallimiinta, laakiin arrinkaa waxbaannu ka qabanay haatanna macallimiintu waa in ay dib u bilaabaan shaqadoodii,” ayuu yiri.

“Waxannu la shaqaynaynaa dhammaan dhinacyada ku shaqada leh waxbarashada iyo bulshada guud ee dhammaan magaalooyinka xudduudaha si aynu u sugno ammaanka dhammaan dadka,” ayuu yiri.

Atieono waxa uu Sabahi u sheegay in qaar ka mida macallimiintii ay soo noqdeen wixii laga soo bilaabo bishii hore.

Waxa uu bulshadu ku ammaanay sida ay meel uga soo wada-jeesteen iyo sida ay u garoowsadeen in ammaanka guud uu yahay mas’uuliyadda qof walba. Bulshadu waxa ay iska fogeeyeen argagixisadii iyaga oo ma’suuliyiinta siiyay xog aad u muhiim u ah, ayuu yiri.

Nyongesa, Taliyaha Bilasku, waxa uu Sabahi u sheegay in bilaysku ay ilaalo ka hayeen dhismayaasha dawladda si ay uga hogtagaan weerarro ay al-Shabaab soo qaadi karto mustaqbalka, oo iyadu ku hanjabtay in ay weerari doonto dhismayaasha dawladda, xittaa dugsiyada iyo isbitaallada.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 6)

Dislike_icon(4)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • hassan Fanah
    June 26, 2012 @ 01:07:18PM

    Xaalada ammaan ee gobolka waqooyigu waa daciif, xukuumadda kenyana waa inay ahmiyad siisaa nabadaynta gobolka. Manddaqaddaas waxay in muddo ahba ahayd wado halaq mareen, waxaana kasoo gala kooxaha argagixisada ah iyo dadka xada xoolaha nool, kuwaasoo kasoo kicitama dalalka jaarka ah. Sababta ay tahay in amaanka gobolka loo adkeeyaa waxa weeyaan in la yareeyo dhimashada ka dhalata weerarada isdaba jooga ah ee ay kooxaha hubaysan iyo cadawga kaleba ay soo qaadaan. Gobolada waqooyi ee Kenya waxaa dhawaan laga helay saliida baatroolka, waxaana goboladaasi soo beegsan kara argagixisada, oo waxay noqon karaan goboladaasi sida dalalka bariga dhexe. Gobolada waqooyi ee Kenya waxay haatan noqdeen gobolada Kenya kuwa ugu muhiimsan, sidaa awgeedna, waxaa kordhay khataraha amaanka ku saabsan. Dawlada Kenya waxaa ku waajib ah inay goboladaas ka hirgaliso xero booliis oo ay si joogto ahna u ilaaliso oo u kormeerto meelahaas, si loo hubiyo loona sugo amaanka mindaqada.

  • TAMIRA
    June 18, 2012 @ 09:03:44AM

    Arrinkaasi waa arrin aad iila wacan, sababtoo ah iskuulo badan ayaa bilaa macalimiin ah, markaa dad badan oo waxbartay ayaa baadigoob ugu jira inay helaan fursadahan oo kale, si ay dadka kale u caawiyaan, markaa arrinkaasi waa mid aan ku talinayo inuu hirgalo.

  • leonard g; maina
    June 16, 2012 @ 04:20:23AM

    Cidday doonto ha ahaato cidii go’aansatay inay qaar ka mid ah macalimiinta ka shaqeeya gobolka Laikipia u qoondayso gunno dheeraad ah oo ah gunnada la siiyo dadka meelaha nolosha adag la siiyo, ciddaasi waa cid maskaxda wax ka si yihiin. Arrinkaasi waa arrin aflagaado iyo meel-kadhac ku ah dadka u dhashay gobolk Waqooyi-Bari. Aniga i waydii sababta aan saa u iri, anaana kuu sheegi doona sababta anigoon ka laba-labeeyn.

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada

Macluumaad