Juunyo 14, 2012
Kadib labaatan sano oo ka soo wareegtay markii la asaasay, ayay al-Qaacida waxa ay gaartay “da’dii gaboowga” iyada oo jiilkeeda afaraad ee soo socda uu noqon doono mid “kala daadsan, kala go’an oo misana tabar daran”, sida ay qabaan cilmi-baarayaasha ku takhasusay culuumta kooxda.
Hoos-u-dhaca ku yimid wax-tarnimadii kooxda ayaa waxaa sabab u ah dhowr sababood, oo ay ku jirto Kacdoonkii Carbeed, iyo dhiig-baxa ku socda hoggaanka sare ee al-Qaacida, ayay leeyihiin.
“Qaab-dhismeedkii al-Qaacida waxa uu ku jiraa xaalad hoobad ah, sababtuna waxay tahay jiilka xilligan hoggaanka u haya maaha kuwo howl-kar ah sdia kuwii iyaga ka horreeyay,” ayuu yiri Siciid al-Jamhi oo ah madaxa Xarunta al-Jamhi ee Daraasaadka iyo Cilmi-baarista.
Kooxda argagixisada ah, oo xilligan ku jira jiilkoodii saddexaad, ayaa ka leexday waddadii ay u jeexeen labadii jiil ee ka horreeyay, ayuu yiri al-Jamhi, isaga oo intaa ku daray in noocan cusubi uu ku mabay tallaabooyinka colaadaha wata kuwaas oo ururuka ku kallifay in uu lumiyo taageeradii uu heli jiray taasoo ay jiilalkii hore ku xisaabtami jireen.
Al-Jamhi waxa uu sheegay in dokumentiyadii laga helay gurigii Osama Bin Laden ee Abbottabat, Pakistaan ay soo saareen in hoggaamiyihii hore uu diidanaa in xulafada kooxdu ay ku mashquulaan dagaalka ay kula jiraan cadawga gudaha, sida xukuumadaha maxalliga ah, millatariga iyo bar-tilmaameedyada rayidka ah. Taa baddalkeeda, hoggaamiyihii hore waxa uu doonayay in ay diiradda saaraan cadowga dibadda, isaga oo ogaa in weerarrada lala beegsado goobaha maxalliga ahi ay gaagixin doonaan taageerada ay helaan isla markaana ay horseedi doonaan in ay mujtamacyadu faquuqaan.
“Taasi waxa ay muujinaysaa in uu jiray kacdoon looga soo horjeedo hoggaamiyayaasha al-Qaacida, waana calaamad tabar-darro,” ayuu yiri al-Jamhi.
Dibad-baxyadii la socday Kacdoonkii Carbeed ayaa iyaguna door wayn ka cayaaray wiiqankii ku dhacay aydiyoolajiyadda al-Qaacida sababtuna waxay tahay waxa ay soo bandhigeen markhaati muujinaya in ay kooxaha wada mucaaraddada siyaasadeed eeyan u baahnayn in ay maciinsadaan dagaalka, ayuu yiri al-Jamhi.
“Fahamkii ugu horreeyay ee ka soo baxay Kacdoonkii Carbeed waxa uu ahaa in, si ka duwan waxa ay al-Qaacida ku dooddo, dibad-baxyada sida nabadda ah ku dhaca loo adeegsan karo wadiiqo loo maro is-baddalka iyada oo dagaalladuna ayan sii ahaan karin aalad shaqayn karta oo isbaddal lagu xasilin karo,” ayuu yiri.
“In ka badan labaatan sano kadib, al-Qaacida wali ma ayan xaqiijin innaba wax guul ah halka dhallinyaradii feeraha-qaawanayd ee Kacdoonkii Carbeed ay rideen kaligood-taliyayaal isla markaana ay dhiseen oo booskii galiyeen maamullo si dimuqraaddi ah lagu dhisay,” ayuu yiri al-Jamhi. “Taasi waxa ay beeneeynaysaa aragtidii al-Qaacida ee ahayd in dagaalku yahay wadiiqada kaliya ee lagu sameeyn karo is baddalka iyada oo isla markaana meesha ka saaraysa daliil kasta oo ay aragtidaasi ku jiri karto.”
Kooxdu waxa sidoo kale ka dhintay tiro ka mida hoggaamiyayaasheedii waa waynaa, taasoo markeedana isku-dhex-yaac ka dhex dhalisay sufuuftii al-Qaacida, ayuu yiri al-Jamhi.
“Jiilka afaraad ayaa la dhibaatoon doona isku-dheelli-tir la’aantaas, waxaana uu noqon doonaa mid kala daata, kala furfurma isla markaana daciif ah,” ayuu yiri.
Jiilkii ugu horreeyay, oo ay ka mid ahaayeen bin Laden iyo Ayman al-Zawahiri, ayaa ka koobnaa kuwii ka soo dagaallamay Afgaanistaan biloowgii 1980-tamaadkii, dagaalkooduna waxa uu diiradda ku hayay cadowga dibadda.
“Way ka arxam badnaayeen, waxay ku guulaysteen in ay hantaan dareenka shacabka isla markaana waxa ay si toos ah ugu hoggaansanaayeen awaamirta ay soo saaraan hoggaamiyayaashooda,” ayuu yiri al-Jamhi.
Si kastaba ha ahaatee, jiilalkii kaa ka dambeeyay waa ay ka “asluub xumaayeen” kii hore”, sida uu sharxayo al-Jamhi. “Bin Laden waa uu la yaabay in jiilkii labaad ee taageerayaashiisu ay weerari jireen dhuumaha saliidda qaada ee Sacuudi Carabiya oo uu cadawgii gudaha uga qasmay kii bannaanka.”
“Jiilkii labaad ayaa biloowday kadib galitaankii Ciraaq ay gashay Kuwait biloowgii 1990-shameeyadii, wuxuuna ahaa mid ka firfircooni yar kana wax-tar yar kii koowaad,” ayuu yiri. “Waxa ay ku fashilmeen in ay waajahaan cadowga ururka, sababtoo ah olalaha caalamiga ah ee looga soo horjeeda argagixisada iyo sidoo kale iyaga oo aan xiriir dhow la lahayn hoggaamiyeyaashooda.”
Jiilkii saddexaad, sida uu qabo al-Jamhi, waxa uu abuurmay abbaaraha sannadkii 2000.
“Jiilkaasi waxa uu dhaxlay dhammaan akhlaaqiyaadkii jiilkii labaad, waxaana uu markiiba ku booday dagaallo ay kula jireen cadowga gudaha,” ayuu yiri. “Ururku waxa uu ahaa mid meelna awood ku leh meelna daciif ka ah,” ayuu yiri isaga oo xusay in sannadihii u dhexeeyay 2003-dii iyo 2005-tii uu daciif ku ahaa Yemen, laakiin ku xoog badnaa Sacuudi Carabiya.
“Jiilkii saddexaad waxa uu isku dayay in uu weeraro cadowga dibadda, waxana uu qaaday dhowr howl-gal, sida dhoofinta baakadaha bambaysan, haseyeeshee way ku fashilmeen,” ayuu yiri al-Jamhi.
Si kastaba ha ahaatee, kooxdu waxa ay biloowday in ay ku dagaallanto warbaahinta, iyada oo internetka u isticmaashay wadiiqo ay ku soo jiidato taageerayaal waxayan ku guulaysatay in ay qoroto xubno badan oo cusub.
Al-Jahmi waxa uu sheegay in aragti ah kala qaybsanaanta jiileed uu iska yahay wax aan rasmi ahayn, sababtoo ah waxa jira hoggaamiyayaal ka soo jeeda jiilkii koowaad, sida al-Zawaahiri, oo wali si fir-fircoon ula shaqeeynaya xubno dhawaan soo biiray.
Dhinaca kalena, Dr. Axmed al-Daghashi, oo ah cilmi-baare daraasad ku sameeyay kooxaha Islaamiyiinta, ayaa yiri, “in kacdoonkii Carbeed uu kala gooyay xiriirkii fikriyeed ee u dhexeeyay saddexdii jiil ee hore ee al-Qaacida iyo kan afaraad, hadduuba soo baxo.”
Waxa uu sheegay in soo bixitaanka jiilka afaraad uu ku xiran yahay in ay dibad-baxayaasha Kacdoonka Carbeed ay gaaraan ula-jeeddooyinkooda iyo bal in ay muddaaharaadyada u dhaca sida nabadda ah ay meesha ka saari karaan oo baabi’in karaan afkaarta siyaasadeed, dhaqaale, bulsho iyo sababeeynta aydiyoolajiyadeed ee jiritaanka al-Qaacida.
Al-Daghashi, oo dhawaan daabacay buug ka hadlaya manhajka tarbiyadeed ee al-Qaacida, ayaa yiri haddii uu soo baxo jiilka afaaraad ee al-Qaacida, kadib Kacdoonka Carabta, in uu noqon doono mid daciif ah oo kala fur-furan, gaar ahaan dhinaca aydiyoolajiyadda.
Sida uu qabo al-Daghashi, xubnihii jiilkii hore ee al-Qaacida waxa ay gaareen go’aan ah in dhammaan isku dayadii ku aaddanaa in xal loo helo kala saaridda diinta iyo dawladda, hadday ahaan lahaayeen kuwo siyaasadeed, bulsho, waxbarasho, aqooneed iyo dib-u-habeeyn aydiyoolajiyadeedba ay kulligood ahaayeen “maandooriye kaalmaati ah”. Sidaas darteedna, waxa ay ku baaqeen dagaal hubaysan oo deg-deg ah oo lala galo hay’adaha dawlagia ah.
“Jiilkii labaad wuxuu caan ku ahaa isticmaalka waji-duubashada marka ay galayaan howl-gallada, diiraddana waxa ay saari jireen in ay xubnaha ku qortaan iyaga oo isticmaalaya hannaan urur ahaaneed,” ayuu yiri.
Al-Shabaab asal ahaan waxa ay soo ifbaxday sannadkii 2006-dii iyada oo ahayd awood ka soo horjeedda fara-galinta shisheeyaha ee Soomaaliya, laakiin sannadihii dambe waxa ay si tartiib-tartiib ah isugu bedeshay dhaq-dhaqaaq ku xiran afkaarta al-Qaacida, iyada oo Soomaaliya ka fulisay weerarro argagixiso.
“Al-Shabaab waa jiilkii saddexaad ee dagaalyahanada al-Qaacida,’ ayuu yiri Cabdiraxmaan Maxamuud, oo ah falanqeeye iyo cilmi-baare ku takhasusay ururrada xag-jira ee ka jira Soomaaliya.
Maxamuud waxa uu sheegay in baahinta xukunka al-Qaacida uu la macne yahay in kooxaha xulafada ah ay mas’uul ka yihiin qaadista weerarrada argagixiso ee mustaqbalka. “Sidaa darteed, al-Qaacida waxa ay in badan uga tiirsanayd al-Shabaab,” ayuu yiri.
Cabdulqaadir Maxamed, oo ah falanqeeye siyaasadeed oo ku nool Muqdisho, ayaa sheegay in shacbiyadda al-Shabaab iyo taageeradeedii dhaqaaleba ay sii gurayaan.
“Bilaabashadii Kacdoonkii Carbeed ayaa laga yaabaa in uu sii xoojiyay dadaallada socda ee lagu tirtirayo al-Shabaab, iyada oo jaray maal-galintii ay kooxdu ka heli jirtay maal-qabeenka Carbeed,” ayuu ku yiri Sabahi. “Waxa la rumaysan yahay in qaar ka mida maal-qabeenka Carbeed ay taageeri jireen al-Shabaab […] oo markaana biloowgii Kacdoonkii Carbeed uu qayb ahaan jaray lacagtaas.”
“Habka macangagnimadu ku dheehantahay ee ay al-Shabaab ku soo rogtay Soomaalida ku nool meelaha ay ka taliso, weerarrada xooggan ee ay ku dileen dadka badan ee rayidka ah iyo dadaalka heerka gobol ee lagula dagaallamayo dhaqaaqa, dhammaan arrimahaas ayaa keenay in ay kooxdu wiiqanto,” ayuu yiri Maxamed.
Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya William Ruto ayaa sheegay in loo baahan yahay in la ballaariyo Howlg...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khamiistii (16-kii Maajo) waxa uu waraaqaha aq...
Ugu yaraan afar qof ayaa dhintay saddexna waa ay dhaawacantay Khamiistii (16-kii Maajo) markii xa...
Kenya iyo Tansaaniya ayaa Khamiistii (16-kii Maajo) si wadajir ah soohdintooda uga fuliyay howlga...
Cartan Sheekhdoon oo ahaa xubin ka tirsan kooxda xukuumadda la jaalka ah ee Ahlu Sunna wal Jamaac...
Maleeyshiysaad looga shakisan yahay in ay ka yimaadeen Itoobiya ayaa Khamiitii (16-kii Maajo) wax...
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa Khamiistii (16-kii Maajo) waxa uu Wasiirkii ...
Tansaaniya iyo Canada ayaa wada saxiixday heshiis iskaashi oo loo asteeyay in kor loogu qaado isl...
Ciidamada Qaranka Soomaaliya ayaa dilay 13 dagaalyahaniinta al-Shabaab ah Talaadadii (14-kii Maaj...
Xilligii kama dambaysta ahaa ee loo qabtay dadka reer Mandheera in ay ku soo wareejiyaan hubka sh...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo
Faallada akhristaha
waan ka xumahay, laakiin arrin baa jira. Waxaan jeclaan lahaa su’aalaha ku wajahan muslimiinta, alqaacida iyadaa sababtay dagaalkan, markaa maraykanku waa inuu joojiyaa falalka ka dhanka ah muslimiinta, waayo waa muhiim in wakhtigan xaadirka ah arrinkaa la helaa.
Runtii waxaan jecelahay inaan idin waydiiyo su’aashan: yaa aasaasay kooxda al-Aaacida iyo kooxda al-Shabaab? Maxaase loo abuuray, oo yaa dhaqaale ahaan taageera oo hubeeya? Maxay Qaramada Midoobay iyo dalalka afrikaanka ahi ay go’aan ugu gaadhi waayeen inay baabi'iyaan fayraskan ku faafaysa qaaradda Afrika? Waana mahadsantihiin