Juunyo 13, 2012
Ciidamada taraafikada ayaa bilihii la soo dhaafay waxa ay dib u bilbaabeen shaqadoodii ay ka qaban jireen waddooyinka Muqdisho, halkaas oo ayan ka jirin wax samaafarayaal ah ama calaamado ah oo caawiya darawallada.
Waddada Makka al-Mukarama, oo iyadu iku xirta maddaarka iyo aqalka madaxtoyada, ayaa waxaa maalin walba ka shaqeeya hal darsin oo taraafiko ah laga bilaabo 7:00 arroorta illaa iyo 2:00 duhurnimo, si ay u fududeeyaan sharciyada nabad-galyada waddooyihka isla markaana ugu khasbaan muwaadiniinta in ay ixtiraamaan nidaamka iyo akhlaaqiyaadka waddada.
Bilaysku waxa kale oo ay xarummo ka sameeysteen waddooyinka aada Ceelasha Biyaha iyo Afgooye, halkaa oo ay laba todobaad ka hor dib u qabsadeen ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM. Dadka deggan aagaggaas ayaa soo dhaweeyay joogitaankooda kadib 21 sano oo ay maqnaayeen.
“Ciidamada taraafikada ahi waxa ay caawiyaan caruurta, dadka waayeelka ah iyo xitaa ardayda marka ay waddada gooynayaan,” ayuu yiri Cismaan Takar Muuse oo 23-jir ah kuna nool Afgooye. “Bulshaduna waa in ay markooda caawimaad u fidiyaan [bilayska], xitaa dhoolla caddayn wanaagsan allaha ka dhigee marka ay ag-marayaan, bacdamaa intaa shaqaynayaan iyaga oo hoos taagan kulaylka qorraxda si ay u fududeeyaan nolasha muwaadiniinta.”
Cali Muumin oo 43-jir ah, oo taksi ku wadaa Muqdisho, ayaa Sabahi u sheegay in Ciidamada Soomaaliyeed ee taraafikada ay calaamad u yihiin horumarka dalka. “Waa in aannu u fidinnaa taageero maaddi ah iyo mid macnawi ah sababtoo ah ma hubaysna,” ayuu yiri.
Ayuub Wardheere oo ah sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada taraafikada ayaa Sabahi u sheegay in taraafikada howsha ay hayaan ay gacan ka gaysanayso soo celintii nidaamka iyo in ay soo xiraan darawallada jabiya sharciga ee sida qayrul-mas’uulnimada ah u wada gawaarida amaba dhigta meelaha aan sharcigu oggolayn.
“Waxannu gudannaynaa waajibkayaga mihnadeed iyo kan qaran si aannu u soo celinno nidaamkii waddooyin ka maran samaafarayaashii, iyo calaamadihii kale ee waddooyinka, waa saas oo ay tahay xajmiga gawaarida iyo tirada sii kordheeysa ee darawallada aan xirfadda lahayn ee gobolka iyaga oo ka faa’idaysanaya ammaanka soo wanaagsanaaday iyo waliba qurbaawiyiinta dalka ku soo noqonaya,” ayuu yiri isaga oo intaa ku daray in qaarkood ay gawaarida u wadaan si qayrul-mas’uulnimo ku dheehantahay iyaga oo xawaare sare ku maraya xaafadaha dagaanka ah iyo meelaha ay dadku ku badan yihiin.
“Waxannu ilaalinnaa oo aannu diiwaan-galinnaa xad-gudubyada, innaga oo ka jawaabayna waajibkeenna mihnadeed iyo keenna qaran, gaar ahaan xilligan adag ee ay Soomaaliya ay u guurayso nidaam federaalli ah oo buuxa,” ayuu yiri Wardheere.
Cabdinuur Abtidoon, oo ah sarkaal taraafiko ah oo Muqdisho daggan, ayaa Sabahi u sheegay in bilaysaka taraafikadu ay qabtaan gawaarida aan lahayn astaanta sharciga ah ama kuwa ayan lambarradu sida fiican u muuqan ama isku dhex-yaacsan yihiin, dabadeedna ay ku xereeyaan garaash ku yaal degmada Shingaani ee Muqdisho.
Darawallada aan lahayn ruqasadda darawalnimo waxa lagu ganaaxaa 25 doollar, ayuu yiri Abtidoon.
“Ciidamada Taraafikadu waxa ay ka shaqeeyaan waddooyinka oo wax khatar ah kuma hayaan kooxaha hubaysan, jirrida mujrimiinta ah, saas oo ay tahayna dilalka lala beegsadaa waxa ay noqdeen kuwo ku soo badanaya Soomaaliya maanta, waayo waa bar-tilmaameed fudud,” ayuu yiri Abtidoon. “Dadka ku kacaa dambiyadaa, waxa kale oo ay rabaan in ay diraan farriin ah in dawladda ku-meel-gaarka ahi iyo ciidamada ammaanku ayan waxba gacanta ku hayn, maaddaama ayan awoodin in ay ilaalo u fidiyaan dadka oo dhan, sida ammaanka bulshada.”
Xaliima Maxamuud Gacal, waa 30 jir, qaad ku gadda degmada Xamarweyne ee Muqdisho, waxayna sheegtay in bilayska taraafikada ay rajadii ku soo celiyeen waddooyinka caasimadda, inkasta oo ayan haysan wax qoryo ah oo ay isaga difaacaan weerarrada kaga yimaada al-Shabaab.
Agaasimaha Guud ee bilayska Taraafikada Cali Xirsi Barre ayaa sheegay in agaasinku uu waydiistay Dawladda Federaalka Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya iyo beesha calaamka in ay siiyaan gaadiid iyo mootooyin si ay bilaysku ula xisaabtamaan kuwa sharciga jabiya, u soo rogaan ganaax, u qaadaan ruqsadaha isla markaana ula wareegaan gaadiidka aan la diiwaan-galin.
“Gaadiidlaydu waa in ay u hoggaansamaan shuruucda waddooyinka waana in ayan hoonka ku yeerin marka ay agmarayaan isbitaallada, xarunta madaxtooyada, goobaha degaanka ama goobaha la isugu yimaado, marka laga reebo xaaladaha deg-degga ah, waana in ay yareeyaan xawaaraha meelaha ay joogaan carruurta iyo ardayda, iyo waliba isgooysyada,” ayuu yiri.
Barre waxa uu ugu yeeray maamullada uu arrinku khuseeyo in ay dib u dhis ku sameeyaan waddoyinka oo ay rakibaan calaamadihii waddooyinka si ay uga dhigaan meel ammaan ah. Waxa uu sidoo kale sheegay in agaasinku ku tala-jiro in ay dib-u-habeeyn ku sameeyaan astaanta gaadiidka Soomaaliya si ay u fududeeyaan aqoonsiga isla markaana u kala soocaan tagaasida iyo gaadiidka gaarka loo leeyahay. “Waxannu u baahannahay in aan gaadidka ku lambarayno astaamo leh midabyo kala duwan, sida caddaan, hurddi iyo casaan,” ayuu yiri.
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray in ka badan 90 qof kadibmaalin muddaaharaad qof ku dhintay uu ka d...
Kenya ayaa ka codsatay Golaha Ammaanka ee QM Khamiistii (23-kii May) in uu joojiyo dacawadda ay w...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay xaflad ka dhacday Muqdisho Khamiis...
Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee waddamada xubnaha ka ah Urur-goboleedka Horumarinta (IGAD) ayaa is...
Hoggaamiye bulsheedka Maxamed Omar Said ayaa Khamiistii (23-kii May) waxa lagu weeraray aashito h...
Maxakamad ku taal Puntland ayaa todoba qof ku xukuntay dil taas oo ay ku mutaysteen dilkii wadaad...
Hay'adda gargaarka caalamiga ah ee Global Partnership for Education (GPE) ayaa ku dhawaaqday deeq...
Hay'adda ilaalinta xuquqda aadanaha ee Amnesty International ayaa ugu yeertay Kenya in ay ixtiraa...
Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya William Ruto ayaa ballan-qaaday in Xeerka cusub ee Duur-joogta lagu ...
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Khamiistii (23-kii Maajo) waxa uu shaaciyay labadii magac ...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo
Faallada akhristaha
Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan arrinkaa maqlo. Muddo dheer kadib, muqdisho waxay u muuqataa meel sidii hore dhaanta, waxaana taa mahaddeeda iska leh dhamaan dadkii ka shaqeeyay kuna biiriyay muruq, maal iyo waqti intaba, waxaanan mahad u jeedinayaa sidoo kale Sabahi, anigoo uga mahad celinaya siday wararka nooga haqab tiraan ee ay wixii cusub noogu soo tabiyaan.
Waa maansha allah, waan ku faraxsanahay inaan arrinkaa maqlo. Waad mahadsantihiin Sabahi. Calaamadahani waxay ifafaale u yihiin horumaro la gaadhay. Isha allah waxaan rajaynaynaa inay sidaas wax u socdaan, Muqdishona maalin ayuunbay cageheeda ku istaagi doontaa. Mudanayaasha Sabahi maamula iyo tifatirayaasha wararka, fadlan noo soo tabiyay warbixino wanaagsan oo inta ka badan, iskuna daya inaad akhristayaasha ka haqabtirtaan wararka iyo warbixinaha ka hadlaya wixii horumar ah ee lagu talaabsado. Dadka Soomaaliyeed way ka daaleen wararka xun iyo sawirka xun ee laga bixinayo dalkooda, dhammaanteena waxaan jecelnahay inaan maqalno warar wacan.