Xoolaha lagu yaboohay ayaa sii kordhinaya mashaakilka al-Shabaab ka dhex jira, falanqeeyayaasha ayaa sidaa leh

Waxa qoray Maxamuud Maxamed oo Muqdisho jooga

Juunyo 11, 2012

  • 5 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Qaybaha kala duwan ee Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyey in toddobo ka mid ah madaxda ugu sarraysa al-Shabaaab lagu daro diiwaanka dadka Maraykanka uu ugu goobid badan yahay, taas oo ku yaboohaysa in malaayiin doollar lagu siinayo ciddii keenta xog sheegaysa meesha ay ku sugan yihiin, barnaamijkaana waa qayb ka mid ah Abaalmarin Caddaaladeed.

Maraykanka ayaa 7-dii June ku dhawaaqay in uu siin doono ilaa 33 milyan oo doolar ciddii keenta xog ku saabsan meelaha ay ku sugan yihiin toddoba hoggaamiye oo sarsare oo al-Shabaab ah.

Dawladda Federaalka Kumeel-gaarka (DFKMG) ah ayaa sheegtay in lacagahaa dhiirriggelinta uhi ay yihiin tillaabo muhiim ah oo argaggixisada looga horjoogsanayo fursad ay caddaaladda uga baxsadaan.

Lacagta ugu badan ayaa la dul saaray aas aasihii kooxda Axmed Cabdi Aw Maxamed oo sidoo kale loo yaqaan Axmed Godane ama Mukhtaar Abuu Zubayr, iyadoo ay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanku ku deeqday 7 milyan oo doolar oo abaalgud ah ciddii keenta xog ku saabsan meesha uu ku sugan yahay.

DFKMG ah ayaa sheegtay in Godane uu “masuul ka yahay dilka dad rayid ah oo aan waxba galabsan oo lagu laayay Soomaaliya oo dhan, oo ay ka mid yihiin weerarro argaggixiso oo isxig xiga oo ay al-Shabaab ka fulisay waddamada deriska ah.”

5 milyan oo doolar oo kale ayaa looga yaboohay xubnaha kale ee al-Shabaab: Ibraahim Xaaji Jaamac, Fu’aad Maxamed Khalaf, Bashiir Maxamed Maxamuud, iyo Mukhtaar Roobow.

Ilaa 3 milyan oo doolar ayaa looga yaboohay Zakariya Axmed Ismaaciil Xirsi iyo Cabdullaahi Yare.

Maraykanka ayaa al-Shabaab u diiwaan geliyey in ay yihiin urur argaggixiso ah sanaddii 2008-dii, laakiin tani waa markii ugu horraysay ee ay ku daraan hoggaamiyeyaasha dhaqdhaqaaqa Barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda.

Saraakiisha Soomaalia ayaa sheegay in yabooha Maraykanku uu la jaan-qaadayo barnaamijkii yabooha lacagaha ee dawladda Soomaaliya ay ku dhawaaqday April taas ay ku yaboohday in lacago abaalmarin ah oo gaaraysa 500 oo doolar la siin doono muwaaddiniinta soo sheega xog sababta dilka ama qabashada hawl-wadeennada al-Shabaab.

Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Soomaaliya, Maxamed Cali Catoosh ayaa sheegay in lacagta ay Maraykanku ku yabooheen ay kaalmaynayso dagaalka al-Shabaab ka dhanka ah ee ka socda Soomaaliya.

"Dawladda Soomaaaliya ayaa soo dhaweynaysa hindisahan cusub ee ay la timid dawladda Maraykanku, oo garab socda abaalamarinnadii ay ku deeqday dawladda ku-meel gaarka ah,” ayuu Catoosh ku yiri Sabahi, isagoo intaa ku daray in ay al-Shabaab halis ku tahay Soomaaliya iyo bariga Afrika guud ahaanba.

Malleeshiyada Ahlu Sunna wal Jamaaca (ASWJ) ee la jaalka ah dawladda Soomaaliya ayaa iyaguna soo dhaweeyey hindisaha abaalmarinta ah.

"Yaboohan Maraykanku waa tallaabo horumar ah oo ka mid ah dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab,” ayuu yiri Sheekh Cabdulqaadir Soomow oo ah afhayeenka Golaha Sare ee ASWJ, oo la hadlayey Sabahi.

"Lacagta la dulsaaray madaxda sare ee al-Shabaab waxay sii kicin kartaa cabsida saraakiisha al-Shabaab ee la doon-doonayo, waxaanay abuuri kartaa is-aamin darro u dhexaysa madaxda xarakada,” ayuu yiri. “Tani waxay sababi kartaa in uu kala burburo hoggaankeeda haatan la doon-doonayo, oo ay uun ka fikiraan sidii ay u dhuuman lahaayeen una koobi lahaayeen dhaqdhaqaaqa ay bulshada ku dhex sameyn jireen si ay isaga ilaaliyaan in ay muwaaddiniintu aqoonsato."

Soomow ayaa sheegay in madaxda al-Shabaab ay cabsi joogto ah ku sugnaan doonaan – oo ay ka baqayaan xitaa waardiyahooda shaqsiga ah iyo xubnaha kale ee xarakada – iyadoo ay adeegyada sirdoonku isku deyi doonaan in ay madaxdooda dhex galaan.

"Waxaannu qabnaa in bartilmaameedsiga hoggaanka al-Shabaab uu yahay tallaabo muhiim ah waayo dilidda hoggaankooda wuxuu saamayn culus ku yeelanayaa wada-jirka iyo mustaqbalka ee xarakada,”

Cadaadis sii kordhaya oo saaran al-Shabaab

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in xoolaha ay dawladaha Maraykanka iyo Somalia yabooheen ay ku sii biirayaan cadaadiskii sii kordhayey ee saarraa al-shabaab, iyadoo ay guulo waaweyn oo lagu gaaray hawlgallo milliteri ay ka soo hoydeen kooxda al-Shabaab.

"Xoolahan cusub ee madaxa hogaamiyayaashooda la dul saaray waxay u badan tahay in uu cadaadis saari doono al-Shabaab, oo ay weerarro uga imanayaan dhawr furimood oo bartamaha iyo koofurta Soomaaliya ka mid ah,” ayuu yiri Ismaaciil Cabdullaahi oo ah falanqeeye siyaasadeed oo ku nool Muqdisho oo la hadlayey Sabahi.

"Laga billaabo xilligan, madaxda la goobayo waa in ay gadaashooda iyo dhinacyadooda iska eegaan. Waa in ay dadka indhahooda ka dhuuntaan iyo weliba adeegyada sirdoonkaba,” ayuu yiri. “Xitaa haddii aanay tallaabadani keenin in la qabto madaxda al-Shabaab mustaqbalka dhaw, siyaadinta cadaadiska al-Shabaab saarani waa saanmeeye ka mid ah tabta lagu doonayo in xoog milliteri ahaan loo baabbi’iyo dhaqdhaqaaqa.”

Cabdullaahi ayaa sheegay in calaamado diciifid iyo kala qaybsanaan ah ay ka soo muuqanayaan al-Shabaab. Toddobaadkii hore, warbixinno ayaa daboolka ka qaaday in hoggaamiyeyaal al-Shabaab ahi ay ka sii qaxayaan magaalada Kismaayo, oo ah meesha ugu dambaysa ee ay xoogga ku leeyihiin.

Cabdiraxmaan Maxamuud oo ah falanqeeye u kuur-gala kooxaha xag-jirka ah ayaa sheegay in lacagaha lagu yaboohay ay u badan tahay in ay sabab u noqdaan in xubnaha al-Shabaab ay khiyaamaan hoggaamiyeyaashooda si ay lacagta lagu yaboohay u helaan.

"Waxaa jirtay xaalad aad u tuhun badan iyo kala aamin bax dhex galay dadka bartamaha ugu jira maamullada al-Shabaab, waxaanay ila tahay, in lacagtan la saaray ay uun sii siyaadin doonaan mashaqada ka dhex jirta gudaha al-Shabaab ee haatan soo socda,” ayuu Maxamuud u sheegay Sabahi.

"Shaki iigama jiro in ay soo baxayaan laba-jeeblayaal doonaya in ay ka faa’iidaan fursaddan ama ugu yaraan, hawl-wadeennada al-Shabaab – gaar ahaan saraakiisha hoose – in ay isaga tegi doonaan hawsha socota oo ay sheegi doonaan madaxda la goobayo si ay u helaan lacagta uu Maraykanku ku yaboohay,” ayuu yiri.

Maxamuud ayaa amaanay isticmaalka abaalmarinno lacageed oo lagu beddelanayo soo qabashada kuwa ugu mumiimadda badan madaxda al-Shabaaab, wuxuuna arrintan ku sheegay in ay tahay hab wanaagsan oo dadka xogta hayo loogu dhiirriggeliyo in ay isa soo qaddimaan.

"Lacagahaa tirada badan ee uu Maraykanku ku yaboohay ayaa ku dhiirriggelin doona dadka haya xogta ku saabsan meelaha ay ku dhuuntaan madaxda al-Shabaab ee la goobayo ay isa soo qaddimaan." ayuu yiri

Al-Shabaab oo ku jees-jeestay lacagaha yabooha ah

Al-Shabaab ayaan waxba ka soo qaadin yabooha lacagaha ee Maraykanka isla markaana ballan ku qaaday in ay dagaalka sii wadi doonaan.

"Gaalada waxay og yihiin kuwa ay yihiin hoggaamiyeyaasha Muslimiinta ah oo wan-wanaagsan – sababtaa ayayna lacago ugu bixinayaan meelaha ay ku sugan yihiin," warmurtiyeed lagu daabacay websaaytyada xarakada la jaal ah ayaa lagu sheegay, sida ay AFP-du ku warrantay. “Iyadoo qaar ka mid ah hogaamiyeyaasha Muslimiinta ah lagu dilay qorshayaasha caynkaas ah, kuwii kale waxay sii wadaan jihaadka."

Fuaad Maxamed Khalaf oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha al-Shabaab oo ay 5 milyan oo doolar dul saaran tahay madixiisa ayaa ku jeesjeesay abaalmarinta Maraykanka ay ku bixinayaan qabashadiisa. “Waxaan idin hubantisiinayaa in waxyaabaha caynkaas ahi aanay naga joojin doonin in aaanu sii wadno jihaadka aannu iyaga kala soo horjeedno,” ayuu ku yiri barnaamijyo idaacadaha laga baahiyey 9-kii June.

"Ilaa 2006-dii, al-Shabaab waxay sheegatay masuuliyadda dhawr qarax – oo ay ka mid yihiin kuwo ka dhacay bartamaha iyo gobollada dhexe ee Soomaaliya iyo weliba caasimadda Muqdisho,” ayay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanku warmurtiyeed ku tiri 7-dii June. “Kooxda ayaa masuul ka ah dilka kumannaan Soomaali ah oo rayid ah, u ololeeyayaal nabadeed, shaqaale gargaar oo caalami ah, weriyeyaal, iyo nabad ilaaliyeyaal ka socda Midowga Afrika.”

Warmurtiyeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in al-Shabaab weerartay waddanka Ugaandha ee deriska la ah oo isla markaana ay ku hanjabtay in ay weerari doonto masaalixda Maraykanka, kuwa Kenya, iyo kuwa Burundiba.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 14)

Dislike_icon(5)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • mamoud ali
    June 20, 2012 @ 02:47:19PM

    Kooxda alshabaab maalin kastaba way sii daciifaysaa, jabkooduna wuu soo dhowyahay, wuxuuna ku beeganyahay bilaha soo socda. Ciidamada la dagaalamaya kooxaha falaagoobay waxay kusii ruqaansanayaan oo ay rabaan inay qabsadaan dhamaan saldhigyada ay kooxahaasi ku leeyihiin magaalooyinka, waxaanay dhawaaan ciidamada AMISOM qabsadeen mid ka mid ah magaalooyinka ugu waawayn ee ay kooxahaasi saldhigyada ku leeyihiin, sidoo kalena waxay dagaaladaas ku dileen qaar badan oo ka mid ah horjoogayaasha iyo dagaalyahanada kooxahaasi falaagoobay. Kooxda alshabaab saldhigeeda kaliya ee ugu muhiimsani wa magaalada kismaayo, ciidamada Amisom dhamaantooduna waxay haatan diirada ku hayaan saldhigaas muhiimka ah, markay magaalada kismaayo argagixisada ka qabsadaana kooxda alshabaab meel ay u yaacaan amaba isku qariyaan ma helidoonaan. Kooxdan argagixisada ah aad ayaa looga tiro badan yahay, sababtoo ah ciidamada ay la dagaalamayaan waxay kor u dhaafsiisan yihiin 11,000.

  • mujaahid soomaaliyeed
    June 17, 2012 @ 09:18:13AM

    aad iyo aad ayaan uga xuamahay in aad la shaqaysaan gaalada aadna buu buunisaan hadalada gaalada daba dhigataan walaalaha lkn waaaynu idila xisaabtami doonnaaaaaaaaaaaa

  • KAYSE JAAMAC XIRSI
    June 13, 2012 @ 04:52:25AM

    WAXA AAN ODHAN LAHSAS IN LCIQAABO DADKAA NALA TUSAY

  • Hussein Mumin
    June 12, 2012 @ 07:00:32AM

    Kooxda alshabaab iyadaa ka masuul ah diidista la diiday in macawinooyinka la gaadhsiiyo meelaha sida ba’an ay dhibtu u saamaysay, taasoo keentay in kumanaan dad ahi ay dhintaan dadka soomaaliyeedna ay dhibaatoodaan. Kooxda alshabaab waxay kaloo ka masuul tahay afduubista doonyaha isaga goosha Badwaynta Hindiya.

  • somalilander
    June 12, 2012 @ 04:26:50AM

    sidani si maha oo si diineed maha sidani si maha oo si bini adamnimo maha sidani si maha oo si somalinimo maha hadada tihiin somaliya ama reer konfureed horta waxan laydinka jarayaa waa waxaad hore u gasheen waa waxii ada ku samayseen shacabkiina maatadiina madaxdiina iyo culimaa u diinkiina... ka soo bilaw dawladiii habar qabihii siyad bare.. waxuu ku jees jeesay diinta islamka iyo cadaaladeeda waxanu yiri wad ogtihiiin waxuu laayey culimadii cadaynaysay xaqa waxaa joogay somali oo dhan wanay dawanayeen kamanay hadlin tasi waa mid..... mida kale waxay xasuuqday dawladii dadwaynihii iyo maatadi gobolada waqooyi iyaga oo an danbi gallin... wayka soo guubtay waxa soo baxay qabqabla yaal dagaal kuwasina waxay laayeen dadkii shacabka ahaa oo an waxba gaysan. aakhirkii waxay cuqubadii iska soo taba tartana waxay maraysaa indiintii lagu qadhaabto oo laga dhigio mid gacan la gooyo iyo mid qoorta mindidada xolaha lagu bireeyo lagaga gooyo iyo mid carabka la jaro iyo habla yar oo dhagaxyo lagu dili iyo qaar gawadhi shidalka buuxo lagu qarxiyo iyo qaar iyagoo waxbaranaaya laysku qarxiyo oo u olola sida dhirta la shido waxanu leenahay anigoo ku hadlaya dhamaaan afka shacabka somaliland marka 1;... illlahay ha loo soo noqdo 2..somali dulmiga hayska dayso\ 3.dhaqankii ha loo soo noqdo oo hadii la dagalamayo sharaftii uu laha dagal hala ilaliyo oo biri magaydada hal;aga daayo kawanka la sarayo sida xoolah.alshababna midban odhanayaa hadad galo la dagalamaysan ka daaya shacabbka

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada