Juunyo 08, 2012
Taageerayaasha ciyaaraha ayaa si tartiib-tartiib ah ugu soo noqonayay garoonka cayaaraha Muqdisho iyada oo ammaanka soo hagaagaya uu ku dhiiri-galiyay Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed iyo Guddiga Olambikada in ay dib u bilaabaan tartannadii ciyaaraha.
Ciyaartii biloowga ahayd ee tartankii 37-aad ee Horyaalka Kubadda Cagta Soomaaliyeed ee kooxaha heerka koowaad ayaa waxa is arkay kooxaha Elman iyo Badbaado Isniintii (4-tii June) ciyaartaas oo ka dhacday Garoorka Jaamacadda ee Muqdisho. Elman ayaa 3 iyo 1 ku guulaysatay ciyaartaas.
Qabanqaabiyayaasha horyaalka ayaa sheegay in burburkii ammaan ee jiray sannadihii lasoo dhaafay uu in muddo ah hakiyay Tartankii Koobka Horyaalka iyo kii Janaraal Daa’uud-ka.
“Xaqiiqda ah in tartamadii koobabka ay soo noqdeen ayaa ah calaamad ka markhaati kacaysa ammaanka soo hagaagay ee Muqdisho,” sidaana waxa yiri qaban-qaabiyaha Koobka Horyaalka.
Munaasabado badan, ayaa waxa la hakiyay tartamada isboorti ee koobabka duruufo la xiriira xasillooni-darrida iyo duruufaha ammaan ee aadka u xumaaday.
Ka hor intii aan al-Shabaab laga eryin magaalada bishi August ee 2011-kii, xarakadu waxa ay qaar kamida garoommadii ku yiillay goobaha ay ka taliso u badashay xeryo ciidan, waxayna mamnuucday tartammadii ciyaaraha, kuwaa oo ay ku sheegtay wax aan diinta waafaqsanayn, isla markaana aan waxba ugu oollin bulshada.
“Qabanqaabadda dhacdooyinka isboorti iyo abaabul, ee ay ka mid yihiin Koobka Horyaalka, waa arrin ka qayb-qaadanaya xoojinta is-dhex-galka bulsho ee Muqdisho, isla markaana muujinaya in mar labaad ay magalaadu dib ugu soo noqotay xaaladdeedii caadiga ahayd,” ayuu yiri Cabdiqani Siciid Carab, oo ah xoghayaha guud ee Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed. “Kubaddu cagtu waa ay ka badbaadday dhammaan wixii dhibaato ahaa ee ka hor yimid.”
“Iyada oo ay nabaddii iyo xasilloonidii ku soo noqonayso dhammaan daafaha Soomaaliya, ayuu Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta waxa uu ballan-qaadayaa in uu guud ahaan dalka ka qaban-qaabin doono tartanno isboorti oo dheeraad ah, xitaa hadday ahaan lahayd tuulooyinka ugu yaryar, sababtoo ah kubadda cagtu waxa ay xoojisaa is-dhex-galka bulshada iyo wadjirkooda,” ayuu u sheegay Sabahi.
Bishii February, bam ayaa ka qarxay garoonka Minishiibihyo ee degmada Wardhiigley ee bartamaha Muqdisho xilli ay socotay cayaar kama-dambays ah oo tartan maxalli ahayd, kaasoo dilay shan qof oo dhallinyaro ah oo kubadda cagta xiiseeya isla markaana dhaawacay tiro dad ah.
Tartankaas ayaa qayb ka ahaa olalaha wacyi-galineed ee ay Dawladda Hoose ee Muqdisho waddo si ay u xoojiso is-dhex-galka bulshada iyo midnimada magaallada. Inkastoo oo ayan cidina sheegan mas’uuliyadda qaraxaas, haddana dawladda Soomaaliya waxa ay eedda weerarkaa dusha uga tuurtay kooxda al-Shabaab.
Bishii April-na, qarax uu fuliyay qof isa soo miidaamiyay oo lala beegsaday Masraxa Qaranka Muqdisho ayaa dilay Madaxwaynihii Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed Siciid Maxamed Nuur iyo iyo Guddoomiyihiin Guddiga Olambikada Soomaaliyeed Aadan Xaji Yabaroow Wiish. Saraakiisha isboortiga ayaa sheegay in dhimashada labada nin ay dharbaaxo xanuun badan ku ahayd bulshada isboortiga, sababtoo ah dadaalkoodii aan kala go’a lahayn ee ay galiyeen taageeridda iyo horumarinta isboortiga iyo kubadda cagta Soomaaliya.
“Inkastoo ay bulshada isboortiga Soomaaliyeed waayeen laba ka mida hoggaamiyayaashii ugu waawaynaa isboortiga dalka, kadib weerar xanuun badan oo ruxay Masraxa Qaranka bishii April, haddana Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed iyo Guddiga Olambikada Soomaaliyeed waxa ay cusbooneeysiiyeen ballan-qaadkoodii ahaa in ay sii wadi doonaan horumarinta isboortiga iyo dib u bilaabidda dhacdooyinkii isboorti ee dalka,” ayuu yiri Shaafi Muxiyadiin, oo ah mas’uulka saaxaafadda u qaabilsan Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed.
Siddeed kooxood oo ka socda Kooxaha Heerka Koowaad ayaa xilligan ku tartami doona horyaalka, ayuu yiri Muxiyadiin.
Kooxaha ku tartamaya koobka xilligan, ayaa afar kamida waxaa dib loo asaasay kadib sannado badan oo ayan waxba qaban. Kooxahaas waxa ka mida, kooxda ruug-caddaaga ah ee Jeenyo, Kooxda Daalo, Kooxda Bilayska Heegan, Kooxda Dekedda Muqdisho, Kooxda Banaadir iyo Kooxdka Xoogga Dalka ee Horseed.
Taageerayaasha Jeenyo oo iyadu barbar-dhac 1-1 ah la gashay Daalo cayaartii ay isku arkeen Talaadadii, ayaa muujisay sida ay ugu faraxsanyihiin soo noqoshada kooxdan mar ahaan jirtay kuwa ugu caansan uguna cimriga dheer kooxaha.
“Haddaanu nahay dadka jecel kubadda cagta, gaar ahaan taageerayaasha Jeenyo, aad ayaan ugu faraxsanahay in mid ka mida kooxihii hoggaanka u hayn jiray kooxaha kubadda cagta ee dalka ay dib u soo noqoto,” ayuu Aadan Xuseen oo 46-jir ah u sheegay Sabahi.
Waxa uu sheegay in soo noolaanshaha koox u xoog badan sida Jeenyo ay kor u qaadi karto xulka qaranka. “Jeenyo waxa ay ahayd koox adag, waxayna lahayd taageerayaasha ugu badan, marka la barbar dhigo kooxaha kale ee kubadda cagta ee dalka ka jiray xilligaa. Waxaan rajaynayaa in ay dib u soo ceshan doonto maqaamkeedii,” ayuu yiri Xuseen.
“Xaqiiqda ah in tartamadii cayaaruhu mar kale dib ugu soo noqdeed Muqdisho, ayaa kaliya waxa lagu macneeyn karaa in uu ammaankii soo wanaagsanaaday,” ayuu yiri Maxamed Axmed, oo ah qoraa iyo falanqeeye arrimaha isboortiga ah.
“Dhacdooyinkan oo kale ayaa ahaa kuwo naadir ah sannadihii la soo dhaafay, kooxda xag-jirta ee al-Shabaab ee ku sugnayd Muqdishana waxa ay wax aan dhici karin ka dhigeen in la qabto tartannada isboorti oo caynkan oo kale ah,” ayuu u sheegay Sabahi.
Calaamad kale oo muujinaysa sida ay uga soo raysay xaaladda ammaan ee Muqdisho, ayaa boqolaal qof oo isugu jira rag, dumar iyo carruun waxa ay ku soo qulqulayeen xeebaha Muqdisho, gaar ahaan Xeebta Liido, si ay kubad ugu cayaaraan bacaadka xeebgta ama ay u dabaashaan oo ay ugu raaxaystaan muuqaalka Badwaynta Hindiya.
“Dhowrkii sano ee la soo dhaafay, marna kuma fakarin in aan halkan imaado, iyada oo Islaamiyiinta xag-jirka ahi ay dumarka ka mamnuuceen imaanshaha goobaha la isugu yimaado, ciyaaraha, xeebaha iyo dabaasha,” ayay Sabahi u sheegtay Shamso Maxamuud oo ah 28-jir ku nool magaalada Muqdisho.
“Iyada oo labadii bilood ee la soo dhaafhay ay xaaladda ammaanka ee magaaladu soo hagaagayso, ayaa haatan waxa noo suura-galay in aan fasaxa todobaadka nimaanno Xeebta Lido,” ayay tiri. “Dadku marka ay halkan yimaadaan waxa ay dareemayaan farxad iyo ammaan.”
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray in ka badan 90 qof kadibmaalin muddaaharaad qof ku dhintay uu ka d...
Kenya ayaa ka codsatay Golaha Ammaanka ee QM Khamiistii (23-kii May) in uu joojiyo dacawadda ay w...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay xaflad ka dhacday Muqdisho Khamiis...
Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee waddamada xubnaha ka ah Urur-goboleedka Horumarinta (IGAD) ayaa is...
Hoggaamiye bulsheedka Maxamed Omar Said ayaa Khamiistii (23-kii May) waxa lagu weeraray aashito h...
Maxakamad ku taal Puntland ayaa todoba qof ku xukuntay dil taas oo ay ku mutaysteen dilkii wadaad...
Hay'adda gargaarka caalamiga ah ee Global Partnership for Education (GPE) ayaa ku dhawaaqday deeq...
Hay'adda ilaalinta xuquqda aadanaha ee Amnesty International ayaa ugu yeertay Kenya in ay ixtiraa...
Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya William Ruto ayaa ballan-qaaday in Xeerka cusub ee Duur-joogta lagu ...
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Khamiistii (23-kii Maajo) waxa uu shaaciyay labadii magac ...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo
Faallada akhristaha
Anigu soomaaliya aad ayaan ugu faanayaa, waayo hore ayay u socdaan
Kooxda alshabaab waxay aad u adkaysay qorshihii ay xukuumadu ku rabtay inay dhisto dhismayaal u gaar ah ciyaaraha, sida garoomada, sababtoo ah waxa laga cabsi qabaa in ay meelahaas alshabaab qarxiso. Dadka Soomaaliyeed waxay niyada ku hayaan kaliya inay badbaadaan, mana ka fikirayaan ciyaaraha, taana waxa u sabab ah kooxda alshabaab.
Soomaaliya waa dal ay ka baxaan dad maskax leh, laakiin qaar ka mid ah dadkaasi ma aysan helin daryeel iyo kobcin. Dhanka kale, waxaa jira habab badan oo lagu dhiiri galin karo ciyaaraha soomaaliya. Dhalinyarada kuwooda ku wacan xagga ciyaaraha miday doonto ha ahaatee waa in la dhiiri galiyaa, oo la siiyaa wakhti dheeraad ah oo ay ku tababartaan, hadii ay suurto gal tahayna, waa in dhalinyaradaas la geeyaa meelo ay ka heli karaan daryeel iyo horumarin. Habkale oo lagu dhiiri galin karo ciyaaraha soomaaliya waxa weeyaan iyadoo la keeno tabobarayaal niyad u haya shaqadooda xirfadnimona u leh. Waxay tababarayaashani ka masuul noqon doonaan inay ciyaaryahanada soo koraya u fidiyaan talooyin, waxaanay ka caawin doonaan horumarinta xirfadoodu ciyaareed, noocay doonaan ha ahaadaan ciyaarahaasiye.
waaw, magacayga waa abdirahman, waxaanan ugu horeeyn jecelahay inaan idin la wadaago in aan ku faraxsanahay inaan annagu nahay mustaqbalka dalkan, markaa waa inaan nafteena barnaa dhaqanka wanaagsan, iyo kubadda cagta, aniga aad ayaan u jecelahay kubadda cagta, waxaanan rabaa inaan noqdo ciyaaryahan.
Waa ilaahay mahadii, jaarkeenoow.
Ugu dambayn nabad ayaad ku jirtaan, jaarkayaga ilaahay u barya.