Juunyo 07, 2012
Dawladda Soomaliland ayaa ku astaysay Maalinta Degaanka Adduunka oo ahayd Talaadadii 5-ta June 20, 000 oo geed oo lagu beerayo magaalooyinka waa wayn ee gobolka.
Munaasabadda geedo beeridda waxaa soo agaasimay Wasaaradda Degaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga, oo gacan ka helaysa Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay, si dadka dareenkooda looga soo jeediyo xaalufinta degaanka iyo qaababka taas wax looga qaban karo.
Somaliland waxa maalintan looga maamusay sida ugu sarreeysa, sidaana waxa Sabahi u sheegay Maxamuud Siciid Gacamay oo ah Wasiirka Degaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga.
Qaramada Midoobay ayaa waxa ay dabaal-dagga Maalinta Degaanka Adduunka ka biloowday shir ka dhacay Stockholm sannadkii 1972-kii kaasoo khuseeyay arrimaha degaanka. Waxa la xusaa sannad walba 5-ta bisha June.
Munaasabaddii la qabtay Talaadadi ayaa waxa ay isugu keentay saraakiil kala duwan iyo muwaadiniin u dhashay Somaliland hal ku dhagga ah “Qof kastoow ka qayb-qaado beeridda hal geed”. Dadaalka dhiraynta ayaa waxa uu gaaray gobollada Maroodi Jeex, Awdal, Saaxil iyo Togdheer ayuu yiri Gacamay.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Cabdi Axmed Nuur ayaa intii ay munaasabaddu socotay sheegay in wasaaraddiisu ay ku deeqday 50 geed, kuwaa oo lagu tallaali doono dhismaha cusub ee isbitaalka dhalmada oo hadda uu dhismihiisu ka socdo Hargaysa.
Saraakiisha Somaliland ayaa sidoo kale munaasabadda uga faa’idaystay in ay dadka dareenkooda ku soo jeediyaan dhirta sida sharci-darrada ah loo jaro, saamaynta degaaneed ee jaridda geedaha loo jarto sidii dhuxul looga shidan lahaa iyo in ay dadka ku baraarujiyaan habab kale oo ay ku heli karaan tamar.
Gacamay ayaa sheegay in 80 boqolkiiba dadka ku nool Somaliland ay yihiin xoolo-dhaqato nolol-maalmeedkooda uga tiirsan xoolaha.
“Waxan jeclaan lahayn in aan dadka ku nool baadiyaha ku dhiiri-galino in ay dawladda ku taageeraan dhaqan-galinta qorshahan oo ay joojiyaan kuwaas jara dhirta iyo kuwa u jarta dhirta si ay uga dhigtaan ardaa dhul aan loo isticmaalayn beero,” ayuu yiri Gacamay.
Waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in shacabku ka qayb-qaato ilaalinta degaanka oo ay hor-istaagaan kuwaa ku howlan “jaridda dhirta sharci-darrada ah.”
Maxamed Faarax Xirsi oo ah Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Degaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga, ayaa sheegayi n gubidda dhuxusha, dayr ku wareejinta dhul looga gol-leeyahay in naq lagu beero, ballaarinta magaalooyinka, abaaraha soo noqnoqda iyo cimilada is-bad-badasha ay dhammaantood ka qayb-qaataan xaalufka degaaneed ee ka jira Somaliland.
Wasiirka Beeraha Somaliland Faarax Cilmi Maxamuud ayaa ka hadlay munaasabadda halkaas oo uu ka sheegay in geeduhu ay nolasha aadanaha u yihiin shay muhiimad sare leh. Waxa uu sheegay kuwa u jaraya dhirta si ay uga dhigtaan dhuxul ay ka sameeyaan macaash iyo kuwa u jara in ay ku dayraan dhul ay u isticmaalayaan arrimo shakhsi ah ay dambi ka galaan dadka iyo duunyadaba.
“Badi waxa aan cunnno waxay ka yimaadeen dhirta, dhirtuna muhiim bay u tahay in roobku da’o. Markaa waxaanu odhan karaa nololiba ma jirto hadaan dhirtu jirin, waana inagu waajib in aynu ilaashano oo qiimaha uu leeyahay aynu siino,” ayuu yidhi Mohamoud.
Yuusuf Colaad Seed oo ah isu-duwaha Wasaaradda Degaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga u jooga gobolka Maroodi-jeex, ayaa sidoo kale ku baaqay in laga taxaddaro saamaynta ay bini’aadanku ku leeyihiiin degaanka.
“Xaalufka deegaanka Somaliland ka jiraa waxa weeye; mid dadku sababay, kana dhalatay dhirta la shidayo iyo dhulka aan beeraha ahayn ee la oodanayo, halkii ay xooluhu qaadi lahaayeen,” ayuu yidhi Seed.
Gacamay waxa uu sheegay in wasaaraddiisu ay wasaaradda Tamarta kala shaqaynayso, iyada oo maal-galinna laga helayo Bankiga Horumarinta Afrika, in la dhaqan-galiyo siyaasad lagu dhiiri-galinayo isticmaalka shidashada dhuxul-dhagaxa, halkii laga shidanlahaa dhuxusha laga gubo geedaha. Wasaaraddu waxa kale oo ay ka shaqaynaysaa iyada oo gacan ka helaysa Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay, hirgelinta Girgireyaal dhuxusha madhxiya, si taasina uga qayb-qaadato yaraynta dhir-goynta.
Shirkadda fadhigeedu yahay Hargaysa ee SOMGAS ayaa tan iyo sannadkii 2009-kii dhiiri-galisay isticmaalka fursado cunnada lagu karsan karo iyada oo aan la wasakhayn hawada taasoo bedel u ah shidashada dhuxusha iyo xaabada.
Gacamay waxa uu sheegay in xukuumaddu ay canshuur-dhaaf u samaysnayso isla markaana ay taageerto dadaalka ay shirkaddu ku dhiiri-galinayso isticmaalka haamaha gaaska ee lagu karsado cunnada taaso baddal fiican u ah dhuxasha.
“Dadka waxaanu ku wacyi-gelinaa inay haamahan isticmaalaan. Sidaa darteed, dawladdu waxay wadaa sidii isticmaalka dhuxusha loo yarayn lahaa,” ayuu yidhi.
Ma jirto tiro rasmiya oo sheegaysa inta geed lagu jaro Somaliland sannadkii, laakiin Gacamay waxa uu sheegay in kumanaan tan oo dhuxul ah maalinkii lagu isticmaalo Hargaysa.
Togdheer iyo Sanaag ayaa ah goballada lagu jaro geedaha ugu badan, hase yeeshee xukuumaddu waxa ay dajisay tallaabooyin lagu ilaalinayo dhirta. Wasaaradda Degaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga ayaa qorsheeynaysa in ay ilaalo u qorato kaymaha, sida uu sheegay Gacamay.
“Marka aanu ciidankaa xooggan ee gaarka ah hawlgelino sannadkan gudihiisa, waxaanu soo celin doonaa dhul badan (seerayaal) la ootay, waxayna noqon doonaan meelo xooluhu daaqaan,” ayuu yiri Gacamay.
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray xildhibaanka laga soo doorto Iringa Peter Msigwa iyo 60 gnacsade a...
Maxkamad ku taal Boosaaso ayaa dambi ku heshay dabadeedna ganaaxday 78 Iraaniyiin ah Axaddii (19-...
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray15 tuhmane oo lala xiriiriyay dabkii habeeynimadii Jimcaha la qabad...
Kormeeraha Guud ee Bilayska Kenya David Kimaiyo ayaa tirtiray xilkii taliyayaasha bilayska goboll...
Rag hubeeysan ayaa Axaddii (19-kii Maajo) dilay laba qof afar kalena ku dhaawacay weerarro kala d...
Shir la doonayo in looga arrinsado fursadaha saliidda iyo gaaska, maal-gashiga, amniga, iyo kaaba...
Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland ayaa Axaddii (19-kii Maajo) waxa ay tababar soco...
In kabadan 1 milyan oo Soomaali ah ayaa baaqi ku sii ahaan doona "cunno yari" illaa iyo September...
Ergo ka socota Urur-goboleedka Horumarinta (IGAD) ayaa booqday madax ku kala sugan Muqdisho iyo K...
Nin argaggixisonimo looga shakiyay iyo xaaskiisa ayaa toogasho lagu dilay lix askari oo bilayska ...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo