Juunyo 07, 2012
Falsafadda al-Qaacida waxa ay ku dhisan tahay afkaar wax dumis ah, taasoo aan kala soocin kuwa dagaalka ku jira iyo dadka rayidka ah ee sida nabadda ah dhulkooda isaga jooga, xitaa uma aabba yeellaan dumarka iyo carruurta, sida uu qabo Dr. Axamed Maxamed al-Dagshashi, oo ah cilmi-baare Yamani ah oo daraasaad ku sameeya kooxaha Islaamiyiinta ah.
Al-Daghashi waxa uu sheegay in dhibaatada ugu wayn ee kooxda haysataayi ay tahay iyada oo la dirirta qof walba oo si tooda ka duwan u arka afkaartooda, xitaa hadduu yahay Muslim. Xubnaha al-Qaacida waxa ay ku qanacsan yihiin in ay afkaartoodu tahay tan saxda ah, iyo in dhaqankoodu yahay mid waafaqsan sharciga, waxayna u arkaan shakhsiyaadka qaba afkaar ka duwan tooda in ay yihiin baadi.
Al-Daghashi, waa bare tarbiyadda Islaamka iyo falsafadda ka dhiga Jaamcadda Sanca, waxana uu diina Islaamka ka qoray 11 buuk isaga oo sidoo kalena wax ku qora dhowr wargays oo maxalli ah iyo kuwo Carbeed.
Sabahi: Sidee baad u taxliilin lahay hannaanka tarbiyeed ee al-Qaacida?
Ahmed al-Daghashi: Waxay ila tahay qof walba oo si hoose daraasad ugu sameeya falsafadda al-Qaacida, qoraalladooda, qaab-dhismeedkeeda, horumarkeeda, iyo natiijada ay ka gaareen dagaalkooda hubaysan, kaliya waxa u soo baxaya in hannaanka dhaqan ee al-Qaacida lagu tilmaami karo mid burbur ka shaqeeya, oo aan wax dhisin. Waxa uu ku qotomaa doodo iyo asaas khaldan, sida doodda ah in xiriirka ka dhaxayn kara Muslimiinta iyo dadka kale uu kaliya salka ku hayo dagaal oo aanan nabadi ka dhex dhici karin, marka dhan la iska dhigo in ‘dadka kale’ ay yihiin kuwo dagaallamaya iyo in ay yihiin dad rayid ah oo nabad u yaal.
Dhibaatada ugu wayn ee al-Qaacida waxa ay weeye in ay la dagaallanto jiho kasta oo ay u aragto in ay ka afkaar duwantahay, xittaa hadday ahaan lahaayeen Muslimiin. Kulligeen waan la soconnaa wixii ka dhacay, haatanna wali ka socda Ciraaq, halkaa oo dhammaan dadka ay saamayso dhibaatada al-Qaacida ay yihiin dad rayid ah, iyada oo dadka afkaar ahaan ka duwanna ay yihiin dad muslimiin ah oo ayan ahayn gaalo dagaal kula jirta.
Khatarta aydiyoolajiyadda jihaadiyiinta al-Qaacida waa tiiyoo ay ku qanacsan yihiin in fikirkoodu uu yahay mid sax ah, in mawaaqifteedu ay sharci yihiin, iyo in dadka ka soo horjeeda ay yihiin kuwa lunsan oo baadiyoobay. Waa halkan meesha al-Qaacida ay ka dabakhdo mahajkeeda falsafadeed, gaar ahaan marka ay iska fogeeynayso shakhsiyaadka ka horyimaada, si markaa kadib loo banneeysto daadinta dhiiggooda isla markaana loo sharaf dilo.
Sabahi: Maxay al-Qaacida u bar-tilmaameedsataa dhallinyarada iyada oo taa u maraysa tacliinta iyo fikirka?
Al-Daghashi: Makra ay dhallinyaradu ku jirto xilliga ay madaxa la soo kacayaan waa xaalad jahwareer ah, oo ay ku jiraan laba-labeeyn iyo garaad yari ay wax ku kala soocaan. Taas ayaa u fududeeynaysa dhaqdhaqaaq kasta oo siyaasadeed ama fikriyeed in ay si fudud u saamayn karaan. Haddaan u fiirsanno kuwa isku sheega aqoonyahannada al-Qaacida ee heerka gaaray ee ku jira dhalliyarada al-Qaacida, gaar ahaan jiilalkii labaad iyo saddexaad, intooda badan waxay ku jiraan da’aadda 20-tameeyada, taasoo muujinaysa in maskaxdooda lasoo dhisay markii ay madaxa la soo kacayeen kadibna loo dallacsiiyay manaasib hoggaamineed muddo ku siman laba illaa saddex sano gudahood.
Haddii aan soo qaadano taariikh nololeedka Abu Basir (Nasir al-Wuhayshi), oo ah hoggaamiyaha al-Qaacidada Jasiiradda Carbeed (AQAP), ama Qasim al-Rimi, taliyaha millatariga ee AQAP, waxa noo soo baxaya in ay ururuka ku biireen markii ay ahaayeen dhowr iyo toban jirka. Markii ay gaareen 28 illaa 30-jirrona waxa ay kooxda ka tirsanaayeen 10 sano oo ay xabsi ku ahaayeen Afghaanistaan ama meel kale, marka waxa is waydiin leh, goorma ayay wax barteen oo ay kasbadeen aqoonta iyo tayada hoggaamineed ee looga baahan yahay in uu qofku noqdo hoggaamiye diineed oo xeel-dheer?
Waa markii ay madaxa la soo kacayeen iyo sannadihii ka dambeeyay markii ay qabatimeen afkaaraha ku kallifay in ay noqdaan kuwo mayal adag, oo axmaqiin ah, oo aan innaba gorgortan oggollayn illaa iyo heer ay gaareen in aan innaba wax kale saamyan ku yeelan karin oo aan la baddali karin, xitaa haddii la soo hordhigo markhaatiyo la qaadan karo oo laga soo dhiraandhiriyay asal macquul ah, xaqiiqo ah, iyo xitaa Qur’aanka iyo sunnaha Rasuulka Muxamed ah nabad-galyo iyo naxariis kor kiisa ha ahaatee, iyo sidii uu ula dhaqmi jiray kuwa ay fikirka ku kala duwan yihiin. Sidaa darteet, doodda fikriga ah ayaa ah dariiqa ugu wacan ee lagu gaari karo saamaynna lagu yeelan karo.
Sabahi: Maxay salka ku haysaa aydiyoolajiyadda al-Qaacida ee ah in ay burburiso waddamada Carbeed iyo waddamada Muslimiinta?
Al-Daghashi: Fikirka al-Qaacida ee ka dambeeya arrinkaa waxa uu ka imaanayaa xaddiis run ah, balse si khaldan loo tarjumay, oo uu leeyahay rasuulka, “Ka Cayriya Yuhuudda iyo Masiixiyiinta Jasiiradda Carbeed.”
Xaddiiska waa in loo fahmaa ula-jeeddadii laga lahaa iyo duruufihii uu ku yimid. Macnuhu waxa weeye in aynana Jasiiradda Carbeed ka jirin maamullada laba diimood oo tartamaya, inta badan culimaduna waxa ay ku fasiraan macnaha Jasiiradda Carbeed in looga jeedo Xijaas [Maka iyo Madiina] waxayna isku raacsan yihiin in ayan Yamani ku jirin mandaqaddaa juqraafiyadeed.
Haddii aannu xaddiiska u qaadano sida ay ku macneeysay al-Qaacida, xaggee bay markaasi taasi dhigaysaa dhammaan ayaadaha Qur’aanka ah iyo axaadiista nagu baraarujinaya in aan dadka aan rumaysnayn diinteenna ee diimaha kale haysta aan ula dhaqanno si wanaagsan, iyo kalmadda ah ‘ahlu dimmada’ [oo loola jeedo in la xoreeyo dadka aan Muslinka ahayn ee ay ku raaxaystaan ximmaayada Muslimiinta] kuwaa oo uu Islaamku nagu amro in aan ula dhaqanno si xaq ah, taasoo ah mabda’ ka mida awaamirta ugu sarreeysa ee ixsaanka, ee uu alle u tixgaliyo in ay la mid tahay addeecidda waalidka?
Sabahi: Waa maxay asaasiyaadka fikirka tarbiyadeed ee al-Qaacida?
Al-Daghashi: Asaaska ugu muhiimsan ee fikirka tarbiyadeed ee al-Qaacida waxa uu ku salaysan yahay fikirka Salafiga ah, taasoo la xiriirta dhidbiddii ururka, qaab-dhismeedkiisa iyo masdarkiisa aqooneed. Fikirka Salafiga ahi waxa uu u gogol-dhigay asalka aqooneed ee fikirka tarbiyadeed ee al-Qaacida.
Mid ka mida canaasirta Salafiga ah waa hannaankiisa kacdoomeed, nidaamkiisa millatari ee aaminsan in isbaddalku kaliya ku imaan karo iyada oo la isticmaalo awood, iyo in isbaddalka oo lagu raaidyo habab nabad-galyo ay ka dhigan tahay calaaad daciifnimo, is dhiibid iyo khiyaamo.
Cunsur kale oo muhiim u ah fikirka al-Qaacida ayaa waxa uu yahay gaalaysiinta [takfiir], ugana horyimaadaan iyo sida ay u eedeeyaan hoggaamiyaasha aan dabakhin shareecda Islaamka iyaga oo aan wax tixgalin ah siin in ay jiraan sababo aan loo dabakhi karin shareecada. Xitaa haddii la dabakho shareecada, waxay ula muuqataa in ayan ahayn waafi haddiiba ay ka hor imaanayso sida ay al-Qaacida u qiimeeyso qaddiyadaha qaar.
Fikirka tarbiyadeed ee al-Qaacida waxa uu ka koobanyahay in jiilka soo socda loo diyaariyo jihaad, iyada oo taa lagu banneeysanayo magaca alle oo ay dhammaan dadka aan muslinka ahayn yihiin cadaw dagaal kula jira iyo in la hirgaliyo qorshe soocan oo ay fulinayaan kooxo gaar ah kuwaa oo rumaysan dagaalka millatari in uu yahay wadiiqada lagu gaari karo ahdaafta kooxda iyo in ay dadka ku khasbaan aragtidooda u gaarka ah iyaga oo taa ku fulinayo hab dagaal ah iyo khasab.
Sabahi: Maxay al-Qaacida u banneeysataa daadinta dhiigga haweenka iyo caruurta iyada oo la ogyahay in ay taasi ka reeban tahay dagaallada?
Al-Daghashi: Al-Qaacida waxa ay taas sal uga dhigtaa in la banneeyay in la daadiyo dhiigga qof kasta oo taageera xukunka kali-good taliyayaasha aan dalka ku xukumi shareecada Islaamka, iyada oo aan loo eegayn in ay yihiin caruur ama haween.
Waxan rabbaa in aan carrabka ku adkeeyo saamaynta nafsiyeed ee arrinkan iyada oo kuwa caadaystay dagaalka ay daadinta dhiigga u noqotay arrin caadi ah, oo uu waxa kaliya ee ay ka fakarayaanna uu kaliya yahay ula-jeeddooyinkooda, marka dhan la iska dhigo in uu khasraao gaarsiinayo dadka aan waxba galabsan ee rayidka ah.
Xildhibaano Soomaali ah ayaa ka noqday mooshin ay ku codsadeen in ra'iisul-wasaaraha iyo xukuumad...
Xildhibaanada mucaaradka ah ee barlamaanka ayaa xukuumadda ku eedeeyay in ay cabburisay xoriyadda...
Saami dhinaca DNA-a ah oo laga qaaday caday ku jiray boorso wayn oo ay rasaasi ku jirtay lagana h...
Todoba iyo toban Kenyan ah ayaa lagu eedeeyay in ay jabiyeen nabaddii, rabshado iyo in ay si arxa...
Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda in Isniintii (20-kii Maajo) ay madaafiic hoobiyayaal ah k...
Askar ka tirsan guutada Koox-dagaaleedka 9+ ayaa ku noqonaya dhulkoodii kadib 13 bilood oo ay ka ...
Ciidanka Bilayska Kenya ayaa bisha soo socota bilaabi doona xulid buuxda oo lagu kala sameeyo sar...
Isku day dhac oo la fashiliyay oo ka dhacay xafiis ammaan oo uu Wells Fargo ku leeyahay Mombasa a...
Madaxweynaha Ghana John Dramani Mahama ayaa ballan-qaaday taageerada dalkiisa ee ku aaddan xillig...
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray xildhibaanka laga soo doorto Iringa Peter Msigwa iyo 60 gnacsade a...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo
Faallada akhristaha
Been iyo been weeyaan, waayo al-qaacida iyadaa sharaftii iyo maamuusikii iyo meeqaamkii umada islaamka hanatay marlabaad. Bal su’aashan ku qor mareegta Google: waa ayo cida laysa dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan? waxaanad ugaan doontaa xaqiiqada ay yuhuuda iyo saliibiyiintu maskaxdaada ka qarinayaan.
Kooxaha argaggixsada ah ee duliga iyo xaqiirnimada ku sifoobay ma rabaan inay Soomaaliya xasilooni ama nabad ay hesho, sidaasaanay dalalka kale la rabaan. Kooxahani ma rabaan in dadku ay nolol caadi ah ku noolaadaan, waxaanay weceladaasi abaaraan dad aan waxba galabsan, gaar ahaan dadka suuqyada iyo meelaha kale ee dadku ku kulmaan jooga, sida meelaha laga dukaamaysto ama wax laga gato. Ujeedadoodu waa inay laayaan dadka Soomaaliyeed oo ay cidw alba u gacan galiyaan kooxahan argaggixisada ah, waxaasoo falal ahna waxaa ka dambaysa kooxda alshabaab. Kooxahan asalraaca ah ee argaggixisada ahi waxa maskaxdooda ku jiraa afkaar aad u hooseeya, waxaanay leeyihiin ujeedo cad, taasoo ah inay Soomaaliya gacanta kusii hayaan, oo ay laayaan dad badan oo aan waxba galabsan, si ay dadka ugu dhex faafiyaan fawdo oo ay wax kasta gacanta ugu dhigaan.
Ilaahay waxaan ka baryayaa inuu u naxariisto dhamaan shuhadada iyo dadwaynaha rayidka ah ee ku dhintay weerarada argagixisada ah ee kooxda alshabaab ay ka fulisay soomaaliya. Kooxdani waxay laysaa dad soomaaliyeed oo aan waxba galabsan, iyadoo ujeedadeeda kaliyaata ahi ay tahay inay wax disho, oo ay fuliso ajandaha kooxda alqaacida ay u dajisay dalalka caalamka. Kooxda alqaacida waxay alshabaab ka dhigatay wakiil uga wakiil ah oo u fadhiya soomaaliya, si ay gacanta ugu qabato dalka. Run ahaantii, waxay kooxdani ku kacday falal dambiyeedyo badan, xasuuqyo iyo weeraro is miidaamin ah oo lala beegsaday dadwayne rayid ah oo soomaaliyeed oo aan waxba galabsan, xaqna aan loogu lahayn in sidaas ay u dhintaan. Ilaahay waxaan ka baryayaa inuu u naxariisto dadkaas! Waxaanan rajaynayaa inay janadu noqon doonto hoygooda, naartuna ay u sugnaan doonto dadka alqaacida naftooda u gacan galiyay ee afkaar dagaal oogis ah aaminsan kuna biiray kooxda alshabaab. Alshabaabna waa in laga xisaabiyaa xaalada qalafsan ee dadka iyo dalkaba aafaysay ee ay iyagu horseedeen.
Muxuu yahay nidaamka salafigu? Xageebuuse kasoo jeeda asalkiisa?
Anigu waxaan ku adkaysanayaa mawqifkayga aaminsan in shaydaanka shaqadiisu ay tahay dil, tuugo iyo dhiig la daadsho. Dhamaan dadka uu ka faa’idaystay ninkan falaagada ahi waa qaar bilaa naxariis ah haba yaraatee. Dadkani waa dhagar qabeyaal quluubtoodu sida dhigyacabka u adagtahay, taasaana keentay in dadku markii ay waayeen ilaahay iyo naxiriistiisaa iyo nimcadiisa balaadhan inay mashaakil la kulmaan. Ilaahay uma baahna inay cidi daafacdo, waayo isagaa awood iyo quwad u leh inuu isdaafaco, dadka iimaanka dhabta ah leh ee la dagaalamaya quwadaha sharka iyo mugdigana sidoo kale ilaahay wuu daafacaa. Laakiin shaydaanka shaqaalihiisu waxay dagaal kula jiraan dadka ilaahay iyo dad aan waxba galabsan, kuwaasoo ah dumar, caruur iyo cirroole intaba.
Labada kooxood ee argagixisada ah ee alshabaab iyo alqaacida, oo afrika iyo bariga dhexe ka kala jira, waxa ka dhexeeya isu ekaansho. Labadan kooxood waxay wadaagaan fikrado isku mid ah, sababtoo ah waxay rabaan inay dalalka aduunku ay isku dhiibaan oo ku dhaqmaan shareecada islaamka iyo waxa diintu dhigayso. Dhibaatada ka taagan fikradaha laga soo dheegtay diinta islaamku waxay tahay fikradahaasi waa qaar lagu ciyaaray oo la badalay, si loogu shaqaysto, taasii ka dhigtay afkaarta kooxahani xambaarsanyihiin qaar aad u xag jira oo cagajuglayn badan dadka ku haya, gaar ahaan dumarka. Labada kooxoodba waxay aaminsanyihiin inay jihad kula jiraan dadka diidaan in la raao kitaabka quraanka ah, waxaa kaloo ay rumaysan yihiin in xalka kaliya ee wax lagu sixi karaa uu yahay in cadawga la dilo. Xidhiidh kale oo aad u cad oo labada kooxood ka dhex jira ayaa isna ah taageerada ay kooxda alshabaab ka helaan kooxda alqaacida, halkaasoo kooxda alqaacida ay siiso hub iyo dagaalyahanno, kuwaasoo lagu adeegsado fulinta dambiyada iyo dhagaraha ka dhanka ah bini’aadamka. Dhagaraha ay labada kooxood galaan waa qaar isku eeg, taasoo macneheedu yahay inay labada kooxood ay isku qadiyad iyo isku fikir argagixisnimo ku dhisan ay aaminsan yihiin.
Doodani waa dood wax ku ool ah, laakiin anigu waan kasoo horjeedaa hadalkan: “kooxda alqaacida waxay ogolaataa weerarada, iyadoo ku andacoonaysa in cid kastoo taageerta kaligood-taliyayaasha aan dalalkooda ku dhiqin shareecada islaamku waxay mutaysteen inay dhintaan, xitaa hadday ciddaasi yihiin carruur ama dumar.” Kooxda alqaacida waxay dishaa cid kasta oo kasoo horjeedsata fikirkeed, ee kuma koobna dilkooda cidda aan wax ku xukumin shareecada islaamka. Tusaale ahaan, waxaynu ogsoonahay in dhamaan dadkii ku le’eday dalka soomaalay aysan iyagu ku lug lahayn wax ku xukumida shareecada, sababtoo ah dadkaasi waxay ahaayeen dumar iyo caruur. Qaybtani waa qayb ka mid ah bulshada, oo aan iyada aysan waxba ka qusayn siyaasada iyo dadka talada haya.
Haddii aan maqaalka si wacan u fahmay, Dr. Al-Daghashi waa mid ka mid ah dadka loogu yeero culimada islaamka, laakiin waxa i jah wareeriyay sida uu isugu dayay inuu kooxda falaagada ah ee alshabaab ku xidhiidhiyo manhajka salafka ah. Markaa anigoon rabin inaan wax badan meesha ku qoro, waxan idiin soo jeedin lahaa inaad isku daydaan inaad fahantaan asaaska caqiidada ay haystaan dadka taabacsan manhajka salafka saalixa ah (Ahlu sunnah Wal Jamaaca) kahor intaydaan dadkaasoo kale weerarin oo aydaan alqaacida ku xidhiidhinin. Hadii uu digtoorkani yahay nin cilmi baadhis sameeyay, waa inuu markaa cilmi baadhis dheeraad ah sameeyaa. Waa inaad is waydiisaan marka hore kooxda alqaacida ma salafi baa mise maaha. Hadii alqaacida ay koox salafi ah ay tahay, maxay imaamyada iyo mashaayikhda waawayn ee salafiyiintu ay kooxda alqaacida u dhaleeceeyaan oo ay ugu tilmaamaan koox khawaarij ah?